25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Deni oo shaaca ka qaaday ballan-qaad uu u sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday ballan-qaad ay madaxda maamul goboleedyada ka haleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Deni oo uu soo xigtay wargeyska The Economist ayaa faha-faahin kooban ka bixiyey casho uu madaxweyne Xasan Sheekh Muqdisho ugu sameeyey madax goboleedyada waxyar kadib markii la doortay 

“Waxa uu noo ballan-qaaday inuu xukunka nala wadaagi doono islamarkaana uu soo dhameystiri doono dastuur cusub oo federaal. Waxay aheyd khudbad aad u wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Deni. 

Deni faha-faahin kama bixin waxa uu ka wado xukun wadaagista, balse waxaa la fahamsan yahay inay la xiriirto jagada ra’iisul wasaaraha, oo uu madaxweynaha Puntland uu ka mid yahay dadka u sharaxan. 

In kasta oo la rumeysan yahay in Xasan Sheekh aanu hamuun u qabin inuu magacaabo Deni, haddana waxaa la fahamsan yahay in ugu yaraan uu ka talo-gelin doono isaga iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muhiim u ahaa dagaalkii looga adkaaday Maxamed Farmaajo, waxaana la filayaa in Xasan Sheekh uu ku abaal-mariyo in ra’iisul wasaaraha uu u magacaabo qof kasoo jeeda Jubaland iyo Puntland. 

Inkasta oo uu jiro loolan u dhaxeeya labada gobol, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan in Xasan Sheekh uusan mid gaar ah door bideyn, ayna ku xiran tahay halka uu kasoo jeeda qofka noqda musharaxa ugu wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo kadib caleemo-saarka madaxweynaha oo sida aan xogta ku helnay dhaceysa 9-ka bishan June 2022. 

Xasan Sheekh ayaa muddo xileedkiisii koowaad ee 2012-2017 wuxuu magacaabay saddex ra’iisul wasaare oo laba ay ku beel ahaayeen Farmaajo halka midka kalena uu ku beel ahaa Saciid Deni. 

Weli Soomaaliya ra’iisul wasaare kama noqon qof kasoo jeeda beesha Axmed Madoobe, waxaana jira guux ku saabsan inay tahay in markan la siiyo. 

La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyey arrin laga faafiyey

Muqdisho (Caasimada Online) –La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira in kulan uu la qaatay saraakiil Ethiopian ah. 

Wararkaas ayaa lagu sheegay in Xuseen Macallin uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka kooxda TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethiopia. 

Warbixinadaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuseen iyo saraakiisha TPLF ay ka wada-hadleen xasaradaha bani’aadaminimo ee ka taagan gobolka Tigray iyo amniga gobolka.

Si kastaba, Xuseen Macallin ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa twitter-ka ku beeniyey wararkaas.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo dhigay twitter.

Wararkan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo oo dagaal xooggan oo dhanka baraha bulshada ah ku hayey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay ku dhowaad saddex toddobaad kahor. 

Mid ka mid ah caddeymaha ugu weyn ee muujinaya in warka laga faafiyey Xuseen Macallin uu been yahay ayaa ah; inuusan jirin xiriir ka dhaxeeya TPLF iyo Jabuuti, islamarkaana aysan madaxdooda joogi karin Jabuuti.

Jabuuti ayaa si buuxda u taageertay dowladda Abiy Ahmed markii uu qarxay dagaalka gobolka Tigray.

Bishii June 2021, warbaahinta dowladda Ethiopia ee FANA ayaa werisay in Jabuuti ay Addis-Ababa usoo gacan gelisay dagaal-yahano Tigray ah oo dalkaas u baxsaday, taasi oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka labada dal, iyo inaysan suurta-gal aheyn in saraakiil TPLF ah ay Jabuuti kula kulmaan mas’uuliyiinta dal kale.

Cadadka lacagta uu Farmaajo bishii ka qaadan doono DF xilli uu dalbaday qaaraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo tareysa falcelinta lacagta loo uruurinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si guri loogu dhiso, waxaana baraha bulshada ka socda abaabul xoog leh oo ay wadaan taageerayaasha Farmaajo.

Waxaa lasoo bandhigay akoono iyo lambarro lagu uruurinayo lacagtaas, waxaana qaarkood iska leh shakhsiyaad gaar ah oo ka shaqey jiray xafiiskiisa, welina ku dhow dhow Farmaajo.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya Madaxweyne kasta oo xukunka si nabad ah ku wareejiya wuxuu yeelanayaa miisaaniyad dhan $25 kun oo kharashaadka gurigiisa iyo ilaaladiisa ku baxaya ah iyo $8 kun oo mushaar ah bil kasta.

Wadarta lacagtaas waxay sanadkii noqoneysaa 396 kun oo dollar, baarlamaankii 9-aad ee dalka ayaa ansixiyey qodobkaan dhigaya in madaxweynihii xukunka si nabad ah ku wareejiya la siiyo kusiga xildhibaan aan dhicin iyo $33 kun oo bil kasta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu bilaabay dhaqan gelinta qodobkaas, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ee dowladda.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka mid noqonayaa labo mudane oo 12-ka bishaan lagu dhaarinayo kulanka golaha shacabka, wuxuuna qaadanayaa kuriga Xildhibaan sharafeed aan dhici doonin abid.

Dhaarinta xildhibaanimo ee Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheeyey inay dhacdo Arbacadii lasoo dhaafay, balse fadhigii xildhibaanada golaha shacabka ayaa u furmi waayey kooram la’aan.

Dad badan ayaa aad ula yaabay ololahaan uu Farmaajo ku dalbaday in guri loogu dhiso, waxayna dadka ka falceliyey arrintaan ay qabaan in aysan jirin baahi Farmaajo ku kalifi karta inuu qaaraan weydiisto dadkaan gaajada ugu dhimanaya abaarta dalka ka jirta, isagoo bil kasta qaadanaya $33 kun.

Waxaa shaki badan la gelinayaa sida ay lacagtaasi ku geli karto gacan aamin ah, maadaama akoonada iyo lambarada lasoo bandhigay ay badankood leeyihiin shakhsiyaad gaar ah.

Dad badan oo ka falceliyey uruurinta qaaraankaan waxay qabaan, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan hadda wajaheyn duruufo dhaqaale, ololaha guriga loogu dhisayo ma u wareeji doonaa gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen?

Farmaajo wuxuu dhowr jeer fagaare ka sheegay inuu yahay wadani jecel dalka iyo dadkiisa, waxaana hadda hor taalla xujo ah sida uu u maarey doono lacagta loo uruurinayo, iyadoo malaayiin dad Soomaaliyeed ah ay abaar daran ku jawahayaan gudaha dalka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay wuxuu ku yiri, “Qoysas baa quraac quudan, qado iyo casho warkoodaba daa. Guri sharafeed mise Gaajo, Alleylehe gaajo baa gurmadka mudan! Haloo gurmado hooyada harraadsan, sabiga iyo waayeelka gaajada u la’anaya, taa baa darajo sare leh diiniyan iyo damiir ahaanba.”

Todobaadkaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku maray gobollada Bay iyo Galgaduud ayaa dul tegay qaar ka mid ah qoysaska ay sida daran u saameysay abaarta dalka ka jirta, wuxuuna ku baaqay in qof kasta wixii uu awoodo uu la gaaro dadka dhibaateysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weli aan la caleemo saarin, maalmo koobana xukunka jooga, wuxuu ku baaqayaa gurmad qaran, halka Madaxweynihii hore Farmaajo uu ka dhinac furay olole uu doonayo in loogu dhiso guri sharafeed Qasri ah.

Hadaba Xasan iyo Farmaajo kee wadani ah? Danyarta iyo Farmaajo yaa mudan in maanta loo gurmado? Ma Farmaajo oo bil kasta qaada doona 33 kun oo Dollar, mise hooyada Soomaaliyeed ee haraadka iyo gaajada u dhimaneysa?

Muxuu yahay heshiiska uu Cumar Filish kusoo saxiixay dalka Turkiga? (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa faah faahin ka bixiyey safarkii uu ku aaday Turkiga, kadib markii lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cumar Filish ayaa sheegay inuu heshiis ku aadan mataaneynta magaalooyinka Konyo iyo Muqdisho uu kusoo saxiixay Turkiga, kaas oo uu tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah.

“Waxaan aaday Turkiga waxaan heshiis lasoo saxiixanay maayarka magaalada Konya waa magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga. Heshiiskaas waxa uu ku saabsanaa heshiis mataaneyn ah oo la mataaneynayo Konyo iyo Muqdisho,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey muhiimadda uu heshiiskan u leeyah caasimada Muqdisho iyo dadkeena, isaga oo hoosta ka xariiqay arrimaha gaarka ah ay yihiin maareynta qashinka, gaadiidka dadweynaha iyo diiwaan-gelinta bulshada.

‘Arrimahaas mataaneynta ah ayaa ugu muhiimsanaa waxyaabaha aan rabnay inaan iska kaashano way fara badan yihiin, balse waxaa annaga muhiimad gaar ah innoo leh inay gacan naga siiyaan maareynta qashinka, gaadiidka dadweynaha iyo diiwaan-gelinta bulshada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa xusay inuu socdaal kusoo maray magaalada Stanbul, isla-markaana uu soo joogay muddo saddex cisho ah, isaga oo la kumlay bulshada Soomaalida.

Arrimaha kale oo uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah ammaanka caasimada, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la’iska kaashado, si looga gudbo xaaladaha taagan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah, wuxuuna mashaariic kala duwan ka fuliyaa gudaha Soomaaliya.

Sheekh Al-Sima iyo xubno la socday oo howlgal lagu dilay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cuni ee gobolkaasi, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxdaasi.

Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Col. Cali Xabad oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalladaasi, wuxuuna sheegay inay ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ku jira sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima), kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhada gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Col. Cali Xabad ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan labadaas gobol, si looga saaro Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Baay iyo Bakool.

Inta badan waxaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya weeraro ka fuliya kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan saddexda gobolka ee maamulkaasi.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan oo soo saaray baaq deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta booqday Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan dadka kusoo barakacay magaalada Muqdisho, ayaa baaq deg deg ah soo saaray.

Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah lasoo daristo Nafaqo darro, taas oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka.

Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

“Wafdiga Ergayga ayaa Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed uga war bixisay baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Ergeyga.

“Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada.”

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, ayada oo dhanka kale sheegtay in ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Carruurtaan nafaqo darada lasoo daristay ee la keenay Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa badankooda laga keenay gobolada dalka, oo ay ka jirto xaalad abaareed daran.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada, deegaannada qaar ayaa laga soo warinayaa in dadka ku sugan ay la’yihiin waxa ay cabaan halka kuwa kale ay ka baro kaceen deegannadii ay degnaayeen.

Wasiir Rooble oo u jawaabay Somaliland, shaaciyeyna sida Xajka loo qeybiyey sanadkan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya, Cumar Cali Rooble ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay u qaybiyeen tirada Xujeyda ee sanadkan Somaliya loo ogolaaday.

Soomaaliya ayaa sanadkan la siiyay tiro dhan shan kun iyo laba boqol (5,200), halka sanadkii horena la siiyay kow iyo toban kun iyo shan boqol (11,500).

Somaliland ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee May waxa ay cabasho ka muujisay qaabka ay wasaaraddu u qaybisay tirada Xujeyda, oo sida ay ku andacootay ay tiro yar kaga soo aaday.

Cumar Cali Rooble, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka ayaa sheegay inaysan iyagu waxba ku qaybin qaab qabiil iyo mid Dowlad Goboleed toona, balse ay wax ku qaybiyeen shuruudihii ay dejiyeen shirkadihii soo buuxiyay oo keliya.

“Waxaan rabaa ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee Xajka dooneysa inaan u caddeeyo Xajka laguma qaybin qabiil, deegaan ama Maamul Goboleed ee waxaa lagu qaybiyay sharikaad, oo ah yaa ka bixi karo arrintan oo horey uga shaqayn jiray oo Xaajiga Soomaaliyeed dhibaatada haysa iyo culeyska ku haystaa wadankaasi oo ka warqabno dal ajnabi ah oo aysan aqoon u lahayn, oo luqadiisa iyo deegaankiisa aysan aqoonin, yaa baahi tiri kara. Shuruudahaa ciddii soo buuxisay uun baa laga qaatay,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri “Waan arkayay in la siyaasadeeyay, waan arkayay in la qabyaaladeeyay, waxaan rabnaa inaan u sheegno ummadda Soomaaliyeed qabiil laguma qaadanin, lagumana qaybinin. Xajka waa tiirkii 5aad ee Islaamka, cid qabiil lagu siiyayna ma jirto.”

Wasiir Rooble ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Xajkan, guddi Soomaaliyeed oo wasaaradda dhexdeeda oo khubaro ah ayaa loo qabtay, shuruudo ayay dejiyeen, shuruudahaa ciddii ka soo baxday ayay magaca sharikaadka ku siiyeen. Qabiil wax la yiraahdo waxba laguma qaybin, qabiil walaa Maamul Goboleed wax lagu qaybiyay ma jiraan. Guddigaa howshaan iska leh, asaga ayaana maamulayay, haddaad tiraahdo Maamul Goboleed halagu qaybiyana, waa iska dareemi kartaa dhibaatada intaan ayay ka sii badan laheyd.”

Saddex ka mid ah guddiga doorashooyinka Somaliland oo is-casilay + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa is-casilaadooda u gudbiyey madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Xubnaha is casilay oo ah 3 xubnood ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyey ee uu ansixiyey baarlamaanka maamulkaas kadib magaacabistooda.

Seddexda xubnood ee is casilay ayaa kala ah:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood
2- Kaltuun Sheekh Xasan
3- Cabdixakiim Siciid Dalmar.

Waxaa horey isku casilay 3 kale oo kamid ah guddigaan halka xubinta xisbiga UCID kasoo gaaray guddiga doorashada uusan weli ansixin baarlamaanka.

Guddiga oo markii horaba ka koobnaa 7 xubnood ayaa waxaa is casilay 6 kamid ah halka midka todobaad uusan weli sharciyad helin.

Tani ayaa ka dhigan in dhammaan guddigii doorashada maamulka Somaliland uu meesha ka baxay, malana la garanayo tallaabada xigta.

Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa dood la xiriirta doorashada, waxaana laga yaabaa in is-casilaada guddiga doorashada ay xaaladda uga sii darto.

QM oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu duwaha howlaha gargaarka bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula ayaa warbixin cusub kasoo saaray xaaladaha nololeed ee ka dhashay abaaraha baahsan ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Adam Abdelmoula ayaa warbixintiisa ku sheegay in abaarta ay sii kororto laga soo billaabo bishii Janaayo ee sanadkan, wuxuuna tilmaamay in saameyn daran ku yeelatay caruurta iyo dadka da’da ah.

“Halista ka jirta Deegaannada abaartu saameysay waa mid sii kordheysa, Dhulka oo qalalay, Roobka oo yaraaday iyo nafaqo darrada ka dhalatay baahida heysata Carruurta ayaa kordhisay welwelka laga qabo xaaladda ka taagan Soomaaliya” ayuu yiri Abdelmoula.

Sidoo kale wuxuu xusay in abaarta ku dhufatay Soomaaliya ay saameyn taban ku reebtay 6.1 Milyan oo ruux, 771,000 (Todobo boqol, todobaatan iyo kow kun) oo qof ayaa guryahooda isaga barakacay si ay u helaan Biyo, Cunno iyo Daaqa Xoolaha.

Isu duwan howlaha gargaarka bani’aadanimada ee QM ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dadka haatan u dhimnaya gaajada ee laga soo warinayo deegaanada qaar ee dalka.

“Waxaan ka walaacsanahay in tiro aad u badan oo dad ah ay gaajo u dhintaan haddii aan si degdeg ah aan kor loogu qaadin gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo ee kuwa sida aadka ah ay u saameeyeen,” ayuu sii raaciyeyAdam Abdelmo.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in meelaha qaar uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo fara ba’an ku haya qoysaska danta yar ee soo barakacay.

Ugu dambeyn isu duwan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo howlaha kala duwan ee lagu taageerayo dadka tabaaleysan, si loo badbaadiyo noloshooda.

“5.5 Milayn oo ruux oo Soomaali ah ayaa 18% hela taageero aanay ku filneyn, sidaas awgeed waxa ay xubno katirsan Qaramada Midoobay soo jeediyeen in la kordhio sanduuqa taakulada ee Barakacayaasha si soo dejiyo,” ayaa markale lagu yiri warbixinta QM.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira gudaha dalka.

ZAHRA Naaleeye: Sidee ku dhici kartaa in lagu xadgudbo qoddobka dastuurka ku qoran ee kootada haweenka?

Amsterdam (Caasimada Online) – Zahra Siyaad Naaleeye, oo ka mid ah howl-wadeenada dalladda FSAN, ee ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah, oo ka dhisan waddanka Netherlands, ayaa ka hadashay xadgudubka mar walba loo geysto kootada haweenku ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, waxayna Zahro ka codsatay Dowladda Soomaaliya in dib loo saxo arrinta kootada haweenka.

Zahra Naaleeye oo wareysi siiyay taleefishinka Somali Nederland TV waxay ku nuuxnuuxsatay in la jebiyay qoddob dastuuri ah, oo qeexaya kootada haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka, iyada oo tilmaantay  in loo baahan yahay wacyigelin safmar ah, oo bulshada loogu sheegayo sida ay muhiim u tahay kaalinta haweenku ka qaadan karaan jaan-goynta siyaasadda.

“Waxaa jirta qoddob dastuuri ah oo qeexaya in haweenku ka yihiin Baarlamaanka 30%, marka laga soo billaabo doorashadii 2012 waxay heleen 12%,  tii dhacday 2017 waxay heleen 24%, laakiin doorashadii u dambeeyey waxaad moodaa in ay hoos dhaceen oo ay heleen 19%, sababtuna waxay tahay doorashada waxaa maamulayay maamul goboleed & oday dhaqmeed, qabiilaadka Soomaalida kuwa ka mid ah ma rabaan in ay haween metelaan” Ayeey tiri Zahra, waxayna intaasi sii raacisay:

“Waxaa soo baxay wax la yiraa malxiis iska magac u yaal ah, oo meesha la soo fadhiisiyay, dhaqanka Soomaalida ayaa u oggoleyn in ay haweenku metelaan waana wax soo jireen ah, balse u baahan in laga gudbo”

Zahra Naaleeye, waxay ka codsaday culumaa’udiinka in ay ka hadlaan xuquuqda haweenka, lagana soo billaabo qoysaska Soomaalida, waxaana ay sheegtay in dhaqanku ahaa in wiilku ka macno ama qiimo badan yahay gabadha.

“Gabdhihii hore ee baarlamaanka ku jiray waxaa loo diiday in ay ka soo ololeeyaan goboladooda, inkastoo maamulada qaar isku dayeen in ay gabdhaha kuraas siiyaan balse waxaa ka tanbadiyay dadkii kale,” ayeey tiri Zahra.

Zahra Naaleeya, mar ay ka hadleysay ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxay sheegtay in ururkaasi weligiis uu jiray, balse uu ahaa mid Dowladda markaasi jirta u sacbiya, waxayna soo jeedisay in ururka dib u habeyn lagu sameeyo.

“Ururka Qaranka haweenka waa loo baahan yahay, balse ma haystaan dhaqaale ay wax ku fuliyaan, maadaama aan laga maarmin wuxuu u baahan yahay dib u habeyn iyo in ay soo galaan gabdho aqoon leh oo dhalinyaro ah, ayna qorshe u sameeyaan si baahida haweenka uga tarjubaan” Ayeey tiri Zahra Naaleeye 

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO DHAMMEYSTIRAN
Wareysi: Zahra Naaleeye oo ka hadashay arrimaha kootada haweenka – YouTube

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan

Wiilal Soomaaliyeed oo lagu dhex dilay dukaamadooda

Cape Town (Caasimada Online) – Kooxo burcad hubeysan ayaa habeenimadii Sabtida ee xalay waxay laba wiil oo Soomaaliyeed ku dileen dukaamadooda oo ku yaal tuulada la yiraahdo Strand kana tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Dhalinyarada la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdirashiid Axmed Sheekh Muxuddiin iyo Mowliid Axmed Cadde, waxaana jira dhaawaca sedax wiil kale oo ku kala sugnaa laba dukaan oo iska soo horjeeday.

Burcada ayaa gashay labada dukaan, kadibna waxay rasaas ku fureen dhalinyaradii ku sugnaa labada dukaan, waxayna burcadda dhac iyo dil isugu dareen dhalinyaradaasi Soomaaliyeed.

Markii falkaasi dhimashada iyo dhaawaca geystay ayaa goobta isaga cararay. Booliska iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ayaa goobta gurmad ahaan u tegay.

Booliska uma suuragelin inay gacanta kusoo dhigaan burcaddaasi, hase ahaatee waxay mas’uuliyiinta jaaliyada Soomaaliyeed ee Cape Town ay u sheegeen inay baarayaan isla markaana gacanta kusoo dhigi doonaan kuwii ka danbeeyay gumaadka dhalinyaradaas.

Dalka Koonfur Africa ayaa si joogto ah burcada ku bartilmaameedsadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka xoogsata magaalooyinka kala duwan ee Koonfur Africa. waxayna dhibane u yihiin Soomaalida burcad hantidooda ku haysta iyo inay damiyaan hhorumarka Soomaalida ay ka gaaraan ganacsi walba oo ay u dhaqaaqaan.

Midowga Afrika oo Putin kala hadlay arrin la xiriirta Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uulka ugu sarreeya Midowga Afrika ayaa Jimcihii la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Afrika, gaar ahaan hakinta ku timi dhoofinta hadhuudhka iyo sarreenka, taasoo keentay inay sare u kacaan qiimaha cuntada ee dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana taasi keentay in malaayiin qof oo Afrikan ahi inay gaajo soo foodsaarto.

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall oo ah guddoomiyaha Midawga Afrika ee sannadkan oo kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa sidoo kale kala hadlay dagaalka Ukraine iyo saamaynta uu ku leeyahay 1.3 bilyan oo qof oo Afrikan ah.

Dagaalka Ukraine ka hor, waxay dalalka Afrika ay sannadkiiba ka soo dhoofsan jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine, 30 milyan oo tan oo sarreen, hadhuudh iyo gallay ah, hase ahaatee dagaalka ayaa yareeyey dhoofintii waxsoosaarka beeraha ee Ukraine iyo Ruushka, iyo weliba qiimaha shidaalka oo isna cirka isku shareeray.

Shirkii Jimcihii, ayaa madaxweyne Macky Sall, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuu ku boorriyay madaxweyne Putin inuu il gaar ah ku eego, in waddamada Afrika ay ” dhibanayaal” u noqdeen colaadda Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska.

Waxa uu sheegay in sahayda cunnadu ay noqoto mid aanay saamayn ku yeelan cuna-qabataynta ay wadamada reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa walaac ka muujiyey tallaabada ay dawladda Ruushku ku hor-istaagtay maraakiibta ku sugan badda madow, kuwaas oo siday malaayiin ton oo hadhuudh iyo sarreen ah kuwaas oo ay u wadeen dalal kala duwan oo ay ku jiraan qaaradda Afrika.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhawaan ansixiyay barnaamij ku kacaya illaa $1.5 bilyan oo dollar, si loo hubiyo in dalalka Afrika ay beertaan cunto ku filan oo ay ku quudiyaan muwaadiniintooda. Kooxda bangiga ayaa sheegtay in lacagtan ay ka faa’ideysan doonaan 20 milyan oo beeraley Afrikaan ah.

Xarunta gaadiidka booliska ee Muqdisho oo si la-yaab leh qarax loogu weeraray caawa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa caawa si la-yaab leh loogu weeraray qarax lagu tuuray iridka hore ee xaruntaasi oo ay degan yihiin booliska Soomaaliyeed.

Qaraxa oo ahaa Bam gacmeed ayaa waxaa laga dhex tuuray mid ka mid ah saddax Bajaaj oo hab farsamo cajiib ah u adeegsaday fulinta qaraxa oo lagu dhuftay iridka laga galo xarunta.

Kooxda qaraxa gaysatay ee saarnaa Bajaajta ayaa waxay is soo daba dhigeen saddex mooto Bajaaj si aan loo aqoonsan mida laga dhex tuuray maadaama xili habeen ah ay aheyd, waxaana kadib la tuuray bamka.

Kooxdii ayaa ku baxsadat isla mooto bajaajtii ay saarnaayeen. Kadib qaraxa ayaa ciidamadii ku sugnaa ay rasaas xoogan fureen, balse lama sheegin cid wax ku noqotay

Wadada hor marta ayaa qaraxa kadib dhagxaan culus lagu gooyay, iyadoo agagaarka xarunta la xiray, taasoo sababtay inaan wax badan laga ogaan khasaaraha qaraxa geystay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkasta oo inta badan qaraxyada Muqdisho ay fuliso kooxda Al-Shabaab. Taliska booliska ayaan sidoo kale weli wax war ah kasoo saarin qaraxa.

Gaadiidka isticmaala wadadaasi oo halbowle u ah isku xirka degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis iyo Xamar Weyne.

Mareykanka oo dib u bilaabay duqeymihiisii Soomaaliya iyo xubno maanta la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa shaaciyey in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen degaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Shan xubnood ayaa la xaqiijiyey in duqeyntaas looga dilay argagixisada Al-Shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka waxaa ka go’an inay ciribtirto kooxaha argagixisada ah, si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo xasilooni.”

Duqeyntaan waxay dhacday Jimcihii maanta, xilli ay xubno ka tirsan Al-Shabaab isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada qaranka iyo la howlgalayaashooda oo ku sugnaa meel u dhow Beerxaani oo 40 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa dib loo soo celiyey duqeymihii ay wajihi jirtay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay joogto u fuli jireen ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan. Maalin kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Madaxweynaha Mareykanka ciidamadiisa ku amray inay dib u bilaabaan howlgalkoodii la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhankooda Al-Shabaab dhibaato badan ayey ku qabaan duqeymaha ay u geystaan diyaaradaha Mareykanka, sida ay horay u sheegeen xubno ka soo goostay ama dagaallo looga qabtay kooxda, waxayna mararka qaar ka quustaan inay gaadiid isticmaalaan.

Daawo: DF oo iclaamisay maalinta loo fariisanayo imtixaanka dugsiyada sare

Muqdisho Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 18-ka bishaan Juun loo fariisa doonaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu qaadayo imtixaanka uu balan qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo waqti kooban u qabtay maamulka iskuullada aysan ardaydoodu qaadan Roll Numberka imtixaanka dowladda.

Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay si weyn uga mahad celinayso Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dadaalka uu ku bixiyay in sanadkaan uusan baaqan imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare oo bil ka hor ay wasaaradu shaacisay in dhaqaale la’aan ay heysato.

“Wasaaradda Waxbarashada waxay u mahadcelinaysaa boqolaalka iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay kaar aqoonsiga ah ee imtixaanka fasalka 12-aad ee (Roll Number) waxayna ku wargelinaysaa iskuulada aan weli qaadan kaarka aqoonsiga imtixaanka inay qaataan kama danbeys 04/06/2022,” ayuu yiri Agaasime Ismaaciil.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab ayaa kol-hore sheegay in wasaaradu ay weysay dhaqaale ay sanadkaan ku qaado imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, taas oo walaac badan dalka ka abuurtay.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ku bixiyey in sanadkaan uusan baaqan imtixaanka ay qaado dowladdu ee dugsiyada sare, wuxuuna wasaaradda maaliyadda ka dalbay inay bixiso kharashka imtixaanka lagu qaadayo, sida uu shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey Agaasimaha waaxda taciliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.

Hoos ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=5bscQgqstXU

Gaari ciidan oo Muqdisho ka geystay shil sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca.

Shilkaan ayaa waxaa sababay gaari ciidan oo jiiray Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, wuxuuna si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Sii-Sii ee u dhow xarunta aargada degmada, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Warark ayaa intaas kusii daraya in goobta ku geeriyootay Gabar lagu magacaabi jiray Hani Cabdirisaaq Yuusuf, halka ay dhaawacyo soo gaareen Gabar lagu magacaabo Fardowso Weydoow oo ayadna saarneyd mootada iyo darawalkii Mootada.

Gaariga ciidan ee jiiray Mooto Bajaajta ayaa la sheegaya in uu la socday taliyaha Amaanka degmada Deyniile, ayada oo goobta shilku ka dhacay isaga dhaqaaqay gaarigu, sida lagu soo waramayo.

Shilalka gaawaarida ciidanka ay geystaan ayaa inta badan ka dhaca caasimadda, iyadoo waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah, mana jiro inta badan garowshiyo arrintaas ay ka bixiyaan.

Shaki hareeyey mashruuca cusub ee Farmaajo – Guri dhis mise been xalaaleyn lacag?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah u billaabay mashruuc ay ugu magac dareen “Guriga Madaxweynaha Shacabka” oo la sheegay in guri loogu dhisayo Farmaajo.

Mashruucan ayaa waxaa durba hareeyey muran ku saabsan sababta Farmaajo oo la rumeysan yahay inuu yahay milyaneer guri loogu dhisayo, xilli ay gaajo iyo harraad u naf baxayaan kumanaan qof oo Soomaali ah oo ay abaar ku hayso gobollo badan oo dalka ka mid ah. 

Hase yeeshee, halista ugu weyn ee mashruucan ku hareereysan ayaa ah cabsi la xiriirta in la doonayo in loo adeegsado been xalaaleyn lacag (Money Laundering), si malaayiin dollar oo cash ah loo marsiiyo nidaamka bankiyada, oo haddii si toos ah hadda loo geeyo ay su’aalo badan ka dhalanayaan. 

Money Laundering waxaa inta badan adeegsada dadka ka ganacsada daroogada, argagixisada, kuwa lacagaha dhaca, iyo cid kasta oo dooneysa inay lacag cash ah oo aan laheyn raad-raac, ku shubato banki.

Dalalka caalamka ayaa waxaa inta badan u degsan sharciyo xaddida lacagta cash-ka ah ee qofka hal mar banki geyn karo, waxaana inta badan lagu xaddidaa ugu badnaan 10 kun oo dollar. 

Inkasta oo Soomaali aysan laheyn sharci noocaas, haddana maqaamka iyo magaca Farmaajo ayaa soo jiidan kara dareenkooda islamarkaana abuuri kara shaki badan haddii lacag tiro badan mar lagu shubo, ayada oo sidoo kale ay fududahay in xogtaas la helo.  

Dadka aaminsan in mashruuca “guri dhiska” Farmaajo loo adeegsan karo been xalaaleyn lacag waxaa ka mid ah Aadam Cabdulle, oo ah aqoonyahayn ka faallooda siyaasadda iyo amniga oo degan gobolka Minnesota ee Mareykanka.

“Akoonadan waxaa looga dan leeyahay in loo adeegsado in lagu been xalaaleeyo hantidii qaranka ee la xaday. Hanaan lagu sharciyeynayo hanti aan sharci aheyn. Sharci-ilaaliyayaasha, gaar ahaan dalalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin ‘deeeq-bixiyeyaasha’ [Dadka bixinaya lacagta guri dhiska] waa inay baaraan akoonadan,” ayuu yiri Aadam Cabdulle oo ka hadlay akoonada loo furay in lacagta lagu rido.

Inkasta oo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay lacagta uu shaqsiyan haysto Farmaajo, haddana waxaa la qiyaasayaa inay malaayiin dollar dhan tahay, ayada oo laga qiyaas qaadanayo ololihii doorashada.

Farmaajo wuxuu ahaa musharaxii bixiyey lacagtii ugu badneyd doorashada, ayada oo xildhibaankiiba uu siiyey 100 kun oo dollar, inkasta oo aan la aqoon tirada xildhibaanada uu lacagta u qeybiyey. 

Waxa uu sidoo kale hadda kiro ku degan yahay guri bishii kiradiisa ay tahay 25 kun oo dollar, oo sanadkii keeneysa 300,000 oo dollar. Taasi waxa ay dhalineysaa su’aal ku saabsan lacagta Farmaajo u helay inuu xildhibaano ku iibsado, gurina ku ku kireysto, balse aanu u haysan inuu guri ku dhisto. 

Jawaabta ayaa noqon karta in ujeedku yahay indhaha dadka laga leexiyo guriga. Guri laga dhiso aagga cagaaran ee Muqdisho oo ah aagga garoonka waxaa ku baxaya malaayiin dollar, mana ahan wax qarsoomi kara.

Sidoo kale, arrintan waxay dhib uga iman kartaa bankiyada Soomaalida ee lacagta la marsiinayo, sida uu qabo kana digay Saciid Ibraahim oo ah aqoonyahay bartay cilmiga ammaanka Internet-ka (Cyber Security).

“Bankiyada waa inay aad uga taxaddaraan in lacag shaki badan ku hareereysan yahay la mariyo shabakadahooda. Sharci-yada ka hortagga been xalaaleynta lacagaha waxay u jiraan inay ka hortagaan in khiyaanooyinkan oo kale la qariyo raadkooda, balse waxaan qiyaasayaa in bankiyadan aysan kala jecleyn,” ayuu yiri. 

Farmaajo ayaan weli si rasmi ah uga hadal mashruuca, balse waxaa la rumeysan yahay inuu raali ka yahay waxna ka ogyahay maadaama dadka lacagta ay ku dhaceyso ay yihiin agaasimihii hore ee Villa Somalia iyo afhayeenkiisii hore. 

Si kastaba, qorshahan ayaa waxa cad inuu soo jiidan doono dareenka madaxda bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo dalalka deeqaha bixiya ee Soomaaliya, si ay u eegaan haddii suurta-galnimo been xalaaleyn lacag ay jirto iyo haddii kale. 

Madaxweyne XASAN oo u qalbi qaboojiyey Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si dadban u sheegay inaysan marnaba duulaan ku aheyn maamuladii sida weyn u taabacsana madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo dhaweynayay oo ka qabsoomtay Dhuusamareeb ayaa waxa uu si cad u sheegay in Qoor-Qoor uu soo laaban karo haddii ay dadkiisa raali ka yihiin, oo aysan dagaal ku aheyn dowladda cusub.

“Madaxweynihii hore ayaa la doortay, guddoomiyihii hore oo Gole Shacab ayaa la doortay oo guddoomiye Aqal Sare ayaa la doortay, marka fursada madaxweyne kasta oo dowlad goboleed in markale la doorto kor ayay u soo kacday,” ayuu yiri.

“Waxaa leeyahay wax ka ba’a malaha ee dadkaaga qalbigooda hel cid ku haysan karta majirto. Tallada reer Galmudug ayay ka jirta wixii banaankeeda kaga yimaada anaga ayaa nalaga raba in yac dhahno anaga ayaa nagala raba.”

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay ka dhabeynta ballan-qaadkii uu sameeyay ee ahaa in uusan jiri dooni aargoosi siyaasadeed.

Inta badan waxaa iska caadi noqotay in madaxweyne cusub marka uu yimaado uu beegsado dhamaan madaxda kasoo horjeeda, hase yeeshe hadda wixii ka dambeeya madaxweyne Xasan ayaa jeexay jid cajiib ah oo meesha ka saaraya dhaqankii hore.

PUTIN oo cudurka Kansarka uu ku dhacay iyo loolan ka dhex billowday Kremlin-ka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga daweeyey cudurka kansarka oo marxaladdiisu sarreyso bishii April, wuxuuna sidoo kale ka badbaaday isku day lagu dili lahaa bishii March, waxaa sidaas shaaciyey wargeyska Newsweek oo soo xiganaya sirdoonka Mareykanka.  

Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in qiimeynta sirdoonka Mareykanka ay tilmaameyso in hoggaamiyaha Ruushka uu xanuunsan yahay, go’doonsan yahay islamarkaana uu si sii korhdeysa u wareersan yahay, taasi oo dagaalka Ukraine ka dhigeysa mid aan la saadaalin karin. 

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xaaladda Putin ay mugdi ku hareereysan yahay tan iyo duulaankii Ukraine sababo la xiriira go’doonka uu galay, waxayna ka digtay in la saadaaliyo geeridiisa.

Saraakiil Ruushiyaan ah ayaa ku loolamaya awoodda Kremlin-ka, ayaga oo dareemaya in waqtigi Putin uu geba-gebo ku dhow yahay, waxaa sidaas sheegay mid ka mid ah sarakaiisha Mareykanka. 

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in isku dayga lagu khaarijin lahaa Putin oo dhacay bishii March “uu ahaa shirqool Ruushiyaan ah” oo ay ogaadeen amniga nabad-sugidda Kremlin-ka, sida ay tiri warbixinta oo aan bixin faah-faahin. 

Waxa kale oo ay shaacisay in CIA-da iyo sirdoonka dalal kale ay maqleen warbixino la xiriira qancsanaan la’aan ka dhex jirta wasaaradaha amniga Ruushka, iyo in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Ruushka ay doonayaan inay u goostaan dalalka Reer Galbeedka. 

Putin ayaa waxaa ka muuqday daal iyo tabardarri mar uu dhowaanahan kasoo muuqday fagaare. 

Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Putin hadda uusan awood buuxda laheyn islamarkaana amaradiisa aanay u fulin sidii hore, taasi oo ka dhigeysa in xitaa hadduu damco inuu adeegsado hub Nukliyeer ah aanu awoodin. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku gacan sayray xanta ku saabsan in Putin uu xanuunsan yahay.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa Jimcaha maanta ah galay maalinkii 100-aad, ayada oo ciidamada Moscow ay garaacayaan gobolka Donbas, taasi oo qeyb ka ah isku day ay ku qabsanayaan bariga dalkaas. 

Ukraine ayaa Arbacadii sheegtay in Ruushka ay hadda maamulaan 20% dhulka Ukraine, oo ay ka mid yihiin Crimea iyo qeybo ka mid ah Donbas oo ay qabsadeen 2014. 

C/raxmaan Cabdishakuur oo markii u horeysay ka hadlay sharci-nimada kursigiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka dhalatay in uu waayayo kursigiisa, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in si tabarucaad ah uu uga shaqeynayo u gurmashada dadka abaartu ku saameysay gobolada dalka, taasina ay tahay waajib ka saaran, xilkaasna uu lamid yahay Guddiga Baarlamaanka iska dhex magacaabo.

“Xil aan qabtay ayaanba jirin, Xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa in uu dadka u shaqeeyo, Haddii ay u baahatana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaannimada micnaheedu tahay in loo adeego bulshada Soomaaliyeed, sida hay’adda xeer dejinta ee Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadda metalaadda Shacabka.

“Taliye nabad-sugid oo hadda waxaa la magacaabay xildhibaan ah tusaale ahaan. Hay’ad ayuu u shaqo-tagay subixii oo uu xilkeeda la wareegay. Aniga cidda aan xilka kala wareegay yaa waaye? Hay’adda aan u shaqo-tagay waa tee? Intee ayay ka diiwaan-gashan tahay? Yaa shaqaale ka ah? Ma jirto!,” ayuu yiri Cabdiraxmaan isaga oo ku doodaya in xilkaan uusan horseed u noqon karin sharciyan in uu waayo xubinimada Baarlamaanka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u magacaabay 24kii May 2022 in uu noqdo Ergay si gaar ah ugu qaabilsan arrimaha Gargaarka Abaaraha, waxa uu xafiiskiisa billaabay gurmad u raadinta malaayiinta dhibaateysan.