27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sifo cajiib ah ku macneeyey ‘guul darada’ Al-Shabaab

0

Minnesota (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka wuxuu kala qeyb galay, isku soo bax balaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta ah dalka ka socda.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka hor jeediyay boqolaal dadweyne Soomaaliyeed ah oo ku nool Mareykanka, wuxuuna sheegay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba looga adkaaday kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qorshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda.

“Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxaan ku sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan ayaa ka balan qaaday shacabka Soomaaliyeed ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka laga furi doono qunsuliyad u adeegi doonta shacabka reer Minnesota.

“Reer Minnesota waxaan halkan la idinkaga furayaa Qunsulyad idiin adeegta, laakiin waxaan idinka codsanayaa, maadama dowladeena dagaalo ku furan yihiin inaad dhisataan xarunta Qunsulyada oo hoos tagi doonta Safaaradda, waana inaad u dhisataan dhul weyn oo maalmaha Sabtiga iyo Axad carruurta la keeni karo ee ma ahan inaad laba qol oo cariiri ah u dhisataan,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka, kana mid aheyd dadkii soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in dalka Mareykanka ay kusoo dhaweyso madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

“Aniga iyo xubno kale waxaan kasoo dagi doona magaalada Muqdisho, waxaan heysanaa Madaxweyne ka shaqeynaya midnimada Soomaaliyeed, Adeer markaan ugu yeero waxa uu iigu wacaa gabartey,” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

 

BIIXI oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso doorashada SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka Ciyaaraha Horyaalka Kubadda Cagta ayaa ka hadlay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, taas oo ay hadda isku hayaan mucaaradka & xukuumadda.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in sanadka soo socdo ee dhowaan bilaabanaya 2023 uu Somaliland u noqon doono sanad doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay tartanka ururada iyo arrinta diiwaan-gelinta oo bilaabaneyso 28-ka ka bishaan, kuna eg illa 28-ka bisha January.

“Sanadkan dhowaan bilaabanaya wuxuu noqon doonaa, Insha allaah sanad doorasho, is diiwaan-gelinta waxay bilbaaneysaa 28-ka bishaan waxay dhammaaneysa 28-ka January. Qaranka guud ahaan waxaa ugu baaqayaa ciddii kaarka ka lumay ama kuwa qaadanaya in la siiyo fursad,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diraygobollada aan horay isku diiwaan-gelin, isaga oo ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada, ayna qaataan kaarka cod-bixinta.

“Gobollada aan horay isku diiwaan-gelin, sababo jira aawgood ayagana waxaan ugu baaqayaa inay isdiiwaan-geliyaan.” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu baaq u diray siyaasiyiinta, isaga oo ka dalbaday inay isku diyaariyaan tartanka, ayna ka fakiraan hadallada ay jeedinayaan, si aysan u dhaawicin Somaliland.

“Ururada iyo xisbiyada tartami doono ee 13-ka ah marka ay diiwaan-gelintu dhammaato waxaa laga rabaa inay dadka tusaan hadalkooda iyo ficilkooda inay yihiin dada waayeel ahoo u bisil dalkan hoggaamintiisa,”ayuu markale yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashooyinka, waxayna xiisaddu kasii dartay markii xisbiyada mucaaradka ay si weyn uga biyo diideen muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi.

Dadka u shaqeeya dowladda MAREYKANKA oo Aaladda TikTok laga mamnuucayo

0

Washington (Caasimada Online) – Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay.

Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiilada ee toddobaadka soo socda.

Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka.

Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda.

Waxay ahayd tallaabadii ugu dambeysay ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay ku cabburiyaan shirkadaha laga leeyahay Shiinaha, iyadoo ay jirto walaac amniga qaranka ah Mareykanka ah, kaas oo Beijing ay u adeegsan karto aaladdan nooc basaasnimo ah.

VOA + Reuters.

Xog: Wararkii u dambeeyey xiisad ka dhalatay Janan iyo Fartaag oo loo diiday Doolow

0

Doolow (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullahi Fartaag ayaa caawa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay loo diidanaa.

Galabta ilaa fiidkii hore ee caawa waxaa Doolow ka taagneyd xiisad ka dhalatay hor istaag lagu sameeyey masuuliyiintaas oo dooneysay inay gudaha u galaan magaalada.

Maamulka gobolka Gedo ayaa is hortaag ku sameeyey masuuliyiintaan oo ka yimid dhinaca Mandheera, kuwaas oo doonayey inay soo galaan Doolow.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo lagu magacaabo Diini ayaa la sheegay inuu ugu dambeyntii ku guuleystay in masuuliyiinta kale ee gobolkaas uu ku qanciyo in Doolow uu tago wafdiga Janan. 

Sawirro lagu baahiyey warbaahinta ayaa waxaa ka soo muuqday abaandulaha guutada 10-aad Cismaan Niinile oo safarka ku wehliyay Janan iyo Fartaag.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo saraakiil ka soo hor jeestay is hor taagga lagu sameeyey wafdigaan, taas oo xiisad ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan Doolow op caawa ay xaaladu degan tahay, kadib markii la xaliyey xiisadda.

Siyaasiyiintaan weli ma cadeyn qorshaha safarkooda, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan la dilay Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke, sidoo kalena gobolka uu ka taagan yahay jaha wareer maamul oo xoog leh.

Sawirro: Ugu yaraan 5 deegaan oo maanta laga xoreeyey Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey saldhigyadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Saldhigyada ay ciidamada xoogga dalka ka burburiyeen Al-Shabaab ayaa ku kala yaalay degaanada kala ah Baladul-Amiin, Ay-Buralay, Kushka, Dharabka, Fulaydheer iyo degaanno kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Guutada 7-aad Qeybta 12-ka April Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo hawlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga Al-Shabaab, inta laga ciribtirayo dhammaan deegaanada gobolkaas.

Dhinaca kale,Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray degaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Agaasime Muxudiin Xasan Juris Saabeey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, taliyaha booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale. 

Saraakiishaan ayaa booqanaya deegaano u dhow Guulane oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ku laayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Inta badan gobollada ay Al-Shabaab ka joogaan dalka waxaa ka socda guluf dagaal oo aad u culus, iyadoo guulo waaweyn ay ciidanka dowladdu ka gaareen dagaalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ilhaan Cumar oo dalab ka gudbisay kiiska nin kashifay sir la xiriirta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku dalbaneyso in la cafiyo Daniel Hale oo hore u ahaa fallanqeeye millitari.

Daniel ayaa loo haysta faafinta dukumentiyo kashifay sidda ciidamada Mareykanka ay shacabka ugu laayaan duqeymaha ay ka geystaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

“Daniel Hale cidna khatar kuma ahan, waxa uu qaatay mas’uuliyadda ficilada uu sameeyay, wuxuu shaqo qaran u qabtey qarankiisa. Arrinta Daniel waxay ka turjumaysaa awoodda cafiska. Waa qalad in la faafiyo macluumaadka qarsoodiga ah. Laakiin waxaa Daniel sameeyay waxay aheyd geesinimo.” ayey tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa hadalkaan ka jeedisay shir jaraa’id oo ay soo qaban-qaabiyeen shabakadda taageerada Daniel Hale oo ah urur ay ku mideysan yihiin hay’addo iyo saaxiibada Hale oo xiligaan ka shaqeynaya sidii loo sii deyn lahaa.

Difaacista Ilhaan ee ninkaan ma ah markii u horeysay, waxayna sidan oo kale bishii August ee sanadkii hore warqad u dirtay Aqalka Cad, taasi oo ay ku sheegtay in Daniel uusana dambi galin, balse uu iftiimiyey dhibaatooyinka sharciga iyo akhlaaqda ee barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Wuxuu ogeysiiyey dadweynaha waxyaabo ay tahay in khaladaad ka jiraan oo la saxo,” ayey xiligaas qoraalkeeda sii raacisay Ilhaan.

Daniel ayaa hore loo xukumay 45 bilood oo xarig ah ka gadaal markii uu qirtay hal dacwad oo kamid aheyd shan eedeymo oo la xiriirta faafinta dukumentiyo dowladeed oo xasaasi ah.

Dukumentiyada loo haysto Ninkaan ayaa ka koobnaa sirta howl-galada Drones-ka Mareykanka oo ay ku jiraan inta jeer ee rayidka lagu dilay duqeymaha Yemen, Pakistan Afghanistan iyo Soomaaliya.

Daniel ayaa hore qeyb uga ahaa ciidamada Mareykanka muddo xileedkii koowaad ee Brack Obama, xiligaasi oo ay kordheen isticmaalka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Mareykanka oo war kasoo saaray xukunka lagu riday duqa magaalada Istanbul

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii sheegtay “inay aad u dhibtay ugana niyadjabtay,” kadib markii duqa magaalada Istanbul, oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, laga mamnuucay siyaasadda ka hor doorashada madaxweyne ee sanadka soo socda.

“Dowladda Maraykanka aad ayey u dhibtay, ugana niyadjabtay xukunka ay Maxkamad Turkish ah ku ridday duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, oo lagu xukumay laba sano iyo toddoba bilood oo xarig ah, lagana mamnuucay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

“Waxaan ku boorineynaa dowladda inay joojiso dacwadaha lagu fuliyo shuruucda dambiyada ‘aflagaaddada’ oo ay ixtiraamto xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta Turkiga, oo ay ku jirto in la xaqiijiyo jawi furan oo ah dood dadweyne.”

Imamoglu ayaa lagu soo eedeeyey “aflagaaddeynta” mas’uul dowladeed kadib markii saraakiisha doorashada uu ugu yeeray “doqomo”.

Maxkamadda ayaa diiradda saartay hadalka oo uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib markii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen boqollaal kun oo “codad laga shakisan yahay ah” kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu.

Go’aanka ayaa si xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu.

Imamoglu ayaa kadib si caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray “doqomo.”

Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan.

Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.

Hase yeeshee xukunkan ayaa 52 jirkan — oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey — ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.

Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka.

AFP, VOA

MAHAD SALAAD oo taliye cusub u magacaabay Gedo kadib dilkii Bakaal Kooke

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa taliye cusub u magacaabay gobolka Gedo, toddobaad kadib markii qarax lagu dilay taliyihii hore Bakaal Kooke.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mahad Salaad,, waxaa taliyaha NISA ee gobolka Gedo loo magacaabay General Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan kumaandooska ciidamada Milateriga, kaasoo hadda hoggaamin doona ciidamada NISA ee gobolka Gedo.

Gen. Sareey ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal leh tababar sare oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska, iyadoo uu la wareegi doono qorshaha dagaalka Al-Shabaab ee la filayo inuu ka billowdo gobolka Gedo.

Magacaabistan ayaa imaneysa ayada oo weli ay su’aalo ku hareereysan yihiin cidda dishay taliye Bakaal Kooke.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo badan oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay.

Hase yeeshee, Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhunsan yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin.

Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo.

“Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Sidoo kale, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb gashay Ruushka

0

Kazan (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa dalka Ruushka kaga qayb-galay shir looga hadlayo arrimaha dhallinyarada Dunida Islaamka.

Shirkan oo ay marti-gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga federaalka Ruushka ayaa ka dhacay caasimadda Tatarstan ee Kazan.

Waxaa ka soo qayb-galay Wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC, waxaana shirka khudbad ka jeediyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, taasi oo dhinacyo badan taabanaysa oo isugu jirta fursadaha iyo caqabadaha ay ka midaysanyihiin dhalinyarada dunida Islaamka.

Wasiirka ayaa waxa uu si gooni ah uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay ugu jiraan in ay Soomaaliya ka dhigaan dal lagu soo hirto oo soo jiita maalgashiga caalamiga ah.

“In raasumaalka ugu qaalisan ee Soomaaliya leedahay uu yahay dadkeeda oo boqolkiiba 75% ay ka yaryihiin da’da 35 jir oo ah kuwa habeen iyo maalin ka shaqaynaya Soomaaliya nabadda ah oo isku fillan isagoo intaas raaciyay in kumanaan qurbaha wax ku soo bartay ay dalkooda dib ugu soo noqdeen si ay uga qayb-galaan dib u dhiskiisa,” ayuu yiri.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasaa in 75% ay ka yihiin bulshada, balse waxa ay wajahayaan caqabado horleh, taasi oo sababtay qaarkood inay u tahriibaan waddamada dhaca Qaaradda Yurub, kuwaasi oo inta ay ku jiraan safarkaas la kulmo tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada.

Xamza oo sheegay laba arrin oo ay wadaan kuwa kasoo horjeeda dagaalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay inay jiraan dad raba in aan laga xoroobin argagixisada.

Xamza ayaa sidoo kale sheegay in dadka kasoo horjeeda dagaalka socda ay dacaayado iyo been abuur la daba taagan yihiin howl-galada ka dhanka ah Shabaab ee hormuudka u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jira kuwa doonaya in aan laga xoroobin Khawaarijta cadowga ah oo wada been iyo dacaayad ay ku marin habaabinayaan Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, waa ii farxad inaan arko ciidamada deegaanka oo deegaano kala duwan ka kala yimid hadana iska kaashanaya xoreynta kooxda Shabaab” ayuu yiri R/W Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu beeniyay wararka la xariira in dowladda federaalka Soomaaliya ay hubeysay beelo gaar ah, isagoo xusay in dowladda ay dadka deegaanka la garab istaagtay taageero hoggaamineed.

“Waxaa hada meesha ka baxday dacaayadii aheyd dowladda beelaha ayay hubeyneysa oo ay isku direysa, maadama ciidamada deegaanka iyagoo meelo kala duwan ka yimid ay hada si wadajir ah ula dagalamayaan Al-Shabaab, midaasi ayaa guul weyn inoo ah” ayuu yiri R/W Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Arbacadii booqday degmada Aadan Yabaal oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, oo sanado badan gacanta ku haysay.

Xamza ayaa halkaasi u tegay dhiiri-galinta ciidanka naftooda u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab iyo weliba u kuur-galida xaalada ka jirta deegaankaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu ku sugna degmada soo dhagax dhigay garoon diyaaradeed laga dhisayo Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo muhiim u ah bulshada degmadaas.

Maxaa ka jira in guddoonka BF uu go’aan cusub ka gaaray kursiga Fahad Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu faafiyay baraha bulshada, taasi oo lagu sheegay in go’aan cusub uu Guddoonka ka gaaray kursiga HOP#086.

Warqada uu beeniyay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kursigaas oo uu hore ugu soo baxay Fahad Yaasiin loo maray hanaan sax ah, ayna ka qeyb qaateen odayaashii saxda ahaa ee hormuudka u ahaa xulista ergada ee doorashadii 2016.

“Mudane Fahad Daahir Axmed waa Xildhibaanka rasmiga ah ee ku matali doona Beesha iska leh kursiga HOP#086 Golaha Shacabka JFS, laga bilaabo maanta,” ayaa lagu yiri warqada been abuurka ah oo laga dhigay mid kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa si cad u beeniyay warqadaasi been abuurka ah oo lagu baahiyay baraha bulshada.

“Shacabka Soomaaliyeed ha ka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu beeniyay warqada lagu sheegay in go’aan looga gaaray kursiga HOP#086.

Xafiiska Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in baaritaan uu ku sameeynayo warqada been abuurka ah iyo cidii ka dambeysay falkaan, islamarkaana lala tiigsan doono sharciga.

Al-Shabaab oo shaacisay arrin ay ka sameysay Aadan Yabaal ka hor inta laga qabsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markii u horeysay baahisay sawirada munaasabad maalmo ka hor ka qabsoomtay xarunta Villa Aadan Yabaal, inta aysan ka qabsan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Sida lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab, kooxda ayaa raashin ka qeybisay Aadan Yabaal maalmo yar ka hor inta aysan xoreyn ciidamada huwanta, kuwaasi oo dagaal xoogan kula jira argagixisada.

“Aadan Yabaal ayaa muddo ka badan 12 sano lagu maamulayay shareecada islaamka, magaaladaan ayaa aad u dhisantay sanadadii nabadda, waxayna ku tallaabsatay horumar dhan walba ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Sawirada ay baahisay kooxda ayaa waxa laga dheehan karayay dadweyne ku xoonsan xarunta ay madaxda Shabaabka uga talin jireen degmadaas ee Villa Aadan Yabaal iyo horjooge u khudbeynayo.

Aadan Yabaal oo ah degmo qadiimi ah oo muhiim ah ayaa sanado badan ku jirtay gacanta Al-Shabaab, waxaana xiligaan gacanta si buuxda ugu haya ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa intii ay haysteen Aadan Yabaal aan la arkin sawirrada magaaladaan qadiimiga ah, waxaana hadda laga helayaa xogo hor dhac ah oo ku saabsan sidii kooxdu ay u maamuli jirtay magaaladaan.

Dilkii Bakaal Kooke oo weji cusub yeeshay kadib WAR kasoo baxay JUBALAND

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilka taliyihii hay’adda nabad sugida gobolka Gedo, Bakaal Kooke. 

Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay isagoo safar ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo. 

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo badan oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay. 

Hase yeeshee, wasiirka amniga Jubaland Mr. Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhunsan yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin.

Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo. 

“Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland. 

Wasiirka wuxuu ugu dambayn sheegay inuu soo dhoweynayo baarista hay’adda nabad sugida, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo.

Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar.

Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay howlgal xilli DF ay qabsatay degaan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal muddo 48 saacadood ka socday degaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay tiro ku dhow 100 Al-Shabaab ah.

Howlgalkan oo isugu jiray duqeyn cirka ah iyo weerar toos ah ayaa ka dhacay Tuulada Juxaay ee hoostaga degaanka Guulane, Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku sugnaayeen boqolal Alshabaab ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegya in ilaa 88 Al-Shabaab ay lagu laayey weerarka, islamarkaana meydadka 32 ka mida la ururiyay, lana aqoonsaday, halka inta kale la aqoonsan karin, sida uu sheegay.

Maleeshiyadan ayaa lagu duqeeyay meel howd ah oo go’doon ah, waxaana duqeynta fuliyey ciidamada Mareykanka, iyadoo wasiirka uu sheegay in hal askari uu ku dhintay howlgalka afar kalena ay ku dhawacmeen.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen saanad ciidan iyo hub fara-badan, kuwaasi oo argagixisada ay u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka iyo duqeynta khasaaraha weyn dhalisay ee ka dhacday degaanka Guulane oo ay isku urursanayeen.

Juxaay waa degaan istiraatiiji ah oo muhiim u ah howlgallada ka socda goballada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga, iyaggoo halkaasi ka wada howlgallo nadiifin ah.

Maxaa looga hadlay kulanka Xasan Sheekh iyo Ruto?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya Mudane William Ruto.

Kulankaan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay dhigiisa dalka Kenya xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab.

William Ruto ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada.

Sidoo kale waxa uu sii adkeeyay taageerada joogtada ah ee ay dowladiisu la garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taariikhiga ah ee dalkiisa uu la leeyahay Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gobolka, isagoo xusay muhiimada ay leedahay fulinta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka, iyada oo dowladda federaalka ay gudbisay qorsheheeda ku aaddan isbeddelka cimilada, dowladda wanaaga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka deg-degga ah iyo la-dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe kulamo doceedyo la qaadanayay madaxda kasoo qeyb-gashay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka, wuxuuna sidoo kale kulan la yeeshay dhigiisa Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal, la-dagaalanka Al-Shabaab iyo arrimo la xiriira shirka ka socda Mareykanka.

Shabaab iyo Xasan Sheekh: Muxuu sameeyay markii looga adkaaday doorashadi 2017?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shanti sano uu mucaaradka ahaa uu ka shaqeynayay sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.

“Markii aan ku guuldareystay doorashadii 2017-kii oo aan xilka ka maqnaa muddo shan sano ah, muddaas aniga, xisbigeyga iy waxgaradka waxaa inoo soo baxday waxka baddalka wacyiga bulshada iyo aragtidooda ku aadan ururkan, Al-Shabaab tallaabo militeri ah kaliya ah loogama guuleysan doono, waxaa looga guuleysan karaa dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qeybgalayay shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika uga socday dalka Mareykanka.

Tan iyo markii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, oo uu markii labaad qabtay, waxa uu ku celcelinayay in shaqada ugu horreysa ee dowladdiisa ay qabaneyso ay tahay baabi’inta Al-Shabaab.

Waxa uu horay u sheegay in awal dagaalkan loogu adeegsaday labo xeeladood balse ay shaqeyn waayeen.

“Xeeladda xakameynta oo ah in Al-Shabaab lagu ekeeyo gudaha Soomaaliya, si aysan ugu fidin dalalka deriska ah iyo dalalka dibadda ayaa ka mid ahayd xeeladihii la adeegsanayay 15-kii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in xeeladdaas ay guul darreysatay, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaab “ay ku shaqeeyaan fikrad” weerarrada ay dalalka jaarka la ah Soomaaliya ka fuliyeenna ay caddeyn u yihiin in xeeladda xakameynta aysan suurtagal ahayn.

“Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. 

“Iskaashiga bulshada iyo dowladdooda wuxuu ka dhigaa argagaxisada sida kalluun laga soo saaray biyihii uu ku jiray. Ma sii jiri karaan bulshada la’aanteed haddii bulshadu ku kacdana, ma haystaan ikhtiyaar aan ahayn inay cararaan, waana sida ay hadda samaynayaan.”

Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Joe Biden?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta ah isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab. 

Madaxweyne Joe Biden ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada, waxa uuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka sheegay in Al-Shabaab aan looga guuleysan karin dagaal oo kaliya.

“Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. 

“Iskaashiga bulshada iyo dowladdooda wuxuu ka dhigaa argagaxisada sida kalluun laga soo saaray biyihii uu ku jiray. Ma sii jiri karaan bulshada la’aanteed haddii bulshadu ku kacdana, ma haystaan ikhtiyaar aan ahayn inay cararaan, waana sida ay hadda samaynayaan.”

Sheekh Cabduljabaar Naasir oo dil loogu xukumay inuu aflagaadeeyey Nebiga NNKH

Kanu (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla gobolka Kano ee waqooyiga dalka Nigeria, ayaa wadaad caan ah oo diinta Islaamka ku caan baxay ku xukuntay dil toogasho ah.

Tallaabadani ayaa timid, kaddib markii lagu helay wadaadka dambi ah inuu aflagaadeeyay Nebi Muxammad NNKH, kaasoo uu ku sheegay qaar kamid ah wacdiyo uu jeediyey.

Sheekh Cabduljabar Naasir Kabara, ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore waxa uu maamulka ku hayey xabsi, kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay been ka dhan ah Nabi Muxammad NNKH.

Maxkamadeynta ayaa waxaa si dhow ula socda dadka reer Nigeria. Kano, ayaa waxay kamid tahay dhowr iyo toban gobol oo ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, halkaasoo shareecada lagu dhaqmo, iyadoo uu ku lammaanan yahay sharciga cilmaaniga ah ee dalka.

Caalimkan oo 52 jir ah, ayaa kasoo jeeda Dariiqada Qaadiriyada. Waxa uu leeyahay tiro aad u badan oo raacsan isaga, gaar ahaan gobolka Kano.

Aabihii waxa uu ahaa hoggaamiyihii dariiqooyinka ka jira Galbeedka Afrika, illaa uu geeriyooday sanadkii 1996-kii.

Sheekh Cabduljabar, ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato xukunka.

Xukunka dilka ah ee ay xukumaan maxkamadaha dalka Nigeria, ayaa dhif ah in la fuliyo. Taa beddelkeeda, dadka la xukumo, ayaa waxaa badanaa lagu hayaa xabsiyada muddo aan xad lahayn.

Isha: BBC 

Maxay tahay digniinta uu Mareykanka u gudbiyey dalal ay Soomaaliya ku jirto?

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay madaxda dalalka Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya xasilooni darro ay sheegtay in dalalka Ruushka iyo Shiinaha ay ka wadaan Afrika, iyaga oo adeegsanaya lacago mallaayiin dollar ah oo ay ugu magac dareen taageero.

Hadalkaan ayaa waxaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka jeediyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaal uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya in uu dib u soo celiyo saameyntii Mareykanka ee Afrika, isaga oo isticmaalaya diblomaasiyad shakhsi ah, taas oo keentay in uu qaabilo 49 hoggaamiye oo Afrikaan ah.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay sanad walba sii ballaarinayaan, iyaga oo adeegsanaya dhaqaale saameynta ay ku leeyihiin dalalka Afrika,

“Qaybta dhibka leh ee jirta ayaa ah inaysan had iyo jeer ahayn kuwa hufan marka la eego waxa ay sameynayaan taas oo abuurta dhibaatooyin ugu dambeyntii carqaladeyn doona, haddii aysan horayba u ahayn,” ayuu xusay Austin.

Ugu dambeyn Xoghayaha Difaaca Ameerika Lloyd Austin ayaa dowladda Ruushka ku eedeeyay inay billawday in dalalka  Afrika ay si raqiis a hubka uga iibiyoi isaga oo adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal qaaradda oo dhan ah, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana keeni karta xasilooni daro.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Madaxda Afrika ay ku sugan yihiin dalkaas, islamarkaana ay wada-hadallo la leeyihiin Madaxda Mareykanka si loo xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya.

Sawirro: Aadan Madoobe oo laba arrin oo xasaasi ah kala hadlay dhaqanka K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta kulan gaar ah wuxuu la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay laba arrmood oo kala ah shirka dib u heshiisiinta ee uu isagu iclaamiyay iyo dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn odayaasha ka talageliyay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxayna iyagu sheegeen inay si buuxda u taageereen shirkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay door muuqdo ka qaataan sidii kooxda Al-Shabaab looga xorreyn lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhankooda odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa Aadan Madoobe ka dalbaday in lagu dhawaaqo maalinta uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, si go’aan looga soo saaro xaaladda murugsan ee maamulkaasi, gaar ahaan tan doorashooyinka.

Maalmiihii u dambeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waday dadaallo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed, isaga oo safarkiisa Baydhabo kahor booqday degmada Xudur.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa marxalad adag, kadib muran ka dhashay doorashada ku soo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu ka dartay markii xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ay ka biyo diideen muddo kororsiga Cabdicasiis Laftagareen.