25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Madaweyne Lafta-Gareen oo ku sii jeeda magaalo Al-Shabaab go’doon ugu jirta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lata Gareen) ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku sii jeeda magaallada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo ay go’doomiyeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkiisa & xubno ka socda hay’adaha Samafalka.

Sidoo kale waxaa shalay Xudur gaaray wafdi kale horudhac u ah safarka madaxweynaha Koonfur Galmeed ee magaaladaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyeyey, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan laga dareemayo halkaasi.

Ujeedka safarkan ayaa ah mid lagu soo qiimeynayo xaaladda adag ee ka jirta magaalada Xudur oo muddo go’doon ugu jirta dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada ayaa ah xilligan mid aad cakiran, iyada oo uu sare u kac baahsan ku yimid qiimaha Maciishadda.

Socdaalkan ayaa ku soo aadayo, iyada dhowaan shacabka ku dhaqan degmada Xudur ay dhigeen dibad-bax ballaaran oo ay uga cabanayaan xaaladda adag ee magaaladaasi.

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda

0

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka la dhiibtay ee doorashada dalka Uganda oo ay isku hayaan Yoweri Museveni & Bobi Wine.

Guddiga doorashada Uganda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhowaaqaan cidda ku guuleysatay doorashadan oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday dalkaasi.

Codadka la tiriyey saddex meelood labo codadkii la dhiibtay waxaa ku horreeya Madaxweyne Yoweri Museveni oo helay 62% halka Bobi Wine uu heysto 35%.

Dhinaca kale xaaladda dalka Uganda ayaa ah mid cakiran, iyada oo ciidamo badan la dhigay waddooyinka qaar, gaar ahaan guriga Bobi Wine oo si weyn uga soo horjeeda dowladda, kaas oo shaaciyey inay jirto wax is daba-marin ku aadan doorashadaasi.

Sidoo kale guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay eedeyntaasi ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo inuu jiro illaa iyo hadda musuq-maasuq la sameeyey.

Museveni oo 35 sano hayey xukunka ayaa ku dhow in mar lixaad loo doorto xilka madaxweynaha ee dalka Uganda isaga oo haatan ku horreeyo codadkii la tiriyey.

DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo noociisa lagu sheegay qarax Miino.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Xamar-jajab, mana cadda weli khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale lama xaqiijin weli cidda lala beegsaday qaraxaas oo sida aan xog hor dhac ah ku helanay ahaa mid miino.

Weli ma jirto cid faahfaahin ka soo saartay qaraxaan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hasa yeeshee wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.

Trump oo Soomaali badan soo masaafuriyey maalmo ka hor inta uusan xilka ka degin

Minnesota (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump waxaa dalka Soomaaliya dib loogu celiyay oo la masaafuriyay boqollaal Soomaali ah, waxaana mar kale shalay lasoo celiyey tiro kale.

Waxaa shalay laga soo duuliyay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka 70 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo noqonayaa tiradii ugu badneyd ee bishan gudaheeda uu Mareykanka uu dib ugu soo celiyo dalka.

Maxamuud Muuse Xasan oo ah u doode u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Soomaaliada Mareykanka ayaa sheegay inay dadaalo badan ka sameeyen arrintaas, hase yeeshe ay ku guul dareysteen.

Waxa kale oo uu xusay in xukuumadda Trump aysan dhag jalaq u siin dalabo ay ku hor joogsanayeen dadka Soomaalida ah ee dalka dib loogu celinayay, kuwaasi oo ay ugu dambeeyen dadkii shalay dib loo celiyay.

“Dadka la celiyay badankoodu waa rag, kumana jiraan haween iyo caruur, waxaana ku jiray dad sharcigii lagala laabtay oo shaqeysan jirey” ayuu yiri Maxamuud Muuse.

Dadka uu Mareykanku uu dib ugu celiyay dalka ayaa waxa sidoo kala dad dambiyo fudud galay, waxayna celintooda qeyb ka tahay arrimo uu Donald Trump ku galay ololahiisa doorashada.

Maamulka Trump, oo xilka ka degaya 20-ka bishan Janaayo, ayaa dad badan oo kumanaan ah dib ugu celiyay dalalkoodii, kuwaasi oo ay kamid yihiin  Soomaalida shalay dib loogu celiyay dalka.

Mahad Salad oo ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay weerar ay xalay Al-Shabaab kula wareegtay deegaanka Ceeldheere, oo 30KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca deegaanada Galmudug.

Mahad Salaad ayaa sheegay inay sarre u kaceen weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada Galmudug, kuwaasi oo dhibaatooyin xoogan ku haya bulshada deegaanadaas.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in laga difaaco Galmudug weerarada ay dagaalyahanada Shabaab kusoo qaadayaan iyo dad uu ku sheegay danaystayaal ku hoos duugan.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran.

Galmudug waa in laga difaaco Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan!

Muddo labo bilood ah Al-Shabaab waxay weeraro joogto ah ku hayaan Degmooyin iyo Tuulooyin kamid ah Gobolka Mudug sida Bacaadweyne, Caad iyo Camaaro, waxayna soo gaareen agagaarka Wisil, dadkii deegaanadaas degganaa waa barakiciyeen, ceelashii iyo tuulooyinkiina waa ka dumiyeen.

Sidoo kale xalay waxay qabsadeen Ceeldheere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta GURICEEL iyo Dhusamareeb, 20 km dhanka galbeed ka jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Degmada Matabaan xalay ciidamo ayay soo dul dhoobeen. Sidoo kale waxaa dib u soo laabtay isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood.

Weerarka Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug, Isbaarooyinkii maleeshiyaadka ee dib u soo laabtay iyo Habacsanaanta maamul iyo amni ee Galmudug ka jira dhamaantood waa arrimo isbiirsaday halistoodana leh. Waxaan ku talinayaa dadka reer Galmudug in ay isku tashadaan loona diyaar garooba ka difaac dadka iyo deegaanada Galmudug kooxaha Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan.

Hon. Mahad Salad

Magacaabista safiirada iyo ololaha doorashada – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayay inay shalay ansixiyaan Safiirradii ugu badnaa ee abid hal mar lawada magacaabo, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 15 Safiir.

Ansixintan ayaa sidoo kale dib loo dhigay todobaadkii hore kadib muran ka yimid awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee afar beelood iyo bar (4.5).

Safiirradan ayaa la filayaa in loo magacaabi doono dalalka Sudan, Hindiya, Kenya, South Sudan, Biljamka, Sacuudiga iyo Imaaraatka, waxa ayna barabixin doonaan safiirro kale oo hadda magacaaban.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay ugu magacaabay Salaad Cali Jeelle Safiirka dalka Jabuuti, halka Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale waxaa jira Safiirro ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirrada oo ay soo diideen dalalkii loo magacaabay halka kuwa kalena aan weli lagu qorinin safaarrado.

Danjirayaashan ayaa u badan Siyaasiyiin aan hore uga tirsanayn Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ku yimid magacaabid siyaasadeed kuwaas oo si weyn ugu dhowaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Falan-qeeyeyaasha siyaasadda ayaa u arka in magacaabistan ay la xiriirto ololaha dib-u-soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo sidoo kale ku tilmaamay in ay ka hor imaanayso qodobka 11-aad ee Sharciga Shaqaalaha Arrimaha Dibedda ee uu Ansixiyey Baarlamaanka 2013.

Sharcigaas ayaa dhigaya in tirada danjirayaasha ku imaanaya Magacaabista Siyaasadeed in aysan ka badan karin 10% Danjirayaasha magacaaban, midaasi oo ay gees martay dowladda. 

Magacaabista diblomaasiyiintan ayaa grbi ahaanba ku jirin miisaaniyad sanadeedka loo ansixiyey xukuumadan taas oo ku keenaysa dib u dhac howl-gelinta safiiradan cusub.

Maxkamadda ciidamada oo soo saartay amar culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee darajada Koowaad, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo saaray amar culus oo la xiriira maleeshiyada dilalka qorsheysan ka fulisa gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiye Shuute ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya faray inay qaadaan howl-galo ka dhan ah maleeshiyadaas, oo marar badan dilal ka geystay gobolkaas, kuwaasi oo baxsad ka ah gacanta dowladda.

Sidoo kale waxa uu amar ku bixiyey in cadaalada la horkeeno maleeshiyadii ka dambeeysay dilkii dhawaan kooxahaas ugu geysteen dad shacab ah deegaan hoos yimaada degmada Balanbale, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay shan qof.

Shuute ayaa waxa kale oo uu ciidamada ku buuriyay inay gacan weyn ka geystaan sidii sharciga loola tiigsan lahaa maleeshiyo hubeysan oo iyaguna dhawaan dilay lix sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in dowlad Soomaaliya ay ku howlan tahay hirgelinta ciidan cusub oo uu sheegay inay maxkamaddaha dalka kala shaqeyn doonaan soo qabashada dambiilayaasha.

Ciidamada oo uu sheegay Shuute ayaa waxay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa shaqsiyaadka baxsadka ah, kuwaasi oo muddo badan ku qaadata laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada UGANADA iyo cidda hoggaamineysa

Kampala (Caasimada Online) – Dadka reer Yuganda ayaa shalay u codeeyay qofka ku habboon Madaxweynaha Dalka Uganda oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha Xafiiska Joogta tan iyo 1986-dii ee Yoweri Museveni & fannaanka da’da yar ee Robert Kyagulanyi oo ku magac dheer Bobi Wine.

Internetka ayaa hawada laga saaray si aan loo qasin Doorashada, Dowladda ayaa ciidamo dheeraad ah dhigtay waddooyinka muhiimka ah iyo meelaha laga cabsida qabo in ay ka bilawdaan isku dhacyo salka ku haya Doorashada.

Codadka ilaa haatan la tiriyay waxa ay wararku sheegayaan in uu ku horreeyo Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Yoweri Museveni, waxaana si horudhac ah saakay uu guddiga doorashada gacanta ku haya uu shaaciyay in Kaguto uu ka codad badan yahay Wine.

Museveni ayaa helay 1,536,205 (Hal Milyan, Shan boqol, Soddon & lex kun, labo boqol iyo shan) codad ah oo u dhigma (65.02%), halka Robert Kyagulanyi (Bobi Wine) uu heysto 647,146 (Lex boqol, afartan & todobo kun, Boqol, afartan & lex) cod (27.39%), waxaana laga soo uruuriyay ilaa 8,310 oo goobaha codbixinta ah.

Guud ahaan goobaha la dhigay Sanaadiiqda Cod-bixinta waxa ay gaarayaan 34, 684, waxaana ku socda tirinta iyada oo si horudhac ah Guddiga Doorashada uu usoo gudbinayo natiijada, halka kala marayo & boqolley ahaan inta ay kala heystaan labada Musharax.

Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa horay usii sheegay in natiijada loo diri doono xarunta tirinta codadka iyada oo intenet-ka guud ahaan dalka laga demiyay dalkaas, waxaana laga cabsi qabaa in isku dhac uu dhexmaro taageerayaasha labada musharax natiijo shaacinta kadib.

Simon Byabakama oo ah Madaxa guddiga ayaa sheegay in ay adeegsanayaan hannaan gudaha ah oo lagu gudbinayo natiijada, balse ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo la xiriira qaabka ay xogta isugu gudbinayaan iyaga oo aysan adeegsaneen Internet.

Madaxweynaha Uganda ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada gaarka u tababan ee Booliiska ka saaray Soomaaliya, waxaana ay ku jiraan diiwaanka Ururka Midowga Afrika, ujeedka ciidankaas laga leeyahay waxa uu ku tilmaamay mid lagu xakameynayo ammaanka goobaha Doorashada.

CC Shakuur oo soo jeediyey in afar arrin dartood loo sii daayo Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku baaqay in lasii daayo Mukhtaar Roobo oo in ka badan 2-sanadood u xiran dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu aaminsan yahay in Mukhtaar uu qeyb libaax leh ka qaadan karo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabo gobolka Bakool halkaas oo ay ka jirto qeylo dhaan ay dirayaan shacabka magaalada Xudur.

Hogaamiyaha wuxuu qoraal soo dhigay bartiisa Facebook wuxuuna ku baaqay in dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay sheegayanaan shacabka gobolka Bakool.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Argagexisada Al-Shabaab waxay sanado badan go’doon ku hayeen deegmooyinka Xuddur iyo Waajid. Waxey ciqaab wadareed ku hayaan shacabka deegaankaas, iyagoo gubaya gawaarida raashinka daruuriga ah deegaanka u wada.

Maalmo ka hor waxey gubeen ceel ay biyaha ka cabaan shacabka Bacaadweyne. Cadawtinnimada argagexisada Al-Shabaab waxay gaartay heer ay shacabka nolosha u diidaan. Waxaan ku talinaynaa:

1- In qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada ay qaylodhaan ka muujiyaan ficilkan gurracan.

2- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waa in ay hormuud u noqoto abaabul dadweyne iyo mid culays lagu saarayo Dowladda Federaalka iyo AMISOM in ay u istaagaan hawshaan oo ay masuuliyadooda qaataan.

3- Dowladda waa in ay deegaankaas u dirtaa ciidanka ay deegaannada nabadda ah u direyso, oo ay doonayso in ay doorashooyinka ku boobto.

4- In Sheekh Mukhtaar Roobow xabsiga laga sii daayo, si uu hormuud ugu noqdo la dagalaanka cadawga Al-Shabaab ee deegaankaas, maadaama uu tabtooda yaqaanno.

BEESHA CAALAMKA oo muujineysa awooddeeda siyaasadda SOOMAALIYA

0

Waxaa wali taagan is-mari waaga la xiriira hannaanka doorashada Soomaaliya, xilli uu waqtiguna aad usoo dhawaanayo, laakiin garabyada mucaaradka ayaa u arka beesha caalamka in ay tahay rajada kaliya ee xal lagu heli karo.

12-kii bishan ayaa war saxaafadeed ay beesha caalamka soo saartay lagu sheegay in saaxiibbada Soomaaliya ay ka walaacsan yihiin khilaafka ka taagan hirgelinta hannaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ay ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxaa kale oo ay beesha caalamka ay sheegeen in heshiiska 17-kii Sebtember uu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021-ka.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya – ee uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble – ayaa dhankeeda sheegtay in lagu guda jiro howlaha doorashada, iyadoo u muuqata in aysan dhag qalaq u siineynin tabashooyinka ay qabaan dhinacayada mucaaradka.

Labo ka mid ah shanta maamul goboleed ee hoos yimaada federaalka Soomaaliya (Jubbaland iyo Puntland) ayaan ka dhex muuqanin hannaanka doorashada, inkastoo saddexda maamul goboleed ee kale (Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed) iyo gobolka Banaadir ay xukuumadda federaalka la safan yihiin.

Xisbiyada Mucaaradka waxyaabaha ay ka cabanayaan waxaa ka mid ah qaabka doorashada looga fulinayo deegaannada iyo waliba xubno ka tirsan guddiga doorashada oo ay u arkaan in aysan caddaalad sameyn karin.

‘Beesha Caalamka ayaa awalba ahayd Maxkamadda Dastuuriga ah ee Soomaalia’

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, kana mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in meesha kaliya ee ay hadda u noqon karaan ay tahay beesha caalamka.

“Haddii Ra’iisul wasaarihii doorashada qabanayay intaan la kulmay aan ku balannay in xal la gaaro uu markii dambena lasoo istaagay horaa loo soconayaa, doorasho kala dhiman ayaa la qabanayaa, oo dowlad goboleedyada Puntland iyo Juabbaland ka maqan yihiin, oo musharraxiintii tartamayay aysan ku qanacsaneyn. Haddii madaxweynihi aan la arkeynin, oo la mqleynin, adeerow dalkaas beesha caalamka ayadaa awalba maxkamad dastuuri ah ka ahayd, ciidankeeda ayaa jooga oo dadkan kala haya, annaga beesha caalamka ayaan garnaqsigeenna geynay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan la qaatay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada qaarkood, halkaasoo ay ka maqnaayeen labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland.

Kulankaas gabogabadiisa ayuu Rooble ka yidhi: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in xukuumaddu ay maalmahan dambe dadaal galisay sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaanshaha ku saabsan arrimaha doorashooyinka. waxaan horay u ballan qaaday inaan dalka gaarsiinayo doorasho jawi nabdoon ku qabsoonta, dadaallo ayaan u sameynay xallinta khilaafka, sidaas darteed xukuumaddu waxay go’aansatay in la billaabo hirgalinta doorashooyinka si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cadi Kaariye “Qooq Qoor”, oo isku ku howlanaa dadaallada isu soo dhaweynta dhinacyada kala aragtida duwan, ayaa sheegay in madaxda federaalka “ay dhankooda xal diyaar u yihiin balse ay la yihiin cid la xaajoota”.

“Dadaalladii dhexdhexaadinta ahaa ee aan waday markii aan madaxda Qaranka mowqifkooda tanaasulka ah u gudbiyay dhinacydaii tabashada watay wali wax jawaab ah kama hayo saaxiibbatey Puntland iyo Jubbaland. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in dowlad goboleedka Galmudug ay sameysay intii karaankeeda ah si dalkan loo gaarsiiyo hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay si horay loogu wado dowladnimada iyo dimuqraaddiyadda dalka,” ayuu yidhi Qoor Qoor.

Beesha Caalamka maxaa ka dhigay meesha xalka loo raadiyo?

Su’aalaha mar walba la isweydiiyo waxaa ka mid ah kaalinta beesha caalamka ee Soomaaliya. Wakiillada Beesha Caalamku ma garsoor ayey yihiin Soomaalida?

Barfasoor Afyare Cilmi, oo wax ka dhiga jaamacadda Dooxa ayaa BBC-da la falanqeeyay doorka ay beesha Calamka uga jirto arrimaha siyaasadeed iyo mustaqbalka Soomaaliya.

“Hannaanka dowladeed ee Soomaaliya hadda sida uu u sameysan yahay waa in caqliga, cududda iyo dhaqaalaha intaba ay bixiso Beesha Caalamka, sidaas awgeedna mar kasta lagama maarmo taladooda iyo go’aannadooda. Dowladda beesha ka jirta waxay ku dhisan tahay ciidan shisheeye, dhaqaalaha miisaaniyadda ku jira marka laga soo tago AMISOM 70% waxaa bixiya deeq bixiyeyaasha, sharciga beesha caalamka oo kaliya ayaa lagu wada joogaa,” ayuu yidhi Afyare Cilmi.

8-da bisha February ayuu qorshuhu ahaa in ay Soomaaliya ka dhacdo doorashada madaxweynaha, balse lama oga sida ay ku hirgali doonto iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin, beesha caalamkuna ay ku talineyso in xal la helo doorashada ka hor

Isha: BBC Somali

Safiirkii hore ee Mareykanka ee Somalia oo soo jeediyey qorshe la xiriira Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa loo soo jeediyay inay si deg-deg ah qunsuliyad uga furato magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, taasi oo kor u qaadeysa xiriirka labada dhinac, sida uu sheegay Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya.

Amb. Stephen M. Schwarts, oo ahaa safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2016-kii iyo 2017-kii ayaa dalkiisa u soo jeediyay dalabkan, oo meel ka dhac ku noqonaya qaranimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan.

Stephen ayaa qaba in Mareykanka uu Midowga Afrika kala shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa wax uu ku sheegay meeqaamka Somaliland, isagoona carabka ku adkeeyay in lagama maarman tahay in madaxweynaha xiga Farmaajo uu ka midha dhaliyo wada-hadalada Somaliland.

“Masaafadda iyo inay ka fog tahay Muqdisho, Maraykanku waa inuu Somaliland ka samaystaa Qunsuliyad, si ay u caawiso muwaaidniinta Maraykanka, Ganacsiga iyo in la dhiso xiriirada” ayuu ku yiri Stephen qoraal dheer oo uu arrintaas kaga hadlayay.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay sidoo kale kala shaqaysaa midowga iyo dhinacyada kaleba in la xalliyo meeqaamka Somaliland, iyadoo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya (Madaxweynaha Farmaajo xiga) lagu dhiiri-gelinayo inuu sameeyo Wada-hadallo deg-deg ah oo macno leh.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka ay siin karto xulashooyin istaraatiijiyadeed oo faa’iido leh xiriirka Somaliland oo kor loo qaado, marka loo eego deganaanshaha Somaliland iyo halka ay ku taallo, gaar ahaan dekedda Berbera oo marin muhiim ah.

Soo jeedintan ayaa sii xoojinaysa mid uu hore Mareykanka ugu soo jeediyay Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Mareykan ah oo ka tirsan Machadka (AEI), inta badana u dooda madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

Rubin ayaa Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka u soo jeediyey inay u deg-degto sidii ay qunsuliyado uga furan lahayd Magaalooyinka ay Hargeysa ka mid tahay wixii ka dambeeya bisha January ee 2021-ka oo uu talada Mareykanka la wareegayo Joe Biden.

Madaxtooyada K/Galbeed oo beenisay qoraal looga faafiyay baraha bulshada

0

Baydhaba (Caasimadda Online) – Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa beenisay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay iney soo saareen kuna saabsan arrimaha doorashada.

Warqadda la faafiyay waxey qireysaa in madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu diiday inuu qabto doorasho aan heshiis lagu aheyn, waxaana lagu sheegay in maamulka uu ka laabtay go’aankii uu markii hore dowladda la gaaray.

Madaxtooyada waxey soo saartay war qoraal ah oo arintaas ku saabsan, waxeyna beenisay in warqadda baraha bulshada la isla dhexmarayo ay tahay mid been abuur ah.

Arintaan waxey ka dhigan tahay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay qaban doonaan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Warqadaan ayey dadka kusoo aadiyeen iyadoo shalay ay magaalada Bayhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka ay ku kulmeen ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

WARQADDA LA BEENIYAY HALKAAN HOOSE KA AKHRISO:

Wararkii ugu dambeeyey muranka doorashada iyo B/Caalamka oo la filayo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, taasi oo mareysa meel xasaasiy ah tan iyo markii guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ay ku dhawaaqeen doorasho hal dhinac ah.

Dadaal badan oo laga galay xiisada ka dhex aloosan dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxaana gebi ahaana istaagay dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa ilaa hadda ku muransan hanaanka doorashada, iyada oo mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada ee dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay xiriirkii hogaamiyeyaasha dhinacyada isku haya doorashada, midaasi oo ka dhigtay in dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee madaxda dalka uu istaago.

Muranka doorashada ayaa u muuqda mid ka go’aan gaaristiisa loo daayey beesha caalamka oo dhowr jeer ka digtay doorasho hal dhinac ah, iyada oo madaxda dowladda federaalka culeys ku saartay inay qabato doorasho ay u dhan yihiin saamileyda siyaasada.

“Haddii Ra’iisul wasaarihii doorashada qabanayay intaan la kulmay aan ku balannay in xal la gaaro uu markii dambena lasoo istaagay horaa loo soconayaa, doorasho kala dhiman ayaa la qabanayaa, oo dowlad goboleedyada Puntland iyo Juabbaland ka maqan yihiin, oo musharraxiintii tartamayay aysan ku qanacsaneyn. Haddii madaxweynihi aan la arkeynin, oo la mqleynin, adeerow dalkaas beesha caalamka ayadaa awalba maxkamad dastuuri ah ka ahayd, ciidankeeda ayaa jooga oo dadkan kala haya, annaga beesha caalamka ayaan garnaqsigeenna geynay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in xalka muranka uu ka baxay gacanta Soomaalida, islamarkaana go’aan kama dambeys ah laga sugayo beesha caalamka iyo inay Soomaalida u yeeriso wixii ay sameyn lahaayeen.

Go’aankan ayey u eg tahay inuu iman doona kadib 7-da Febraayo, markaasi oo ay ku eg tahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

James Swan oo shaaciyey qorshe doorashada la xiriira oo uu wado Lafta-gareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo shalay gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, ayaa shaaciyey qorshe la xiriira doorashada Soomaaliya oo uu wado madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Lafta-gareen.

James Swan ayaa shaaciyey in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaatay door dhex-dhaxaadineed oo ku aadan khilaafka doorashada Soomaaliya, isla markaana ay Qaramada Midoobey ku qanacsantahay dadaallada uu wado Lafta Gareen.

“Cabdicasiis Lafta Gareen waxaan kawadahadalnay xaaladda ballaaran ee siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Arrintaan, waxaan jeclaan lahaa inaan ku muujiyo sida aan ugu qanacsan yahay dadaalada socda ee madaxweyne C/ Casiis uu isugu keenayo dhinacyada kala duwan si ay uga heshiiyaan wadada loo marayo doorashooyinka,” ayuu yiri James Swan.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Waxaan mar kale ku celinayaa in la qaato tallaabo la isla oggol yahay iyo wax wada qabsi, oo macnaheedu yahay in wax walba la hor mariyo danta dalka, ay muhiim tahay waqtigan.”

Sidoo kale Danjire James Swan waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya ay ku boorinayaan inay wadahadlaan, isla markaana meesha ka saaraan is qabqabsiga.

“Hadaanahay Qaramada Midoobey, waxaan ku boorineynaa dhamaan hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku galayaan wadahadal qaab wadajirka ah, si loo hubiyo in doorashooyinka Qaranka la qabto, iyadoo lagu saleynayo is afgarad ballaaran, oo salka ku haya heshiiskii 17-kii Sebtember, iyo in doorashooyinkaasi ay salka ku hayaan hufnaan , cadaalad iyo ka wada qayb-gal” ayuu hadalkiisa ku sii daray wakiilka Qaramada Midoobey James Swan.

Booqashada Baydhaba iyo wadfigan ka socda Qaramada Midoobey ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maalin ka hor madaxweyne Lafta Gareen uu gaaray magaaladaas.

Wixii ka dambeeyey markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ku dhawaaqay inuu ku fashilmay dhex-dhaxaadintiisii dhinacyada mucaaradka iyo dowladda dhexe, waxaa soo baxayey warar sheegaya in doorkaas uu mar kale qaatay madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, balse weli majiraan wax isu soo dhawaansho ah oo muuqda.

Maxaa dhex-maray wasiir Abdirisaaq iyo Ilhan Omar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan aalada fogaan arraga kula qaatay Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, xili ay xiisad xoogan ka taagan tahay dalkaas.

Kulankan oo ay si wada-jir ah u soo qaban qaabiyeen Machadka Nabadda Mareykanka iyo Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka ayaa waxa diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mida amni ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdirisaaq oo kulankaasi war kasoo saaray ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in kulanka uu Ilhaan la qaatay uu ahaa mid miro dhal ah, oo ay kaga wada-hadleen xaalada siyaasadeed iyo dib u habeynta ajendayaasha qaranka.

“Waxaan warbixin kooban ka siiyay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo dib u habeynta agendiyaasha qaranka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha,” ayuu ku yiri wasiirka qoraalkiisa Twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu sheeagy inay ka wada-hadleen iskaashiga labada dal iyo taageerada joogtada ah ee uu Mareykanka uu siiyo dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageerta dib u dhiska, gaar ahaan arrimaha amniga, iyada oo ka fulisa dalka duqeymo ay ku beegsaneyso argagixisada, si hoos loogu dhigo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah amniga ah ee ay ka maleegan dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili uu Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Soomaaliya, kadib go’aan uu si deg-deg ah ugu dhawaaqay madaxweynaha xilka laga tuurey ee dalkaas, Donald Trump, kaasi oo fulintiisu ay bilaabatay.

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan Dhuusamareeb iyo Guriceel u dhaxeeya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee caawa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel. Haddii si kale loo dhigana waxay Ceeldheere 30km u jirtaa Magaalada Dhuusamareeb.

Shabaabka ayaa deegaanka Ceeldheere ka soo weeraray kontoroolka ku yaala wadada laamiga ee aadda Magaalada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in mintidiinta Al-Shabaab ay iska caabin kala kulmeen ciidamo boolis ah oo deegaankaasi ka hawlgala, inkastoo markii dambe ay u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasi, oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada Dowladda ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka bilaabay abaabul ciidan, oo ay tahay in dib loogu qabto deegaankaasi.

14-kii bishii November ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, inkastoo saacado ka dib ay dib uga baxeen.

Waxaa muuqata in Shabaabku ay culeys weyn soo saareen deegaanada Galmudug, tiiyoo aad ka garan karto dhaqdhaqaaqyada iyo weerarada joogtada ahi, ee ay ka gaysanayaan.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa 19-kii bishii December sheegay in Shabaabku ay soo buuxiyeen deegaanada Galmudug. Hadalkan ayuu sheegay maalin ka dib ismiidaamintii Saraakiisha lagu laayay ee 18-kii December ka dhacday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Hujuumka Shabaabka ee deegaanada Galmudug waxay ku soo aadaysaa, iyadoo uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo dagaal adag kula jiray.

Ahlu Sunna ayaa muddadii laba iyo tobanka sano ee Gobolada Dhexe ka hawlgaleysay waxay ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada Al-Shabaab.

Dadka fallanqeeya arrimaha ammaanka waxay ku sheegayan in Ahlu Sunna ay fahamsaneyd xeeladda dagaalka ee Al-Shabaab, inkastoo dadkii qaarkii ay qabaan in dagaalkeedu uu caqiiddo ku dhisnaa.

Ahlu Sunna waxaa lagu ammaanaa in ay shacabka Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo kooxaha argagixisada, isla-markaana ay ka go’neyd la dagaalankooda.

Si kastaba ha-ahaatee maqnaanshaha Ahlu Sunna ayaa waxaa wax ka yar hal sano laga dareemay Gobolada Dhexe.

Qaybi oo xukun: Federaalka qabyaaladeysan ee Somalia

Hordhac

Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato; faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha.

Iyaga oo adeegsanaya Soomaalida noocaas ah ayay waxay suuq-geeyeen oo la buun-buuniyay arrimo fara badan sida: waxaa lumaya is-aaminaaddii Soomaalida, ma heshiin kartaan, waad kala-duwan tihiin, wax iskuma darsan kartaan, iwm; ujeedkooduna uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu sii kala fogeeyo, laguna kala-dilo si ay ugu suurta-galaan danahooda khaaska, si gaar ah kala-qeybinta dalka iyo dadka.

Arrintaasi waxaa ay sababtay in ay, ku dhowaad rubuc Qarni, Soomaaliya heli weydo xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale. Waxaa la adeegsaday nooc kasta oo lagu siyaadin karo is-nacaybka iyo qabyaaladda ummadda Soomaaliyeed la kala dhex-dhigay. Waxaa la soo bandhigay hannanaka qabiil-wax-ku-qaybsiga ee 4.5. Si kastabase, Eebbe weyne mahaddii iyo ummadda Soomaaliyeed oo ah dad is-jecel, waa la kala tegi waayay; haba lakala sad-bursado e. Taas markii ay socon weyday ayaa haddana waxaa markii dambe la soo bandhigay nidaamka ‘federaalka’ si ay halkeedii uga sii socoto kala qoqobka iyo kala irdheynta ummadda.

Haddaba, waxaan maqaalkaan kaga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Nidaamka ‘federaalka’ iyo noocyadiisa ugu caansan; waxyaabaha uu la gaar yahay nidaamka ‘federaalka;’sida uu ku yimaaddo nidaamka ‘federaalka’ iyo ujeeddooyinka loo adeegsado; sida uu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, cidda ka dambeysa iyo ujeeddada laga lahaa; halista nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysan uu ku yahay dalka iyo dadka; iyo weliba nidaamka siyaasadeed ee ku haboon in ay Soomaaliya qaadato si xal waara loo gaaro.

‘Federaalka’ iyo noocyadiisa: Qeexid

Ereyga ‘federaal’ waa nidaam madax-bannaanida loo qeybinayo ugu yaraan laba dowladood- dowladda dhexe iyo dowlad-goboleed, kuwaas oo fuliya awoodo dastuuri ah oo madax bannaan kuna dhaqa qeyb ka mid ah dad ku nool dhul gaar ah.

Nidaamka ‘federaalku’ waa nooc ama qaab gaar ah oo ka mid ah nidaamka xukun-baahinta ee loo yaqaanno dhex-furnaanta ama decentralization. Waxyaabaha uu nidaamkani la gaar yahay waxaa ka mid ah kala-duwanaashiyaha sida: Isirka, luqadda, diinta, dhaqanka iwm kuwaasoo khasbaya in ay dadka noocaas ahi samaystaan oo raacaan nidaamka ‘federaalka’ si ay ugu kala bad-baadaan.

Nidaamkani waxa uu u kala qaybsamaa dhowr nooc, waxayna kala yihiin:

i) ‘Federaal’ tartan (Competitive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxaa ay leedahay awood aad u xaddidan, mana fara-gashan karto maamul-goboleedyada maamul ahaan iyo awood ahaan toona. Noocaan waxaa isticmaala dalalka: Ingiriiska (UK), Biljim, Ustareeliya, Baakistaan, Baraasiil iyo Iswiisarlaan.

ii) ‘Federaal’ iskaashi (Cooperative ‘ federalism’): Nidaamkani, dowladda ‘federaalka’ iyo maamul-goboleedyada ayaa waxay u sahqeynayaa si wadajir ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinka ay wadaagaan.  Noocaan waxaa isticmaala dalalka Jarmalka, Koofur Afrika, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Fenesuweela iyo Yuguslaafiya.

iii) ‘Federaal’ khasab ah (Coercive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxay, nidaamkani, qaabeysa siyaasadaha dowladda dhexe iyo midda maamul-goboleedyada labadaba, waxana ay hubinaysaa in maamul-goboleedyadu raacaan tilmaamaha dowladda dhexe. Noocaan waxa isticmaala dalalka Nayjeeriya iyo Itoobiya oo ku haya dalalkooda awood militeri.

Nidaamka ‘federaalku’ waxyaabaha uu la gaarka yahay waxaa ka mid ah in ay dadweynuhu kala isir duwan yihiin; in ay kala luqad yihiin; in ay kala diin yihiin; in ay kala qowmiyad iyo deegaan duwan yihiin, sida Keenya iyo Itoobiya oo kale; in ay yihiin dad aad u fara badan sida Mareykanka oo kale; iyo in ay yihiin dowlado isu-tegey sida Midowgii Soofiyeetka iyo Iswiisarlaan.

Marka la fiiriyo sida uu u samayasmo nidaamkani iyo ujeeddooyinkiisa waxaa kuu soo baxaysa laba qaab oo kala ah: Isu-tag ka dhex-dhaca dowlado kala madax-bannaan, kuwaasoo ka tanaasulaya madax-bannaanidoodii dibadda. Ujeedka ugu weyn ee ey u sameysmaan dowladaha ‘federaalka’ noocaan ahi waa mideynta cududdooda siyaasadeed iyo dhaqaale si ay isaga kaashadaan cadowga dibadda ee halista ku wada ah; waxana dowladahaas ka mid ah Mareykanka (1787), midowgii Iswiisarlaan (1874), Jamhuuriyaddii Jarmalka (1949), iyo weliba Imaaraadka Carabta. Inta badan, nidaamka noocaan ku abuurma waa uu hirgalay waayo wxa ay xoogga saaraan midnimo iyo wada-jir waana ay ku guuleystaan dhinac kasta sida siyaasadda, dhaqaalha iyo mileterigaba.

Hannaanka kale waa Kala-bax waana dowlad weyn oo tabar-darraysay, iyada oo uu dalku u kala firdhanayo gobol-gobol mid kastana uu doonayo madax-bannaani u goonni ah oo ka baxsan dowladda dhexe ee weyn. Ka dibna aysan awoodi karin aqoonsi caalami ah sidaas darteedna lagu heshiiyo samaynta nidaam ‘federaal’ daciif ah kaasoo siinaya awoodo dheeraad ah dowladaha yar yare ee ay mid kastaa dooneyso in ay danteeda gaar u raacato iyadoo aan u aaba-yeeleyn dolwadaha kale ee yar yar iyo xukuummadda dhexe toona. Ujeedka ugu weyn ee nidaamkani waa in ay dowladaha yar yari helaan awood dheeraad ah  si ay mid kasta u gaarto danteeda u gaarka ah iyadoo aan u aaba-yeeleyn dowladaha kale ee yar yar iyo tan ‘federaalka’ ah toona; waxaana dowladahaas ka mid ah: Meksiko (1857), Arjantiin (1860), Baraasiil (1891), iyo Kasejoslofaakiya (1969) oo iyadu ugu dambeyntii kala googo’day. Nidaamka ‘federaal’ ee noocaan ku abuurma waxa uu badanaa dilaa oo wiiqaa awooddii dowladahaas, ugu dambeyna waa ay kala tagaan sida laga arki karo dowladaha aan kor ku soo sheegay; waan sida laga rabo Soomaaliya oo ay haddaba ku socoto haddaan Rabbi SWT sida u dhaamin oo aanay dadka Soomaaliyeed isku-tashan xilli hore.

Soomaaliya iyo ‘federaalka’

Si kooban, taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ahayd quwad aad u xoog badan lagana tixgeliyo arrimaha mandiqadda Geeska Afrika, taasoo ay ugu wacneyd baratanka quwadaha waaweyn ee reer Bariga iyo Galbeedka ee gacan ku haynta; sidoo kalena saameynta dalka Soomaaliya halka uu ku yaalo qariidad ahaan awgeed.

Tani, waa sababta markii horaba keentay in dhulkii iyo ummaddii Soomaaliyeed loo qaybsado, ka dib markay soo kala dhoweysteen qabaa’ilka Soomaalida. Arrintaan waxay keentay nooc kala sarrayn ah iyo is-colleysi taasoo uu gumeystuhu ugu tala-galay in uu ku sii kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed una xukumo(QAYBI OO XUKUN). 

Waxaa dalka loo kala qaybiyey gobollo, lana kala siiyey dalal; tusaale ahaan Soomaali Galbeed (Itoobiya), NFD (Keenya) iyo xeebta Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysanayey ilaa dhamaadkii todobaatameeyadii intaanay xoriyadda qaadan. Dowladihii Soomaaliya tan iyo 1960kii waxay ka shaqaynayeen si toos ah iyo si qarsoonba sidii loo xoreyn lahaa dhulalkaas maqan, waxana lagu hubeeyey Itoobiya, tusaale ahaan, jabhado ay ka mid ahaayeen tii Tigreega ee madaxda ka ahaa Meles Sanaawi.

Sidaas si la mid ah, waxaa iyana jiray jabhado kale oo uu Mingistaha Itoobiya e ku soo hubeynayay Soomaaliya si ay iyaguna u wiiqaan awoodda xad-dhaafka ahayd ee dalka Soomaaliya, taas oo ku aheyd caqabad iyo wadne-kurkur aad u weyn, jabhadihiina waxay ku guuleysteen in ay burburiyaan xukuumadihii Soomaaliya iyo Itoobiya; nasiib-darrose halka jabhadaha Itoobiya ay muujiyeen wadaniyad iyo dal-jacayl oo ay ilaashadeen dalkooda, jabhadaha Soomaaliya waxay ku dhaqaaqeen burburin hanti-dadweyne, dhac iyo xasuuq shacab iyo weliba isku-jeesasho iyaga dhexdooda ah halkii ay ka unkami lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya.

Halkaas waxaa ka bilowday khilaaf sababay dagaal sokeeye; halka Itoobiya uu madax ka noqday Meles Sanaawi horraantii 1991gii. Isla sanadkii 1993dii, Itoobiya wax aka dhacay afti qaran oo loo qaaday in Eriteriya la xoreeyo sidaasna waxay ku noqotay dal madax-bannaan. Meles waxaa soo tababary oo maal-gashaday dadka iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu ku noolaa guri fillo ah oo ku yaallay dhabarka dambe ee Hotel Towfiiq isaga iyo Isaayas Afwarki; waxayna si fiican u barteen afka iyo dhaqanka Soomaalida.

Haddaba Itoobiya oo iyada lafteeda haysteen caqabado gudaha ah oo ay qowmiyadeheeda kala duwani is-riixriixayeen ayaa waxaa ay jabhadii TPLF-ta ku dhawaaqday in dalka Itoobiya laga dhigay dowlad ‘federaal’ ah sannadkii 1995kii. Meles oo si fiican u fahansanaa Soomaalida iyo halka ay hannaanka afaara-qabiilka ka joogto, kaashanayana Nayroobi, sidoo kalana ay gadaal ka riixayaan quwado kale oo shisheeye, ayaa wuxuu qaatay in uu dhaqan-geliyo aragtidii laga dhaxlay gumeystaha ee ku dhisnayd ‘Qaybi oo xukun,’ waana halka aragtida Meles ee Soomaaliya in ‘federaal’ laga dhigo ay ka timid; ‘federaal’ ku dhisan laba arrimood oo aad muhiim ugu ahaa Itoobiya oo ah in uu xadduud badeed yeesho iyo in uu xadduud dhuleed la wadaago dalka Itoobiya. Sanadkii 1998dii, saddex (3) sano un ka dib qaadashadii ‘federaalka’ ee Itoobiya waxaa la aas-aasay ‘maamul-goboleedkii’ ugu horeeyay ee Soomaaliya kaasoo ku dhawaaqay kana dhaqan-galay gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya. 

Isla markii uu Meles la wareegay talada dalkiisa wuxuu bilaabay isaga oo fahmsan meesha ay ku jirto dantiisa iyo danta Itoobiya; halkaasna wuxuu ka bilaabay in uu isku hubeeyo jabhadihii Soomaalida ee xilligaas taasoo aakhirkii sababtay barakac, burbur, halaag iyo kala-firdhad ku dhacay ummaddii Soomaaliyeed.

Laga soo bilaabo sanadkii 1992dii, waxa Soomaaliya loo qabtay shirar badan oo dib-u-heshiisiineed kuwaasoo dhammaantood uu Melas ka ahaa oday diiddanaana inay ka soo baxaan wax mira-dhal ah ama wax u tari kara isirka Soomaalida. Dunida manta jirta oo nagu wareertay ka sokow, waxa kale oo jira dano istaraatiijiyadeed oo Itoobiya laga lahaa sida inay tahay quwad mileteri oo her gobol ah. Waxa dhanka kale ka caawinayey Keenya oo ay tan iyo horraantii 1960kii wada lahaayeen heshiis iskaashi mileteri oo looga soo horjeeday Soomaaliya; kuna saleysnaa diiddadooda mashruuca “Soomaali-weyn.” 

Si kastaba, sanadkii 1999kii ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku guuleystay in uu isugu yeero Soomaalida si loo heshiiyo loona yagleelo dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed tan iyo burburkii. Waxa xigay qas ay Itoobiya ku burburisey dowladdii lagu soo dhisay Carta; waxana la isugu yeeray shir kale kaasoo ka dhacay Keenya qaatayna ku dhowaad laba (2) sano. Shirkaan wuxuu ahaa kii dilay dowladnimadii Soomaaliya ka dib markii naloo soo qoray hannaanka ‘federalka’ iyadoo aan cidna lagala tashan; aftina loo qaadin, lana halmaamay sidii laga yeeli lahaa Hargeysa oo wax tabaneysey goonnina u taagnayd hal cabbaar ah! 

Gobollada Waqooyi Bari ayaa qaatay ‘federaalka’ ka dib markii ay Itoobiya muquunisay, waxa ku xigey xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo ay iyadana Itoobiya dabada ka riixeysey. Imaanshihii Cabdullaahi Yuusufna waxa bilowday xasuuq agaasiman oo ay geysanayeen ciidanka Itoobiya iyo xukuumaddii Soomaaliya ee xilligaas, ka dibna waxa kacay muqaawamo ay markii dambe ka farcameen Shabaabka sidaasna lagu beddelay xukuumaddii. Wadaaddadii beddelay ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed. ‘Federaalkii’ qabyaaladeysnaa  wuxuu gaaray dalkoo dhan; min Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Dhuusamarreeb, Garoowe,  iyo xataa Hargeysa oo goonni-isu-taag ku doodeysa. Ma ahayn hannaan laga heshiiyey ama ay xaataa Soomaalidu wax talo ah ku lahayd. Walow ay Soomaalidu la dirirtay hannaankii dowladdii dhexe haddana halkii laga aadi lahaa hannaan dhex-furan waxaad mooddaa in la isku dirqiyey, iyadoon loo mel-dayin dhaqanka iyo diinta Soomaalida toona, hannanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah.

Halista nidaamka ‘federaalka:’ 13 qodob oo xasaasi ah

Nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladaysan ee Soomaaliya wuxuu halis iyo khatar aad u weyn ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo ah bulsho wadaagta isir, af, dhaqan, dal iyo diin, ahna reer guuraa xoolo dhaqato, beeraley iyo ganacsato isugu jirta.

Halisaha uuu leeyahay nidaamkani waa ay badan yihiin waxana ka mid ah kuwa hoos ku qoran:- 

1. ‘Federaalka’ qabyaaladeysani wuxuu abuurayaa oo baahinayaaa is-nacaybka kala-qoqobka, shakiga iyo sad-bursiga;

2. Waxa uu abuurayaa colaado hor leh kuna saleysan dhul iyo xukun-ballaarsi;

3. Wuxuu kala xannibiyaa is-dhexgalka iyo isu-socodka bulshada Soomaaliyeed;

4. Wuxuu lid ku yahay midnimada, wadajirka iyo wadaagidda dhaqan-dhaqaalihii ay Soomaalidu asalka iyo faracaba u lahayd abid;

5. Wuxuu kala dhantaalayaa cududdeena, taasoo inoo keeni karta in cadaawuhu si fudud noo soo hunguriyeeyo isaga oo adeegsanaya mamul-qabiileedyada yar yarka ah, mid kastana gooni ula heshiinaya sidii ay boqortooyadii Ingriisku ay dalka ku qabsatay qarnigii 19naad iyada oo adeegsaneysa qiddadeedii caanka baxday ee “Qaybi oo Xukun;”

6. Waxa uu abuurayaa xasillooni-darro siyaasadeed oo ba’an, taasoo ka hor-imaanaysa horumar kasta oo uu dalku ku tallaabsan karo;

7. Wuxuu baahinayaa musuq-maasuqa isaga oo u daadejinaya heer gobol, degmo iyo tuulo; waxana yaraanaya anfaca gaaraya bulshada Soomaaliyeed.

8. Wuxuu sharciyeynayaa, oo uu awood xad-dhaaf ah siinayaa, hoggaamiye-qabiileedyada kala hogaaminaya maamul-qabiileedyada kala duwan, taasoo aan marnaba bullaalineynin qarannimada Soomaaliyeed;

9. Wuxuu sidii basasha oo kale si ba’an hoos ugu daadejinayaa qabyaaladda, taasoo keeneysa in qabiillada waaweyn ay ku tuntaan kuwa laga tirada badan yahay;

10. Wuxuu badinaya khiyaanooyinka siyaasadeed ee lidka ku ah dowladnimada iyo qarannimada Soomaaliya; iyada oo qaranku yeelanayo meelo badan oo looga soo dusi karo.

11. Wuxuu kala daadiyaa dadka, dalka iyo fahanka diinta iyadoo lagu sababeeyo colaaddi kal hore;

12. Waa wax aan meelna naga soo gelin annagana aannaan iska lahayn, sidaas darteedna ilaa hadda ay doodi ka jirto siduu noogu yimid annagoo hal dad ah, hal dal ku nool, hal diin leh, hal af leh, hal dhaqan leh, wax aan ku kala duwannahayna aysan jirin; ugu dambeyntiina

13. ‘Federaalk’ qabyaaladeysani waa faddaro sidaan ka aragnay Gaalkacyo, doodad maqaamka Muqdisho, waxa hadda ka socda Beledweyne, mar kasta oo la gaaro xilliga doorashooyinka, gobollada Jubbooyinka, goonni-isu-taagga Hargeysa, iyo weliba sida aysan kuwa madaxda isku sheega uga xishoon oo ay sida joogtada ahi ugu af-lagaaddeeyaan damiirka qofka Soomaaliga ah.

Nidaamka ‘federalka’ qabyaladeysan oo intaasoo dhan kulansaday ayaa haddana laga kari la’yahay madaxya-weynta Soomaalida in ay ka waantoobaan ama ay xataa darsaan waxa uu yahay hannaakaan aan dantu noogu jirin; waa hannaan si toos ah iyo si dadbanba uga hor-imanaya dastuurka ku meel gaarka ah sida ku cad, tusaale ahaan, qodobka 1aad, faqradiisa 3aad. Sidoo kale, bal fiiri qaabka ay u qoran yihiin waraaqaha rasmiga ah ee ka so baxa xafiisyada dowladda iyo waxa noogu qoran baasaborka Soomaaliga ah.

Xukuumad dhex-furan oo adeege ah: Xalka siyaasadeed ee Soomaaliya

Qaadashada nidaam kasta ee dowladeed waxa laga eegaa baahida ay dalka iyo dadku u qabaan nidaamkaas iyo weliba faa’iidada iyo caqabadaha ku gedaaman qaadashada nidaamka cusub. Waxyaabaha kale ee tixgelinta u baahan waa halka uu adduunka marayo, xaaladda gobolka, iyo weliba la-tashiyo lala sameeyo bulshada dalkaas si loo helo gadidda iyo meel-marinta hannaanka cusub.

Taariikhda Somaaliya waxay si muuqata iyo si dahsoonba u qoreysaa in uu culays daran ka soo yeeray hannaanka dowlad dhexe, oo dadka merjisa, sidaas darteedna loo baahan yahay hannaan dowlad dhex-furan, oo adeege ah. Hannaankaan wuxuu u baahan yahay in dadka Soomaalidu ay ku baraarugaan waayo wuxuu noo bixinayaa nabaddii iyo dowladnimadii aan baadigoobka ugu jirney tan iyo dowlad-dhiskii noo soo bilowday, Ilaahay mahaddiiye, xilligii Carta. Waa in la qabtaa shir-weyne qaran oo wada-tashi ah loogana wada hadlaa masiirka dalka, ubuc looga dhigaa qur;aan akhris, duco, is-cafin iyo towbad Rabbi SWT loogu noqdo wixii dhacayna sidaas looga gudbo baal cusubna loogu furo taariikhda iyo nolosha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qaabka iyo sida uu noqon karo hannaanka dowlad dhex furan oo adeegta, waa in la helaa xukuumad dhex-furan min heer qaran (dowlad dhexe oo idman), heer gobol (maamul-goboleed leh xaakim iyo ku xigeen iyo barasaabyo madax u ah gobollada), ilaa heer degmo (guddoomiyeyaal degmo oo adeegayaal ah). Sidoo kale golayaal degmo oo kaalintoodu tahay horumarin ayaa kaga filan siyaasadeynta hannaanka dowladeed ee dhexda furan adeegana ah. Qof kasta oo Soomaali ahi waxa uu degi karaa meshuu doono oo Jamhuuriyadda ka mid ah; adeegyada asaasiga ah ee bulshadana waxa laga geynayaa oo laga heli karaa meel kasta ilaa heer tuulo iyadoo ay xukuumadduna hayso diiwaanka guud ee wax kasta oo ku saabsan u adeegidda qofka Soomaaliga ah. Hannaanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah  ee naloo keenay waxa keliya ee beddeli kara isku-tashi iyo Alle tala-saarashada dadka Soomaaliyeed ka sokow in loo boxo hannaan dowlad dhexe furan, oo adeege ah, adeegyadana gaarsiiya ilaa heer tuulo; kaasoo loo qur’aan akhriyey si walaaltinnimo ah oo Soomaalinimo ahna looga gorgortamay oo weliba la isugu turay.

Nidaamkan waxa isticmaalay oo uu si fiican ugu shaqeeyey dalal badan; waana hannaka ugu fiican Soomaaliyada manta oo ay Ilaahayna SWT ugu noqon kartaa, iyaduna dib ugu walaaloobi kartaa.

Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo) – Waxaad kala xiriiri kartaa email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muxuu madaxweyne Cagjar ka yiri siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya iyo isbeddelka ka dhacay dalkaas tan iyo markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed, bishii April ee 2018.

Mustafe Cagjir oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in isbaddelka ka dhacay Ethiopia uu deeggaanka Soomaalida u horseeday, badhaadhe iyo xorriyad ballaadhan, sida uu hadalka u dhigayn

Waxa uu intaas ku daray in xisbiga Barwaaqo ee haya tallada Ethiopia, kaasi oo dhowaan un la dhisay uu guul ka gaari doono doorashooyinka ka dhacaya dalkaasi bartamaha sannadkan.

Mustafe ayaa dhinaca kale sheegay in aanay jirin wax faragelin ah oo dowladda Ethiopia ay haatan ku hayso dalka Soomaaliya, inkasta oo uu qiray in dowladihii hore ee Ethiopia ay si weyn faraha ugula jireen arrimaha Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa xaqiiq ah in faro-gelina Ethiopia ee Soomaaliya ay iminka la mid tahay sidii ay aheyd sanado badan, ayada oo ciidamada dalkaas uu madaxweyne Farmaajo u adeegsado inuu ku weeraro maamul goboleedyo ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxweyne Mustafe ayaa dhanka kale si weyn u dhaleeciyay maamulkii dowladdu weerartay ee TPLF oo uu sheegay in ay dhibaato xoog leh ku hayeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dalalka ku yaalla bariga si loo dhameeyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay wajahayaan.

Askar Haramcad ah oo lagu dilay dagaal ay Muqdisho kula galeen maleeshiyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ay  ku dhinteen askar ka tirsaneed booliska gaarka ah ee Haramcad.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo koox maleeshiyaad ah oo tilmaantooda lagu soo koobay (Macawiisley).

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Haramcad ay kooxdaas ku weerareen goob ay isbaaro u taalay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Inta la xaqiijiyey 4-askari ayaa ciidamada Haramcad looga dilay iska hor imaadkaas, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdii isbaaradu u taalay ee la weeraray uu gaaray khasaare aan la cayimin inta uu dhanyahay, waxaana jiray dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac oo la dhigay isbitaallada Muqdisho.

Afhayeen booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadalay Shabeelle TV ayaa sheegay in goobtii lagu dagaalamay ay caawa joogaan ciidamada Haramcad, isla markaana laga ceyrshay meleeshiyaadkii ku sugnaa, sida uu sheegay.

Waxaa maanta aad u kacsaneed xaaladda deegaanka Jaziira oo ah goob ay dadka reer Muqdisho u dalxiis tagaan, si gaar ah maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa aad loo tagaa xeebta dheer ee Jaziira.

Deegaanka Jaziira oo dhaca duleedka koofureed ee magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe marti geliyey isku dhacyo soo noq-noqday, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyaad ah.

Waxyaabaha ugu badan ee isku dhacyadu ka dhashaan ayaa ah isbaarooyin iyo qaadka ka yimaada Kenya oo si dhuumaaleysi ah xeebta Jaziira looga soo dejiyo, halka dowalduna ay go’aansatay in qaadkaas uusan soo gelin magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso wareysiga Afhayeenka Booliska   

Daawo: Senator Farmaajo ku eedeeyey inuu Gedo iyo gobol kale u kala eexday

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah Xoghayaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal BFS oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus u jeedisay madxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Senator Xuseen ayaa dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inay ku fashilantay sugida amniga, isagoona ku eedeyay inuu ciidamo ku daabulayso deegaano aan looga baahneyn.

Waxa uu xusay in ciidamada ay dowladda ku daabuleyso gobolka Gedo oo uu sheegay inay dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka leedahay, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad xoogan dhalisay.

Senator-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan si isku mid ah ugu cadaalad falin gobolada Bakool iyo Gedo, kaasi oo ay kasoo kala jeedaan Farmaajo iyo Senator-ku.

“Madaxweyne Farmaajo dadka kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Bakool isku si uguma cadaalad falin, waxay bulshadu arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad galinayso gobolka aad kasoo jeedo ee Gedo,” ayuu yiri isagoo sheegaya qaabka uu madaxweyne Farmaajo deegaankiisa wax ugu qabtay.

“Ciidanka qaranka ee maalin walba loogu daabulsyo goobo ay doorasho ka socoto, maxaa loogu bad-baadin waayay dadka noloshoodu halista ku jirto, mise kursiga ayaa ka muhiimsan nolosha dadka.”

Sidoo kale waxa uu fariin cod dheer ugu diray in laga howl-galo go’doon ay Al-Shabaab galiyeen deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ay hagratay dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Senator-ka ayaa imanaya xili dowladda federaalka ay muddooyinkii dambe  ciidamo hor leh ka dejinaysay deegaano ay ka qabanayso doorasho lagu muransan yahay, iyada oo si gaar ah ciidamo faro badan ugu daabushay gobolka Gedo oo uu kasoo jeedo madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka daawo Senator Xuseen