26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri fashilka shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb 4?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyey shirka wada-tashiga ee magaaladaasi ee lagu kala tegay.

Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay saameeyeen wax-kasto oo tanaasul ah, balse wuxuu fashilka shirka ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan isku deynay wax kasto oo tanaasul ah oo aan sameyn karno, waxaan soo jeedinay oo kal haddii ay sidan tahay bal arrinta doorashada in loo kaadiyo oo dib heshiisiin la galo gobolka Gedo oo dhan hala-galo, ciidamadana ha la’isku dhafo.” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in si aad ah la’isugu qabtay arrinta gobolka Gedo, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey oo ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddii ay Jubbaland magacaabeyso guddiga iyo odayaasha hasoo jeediyeen, haddii magacaabista Jubbaland ku lug leedahay ma’aqbalayo ayuu yiri madaxweynuhu,” ayuu markale shirkiisa Jaraa’id ku yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan soo magacaabi doonin guddiga doorashada ee Jubbaland, illaa inta laga xalinayo arrintaasi, loona deynayo maamulka Garbahaarey.

“Ma kari karo marka anigu guddi inaan qatar geliyo laleeyahay guddoomiyihii ay la shaqeynayeen haddaad magacowdo dhib ayaa ka imaanayo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu isku soo koobay hal degmo, islamarkaana uu ka tegay mas’uuliyaddii loo igmaday ee Qaranka.

“Haddaba sidee madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Soomaaliya u xukumi karayaa?,haddii hal degmo uu sheegtay oo yiri anaa leh oo anaa kasoo jeeda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo lagula kacay shirkii ugu danmbeeyey ee wada-tashiga Dhuusamareeb, kaas oo 5-tii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaasi.

Mahad Salaad oo shaaca ka qaaday ‘cidda fashilisay’ shirka Dhuusamareeb 4

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb ee xalay lagu kala tegay.

Mahad Salaad ayaa dhaliisha dusha ka saaray madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna shaaca ka qaaday in isaga uu ka socon waayey shirkaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in wax laga xumaado ay tahay in lagu kala kaco shirkan, islamarkaana madaxweynuhu uu fashiliyo gogoshii ay dhigtay Galmudug.

“Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Facebook-ga.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in go’aanka Farmaajo uu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa waxaa diiday Beesheyda, halka Axmed Madoobe-na uu ku adkeystay gudoomiyaha degmada halagu celiyo magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Halkan hoose ka aqriso:-

WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY‼️

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hasha maqaarka diideysa meelo daldaloolay ka daydaa. “Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3.

MW Ahmed Madoobe, Deni iyo Qoorqoor xalay anagaa aragnay waxa kaliya ee Axmed ku dheganaana waxay ahayd Gudoomiyaha Degmada halagu celiyo Garbahaarey si gudiga ay ugu suurogasho in ay meesha tagaan, doorashana u qabtaan. Farmaajo waxa uu rabana waraaqdaan haku qorto. Halka Farmaajo warkiisu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Beesheydu waa diiday in ay maamulaan!

Marka waxaa in la iswaydiiyo mudan Madaxweynuhu ma afhayeenka Beeshiisaa mise waa Madaxweyne Soomaaliyeed oo loo wada simanyahay, dalka iyo dadkana mas’uuliyad ka wada saarantahay. WALLEE MIDKAANI WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY!

Qorshaha musharaxiinta mucaaradka ee haddii ay doorashada dhici weyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa waxaa ka haray kaliya laba maalin, wuxuuna 8-da bisha Febraayo uu noqonayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa waqtigeeda dhaaftay, waxaana dhimatay rajadii laga qabay in shirka Dhuusamareeb 4 lagu gaaro heshiis horseedi kara in doorasho ay dhacdo, ayada oo xalay shirkaas lagu kala tegay.

Dhowr goor oo hore oo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada, waxaa xigay khilaaf cusub kadib markii qodobadii lagu heshiiyey la fulin waayey, hase yeeshee marka xitaa heshiis lama hayo, waxaana muuqata in Soomaaliya aysan doorasho ka dhici doonin waqti dhow.

Haddaba muxuu yahay qorshaha mucaaradka haddii la qaban waayo doorasho?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatana ahna guddoomiyaha midowga musharraxiinta, Mudane Sheekh Shariif Axmed oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxa dhacaya haddii sidaas ay dhacdo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi horleh, islamarkaana ay muhiim tahay in ilaaliyo shuruucda iyo dastuurka u yaalla dalka.

Madaxweynihii hore ee ee dowladda KMG aheyd oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday, haddii la gaaro 8-da Febraayo, islamarkaana ay dhici weyso doorashada ay tahay in dalka uu ku socdo heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan.

Shariifka ayaa intaasi ku sii daray in kadib loo baahan doono Gogol Soomaaliyeed oo looga hadlayo qabashada doorashada iyo arrimaheeda.

“Waa la soconayaa waxaa loo baahanayaa Gogol Soomaaliyeed oo Soomaalidugu isugu timaado ka tashato doorashada iyo sida loo qabanayo,” ayuu yiri Sheekh Shariin

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ka musharraxiin ahaan ay billaabeen kulamo wada-tashi iyo wada-hadallo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Annaga hadda waxaan billownay wada-hadalladadii qeybaha bulshada, odayaashii ayaa maanta la kulanay, waana wadi doonaa inaan talada uruurino,” ayuu sii raaciyey.

Bulshada rayidka ah oo soo saaray qodobo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan shirkii lagula kacay ee beryahan ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Ururada bulshada rayidka ah ayaa marka hore walaac xoogan ka muujiyey fashilka ku yimid shirkaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la tix-geliyo xaaladda adag ee lagu jiro, islamarkaana la bad-baadiyo dalka iyo dowladnimada.

Isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in uusan uga sii darin xaaladda dalka, islamarkaana uusan qaadan go’aan hal dhinac ah.

Bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale afar qodob u soo jeediyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kuwaas oo kala ah:-

1-In madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay muujiyaan mas’uuliyad, islamarkaana ay heshiis ka gaaraan muranka ka taagan doorashada.

2-In xildhibaanada labada aqal aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin sii kala fogeynaya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

3-In hoggaamiyeyaasha bulshada kala duwan ay meel uga soo wada jeestaan, sidii heshiis dhab ah loogu gaari lahaa shirka Dhuusamareeb 4.

4-In guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya aysan guddoomin go’aan hal dhina ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

Shirkii Dhuusamareeb 4 oo natiijo la’aan soo dhamaaday

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Dhuusamareeb 4 ayaa soo dhamaaday, ayada oo aan wax heshiis ah lagu gaarin.

Shirka ayaa ugu dambeyn sababsaday muranka ka taagan gobolka Gedo ee ay isku hayaan madaxweyne Farmaajo oo beeshiisa ay degto gobolkaas iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo gobolka uu maamulkiisa hoos yimaado. 

Axmed Madoobe ayaa dalbaday, in si la mid ah dhammaan maamul goboleedyada dalka, loo madax baneeyo gobolka Gedo oo hoos yimaada, hase yeeshee waxaa taas diiday madaxweyne Farmaajo, oo doonaya inuu wax ka maamulo doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey.

Qodobka kale ee doodda badan dhaliyay ayaa noqday cidda soo magacaabeysa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ee soo xulaya Xildhibaanada. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka biyo diiday in Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo u uku adkeystay in Cabdi Xaashi uu soo magacaabo kaliya afar xubnood oo ka mid ah guddigaas, inta kale ay dowladda soo magacowdo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda ay tanaasul ka sameysay dhammaan saddexdii qodob ee la isku hayey ee kala ahaa; arirnta gobolka Gedo, tan xildhibaanada waqooyi, iyo guddiyada doorasho, balse dhinacyadii kale laga waayey wax tanaasul ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dubbe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in maadaama kulanka maanta uu baarlamanka uu muhiim yahay in shirkaas lagu kala tago, la iskuna soo laabto shir kale, ayada oo waqtiga iyo madasha lasoo sheegi doono.

Arrintan ayaa muujineysa cabsi la xiriirta muhiimadda uu kulanka baarlamanka ee maanta u leeyahay madaxweynaha, ayada oo uu xalay Muqdisho ka socda dadaal ay wadaan xildhibaanada qaar oo muddo kordhin sanad ah loogu sameynayo baarlamanka iyo madaxweynaha. Farmaajo ayaa saaka kusoo wajahan Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaan weli ka hadlin dhankiisa guul-darrada shirka.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Cusmaan Dubbe.

Taabid oo farriin u diray BF, kaddib fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed oo war qoraal soo saaray ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan shirkii lagu kala tegay ee magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horreyn Taabid Cabid ayaa nasiib darro ku tilmaamay fashilka ku yimid shirkaasi oo u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Taabid Cabdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan leh madaxweynaha in aysan uga sii darin xaaladda adag ee uu xilligan ku jiro dalka.

Halkan hoose aqriso:-

Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.

Rajada iyo dulqaadka haray wuxuu ahaa in shirka aan lagu soo kala tagin heshiis la’aan, balse waxaanan garan waxa xamar loogu soo degdegayo oo aanan ka aheyn xaalad abuur.

Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka labbada Aqal ee DFS iyo cid kasta oo u diir naxeysa shacabkeena daallan, in aanan looga sii darin xaaladdan xikmad beelka ah. Qof walboow mas’uuliyad baa ku saaran ee ogow.

Waa kuma wiilka 17 jirka Soomaaliga ah ee doonaya in laga doorto Edmonton?

0

Haaruun Jibriil Cali oo ah 17 jir ku dhashay dalka Canada, ayaa u tartamaya doorashada golaha deegaanka ee bisha October ee sanadkan ka dhici doonta magaalada Edmonton, gaar ahaan Ward 8 ama Papastew.

Haaruun oo bisha April ee soo socota noqon doona 18 jir ayaa sheegay in dadka madow ee magaaladaas aanay haysan metalaad siyaasadeed.

Sharciga doorashooyinka ee gobolka Alberta ayaa dhigaya in musharrax tartamaya uu yahay 18 jir ka hor inta uusan dhammaan waqtiga isa soo sharrixidda, kaasoo hadda ku eg 20-ka September 2021.

“Mudadii 116 sano ahayd ee uu jiray golaha deegaanka Edmonton, ma jirin hal qof oo madow ah oo loo doortay inuu ka mid noqdo golahan, marka waxaan doonayaa in dadka madow ay metalaad ku yeeshan aqalka looga arimiyo magaaladan,” ayuu sheegay Haaruun oo u warramay BBC Soomaali.

Jibril Cali oo ah aabaha dhalay Haaruun, madaxna u ah ururka Somali Canadian Cultural Society of Edmonton ayaa sheegay in wiilkiisa uu siyaasadda jeclaa tan iyo yaraantiisii, haddana uu ka tirsan yahay ururka dhalinyarada Liberal ee gobolka Alberta.

Haaruun oo culuunta siyaasadda ka dhigta Jaamacadda Victoria ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto xilka uu u tartamayo uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka lagu eedeeyo booliska.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii kaamerooyinka jirka lagu xirto aan ugu sameyn lahaa booliska Edmonton, si loola socda hawl-maalmeedkooda oo aanay tacaddiyo u geysan,” ayuu yiri siyaasiga da’da yar.

Dhalinyarada Soomaalida ee ku nool Canada ayaa la kulmo dhibaatooyin ay kamid yihiin dilal dhexdooda ah iyo isticmaalka maandooriyaha.

Haaruun ayaa rumaysan in haddii uu ku guulaysto kursiga uu u tartamayo uu waxbadan u qaban doono dhalinyarada, gaar ahaan dhanka shaqooyinka.

“Waxaan doonayaa inaan tababaro iyo isdhaxgel ballaaran u sameeyo dhalinyarada deegaanka aan u tartamayo, gaar ahaan Soomaalida, si ay uga baxaan xaaladda adag ee ay hadda wajahayaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhalinyarada ayuu sheegay inay yihiin kuwa ugu mudan inay ka qeyb qaataan siyaasadda, maadaama uu rumaysan yahay inay heystaan waqti ay wax badan ku baran karaan, isbedalna ku keeni karaan.

Yoolkiisa ayaa ah inuu mustaqbalka qeyb ka noqdo siyaasadda gobolka Alberta iyo tan heer federaal.

Canada ayaa waxaa sanadihii ku soo badanaya Soomaalida xilalka siyaasadda u tartamaya.

“Haddii aan xilkan ku guulaysto, waxaan noqonayaa qofkii ugu da’da yaraa iyo madowgii ugu horreeyay ee xubin ka noqda golaha deegaanka Edmonton,” ayuu sheegay Haaruun.

Edmonton ayaa lagu tilmaamaa inay tahay magaalada labaad ee ay ugu badan yihiin Soomaalida marka laga soo tago magaalada Toronto. Waxaa sanadihii dambe laga soo sheegayay dilal loo geystay dhalinyaro Soomaali ah.

ISHA: BBC SOMALI

Dowladda Mareykanka oo amar culus siisay Eritrea

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa bilowday cadaadis xoog leh oo ay saareyso saraakiisha sare ee Eritrea waxayna ku amartay in Eritrea ay deg deg  ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Tigray ee dalka deriska yihiin ee Itoobiya, inkasta oo Eritrea ay ku adkeysaneyso inaysan halkaas ciidamo ka joogin.

Xukuumadda Washington oo cuskanaysa cadeymo ay heshay ayaa walaac xoogan ka muujisay tacadiyo ay sheegtay in  Ciidamada Eritrea ay ka geysteen gobolka Tigray oo dabayaaqadii sanadkii hore uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho badan.

Wakaalada The Associated Press oo soo xiganeysa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa baahisay in Eritrea ay xasuuq iyo dhac ba’an ka geysatay gobolka Tigray,  taasi oo keentay in Mareykanka uu madaxda sarre ee dalkaas ka dalbado inay deg-deg ugala baxdo ciidamadeeda.

Eritrea ayaa weli ka madax adeygaysa qirashada in ciidamadeedu ay ku sugan yihiin Tigray, isla markaana ay hore uga qeyb qaateen howl-galkii ay xukuumadda Abiy uga saartay gobolkas maamulkii gacanta ku hayay ee TPLF.

Hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa culeys iyo faquuq gaar ah wajahayay tan iyo markii uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu xafiiska qabtay 2018, dhinac walbana wuxuu u arkaa kan kale “mid aan sharci ahayn”.

Itoobiya ayaa iyaduna sidoo kale dhinaceeda dhowr jeer beenisay joogitaanka askarta Eritrea, kuwaas oo lagu qiyaasay kumanaan Askar ah. 

Waxaa hadda isasoo taraya walaaca inay ciidamada Eritrea ay diidaan inay baxaan, maadama ay hore u jirtay cadaawad kala dhaxeysa hogaamiyaasha baxsadka ah ee Tigray, kadib dagaal xadka labada dal ee labaatanka sano socday, oo soo afjarmay imaatinkii Abiy.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa maalintii Khamiistii daabacday bayaan ay soo saartay safaaradda dalka ee Mareykanka oo ay kaga jawaabeyso warqad furan oo toddobaadkan ay soo direen danjirayaashii hore ee Mareykanka u fadhiyay Itoobiya taas oo ay ku muujiyeen walaac ku saabsan colaadda Tigray iyo ku lug lahaanshaha Eritrea.

Hadalka danjireyaashan ee ku saabsan dagaal dhuleed oo u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya wuxuu noqon karaa oo kaliya mid aan laga fiirsanaynin kana kooban ujeeddo, “ayaa lagu yidhi bayaanka Eritrea, oo lagu muujiyey” argagax weyn oo laga qabo duullaankooda daan-daansiga ah.

Gobolka Tigray ayaa ah mid inta badan laga jaray dibedda, Itoobiyana waxay ka hor istaagtay dhammaan saxafiyiinta inay soo galaan, taasoo sii adkeynaysa dadaallada lagu xaqiijinayo sheegashooyinka dhinacyada dagaallamaya.

Dhanka kale, shaqaalaha samafalka ayaa fursad xadidan uhelay qiyaastii 6 milyan oo qof oo ku dhaqan Tigray, maadaama cunada iyo sahayda kale ay gabaabsi yihiin iyo walaaca laga qabo macaluusha.

Xaaladda “way ka sii daraysaa maalin kasta, daqiiqad kasta,” ayuu yiri madaxweynaha ururka Laanqayrta Cas ee Itoobiya, Ato Abera Tola oo saxaafadda la hadlay, xilli hay’adaha Laanqayrta Cas ay codsadeen taageero dhaqaale oo dheeri ah. 

“Ma jiro aag aan saameyn ku yeelan khilaafkan, waana mid meel walba ka jira,” ayuu yiri.

Madaxa wafdiga Ethiopia ee gudiga caalamiga ee laanqeyrta cas ayaa sheegay in wali aysan u suuragalin inay gaaraan dhulka miyiga ah ee Tigray, oo ah dhul beeraley u badan, maadama ay ka go’an yihiin dalka intiisa kale.

Xaalada Tigray ayaa si weyn looga deyrinaya tan iyo markii uu bilowday dagaalka Abiy iyo hogaanka baxsadka ah ee TPLF, inkasta oo ay xukuumaddu sheegtay inuu dhamaaday dagaalka haddana waxa gobolkaas ka socda tacadiyo ka dhan ah bini-aadantinimada.

ERDOGAN oo jeediyey hadal guux badan abuuray

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa hadal lama filaan ah oo kasoo yeeray ku sheegay in Turkey ay u baahan tahay inay yeelato dastuur cusub, taasi oo abuurtay guux badan oo ku saabsan inuu doonayo inuu xukunka sii dheereysto.

Erdogan, oo 66 jir, ayaa ra’iisul wasaare ama madaxweyne ka ahaa Turkey tan iyo 2002, isaga oo mar ka bad-baaday isku day afgambi. 

Waxa uu sanadii 2017 gadaal ka riixay isbeddel lagu sameeyey dastuurka, oo lagu baabi’iyey jagada ra’iisul wasaaraha, laguna abuuray mid madaxweyne.

Waxa uu kadib 2018-kii ku guuleystay xilka madaxweynaha, taasi oo ah xilliga koowaad ee labada muddo xileed ee ka kooban min shanta sano, ee dastuurka u ogol yahay muwaadinka inuu madaxweyne noqdo. 

Turkey ayaa la filayaa inay doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha qabato bisha June ee 2023, taasi oo macnaheedu yahay in xukunka Erdogan uu dhammaan doono 2028, haddii dib loo doorto.

Hase yeeshee kadib markii uu guddoomiyey shirka golaha wasiirada ee Isniintii, ayaa Erdogan wuxuu soo jeediyey in la qaato dastuur cusub oo beddelaya midka hadda jira oo la isticmaalayey tan iyo 1982-kii, kadib afgambi militari oo dhacay. 

“Way caddahay in isha dhibaatooyinka Turkey ay tahay in dastuurka ay qoreen kuwii dowladda afgambiyey,” ayuu yiri Erdogan.

“Waxaa la joogaa waqtigii dib loo furi lahaa doodda dastuur cusub. Haddii aan isku fahanno xisbiga talada nala wadaaga, tallaabo ayaan mustaqbalka ka qaadi karnaa dastuurka,” ayuu yiri.

Xisbiga AKP ee Erdogan ayaa waxay xulufo yihiin xisbiga MHP.

Hadalka madaxweynaha ayaa dadka qaar u fasirteen inuu doonaya inuu meesha ka saaro muddo xileedka madaxweynaha ee ku kooban labada goor, si uu mar saddexaad u ordo haddii uu kusoo baxo doorashada 2023.

AFP

Madaxweyne Farmaajo oo kusoo laabtay Muqdisho

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal uu maalmahan ku joogay magaalada Dhuusamareeb oo uu uga soo qeyb-galay shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maanta hortegaya xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee kulanka baarlamaanka ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, iyada oo horey loogu war-geliyey xildhibaaanada labada aqal.

Kulankan oo uu iclaamiyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan laga maarmin, islamarkaana looga hadlayo maslaxadda dalka.

Sidoo kale wariyeyaasha ayaa loo diiday inay gudaha u galaan xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kadib amar kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu socdo qorshe ay wado Viilla Soomaaliya iyo xildhibaano taageersan oo lagu doonayo in muddada loogu kordhiyo madaxweynaha, inkastoo ay taasi si weyn uga biyo diidan yihiin xubnaha musharraxiinta mucaaradka.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu kala kacay shirkii isha lagu wada hayey ee doorashooyinka ee ka socday magaalada Dhuusaareeb.

Dibad-baxyo ‘ka dhan ah Axmed Madoobe’ oo laga abaabulayo gobolka GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka abaabulkii ugu dambeeyey dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxweynaha maamulka Jubbaland ay ka socdaan degmooyinka qaar ee gobolkaasi.

Dibad-baxyadaan ayaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan degmooyinka Garbahaarey Beledxaawo, Buurdhuubo, Doolow, Luuq iyo Baardheere.

Wararka laga helayo dibad-baxyadaasi ayaa sheegaya inay wax ka qado abaabulka dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay si isugu hayaan doorashada Axmed Madoobe.

Sidoo kale dibad-baayadan ayaa ujeedada ugu weyn waxa ay tahay in looga soo horjeesto in gobolka Gedo iyo doorashada ka dhaceyso la hoos geeyo Jubbaland.

Ammaanka degmooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan isku soo baxyada ayaa la adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha qaar ee muhiimka ah.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo lagu kala tegay shirkii wada-tashiga ee ka socda magaalada Dhuuamareeb, waxaana arrimaha la’isku qabtay ka mid ah xiisada ka taagan gobolka Gedo ee u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jubbaland.

Xog: Beesha caalamka oo soo faro-gelisay MOOSHIN muddo kororsi ah oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshe ay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ku diyaariyaan mooshin muddo kordhin ah ayaa waxaa soo faro-geliyey beesha caalamka, oo isku dayeysa inay ka hortagto, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa laf dhabar u ah qorshahan, waxaana lagu doonayey in baarlamaanka muddo kordhin ilaa sanad ah isa siiyaan ayaga, sidoo kalena siiyaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Qorshaha ayaa ah in mark hore xildhibaanada laga gado muddo kordhin ay ayaga sameystaan kadibna la hoos geliyo midda madaxweynaha, ayada oo lagu doodayoo inaan la kala reebi karin laba muddo kordhin.

Madaxweyne Farmaajo oo raadinayo muddo kororsi sanad ah oo ay baarlamaanka u kordhiyaan hay’adaha dowladda, ayaa ka codsaday Mursal in uu kala shaqeeyo muddo kordhin hay’adaha dowladda loo sameeyo oo ay u dhaxeysa sanad ilaa laba sano, muddadaas gudaheedana ay xal u heli doonaan arrimaha taagan oo ay ku jirto kursigiisa xildhibaan.

Arrintan ayaa waxaa horey uga digay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadda ah musharax madaxweyne, kaasi oo sheegay inuu socdo qorshe muddo kordhin, oo aan marnaba la aqbali karin.

Inkastoo guuxa arrintaan aad looga dareemay magaalada Muqdisho ayaa haddana wuxuu gaabiyey kadib markii beesha caalamka ay la hadashay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal una sheegtay in qorshahaas uu halis gelin karo mustaqbalkiisa siyaasadeed, iskana hilmaamo, iyada oo lagu wargeliyay in uusan ka shaqeyn karin wax khilaafaya nidaamka doorashada ee lagu heshiiyay.

Qorshaha ayaa ahaa in lagu fuliyo kulankii xildhibaanada ee madaxweyne Farmaajo u uku baaqay inuu maanta dhaco, balse baaqday kadib markii Mursal uu u sheegay inuusan qaban karin.

Madaxweyne Farmaajo oo doonayey inuu maanta Muqdisho yimaado, kadibna dib ugu laabto shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa sidoo kale la hadlay beesha caalamka, kuna war-gelisay inuusan kasoo tegin Dhuusamareeb isaga oo aan heshiis kasoo gaarin doorashada.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan helnay ayaa sheegaya in hadda qorshaha uu u muuqdo mid gaabiyey, balse ma cadda haddii uu dib usoo laba kacleyn doono, ayada oo lagu wado in xildhibaanada ay berri kulmaan, ayada oo la filayo in madaxweynaha uu kulankaas kasoo qeyb-galo, sida lagu shaaciyey qoraal loo diray xildhibaanada.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale hadda wadda dadaal lagu baajinayo kulanka berri, waxaana idinla soo socodsiin doonaa waxa kasoo baxa dadaalkaas, Insha Allah.

FIQI oo war kasoo saaray weerarkii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeriya ka bixiyey weerarkii ay xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay kusoo qaadeen magaalada Dhuusamareeb.

Weerarkan oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay inay ciidamada ku guuleysteen soo qabashada Madaxii qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cabdinuur Daad “Careys”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkii xalay ay ciidamadu kaga qabsadeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay ku jiraan 2-BKM.

Fiqi ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi la fashiliyay, islamarkaana dagaalyahanadii ka tirsanaa Shabaab ee fulinayay ay ka carareen Siddeed meyd ah, kadib markii ciidamada dowladda ay uga adkaadeen weerarkii ay rabeen inay ku khal-khal geliyaan amaanka Dhuusamareeb.

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada qeybta ka ah Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug inay isku soo dhiiban ciidamada dowladda, ka hor inta aysan marin wadada kuwa weerarka fuliyay.

Waxay aheyd xalay markii labaad oo ay dagaalyahanada Al-Shabaab qal-qal galiyaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka socdo shirka wada-tashiga oo u dhaxeeya dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Golaha shacabka oo ku dhawaaqay kulan gaar ah iyo Farmaajo oo hor-imanaya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ayaa mar kale iclaamiyay kulan gaar ah oo uu soo codsaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu jiro, iyadoo lagu soo beegay xilli uusan soo xirmin shirkii Dhuusamareeb.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo dira qoraal ku saabsan in berri oo sabti ah uu jiro kulan gaar ah oo uu soo codsaday madaxweynaha, isla markaana looga hadlaayo Xaalada Guud ee Dalka iyo Doorashooyinka Qaranka.

Qoraalka xildhibaanada loo diray ayaa lagu yiri “Mudane xildhibaan, berri oo Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 06 February, waxaa jira kulan gaar ah oo madaxweynaha JFS soo codsaday. Ajendaha: 1- Warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka qaranka. Saacaddu waa 09:00 subaxnimo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor safarkiisa Dhuusamareeb iclaamiyay in 5-ta bisha uu horgeyn doono labada gole ee Baarlamaanka wixii uu kasoo qaado Dhuusamareeb, balse wuu baaqday maadaama ilaa iyo hadda aan natiijo laga gaarin shirarkii ka socday caasimadda Galmudug.

Sidoo kale, qaar kamid ah xildhibaanada loo diray fariinta wargelinta ah ayaa u sheegay Caasimada Online in kulankaas uu markii horeba uusan aheyn mid suurta-gal ah, maadama uu madaxweynaha uu kusoo aadiyey maalinta fasaxa ee golaha oo Jimce ah, isla markaana ay inta badan nastaan bulshada Soomaaliyeed.

Caasimadda Online ayaa ogaatay xog ku saabsan in madaxweyne Farmaajo damacsan yahay inuu galabkaan kasoo laabto Dhuusamareeb, balse ay Beesha Caalamka cadaadis ku saareyso inuusan kasoo tagin ilaa natiijo laga gaaro kulamada socda.

Go’aanka uu qaadan doono Farmaajo lama oga, iclaaminta kulanka gaarka ah ee golaha Shacabka oo uu codsaday ayaana ka dhigan inuu doonayo inuu Muqdisho soo gaaro kana qeybgalo berito.

Sidoo kale ilo ku dhaw Baarlamaanka ayaa sheegaya in golaha Shacabka iyo madaxweynaha labaduba ay kulanka gaarka ah ka damacsan yahiin muddo kordhin hal sano ah.

Mareykanka oo digniin kasoo saaray shirka Dhuusamareeb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa markale war xasaasiya kasoo saartay shirka magaalada Dhuusamareeb uga socda madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Safaarada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka uga digtay in shirkaas uu kasoo baxo doorasho ka gedisan midii hore loogu heshiiyey, isla markaana la qabto doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo aan meel kale ama qaab kale loo marin.

Waxay ugu baaqday madaxda ku shirsan Dhuusamareeb ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay xaliyaan dhamaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin ee la xiriir doorashada dalka ee 2021-ka.

Qoraalka Safaarada ee lasoo dhigay barteeda twitter-ka ayaa waxa uu imanaaya xili ay shalay Saaxiibada beesha caalamka oo uu qeyb ka yahay Mareykanka ay ka digeen inay kasoo baxaan shirka Dhuusamareeb wax ka bedelan hanaankii doorasho ee hore loogu heshiiyay ama geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn.

Sidoo kale waxay shalay ku baaqeen dalalkaas in dhamaan madaxda siyaasada ay mudnaanta koowaad siiyaan hirgelinta hab horey loogu socdo, meeshana ka saara dib u dhac dheeraad ah oo ku yimaada doorashooyinka.

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah” ayaa lagu yiri qoraalkooda.

Si kastaba, Beesha caalamka ayaa maalmihii u dambeeyay ka digayay doorasho hal dhinac ah, iyaga oo ku baaqayay mid wada-ogol ah, si looga baaqsado qalaalase siyaasadeed iyo mid amni, waxayna cadaadis xoog leh saareen madaxda dalka sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada.

Sawirro: Dowladda oo soo bandhigtay jabkii Shabaab ku gaaray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya jabkii ay gaarsiiyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee xalay hoobiyayaasha ku weeraray magaalada Dhuusamareeb.

Waxey aheyd markii labaad oo ay dagaalyahanada Al-Shabaab qalqal galiyaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka socdo shirka u dhaxeeya dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidanka ayaa dowladda ayaa weerar ku qaaday dagaalyahanada oo duleedka magaalada kasoo tuurayay hoobiyayaal, sida la sheegay 8 dagaalyahan ayaa lagu dilay goobta, halka midna laga dhaawacay.

Taliyaha Ururka 15-aad ee Kumaandooska GorGor Maxamed dhakawayne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan hub fudud iyo mid culus intaba, sidoo kalana ay ka carareen dagaalyahanada gaari nuuca dagaalka ah.

Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay iney hawlgal ka bilaabi doonaan deegaanada duleedka ka ah magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay ka hortagi doonaan weerarada ay soo qaadayaan Al-Shabaab.

DAAWO SAWIRADA:

Wararkii ugu dambeeyay shirka Dhuusamareeb iyo Axmed Madoobe oo lagu…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka ka soconaya Dhuusamareeb ayaa dib u bilowday, iyadoo madaxweynaha Jubbaland lagu qanciyay inuu yimaado maadaama uusan kasoo qeybgalin kulamadii xalayto.

Axmed Madoobe ayaa ka baaqday kulamadii xalay kadib markii la isku fahmi waayay sida la sheegay arrinta gobolka Gedo, balse waxaa lagu guuleystay in lagu qanciyo inuu dib ugu soo laabto shirka.

Shirka wuu socdaa, walina wax is afgarad ah oo laga gaaray arrimaha cakiran ma jiraan, iyadoo kaliya la sheegayo in cadaadis ka imaanaya beesha caalamka uu jiro, kaas oo masuul walba ku riixeysa inuu joogo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu wali ku adkeysanayaa in loo soo gacan galiyo gobolka Gedo, isla markaana maamulkiisa uu maamulo doorashada ka dhaceysa deegaankiisa si la mid ah maamullada kale, waxaana arrinta ugu weyn ay tahay Garbahaarey.

Beesha caalamka waxey hogaamiyayaasha u sheegeen ineysan ka tagin Dhuusamareeb inta laga gaarayo xal lagu wada qanacsan yahay oo horay usii wadi kara doorashooyinka, sidoo kalana lagu qaban karo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Shirka ayaa galay maalintii afaraad, waxaana la rajeynayaa in shirka uu kasoo baxo wax dan u ah umadda Soomaaliyeed, maadaama masiirka umadda looga arinsanayo caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirka Dhuusamareeb ka socda oo ay u badan tahay in lagu kala adkaan doono

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa u muuqda in ay guulo waa weyn ka soo hoyeen shirka ka socda Dhuusamareeb sida ay sheegayaan natiijooyinka hordhaca ah. 

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa diidanaa sida loo soo magacaabay guddiga doorashada Goballada Waqooyi, arrinta gobalka ee ciidanka dowladda ka jooga halkaas iyo saameynta ay ku leedahay, iyo xubnaha guddiyada qaar oo shaqaale dowladeed ah, iyo kuraasta la siiyey gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Sida hadda muuqata, waxaana hadda heshiis laga gaaray qaar ka mid ah qodobaas, waxaana xalka noqday sida ay wax u doonayeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in arrinta gobalka aysan ku jirin qodobadii lagu heshiiyay sanadkii hore halka Deni iyo Axmed Madoobe ku doodeen in heshiiskii hore ay qeyb ka aheyd in Garbahaareey doorasho lagu qabto sidaas darteedna ay doodoodu tahay helida magaaladaas iyo gobalka oo dhan, taas oo u muuqato in ay u dhacday sidii ay rabeen. 

Sidoo kale arinta gobalada Waqooyi ayaa la sheegay in ay wax ka badaleen, ayada oo la isku raacay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay heshiis ka gaaraan, taas oo siineysa libinta daqiiqadaha uu shirka socdo inkastoo wax kasta is badali karaan. 

Sidoo kale arrinta gobolka Banaadir, ayaanba shirka lagu soo qaadin, waxaana sida muuqata heshiiis la gaari doonaa ayada oo aan gobolka Banaadir lagu soo darin. Arrinta ayaa waxaa saacidaya beesha caalamka oo dalbatay in heshiiska lagu saleeyo kii 17-kii September, oo aanu gobolka Banaadir ku jirin. Arrintan ayaa guul kale u ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa laba jeer shirka baxay iyadoo markii dambe dib loogu soo celiyay. Sidoo kale waxaa jiro doodo badan oo wali socda kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan.

Waxaa sidoo kale la ogeyn in kadib heshiis kasta ay wax u hirgeli doonaan sida loogu heshiiyey, ayada oo dowladda federaalka ay dhowr mar ka baxday heshiisyadii hore.

Safiirka Qatar oo taagero ka raadinaya beelaha Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar u jooga Muqdisho Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho ka waday kulamo gaar ah oo uu la yeelanayay qaar ka mid ah siyaasiyiinta beelaha Muqdisho.

Xogta kulamada safiirka oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegeysa in uu ka codsanayay in la taageero dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso dib-u-doorashda madaxweyne Farmaajo.

Ilaa lix wasiir oo ka mid ah xukuumadda Rooble, madaxda maamullada, saraakiil ciidan iyo dad saameyn leh oo uu la kulmay ayuu safiirka u gudbiyay farriin isku mid ah oo ahayd in “Qatar ay dhaqaale ahaan u taageereyso olelaha Farmaajo, balse uu doonayo inuu abaabul ahaan uu ku tiirsanaado beesha Muqdisho.”

Danjire Hamza oo aan looga baran kulamada nuucaan ah ayaa dadkii uu la kulmay waxaa kamid ahaa wasiirka amniga gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale oo uu kala hadlay sida looga adkaan karo musharrixiinta ay isku heybta yihiin ee sida adag u mucaaradsan maamulka Farmaajo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in waxaabaha uu wasiirka la soo qaaday safiirka ay qeyb ka ahayeen “awood ciidan” oo ay suurtagal tahay in loo baahdo haddii natiijada doorashada muran ka yimaado si loo xaqiijiyo amniga safaaradda Qatar xilligan uu walwalka amniga kor u sii kacayo.

Laba kulan oo kale oo uu safiirku la galay saraakiil hore oo ciidan iyo mas’uuliyiin hore balse la xulafo ah maamulka hadda jira ayuu isla arrinkan weydiistay isaga oo ballan qaaday in dowladdiisu diyaar u tahay taageere dhaqaale oo arrinkan lagu bedelanayo.

Danjire Hamza oo kaashanaya safiirka Turkiga ayaa kulan ay horraantii bishii Janaayo la galeen Ra’siiul Wasaaraha u sheegay in ay saaxiibo ku dhex leeyihiin beesha caalamka, isla markaana ku qancin doonaan in madaxweynaha looga dambeeyo arrimaha doorashada. Hase yeeshee arrinkaas ayaa suurtagali waayay kadib markii safiirada Mareykanka, UK iyo kan QM ay kasoo horjeesteen, soona saareen qoraallo u muuqda in lagu amrayo madaxda dowladda, beesha caalamkana isugu muujineyso inay leedahay go’aanka kama dambeysta ah.

Xasan KHEYRE oo ka digay arrin DALKA ka dhici karta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay qalalaase dastuuri ah iyo mid siyaasadeed hadii la gaaro 8-da February iyadoo aan laga heshiin siyaasadii looga samatabixi lahaa xaaladda kala guurka.

Kheyre ayaa shaashadaha kasoo muuqday mar kale, wuxuuna ka qeyb galay madal ay soo qaban qaabiyeen machadka Chatham House oo uu kaga qeyb galay habka fogaan aragga, waxaana looga hadlayay arrimaha ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya.

Kheyre oo noqday ra’iisul wasaarahii ugu wakhtiga dheeraa kadib burburka ayaa sheegay iney waajib tahay in la gaaro xal deg-deg ah si looga samatabaxo qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur oo uu dalka galo.

“Muddo xileedka baarlamaanka Federaalka oo laf-dhabar u ah dimuqraadiyadeena wuxuu dhamaadey 27-kii December, 2020. Muddo yar kadib dalkeena wuxuu wajihi doonaa qalalaase dastuuri marka madaxweynaha uu muddo xileedkiisa ka dhamaado 8-da Febraayo. Innagoo tixgelineyna in hay’adda fulinta iyo sharci-dejinta ay waayi doonan sharciyadda ay wax ku maamulaan, xalka kaliya ee looga gudbi karo jahwareerkan nagu soo fool leh waa in la gaaro heshiis siyaasadeed oo deg-deg ah” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre waa mid ka mid ah musharaxiinta miisaanka culus ee kasoo horjeeda xukuumadda uu wakhtigeeda sii dhamaanayo, inkastoo uu kooxda talada heysa lasoo shaqeeyay muddo badan hadana hadda wuxuu ku jiraa midowga musharaxiinta.

Dhanka kale midowga Musharaxiinta oo war-saxaafadeed shalay soo saaray waxey sheegeen ineysan aqbali doonin iney dalka maamulaan shaqsiyaad iyo hay’ado uu wakhtigooda dhamaaday.