25 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

Rooble oo saddex qodob ka dalbaday dowladda Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli oo ay wehelinayeen Wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Masar Saddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:

1- Sidii kor loogu qaadi lahaa doorka ay ku leeyihiin dalkaasi waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
2- Fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed ay ku tagaan dalka Masar.
3- Fududeynta ganacsiga labada dal iyo maalgashiga Masar ee Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay iska xogwareysteen muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee dhaxeeya labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli uu bogaadiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalka Masar ayaa qaadanaysa muddo 3 maalmood ah, taas oo kulamo kala duwan uu la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.

Safarka Rooble waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, iyo masuuliyiin katirsan goleyaasha Dowladda.

Xog: Madaxweyne Qoor Qoor oo iska wareejiyey bixinta kursiga Xaaf iyo Qeybdiid

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu iska wareejiyay go’aanka kursiga Beesha Sacad ee Aqalka Sare, oo loolan xooggan uu ka taagan yahay.

Kursigan ayaa waxaa u taagan Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waana mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag Aqalka Sare.

Wararka aan ka helayno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu u sheegay Qoor Qoor in aan magaciisa laga reebi karin tartanka Aqalka Sare, waxayna taasi sababtay in Madaxweyne Qoor qQoor uu odayaasha beesha Sacad iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in lakala saaro labadaan masuul.

“Waxaa jiri doono shir ay yeelan doonaan odoyaasha iyo siyaasiinta beesha Sacad, waxaana filaynaa in uu ka qeybgeli doono Rooble waxaana filaynaa in halkaas go’aan looga gaaro kursiga,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

“Shaki kuma jiro in Qeybdiid heli doono kursigaan laakiin Xaaf waa lagu qasbanyahay in la qanciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Galmudug islamarkaana la hadlay Caasimada Online.

Qoor Qoor ayey si aad isugu dhow yihiin Qeybdiid, waxaana lagu warramaya inuu la doonayo kursiga, hase yeeshee sidoo kale uu ka walaacsan yahay rabashado ka dhaca Galmudug, haddii kursiga laga reebo Xaaf ayada oo aan la qancin.

Laba kamid ah kuraasta Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa harsan waxaana ku horgudban caqabado badan. Kuraasta harsan ayaa waxaa iskaleh beelaha Sacad Habar-gidir iyo Beesha Mareexaan waxayna labadaan kursi loo hakiyay khilaaf ka jira beelaha dhaxdooda.

Jeneraal Zakiya: Casharadii aan ka dhaxlay hoggaaminta ragga Soomaliyeed – Maqaal

Manta waa sanad guuradii 3aad tan iyo markii la ii magacaabay Taliye-Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed. Wallow xusida malinta sanadguurada ay madaxda waxqabadkooda soo bandhigaan waxaan go’aansaday in qaab ka duwan aan ku xuso sanad guuradeyda oo idinla wadaago dhibka uu leeyahay xilka. In wax qabadkeyga idiin soo bandhigo wax micno ah ay yeeleeyso ma jirto waayo xisaabta saxda ah waa maalinta qiyaamo oo ma ahan dokumentari aan isku soo jarjaray iskuna faaniyay. Qoraalkaan aan idinla wadaagay igama ahan niyad jebin balse waxaa rabaa in aan taabto xaqiiqad jirta (reality) si gabar walba oo dooneeyso in hey’ad iyo bey’ad ay ragg u badanyihiin madax ka noqoto ay isku tashato kana tashato qaar ka mid ah caqabadaha aan la kulmay.

1) Ku tasho Doqon walba inuu ku daan-daansado; Dhaqankeena suuban waxuu qoraa in gabdhahu ixtiraam gaar ah la siiyo, in la gardareesanin weliba hadii ay kuu gafto aanan gar u qabsanin kana aargoosan. Balse xil hadaa haysid qodobkaan kuma quseeyo waxaase ku tashataa in doqon walba ku daan-daansado, isku kaa kibriyo iskuna dayo in niyada kaa dilo. Raggeenu weli uma tababarna inay qof dumar ah ka amar qaataan ama goob shaqo ku maamusho, sidaa darteed waxaa lagaa rabaa inaad u heshid farsamo xikmad ku dhisan oo aad ku maareeysid. Hadaa sideeyda oo kale aad walaal, wehel iyo waalid dalka kuu joogin, ku tasho cadaadis dheeri ah iyo dagaal culus oo weliba kuu sii dheertahay in aanan heysanin qof culeyskaas kula qaada. Adkeeysi xoogan yeelo!

2) Dumarka u hiili lkn haka filanin hiil

Markaad tahay gabarta xilka ugu sareeysa haayso waxaa waajib gaar ah kaa saaran u hiilinta gabdhaha adiga kaa hooseeya balse lahayn awoodaada. Waxaa lagaa rabaa in waxeey dhihi karin u dhahdid, waxeeysa gaari karin gaarsiisid qofkii u gafana ka qabatid. Laakiin marnaba ha filanin in wax garab ah laguugu abaal-mariyo, bal waxeey u badantahay cadowtinamada ugu badan inaay kaaga imaata dhanka dumarka gaar ahaan kuwa aad si gaar ah madax u tahay. Ku tasho in weerarka laguuga soo qaadi doona inuu ka duwnaan doona kan lagu qaado ragga dhigahaaga ah waayo markii la rabo in nin madax ah la caayo waxeey u badantahay in lagu tilmaamo qabyaaliste, beenloow ama masuqmaasuq balse markaad tahay gabar madax ah si walba aad isku dhowrtid wax aanan ahayn sharaftaada lama abaaraayo. Ku tasho in eriyo anshax xun iyo sumcad dil ah laguu isticmaali doona, hadaa xitaa shahaado PhD wadatid waxaa lagu leeyahay waxeey xilka ku heshay tumasho. Waxaase ogaataa qof walba waxuu asiga yahay ayuu dadka kale ka dhax arkaa ee haka caroonin hana ka aarsanin kaliya ku kalsoonoow kartidaada waajibaadkaadana gudo.

3) Ku Xigeenimadu waa qud-basiro ee xilkaaga qiimo u yeel.

Ciidamadu weey xeer adagyihiin oo sideedaba taliye xigeen kama weyno kaaliye taliyaha guud. Balse xilku waa magac, sida aad adiga ugu awood yeeshid ayaa u awood yeelanee. Markaad tahay gabar u taliso ragg badan hadana xilkaaga awoodiisa uu xakameeyay xeerka aad ku shaqeeysaan waxaa u baahantahay inaad ku dadaashid sidaad awood ugu sameyn lahayd. Raggu markeey awood doon yihiin xoog ayee isku sheegtaan balse gabdhaha waxaa laga rabaa inay xikmad la imaadaan. Inkastoo xilalka ugu sareeya dowlada lagu qeybiyay hab qabiil hadana hadaa gabar tahay ha ku tashanin qaab qabiil inaad awood ugu yeeshid xilkaagu waayo awalbeey raggu ku maahmaheen “naag qabiil ma laha”. Waxaa raadisaa xirfad aad ooga fiicantahay ragga dhigahaaga ah xirfadaas xoojiso kuna xooji xilkaaga. Tusaale ahaan Taliska Ciidanka Boliiska waxaa ugu sareeyo 3 xubnood 2 ay ragg yihiin. Taliyaashaas ragga ah wey isku xoojin karaan qaab qabiil waayo mid waxuu abti u yahay Madaxweyna halka midka kale ina adeerkiisa uu yahay Ra’isul-Wasaaraha dalka. Anigu fursadaas ma haysto sidaa darteed intaan iskugu haleeyn lahaa qab qabiil waxaa ka doorbiday qab qaran in aan sumcad ka raadsado waxaana xooga saaray kasbashada bulshada aan dartood u dhaartay waana sababta maanta la dhihi karo in aan ka mid ahay taliyasha dhanka siyaasada iyo bulshada ugu saameynta badan. Wallow aanan haysanin xitaa awood aan askari istaaf ah soo badasho hadana farsamada aan ciyaaray waa sababta ugu weyn oo iga hor istaagtay in ragga qaar weerar cad igu soo qaadan halka qaarkood xitaa la dhihi karo inay iiga baqaan. Xoogu waa caqli ragguyee, gabaryaheey xikmada iyo caqligaaga saliimka ah ku tasho!

4) Siyaasadu waa dhiiqo intaa iska dhowri kartid iska dhowr

Siyaasada Soomaliya waa mid 95% ay isku haystaan ragg waxa ay isku haystaan 100% ay tahay “aniga kaa xiniyo weyn” iyo “anigaa kaa mudan”. Sidaa darteed hadaa tahay gabar xil sare hayso ogoow 95% dagaalaha socdo inaysan ku quseyn waxaana kaliya xooga saartaa waajibka kaa saaran qaranka inaad dhowrtid. Waayo garoon ay ragg isku garacaayaan gabar gar ma ka gasho tan ku dhax dhacdana guul kama gaarto gurmadna ka heli mayso. Ku ekaaw waajibaadkaaga; hadaa si hoose u xalin kartid qilaafka markaas taagan xalkeeda gal laakiin sida ragga dhigahaaga ah ha isku moodin inaad garoonka kubada garsoore ka noqon kartid.

5) Qalad walba aad gashid waxaad u qoonsan doontaa gabdhaha kaa dambeya ee fejignoow

Hadaad tahay gabartii ugu horeeysay, middii sadaxaad ama middii boqolaad oo xil qabato ogoow qalad walba aad gashid inaysan adiga kugu koobneen oo lagu qiimeeyn doona hoggaaminta dumarka Soomaliyeed oo dhan. Sidaa darted iska ilaali inaad qalad gashid gaar ahaan qaladaadka ay galaan ragga dhigahaaga ah. Suaalaha ugu badan oo la i weydiyo waxaa ka mid ah sababta aanan weli u yeelan goof, guri ama hanti ma guurta ah madaamo ragga dhigaheyga ah iyo kuwa iga hooseeyo ay sameysteen. Wallow aan la kaftamo oo aan dhaho guriga iyo hantida sheegeysiin waxaa laga rabaa ninka doonaayo in faciisa ugu booteeyo in gabar jeneraalad ah ayaa ka soo ag-kacay hadana xaqiiqada waxa weeye in aan aad iskaga ilaalinaayo gabar taliye ah oo musuq-maasuq cagaha la gashay. Gabdhaha waxaa lagu tilmaamaa inay ka daacadsanyihiin ragga kana maamul fiicanyihiin; hadaan manta xilkeyga u adeegsado sidaan u yeelan lahaa hanti soo kama shaqeeynin in gabdhaha dib dambe lagu tilmaamin daacadnimo? Jiilalka soo socda waxeey naga mudanyihiin sunno iyo taariikh fiican in aan ugu tagno. Ogoow markaa tahay gabar madax ah in sharuudaha (criteria) laguuga qiimeenaaya inay ka duwanyihiin kana adagyihiin kuwa lagu qiimeeyo ragga dhigahaaga ah. Ma ahan wax xaqq ah balse waa xaqiiqada jirto oo loo baahanyahay inaad xalkeeda hesho.

Ugu dambeyn, hadaa nahay Soomali waxaa moodaa in xilka uu yahay wax lagu xaragoodo. Haku sirmin gaariga bullet-proofka ah aad wadatid, am ciidan iyo shaqaale kaa daba ordaaya ama ragg waaweyn oo ku soo wacanaaya ama dhalinta masuwaro kula galaaya. Waxaas oo dhan waa dhalanteed oo halaagay ragg iyo dumar badan oo kaa horeeyay kaana dambeyn doona. Imisaa ayaa sanadihii la soo dhaafay awood xoogan baladka kulahaa mantana kuwii shalay ay yasaayeen baryaaya? Xilku waa xabsi aduunyo iyo xisaab aakhiro; ama sidii Nelson Mandela xabsigaaga guul ugu badalo ama sidii Saddam Xussein ku dhax dhimo. Waa sidaa adiga xikmada u adeegsatid.

FG; Mandela iyo Saddam diintooda kama hadlin kaliya hoggamintooda kala duwan ayaan tusaale ahaan u soo qaaday ee qiblada yeeysan kaa wareerin….

W/Q: Jeneral Zakiya Xuseen

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararkii ugu dambeeyey khaaaraha dabeylihii maanta ku dhufay xeebaha Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose aya sheegaya in saacadihii la soo dhaafay xeebaha gobolkaas ay ku dhufteen dabeylo xoogan  oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho & burbur hantiyeed, sida ay shaacisay Jubbaland.

Dadka dhintay ayaa ahaa kalluumeysato, waxana la qalibmay doomihii ay saarnaayeen, halka uu buurbur xoog leh soo gaaray guryo ku agdhowaa xeebta magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Jubbaland, Mudane Cabaas Cali Ibraahin oo ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dabeylahaasi ayaa sheegay inay qalibmeen 11 doomood, kuwaas oo sababay dhimashada illaa 5 qof oo kalluumeysato ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in dabeyluhu ay burburiyeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda Calaley oo ku taalla dhinaca xeebta ee magaaladaasi.

“Waxaa aad u kacsanaa badda, khasaarooyin lixaad leh ayaa ka dhashay guud ahaan waxaa ku rogmaday 11 doon oo ay bad-baadeen dadkii la socday, keliya waxaa ku dhintay 5-ruux, guryaha ku yaalla Calaley waxaa dumisay dabeysha” ayuu yiri Wasiir Cabaas.

Ugu dambeyn wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Jubbaland, ayaa ugu baaqay kalluumeysatada iyo dadka degan hareeraha badda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, ayna ka fogaadaan xeebta xilliyada dabeylaha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan uu  wal-wal xoogan soo wajahay kalluumeysatada oo xilligan wajahaya khatar uga imaaneysa dabeylaha badda.

Si kastaba, sanad marka la gaaro waqtiga Xagaayga oo haatan lagu jiro ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya ka billowda dabeylo xoogan oo sababa khasaare kala duwan.

Taalibaan oo cafis u fidisay saraakiisha AFGHANISTAN

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ee sida buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ayaa ku dhowaaqday cafis guud oo loo fidiyey mas’uuliyiintii dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka Taalibaan ayaa waxaa lagu sheegay in cafis loo fidiyey saraakiishii iyo mas’uuliyiintii la shaqeynayey madaxweynihii cararay ee Ashraf Ghani.

Sidoo kale kooxda ayaa ku boorisay saraakiishaas inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, iyaga oo qaba kalsooni buuxda, sida lagu sheegay bayaanka.

“Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan, marka waa inaad dib u bilowdaa nolol maal-meedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayey qortay wakaaladda caanka ee wararka AFP, iyada oo sidoo kale oo xiganaysa bayaanka kasoo baxay kooxda Taalibaan.

Go’aankan ka soo baxay Taalibaan oo muddo 20 sano ah dagaal ka waday Afghanistan ayaa dad badan la yaab ku noqday, weliba sida ay u wada shaqeyn karaan mas’uuliyiintii iyo saraakiishii ciidamada dowladda ee ay dagaallamayeen muddadaasi aadka u fog.

Sidoo kale Taalibaan ayaa waxaa lagu xasuustaa inay caan ku aheyd fulinta dilalka ciqaabta ee arxan darradaah, iyada oo horey loogu eedeeyay inay geysatay dambiyo dagaal.

Si kastaba, tan iyo markii Taalibaan gudaha u gashay Kabul waxaa sii kordhayey cabsida dadkii la shaqeeynayey dowladdii dalkaas iyo ciidanka Mareykanka, waxaana jira boqolaal qof oo laga daad gureeyey garoonka diyaaradaha ee Hanid Karzai oo ku yaalla caasimada.

Ma la aamini karaa JANAN, muxuuse damacsan yahay?

0

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda federaalka, gaar ahaan garabka Farmaajo ayaa mar kale dib uga gurtay heshiiska, wuxuuna ku biiray mucaaradka ka soo hor jeeda Farmaajo ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay Janan ayaa lasoo xiriiray xubno mucaaradka ka tirsan, gaar ahaan hoggaanka xisbiga Wadajir iyo siyaasiyiin kale, wuxuuna sheegay inuu dareemayo cadaadis, cabsi, ku takrifal iyo ballan ka baxyo, isla markaasna uu doonayo inuu kasoo baxo dhanka Farmaajo.

Janan wuxuu daganaa guryo kasoo horjeedo xarunta Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka, sida uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in loo diray gaadiid dagaal oo kasoo bixiyey gurigii uu daganaa, waxaana loosoo wareejiyey qeybta ay magaalada Muqdisho ka dagan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah, taas oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay ayuu Janan isku dayey inuu uga leex-leexdo xaqiiqada jirta, isagoo ka dhigay in uusan dagaal uga soo wareegin dhanka Farmaajo, laakiin haddii ay nabad jirto isagoo dhinaca Farmaajo jooga ayuu ku dhawaaqi lahaa inuu yahay musharax u taagan xilka kursiga xildhibaan ee beeshiisa.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu soo dhaweyn wanaagsan u sameeyey, waxaana la dajiyey xarunta xisbiga Wadajir, halkaas oo deegaan u ah xilligaan la joogo.

Cilaaqaad ay kooxda Farmaajo lasoo sameysay si uu dib ugu laabto halkii uu daganaa oo laba maalin socday ayaa lagu guul-dareystay, sida ay xaqiijiyeen illo muhiim ah.

Muxuu tabanayaa Janan?

Cabdirashiid Janan waxaa lasoo wariyey in ballamihii looga baxay, wuxuu u sheegay dad uu la kulmay in loo ballan-qaaday inuu noqdo Xildhibaan, balse wuxuu ku dooday in ugu dambeyn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay ballantii uga baxeen.

Waxay kaloo dad aad ugu dhow sheegeen inuu jiray ballan-qaad lacageed markii uu isku soo dhiibay dowladda federaalka, taasna waa looga baxay, sida ay xaqiijineyso xogtaan.

Hadda Cabdirashiid Janan wuxuu Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay musharax xildhibaan, waxuuna u hanqal-taagayaa kursiga tirsigiisu yahay HOP116, kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Xildhibaan Cabdulqaadir Aadan Nuur.

Janan wuxuu u sheegay xubno uu la kulmay inuu ka dalbaday kooxda Farmaajo inuu aado Gobolka Gedo si uu usoo xaliyo xiisado ciidanka dhexdooda ah oo ka jira Gobolka, laakiin garabka Farmaajo oo aad uga shakisan in Janan qorshihiisa bedelo markii uu gobolka Gedo ayaa ka diiday in loo fasaxo safarkaas.

Saraakiil ciidankiisa ka tirsan oo Muqdisho ku sugnaa oo uu Gedo u diray ayaa iygana Muqdisho lagu xiray oo loo diiday inay baxaan.

Janan arrimahaas is biirsaday waxay ku qasbeen inuu usoo ruqaansado dhanka mucaaradka, laakiin wuxuu jeediyey kalmado maldahan oo uu ku fududeysanayo geedigiisa cusub.

Hadda muxuu u baahan yahay Janan?

Cabdirashiid Janan waxaa la sheegay inuu rabo inuu aado Gobolka Gedo oo la fasaxo, waxaa arrintaas la gaarsiiyey Ra’isul wasaare Rooble, maadaama uu isaga sheegay inaan qofna laga celin karin halka uu u socdo oo aan laga hor istaagi karin inuu ka duulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hadda way adag tahay in kooxda Farmaajo ay weerarto halka uu dagan yahay Janan oo ay soo qabtaan, arrintaan Xamar waa ka dhammaatay wixii ka dambeeyey dagaalkii 25-kii April, xilligaas oo dib looga saaray magaalada ciidankii xoogga ku soo galay ee Badbaado Qaran.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa hadda la sheegay inuu ku maqan yahay xalka safarka Cabdirashiid Janan ee gobolka Gedo, lamana yaqaano sida ay arrintaan ku aqbali karto kooxda Farmaajo .

Ujeedka xisbiga Wadajir ee marti-gelinta Cabdirashiid Janan

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa la sheegay in siyaasad gooni ah aysan ka laheyn marti-gelinta Janan, laakiin uu isagu u arkay cidda uu isku aamini karo, waxay gudanayaan waajibaadka marti-gelinta siyaasadeed.

Kooxda Farmaajo oo culeys badan saareysa kuraasta taalla gobolka Gedo waxay u muuqdaan kuwa aaminsan in Janan uu ka hor imaan doono, haddii uu ku laabto Gobolka, lamana yaqaano sida ay hadda ku hor istaagi karaan socdaalka uu qorsheenayo inuu ku aado gobolka Gedo.

Janan oo kamid noqday musasalka siyaasadeed ee Soomaaliya, waa siyaasi shacab iyo ciidanba ku heysta gobolka Gedo, haddii isaga iyo Farmaajo oo kala aragti ah la guda galo doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey, waxay u badan tahay inay halis gali doonto 16-ka kursi ee Farmaajo ku xisaabtamayo ee taalla magaaladaas.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Weerar lagu beegsaday dad shacab ahaa oo ka dhacay HIIRAAN + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil iyo dhaawac loogu geystay dad shacab ahaa, kaas oo xalay ka dhacay deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan oo ka torsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, kuwaas oo rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Labada qof ee geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Gallad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiirey, kuwaas oo si weyn looga yaqaanay duleedka degmada Matabaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay daba socoto xiisad salka ku heyso aano Qabiil oo weli ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana deegaanka ay mashaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo billaabay howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay fuliyeen weerarkaasi..

Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaro dadka shacabka ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee Afghanistan iyo Mareykanka oo qaaday tallaabo ay Kabul…

0

Kabul (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa si deg deg ah u joojiyey daad-gureyntii ciidamada iyo diblumaasiyiintiisa ku sugan caasimada Afghanistan ee Kabul, kadib markii ay kumanaan qof oo rayid ah soo buux dhaafiyeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda.

Sida ay ku warameyso wakaalada Reuters, kumanaan qof oo rayid ah oo quus ka taagan inay ka qaxaan Afghanistan ayaa xiligaan hakad geliyay duulimaadyadii daad-gureynta ee ay wadeen millateriga Mareykanka.

Rabshadaha ka dhashay arrintaas, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shan qof, kadib markii ay dadka ku soo aruuray garoonka diyaaradaha ay si qasab ah u wada qabsadeen diyaarad kamid ah kuwa millateriga Mareykanka oo xiligaas ku socotay runway-ga ay diyaaradauhu ku ordaan.

Ilaa hadda ma cadda sida ay shanta qof ugu dhinteen gegada diyaaradaha, hase yeeshe Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamadu ay cirka u rideen rasaas si ay uga hortagaan dadka isku dayay inay xoog ku galaan diyaarad militari oo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Mareykanka ka saaraysay magaalada. Lama kala oga inay ku dhinteen rasaastas iyo inkale.

Weriye ka tirsan Al-Jazeera oo ku sugan Kabul ayaa soo sheegaya in Taliban ay dadka qulqulaya ka hor istaageyso inay u gudbaan dhanka garoonka diyaaradaha, isla markaana ay ridayaan rasaas digniin ah, si looga fogaado aagga garoonka.

Tan iyo markii ay ciidamada Taliban gudaha u soo galeen caasimada Kabul ayaa waxa Garoonka diyaaradaha maamulayey ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeynayeey intii ay ku suganaayeen dalkaas.

Dagaalyahannada Taliban ee guuleystay ayaa Isniintii maanta roondo ku dhex-maraayey waddooyinka magaalada Kabul, shacabkuna waxay isku buurteen dhanka garoonka, si ay xukunka kooxdaan uga baxsadaan.

Duulimaadyada daad-gureynta ee ay wadeen ciidamada Mareykanka ayaa gebi ahaanba xiligaan istaagtay, waxayna hakad sii ahaan doonaan illaa inta gudaha garoonka laga nadiifinayo dadka usoo gudbay, sida uu sheegay Sarkaal sare oo la hadlay wakaalada Reuters.

Sida uu baahiyey Telefishinka dowladda Turkiga ee TRT waxaa maanta Kabul ka degtay diyaaradda  Turkish Airlines, waxayna halkaas ka qaaday 324 qof oo sigu jira diblomaasiyiintii ka joogtay Afghanistan iyo dad u dhashay dalkaas oo rayid u badan.

Waxaa hore u istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada xiliyada qaar laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban.

Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson oo qadka Talefoonka kula xariiray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay inuu damacsan yahay inuu martigeliyo maalmaha soo socda kulan heer sare ah oo hogaamiyaasha G7 ay ka yeeshaan xaaladda Afghanistan.

Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kaga wadahadlay xaaladda Afghanistan waxayna ku heshiiyeen inay sii wadaan wadatashiyada ay xaalada dalkaas kala yeelanayaan Shiinaha, Pakistan iyo Qaramada Midoobey.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in deg deg dalkaas Afgaanistan loogu dhiso dowlad midaysan oo loo dhanyahay, goluhu wuxuu kaloo ku baaqay in la bilaabo wadaxaajood iyo in laga fogaado gabood fallo bini’aadanimo.

Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Axadii ka cararay dalkaas, wuxuuna sheegay inuu u baxsaday “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa.

“Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook.

“Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ashraf Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan.

Daawo: Rooble oo lagu soo dhoweeyey Qaahira iyo war laga soo saaray safarkiisa

0

Qahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib markii uu saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Qaahira International dhiggiisa dalkaas Mustafa Madbuuli iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Masar.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa ku tagay dalka Masar booqasho rasmi ah oo ku saleysan xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dale e Masar iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar Cabdulfitaax Al-sisi, waxayna labada dhinac yeelan doonaan kulammo ay uga wadaxaajoo doonaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa safarkaan ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq, wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Masar ayaa qaadan doona mudo laba cisho ah, waxaana ka warbixiyay safiirka Masar ee Soomaaliya Ilyaas Cumar Abuukabar.

Hoos ka daawo sida Qahira loogu soo dhaweeyey wafdiga Rooble

Waa kuwee lixda hogaamiye ee ugu muhiimsan Taliban?

Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa magaalada Kabul kula dagaalamaysay dowladda Afghanistan oo reer galbeedku taageeraan tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001-dii.

Inta badan xubnaha Taliban ayaa asal ahaan ka tirsanaa dagaalyahannada loogu yeero “mujaahidiin” kuwaas oo taageero ka helayey Mareykanka si ay isaga caabiyaan ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ee sanadkii 1980.

Kooxda ayaa waxay soo ifbaxday sanadkii 1994 iyagoo ka mid ahaa kooxihii dagaalladii sokeeye ku jiray, waxayna gacanta ku dhigeen inta badan dalkaas sannadkii 1996 markaas oo ay ku soo rogeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Daalibaan ayaa mar kale si militari ah u qabsatay xukunka dalka Afghanistan tan iyo markii ciidamada shisheeye bilaabeen inay ka baxaan, iyagoo qabsaday inta badan dhulka dalkaas.

Aasaasihii iyo hoggaamiyihii asalka ahaa ee ururkaan, Mullah Mohammad Omar ayaa la waayey meel uu galay kadib markii ay dowladdii Taliban afgambiyeen ciidamadii maxalliga ahaa oo ay taageerayeen Mareykanka wixii ka dambeeyey weerradii 11-kii September 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Aad ayey u qarsooneyd in la ogaado halka uu Cumar ku sugnaa, waxaana geeridiisa sanadkii 2013 xaqiijiyey wiilkiisa markaas oo dhimashadiisa laga joogay 2 sano, wuxuuna ku dhintay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen halkii uu ku dhuumanayey.

Waxaa jiro hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ururkaan ka tirsan, waxaana warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa qaar kamid ah xubnaha ugu muhiimsan ururkaan.

Haibatullah Akhunzada

Waxaa loo yaqaan “Hoggaamiyaha Mu’miniinta”, waa nin aad u bartay Diinta Islaamka, waana hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, wuxuuna hayaa awoodda ugu dambeysa ee arrimaha siyaasadda, diinta iyo milatariga kooxda.

Akhunzada ayaa xilka la wareegay kadib markii hoggaamiyihii ka sareeyey ee Akhtar Mansuur lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku qaadeen meel u dhow xadka Afghanistan iyo Pakistan sannadkii 2016-kii.

Muddo 15 sano ah oo la weysanaa ayuu si lama filaan ah usoo muuqday bishii Maajo ee sanadkii 2016, Akhunzada wuxuu wax ku bari jiray oo uu ku wacdi jiray masaajid ku yaal Kuchlak, oo ah magaalo ku taal koonfur-galbeed ee Pakistan, sida ay Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegeyn saaxiibadiis iyo ardaydii uu macalinka u ahaa.

Akhundzada uma muuqdo inuu raacayo raadka madaxdii uga horreysay ee hoggaanka Taalibaan, gaar ahaan Mullah Mansoor iyo Mullah Cumar, kuwaas oo aaminsanaa in wax walba lagu helo qori caaraddiis.

Fikradda uu aaminsan yahay awgeed, markii hore waxaa loo arkayay nin qalalaasaha jecel oo aan oggolaan doonin wax wada xaajood ah oo ku qotama aragtida Taalibaan, hase yeeshee xaaladdaas wax badan ayuu ka badallay, diyaar ayuuna u ahaa inuu la fariisto dhinacyada ka soo horjeeda.

Inkasta oo uu leeyahay mayal-adeyg dhinaca diinta ah, haddana waxaa la sheegay in uu aaminsan yahay in siyaabo kale wax lagu xalliyo inta aan dagaal la gaarin.

Mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee uu Akhundzada aaminsanaa in khilaafka lagu xalliyo “wada-hadal siyaasadeed”, taasi oo si weyn u soo muuqatay bilihii la soo dhaafay.

Bishii July, 2021, kooxda Taalibaan waxay miiska wadahadalka la fariisteen madaxda dowladda Afghanistan oo ay ku kulmeen magaalada Dooxa, tallaabadaas oo muhiim u ahayd hannaanka nabadda ee dalka Afghanistan.

Waxaa la sheegaa in Akhundzada uu la dagaallamay ciidammadii Midowga Soofiyeet iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanka horkacayay ee ku sugan Afgaanistaan, waxa uuna madax ka soo noqday maxkamadda militariga ee Kabul, intii dalkaas uu xukumayay ninka Taalibaan aasaasay ee Mulla Cumar.

Inta uu hoggaaminayay ururka Taalibaan, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka, iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay.

Tan iyo kowdii May 2021, Taalibaan waxa ay sare u qaadday howlgalladeeda militari ee ka dhanka ah xukuumadda, waxayna qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afgaanistaan.

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sannadkii 1961, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internet-ka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, wuxuuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Ma jirto cid sheegi karta halka uu sida rasmiga ah ugu sugan yahay hoggamiyahaan.

Mullah Mohammad Yaqoob

Waa wiilka uu dhalay aasaasaha Daalibaan Mullah Cumar, wuxuuna dusha kala socda hawlgalada milateri ee kooxda, waxayna warbaahinta maxalliga ahi sheegtay in uu ku sugan yahay gudaha Afghanistan.

Waxaa loo soo jeediyay inuu noqdo hogaamiyaha guud ee dhaqdhaqaaqa, laakiin wuxuu soo jeediyey in xilkaas loo dhiibo Akhunzada sanadkii 2016, isagoo dareensanaa inuusan laheyn khibrad dhanka dagaalka ah, maadaama uu ahaa wiil yar sida uu sheegay taliye ka tirsana Taliban oo ku sugnaa goobta lagu doortay Akhunzada   .

Mullah Yaqoob ayaa la rumeysan yahay inuu jiro da’da 30-meeyada.

Sirajuddin Haqqani

Waa wiilka taliyaha caanka ah ee Taliban Jalaluddin Haqqani, wuxuuna hadda hoggaamiya Shabakadda Haqqani, oo ah koox kormeerta hantida maaliyadeed iyo milatari ee Taalibaan ee xuduudda Pakistan iyo Afghanistan.

Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan, oo ay ka mid yihiin weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya.

Haqqani waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay da’da 40 ama inuu galay da’da 50-meeyada. Lama oga halka uu ku sugan yahay.

Mullah Abdul Ghani Baradar

Baradar oo ka mid ah aasaasayaashii Daalibaan, ayaa hadda madax ka ah xafiiska siyaasadda ee Daalibaan, wuxuuna qayb ka yahay kooxda wada-xaajoodka ee Doha si ay isugu dayaan una galaan heshiis siyaasadeed u gogol xaari kara xabbad-joojin iyo nabad waarta oo ka dhalata Afgaanistaan.

Wada-hadalada siyaasadeed oo ay kooxdaan ka shaqeeneysay ayaa u muuqda inuu fashil kusoo dhammaaday bishaan, kadib markii ay kooxda si xoog ah kula wareegtay awoodda iyo xukunka dalka Afgaanistaan.

Baradar oo la sheegay inuu ka mid ahaa taliyayaashii uu aadka ugu kalsoonaa Mullah Cumar ayaa waxay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen sanadkii 2010 xilli uu ku sugnaa magaalada Karachi ee koonfurta Pakistan, waxaana la sii daayay sanadkii 2018.

Sher Mohammad Abbas Stanikzai

Wuxuu soo noqday wasiir ku xigeen xilligii dowladdii Daalibaan ka hor intii aan la afgambin, wuxuuna ku noolaa Doha ku dhawaad toban sano, waxa uu madax ka noqday xafiiska siyaasadda kooxda sanadkii 2015.

Sidoo kale waxa uu ka qeyb qaatay wada xaajoodyadii lala galay dowladda Afgaanistaan, wuxuuna wakiil uga ahaa Taalibaan safaro diblomaasiyadeed oo uu ku tagay dalal dhowr ah.

Abdul Hakim Haqqani

Waa madaxa kooxda wada xaajoodka Taliban, wuxuuna madax u ahaa golaha awoodda badan ee culumada diinta ee kooxdaan, waxaa si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka uu aadka u aaminsan yahay hoggaamiyaha kooxdaan ee Akhunzada.

Ciidamada Janan oo laga qaaday gaadiidka dagaal iyo xiisada degmada Doolow oo…

0

Doolow (Caasimada Online) – Waxa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Xiisada dagaal oo u dhaxeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay hore u geysay degmada Doolow iyo ciidamadii uu kal hore dowladda ku wareejiyay wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, kuwaasi oo gadood xoogan ka sameeyay degmada.

Odayaasha dhaqanka degmada oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaabay ciidamada kuwa sugan Doolow iyo dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntii lagu dhameeyay in xerooyinkoodii ku laabtan, islamarkaana la siiyo xuquuqdoodii sida; mushaarka iyo gunnooyinkii ka maqnaa.

Sidoo kale waxa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodsanaa ee Janan laga qaaday gaadiidka dagaalka ee ay haysteen, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ay soo dhoobeen gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Korneyl Warfaa Sheekh Aadan Faroole, Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee gobolka Gedo ayaa dhankiisa ballan-qaaday inay xalinayaan tabashooyinka ay qabaan ciidamada, ayna ku laabteen xeryahoodii.

Waxa uu si weyn ugu mahad celiyay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Doolow, oo qeyb ka yihiin maamulka iyo saraakiisha ciidamada, kuwaasi oo uu sheegay inay kaalin muhiim ah ka ciyaareen xal ka gaarista xiisada taagneyd.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada dowladda iyo kuwii uu dowladda ku wareejiyay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, kuwaasi oo ka gadoodsanaa inaysan helin xuquuqdii iyo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in khilaaf xoogan uu ka dhex qarxay Cabdirashiid Janan iyo Farmaajo, inkasta oo arrinta khilaafka uu ka gaabsaday Janan oo shalay musharaxnimadiisa uga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday 4 qodob kadib shirkii Muqdisho (War-murtiyeed)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharixiinta ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirkii seddexda maalin uga socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ee looga hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Kulan saddex maalmood socday (August 14-16, 2021) ayaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Kulamadaas oo ay ka soo qeybgaleen musharaxiinta ku bahoobay Golaha MIdowga MusharaxiInta Madaxweyne. Waxaa kulanka diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda dalku marayo, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in golaha uu wadatashi la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada “Goluhu wuxuu kulamo Ia yeeshay Guddiga Doorashooyinka Heer-Qaran ee (FEIT), ururrada bulshada rayldka lyo beesha caalamka. Wuxuu kaloo Goluhu wadahadal Ia yeeshay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Goluhu wuxuu Ia qabaa fIlashada shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ee ahayd In doorashooyinkan ay ka fiicnaadaan kuwii dhacay 2012k11 lyo 2016k11.”

War-Saxaafadeedka Midowga Musharixiinta oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa walaac looga muuijiyay sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, sidoo kalena ay u tagan yihiin xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay si dalka looga badbaadiyo xasilooni siyaasadeed oo horleh.

“Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa sida ay ku billowdeen doorashooyinka dalka. Goluhu wuxuu u taagan yahay xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay, si dalka looga badbaadiyo xasillooni darro slyaasadeed oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay musharixiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka aqalka hoose ay noqdaan kuwa daah furan oo loo dhan yahay isla markaasna la ballaariyo shirka golaha wadatashiga qaran, wuxuuna golaha soo jeediyey qodobada soo socda:

1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.

2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan.

3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami- u-qabashada doorashooyinka.

4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeynti war murtiyeedka kasoo baxay midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu yiri
“Haddaba si taas loo xaqiijiyo Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Ra’isulwasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.”

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

 

Samafalihii AFRIKA ee ay sababtiisa kusoo muslimeen 11 milyan, Soomaaliyana ka dhisay 12 iskuul iyo jaamacad

0

Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd wuxuu ku dhashay dalka Kuweyt sanadkii 1947dii. Carruurnimadiisii wuxuu jeclaa akhriska iyo samafalka.

Sida lagu xusay maqaal uu daabacay Al-Jazeera TV, isaga oo iskuul dhiganaya ayuu ardayda ka aruuriyay lacag ay ku iibiyeen gaari ay subixii goobaha shaqada ku geyn jireen shaqaalaha danyarta ah, galabkiina waxay ku celin jireen guryahooda.

Markii uu Dugsiga Sare uga baxay dalka Kuweyt ayuu jaamacad u aaday dalka Ciraaq. Shahaadada koobaad wuxuu ka qaatay Jaamacadda Baqdaad oo uu ka bartay Cilmiga Caafimaadka iyo Qalliinka Guud. Kaddibna wuxuu Jaamacaddda McGill ee dalka Canada uga takhasusay cudurrada uur-ku-jirka iyo dheefshiidka. Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ka soo shaqeeyay isbitaallo ku yaalla Kuweyt, Canada iyo Ingiriiska.

Safarkiisii Malaawi iyo billawgiisii samafalka Afrika

Safar uu 1980kii ku tegay dalka Malaawi oo dhaca koofur-bari qaaradda Afrika ayuu ku soo arkay malaayiin fuqaro ah oo la daalaadhacaya faqri, cudurro iyo jahli. Sababtaas ayayna ugu dhalatay in uu ka fikiro sidii uu dadkaas farqiga iyo jahliga uga badbaadin lahaa.

Sanadkii 1981dii wuxuu Dr. Cabdiraxmaan aasaasay hey’adda Africa Muslims Agency (Lajnatu Muslimii Ifriiqiya) oo waagii dambe magaceeda loo beddelay Direct Aid (Al-Cownul Mubaashir) oo ah Hey’ad samafal ah oo gargaarka, waxbarashada iyo faafinta dacwada ka fuliso 31 dal oo Afrika ah iyo Yaman.

“Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa hoggaamiye aragti-fog oo madaale ah. Wuxuu ahaa qof dhiirran oo hadafka uu rabo in uu ka miradhaliyo uu kala weyn yahay waxa ku dhici kara iyo khataraha ku xeeran.

Dr. Sumeyd wuxuu ahaa nin aan adduunyo baahi badan u qabin oo ay ku weyn tahay in uu dhaxal ka tago. Wuuna ka tegay,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir oo aqoon dheer u leh Dr Al-Sumeyd.

Dhaxalkii uu ka tegay Dr. Al-Sumeyd

Sida lagu xusay maqaal lagu daabacay bogga Jaamacadda SIMAD, 30kii sano ee uu Afrika ka shaqeynayay waxaa sababtiisa ku soo muslimay dad gaaraya 11 milyan. Dr. Al- Sumeyd waxa uu Afrika ka dhisay 5,700 Masjid, wuxuu qoday 9,500 ceel.

Wuxuuna aasaasay 102 xarumood oo lagu barto Diinta Islaamka, 860 iskuul iyo 4 jaamacadood. Wuxuuna waxbarashada ka bixiyay arday ka badan 95,000 oo Afrikaan ah.

“Aniga oo harqaanle ka ah Johannesburg ayaan isbarannay haweeney Hindi ah oo bare jaamacadeed ah. Waxay i waydiisay sababta aan jaamacad u dhigan waayay, waxaana u sheegay in aan duruuf uga haray. Waxay iga ballanqaadday in ay iga bixinayso qarashka jaamcadda. Markii aan dhammaystay semestarkii koobaad ayay haweeneydii dhimatay. Aniga oo ka walwalsan sida aan yeeli doono ayaan magaalada Johannesburg ku dhex arkay derbi uu ku qoran yahay magaca ‘Lajnatu Muslimii Ifriiqiya’, waxaana soo xusuustay in uu magacaan ku qornaan jiray iskuulkii Axmed Gurey ee aan ka soo baxay.

Waan galay, waxaana codsaday in ay i caawiyaan, sidaas ayayna iiga dhiibeen qarashkii jaamacadda. Markii aan qalinjebiyayna shaqo ayaan ka helay.” Sidaas waxaa BBC u sheegay Xasan Cabdullaahi Caalin oo ka shaqeeya xafiiska mashaariicda hey’adda Direct Aid ee South Africa

Xafiiska hey’adda ee Soomaaliya

Heshiis ay galeen Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo hey’adda Direct Aid ayay hay’addu xarun uga furtay Muqdisho 1986dii, balse burburkii dowladda iyo dagaalkii 1991dii dhexmaray Kuweyt iyo Ciraaq ayaa sababay in uu xafiiskaasi xirmo 1991dii. Waxaana dib loo furay Sep 1992dii.

Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir waa Agaasimihii ugu horreeyay ee xafiiskaas burburkii kaddib. Wuxuu yiri “Aniga oo Master Degree ka diyaarinaya jaamacad ku taalla Pakistan ayaan dalka fasax ku imid Jun 1992. Waxaan maray Baydhabo, Beledweyne iyo Muqdisho oo ay ka jirtay abaartii Cagababar. Markii aan laabanayay ayaan Nairobi isku aragnay Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd, waxaana uga warramay xaalidihii aan dalka ku soo arkay. Wuxuu i waydiiyay: maxaa jeclaan laheyd in aan ka qabto? Waxaana u soo jeediyay in uu gargaar u fidiyo dadkaas dhibaateysan. Wuu iga aqbalay, wuxuuna iga codsaday in aan arrintaas kala shaqeeyo.”

Dr. Cabdiraxmaan wuxuu tobaneeye jeer yimid Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ka gaystay gurmadkii abaaraha.

“Jan 1993 aniga iyo Dr. Cabdiraxmaan oo joogno xafiiska hey’adda ee Muqdisho ayuu diktoorku istaagga ka dhacay, miirka ayaana ka tegay. Waxaan geeyay xaruntii ciidanka Kuweyt oo ka mid ahaa hawlgalkii UNITAF. Markii uu soo miirsaday ayaa loo qaaday Sacuudiga. Isbitaal ayuu 4 bil ku jiray, waxaana lagu sameeyay 4 qalliin oo wadnaha ah.

Dhakhaatiirtii waxay kula taliyeen in uusan tegin meel aan laheyn isbitaal lagu daweeyo wadnaha. Isaga oo sidaas ah ayuuna noogu iman jiray Soomaaliya oo aan waxba loogu qaban karin” Faarax Cabdulqaadir

Marka laga tago gurmadkii abaaraha, xafiisku wuxuu xoogga saaray waxbarashada, daryeelka agoonta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed. “Jan 1993 ayaan Muqdisho iskuullo ka furnay. Xilligaas oo uu dalku ku jiray xaalad adag waxaa adkeyd in waxbarasho lagu fikiro, taasna waxay keentay in aysan waalidiin badan iskuullada u soo dirsan carruurtooda.

Si aan waalidiinta ugu dhiirrigelinno waxbarashada carruurta ayaan billawnay in aan raashin siinno qoys kasta oo arday keensado.” Xasan Badawi, Guddoomiyaha xafiiska Direct Aid ee Soomaaliya

Dr. Siciid Xuseen Geeddi waa dhakhtar ku takhasusay indhaha oo ka hawlgala Muqdisho, wuxuuna bare ka yahay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Dr. Siciid wuxuu ka mid ahaa dufcadii ugu horreysay ee laga qoray iskuulkii Al-Falaax ee markii dambe loo raray Maxamuud Xarbi. Wuxuu yiri “Maalin aniga oo banooni ku ciyaaraya xaafadda Xararyaalle ayaa waxaa ii timid haweeney aan deris aheyn.

Iskuulka ayay i gaysay, waxayna ku tiri “Wiilkaan ii qora” iyadiina cunto ayaa la siisay. Sidaas ayaan waxbarashada ku soo billaabay.”

Xafiiska wuxuu Muqdisho ka furay iskuullada Tadaamun, Abuu Xaniifa, Maxamud Xarbi iyo Axmed Gurey. Beledweyne wuxuu ka furay iskuullada Sh. Maxamed Macallin iyo Al-Aqsa. Buulamareer wuxuu ka hirgeliyay iskuulka Al-Faaruuq. Kismaayo wuuu ka furay iskuulka Faanoole. Halka Hargeysa uu ka hirgeliyay iskuullada Al-Irshaad.

Magaalada Gabileyna wuxuu ka furay iskuulka Gabiley. Iskuulladaas waxaa ka qalinjebiyay 11,705; waxaana hadda dhigto 15,388 arday. 5 ka mid ah iskuulladaas waxay leeyihiin koleejyo agoonta lagu xannaaneeyo oo ay hadda ku nool yihiin 792 agoon, waxayna hey’addu guryahooda biil ku siisaa 1,113 agoon.

Dr. Cabdifitaax Shariif Maxamed waa dakhtar ka hawlgala isbitaalka Hackensack ee dalka Mareykanka. Wuxuu yiri “Aniga oo 3 sano jir ah ayaa aabbahey dhintay. Kaddibna hooyo ayaa i gaysay xarunta agoonta Salaam ee iskuulka Maxamuud Xarbi. Iskuul, Bachelor ilaa takhasuska waxaa iga bixisay hey’adda Direct Aid. Waana ku mahdinayaa.”

Xafiisku wuxuu deeq waxbarasho oo jaamacaddeed siiyay 440 arday oo Bachelor ah iyo 197 arday Master iyo PhD kala ah.

Sanadkii 1999kii hey’addu waxay Muqdisho ka furtay machadkii SIMAD oo 2011kii Jaamacad laga dhigay. Jaamacadda waxaa ka qalinjebiyay 6,818; waxaana hadda dhigto 3,306 arday. SIMAD waxay 2019kii hirgelisay isbitaalka Dr. Sumait Hospital oo loogu magacdaray Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd.

“Fursad uma helin in aan la kulmo Dr. Al-Sumeyd, waxaanse isku hawlay in aan wax ka barto ninka cajiibka ah ee uu ahaa.” Bill Gates

30 sano oo uu u adeegayay fuqarada Afrika kaddib, wuxuu isag oo 66 jir ah 8 sano ka hor maanta oo kale (Aug 15, 2013) ku geeriyooday dalka Kuweyt. Dr. Al-Sumeyd wuxuu qoray 13 buug, wuxuuna ifka uga tegay 3 gabdhood iyo labo wiil. Dhaxal aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Weligiisna wuxuu ku dhex noolaan doonaa qalbiyada fuqarada Afrika iyo Musliminta Caalamka. Eebbe ha u naxariisto Cabdiraxmaan Al-Sumayd.

Boqolaal ciidamo Mareykan ah oo ku wajahan Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey

Kabul (Caasimada Online) – Toddobaadyo un kahor inta aanay dowladda Mareykanka soo geba-gebeyn kasoo saarista militarigeeda ee dalka Afghanistan, ayaa taliyayaasha waxay boqolaal askari oo cusub u direen magaalada Kabul.

Waxay shegeeen in hadafka uu yahay in diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xulufadooda reer Afghanistan laga soo daad-gureeyo halkaas, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kooxda Taliban.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa goor dambe oo Axaddii ah VOA u xaqiijiyey in Mareykanka uu 1,000 askari oo kale oo ka tirsan guutada 82-aad ee qeybta Airborne Brigade Combat u diray garoonka diyaardaaha Hamid Karzai ee Kabul, halkaasi oo saraakiisha iyo muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay gabbaad ka dhigteen.

Tegitaanka ciidankan cusub ayaa tirada guud ee ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ka dhigeysa 6,000, taasi oo saddex jeer ka badan tirada ciidankii Mareykanka halkaas uga sugnaa markii ay billaabeen ka bixitaankooda, bishii May.

Markii hore, sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan maamulka safaaradda iyo garoonka diyaaradaha. Hase yeeshee saacado gudahood ayaa waxaa rasaas ay kusoo dhaceysay garoonka. 

Pentagon-ka ayaa goor dambe oo Axaddii ah sheegay inay la wareegeen maamulka hawada garoonka, ayaga oo gacan ka helaya ciidamada Afghanistan.

“Duulimaadyada ganacsi waa ay socdaan, inkasta oo mararka qaar uu hakad ku imanayo,” waxaa sidaas yiri afhayeneka Pentagon-ka John Kirby.

“Boqolaal muwaadiniin ah oo ay ku jiraan shaqaale Mareykan ah iyo rayid kale ayaa illaa hadda lasoo qaaday,” ayuu yiri Kirby. “Waxaan sii dhisi doonnaa awood aan ku dedejineyno soo qaadista muwaadiniinta Afghanistan ee halista ku jira.”

Kirby ayaa ka digay in “halis kasta oo lagu soo rogo howlgalka Mareykanka loo qaadan doono si dhab ah, loogana jawaabi doono awood xooggan.”

VOA

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka musharaxiinta ee ka socda hotel Jazeera + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha midowga musharraxiinta, kaas oo galay maalintii saddexaad.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka socda hoteelka Jazeera, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kodhay iyo doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirka maanta ku biiray ururada bulshada rayidka ah, si ay warbixin isku dhaafsadaan iyaga iyo golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee shirkan qabanaya.

Labada dhinac ayaa iska xog wareystay sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee weli ka soconaya xarumaha maamullada dalka & tan soo socota ee golaha shacabka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale la wadaagay bulshada rayidka mowqifkooda ku aadan doorashooyinka socda iyo sida loo sixi karo khaladaadka ka jira meelaha qaar.

Dhankiisa guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, Mudane Cusmaan Muxudiin Shaatax ayaa qiray in si musuq-maasuq ah, isla-markaana aan la jecleysan karin ay ku billowdeen doorashooyinka, loona baahan yahay in cadaalad uu noqdo tartanka.

Kulamada u socda musharraxiinta oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa la filayaa in gabagabaadii laga soo saaro war-murtiyeed xaaladda guud ee dalka & doorashada.

Muxuu yahay tusaalaha uu Abiy u soo qaatay Somalia?

0

Addis Ababna (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed oo ka hadlayey xaaladda cakiran ee dalkiisa ayaa tusaale u soo qaaday dalal ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka jirto khatar weyn iyo sidoo kale Afduub.

Abiy ayaa shaaca ka qaaday in wadamo badan oo adudunka ku yaallo ay ka jirto xaalad kala tagga ah ee ay haatan wajaheyso dowladdiisa, isl-amarkaana ay tahay in laga hortego oo dadaal la sameeyo, si la’isugu hayo Itoobiya oo mid ah, sidoo kalena leh awood xoogan.

Dalalka uu carab baabay Abiy ee uu sheegay inay khataraha ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yugoslavia, Suuriya iyo Liibiya.

“Dalal badan oo adduunka ah ayaa soo maray khatarta afduubka iyo kala tagga aan maanta wajahayno,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Dalalkaas waxa ka mid ah, Soomaaliya,Yugoslavia, Suuriya, iyo Liibiya, waana la afduubtay.”

Ujeedka tusaalaha Abiy oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa waxa ay dad badan ku tilmaameyn mid digasho ah oo uu ku liidayo Soomaaliya oo haatan xulafo la’ah.

Hadalkan sidoo kale wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo haatan Itoobiya ay jaheyso mowjado dagaal oo wejiyo kala duwan leh, sida dagaalka Tigray iyo kan Soomaalida & Canfarta.

Si kastaba Soomaaliya ayaa hadda xiriir dhow la leh Itoobiya, kaas oo sii xoogeystay 4-tii sano ee uu xafiiska joogay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Ogow magaca cusub ee loo bixinayo Afghanistan marka la dhiso dowladda TALIBAN

Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa maanta si buuxda gacanta ugu haysa magaalada caasimadda ah ee Kabul marka laga reebo garoonka diyaaradaha, kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa maamulaya ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Taliban ayaa isku ballaariyey magaalada, waxaana qaarkood ay ku sugan yihiin madaxtooyada. 

Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen ayaa sheegay in kooxda ay maalmaha soo socda yeelan doonto wada-hadallo ku saabsan dhisidda dowlad Islaami ah oo loo dhan yahay.

Sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in magaca cusub ee dowladda uu noqon doono Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan, oo ah magacii horey loogu yaqiin intii Taliban ay xukumi jireen, kahor inta aanu Mareykanka ridin 2001.

Hawada magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa diyaaradaha qumaatiga ukaca oo daad-gureynaya shaqaalaha Mareykanka, oo la sheegay inay maalmo ku qaadan doonto inay si buuxda uga baxaan magaalada.

Dadka magaalada laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah safiirka Mareykanka.

Waxaa istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalka ka cararay “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa.

“Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook. 

“Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri. 

Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan. 

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

R/W Rooble oo safar dibadda ah u baxay maanta + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed oo uu ku aaday magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Ra’iisul wasaareaha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi, wuxuuna sidoo kale kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi.

Rooble waxaa sidoo kale socdaalkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan wada-tashi ah la qaadan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan caasimadda Qaahira, isagoo warbixin ka siin doono xaalidihii ugu dambeeyey dalka iyo doorashada ka socoto.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa, tallaabada safarkiisa ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska inta uu xukunka hayay Madaxweyna waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu booqasho maalmo qaadatay ku tegay dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata, wuxuuna kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirkii xumaaday ee labada dowladood.

Si kastaba, Rooble ayaa dadaal ku bixinaya in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, wuxuuna socdaal ku tagay dalalka Jabuuti iyo Kenya, sidoo kale wuxuu  wada-hadalo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta oo xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi, waxbarasho la leh Soomaaliya.

Video: Jeneral Indha-Cadde oo weerar culus ku qaaday madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa si adag uga hadlay hanaanka loo maamulayo doorashada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka socota gobollada dalka, isagoo aad u dhaliilay madaxda dowlad goboleedyada, fariin culusna u diray.

Indhacadde ayaa wax aan la qaadan karin oo ceeb ku ah qaranimada Soomaaliya ku tilmaamay doorashooyinkii ka dhacay xarumaha dowlad goboleedyada, isagoo madaxda Soomaalida u soo jeediyey inay Allaah ka cabsadaan oo sidaan ay wax ka bedelaan.

“Sidaan aad u dhaqmeysaan, hadaa ku sii socotaan Kaankare umadda Soomaaliyeed ku yaalla ayaa tihiin, war ilaahey ka baqa, sidaa u dhaqanteen qof masuul ah oo og in Allaah uu la xisaabtamaayo uma dhaqmo,” ayuu yiri Indhacadde.

Sidoo kale waxa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda Soomaalida aysan casharro ka baran dhibaatadii uu dalku ku soo jiray 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Dhaqan waxaa la timaadeen aan horay loo arkin, waligey ma arkin, mana maqal waxa dhacay, 11-kii kursi ee aad sida khaaska ah u maamuleyseen sida aad u dhaqdeen waan u jeednaa, umadda Soomaaliyeed kuma faraxsana, ilaahey hadin soo hanuuniyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Indhacadde.

Hoos ka daawo

Guudlaawe oo loo ogolaaday inuu tago Beledweyne – Xog

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in siyaasiinta iyo dhaqanka Beesha Xawaadle ogolaadeen in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ay uu tago magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, islamarkaana ay la shaqeeyaan.

Kulamo maalmahaan ka socda Muqdisho ayaa hada u wareegay Beladweyne, waxaana la filayaa in odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta soo bandhigaan waxyaabaha ay kula heshiin karaan Madaxweyne Cali Guudlaawe kadibna loogu yeero magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Siyaasiinta Xawaadle ayaa is tusay in Cali Guudlaawe uu haysto sharciyad iyo muddo xileed uu ku shaqeeyo, islamarkaana haddii ay sii diidaan ay ku waayi karaan waxyaabo badan oo ay xaq u lahaayeen gobal ahaan, iyo in dhallinyarada ku sugan duleedka Beladweyne aysan sii joogi karin banaanka magaalada.

Xildhibaano iyo siyaayisiin beesha Xawaadle u dhashay ayaa Sabtidii gaaray Beladweyne, iyadoo ay halkaas ay ka billowdeen kulamo ay la qaadanayaan dadka degaanka iyo Ugaaska Beesha Xawaadle, iyadoo la filayo in dhowaan ay soo saaraan in magaalada loo ogolaaday Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhowr jeer ku hunguubay in uu tago Beladweyne, waxa uuna u arkaa tagitaankiisa gobalka Hiiraan arrin muhiim u ah shaqsiyaadiisa maadaama uu la daala dhacayay eedo iyo dacaayado ka dhan oo ku aadan tagistiisa Beladweyne.