24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Sheekh Cali Dheere oo soo saaray war xasaasi ah oo ku socda beelaha Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa soo saaray digniin uu sheegay inay ku socoto guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isagoo uga digaya inay la macaamilaan ‘gaalada’ sidoo kalena ay ku lug-yeeshaan doorashooyinka dalka ka socda.

Waxa uu sheegay in cidii ku lug yeelata doorashooyinka dowladda dhexe ama dowlad goboleedyada ay dagaal u dhaxeeya xaqa iyo baadilka uga biirtay dhanka baadilka, sida uu hadalka u dhigay Cali Dheere.

“Odayaasha beelaha waxaan uga digeynaa shirqoolka loo maleegay in aysan ku dhicin, iyagoo fiirsanaya sandareerada yar ee la siinayo, aan idin weydiiyeen kuwii idinka horeeyey maxay ku tartay dowladii ay soo dhiseen, waxay noqdeen qaar dhintay iyo qaar meel ay ku noolaadaan weysan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sababta ay Al-Shabaab u beegsadeen odayaashii soo dhisay dowladii tan ka horeysay ay tahay inay cadaw kala safteen kooxda, balse ay ka difaaci weysay dowladii ay soo dhiseen, sida uu hadalka u yiri.

“Waxaan digniin u jeedinayaa qabaa’ilka Soomaaliyeed, feejignaan dheeri ah muujiya oo cadawgu yuusan idinka faa’iideysan, isagoo idiin adeegsanaya diintiina iyo dalkiina si uu deeqdiina u qaato, waxaan ognahay in hub la isugu kiin dhiibay, si aad isku leysaan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Sidoo kale Cali Dheere waxa uu sheegay in qof kasta oo gacan ka geysta faafinta waxa uu ugu yeeray ‘dimoquraadiyadda’ uu yahay “Murtad diinta Islaamka banaanka ka jooga” kooxduna ay beegsan doonto, sida uu hadalka u dhigay.

FILISH oo digniin iyo amar kasoo saaray arrin muran badan ka dhalisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa si adag uga hadlay xarumo magaalada Muqdisho ka billaabay wax-ka-bedelka qaab-jireedka dumarka, taasi oo muran badan dhalisay.

Guddoomiye Filish ayaa ugu horeyntii sheegay in uusan kasoo horjeedin in dumarka is qurxiyaan, hase yeeshe aysan aqbali doonin maamulkooda wax kasta oo ka hor-imaanaya dhaqanka iyo Diinteena.

Waxa uu sheegay in ay albaabada u laabeen xarumo lagu weeyneynayo bishimaha dumarka, isagoona digniin u diray xarun kasta oo caafimaad oo isku deyda inay arrintaas billowdo, taasi oo uu sheegay inay xiri doonaan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in goobaha Ganacsiga markii ruqsada la siinayo aysan si faah-faahsan u sheegin waxyaabaha ay qabanayaan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ruqsada lagala laaban doono goob kasta oo lagu arko arrintaas.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaysa xili labo cisho ka hor ay dowladda federaalka Soomaaliya albaabada isugu dhufatay xarun dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, taasi oo ay xoog ku galeen ciidamada.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida qabsaday muuqaalada gabdho ku faanaya in faruuryaha loo weeynayey iyo qeybaha dambe, midaasi oo sharci ahaanteeda dood ka dhex dhalisay bulshada.

Muxuu madaxweyne Putin ku macneeyey 20-kii sano ee Mareykanka ee Afghanistan?

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta sheegay in ololihii 20-ka sano socday ee Mareykanka ee Afghanistan uu ku dhammaaday “kaliya musiibo iyo khasaarooyin.”

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa wuxuu taariikh u leeyahay inuu dalalka Reer Galbeedka ku cambaareeyo inay isku dayaan inay qiyamkooda ku qasbaan dalalka aan galbeedka aheyn.

Moscow ayaa sidoo kale si joogta ah u cambaareysay siyaasadda Mareykanka ee dalka Afghanistan, oo hadda ay maamulaan kooxda Taalibaan oo la wareegtay laba toddobaad kahor ka bixitaanka Mareykanka ee 31-kii August.

Putin ayaa maanta sheegay in ciidamada Mareykanka ay isku dayeen “inay xeerarkooda ku qoraan” Afghanistan muddo 20 sano ah, taasi oo uu ku macneeyey mid aan waxtar laheyn.

“Natiijada waxay noqotay kaliya musiibooyin, kaliya khasaarooyin gaaray kuwii sameeyey, ee Mareykanka, iyo kasii daranee shacabka ku nool dhulka Afghanistan.”

“Macquul maaha in la isku qasbo waxa banaanka laga keenay,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa ka hadlayey kulan uu la yeeshay dhallinyaro ku sugan magaalada ku taalla Bariga Ruushka ee Vladivostok, oo uu kaga qeyb-galay munaasabadda furitaanka sanad dugsiyeedka cusub.

Toddobaadkii tegay Putin ayaa sheegay in Russia aysan faro-gelin doonin Afghanistan, oo ay Moscow cashar ka baratay qabsashadii Midowga Soviet ee dalkaas.

AFP + VOA

Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Injineer SAALIXI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo) ayaa ka soo saaray geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa xubnaha guddiga Soomaaliya ku metalaya dacwadda badda ee u dhexeysa dalkeena Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada iyo asaxaabtii uu ka baxay marxuumka.

Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in Injineer Saalixi uu dadaal badan ku bixiyey kiiska badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka,” ayuu qoraalkan ku yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in marxuumka uu dadaal xoog leh geliyey keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, isla-markaana uu ahaa hal door Soomaaliyeed

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaalada Aduunka.” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Injineer Saalixi ayaa ahaa khabiir aqoon durugsan u leh cilmiga badda, isla-markaana ahaa shakhsiga kaliya ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf, sidoo kalena wuxuu ahaa la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada.

Wararkii ugu dambeeyey dil iyo dhaawac SOOMAALI loogu geystay dalka Canada

0

Toronto (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil iyo dhaawac dhalinyaro Soomaali ah loogu geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Weerarkan ayaa sababay geerida AUN Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa iyo dhaawaca laba gabar oo la socotay, sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee Toronto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in markii hore saddex-dooduba uu dhaawac soo gaaray, balse marka la geeyey isbitaalka uu geeriyooday Sahal.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen xilli ay marayeen wadada, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaari cad oo meesha kasii dhaqaaqaya.

Ma cadda sababta loo beegsaday dhalinyaradan Soomaaliyeed, balse saraakiisha ammaanka ee Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad oo ku aadan dhacdada.

Dhankiisa Aabaha Sahal Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn illaa iyo hadda sababta loo dilay wiilkiisa, wuxuuna tilmaamay in lagu Aasay qabuuro ku yaal magaalada Toronto.

Canada ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo inta badan dil iyo dhaawac loogu geysto gudaha dalkaasi.

Dad gaaraya 48,000 oo qof oo lagu la’yahay AFRIKA

0

Nairorbi (Caasimada Online) – Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in in ka badan 48,000 oo qof lagu la’yahay Afrika oo dhan, ugu yaraan 21,600 kamid ahna ay yihiin carruur aan qaangaarin.

Inta badan dadka la waayay ee diiwaangashan – oo si weyn loo rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin musiibada bani’aadamnimo ee ballaaran ee qaaradda, ayaa lala xiriiriyaa iskahorimaadyada hubeysan, rabshadaha, masiibooyinka iyo socdaalka guud ahaan qaaradda.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in tirada dadka u soo baxaya inay soo sheegaan dadka la la’yahay ay kusoo badanayaan Afrika.

Amaya Fernandez, oo ah la-taliyaha hay’adda samafalka ee dadka maqan ee Galbeedka Afrika ayaa sheegtay in tirada dadka la la’yahay ay sii kordheyso laba laab.

“Waxaan isku dayaynaa inaan diinwaan gelinno kiisas badan oo nidaamsan oo dadka la waaayey ah kuna baahsan gobolka oo dhan, sababta ay dadka la’yahay usoo badanayaan ayaa ah kororka rabshadaha iyo iska horimaadka soo maray qaaradda Africa, kala bar dadka maqan ee la diiwaan geliyey ayaa ah rag aan gaangaari” ayey tiri Amaya Fernandez

Natiijada ICRC waxay muujineysaa in 39,360 oo ka mid ah 48,000 ee la la’yahay ay ka soo jeedaan toddoba dal oo ay colaado hubeysan ka jiraan.

Sida laga soo xigtay Machadka Nabadda iyo Cilmi -baarista Caalamiga ah ee Stockholm, 20 dal oo Afrika ku yaalla waxaa ka jiro iska-horimaad hubeysan, sidoo kale machadka wuxuu sheegay in 10 kamid ah 20-kaas dal inay ka jirto xaalad aad u halis ah.

Fernandez ayaa sheegtay in iska-horimaadka ka socda qaar ka mid ah dalalka Afrika uu xanuun iyo rafaad badan u abuuray qoysaska ay dadka ka maqan yihiin.

“Cawaaqibyada bini’aadanimo oo ay sababaan dagaallada hubeysan ee dabada dheeraada ayaa badanaa lagu arkayaa inta badan wareysyada laga qaado dadka wax raadinayo. Tusaale ahaan, kala bar qoysaskii lagu wareystay Nigeria ayaa soo sheegay in qaraabadoodu la waayay 2014-2015. Koonfurta Suudaan, inta badan qoysasku waxay raadinayeen dad la waayay intii u dhaxaysay 2013 iyo 2016. Liibiya, qoysasku waxay soo wariyeen inay raadinayeen qaraabo maqan dhammaadkii 70 -meeyadii ilaa maanta, sidaas oo kalana waxaa lamid ah Itoobiya iyo Uganda,” ayay tiri.

Khubarada qaarkood waxay arkaan baahida loo qabo in shaqaalaha bulshada iyo hay’adaha amniga loo tababaro muhiimadda ay leedahay wadaagidda macluumaadka si ehelada looga caawiyo helitaanka dadka maqan.

Kaaliyaha taliyaha booliiska Zimbabwe Crispen Lifa ayaa sheegay in dalkiisa iyo gobolka ay u baahan yihiin nidaamka maareynta xogta si loola socdo kiisaska dadka maqan.

ICRC waxay ugu baaqday dowladaha Afrika inay ka hortagaan dadka la weynayo oo ay bulshada ka caawiyaan raadinta iyo aqoonsiga, iyo wax ka qabashada baahiyaha qoysaska ay dadka ka maqan yihiin.

Daawo: Odayaasha beelaha Muqdisho oo ka horyimid go’aan kasoo baxay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid go’aan ay dowladda Soomaaliya ruqsadaha ugala noqotay afar shirkadood oo ka shaqeeya baaritaanka Covid-19, iyagoo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ku eedeeyey inay abuurayaan shirkad aan horay u jirin.

Odayaashaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay in hal shirkad oo hadda la sameeyey loo xiro howlihii ay dalka ka hayeen afartaas shirkadood ee dowladda ay warqadda ka soo saartay.

Waxay sheegeen in warqad uu soo saaray wasiir ku xigeenka caafimaadka lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu amray in hal shirkad loo xiro qandaraaska baaritaanka cudurka Covid19, kadib markii ay shirkadihii hore qaar ay dadka shahaado siiyeen iyagoo aan baarin.

Eedeyntaas waxay odayaashaan ku tilmaameen been abuur lagu xalaaleysanayo xiritaanka shirkadahaan.

“Anigoo la-talinaya wiilkeyga Ra’iisul wasaare Rooble waxaan leeyahay, mustaqbalkaagu yuusan halaabin, warqadda waxaa ku qoran Rooble waxa uu amray in afar shirkadood la xiro, qandaraaskaasna hal shirkad loo xiro, markii ay ugu yartahay afartaas shirkadood waxaa u shaqeynayey dad ka badan 300, ee Rooblow ka joog,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale xubnihii maanta ka hor yimid warqadaas ka soo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa ugu baaqay dhinacyadii lagu socodsiiyey ee dhanka ammaanka in aysan qaadan amar qaldan oo aysan fulin.

“Amarkaan waxuu warku nagu soo gaaray in hal shirkad loo xiro howshii intaas oo shirkadood ay bulshada u hayeen, iyadoo sababo xun loo raadinayo, marka hey’adaha kala duwan ee ammaanka waxaan leeyahay amarkaas ka fiirsada amar qaldan lama qaato ee waa laga fiirsadaa,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay.

Hoos ka daawo

Daawo: Dubbe oo qiil yaab leh u sameeyey iibinta Tiyaatarka iyo cidda ka dhaadhicisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta hadlay ka jeediyey xaflad lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa qiil yaab leh u sameeyey dhulkii Tiyaatarka Qaranka ee uu bixiyey, balse uu ka laabtay kadib caradii ka dhalatay.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in sababta uu dhulkaas u bixiyey ay tahay imaanshaha fanaaniin reer Sudan ah, balse Tiyaatarka uu yahay meel aan dad lagu soo dhoweyn karin oo xitaa aan laheyn meel biyo laga cabo.

“Waxaa ii yimid safiirka Suudaan inoo jooga oo igu yiri Fanaaniinta Suudaan ayaa raba inay Barnaamij qurux badan ku dhigaan Tiyaatarka Qaranka oo ay ka mid tahay Nada Al-qalca, indhihii Caalamkaa kusoo jeeda ragna Geel bay rabaan inay ka dhax baafiyaan,” ayuu yiri Dubbe.

“Kadibna maareeyihii ayaa igu yiri meel Biyo laga gato malahan Tiyaatarku, anaa go’aamiyey in la sameeyo biibito, kadibna Ra’iisul wasaarahaa igu yiri naga daa dadka ha iska harraadaane,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Dubbe ayaa sheegay in markii saxiixaas laga qeyliyey uu Ra’iisul wasaare Rooble ku amray in la joojiyo qorshihii lagu bixinayey dhulkaas.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo maalmihii u dambeeyay ku jiray hubinta iyo xaqiijinta arrinta la xiriirtay bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ayaa maanta soo saaray amar joojin, xili hore looga laabtay.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta inuu si deg-deg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, uuna Wasiirku muddo 72 saacadood gudahood oo maanta ka bilaabanaysa uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulkaas.

Sidoo kale Xafiiska ayaa ka dalbaday Wasiir Dubbe in uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo in arrimaha maamulka hantida wasaaradda aan looga faa’iideysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan.

Hoos ka daawo hadalka Dubbe

https://youtu.be/EOo5kHlBvcg

Hanti-dhowrka Qaranka oo go’aan xasaasi kasoo saaray iibinta Tiyaatarka Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo maalmihii u dambeeyay ku jiray hubinta iyo xaqiijinta arrinta la xiriirtay bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ayaa maanta soo saaray amar joojin, xili hore looga laabtay.

Qoraal laba bog ahaa oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in sida ay u wajahday Wasaaradda Warfaafinta bixinta dhulkaas aysan marnaba waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, shuruucda dalka iyo wareegtooyinka hay’adaha dowladda.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hoggaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha Dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay 5 qoddob oo Wasaaradda Warfaafinta ka dul booday markii la bixinayay qeyb kamid ah dhulka Tiyaatarka, islamarkaana ay ka hor imaaneyso wareegtada lagu bixiyey dhulkaas, kuwaasi oo kala ah;

  1. Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS
  2. Qoddobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019)
  3. Amar Madaxweyne oo ku taariikheysan “19 Janaayo 2018”, taas oo lagu caddeeyey in ay sharci darro “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka Dawladda’
  4. Qoddobada 2aad iyo 3aad ee Xeer Ra’iisal Wasaare (Xeer Lr.047 ee 06/12/2018), kaas oo ku saabsan “Heshiisyada Dawladda Federaalka la galeyso Shirkado ama Hay’ado
  5. Qodobka 1aad ee warqada Hantidhawraha Guud ee 20/10/2020 oo lagu sheegay in hay’adah Dowladda heshiisyada ay galaan ka soo diiwan geliyaan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka

“Wasaaradda Warfaafinta ayaa si cad ugu xad-gudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka, maadama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsaneyn, sidoo kalana wax dan/faa’iido aysan ugu jirin guud ahaan shacabka iyo bahda fanka Soomaaliyeed ee laf dhabar u ah Qarankeena.”

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta inuu si deg-deg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, uuna Wasiirku muddo 72 saacadood gudahood oo maanta ka bilaabanaysa uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulkaas.

Sidoo kale Xafiiska ayaa ka dalbaday Wasiir Dubbe in uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo in arrimaha maamulka hantida wasaaradda aan looga faa’iideysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan.

Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hantidhawrka meel adag iska taagay bixinta dhulka danta guud ee loo marayo sifo sharciga waafaqsaneyn, ayadoona hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda looga digay in hantida umadda u maamulaan si gaar ah, kana faa’iideystaan xilliyada kala guurka.

DALKII ugu horreeyey oo maanta diyaarad ka dejiyey garoonka KABUL kadib la-wareegistii TAALIBAAN

0

Kabul (Caasimada Online) – Diyaarad laga leeyahay Qatar ayaa Arbacadii Maanta ah ka degtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kabul iyadoo sidday koox farsamo oo Taalibaan kala xaajoon doona dib u bilaabista howlaha gegida diyaaradaha kadib qabsashadii Taalibaan ee Afgaanistaan, sida laga soo xigtay il xog ogaal u ah arrintaan.

“Diyaarad Qadar ah oo sidday koox farsamo ayaa goor hore oo maanta ah ka degtay Kabul si ay ugala hadasho Taalibaan dib-u-bilaabista shaqadii garoonka,” ilo-wareedka ayaa sidaas u sheegay AFP.

Weli ma jiro heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan bixinta kaalmo farsamo oo dhanka garoonka Kabul ah, waxayna kooxdaan ka socota Qatar dooneysaa inay kooxda Taalibaan ku qanciso in dhinaca farsamada laga caawiyo.

Waxaa weli socda wada-hadal u dhaxeeya kooxda farsamada ee ka socoto Qatar iyo kooxda Taalibaan, waxaana laga wada-hadlayaa cidda maamuleysa garoonka Amni ahaan iyo shaqo ahaan labadaba.

Illo wareedyada la hadlay AFP ayaa sheegay in hadafka ugu weyn uu yahay in dib loo bilaabo duulimaadyadii gargaarka bini’aadanimo iyo in la helo xorriyad lagu dhaq-dhaqaaqi karo, gaar ahaan dib u bilaabidda dadaallada daad-gureynta.

In ka badan 123,000 oo ajaanib iyo Afgaanistaan ah ayaa dalka ka qaxay kadib markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay talada dalkaas, waxaana weli jira dad kale oo doonaya inay dalkaas isaga baxaan oo aan weli helin fursad.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu ku jiro xaalad xun, iyada oo inta badan kaabayaashii aasaasiga ahaa ay xumaadeen ama burbureen.

Dagaalyahannada Taalibaan ayaa ku dabaaldegay rasaas maalintii Talaadada aheyd kadib markii ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka tageen Kabul kadib dagaal socday labaatan sano.

Qadar waxay martigelisay wada -xaajoodyo u dhexeeya Taalibaan iyo Mareykanka sannadihii la soo dhaafay waxayna u ahayd marin ay maraan qiyaastii 43,000 oo laga soo daadgureeyay Afghanistan.

Mareykanku wuxuu ku duulay Afgaanistaan wuxuuna afgembiyay xukuumaddii Taalibaan sanadkii 2001 wixii ka dambeeyay weeraradii 9/11 ee Al-Qaacida, oo doonaysay inay gabaad ka dhigato dalkaas.

Caasimadaha reer Galbeedka ayaa ka baqaya in Afgaanistaan ay mar kale noqoto hoyga kooxaha xagjirka ah ee doonayo inay weeraro ka fuliyaan adduunyada.

Wadamada khaliijka oo ay ku jirto Qadar ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay duullimaadyada daad -gureynta muwaadiniinta dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale turjumaannada Afgaanistaan, suxufiyiinta iyo kuwa kale.

Maamulka G/Banaadir oo amray in toddobaad gudihiis loogu soo wareejiyo laba ka mid ah isbitaallada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd soo saaray amar ku socda isbitaalada Yardameeli iyo Jaziia, kaasi oo dhigaya in muddo toddobaad gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulka isbitaaladaas.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ayaga oo ku shaqeynaya dastuurka iyo shuruucda u dagsan dalka, islamarkaana la tixraacayo heshiiska ku saleysan wareejinta iyo daadajinta adeega caafimaadka ee gobolka in maamulka gobolka uu mas’uul ka yahay gacan ku haynta isbitaaladaas.

“Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas,” ayuu yiri.

“Wuxuu maamulka gobolka Banaadir ku wargelinayaa isbitaaada Jaziira iyo Yardameeli in muddo toddobo cisho ah gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulida isbitaaladaas, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir uu mudadaas ku magacaabi doono maamulka uu yeelanayo isbitaaladaas.”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amarkan cusub ku sababeeyay in isbitaaladaas ay ka leexdeen hanaankii loogu talo-galay inay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo amarka maamulka

Qatar oo ka digtay qorshe ay dalalka Reer Galbeedka ka damacsan yihiin Taalibaan

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhallan kara qorshaha ay Reer Galbeedka ay damacsan yihiin ee ah inay go’doomiyaan dowladda Taalibaan ay ka dhiseyo Afghanistan kadib markii ay dalkaas la wareegtay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman ayaa ka digay in go’doominta Taalibaan ay hoggaamin doonto xasillooni darro horleh, wuxuuna ugu baaqay dalalka caalamka ugu baaqay inay la hadlaan kooxda, si wax looga qabto walaacyada amni iyo dhaqaale bulsho ee Afghanistan.

Qatar oo xulufo la ah Mareykanka ayaa noqotay wada-xaajoode muhiim ah oo loo maro Taalibaan, ayada oo mart-gelineysay xafiiska siyaasadda kooxdan, tan iyo 2003.

“Haddii aan isku dayeyno inaan soo rogno shuruudo, oo aan joojino la macaamilka, waxaan ka tagi doonnaa firaaq, su’aashuna waxay tahay, yaa buuxin doona firaaqaas,” ayuu yiri Sheekh Mohammed isaga oo dhinac taagan dhiggiisa Jarmalka Heiko Maas.

Illaa iyo hadda ma jiro dal Taalibaan u aqoonsaday dowladda Afghanistan kadib markii ay Kabul qabsadeen 14-kii August. Dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa kooxdan ku booriyey inay dhisto dowlad loo dhan yahay, islamarkaana ilaaliso xuquuqda aadanaha.

“Waxaan aaminsannahay in la macaamil la’aan, aynan gaari karin horumarka dhabta ah ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri Sheikh Mohammed, isaga oo intaas ku daray in Taalibaan oo dowlad loo aqoonsado aysan muhiim aheyn.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Germany Heiko Maas ayaa weriyayaasha u sheegay in Berlin ay diyaar u tahay inay caawiso Afghanistan, hase yeeshee kaalmada caalamiga ah ay wadato shuruudo horudhac ah.

Taalibaan oo wada-hadallo la yeelatay xubno ka mid ah dowladdii hore ee Afghanistan iyo bulshada rayidka ayaa sheegtay inay dhowaan ku dhowaaqi doonto gole wasiiro.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed ayaa sheegay in kooxda ay muujisay inay u furan tahay fikradda ku saabsan dowlad loo dhan yahay.

Taalibaan ayaa Afghanistan maamuleysa 1996-kii illaa 2001, hase yeeshee ma helin aqoonsi caalami ah.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay in go’doominta Taalibaan ee 20 sano kahor ay hoggaamisay xaaladda hadda taagan.

REUTERS + VOA

Sawirro: Waddo muhiim u ah Muqdisho oo maanta dib loo furay kadib muddo ay xirneyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay waddada Kuliyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirneyd sababo amni, kadib markii cabashooyin dhowr ah loo gudbiyey maamulka gobolka Banaadir, markii uu hakad ku yimid isku socodka magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo howlo kormeer ah ku sameeyay dhismaha Waddada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa, ayaa sidoo kale wadadaasna dib u furay.

Dhismaha waddada dheer ee degmada Deyniile ayaa ayaduna muhiim u ah isku socodka caasimadda iyo dalxiiska deegaanka, waxayna mas’uuliyiinta ku sameeyeen kormeer socod ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in caasimadda la hormariyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiye Filish dib u furay goobaha Biya-mareenka ah oo ay dowlada hoose Xamar mudooyinkii u dambeysay ka waday howlo dib u habeyn ah.

Doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle oo bilaabaneysa iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirSbabelle ayaa maalmihii u dambeeyay bilaabay dar-dar gelinta qabashada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, waxayna maanta magaalada Jowhar kula kulmeen Guddiga Baarlamaanka ee maamulkaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka HirShabelle ayaa gogol xaar u ahaa wada-shaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaalada uu guddiga ku dar-dar gelinayo qabashada doorashada.

Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo kamid ah Baarlamaanka HirShabelle oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in ujeedkiisa uu qeyb ka ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho labada dhinac ah, maadama ay dhawaan bilaabanayaan doorashooyinka kuraasta Aqalka Sare ee maamulkaas.

Soomane ayaa sidoo kale xusay in labada Guddi ay isla qaateen in si daah-furan looga shaqeeyo doorashada, midaasi oo ka dhigaysa mid ku dhacda xor iyo xalaal, oo lagu wada qanco, sida uu sheegay.

Kulankaan ayaa imanaya xili la filayo in saacadaha soo socda uu madaxweynaha HirShabelle uu ku dhawaaqo liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare oo loolankeedu uu ka bilowday maamulkaas.

Taalibaan oo niyad jabsan, kadib markii ay aragtay wixii uu Mareykanka uga tegay

0

Taalibaan ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay kadib markii ay ogaatay in diyaaradaha iyo helicopter-ada uu uga tegay Mareykanka garoonka diyaaradaha Kabul ay yihiin kuwa aan shaqeyneyn.

Guud ahaan waa 73 diyaaradood, ku dhawaad ​​100 gaari iyo qalab kale oo ay ciidamada Maraykanka ka tageen markii ay ka baxeen Afghanistan waqtigii loo qabtay ee 31 August.

Kadib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen garoonka Kabul, waxaa ku xoomay boqolaal ka mid ah dagaal-yahanada Kabul iyo hogaamiyayaashooda oo dabaal-degaya ayaga oo kor u ridaya rasaas.

Waxaa kadib la arkayey sawirro muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanka kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai.

Hase yeeshee xaaladda ayaa durba isbeddeshay, waxaana Taalibaan ay hadda sheegayaan inay niyadjabsan yihiin, oo ay careysan yihiin, islamarkaana dareemayaan in la qiyaameeyey, sababtoo ah dhammaan qalabka laga tagay ayaa ahaa kuwan ay burburiyeen ciidanka Mareykanka oo aan xitaa la dayactiri karin.

“Waxaan fileynay inay ka tagaan diyaarado iyo qalab shaqeynaya, sababtoo ah waa hanti Afghanistan, anagana waxaa nahay dowladda cusub ee dalka,” ayey yiraahdeen Taalibaan.

Madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi laga dhigay kuwa aan la isticmaali karin.

“Diyaaradahaas ma ahan kuwa dib dambe u duuli doona,” ayuu yiri. Diyaaradaha looga tagay Kaabul waxaa ka mid ah:

• Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee MD-530, oo loo adeegsado sahanka iyo weerarka dhow
• A-29 oo ah diyaaradaha weerarka fudud loo isticmaalo.

Bishii Juun, ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan ​​waxay adeegsanayeen:

• 43 MD-530s, oo ay bixisay Maraykanka.
• 23 A-29s

Qiimaha alaabta shaqsiyeedka ma aha kuwa si toos ah loo sheegi karo laakiin qiimaha qeybta A -29 ayaa lagu sheegay inay ka badantahay $ 10 malyan oo doolar.

Muuqaal uu duubay weriyaha LA Times Nabih Buulos ayaa muujinaya dagaalyahanada Taaliban oo wata helicopter nooca CH-46 Sea Knight.

Waxaa adeegsaday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay shaqaalaha uga daadgureeyaan safaaradda Kabul, toddobo ka mid ah diyaaradaha ayaa la sheegay in laga dhigay kuwo aan shaqayn karin oo laga tagay.

Ugu yaraan hal diyaarad oo nooca C-130 Hercules ah ayaa sidoo kale la sawiray iyadoo taalla laamiga.

Sida laga soo xigtay Gen McKenzie, 70 baabuur oo ah lagu baaro miinooyinka ayaa iyagana la tagay, kadib markii laga dhigay kuwa aan geibi ahaana shaqeynayn.

Qiimaha hal gaari oo noocaas ah ayaa lagu sheegay inuu gaarayo inta u dhaxeysa $ 500,000 ilaa hal milyan oo doolar.

Sidoo kale waxaa Kaabuul looga tagay.

• 27 baabuurta milatariga dhulka gaar ahaan kuwa nooca la yirahdo Humvee.
• Tiro aan la cayimin oo ah qalabka difaaca gantaalaha iyo madaafiicda.

Hase yeeshee dhanka kale ciidamada Afgaanistaan ​​ayaa waxay ka carareen hub ay u saamixi weysay inay burburiyaan ama curyaamiyaan qalabkaasi.

Sawirada dayax gacmeedku waxay tilmaamayaan in diyaarado qaar laga saaray dalka Uzbekistan, maalmo ka hor burburkii dawladda Afgaanistaan.

Waxayna khubaradu tilmaamayaan in diyaaradaha qaarkood laga yaabo inay aad ugu xaddidan yihiin Taalibaan sababtoo ah ma haystaan duuliyeyaal tababaran, iyo sidoo kale u helidda dayactirkooda.

Balse, in kasta oo aysan suurtogal ahayn in la sheego tirada saxda ah, haddana inta badan 167 diyaaradood, oo ay ku jiraan 33 helicopter oo ah nooca UH-60 Black Hawk, oo ay gacanta ku hayeen ciidamada qalabka sida ee Afghanistan dhammaadkii Juun, ayaa hadda loo malaynayaa inay ku jiraan gacanta Taaliban.

BBC

Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah ku fulisay Anfac Xuseen Muxumed + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukun dil toogasho ah ku fuliyey haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidamada maaamulka HirShabelle ee ka howl-gala Xerada Lama-Galaay ee Beledweyne.

Fagaare ku yaalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay haweeneyda ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa ku eedeysay haweeneyda la toogtay inay ka tirsaneyd ciidanka milatariga, isla-markaana ay ka qeyb qaadatay dagaallo ka dhacay gobolka Hiiraan balse ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen xoogag ka tirsan kooxdaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Beledweyne iyo maamulka HirShabelle oo ku aadan toogashada lagu fuliyey Anfax Xuseen Muxumed.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo xarumo muhiim ah sida maxkamado iyo saldhigyo ciidan.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Daawo: Muuse Suudi oo shaaca ka qaaday arrin dhex-martay isaga iyo Guudlaawe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa shaaca ka qaaday arrin dhex martay isaga iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Muuse Suudi ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu u balan qaaday in la dooran doono, balse uu ku canaantay in afarta sano ee soo socota uusan u dhaqmin sidii hore.

“Walaalkey waa i canaantay, waxuu iyiri waa lagu dooranaa, laakiin sidii hore hayeelin,  marka anaguna sidii hore in Alle uusan ka dhigin ayaan rajeyneynaa, halkaas ma dhaafaayo,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Arrinta uu Muuse Suudi sheegay ayaa waxaa 22-kii bishan shaacisay Caasimada Online, oo sheegtay in Cali Guudlaawe la filayo inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, oo kaga yimid Villa Somalia.

Sidoo kale Muuse Suudi ayaa amaan kala dul dhacay maamulka madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in mustaqbal fiican ay leedahay HirShabeelle, waxuuna bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan maamulkooda oo tafaraaruqa ay meel iska dhigaan.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadkii soo dhaweeyey uu weydiiyey sababta uu u imaan waayey Jowhar afartii sano ee Senatorka uu ahaa, “Jowhar kamana maqneyn, mana imaan, intaan oo dhib ah dadka waan ka dhowraayey, dadkaan isoo dhaweynaya iyo dadka aan u soo martinaayo dhib ayey igu qabi lahaayeen, sida maanta oo kale, laakiin qoylkeygu kama maqneyn HirShabeelle,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Waxa uu sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu kursiga Aqalka Sare ku difaaci jiray dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, oo sida uu sheegay iyagu leh ilaha dhaqaale ee dalka laga wada biisho kheyraadka ka soo xarooda.

“Intii Aqalka Sare aan joogay HirShabeelle wixii laga haleeyo banaankaan u taagnaa, waxaa soo labeysay Galmudug, waxay ugu dared markii lacag yar oo tan la siiyo dowlad goboleedyada kale ka yar loo qoondeeyey laga goostay labadaas maamul, iyadoo canshuurta dadkooda laga qaado oo dekadahooda la biisho, maadaama kuwa kale gaar loo leeyahay, warkeyga xiligaas inuu saas noqdo ma rabin, laakiin waan huri waayey,  markii aan Aqalka Sare ka qeyliyey seddax beri gudahood ayaa lagu fasaxay lacagtii labadaas maamul,” ayuu yiri Senator Muuse.

Hoos ka Daawo

Ra’iisul wasaare ROOBLE oo farriin culus u diray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la qaatay guddiyada doorashada ayaa soo hadal qaaday dooda weli ka taagan kuraasta Somaliland.

Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray labada garab ee is haya, gaar ahaan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed  iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka codsaday inay ka shaqeyaan horumarinta iyo is-aaminaada, si ay doorashada labada Aqal ee Somaliland ugu dhacdo si cadaalad ah.

Rooble ayaa tilmaamay in in habraacii u dambeeyey uu dhigayo ee lasoo saaray uu dhigay in  labadaan mas’uul ay soo xulayaan liiska musharixiinta xildhibaanada ka imaanaya gobollada waqooyi, isagana uu ka hubin doono, si markaas turxaan bixin loogu sameeyo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu si gaar ah ula shaqeeyo labada dhinac, si looga gudbo caqabadaha weli ka jira kuraasta gobolada waqooyi ama Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu intaasi ku sii daray in aanu ogolaan doonin in labada garab ay isku dulmiyaan doorashada, ayna sidoo kale jiri doonin u kala eexasho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaafka u dhexeeya labada garab ee kuraasta Somaliland isku haya uu meeshii ugu sarreysay gaaray, kaas oo saameeyey horey u socodka doorashooyinka, waxaase haatan soo fara-geliyey golaha wada-tashiga qaran oo soo saaray habraaca doorashooyinka iyo sida loo wajahayo kuraasta gobollada waqooyi.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo is jiid jiid dheer, kaas oo dib u dhigay qabashada doorashooyinka oo ka daahay waqtigii loo asteeyey.

Arrin been ah oo Aqalka Cad uu ka sheegay Somalia oo fal-celin ka abuurtay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Warbaahinta Mareykanka ayaa ka falcelisay hadal been ah oo afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ay ku sheegtay in ciidamo Mareykan ah aysan joogin Soomaaliya, xilli ay difaaceysay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Psaki ayaa ku dooday in Mareykanka uu awoodi doono inuu howlgallo ka hortag argagixiso ka fuliyo Afghanistan ayada oo aysan joogin ciidamo, waxayna tusaale usoo qaadatay Soomaaliya iyo dalal kale, halkaas oo dhab ahaantii ay ciidamo Mareykan ah joogaan, taas oo lid ku ah sheegadeeda.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii militariga Mareykanka ay ku dhowaaqeen inay dhameystireen ka bixitaankooda Afghanistan. 

Psaki ayaa la weydiiyey haddii dadka Mareykanka ee ku sugan dunida daafaheeda ay hadda halis dheeri ah ku jiraan, sababo la xiriira hubka tirada badan ee u gacan galay Taalibaan kadib bixitaanka ciidanka Mareykanka. 

“Awoodaheena aan ku beegsan karno argagixisada waa ay jiri doonaan. Waxaa jira qeybo ka mid ah dunida kale sida Soomaaliya, Libya iyo Yemen oo ciidamo aysan dhulka naga joogin, welina aan ka hortagno in argagixisada ay kasoo qaadaan weeraro ama ku halis geliyaan muwaadiniinteena,” ayey tiri Jen Psaki.

Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa hadalkan oo kale Axaddii ka sheegay barnaamijka Meet the Press ee NBC.

 “Waxaan dunida, oo Afghanistan ay ku jirto aan ku leenahay awoodo aan ku weerari karno argagixisada dooneysa inay na waxyeeleyso,” ayuu yirri Blinken. 

“Sida aad la socotaan, meelo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Syria iyo Libya, oo aysan naga joogin ciidamo, waxaan awood u leenahay inaan ka daba-tagno kuwa doonaya inay na waxyeeleeyaan, waxaana Afghanistan ku lahaan doonnaa awood taas la mid ah.”

Hadallada Psaki iyo Blinken ayaa ah been, sababtoo ah madaxweyne Joe Biden ayaa warqad uu bishii June u diray Congress-ka ku xaqiijiyey in Mareykanka ay ciidamo ka joogaan Soomalaiya.  

“Amar uu bixiyey maamulkii iga horreeyey ayaa inta badan ciidamada Mareykanka looga soo qaaday Soomaaliya, balse weli shaqaale ka mid ah militraiga Mareykanka ayaa ku sugan Soomaaliya, si ay u tababaraan, ula taliyaan, una caawiyaan ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM,” ayuu Biden ku yiri warqaddiisa. 

Waxa uu intaas ku daray in ciidamada Mareykanka “ee saldhiggoodu yahay meelo ka baxsan Soomaaliya, ay weli wadaan inay ka hortagaan halista ka imaneysa kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.” 

Sidoo kale bishii April, taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa xaqiijiyey in qiyaastii 100 askari oo Mareykan ah ay joogaan Soomaaliya.

DF Soomaaliya oo DALAB xasaasi ah u gudbisay Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Qatar, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Sheikh Mohammad Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya xaaladda labada dal iyo tan gobolka.

Ugu horreyn wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso xukuumadda Dooxa, kaas oo ku aadan shirka Jaamacadda Carabta ee heer wasiir, isaga oo ka codsaday in golaha ay soo horjeento faylka Somalia, maadaama ay leedahay kaltanka shir gudoonka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay haatan leeyihiin labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale waxa ay fallanqeyn ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay ee arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda Qatar iyo shacabkeeda uga mahad-celiyay taageerada ay mar-kasta la garab taagan yihiin dowlada Soomaaliyeed.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaan afartii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha maamulka Farmaajo.

Wada-hadalladan cusub ee labada dowladood ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya ku jirto xilli adag oo kala guur ah iyo marxalad doorasho.