25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xasan oo sheegay ‘arrin dhif iyo naadir ah’ oo ay tahay in looga daysado ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashada oo uu kala soo dabaashay caqabado hor leh.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay abaal uga hayso Ra’iisul Wasaare Rooble howsha uu qabtay oo aysan dan gaar ah ugu jirin, islamarkaana ay tahay in looga daydo tallaabadaas naf hurida ah ee dalka bad-baadisay.

“Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa leeyahay Allaha ajar iyo xasanaad ha ka siiyo, magac iyo karaamo ku muteyso doorasho ayuu sameeyay aysan dan ugu jirin oo isaga uu muraad ka laheyn, maanta waxa uu diyaar u yahay in muwaadin Soomaaliyeed inuu dadkiisa sharaf iyo karaamo ku dhex noolaado inuu noqdo,” ayuu yiri.

“Waa tusaale mudan in lagu daysado oo ah in madaxa lagu hayo dadkaas noocaas ah ee danta umadda Soomaaliyeed ay wadi karaan oo ayagu aan dan ka dhex laheyn waa in aan ogaano oo meel noogu qornaadan, cidkasta oo danta umadda usoo istaagta oo muujisa inaysan dan ka dhex laheyn waa in umadda ogaado oo meel lagu qorto.”

Waxa kale oo xusid mudan intii uu Rooble ku jiray howlaha doorashooyinka uu halis galay amnigiisa, hase yeeshe u dhabar adeygay marxalad iyo culeys kasta oo kusoo wajahay dhameystirka doorashada.

Si kastaba, Go’aankii uu qaatay Rooble iyo dadaalka uu galiyay in lasoo afmeero doorashada Soomaaliya ee daahday, isaga oo aan wax dan gaar ah ka laheyn ayaa ah tallaabo dhib iyo naadir ku ah in lagu arko siyaasadda Soomaaliya ee daneysiga ah, waana mid bogaadin mudan.

Maxkamad ridday go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Donald Trump iyo caruurtiisa

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump waa in isaga oo dhaaranaya ka jawaabaa su’aalaha xeer-ilaaliyaha guud ee New York oo baaritaan ku haysa hab dhaqankiisa ganacsi, waxaa sidaas Khamiistii xukuntay maxkamadda racfaanka New York.

Guddi garsooreyaal ah oo ka kooban afar, ayaa ayiday go’aan ay bishii Febraayo ridday maxkamad hoose oo dhaqan-gelinaya amar loogu yeeray Trump iyo wilka iyo gabadha ugu weyn ilmihiisa, Donald Trump Jr. iyo Ivanka Trump, si ay u bixiyaan caddeymo ku aadan baaritaanka ay waddo xeer-ilaaliyo Letitia James.

“Mar kale, waxay maxkamadaha xukumeen in Donald Trump uu u hoggaansamo baaritaankeena sharciga ah ee ku aadan heshiisyadiisa maaliyadeed,” ayey James ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan daba-galno xaqiiqooyinka kiiska si aan u xaqiijino in qofne aanu ka dhuuman karin sharciga.”

Alan Futerfas oo ah qareenka Trump ayaan ka jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Bishii Janaayo, James ayaa sheegtay in baaritaan socday ku dhowaad saddex sano oo ka dhan ah shirkadda Trump Organization uu shaaca ka qaaday caddeymo la taaban karo oo muujinaya suurta-galnimada khiyaanooyin.

Waxa ay qeexday wax ay ugu yeertay xisaab xiro marin-haabin ah oo ku saabsan qiimaha ganacsiga Trump iyo lix hanti dhul ah, ayada oo sheegtay in shirkadda laga yaabo inay sare u qaaday qiimahooda si ay deyn uga hesho banki, kadibna yareysay si ay hoos ugu dhigto canshuurta.

Trump ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray horaantii sanadkan waxa uu eedeymahan ugu yeeray been abuur, isaga oo ku eedeeyey James inay leedahay ajende siyaasadeed oo ay ku beegsaneyso isaga iyo qoyskiisa.

Trump iyo caruurtiisa ayaa sheegay in marag fur ay sameeyaan ay xadgudub ku tahay xuquuqdooda dastuuriga ah, sababtoo ah hadalladooda waxaa loo adeegsan karaa kiis dambiyeed kan la xiriira oo uu wado xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan Alvin Bragg, oo James ay ku biirtay bishii May 2021.

Trump oo ka tirsan xasbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyey James inay dacwad kusoo oogtay sababtoo ah waa inuu yahay cadow siyaasadeed. James iyo Bragg ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.

Maxkamadda racfaanka ayaa diiday dooddaas, waxayna sheegtay in James “ay dib u eegtay caddeymo la taaban karo oo badan,” ka hor inta aanay soo saarin amarka hor-imaansho.

REUTERS + VOA

MUQDISHO oo markii ugu horreysay si toos ah ugu xirantay qaaradda Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa soo afjartay duulimaadkeedii Istanbul-Jabuuti-Muqdisho ayada oo ku beddeshay laba duulimaad oo kala duwan oo kala ah; Istanbul-Muqdisho iyo Istanbul-Jabuuti.

Adeeggan oo dhowr toddobaad u socday si tijaabo ah, ayey Turkish Airlines sheegtay inuu hadda kadib yahay rasmi illaa amar dambe, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda si toos ah ugu xiran tahay Yurub, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano.  

Garoonka Istanbul Airport ayaa ku yaalla dhinaca Yurub ee marinka Bosporus, wuxuuna sanadkii tegay ahaa garoonka labaad ee ugu mashquulka badan ee ay maraan safrayaasha caalamiga ah, kadib garoonka Dubai oo kow ku jiray. 

Intii uu socday Coronavirus, Turkish Airlines ayaa si ku-meel gaar ah isaga kala gooshi jirtay Muqdisho iyo Istanbul bilihii July illaa September 2021, balse wuxuu ahaa kaliya ku-meel gaar, waana la joojiyey. 

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul ayaa sidoo kale si kooban u jiray 2012-kii markii Turkish Airlines ay billowday duulimaadyadeeda Muqdisho. 

Istanbul iyo Soomaaliya

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billowday Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay. 

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin toddobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012.

Duulimaadkaas ayaa soo socday illaa dhammaadkii March 2022, markaas oo kadib si ku-meel gaar ah loo joojiyey. 

Hadda waxay Turkish Airlines ay si toos ah isaga kala goosheysaa Istanbul iyo Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa ku dhowaad saacad dheeri ku aheyd safarka, oo lagu hakan jiray Jabuuti.

Halka dadku yimaadaan?

Xog laga helay shirkadda ayaa muujineysa in 49,000 oo qof ay isaga kala goosheen labada magaalo sanadii 2019. Dadkaas ayaa badankood ka yimaada Yurub, gaar ahaan UK, Sweden, Finland iyo Norway.

Tobanka garoon diyaaradeed ee ugu badan ee ay soo maraan dadka yimaada Istanbul ee ku socda Muqdisho ayaa kala ah.

1- London Heathrow
2- Stockholm Arlanda
3- Ankara
4- Gothenburg
5- Helsinki
6- Oslo
7- Amsterdam
8- Copenhagen
9- Birmingham
10- London Gatwick

Dadka Turkish Airlines u raaca Muqdisho ee ka yimaada Mareykanka iyo Canada ayaan sidaas u badneyn sababo la xiriira jadwalka duulimaadka. 

Duulimaad faa’iido badan

Agaasimaha Turkish Airlines ee Muqdisho ayaa 2017-kii sheegay in duulimaadka Muqdisho iyo Istanbul “uu yahay mid ka mid ah kuwooda ugu faa’iidada badan.”

Muddo sanado ah, Turkish Airlines waxay aheyd diyaaradda kaliya ee caalami ah ee tagta Muqdisho, taasi oo u suurta-gelisay inay shacabka saarto qiimo aad u badan marka loo eego duulimaadyadeeda kale, maadaama aysan shacabka haysan ikhtiyaar kale.

Tusaale, qiimaha duulimaadka Istanbul-Muqdisho wuxuu laba mar ka badnaa kan Istanbul-Nairobi inkasta uu saacado gaaban yahay kan Muqdisho, maadaama marka laga yimaado Istanbul ay Muqdisho ka dhowdahay Nairobi. 

Hadda oo ay Muqdisho tagaan diyaarado kale oo caalami ah sida Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines, qiimaha ayaa hoos usoo dhacay.

Muxuu taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad horey uga yiri dilkii Ikraan Tahliil Faarax?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub.

Waxaa si kumeelgaarka ah horey taliaha nabad sugida u ahaa xildhibaan Yaasiin Farey. Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ah mid ka mdi ah rukana ugu waawayn uguna muhiimsan laamaha ammaanka dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii hormuudka ka ahaa u ololeyntii sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

Markii bishii November uu soo baxay warka ku saabsan dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaa uu Mahad Salaad shaki galiyay cidda ka dambeysa dilka isaga oo taliyihii xilligaasi ee Nisa Fahad Yaasiin ku eedeeyya dilkeeda.

“Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah,” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Mr Mahad ayaa marar badan ku celceliyay waqtii ay doonto ha qaadatee in Ikraan iyo qoyskeeda ay caddaalad heli doonaan.

“Qof anaga naga mid ah inta uu nool yahay insha allah kiiska Ikraan Kama hari doono inta caddaalada la horkeenayo dambiilayashii shaarka dowladeed idinku dhibaateeyay” ayuu 24 March ee sanadkan ku soo qoray bogiisa Facebook.

Maadaama imika loo magacaabay taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, ma cadda tallaabada uu Mahad Salaad qaadi doono ee ku aadan kiiska Ikraan Tahliil.

Gabar 16 jir Soomaali ah oo dishay nin ajnabi ah oo isku dayey inuu kufsado

Qaahira (Caasimada Online) – Xafiiska dacwad-oogaha magaalada Qaahira ee caasimadda Masar ayaa baaraya gabar Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay dishay nin Masri ah, oo ay sheegtay inuu isku dayey inuu kufsado.

Dhacdadan oo ka dhaday magaalada Lixda October ee Qaahira, ayaa gabadha Soomaalida ah waxay sheegtay inay dishay ninka oo ku waday Mooto Bajaaj, kadib markii uu kusoo qaaday weerar isaga oo doonayey inuu kufsado. 

Dambi-baarayaasha ayaa shaaca ka qaaday in gabadha oo ah 16 jir ay booliska isku soo dhiibtay ayada oo timid saldhiiga booliska Giza, islamarkaana ku wargelisay inay dishay bajaajle.

Gabadha Soomaalida, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in ninka uu ula soo baxay mindi, iskuna dayey inuu kufsado, balse ay ku guuleysatay inay mindida kala wareegto kadibna isaga ku disho.

Waxay intaas ku dartay in qorshaheeda uu ahaa kaliya inay ninka dhaawacdo, si ay uga badbaado, balse nasiib-darro uu geeriyooday. 

“Waxaan doonayey kaliya inaan sharafteeda dhowro, oo aan is-difaaco, mana damacsaneyn inaan dilo balse wuu dhintay,” ayey tiri gabadha sida uu kasoo xigtay wargeyska Al-Ahram ee Qaahira. 

Dhacdadan ayaa si aad u qabsatay warbaahinta dalka Masar, ayada oo laga bixiyey fasiraado kale duwan falka geesinimada ah ee ay sameysay gabadha Soomaaliyeed.

Amiirka DAACISH oo lagu qabtay dal aan laga fileyn

Istanbul (Caasimada Online) – Tukrey ayaa ku dhowaaqday qabashada hoggaamiyaha kooxda Daacish kadib howlgal ka dhacay magaalada Istanbul, waxaa sidaas sheegay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda.

Saraakiisha ayaa u sheegay warbaahinta Bloomberg in xubno ka tirsan sirdoonka iyo ciidanka ka hortagga argagixisada ay Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi ku qabteen magaalada Istanbul, ayaga oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Qurashi, oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Juma Awad al-Badri, ayaa hoggaaminayey kooxdan mintidka ah, tan iyo markii hoggaamiyihii hore, Abu Ibrahim al-Qurashi lagu dilay howlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Syria bishii Febraayo. 

Sida laga soo xigtay saraakiil amni oo Ciraaqiyiin ah, Badri waa walaalka hoggaamiyihii koowaad ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, kaasi oo “khilaafada” kooxdan kaga dhowaaqay magaalada Mosul 2014-kii. 

Website-ka Turkish-ka ee wararka ee OdaTV ayaa kasoo xigtay saraakiisha in hoggaamiyaha Daacish la qabtay kadib muddo ay sirdoonka Turkey isha ku hayeen guri uu deganaa. 

Booliska ayaa sidoo kale lagu warramay inaysan wax xabad ah ridin intii uu socday howlgalka, oo website-ka uu sheegay in lagu fuliyey hab aad qarsoodi u ah. 

Website-ka ma uusan shaacin wax saraakiil ah oo ku lug lahaa, balse wuxuu ku warramay in madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan uu maalmaha soo socda si rasmi ah ugu dhowaaqi doono xarigiisa. 

Ilo-wareedyo kale oo la hadlay warbaahinta Middle East Eye ayaa xaqiijiyey sax ahaanshaha xogta uu weriyey website-ka OdaTV.

Inkasta oo Daacish aysan haysan dhulkii baaxadda weynaa ee ay maamuleysay intii u dhaxeysay 2014 illaa 2018, markaasi oo ay gacanta ku haysay saddex meelood meel dhulka Ciraq iyo Syria, haddana waxaa weli loo arkaa inay halis weyn ku tahay ammaanka gobolka.

QM oo kordhisay muddada UNSOM iyo Danire Abuukar oo dhaliil culus u jeediyey

Washington (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar lagu cusboonaysiinayo shaqada xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo shan bilood ah.

Qaraar tirsigiisu yahay 2632 oo ay si wada jir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa loogu ogolaaday in xafiisku sii shaqeeyo ilaa Oct. 31, 2022.

Golaha ammaanka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in uu golaha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan, iyadoo warbixinta xigtana ay ku egtahay 31-ka Agoosto.

Dhinaca kale, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb: Cusman Abuukar Baalle oo ka qeyb galayay kulanka golaha ammaanka, ayaa soo dhoweeyay dib u cusboonaysiinta loo sameeyay howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale ku dhaliilay howlgalka UNSOM sida uu haatan u shaqeeyo inuusan la jaan-qaadi Karin horumarka ka socda Soomaaliya.

Abuukar Baalle wuxuu sheegay in hawl-galku uu noqday kuwo ka fal-celiya dhacdooyinka ka dhaca Soomaaliya iyada oo ay yar tahay awoodda ay ku kala horraysiiyaan oo ay wax uga qabtaan horumarka siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Baalle, wuxuu ugu yeeray UNSOM inay kaalmadeeda Soomaaliya ahaato mid ka tarjunta rajada dadka Soomaaliyeed iyo mudnaanta baahiyadaha qaran ee dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horraysay oo danjiraha Soomaaliya ee UN-KA uu eedayn u jeediyo UNSOM. Balse Sannadihii ugu dambeeyay sidaan oo kale ayuu danjiruhu u dhaliilayay shaqada UNSOM.

Golaha ammaanka ayaa UNSOM u sameeyay muddo kordhin shan bilood ah oo ku eg bisha Octobar ee sannadkan.  Si kastaba ha ahaatee. Waajibaadka  UNSOM ayaa ku ekaa dhammaadka bishaan May.

Madaxweyne XASAN oo magacaabay 3 xil oo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu saddex xubnood ugu magacaabay La taliyeyaal Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa Ibraahim Iidle Suleymaan u magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa Dhanka Sharciga, halka uu Sakariye Xasan Cali (Gaashaan) u magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa Siyaasadda & Xiriirka Baarlamaanka ee Xafiiska Madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xasan Aadan Hoosow u xushay inuu noqdo La taliyihiisa Dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay xilal sarsare oo Hay’adaha Dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

Madaxweyne Xasan ayaa hore ugu u magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya inuu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Dhanka kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xil sare u magacaabi doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ilo-wareedyo ko dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif u magacaabi doono wakiilka gaarka ah ee “dib u heshiisiinta qaran iyo wada-hadallada Somaliland.”

Baaxadda shaqada hortaala Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawaan loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha ee madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba waxaa sidee xaaladda abaaraha ee dalka, maxaase horyaala ergeygaan idman? Waxaan idinla wadaageynaa warbixintaan ay baahisay qaramada midoobay.

Ugu yaraan Soomaali tiradooda lagu qiyaasay 7.7 Milyan ayaa xilligaan u baahan gargaar bini’aadanimo, qiyaastii 2.9 Malyan oo kamid ah tiradaas waa dad ku barakacay dalka gudahiisa, waxayna wajahayaan halis aad u ballaaran nafsiyan iyo jismiyan.

Inta badan dadkaas waxay qaarka u saaran yihiin gaajo, faqri iyo xoolaha oo dhaafa. Qiyaastii 760 Kun ayaa dhawaan barakacay iyagoo raadinaya cunno, biyo iyo gargaar bini’aadanimo.

Tusaale ahaan bishii February oo kaliya magaalada Diinsoor waxaa muddo 3 todobaad gudahood ka barakacay 17 Kun iyo 400 oo u badan carruur iyo haween kadib colaado ay halkaas ka hurisay Al-Shabaab.

Haddii aysan si kale wax isku badalin wixii loo gaaro bisha June 2022 xaaladda abaaruhu waxay isku badali karaan xaalado macluul ah.

In ka badan 90% dhulka Soomaaliya wax Roob ah kama di’in bilihii lasoo dhaafay taasoo kor u qaaday baahida loo qabo biyaha culeysna saartay ilihii biyaha ee shaqeenayey.

Qiyaastii dad gaaraya 3.5 Malyan ayaa aad ugu baahan biyo halka qiyaaastii 80% ilaha biyaha ay ku yaala daafaha dalka ay qalaleen. Heerka biyaha ee wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa gaaray halkii ugu hooseysay meelo badan oo kamid ah wabiyadaasna wayba qalaleen kuwaas oo saameeyey wax soo saarka beeraha.

Bishii February  waxaa kor u kacay sicirka biyaha iyo quutul daruuriga. Macqluul ayaa ka dhici karta illaa 6 aag oo kamid ah Soomaaliya wixii loo gaaro bishi June 2022 haddii aan la helin roobabkii guga ee di’I jiray inta u dhaxeysa April iyo June kuwaas oo hadda ka hooseeya heerkii celcelis ahaan la heli karo.

Suurtaganimada macluusha waxaa sii badin kara haddii uu kor usii kaco sicir bararka cunada iyo haddii aan la kordhin gargaarka bini’aadanimo si loo gaarsiiyo qeybaha ugu nugul bulshada.

Sababo ilala xad la xiriira abaaraha waxaa kasii daray heerarka nafqo la’aanta ba’an ee ka jirta inta badan daafaha dalka.

Sanadkaan 2022 qiyaastii 1.4 Malyan oo kamid ah carruurta da’dooda ay ka hooseyso  5 jirka ayaa wajahaya heerarka nafaqo la’aanta ba’an . 329.500 oo kamid ah carruurtaas ayey u badan tahay inay xaaladoodu gaarto heerarka ugu hooseya ee nafaqo la’aanta.

Si gaar ah waxaa loogu cabsi qabaa carruurta kusoo barakacday Muqdisho, Baydhabo iyo Gaalkacyo.  Intaas waxaa dheer  xaaladaha deg deg ah ee ka dhashay abaaraha Waxay hakad geliyeen waxbarashada carruur gaareysa 1.4 Malyan, 45%  oo kamid ah carruurtaas waa Gabdho qarka u saaran inay isaga haraan waxbarashada.

Abaaraha ba’an ee ka jira dalka ayaa keenay in dadku cabaan biyo aan nadiif aheyn waxaana ka dhashay cudurada faafa oo meelaha qaar laga soo wariyey. Tan iyo bishii January 2022 waxaa goobo kala duwan oo Soomaaliya ah laga soo gudbiyey 3170 xaaladood oo Shuban iyo Daacuun ah iyo sidoo kale 2460 xaaladood oo cudurka Jadeecada ah.

Inta badan dadkaas qaaday cudurada waxay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay 5 jir. Feyruska Karoona ayaa sii cusleeyay  saameyna ku yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya.

Gaaritaanka dadka u baahan gargaar bini’aadanimo ayaa waxaa hor yaala caqabad weyn. Sababaha ugu badan waa colaadaha socda iyo amni xumada kuwaas oo saameynaaya bad-qabka shaqaalaha gaargaarka iyo awoodda ay u leeyihiin inay caawinaad gaarsiiyaan dadka u baahan.

Caqabadahaas kuwooda ugu badan waxay ka jiraan Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, qiyaastii 90 kun oo qof ayaa ku nool goobo ay ka taliyaan maleeshiyaad aan ka tirsaneyn dowladda taasoo caqabad ba’an ku noqotay bixinta gargaarka.

Lacagaha loogu talagalay gargaarka Soomaaiya ayaa aad usoo raagay taasoo xagal daacisay in la bixiyo gargaarka xilliga loo baahan yaha.

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinka halkaas ayey taagan yihiin haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ergeygiisa gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bini’aadanimada waxaa hor taala inuu wax ka qabto arrintan oo uu keeno natiijo ay Soomaalida ku faraxdo.

JABUUTI oo xabsi sanado ah ku xukuntay WASIIRO iyo mas’uuliyiin kale oo sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka Jabuuti ayaa shalay xabsi sanado ah ku xukuntay mas’uuliyiin xilal sare ka hayay dowladda Jabuuti, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay masuq-maasuq, caburin, iyo in ay baahiyeen documentiyo iyo cod sir ah oo ay ku sheekeysteen Ismaaciil Cumar Geelle iyo taliyeyaasha ciidamada.

Mas’uuliyiinta la xukumay ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii maaliyada Jabuuti Boode Axmed Boodhe oo lagu xukumay shan sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kaasi oo lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.

Waxaa kaloo saddex sano oo xabsi ah lagu xukumay Cabdullaahi Cabdi Farah, Taliyihii ciidanka Booliska Jabuuti, si weyna u aaminsanaa Ismaaciil Cumar Geelle, taliyaha ayaa horay dadka u caburin jiray dadka kasoo horjeeda Ismaaciil Cumar Geelle.

Cabdalla Xasan Iltireh oo ahaa Agaasimihii Bankiga Dhexe ee Jabuuti ayaa isna lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyey isla kiiska Wasiirka maaliyada oo ah xatooyo xoolo dadweyne.
Sidoo kale, Yabeh Siciid Gueldoon iyo Ibraahim Cabdi Geelle ayaa lagu helay in waraaqo sir ah iyo codad lays dhaafsaday ayna dhageysteen telefoon banaankana u saareen wada hadalladii Ismaaciil Cumar Geelle iyo Taliyayaashiisa ciidamada ay kuwada hadlayeen, waxaana maxkamaddu ay ku riday xukun.
Dhamaan mas’uuliyiintaasi ayaa waxay xukunkooda ku dhameysan doonaan xabsiga Gabood, oo ah midka si weyn loo ilaaliyo.
Mas’uuliyiintaasi ayaa xukunkooda loo arkaa mid siyaasadeysan maadaama madaxweynaha Jabuuti uusan jecleysan xubnahaasi oo qaarkood lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen afgambi fashilmay oo taliyeyaal ciidan ay abaabuleen, balse qorshahaasi uu ahaa mid siyaasadeysnaa oo lagu kala dilayay madaxweynaha iyo xubno xukuumadda iyo ciidamada ka tirsanaa.

Xasan Sheekh ma beddeli doonaa dhaqankii lagu keeni jiray ra’iisul wasaarayaasha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dhacdo horraanta bisha soo aadan ee June, halkaas oo la filayo inay kasoo muuqdaan madax heer caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii labaad xafiiska jooga waxa ugu weyn ee laga sugayo 20-ka cishe ee soo aadan waa qofka uu u magacaabi doono xilka Ra’iisul Wasaaraha.

In ka badan 20 qof oo isugu jiro xubno siyaasad ahaan la yaqaano iyo dad cusub ayaa eryana kursigaan, dadkaa raadinaya kursigaan waxaa ugu miisaan culus hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kaas oo si dadban iyo si toos ah qeyb ugu lahaa guushii uu Xasan Sheekh kasoo hooyey doorashadii dhacday 15-kii May.

Wararka Villa Somalia ka imaanaya waxay sheegayaan inay jiraan xubno madaxweynaha ku dhow dhow oo baqdin ka tusaya magacaabista Saciid Deni, kuwaas oo iibinaya in haddii Saciid Deni la magacaabo inuu khilaaf hareyn doono nidaamka cusub.

Xubnahaan qaar waxay wadaan dad kale oo ay kursiga u rabaan waxayna aaminsan yihiin in haddii Deni laga tiro Xasan Sheekh inay wax u heli karaan xubnaha ay wadaan. Madaxweyne Xasan Sheekh waqtigiisii hore wuxuu magacaabay saddex ra’iisul wasaare.

Madaxdii dalka ka talineysay 12-kii sano ee lasoo dhaafay waxay sheegaan in ra’iisul wasaarayaasha ay magacabeen ay ahaayeen kuwa ay saaxiibadooda u keeneyn taas oo dhashay is faham la’aan.

Waxaa jira dad badan oo siyaasiyiin Soomaaliyeed ah oo aaminsan in shaqsiyaadka madaxda loo keeno ee ra’iisul wasaarayaasha laga dhigo inay caqabad ku tahay is-fahamka iyo wada-shaqeynta hoggaanka sare.

Talooyinka loo jeedinayo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kamid ah inuu markaan raadsado qof uu garanayo oo shaqada yaqaana, oo ay aragti ahaana wada-shaqeyn karaan.

Inkastoo khilaafka madaxda sare ee Soomaaliya ay badi duruufaha iyo dastuurku dhalaan, haddana aqoon la’aanta ka dhaxeysa labada hoggaamiye ee ugu sareysa laanta fulinta iyaduna qeyb ayey ka tahay ubucda khilaafka joogtada ah ayey leeyihiin dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya.

Guuxa gudaha siyaasiyiinta wuxuu sheegayaa in Xasan Sheekh uu markaan ka fakarayo qof uu si fiican u yaqaano oo ay wada-shaqeyn karaan, qaar ayaase ka digaya in mowduucaasi dhalo qof dhallinyaro ah oo aan jihada siyaasadda aqoonin oo uu Xasan rabo inuu sida shaqaale ugu isticmaalo booskaan oo mar Soomaaliyeysan marna beeleysan .

Iyadoo uusan madaxweynuhu eegin qof uu siyaasad ahaan yeelan karo dhinaca kalana uu ka foggaanayo qof loo keenay, Xasan Sheekh wuxuu dalka u door bidi karaa qof ay is fahmi karaan, caqabadaha dalkana fahmi kara ayey ku doodayaan siyaasiyiinta uu laxowga badan ka hayo in nidaamkaan cusub guuleysto.

Waa kuma Mahad Salaad? – Akhriso sooyaalkiisa nololeed

Muqdisho ( Caasimada Onine) – Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA).

Taliyaha cusub ee hay’adda ayaa waxaa loo magacaabay Mahad Salaad Maxamed oo kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad oo sidoo kale ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba waa kuma Mahad salaad?

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sanaddii 1980-kii ku dhashay magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Taliyaha Cusub ayaa mar uu taariikhdiisa ka hadlayay waxaa uu sheegay in waxbarashadiisii dugsiyada hoose dhexe uu qeyb ka mid ah ku qaatay Soomaaliya halka qeyb-na uu ku qaatay dalka Kenya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in waxbarashadiisii dugsiga sare uu ku soo qaatay dalka Masar.

Mahad Salad ayaa waxbarashadiisii heer Jaamacadeed ku soo qaatya dalka Masar, isaga sidoo kale shaahaha Mastar-ka ku qaatay isla wadanka Masar.

Waayihii siyaasadda ee Mahad salad

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa siyaasada ku soo biiray sanaddii 2011-kii markaasi oo uu ka mid noqday xubnihii xisbigii PDP.

Sanaddii 2012 ayaa markii ugu horeysay loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa mar kale waxaa uu ka mid noqday golaha shacabka doorashadii sanaddii 2016.

Taliyaha cusub ee nabad sugida ayaa sanadkan markii saddexaad ka mid noqday golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadii 2013 waxaa uu ka mid noqday golaha wasiirada isaga oo loo magacabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda.

Waxaa uu sidoo kale Mahad maxamed Salaad uu xilligii dowladdii madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud uu mar noqday wasiiro dowlaha madaxtooyada.

Mahad Salaad ayaa 10 sano ee ugu dambeeysay ee uu siyaasadda ku jiray waxaa uu ahaa mid ka mid xildhibaanada ugu firfircon.

Waxaa intii uu xilka hayay madaxwayne Farmaajo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida wayn uga soo horjeeday.

Waxaa lagu xusuustaa in markii uu madaxwayne Farmaajo isku dayay in uu muddo kororsi sameeyso uu ka mid ah dadkii horkacayay ciidamadii loo bixiyay “badbaado qaran”.

Waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb qaatay abaabulkii ciidan ee looga hortagayay xoogagga Ahlu-Suna ee Guriceel.

Wareysi: Gaas oo ka hadlay ra’iisul wasaaraha ay tahay inuu soo xulo Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee laga rabo in uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub lagu xusho labo arrin oo kala ah; In uu qaban karo shaqada loo igmanayo iyo in uu si wanaagsan ula shaqeyn karo madaxweyne Xasan.

“Madaxweynaha cusub wax badan waa ogayahy oo dalkaan afar sano iyo xooga ayuu soo maamulayay, marka uu ogyahay jihada uu rabo in dalka uu u jeediyo. Waxaa loo baahan yahay Ra’iisul Wasaare shaqeyn kara oo wadanka meesha uu jooga ka qaada oo meesha uu istihaalo geeya, isagana la shaqeyn kara,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday inaysan muhiimad gaar ah laheyn deegaanka uu kasoo jeedo qofka loo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha, xili saami-qeybsiga xilalka dalkeen uu yahay hab beeleed.

“Xasan hadda khibrada waa u leeyahay dadka uu soo xushay waxay isku maan-dhaafeen, marka waa in uu soo magacaabo qof uu ogyahay in shaqo uu la qaban karo oo is-fahamsan yihiin.”

“Ra’iisul Wasaaraha la magacaabayo waxa u muhiimsan ee horyaalla waa amniga iyo socodsiinta howlaha kale ee horyaalla ee kamid yihiin dhameystirka Dastuurka, hab federaalka iyo arrimaha siyaasada ee dalka.”

Cabdiweli Gaas ayaa ugu dambeyntiina kula taliyay madaxweyne Xasan in uu si aad ah uga fiirsado shaqsiga uu xilka Ra’iisul Wasaaraha usoo magacaabay, si aysan caqabad ugu noqon geedi socodka horumarka dalka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Gaas

 

Sawiro: Beel kulan ku qabatay Muqdisho oo farriin culus u dirtay madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan weyn oo ay soo qaban qaabiyeen Xildhibaanada Beel weynta Gaaljecel isla markaana lagu Taageerayay Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.

Kulanka waxa ka Qeyb galay Wax-garad, Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin hore Xilal usoo qabtay, Xildhibaanada Beesha Gaaljecel ee Dowlad Goboleedyada HirShabeelle iyo Jubaland iyo Ogaaska Beesha Gaaljecel.

Xildhibaan Dr Ali Haji Abuukar  oo ka hadlay Kulanka ayaa marka hore u Hambalyo u diray Madaxweynaha, Waxa uu sheegay in laga rajeynayo Madaxweynaha inuu dhameystiro Dowladnimada qabyada ah ee Somaliya si loola tartamo Dowladaha kale ee Caalamka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Gaaljecel ay  tabaneyso Xad-gudubyo dhacay Xiligii Dowladii hore isagoo Madaxweyne Hassan Sheikh ugu baaqay in Baaritaano lagu sameeyo dhacdooyin ay ka mid tahay Kiiskii ikraan Tahliil oo la waayay Bishii June ee Sanadkii hore, Weerarkii lagu dilay Xildhibaanad Aamina Mohamed Cabdi iyo dhacdooyin kale.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay Xildhibaan Dahir Amin jeesow oo sheegay in Beesha Gaaljecel ay Taageero la garab taagan tahay Madaxweynaha markale dib loo doortay Hassan Sheikh Maxamuud oo uu ku tilmaamay Oday xog ogaal u ah Xaalada uu Wadanka ku jiro.

Xildhibaan Cabdi Nuur Ali Aadan oo Deegaan Doorashadiisa tahay Jubaland ayaa Madasha ka sheegay in daganaansho la dareemay inta yar ee Madaxweyne Hassan Sheikh joogo Xukanka marka loo fiiriyo Marxaladii uu dalka galay 2dii sano ee ugu dambeysay.

Siyaasiin hore iyo Nabadoono oo iyagana ka hadlay Madasha ayaa xoojiyay Baaqii ahaa in Cadaalad loo helo Dhibaatooyinka ay tabaneyso Beesha Gaaljecel  iyagoona u balan qaaday iney si hufan ula shaqeyn doonaan.

Ugu dambeyntii Ogaaska Beesha Gaaljecel Ogaas C/raxman Ogaas C/lahi oo kulanka soo xeray ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinkii dhacay 5tii Sano ee lasoo dhaafay oo aan loo helin wax Cadaalad ah.

Golaha wasiirada oo ansixiyey miisaaniyaddii ugu badneyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo maanta uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2022-ka, taasi oo dhan $918.7 Milyan oo dollar.

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd abid ee golaha uu ansixiyo laguna meel-mariyey cod aqlabiyad ah ayaa waxaa dhawaan la horgeyn doona Baarlamaanka cusub, si ay u meel-mariyaan.

Golaha ayaa ka hor inta aysan ansixin warbixin ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo asagu shirka maanta horgeeyay Miisaaniyada dowladda.

23-kii March ee sanadkaan 2022-ka ayey aheyd markii Golaha Wasiirada ansixiyeen Miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223, taasi oo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyada sanadkaan la ansixiyay ay ka badan tahay midda sanadkii hore oo aheyd $685 Milyan, waxaana muuqata in lagu guuleystay kordhinta dakhliga dowladda.

Sidoo kale waxaa Shirka Golaha Wasiirada lagu meel-mariyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Mahad Maxamed Salaad, kadib markii uu goluhu warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyey Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda warbixinada ay soo gudbiyeen iyo shaqada ay qabteen, kuna booriyay inay halkaas kasii wadaan.

TALIYE SHUB oo shaaciyey ‘sirta qorshihii’ FAHAD ee Koonfur Galbeed (Daawo)

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo Koonfur Galbeed ayaa bannaanka soo dhigay sheeko siyaasadeed oo horey u dhex-maray isaga & Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo horey usoo ahaa taliyaha ciidamada Asluubta, marna ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliska Booliska ee ka howlgala ee Koonfur Galbeed ayaa fashiliyey qorshihii Fahad Yaasiin uu ku wajahay dagaalkii ay Villa Somalia la gashay maamulkii uu horkacayey Shariif Xasan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.

“Hadda ka hor aniga oo inta joogo qaybtaan Baydhabo ayaa ayaa Xamar la’iiga yeeray taliyaha qaybta Booliska markaas joogay ayaa ii yeeray waan tegay shiraan maalintii ku galnay wuxuu igu yiri waa lagu heystaa is furfur N&N ayaa ku heysato madaxtooyaa ku heysato ayuu igu yiri,” ayuu Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan ku yiri muuqaalkan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in kadib uu la kulmay Fahad Yaasiin oo ka socday Madaxtooyada, uuna weydiiyey sababta uu hortaagan yahay in meesha laga saaro Shariif.

“Habeenkii Fahad iigu horreysay ayey aheyd aniga sideyda aan arkabo waxyar haddaan joogay Fahad oo macawiis, go’ shaal ah iyo bakooradoo wata oo lugeynaya ayaa ii yimid ninyahow waxaa kuugu yeernay annaga dowlad goboleedyadii jiray ayaan rabnaa inaan burburino la beddalo dadkan kan agtiina ah ayaana innoogu daran ma rabno,” ayuu yiri Mahad oo ka sheekeynayey kulankii habeenkaas dhex-maray isaga iyo Fahad yaasiin.

Xidlhibaanka ayaa raaciyey “Ninkii aan soo dirno adiga ayuu dacwo kaa keenaa oo wax lagaa wadi la’yahay wax aad ugu dan leedahay ii sheeg? wax kale oo aad weydiineysaan amey jiraan ayaa ku iri?. Dadka aad soo dirteen waan arkay ayaa iri labo iyo saddex ayaan ka magacaabay dadka lasoo diray Ibraahim Yarow waa ka mid Cabdifitaax Geeseyna waa ka mid,”. ayuu markale yiri.

Kadib Maxaa dhacay?

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in xilligaas uu Fahad Yaasiin la wadaagay in uusan difaaceynin Shariif ama shaqsi gaar ah, balse uu difaacayo Koonfur Galbeed.

“Aniga Shariif ma difaacayo ayaa iri waxaan difaacayaa idin sheegayaa systemka Koonfur Galbeed ay sameysatay ayaa difaacayaa maamulka noo jiro ayaa difaacayaa,” ayuu yiri.

Inkastoo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu is casilay xilligaas, ka hor doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa haddane Villa Soomaaliya, waxay ku guuleysatay inay soo saarto C/casiis Lafta Gareen oo haatan ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan uu mowjado siyaasadeed wajahayo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo ka mid ah madaxda sida weyn u taageersaneyd Madaxweynihii hore ee dalka, Farmaajo oo looga adkaaday doorashadii dhacday 15-kii May.

Taliyaha cusub ee hay’adda NISA oo la magacaabay

Muqdisho ( Caasimada Onine) – Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA).

Taliyaha cusub ee hay’adda ayaa waxaa loo magacaabay Mahad Salaad Maxamed oo kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad oo sidoo kale ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hay’adda NISA ayaa muddo badan aheyd mid aan taliye laheyn kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey taliihii hore ee hay’adaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kadib kiiskii Ikraan Tahliil Faarax.

Hay’adda ayaa muddooyinkii dambe waxaa hoggaanka hey’adda kusime ahaan u hayey Yaasiin Farey oo hadda kamid noqoday xildhibaanada 11-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah xubnaha ku dhow Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.

Magacaabista Mahad Salaad ayaa ka dhigan inuu weyn doono kursiga xildhibaannimo marka loo dhaariyo xilkan ee uu si rasmi ah ula wareego.

Hay’adda NISA ayaa ka mid ah hay’adaha dowladeed ee la rumeysan yahay inay u baahan yihiin isbeddel weyn oo lagu sameeyo, ayada oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd hay’ad loogu shaqeeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dayacday sugiddii amniga.

Waxaa la rumeysan yahay in hay’adda ay sidoo kale ku dhex-jiraan xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab iyo kuwa weli si hoose ula shaqeeya kooxdaas, taasi oo ay adkaan doonto in la kala sooco.

Sawirro: DF oo Imaaraadka kala wareegtay $9.6 Milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Imaaraadka Carabta kala wareegtay lacag gaareyso 9.6 Milyan oo Dollar oo ay xukuumadda Abu Dhabi ugu tala-gashay inay qeyb ka noqoto taakulada dadka ay saameynta weyn ku reebeen abaaruhu, xili ay xaalada abaareed ee dalka ay kasii dareyso.

Munaasabadda ay lacagtan kula wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, wasiirka Maaliyada oo la wareegay, guddoomiyaha bangigga dhexe iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dowladood.

Rooble oo madasha hadal kooban ka jeediyey ayaa dowladda Isu Tagga Imaaraadka uga mahadceliyey kaalinteeda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi kusii daray in tani ay qayb ka tahay dadaalkiisa dib u hagaajinta ee xiriirka labada wadan.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakhti geliyey sidii loo hagaajin lahaa soo celin lahaa xiriirka labada dalka oo xumaaday sanadkii 2018, waxana tallaabada soo celinta xiriirku suurta-gelinaysaa soo laabashada mashaariicdii horumarineed ee Imaaraadku ka fulin jirey Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna sheegay in lacagtan lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doonno arrimaha gargaarka.

Dhankiisa safiirka Imaaraadka Imaaraadka Carabta oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay in ay ka qayb qaataan daboolida baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaneysa, kadib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ay fasaxday lacagtaan oo 2018-kii laga xayiray Imaaraadka, kadib markii lagu qabtay Aadan Cadde.

Kadib xiriirka Imaaraadka & Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, iyada oo khilaaf uu soo kala dhex-galay iyaga & dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

Si kastaba, arrimahan oo dil waxay ku soo beegmayaan, iyada oo maalmo ka hor uu ra’iisul wasaare Rooble uu booqasho ku tegay Imaaraadka Carabka, isaga oo ka qayb-galay aaska Madaxweynihii wadankaasi, wuxuuna sidoo kale kulamo la soo qaatay madaxda Abu Dhabi.

Xog: Kooxda Farmaajo oo billaabay qorshe yaab leh oo la xiriira dhismaha guri cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Koxda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa billaabay olole yaab leh oo ay dadka uga dhaadhicinayaan in qaaraan dadweyne loo ururinayo Farmaajo.

Qaaraankaan loo uruurinayo Farmaajo, oo ay sheegeen in guri loogu dhisayo, iyagoo ku andacoonaya in wax hanti ah uusan leexsan intii uu joogay xukunka, taas oo dad badan ay shaki gelinayaan.

Ololahaan oo ay wadaan kooxaha CBB ee Farmaajo ka taageera baraha bulshada waxaa hor boodaya Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal uu baahiyey wuxuu ku sheegay in qorshaha ay shacabku guriga ugu dhisayaan Madaxweyne Farmaajo uu socodo, isla markaana ay wadaan fikrad uruurin ku saabsan hanaankii lacagaha shacabku ku deeqayaan loo soo xareynayo, sida Akoonada Bangiyada iyo telefanadii la isticmaali lahaa iyo shirkadda qandaraaska dhismaha gurigaas qaadaneysa.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ayaa baraha bulshada ka billaabay falcelin ka dhan ah arrintaan oo ay ku sheegeen marin habaabin indhaha dadka looga leexinayo tuhunnada la xariira in Farmaajo lunsaday hanti badan.

Dadka arrintan naqdinaya ayaa rumeysan inay tahay qorshe gogol xaar looga dhigayo isticmaalka kharashkii u aruuray Farmaajo intii uu xukunka joogay, waxaana la sheegay in ugu horeyn uu guri ka dhisanayo magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa hadda Muqdisho ka degan guri bishii lagu kireeyey 25 kun oo dollar, taasi oo dhalineysa su’aasha ah cidda bixineysa lacagtaas.

Farmaajo ayaa markii uu qabtay xukunka wuxuu mushaarka Madaxweynuhu oo ahaa 8 kun oo dollar bishii ka dhigtay 60 kun, taas oo aad loola yaabay, kana turjumeyn marxalada dhaqaale ee Soomaaliya ka jirta.

Ilaha ugu badan ee Farmaajo uu kharashka aan xisaabta laheyn ka soo geli jiray waxaa ka mid ah gobolka Banaadir oo xubnihii uu u magacaawday ay taabiciyiin u ahaayeen.

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in 5-tii sano ee Farmaajo uu xukunka joogay afar kamid ah aysan dowladdu sameyn wax xisaab xir ah, isagoo joojiyey isla xisaabtankii maaliyadeed ee dowladda, kadib markii sanadkii koowaad ay ku soo baxday in lacag $40 milyan ah la lunsaday.

Xog: Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabaya madaxweyne Shariif Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) –Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xil sare u magacaabi doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. 

Ilo-wareedyo ko dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif u magacaabi doono wakiilka gaarka ah ee “dib u heshiisiinta qaran iyo wada-hadallada Somaliland.”

Arrimaha ugu weyn ee loo magacaabayo Shariifka ayaa qeyb ka ah inuu dowladda federaalka wakiil ugu noqdo wada hadallada Somaliland oo dowladda cusub madaxweynaheeda u qorsheysan in lasoo celiyo.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah hagaajinta xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo shantii sano lasoo dhaafay aad u xumaa, ayada oo Xasan Sheekh uu doonayo inuu xiriirkooda hagaajiyo lana yeesho macaamil wanaagsan.

Xasan Sheekh oo markii uu Isniintii xafiiska la wareegay billaabay magacaabis iyo inuu beddalo agaasinkii Villa Somalia ayaa wuxuu horey ugu magacaabay Cabdiaxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergayga gaarka ah madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuu soo dhoweysanaayo siyaasiyiinta ololaha doorashada kula jiray ee sida weyn u mucaaradsanaa maamulkii madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, wuxuu u muuqdaa inuu isbadal ku sameyn doono siyaasidihii horay uu ugu soo maamulay dalka 2012-2017.

Xasan Sheekh ayaa hal ku dhiggiisa ololaha doorashada ka dhigtay “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” waxaana hadda muuqata inuu taas ka dhabeynayo.