24.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Maxaa laga fahmay khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo u jeediyey BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eego Khudbadii shalay ee Madaxweyne Farmaajo waxaa kuu Iftiimaya in uu taagan yahay madaxweynuhu xaalad quus ah, oo aysan caddeyn sida looga bixi karo, waxaana laga dareemayaa inuu ku daalay xaaladaha jahwareeerka leh ee ku qotanta doorashooyinka Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo waxa uu aad uga qeyla dhaamiyay madaxda Puntland iyo Jubaland oo uu ku sheegay in ay mar kasta furayaan xargaha uu xiro ee xalka doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka muuqday niyad jab iyo kalsooni la’aan uu ka qabo madaxda kale ee lagu xanto in ay dhankiisa jiraan, sida HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. 

Madaxweyne ayaa dhowr jeer tibaaxay inuu tanaasulay isaga oo awoodo inuu ku adkeysto go’aanadiisa saxda ahaa, sida uu yiri 

Waxa uu muujiyay in uu jiro faragalin shisheeye oo toos ah, taas oo taabaneysa heshiisyada doorashooyinka waxa uuna ka deyriyay in lafara geliyo dal xur ah oo madaxbannaan. 

Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo ku sheegay mid diyaar u ah doorasho hufan oo lagu qanci karo balse waxa uu rajo xumo ka qabaa in sidaas lala fahmi waayay oo madaxda Dowlad goboleedyada ku qanci waayeen sida ay Dowladda wax urabto. 

Farmaajo waxa uu ku adkeysanayaa in firaaq dastuuri ah aanu dalka geli doonin tusaale ayuuna ka dhigtay baarlamaanka oo uu xasuusiyay in waqti xileedkoodu dhamaaday 27-kii bishii December sanadkii hore. Hadalkan ayaa laga fahmi karaa in isagana uu sidoo kale xukunka sii haysan doono xitaa haddii aanu helin muddo kororsi rasmi ah.

Madaxweynuhu wuxuu ka baaqsaday hadallo suuqa ugu jiray oo ku saabsanaa inuu daneeynayo muddo kordhin, sababta uu golaha u codsadeyna ay tahay ajando waqti dheereysi ah. 

Qodobkaan waxaa la aaminsan yahay in Madaxweyne Farmaajo isaga daayay cadaadiska beesha caalamka darteed. 

Guddiga doorashada oo si adag uga hadlay fashilka shirkii Dhuusamareeb 4

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in is afgaran waa uu ku soo dhamaado, shirkii madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ku yeesheen Dhuusamareeb.

Arrinta guddigan ayaa ka mid ah seddax qodob oo khilaaf culus uu ka taaganyahay, isla markaana sababtay in illaa hadda la isku fahmi waayo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii bishii September ee sanadkii hore.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa inay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddigan lagu muransan yahay.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Guddigu waxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Waxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso.”

Guddiga ayaa qoraalkan ugu mahadceliyey dhammaan dhinacyadii isku howlay xallinta khilaafka doorashada, waxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyey shacabka iyo maamulka Galmudug oo marti geliyey shirarkii Dhuusamareeb 1 illaa 4, sidoo kale beesha calaamka ayuu garab taageeda Soomaaliya uga mahad celiyey.

“Guddigu waxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Si dalku marxaladda uu ku jiro uga gudbo, waxaa uu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay tahay xalka keli ahi fulinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 Sebteembar 2020, Isla markaana guddigu u diyaarsanyahay qabashada doorashooyin  xor iyo xalaal ah,  oo ka dhaca dalka.”

Daawo: Feysal Cali Warabe oo hal arrin u tiiriyey fashilka SHIRKII Dhuusamareeb 4

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa si kooban uga hadlay shirkii fashilka ku soo dhamaaday ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku dhex-maray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay in shirkaas uu fashiliyey khilaafka ka taagan sida loo soo dooranayo xildhibaanada dowladda federaalka ku metelaya Somaliland, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Waxaad arkeyseen in Dhuusamareeb lagu kala kacay, waxaa la leeyahay waxaa lagu heshiin waayey xildhibaanadii Somaliland, marka ragii u shaqa tegay ayey leeyihiin waa xildhibaanadii Somaliland,” ayuu yiri.

Guddoomiye Feysal oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Anagu waxaan u diyaarsanahay inaan qaranimadeena u soo ceshano, sida Jabuuti, NFD iyo DDS, marka reer Soomaaliya waxaan leenahay is hagaajiya, anagu teena waan heysanaa, colaadna idiinma qabno.”

Inkastoo qodobadii la isku hayey ay mid aheyd arrinta Somaliland, hadana qodobkii ugu adkaa ee fashiliyey shirka Dhuusamareeb ayaa ahaa arrinta gobolka Gedo, waxayna dowladda federaalka iyo Jubbaland isku eedeeyeen fashilka ku yimid shirkaas, maadaama ay isku heystaan maamulidda gobolkaas.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa meel aad u cakiran oo aan la saadaali karin halka ay u jaheysa doonto saacadaha ama maalmaha soo socda, maadaama saacado kooban ay u hareen madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay meesha ka baxeyso kala sareyntii dadka.

Hoos ka Daawo Feysal

DF iyo Shabaab oo ka hadlay dagaal ka dhacay Gedo

0

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay tuulada Shaataloow oo qiyaastii 18 KM u jirta dagmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana dhacay dagaal khasaare badan dhaliyay.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa tabiyay warar iska soo horjeeda iyadoo dhinac walba uu sheegtay guulo uu ka gaaray dhigiisa kale.

Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka hor tageen duulaan ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana ay dileen xubno ka tirsan.

Taliyaha wuxuu kaloo sheegay iney gacanta ku dhigeen hub ay wateen, warbaahinta ayuuna u sheegay iney guul ka gaareen.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii dhacay, waxeyna sheegeen iney khasaaro badan gaarsiiyeen ciidamada dowladda.

Warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadla ayaa daabacay in dagaalyahanada ay gacanta ku dhigeen laba gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay ciidamada wateen, kuwaas oo ay sheegeen iney ku socdeen wadada xiriirisa Luuq iyo Doolow.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo geysay gobolka Gedo, waana kuwa dhaq-dhaqaaqa ugu badan ak wada deegaankaas.

Xog: Sidee lagu fashiliyey qorshihii muddo kororsiga ee kulankii BF ee maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii baarlamanka Soomaaliya ee maanta ee uu khudbadda ka jeediyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday mid aan macno badan sameyn, kadib markii qorshihii madaxweynaha iyo xidlhibaanada taageersan ee muddo kordhinta ay fashiliyeen xildhibaanada mucaaradka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshaha muddo kordhinta loogu sameynayo madaxweynaha, oo ay horey uga digtay beesha caalamka, ayaa socday dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee awoodda xildhibaano isbaheystay ayaa ku qasabtay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal inuu meesha ka saaro, sida ay dhowr xildhibaan u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Mursal ayaa waxaa xalay u tegay xildhibaanada mucaaradka oo aad u tiro badan, waxayna ku wargeliyeen inaysan ogolaaneyn in kulankaas uu qabsoomo, hase yeeshee Mursal ayaa codsaday inay ogolaadaan kulanka balse ballan-qaaday inaan ajendaha shirka lagu soo dari doonin wax muddo kordhin ah.

Xildhibaanada oo aan kalsooni buuxda ku qabin Mursal ayaa ku xiray saddex shardi, si kulanka loo qabto, kuwaas oo kala ahaa.

1 – Inuu si shaacsan u shaaciyo in ajendaha kulanka aanu qeyb ka aheyn wax muddo kordhin ah, kuna kooban yahay khudbadda madaxweynaha kaliya.
2 – Inuu kulanka ka saarao xildhibaanada Aqalka Sare, maadaama kuwa la ogaa inay imanayaan ay ahaayeen kuwa taageersan madaxweynaha.
3 – In warbaahinta loo ogolaado kulanka, si ay u duubaan wax kasta oo ka dhacaya xarunta.

Guddoomiye Mursal ayaa fuliyey dhammaan saddexda qodob, wuxuuna madaxweynaha ku wargeliyey in qorshihiisa uusan socon karin sababo la xiriira cadaadiska xildhibaanada mucaaradka oo tiro badan iyo kan beesha caalamka oo horey u jiray.

Madaxweynaha ayaa kadib qorshihiisa bedelay wuxuuna kulanka ka jeediyey khudbad aan wax badan soo kordhin, ayada sidaas ku fashilmay qorshihii muddo kororsiga.

Shir xasaasi ah oo madaxda dowlad goboleedyada uga socda Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Wararka aan caawa ka heleyno magaalaada Dhusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo shir gaar ah oo u dhaxeeya madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Jubbaland.

Shirkaas oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin oo warbaahintu ay dibad-joog ka tahay ayaa xogaha aan ka heleyno waxay sheegayaan in madaxdu ay uga hadlayaan khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Khilaafka doorashooyinka dalka oo hadda ka sii daray ayaa sababay in natiijo la’aan uu ku soo dhamaado shirkii maalmihii lasoo dhaafay madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed uga socday Dhuusamareeb.

Sida aan xogta ku helnay madaxda ku sugan Dhuusamareeb waxay shirarkooda diiradda ku saarayaan sida laga yeelayo dalka, hadii la gaaro 8-da Febraayo oo ah maalinka u dambeysa ee mudo xileedka madaxweyne Farmaajo.

8-da bishan Febraayo oo 4-tiisa sano ay u dhamaaneyso madaxweyne Farmaajo ayaa ku beegan Isniinta soo socota, waxaana naga xigta berri oo Axad ah.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa maanta isaga soo baxay Dhuusamareeb, iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray.

Qodobka ugu adag ee fashiliyey shirkii wadatashiga ee Dhuusamareeb ayaa noqday arrinta gobolka Gedo, waxayna dowladda federaalka iyo Jubbaland isku eedeeyeen fashilka ku yimid shirkaas, maadaama ay isku heystaan maamulidda gobolkaas.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa meel aad u cakiran oo aan la saadaali karin, halka ay u jaheysa doonto saacadaha ama maalmaha soo socda, maadaama saacado kooban ay u hareen madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay meesha ka baxeyso kala sareyntii dadka.

Faahfaahinta qaraxii caawa ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM-4.

Qaraxa oo ahaa mid miino ayaa la dhigay dhinaca wadada ka baxda isgoyska KM-4 ee aadda dhanka garoonka Aadan Cadde ee sii hor-marta Hotelkii dhawaan la weeraray ee Afriik.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka ugu yaraan seddax qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo boolis ah, kaas oo ahaa nooca aysan xabadu karin, waxayna dadka ku waxyeeloobay dhamaantood ahaayeen shacab wadada marayey.

Sidoo kale burbur xoog leh ayaa soo gaaray goobo ganacsi oo lagu iibiyo qalabka lagu dayac-tiro gaadiidka ee loo yaqaano (SPARE PARTS-ka) kuwaas oo aad ugu dhawaa goobta la dhigay qaraxaas.

Gaarigii lala beegsaday qaraxaas ayaa markii isaga tegay goobta, waxaana soo gaaray ciidamo boolis ah, kuwaas oo mudo kooban hakad geliyey isku socodkii gaadiidka, wallow ay saacad kadib dib u fureen wadada.

Dagaalamayaal weeraray guddoomiyaha Luuq oo qaar la dilay, qaar la qabtay

0

Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shaabab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay wadada xariirisa magaalooyinka Luuq iyo Doolow, waxuuna ku bilaawday weerar jid-gal ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen gadiid uu la socday guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq.

Kolonyada guddoomiyaha ayaa markii la weeraray ka timid dhinaca degmada Doolow, iyagoo ku sii jeedeen degmada Luuq,  waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Cali Cabdullahi Jubba ayaa sheegay in ciidamadii dowladda ee la socday kolonyada guddoomiyaha Luuq ee weerarka jid galka ah lagu qaaday ay dileen 7-dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ay nolosha ku qabteen afar dagaalame oo kale.

Daagaalkaas ayaa ka dhacay Tuulooyinka Shaatalow iyo Kheydar, oo u dhaxeeya Luuq iyo Doolow, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Gedo.

Dhanka kale ururka Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkaas ayaa sheegtay mas’uuliyadiisa, waxayna sheegeen in laba gaari ay ka furteen ciidamada ay weerarka ku qaadeen ee dowladda Soomaaliya.

CC Shakuur oo sheegay hay’adaha DF ee aan kusii shaqeyn karin xil-gaarsiin ee ay tahay inay iska tagaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo hay’adaha dowladda Soomaaliya uu qaarkood muddo xileedka ka dhamaaday, sida baarlamanka, madaxweynaha ay ugu eg tahay berri, ayaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ka hadlay kuwa ay tahay inay sii shaqeeyaan iyo kuwa ay tahay inay iska tagaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in madaxtooyada ay tahay xafiis lagu joogo muddo xileed, sidaas darteedna uusan madaxweynaha kusii joogin karin xil-gaarsiin.

“Dad badan waxaa iskaga khaldan xafiiska iyo muddo xileedka. Madaxtooyada waa xafiis madaxweyne, laakiin muddo xileed sharci ah ayaa lagu joogaa. Baarlamaan waa gole xildhibaan, laakiin muddo xileed ayaa looga mid yahay. Waxaa jira hay’ado xil gaarsiin leh (caretaker), laakiin xilka madaxweynaha kuma jiro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin sheegay in xil-gaariisnta ay leedahay xukuumadda, ayna tahay inay shaqadeeda qabsato.

“Cidda xilgaarsiinta leh wey caddahay, waxaana rajeynayaa in ay kaalintooda dhowaan qaadan doonaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey inuu gobolka uu kasoo jeedo ee Gedo dartiis uu danta qaranka u xanibay.

“Waxaa shacabka Soomaaliyeed isku qaban waayey sheegashada Madaxweyne Farmaajo ee aheyd in uu shan jeer danta qaranka u tanaasulay, laakiin shirkii xalay lagu soo kala tegey uu danta xaafaddiisa ka tanaasuli waayey,” ayuu yiri. 

Madaxweyne Farmaajo oo ka gaabsaday laba qodob oo la filayey inuu ka hadlo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta khudbad u jeediyey xildhibaanada golaha shacabka, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo labada qodob ee sababta u ahaa inuu fashilmo shirkii Dhuusamareeb. 

Madaxweynaha oo khubadiisa socotay ku dhowaad nus saac, ayaa aad uga hadlay arrimaha doorashada, khilaafka siyaasadeed ee dalka iyo tanaasul uu sheegay in uu sameeyay intii uu khilaafka taagnaa. 

Hase yeeshee, labada qodob ee muhiimka u ah xal u helida muranka doorashada, islamarkaana la filayey inuu madaxweynaha soo hadal qado, waa arrinta Gedo iyo tan xidlhibaanada Gobalada Waqooyi, mana soo hadal qaadin Madaxweyne Farmaajo balse waxa uu si taxadar leh uga hadlay arrimaha kale ee doorashada.

Qodobka Gedo, ayaa la rumeysan yahay sababta uu madaxweynaha ugu dheggan yahay inay tahay 16-ka kursi ee laga soo dooranaya Garbahaarey, oo uu doonaya inuu maamulo. 

Sidoo kale, arrinta xildhibaanada Waqooyi ayaa leh sabab taas la mid ah, wuxuuna madaxweynaha doonayaa inuu soo xulo dhamaan xildhibaanada waqooyi, si uu codkooda ugu xisaabtamo.

Taas beddelkeed wuxuu madaxweynaha shacabka iyo xildhibaanada u weeciyey arrin ay adag tahay in hadda maskaxda ay gasho oo ah in dalal shisheeye ay hortaagan yihiin doorashada.

Waxa uu sidoo kale eeda fashilka doorashada dusha ka saaray maamulada Puntland iyo Jubbaland, gaar ahaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. 

“Ugu yaraan 5 jeer ayaa tanaasulay, waxaan dhahay qolkaan gala ee wax soo xar xariiqa,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. 

“Sidii aan rabay uma dhicin heshiisyadii siyaasadeed ee doorashada, waxaan u dhaafay maamulada wixii ay ku heshiiyeen ayey dhaqan gelin waayeen.” 

Muhiimada Khudbada Madaxweynaha waxey aheyd in dhamaan guul darrooyinka doorasho ee Qaranka dusha laga saaro maamulada Puntland iyo Jubbaland. 

Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana sii kordhaya walwalka ay qabaan shacabka Soomaaliyeed. 

Si katsaba, haddii madaxweynaha u ogolaado Cabdi Xaashi inuu kaalin ku yeesho soo xulista xildhibaanada Waqooyi, iyo in gobolka Gedo uu maamulo Axmed Madoobe oo maamulkiisa hoos tago, waxaa dhaba ah in xal loo helayo muranka ka taagan doorashada.

GUULEED oo sheegay inay fajac ku noqotay ‘go’aanka uu qaatay’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4 kadib markii madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay isku mari waayeen arrinta gobolka Gedo.

Guuleed, oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qoraal uu facebook soo dhigay ku sheegay inay fajac ku noqotay go’aanka uu qaatay madaxweyne Farmaajo natiijo la’aan uga soo tegay shirka Dhuusamareeb, isaga oo masiirka umadda u xanibay hal gobol, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib darro weyn tahay in madaxweyne Farmaajo uu natiijo la’aan kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb isagoo diiday inuu wax tanaasul u ah u sameeyo danta dalka,” ayuu yiri Guuleed.

Hoos ka aqriso qoraalka Guuleed facebook.

Waa nasiib daro weyn inuu madaxweynihii qaranku natiijo la’aan kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb isagoo diiday inuu wax tanaasul u ah u sameeyo danta dalka. Soomaaliya wixii maanta ka halaaba waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxweyne Farmaajo. Waxaa ay nagu noqotay fajac iyo ama-kaag in madaxweynihii Qaranku ka fuqi waayo gobal gaar ah iyo 16 kursi, isagoo wali ku haminaya inuu sii ahaado madaxweyne Soomaaliyeed, xili kalana la soo doorto.

Waxaan ku baaqeynaa in ummadda Soomaaliyeed isugu timaado shir aayo ka talin ah oo lagu badbaadinaayo Dalka iyo  Dowladnimada. Madaxweynaha waxaan leenahay maadaama aad awoodi weysay inaad dalka isku heyso, tanaasul sameyso, oo aad abuurtay naceyb ummadda dhexdeeda ah, fadlan xilka ku wareeji Baarlamaanka si aanan loo sii kala tagin.

Sidoo kale xildhibaannada maanta ku shirsan Villa Hargeysa waxaan usoo jeedineynaa in aaney uga sii darin xaalka cakiran ee dalka, oo aaney abuurin xasarad aan laga soo waaqsan karin. Qaataanna go,aan dadlka badbaadinaya.

Guul iyo Gobanimo.

Nuxurka khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeedeyey kulankii BF ee maanta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka hor jeediyay xildhibaanada golaha shacabka, xilli uu kasoo tagay magaalada Dhuusamareeb ayada oo aan wax heshiis ah lagu gaarin.

189 xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka maanta, waxaana ka maqnaa xildhibaanada Aqalka Sare, oo qaar ka mid ah ayaga oo aan la casuumin yimid, balse lkaga saaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii kaga hadlay arrrimaha doorashada, iyo wixii soo kala gaaray isaga iyo madaxdii ay ku kulmeen Dhuusamareeb, wuxuuna xildhibaanada golaha shacabka u sheegay in wakhtigooda dhamaaday, balse ay gudanayaan waajibaadkooda iyagoo gaaraya go’aanno masiiri ah.

Farmaajo ayaa xildhibaanada u sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan, islamarkaana ay tahay inaan la dhageysan “waxey sheegayaan shisheeyaha,” taasina ay tahay go’aan masiiri ah oo qof walba u taalla, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday fashilka shirkii Dhuusa-mareeb, ayaa tilmaamay iney jirto hal fursad oo kale, taasoo sida uu sheegay ay doorashada isaga imaan doonaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, hadii kulankan is af-garad laga gaari waayanna ay talada u soo celin doonaan baarlamaanka.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo inaan diyaar u nahay hirgelinta heshiiskii 17 september, waxaana idinka codsaneynaa inaad nagu garab gashaan sidii walaaleheen naga maqan u qancin leheyn iney qeyb ka ahaadaan hirgalinta heshiiska,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inuu tanaasul badan sameeyay, balse madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay ka hor imaanayeen wax walba, wuxuu sheegay inuu ka tanaasulay heshiiskii 17-ka September.

Wuxuu ku daray in Saciid Deni uu qortay heshiiskaas, isagana uu soo jeediyay laba arrimood oo ah, in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay shaqeeyaan iyo in la yareeyo lacagaha lagu xirayo haweenka musharaxiinta ah.

Madaxweyna Farmaajo wuxuu khudbadiisa ku sheegay in faragalin shisheeye ay ku jirto arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, balse aanu rabin inuu tilmaamo, xaqiiqaduna ay tahay ineysan waxba hagaagi karin.

Wuxuu xildhibaanada golaha shacabka ka codsaday iney gacan ka geystaan qancinta labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna rajo ka muujiyay in kulamo kale la isugu yimaado.

Mursal oo sheegay ujeedka kulanka BF, kana saaray xildhibaanada Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha golaha shacabka Maxmed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulanka maanta ay u fadhiyaan xubnaha ka tirsan Baarlamaanka uusan aheyn mid muddada loogu kordhinaayo xildhibaannada iyo xukuumaddaba.

Gudoomiyaha wuxuu xildhibaanada hortooda ka sheegay in kulankaan uu ajandahiisa kaliya yahay in la dhageysto khudbadda uu soo jeediyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo cuksanaya qodobka 90-aad ee dastuurka dalka kaas oo dhigaya in wakhti walba uu madaxweynaha la hadli karo golaha shacabka, ayaa Mursal wuxuu xildhibaanada u sheegay in codsi ka yimid madaxweynaha ay kuraasta ugu fadhiyaan.

Dhanka kale xildhibaanada aqalka sare ee diiday amarka gudoomiyahooda Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qoraal uu soo saaray shalay ku sheegay ineysan helin wax codsi ah oo kaga yimid madaxweynaha ayaa laga soo saaray kulanka ay yeelanayaan golaha shacabka.

Qaar ka tirsan xildhibaanada aqalka sare ayaa tagay xarunta golaha shacabka, balse waxaa loo sheegay iney isaga baxaan.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan wuxuu u sheegay xubnaha aqalka sare ee goobta ku sugnaa in kulanka uu u gaar yahay golaha shacabka, isla markaana ay codsiyo uga yimaadeen guddoonka sare ee aqalka sare, sidaas darteedna aysan golaha shacabka dooneynin iney khilaaka qeyb ka noqdaan oo ay xal u noqdaan wax walba oo jira.

Banaan-baxyo ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka dhacay Gedo + Sawirro

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka gobolka Gedo ayaa maanta dibad-bax looga soo horjeedo maamulka Jubbaland ka dhigay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi, kaas oo ay ka qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dibad-baxayaasha, oo ay soo abaabushay dowladda federaalka, ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe, iyaga oo ku eedeeyey in uusan weligii waxba u qaban shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay waraahinta ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan in gobolka Gedo iyo doorashadiisa la hoos geeyo Jubbaland.

Dowladda federaalka ah ayey sidoo kale ugu baaqeen in Axmed Madoobe aysan heshiis kala gelin arrinta gobolka Gedo oo xudun u noqotay muranka doorashada 2021-ka.

Waxaa sidoo kale dibad-baxyadaan ka qeyb-galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmooyinka ee taageersan dowladda dhexe oo iyagu soo abaabulay banaan-baxyada.

Si kastaba arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo lagu kala kacay shirkii Dhuusamareeb 4, waxaana arrimaha la’isku qabtay ka mid ah xiisada weli ka taagan gobolka Gedo.

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri fashilka shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb 4?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyey shirka wada-tashiga ee magaaladaasi ee lagu kala tegay.

Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay saameeyeen wax-kasto oo tanaasul ah, balse wuxuu fashilka shirka ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan isku deynay wax kasto oo tanaasul ah oo aan sameyn karno, waxaan soo jeedinay oo kal haddii ay sidan tahay bal arrinta doorashada in loo kaadiyo oo dib heshiisiin la galo gobolka Gedo oo dhan hala-galo, ciidamadana ha la’isku dhafo.” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in si aad ah la’isugu qabtay arrinta gobolka Gedo, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey oo ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddii ay Jubbaland magacaabeyso guddiga iyo odayaasha hasoo jeediyeen, haddii magacaabista Jubbaland ku lug leedahay ma’aqbalayo ayuu yiri madaxweynuhu,” ayuu markale shirkiisa Jaraa’id ku yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan soo magacaabi doonin guddiga doorashada ee Jubbaland, illaa inta laga xalinayo arrintaasi, loona deynayo maamulka Garbahaarey.

“Ma kari karo marka anigu guddi inaan qatar geliyo laleeyahay guddoomiyihii ay la shaqeynayeen haddaad magacowdo dhib ayaa ka imaanayo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu isku soo koobay hal degmo, islamarkaana uu ka tegay mas’uuliyaddii loo igmaday ee Qaranka.

“Haddaba sidee madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Soomaaliya u xukumi karayaa?,haddii hal degmo uu sheegtay oo yiri anaa leh oo anaa kasoo jeeda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo lagula kacay shirkii ugu danmbeeyey ee wada-tashiga Dhuusamareeb, kaas oo 5-tii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaasi.

Mahad Salaad oo shaaca ka qaaday ‘cidda fashilisay’ shirka Dhuusamareeb 4

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb ee xalay lagu kala tegay.

Mahad Salaad ayaa dhaliisha dusha ka saaray madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna shaaca ka qaaday in isaga uu ka socon waayey shirkaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in wax laga xumaado ay tahay in lagu kala kaco shirkan, islamarkaana madaxweynuhu uu fashiliyo gogoshii ay dhigtay Galmudug.

“Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Facebook-ga.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in go’aanka Farmaajo uu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa waxaa diiday Beesheyda, halka Axmed Madoobe-na uu ku adkeystay gudoomiyaha degmada halagu celiyo magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Halkan hoose ka aqriso:-

WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY‼️

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hasha maqaarka diideysa meelo daldaloolay ka daydaa. “Gudoomiye ka socda Jubaland tagi maayo Garbahaarey” wax lala soo shir tagi karo maahan ee Farmaajo wuxuu raadinayay marmarsiiyo uu shirka Dhuusamareeb 4 ku burburiyo. Waana wax laga xumaado in Farmaajo Galmudug magaca uga dheelo, mar labaadna uu fashiliyo gogashii Galmudug dhigtay sidii horay u dhacday shirkii Dhuusamareeb 3.

MW Ahmed Madoobe, Deni iyo Qoorqoor xalay anagaa aragnay waxa kaliya ee Axmed ku dheganaana waxay ahayd Gudoomiyaha Degmada halagu celiyo Garbahaarey si gudiga ay ugu suurogasho in ay meesha tagaan, doorashana u qabtaan. Farmaajo waxa uu rabana waraaqdaan haku qorto. Halka Farmaajo warkiisu ahaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Beesheydu waa diiday in ay maamulaan!

Marka waxaa in la iswaydiiyo mudan Madaxweynuhu ma afhayeenka Beeshiisaa mise waa Madaxweyne Soomaaliyeed oo loo wada simanyahay, dalka iyo dadkana mas’uuliyad ka wada saarantahay. WALLEE MIDKAANI WAA HABAAR QABE LAGU SIRMAY!

Qorshaha musharaxiinta mucaaradka ee haddii ay doorashada dhici weyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa waxaa ka haray kaliya laba maalin, wuxuuna 8-da bisha Febraayo uu noqonayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa waqtigeeda dhaaftay, waxaana dhimatay rajadii laga qabay in shirka Dhuusamareeb 4 lagu gaaro heshiis horseedi kara in doorasho ay dhacdo, ayada oo xalay shirkaas lagu kala tegay.

Dhowr goor oo hore oo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada, waxaa xigay khilaaf cusub kadib markii qodobadii lagu heshiiyey la fulin waayey, hase yeeshee marka xitaa heshiis lama hayo, waxaana muuqata in Soomaaliya aysan doorasho ka dhici doonin waqti dhow.

Haddaba muxuu yahay qorshaha mucaaradka haddii la qaban waayo doorasho?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatana ahna guddoomiyaha midowga musharraxiinta, Mudane Sheekh Shariif Axmed oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxa dhacaya haddii sidaas ay dhacdo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi horleh, islamarkaana ay muhiim tahay in ilaaliyo shuruucda iyo dastuurka u yaalla dalka.

Madaxweynihii hore ee ee dowladda KMG aheyd oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday, haddii la gaaro 8-da Febraayo, islamarkaana ay dhici weyso doorashada ay tahay in dalka uu ku socdo heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan.

Shariifka ayaa intaasi ku sii daray in kadib loo baahan doono Gogol Soomaaliyeed oo looga hadlayo qabashada doorashada iyo arrimaheeda.

“Waa la soconayaa waxaa loo baahanayaa Gogol Soomaaliyeed oo Soomaalidugu isugu timaado ka tashato doorashada iyo sida loo qabanayo,” ayuu yiri Sheekh Shariin

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ka musharraxiin ahaan ay billaabeen kulamo wada-tashi iyo wada-hadallo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Annaga hadda waxaan billownay wada-hadalladadii qeybaha bulshada, odayaashii ayaa maanta la kulanay, waana wadi doonaa inaan talada uruurino,” ayuu sii raaciyey.

Bulshada rayidka ah oo soo saaray qodobo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan shirkii lagula kacay ee beryahan ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Ururada bulshada rayidka ah ayaa marka hore walaac xoogan ka muujiyey fashilka ku yimid shirkaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la tix-geliyo xaaladda adag ee lagu jiro, islamarkaana la bad-baadiyo dalka iyo dowladnimada.

Isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in uusan uga sii darin xaaladda dalka, islamarkaana uusan qaadan go’aan hal dhinac ah.

Bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale afar qodob u soo jeediyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kuwaas oo kala ah:-

1-In madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay muujiyaan mas’uuliyad, islamarkaana ay heshiis ka gaaraan muranka ka taagan doorashada.

2-In xildhibaanada labada aqal aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin sii kala fogeynaya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

3-In hoggaamiyeyaasha bulshada kala duwan ay meel uga soo wada jeestaan, sidii heshiis dhab ah loogu gaari lahaa shirka Dhuusamareeb 4.

4-In guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya aysan guddoomin go’aan hal dhina ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

Shirkii Dhuusamareeb 4 oo natiijo la’aan soo dhamaaday

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Dhuusamareeb 4 ayaa soo dhamaaday, ayada oo aan wax heshiis ah lagu gaarin.

Shirka ayaa ugu dambeyn sababsaday muranka ka taagan gobolka Gedo ee ay isku hayaan madaxweyne Farmaajo oo beeshiisa ay degto gobolkaas iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo gobolka uu maamulkiisa hoos yimaado. 

Axmed Madoobe ayaa dalbaday, in si la mid ah dhammaan maamul goboleedyada dalka, loo madax baneeyo gobolka Gedo oo hoos yimaada, hase yeeshee waxaa taas diiday madaxweyne Farmaajo, oo doonaya inuu wax ka maamulo doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey.

Qodobka kale ee doodda badan dhaliyay ayaa noqday cidda soo magacaabeysa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ee soo xulaya Xildhibaanada. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka biyo diiday in Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo u uku adkeystay in Cabdi Xaashi uu soo magacaabo kaliya afar xubnood oo ka mid ah guddigaas, inta kale ay dowladda soo magacowdo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda ay tanaasul ka sameysay dhammaan saddexdii qodob ee la isku hayey ee kala ahaa; arirnta gobolka Gedo, tan xildhibaanada waqooyi, iyo guddiyada doorasho, balse dhinacyadii kale laga waayey wax tanaasul ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dubbe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in maadaama kulanka maanta uu baarlamanka uu muhiim yahay in shirkaas lagu kala tago, la iskuna soo laabto shir kale, ayada oo waqtiga iyo madasha lasoo sheegi doono.

Arrintan ayaa muujineysa cabsi la xiriirta muhiimadda uu kulanka baarlamanka ee maanta u leeyahay madaxweynaha, ayada oo uu xalay Muqdisho ka socda dadaal ay wadaan xildhibaanada qaar oo muddo kordhin sanad ah loogu sameynayo baarlamanka iyo madaxweynaha. Farmaajo ayaa saaka kusoo wajahan Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaan weli ka hadlin dhankiisa guul-darrada shirka.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Cusmaan Dubbe.

Taabid oo farriin u diray BF, kaddib fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed oo war qoraal soo saaray ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan shirkii lagu kala tegay ee magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horreyn Taabid Cabid ayaa nasiib darro ku tilmaamay fashilka ku yimid shirkaasi oo u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Taabid Cabdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan leh madaxweynaha in aysan uga sii darin xaaladda adag ee uu xilligan ku jiro dalka.

Halkan hoose aqriso:-

Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.

Rajada iyo dulqaadka haray wuxuu ahaa in shirka aan lagu soo kala tagin heshiis la’aan, balse waxaanan garan waxa xamar loogu soo degdegayo oo aanan ka aheyn xaalad abuur.

Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka labbada Aqal ee DFS iyo cid kasta oo u diir naxeysa shacabkeena daallan, in aanan looga sii darin xaaladdan xikmad beelka ah. Qof walboow mas’uuliyad baa ku saaran ee ogow.