24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Somaliland oo si weyn uga hortimid go’aan kasoo baxay DF oo lagu kala qeybiyey…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u go’aamisay tirada Xujeyda uu Sacuudigu siiyay, taasi oo ay ku dooday inay Somaliland ku laheyd 40%.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inay ku takri-fashay qoondadii uu Sacuudiga ugu tala-galay Somaliland, islamarkaana ay siyaasadeysay arrimihii Xajka ee sanadkaan.

Waxa uu sheegay in qoondada Xajka ee ay laheyd Somaliland ay gaareyso 2082 Xaaji, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay Somaliland ka xajinayaan 350 Xaaji, taasi oo uu ganafka ku dhuftay Wasiirku.

“Dowladda Sacuudiga ayaa u qoondaysay Somaliland iyo Soomaaliya oo isku jira inay sanadkaan ka xajaan 5206 Xaaji, waxaa caado aheyd in tirada Xajka ay labada wadan kala qeybsadaan, hase yeeshe waxay sheegen

“Waxaa maanta nagu kalifay in aan war-murtiyeedkan soo saarno marka aan aragnay nidaamka ka jira Muqdisho ee uu hogaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay si badheedh ah ugu takri-faleen qoondadii Xajka ee ay jaan-gogeysay dowladda Sacuudiga.”

Waxa xusid mudan in tallaabada uu sheegay Wasiirka in loogu takri-falay qoondadii Somaliland ee Xajka sanadkaan uu ka dambeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda xil-gaarsiinta.

Arrintan ayaa imaneysa maalin kadib markii uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cumar Cali Rooble uu shaaciyay inay 63 Shirkadood ay si hordhac ah ugu guuleysteen bixinta adeega Xajka ee sanadkaan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Midowga Yurub ka dalbaday in dib loo soo celiyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, islamarkaana la horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Shirqool madaxweyne Bush lagu dili lahaa oo uu waday nin Ciraaqi oo la fashiliyey

Columbus (Caasimada Online) – Nin Ciraaqi oo magan-galyo siyaasadeed weydiistay Mareykanka ayaa qorsheeyey inuu dilo madaxweynihii hore George W. Bush, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Talaadadii.

Shihab Ahmed Shihab, oo ah 52 jir, ayaa u sheegay qof la shaqeeya FBI-da balse uusan ka war hayn, inuu doonayey inuu ugu yaraan afar qof oo kale oo Ciraaqiyiin ah usoo tahriibiyo Mareykanka isaga oo kasoo gelinaya xuduudda Mexico, si ay uga qeyb qaataan shirqoolka, sida ku cad kiis ay FBI-da ka diiwaan-gelisay maxkamad federaal oo ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Laba ka mid ah kooxda shirqoolka ayaa noqon lahaa saraakiil horey uga tirsanaa sirdoonka Iraq, halka labada kale ay noqon lahaayeen xubnaha kooxda Daacish ama koox fadhigeedu yahay Qatar oo Shihab uu ku magacaabay “Al-Raciid.”

Shihab ayaa u sheegay qofka la shaqeeya FBI-da inay doonayeen inay dilaan Bush oo amray duulaankii Ciraaq ee 2003, “sababtoo ah waxay dareemeen inuu mas’uul ka ahaa dilka Ciraaqiyiin badan iyo inuu burburiyey dalka oo dhan,” sida ku cad warqadaha Maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu adeer u ahaa hoggaamiyihii hore ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana uu dilay dad Mareykan ah kadib duulaanka.

Shihab ayaa la xiray aroortii Talaadada waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dambi socdaal, iyo inuu kaalin iyo gacan ka gaystay isku day lagu dili lahaa mas’uul hore oo Mareykan ah.

Shihab oo degan Columbus iyo qofka la shaqeynayey FBI-da ayaa shirqoolka gaarsiiyey heer ay booqdaan magaalada Dallas ee gobolka Texas, si ay usoo eegaan meelaha uu degan yahay Bush, iyo inay ka wada hadleen sida lagu heli karo hub, dareeska ciidamada amniga iyo baabuur loo adeegsado shirqoolka.

Waxa uu sidoo kale weydiistay qof kale oo si hoose ula shaqeeya FBI-da balse uusan isaga ogeyn inuu gacan ka siiyo soo tahriibinta xubno ka tirsan qoyskiisa isaga oo u ballan-qaaday tobanaan kun oo dollar.

Shihab ayaa Mareykanka ku yimid Visa booqasho bishii September 2020, wuxuuna magan-galyo dalbaday bishii March 2021 markii uu Visa-ha ka dhacay.

AFP + VOA

Maxaa ka jira in xildhibaan MAHAD SALAAD loo wado agaasimaha hay’adda NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahayey baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo sheegayey in loo magacaabay agaaasimaha hay’adda NISA.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u hambalyeynaya.

“Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey. Hambalyadana yaan la iga qasaarinin ee hala ii kaydiyo. Mahadsanidiin,” ayuu qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaankan ayaa ka mid ah saaxibada Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna si aad uga soo muuqday ololihiisa doorashada.

Sidoo kale wuxuu ka mid yahay xubnaha aadka loo saadaalinayo inay kasoo muuqan doonaan garabka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isaga oo mucaarad isoo ahaa 5 sano ee lasoo dhaafay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan dhismaha dowladdiisa cusub, waxaana dadka illaa iyo hadda la magacaabay ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergeyga arrimaha abaaraha iyo bani’aadanimada Soomaaliya..

Si kastaba, waxaa isha aad loogu hayaa xubnaha soo socda iyo ra’iisul wasaaraha imaan doono, iyada oo maanka lagu hayo ballan qaadkii Madaxweynaha cusub ee ahaa in koox gaar ah uusan wadan, isla-markaana uu wato tareen weyn oo la wada raaci karo.

Sidee ayuu noqon karaa xiriirka XASAN SHEEKH iyo Maamul Goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu la yimaado isbedal siyaasadeed dalka, islamarkaana uu wax ka bedalo sidii ay markii hore wax ku socdeen.

Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay xilka Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Somalia ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada ballan qaadan siyaasad xasiloon, isaga oo hal hees ka dhigtay, ‘Soomaali wada heshiis ah, Dunidana heshiis la ah’.

Haddaba sidee ayuu noqon karaa xiriirka Xasan Sheekh iyo Maamul Goboleedyada?

Xildhibaan Axmed Sheekh Nuur oo ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu hagaagi doono xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u liitay.

“Xiriirka maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha cusub muxuu noqon doonaa? waxaan rajeyneynaa inuu hagaagsanaan doono, sababtoo ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddii aad ogtahay waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo mar labaad soo laabto, ahna odey dal joog ah wax badan aan ku tuhmeyno,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waxaa xusid mudan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ahaa dhammeystirihii federaalka marka horeba,”.

Axmed Sheekh Nuur oo wareysigan siiyey Universal TV ayaa xusay inay haatan u muuqato yididiilo wanaagsan oo ku aadan wada-shaqeynta labada dhinac.

“Waxaan rajeynayaa odeytinimada iyo waayo aragnimada aan ku tuhmeyno Madaxweyne Xasan Sheekh, Khayr badan ayaan ka rajeyneynaa, yididiiladana hadda way muuqataa,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo doorashadii Madaxweynaha kadib ay Muqdisho ku wada shireen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo kulankooda diiradda ku saaray dowladda cusub iyo wada shaqeyntooda.

XOG: Lafta-gareen oo hub keyd u ahaa Koonfur Galbeed u qeybiyey beeshiisa

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Koonfurt Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” uu amray in hub keyd u ahaa maamulka uu hoggaamiyo loo qeybiyo beesha uu ka dhashay.

Hubkaasi ayey Caasimada Online ogaatay in loogu talo-galay ciidamada Koonfur Galbeed dhameysta tabababarka ay bixiyaan saraakiisha UK. 

Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in hubkaasi oo u badan qoryaha fudud iyo rasaastooda sida AK-47, BKM, bastoolado iyo rasaas gebi ahaanba lagala baxay bakhaaradii ay ku jireen.

Sida ay sheegayaan wararka aan helnay, ujeedada ka danbeysa in hubkaasi galo gacan maleeshiyo beeleed ayaa waxay xiriir la leedahay guuldarada siyaasadeed ee soo wajahay Lafta-gareen, maadaama bey yiraahdeen uu ogsoon yahay inuusan taageero ka heysan beelaha Koonfur Galbeed, islamarkaana muddo xileedkiisa dhamaad yahay, sidaas darteedna uu ka cabsi qabo kacdoon.

Arrintaan oo dood ka dhex dhalisay shacabka iyo maamulkaba ayeysan jirin cid ka hadashay sababo la xiriira baqdin ay ka qabaan in la bartilmaameedsado ama inay xilkooda weyn doonaan.

Si kastaba, Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Xaniifo Xabsade oo ka mid ah siyaayiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku bidhaamisay, sida ay wax u jiraan iyo waxa la’isku hayo labada dhinac.

“Gudoomiyahiisa Gobalka Bay, gudoomiyaha Baarlamanka, teliyaha ciidamada qaybta lixdimaad qofkii xildhibaano kasoo wada dhigay maa maamulka duminaayo ? Mise dadka dhahooyo December waa in doorasho dhacadaa  ayaa maamulka duminaayo?” ayey tiri.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo hami weyn ka qabay inuu mar kale soo laabto oo dib loo doorto madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu hadda ka cabsi qabaa inay kusoo furmaan mucaarado xooggan ayada oo sanado badan loogu adkeysanayey nidaam ku dhisan awood sheegad iyo cabsi gelin.

Xaniifo oo hadalkeeda sii wadata ayaa ugu baaqday Madaxweyne Lafta Gareen inuu wax ka barto muddo kororsigii horey u fashilmay ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed  Farmaajo, waxayna intaa ku dartay in muddo kororsi uusan xilligan ka shaqeynin Somalia.

Maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa in xiisadda magaalada Baydhaba ay kasii darto, ayada oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ciilka u qaba Lafta-gareen ay billaabeen abaabul.

Madaxweynaha Ruushka oo ka badbaaday isku day dil

Moscow (Caasimada Online) – Madaxa Sirdoonka Ciidamada Ukraine ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu laba bil kahor ka badbaaday isku day dil.

Isaga oo la hadlayey wargeyska Pravda ee Ukraine ayaa Jeneraal Kyrylo Budanov waxa uu sheegay inuu jiray isku day “aan guuleysan” oo ka dhan ahaa noloshada hogagamiyaha Kremlin-ka, markii uu billowday duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine. 

“Waxaa jiray isku day lagu khaarajin lahaa Putin. Xitaa weerar ayaa lagu qaaday, waxaa weeraray wakiilo ku sugan Caucasus, muddo aan fogeyn. Tani waa akhbaar aan la shaacin,” ayuu yiri Jeneraal Kyrylo Budanov.

Waxa uu intaas ku daray “Wuxuu ahaa isku day aan guuleysan, balse xaqiiqdii wuu dhacay … waxay aheyd laba bil kahor. Waan ku celinayaa mar kale, Putin wuxuu ka badbaaday isku day dil.”

Caucasus waa gobol aad u ballaaran. Waxa uu ka kooban yahay qeybo ka mid ah dhulka Ruushka, oo ay ku jiraan North Ossetia-Alania iyo Chechnya iyo gobollo kale oo aan Ruushka ka tirsaneyn kana mid ah dalalka Georgia iyo Azerbaijan. 

Sheegashadan weli ma aysan xaqiijin NATO ama sirdoonka Mareykanka. 

Haddii xogtan ay sax noqoto, tani ma noqon doonto markii ugu horeysay ee Putin uu wajaho isku day noocan ah. Waxaa la ogyahay inay jiraan ugu yaraan laba isku day dil oo uu Putin horey wajahay, mid dhacay 2008 iyo mid dhacay 2012. Waxaa sidoo kale jiri kara kuwa kale oo aan laga war-hayn.

Warka ku saabsan isku dayga dil ayaa imanaya ayada oo dagaalka u dhaxeeya labada dal uu galay bishii saddexaad, ayada oo weli aysan muuqan wax guul la taaban karo ah oo Moscow ay ka gaartay colaadda. 

Sawirro: Guddiga doorashooyinka Puntland oo boorka ka jafaya doorashooyinkii qof iyo codka ahaa

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ka dhacay shir muhiim ah oo u dhexeeyey Guddiga iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland.

Guddiga ayaa warbixin faahfaahnsan ka siiyey Wasiirada diyaar garowga Doorashada degmooyinka dhiman sida Jadwalka cusub, qorshaha wacyigelinta dadwaynaha iyo dhaqan galinta waxyaabihii laga bartay doorashada hordhaca ahayd.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay wada shaqaynta Guddiga iyo wasaraadaha kala duwan si loo sameeyo wacyigelin baahsan iyo hirgalinta Doorashada.

TPEC ayaa dhowaan munaasabad ku soo bandhigi doona jadwalka doorashada iyo qorshaha wacyigelinta dadwaynaha, dhanka kale wasiiradda ayaa aad u soo dhaweeyey dedaalka Guddiga iyagoo balan qaadaay inay wasaarad kasta kaalinta kaga aadan ay ka taageri doonto guddiga.

Kulanka waxaa kasoo qaybagalay wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Cabdirixmaan Dhabancad, Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Haweenka Naciimo Cabdiraxman Guuleed, Wasiirka shaqada sh dhalinyarada Cabdiraxmaan Caydid Ibraahim, Wasiirka warfaafinta Maxamud Caydid Dirir iyo Wasiiru Dowlaha waxbarashada Axmed Ibraahim Cawaale.

CC Shakuur oo shaaciyay qorshihiisa kadib xilkii uu u magacaabay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka in uu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu dadaal badan gelin doono wax ka qabashada xaalada abaareed ee dalka, islamarkaana ay ka hortagi doonaan inta aysan isku badalin Macaluul.

“Waa u guntan doona in aan dadka Soomaaliyeed wax alaale iyo wixii aan gaarsiin karo gaarsiino, inta aysan isku bedelin Macaluul aan ka hortagno. Dowladdana waxaa ka rajeynayna in aan garab buuxa ka helno hay’addaheeda kala duwan, adduunkana aan ka helno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maadama dalka uu ku jiray xili kala-guur ah aysan jirin taageero ay beesha caalamka ka geysatay xaalada aabaareed ee dalka, islamarkaana uu taas ka howl-gali doono sida ugu dhaqsaha badan.

“Mas’uuliyada aad na-saartay (Madaxweyne) waxaa ugu shaqeyn doona si niyad ah Umadda Soomaaliyeed oo adduunka u jeedino baaqiisa, oo dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba isku xirkaas aad na-saartay mas’uuliyadeeda.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ugu yaraan 18 caruur ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla Mareykanka

Uvalde (Caasimada Online) – Ugu yaraan 18 caruur iyo macallin ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan ka fuliyey dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Barasaabka gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in tuhmanaha weerarka oo ahaa 18 jir deganaa magaalada Uvalde ee Texas ay toogasho ku dileen saraakiil u gurmatay iskuulka.

Weerarka ayaa ka dhacay dugsiga hoose ee Robb Elementary School ee magaalada Uvalde oo 85 mile galbeed kaga beegan magaalada San Antonio. Tuhmanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Salvador Ramos, sida ay ku warrameen booliska.

“Wuxuu toogtay oo uu si arxan-darro ah u dilay 18 arday iyo macallin,” ayuu yiri barasaab Greg Abbott.

Saddex qof oo kale oo dhaawac ah ayaa isbitaal la dhigay, ayada la sheegay in xaaladdooda ay halis tahay. 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sheegay in markii uu madaxweynaha noqonayey uu rajeynayey inuusan qaban shir jaraa’id oo noocan ah.

“Waalid ayaan mar dambe arki doonin caruurtooda, oo aan marnaba kula bood boodi doonin sariirta oo aan hab siin doonin. Waalidiin ayaan marnaba sidoodii hore noqon doonin. Inaad weyso ilmahagaa waa sida ayada oo qeyb ka mid ah naftaada la qaaday,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biden ayaa sharci-dejiyayaasha Mareykanka ugu baaqay inay xanuunkan ku beddelaan inay ansixiyaan sharci xakameynaya haysashada hubka oo caadi ah ka ah Mareykanka.

Toogashadan ayaa timid wax kayar laba toddobaad un kadib markii nin ay mas’uuliyiinta sheegeen inay dhiiri-gelisay cunsurinimo, uu suuq ku yaalla magaalada Buffalo ee gobolka New York ku dilay 10 qof oo badankood madow ahaa.

Wada-hadalladii Muuse Biixi iyo mucaaradka Somaliland oo fashilmay + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in kulan ay xalay yeesheen xukuumadda Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka, Wadani iyo Ucid uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray khilaafka taagan doorashadaSomaliland oo ay isku hayaan xisbiyada Kulmiye, Wadani & Ucid.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay qabteen mucaaradka ayaa sheegay in dhammaan qodobadii laga wada-hadlay aanan lagu heshiin, isla-markaana uu shirka kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

“Qodobadii aanu ula tagnay dhamaantood waxba kaga manaan heshiin, waxba layskagama afgaran, waa laysla mari waayay, waxanaan nuku kala nimid anaga oo aan halkaa isla dhaafin” ayuu yiri guddoomiye Xirsi.

Dhankiisa Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga Ucid oo madasha ka hadlay ayaa weerar toos ah ku qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay kaliya inuu fuliyo qorshiisa ah furista ururada siyaasadda ee Somaliland.

“Nasiib daro waxaanu u tagnay madaxweyne cadhaysan ood moodo in isaga la dulmiyay, oo waliba aniga dulmi badan iga sheeganaya, qorshihiisii ahaa in uu urrurada furo bisha Juun 26 keeda, ayaa ka gonayd, waxaanu u tagnay madaxweyne qorshihiisii uu dhigtay daafacaya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa war ka duwan ka mucaaradka kasoo saartay shirkii xalay, waxayna sheegtay in lagu ballamay wada-hadallo kale, sida uu shaaciyey Cali Maxamed Waran Cadde oo ah la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.

“Wada-hadalku wuu bilowday, qolowalibana wixii ay tabanaysay ayay sheegtay, waxaana laysla qaatay oo laysla gartay in ay u baahantahay in  lasii wado, oo wixii shuruuca ee laysku hayayna la eego oo laysla akhriyo si wadajir ah, arrintaasina loo balamay in lasii wado wadahadalka maalinta Sabtida” ayuu yiri la-taliyuhu.

Somaliland ayaa waxaa ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo u dhexeeya xisbiyada Wadani, Uicid iyo midka talada haya ee Kulmiye, waxayna isku hayaan doorashada.

Walwalka siyaasadeed ee hoggaanka Koonfur Galbeed – Maxaa ka socda Muqdisho?

Baydhaba (Caasimada Onlne) – Koonfur Galbeed ayaa u muuqata goobta ugu horeysa ee nidaamka madaxweyne Xasan Shiikh ka geli doono dagaalka siyaasadda, walwal xoog leh ayaa hareenaya hoggaanka maamulkaas.

Maadxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo kamid ah u bixii siyaasadeed ee uu Farmaajo ku beeray maamul goboleedyada dalka ayaa ku guul-dareystay labadiisii isku day ee doorashadii dowladda federaalka ah.

Wuxuu rabay in Xasan Cabdinuur uu noqdo hoggaamiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, balse waa looga adkaaday, kadib wuxuu isku dayey inuu Farmaajo dhisto, iyadiina uma suurta gelin.

Qorshe uu rabay in wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha loogu wareego dhanka Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale waxaa ka diiday Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Jabkaas kadib, Laftagareen wuxuu hadda wajahayaa muran iyo dagaal ku saabsan kursigiisa. Nidaamka cusub ee ka curtay Soomaaliya abaal badan kama filayo Laftagareen.

Inkastoo xubnaha reer Koonfur Galbeed ee miisaanka ku leh dhanka madaxweyne Xasan Shiikh aysan badneyn ama aan culeys dheeri ah oo deg deg ah abuuri karin, haddana Xasan Sheekh wuxuu fahamsan yahay sababihii loo abuuray madaxda maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, taas oo aheyd arrin la xiriirta dib u doorashada Farmaajo.

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo shalay ka hadlay magaalada Baydhaba, wuxuu sheegay in duulaan lagu soo yahay maamulka Koonfur Galbeed oo la rabo in la dumiyo.

Taliye Mahad oo hadda xildhibaan ah wuxuu sheegay in haddii la isku dayo in maamulka lagu soo duulo inay dagaalami doonaan oo ay maamulka difaaci doonaan.

Wuxuu diray farriin walaac iyo hanjabaad kulmisay, waxay u badan tahay inuu ku hadlayo ogaanshaha Laftagareen. Hadalka taliyaha oo u waramay odayaal reer Baydhabo ah waxaa laga fahmay culeyska iyo walaaca heystay Laftagareen.

Seddex dhinac ayaa la sheegay inay Muqdisho ka wadaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Laftagareen. Qolo waxaa hoggaaminaya Shariif Xasan Shiikh Aadan hoggaamiyihii ugu horeeyey ee maamulka Koonfur Galbeed kaasoo  sidoo kale uu dhwaan Laftagareen u diiday inuu tago magaalada Baydhabo si uu xildhibaanimo ugu tartamo.

Kooxda labaad waa kooxdii Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur halka ay jiraan koox seddexaad oo ah siyaasiyiin gooni u daaq ah oo deegaanka kasoo jeeda, kuwaas oo bilaabay inay iska wareystaan arrimaha maamulka Koonfur Galbeed iyo hoggaanka hadda jooga.

Seddexdaas dhinac oo midooba oo garabna ka hela maamulka cusub ee Villa Somalia waa adag tahay inuu u babac dhigo Laftagareen ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Waxaa durba bilaabatay dood ku saabsan mudada u hartay Laftagareen. Kooxda isbadal doonka ah ee Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in bisha December ee sanadkaan inuu ku egyahay muddo xileedka Laftagareen halka uu isaga xisaabsanayo inay u dhiman tahay hal sano iyo lix bilood.

Mucaaradka qodobkii hore ee dastuurka ee ka hadlayey muddo xileedka ayey sidiisa u wataan halka Laftagareen uu mar hore Baarlamaanka marsaday sanad is waafajinayo mudada xil heyntiisa iyo midda Baarlamaanka.

Dagaalka koowaad ee lagu qaadayo Laftagareen wuxuu noqon karaa in isaga iyo xildhibaanada la iska hor keeno oo mooshin lagu bixiyo lamana yaqaano sida uu mashruucaan ugu miro dhali karo kooxda hadda abaabulka wada.

Jawaari iyo guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare oo Xasan Sheekh u baneeyey magacaabista CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Magacaabista Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa ka dhashay hadal heyn badan oo ku saabsan in magacaabistaan ay keeni karto inuu Cabdiraxmaan lumiyo kursiga xildhibaanimo, maadaama dastuurka KMG ee Soomaaliya uusan xildhibaanka u ogoleyn xil aan wasiir aheyn.

Sida ay sharci yaqaano la hadlay Caasimada Online sheegeen, shaqooyinka uu dastuurka u diidaya xildhibaanka waa kuwa ka dhigaya shaqaale rasmi ah oo diiwaanka iyo faafinta rasmiga ah kusoo baxaya, sida Danjire, Guddoomiye Hey’ad, taliye hey’ad amni iyo maareeye mashruuc rasmi ah oo laftiisa wareegto lagu aas-aasay.

Sharci-yaqaanada ayaa sidoo kale ku doodaya in xildhibaanka uu noqon karo xubin kamid ah guddi gaar ah oo markaas xaalad la tacaalaya ama inuu xiriirin karo gurmad iyo adeeg kale oo dadka loo fidinayo.

Dhanka kale, xog ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabistaan kala tashaday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahiin Iidle Suleymaan.

Labada mas’uul ee uu la tashaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha u baneeyey in Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sharciyan xiriirin karo gurmadka abaaraha oo Madaxweyne Xasan Sheekh muhiimad gaar ah iyo hortebin weyn siinaya boqolka maalmood ee maamulkiisa ugu horeysa.

Taliban oo go’aamisay dalka maamulaya garoonka Kabul kadib loolan dhex-maray Qatar, Turkey iyo Imaaraadka

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afghanistan iyo Imaaraadka Carabta ayaa saxiixan doono heshiis ku saabsan xakameynta amniga iyo maamulka garoomada diyaaradaha dalkaas.

Warkan ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay ku-simaha ra’iisul wasaare ku xigeenka Afgaanistaan Abdul Ghani Baradar.

Go’aanka ay Taalibaan ku gaartay inay heshiiskan u saxiixdo Imaaraadka ayaa yimid kadib muddo bilooyin ah oo uu loolan ku saabsan cidda qaadaneyso qandaraaska maamulka garoomada dhex maray dowladaha Imaaraadka, Turkiga iyo Qatar.

“Tallaabadaan waxay albaabka u furi doontaa maal-gashiga caalamiga ah ee Afghanistan, maadaama hadda la helay damaanad qaad amni,“ ayuu yiri Baradar oo ka hadlayay saxiixa heshiiskaan.

Garoonka caalamiga ah ee Kabul ee dalka Afghanistan ayaa burburay bishii Augusto sanadkii hore markii Taliban ay la wareegeen gacan ku haynta caasimadda markii ay dowladda Mareykanka la baxday ciidamadii ka joogay dalkaas muddada 20-ka sano aheyd.

Markii ay ciidamada Mareykanka ka baxeen Afghanistan waxaa la filayey in Turkiga iyo Qatar ay si wadajir ah uga howlgalaan oo ay sugaan ammaanka garoonka caalamiga ah ee Kabul.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa kaalin weyn ka qaatay dadaalkii daad-gureynta kadib bixitaankii Mareykanka, waxayna xilligaasi sheegeen inay diyaar u yihiin inay la wareegaan howlaha garoonka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye bishii November in Imaaraadka oo horay u maamuli jiray garoonka diyaaradaha ee Kabul, xilligii jamhuuriyadda Afghanistan ee uu Maraykanku taageerayey ay ka go’an tahay sii wadidda howlaha garoonka iyo in la helo marin ammaan ah oo lasoo mariyo gargaarka bini’aadanimo.

Xiriirka Imaaraadka iyo Qatar ayaa sanado badan ahaa mid mugdi ku jiray, kadib markii labada dal ee Khaliijka ay ku loolameen inay saameyn ku yeeshaan gobolka.

Hadda, shirkadda maraakiibta iyo saadka Imaaraadka ee GAC Dubai – oo uu matalo Razack Aslam Mohammed Abdur Razack – ayaa mas’uul ka noqon doonta hawlgelinta iyo sugidda ammaanka garoomada diyaaradaha.

Bishii August ee la soo dhaafay, waxaa daaha laga qaaday heshiis qabyo ah oo dhexmaray Taliban iyo Turkiga. Heshiiska qabyada ah ayaa waxaa ka mid ahaa qodobo dhigaya in Ankara ay u aqoonsato Taliban inay tahay dowladda sharciga ah ee Afghanistan iyo inay sugto ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul iyada oo loo marayo shirkad gaar ah.

Laakiin Turkiga iyo Taliban ayaa ku dhibtooday inay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan sugidda iyo ka shaqeynta garoonka diyaaradaha ee Kabul, taasi oo ugu dambeyn soo dadajisay inay Imaaradka loolana uga adkaato Turkiga iyo Qatar oo si wadajir ah heshiiskaas u daneynayey.

Taliska booliska oo faah-faahiyey aabe labadiisa wiil si argagax leh u dilay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska booliska ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin Aabe labadiisa wiil gowrac ku dilay. Falkaan ayaa noqday mid aad looga argagaxay.

Labada wiil ee Aabahood dilay ayaa ka yaraa da’aada 12 sano jir, waxaana jiray khilaaf ka dhaxeeyey labadooda waalid.

Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen wuxuuna sheegay inay soo qabteen ninkii dilay caruurtiisa.

“Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah, ayaa dilay labo ciyaal ah oo uu dhalay oo midna uu yahay 10 jir midka kalena yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris iyo Sakariye,” ayuu yiri taliye Muumin Cabdi Shire.

Ninka dilka carruurtiisa ku eedeysan ayaa falkaan ku gaystay guri uu magaalada Gaalkacyo ka daggan yahay, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen. Carruurta oo markii hore ay hooyadood haysatay ayuu ka codsaday inuu geeyo xarun waxbarasho oo kuleej ah, sidaasna loogu oggolaaday inay raacaan.

Hase yeeshee waxaa la rumaysan yahay in isla maalintii uu kaxeeyay gudaheedaba uu labada wiil ku dilay gudaha gurigiisa, isagoo gowracay.

“Caafimaad darro noogama muuqanin laakiin waxaa jiray maan-dooriyeyaal xad dhaaf ah oo ay ciidanka soo qabteen, oo xashiish iyo khamri ah, waxaana aaminsan nahay in daroogada ay sababi karto,” Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire.

Dhowr jeer oo hore ayuu sheegay inuu xabsiyo soo maray, laguna yaqaanay inuu maan-dooriyeyaasha isticmaalo, dambiyo kalena uu horay u galay.

“Boolisku markii ay guriga tageen waxay la kulmeen isagii oo qolka carruurta ku dilay qolkii kalena hurda. Waxaa loo tagay isagoo jiifa oo si caadi ah u hurdaya,” ayuu yiri Muumin.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid dadka reer Gaalkacyo ay maanta aad uga argagaxeen, waxaana hadda socda baaritaanno lagu hayo ninkii dilay wiilashiisa.

CC Shakuur ma lumiyey kursigii xildhibaannimo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa u muuqda inuu maanta lumiyey kursiga xildhibaanimo, marka la eego qodob ka mid ah dastuurka federaalka.

Arrintaan ayaa timid kadib markii uu Cabdiraxmaan Maanta aqbalay xilka uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Sababta uu Cabdiraxmaaan Cabdishakuur ku weyn karo kursiga xildhibaan ayaa ah dastuurka kumeel gaarka ah ee uu leeyahay dalka, gaar ahaan qodobka 59-aad oo dhigaya in xubinimada baarlamaanka lagu lumin karo haddii uu xildihaanka aqbalo xil dowladeed oo aan wasiir aheyn.

Lama xaqiijin karo haddii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan ay ka hoos baxday qodobkaan iyo haddii ay jirto sharaxaad kale oo loo sameeyey qodobkaas ka hor inta aan la magacaabin Cabdiraxmaan.

Halkaan hoose ka akhriso waxa uu dastuurka ka qabo arrintaan:

Qodobka 59aad. Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka

(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a) Xubinta oo Geeriyoota
(b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
(c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
(d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
(f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad sharciga

Sixitaan iyo cudur daar: Sacuudiga xayiraad duulimaad ma saarin Soomaaliya

Riyadh (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay ka cudur daaraneysaa, islamarkaana saxeysa war si khaldan uga baxay saaka, oo aan ku sheegnay in Sacuudiga ay dalkooda ka mamnuuceen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imanaya Soomaaliya.

Warka sida aan u dhignay ma aheyn, ee waa in muwaadiniinta Sacuudiga laga mamnuucay inay u safraan Soomaaliya iyo 15 dal oo kale, sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Waxaan xaqiijineynaa in Sacuudi Carabiya aysan wax xayiraad duulimaad ah kusoo rogin Soomaaliya ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ay si caadi ah ugu safri karaan Sacuudiga, maanta dad Soomaaliya ka baxay ayaa tegay Sacuudiga.

Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee muwaadiniinta Sacuudiga laga mamnuucay inay u safraan ayaa kala ah; India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Go’aanka ayaa yimid ayada oo Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ay Sabtidii werisay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay March iyo April. 81 ka mid ah kiisaskaas ayey xaaladdoodu halis tahay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa caalamka ka jira walaac ku saabsan cudurka busbuska oo laga soo weriyey boqol dal oo ay ku jiraan dalal aan lagu aqoon, balse ma horseedin in lasoo rogo wax xayiraad duulimaad ah. 

Warkii khaldanaa hoos ka aqriso 

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad oo lama filaan ah kusoo rogtay Soomaaliya ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Soomaaliya ayaa ku jirta liiska 16 dal oo boqortooyada ay dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan Sacuudiga, taasi oo la sheegay inay jawaab u tahay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas.

Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Go’aankan ay Riyadh ku beegsatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah mid jahwareer leh, sababo la xiriira inaan Soomaaliya laga werin wax sare u kac kiisas ah oo la xiriira cudurka COVID-19. 

Go’aankan ayaa ka hor-istaagaya inay dalkaas u safraan kumanaan qof oo Soomaalia ah oo isu diyaarinayey inay u cumreystaan labada xaram iyo sidoo kale Xajka sanadkan oo ay naga xigto kaliya bil iyo bar.

Ma cadda xilliga uu socon doono go’aankan, waxaana suurtagal ah in xayiraadda Soomaalida la qaado kahor Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022.

Go’aanka ayaa yimid ayada oo Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ay Sabtidii werisay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay March iyo April. 81 ka mid ah kiisaskaas ayey xaaladdoodu halis tahay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa caalamka ka jira walaac ku saabsan cudurka busbuska oo laga soo weriyey boqol dal oo ay ku jiraan dalal aan lagu aqoon, balse ma horseedin in lasoo rogo wax xayiraad duulimaad ah. 

DF oo shaacisay tirada shirkadaha ku guuleystay adeega XAJKA ee sanadkan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa shaaciyay inay 63 Shirkadood ay si hordhac ah ugu guuleysteen bixinta adeega Xajka ee sanadkaan.

Wasiirka ayaa sheegay in tirada shirkadaha soo codsaday kamid noqoshada tartanka ay kor u dhaafeen saddex boqol, kuwaasi oo markii dambe lagu kala reebay khibrada iyo buuxinta shuruudaha guddiga ku shaqada lahaa.

“Waxaa kamid noqoteen 309 shirkadood oo Shan kun ee Soomaali ah oo Xujeydayda u khidmeeyan soo dalbadeen, runtii khidmadaan yarta waxa ku filneyd 5 shirkad. 63-ka shirkadood ee ku guuleystay waxay kusoo baxeen khibrada ay u leeyihiin Xajka, hufnaantooda iyo kartidoodana hore loo bartay,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Rooble.

“Wey dhamaatay in Xaaji Soomaaliyeed baska la iska saaro oo la diro ayada oo shaqaale loo diyaarin. Shirkadii khidmada maanta aan dooneynay ee shuruuda aad buuxin doontan, shirkadii ka bixi weyday waxaa ku ciqaabi doona ciqaab adag oo ay muteysatay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in dadka Xajinaya ay la kulmi jireen dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana ay hadda wax badan ka badeleen kuna korjoogteyn doonaan shirkadaha ku guuleystay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili Sacuudi Carabiya ay xayiraad duulimaad oo lama filaan ah kusoo rogtay Soomaaliya, ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Soomaaliya ayaa ku jirta liiska 16 dal oo boqortooyada ay dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan Sacuudiga, taasi oo la sheegay inay jawaab u tahay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas.

Go’aanka Sacuudiga ayaa ka hor-istaagaya inay dalkaas u safraan kumanaan qof oo Soomaali ah oo isu diyaarinayey inay u cumreystaan labada xaram iyo sidoo kale Xajka sanadkan oo ay naga xigto kaliya bil iyo bar.

Ma cadda xilliga uu socon doono go’aankan iyo in xayiraadda Soomaaliya laga qaadi doono ka hor Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022.

Madaxweyne Xasan oo xil u magacaabay CC Shakuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa xil u magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa siyaasigan oo in muddo ah mucaarad soo ahaa u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uu si mutadawacnimo ah uu qaban doono shaqadaan, maadaama uu yahay xildhibaan qaran.

Wuxuu sidoo kale Eebe uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday ee ah u gar gaarida dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa horey u magacaabay la-taliyihiisa amniga qaranka, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa.

Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey wasiirka A/dibedda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali, kadib warqad uu soo saaray.

Rooble ayaa eedeyn culus u jeediyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana eedaha loo jeediyey ka mid ah ku takrifal awoodeed.

“Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu baabi’iyey warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalka Cumaan.

Ugu dambeyn wuxuu ra’iisul wasaaruhu faray hanti dhowraha qaranka iyo hay’adaha amniga inay baaris dheeraad ah ku sameeyan falka uu sameeyey wasiirka.

Shalay ayey aheyd markii Rooble uu soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socday wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, wuxuuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda , dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo adayo, iyada oo dalka uu ka dhacay isbedal siyaasadeed, waxaana wasiirka arrimaha dibadda uu ka mid ahaa saaxibada siyaasadeed ee Farmaajo.