25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Ruushka oo soo bandhigay rag ka yimid Britain oo lagu qabtay dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Laba dagaal-gale oo u dhashay dalka Britain ayaa la sheegay in ciidamada Ruushka ay ku qabteen dagaalka ka socday gudaha dalka Ukraine, oo hadda kusii siqaya bishii saddexaad.

Dagaalyahanada la qabtay ayaa kasoo muuqday Telefishinka Qaranka Ruushka, waxayna Ra’iisul Wasaaraha England Boris Johnson ka codsadeyn inuu ka caawiyo sidii loo sii deyn lahaa.

Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Aiden Aslin oo 28 jir ayaa muuqaalkooda laba jeer la kala baahiyey iyaga oo dalbanaya in lagu bedesho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo lagu hayo Ukraine.

Dowladda UK weli kama aysan hadlin raggaan sheegay inay kasoo jeedaan England ee la sheegay in lagu qabtay dagaalka Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay hadda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dheer isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qaranka ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay dhulka ku daraan ku dhawaad​​ dhammaan ciidamada jiidaha hore ee gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Weerarkan ayaa ahaa mid la filayey muddo dheer kadib markii Ruushka uu ku guul daraystay inuu qabsado Kyiv.

Ruushka ayaa markii hore u muuqday in uu doonayay in uu qabsado magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo uu afgambiyo dowladda.

Hase yeeshee ka dib markii ay la kulmeen iska caabin adag, saraakiisha difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ujeeddooyinkoodii ugu muhiimsanaa ee “marxaladda koowaad ee hawlgalka” ay “guud ahaan u qabsoomeen” sidaa darteedna ciidamadooda laga soo raray aagagga caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen qorshayaal cusub oo diiradda lagu saarayo duulaanka “xoreynta” gobolka Donbas ee ku hadla afka Ruushka.

DANAB oo burburiyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, ayna la wareegeen deegaanada Qaraarow, Kalaxiran, Goryaale, Dhuumaale, Caad, Gabdhaale, Waable, Xawal Xasan Cadde, Hareeri Dheere iyo  Gaade.

Ujeedka howlgalladan ayey saraakiisha ciidamada Danab ku sheegeen in looga hortegayo weeraro ay had iyo jeer Al-Shabaab kasoo abaabulaan deegaanada ay ka joogaan Mudug.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab ee ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xiriirta in dagaallo culus oo u dhexeeya labada dhinac ay ka qarxaan halkaasi.

Gedo: Sarkaalkii lagu eedeeyey weerarka Macalimuu oo xog cusub bixiyey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – G/Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo ah taliyaha ciidamada guutada Gedo ee militeriga Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymihii uga yimid guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in xalay gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo Farmaajo ku beel ah oo Taliye Warfaa uu u soo diray, balse uu iska difaacay.

Sidoo kale guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in ciidamadaas ay tiro ahaan gaarayeen 50 askari, sababta loo soo weerarayna wuxuu ku sheegay in siyaasad ahaan uu taageeray maamulka Jubaland, taasna ay ka xumaadeen maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo.

Gaashaanle Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo BBC la hadlay ayaa iska fogeeyey eedeynta ah in xalay uu gurigiisa ku wareeray guddoomiye Macalimuu, balse wuxuu qirtay inuu xubno saraakiil ah u diray.

“Macalimuu nin sarkaal ah waaye oo ciidanka aan madaxda u ahay ayuu ka tirsan yahay, marka cidna ma weerarin ee taleefan hala iigu geeyo ayaan iri, si aan ula hadlo,” ayuu yiri, Taliyaha ciidmaada guutada 10-aad ee gobolka Gedo.

Taliye Warfaa ayaa intaas ku sii daray in Macalimuu uu kala hadli rabay arrimaha siyaasadda ee uu Facebook-giisa ku qoro, maadaama uu yahay sarkaal ciidan, ciidankana ay mamnuuc ka tahay ka hadalka siyaasadda.

“War siyaasadda maxaa ku geliyey nin ciidan ah ayaa tahaye inaan dhaho ayaan rabay, seddax sarkaal ayaan u diray, kadib markii aan talefankiisa waayey, sarkaal aan ku kalsoonahay ayuuna ahaa, hadii la weerarayna dhimasho iyo dhaawac ayaa meesha ka dhici lahaa, balse warkaas waa been,” ayuu yiri Taliye Cabdullahi Warfaa.

Mar la weydiiyey qoraalka ay dhibsadeen ee Macalimuu uu soo dhigay wuxuu ku jawaabay, “Horta anagu amniga gobolkaan ayaan qaabilsanahay Macalimuu wuxuu soo qoray in hadii Gedo doorasho lagu qabanaayo inuu dib ula wareegi doono xafiisyadii uu maamuli jiray, arrintaasna hadda inuu ka hadlo kuma haboona, ninkaan guddoomiye ayuu soo ahaa jiray dadkan waa ka tarxiili jiray gobolkaan cidii ka hor imaata.”

FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii maanta ee Villa Hargeysa iyo dilka Bedel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo caawa lagu dilay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lala beegsaday xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kuwaas oo labo ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ku jireen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidamada qaranka ee maalin iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa salaadii Maqrib kadib banaanka Masaajid ku yaalla degmada Kaxda waxay ku toogteen Allaha u naxariistee Abwaan Bedel Jaamac oo isla goobta ku geeriyooday, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

Hoyga Sheekh Shariif oo uu ka socdo olole is dul saaran

0

Muqdisho (Caasimaa Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii shalay dib ugu soo laabtay magaaladaMuqdisho kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Soo laabashada Shariif oo kusoo beegantay seddax maalin kadib dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa kadib waxaa xalay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ka billowday dhaqdhaqaaq iyo olole ay qeyb ka ahaayeen xildhibaanada cusub ee dhawaan la dhaariyay, kuwasi oo u diyaar garoobayo doorashada guddoonka baarlamaanka.

Sheekh Shariif ayaa hoygiisa afur ugu sameeyay tiro xildhibaano ah, waxaana ay xildhibaanada la shiray Shariifka ay isku raaceen inay u midoobaan sidii ay u siin lahaayeen murashaxa ay Sheekh Shariif iyo mucaaradka wadaan ee Sheekh Aadan Madoobe.

Shariif iyo xubno ka tirsan mucaaradka waxay ka mideysan yihiin inay ku taageeraan codkooda Sheekh Aadan Madoobe oo u sharaxan guddoomiyaha golaha shacabka, islamarkaana xilkan horey usoo qabtay iyo Cabdi Xaashi oo Aqalka Sare ay la doonayaan mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Dhinaca kale, kulamadaasi ayaa waxaa barbar socday ololaha murashaxnimada Shariifka ee madaxweynaha soo socda.

Xildhibaanada isugu tegay hoyga Shariifka ayaa qaarkood loo badinayay inay u janjeeraan dhinaca Villa Somalia, kuwaasi oo qaarkood deegaan doorashadooda aheyd Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle oo Shariifka lagu tiriyo badankooda.

Sheekh Shariif oo ilaa iyo hadda loo arko murashax taageero heysto oo la tartami karo Farmaajo ayaa sidoo kale kooxda taageerta Villa Somalia waxay u arkaan murashax macquul ah oo ka duwan murashaxiinta kale marka laga hadlaayo mucaaradka, waxayna ku tilmaamaan inuu yahay Plan-B oo ay ula jeedaan inay taageerayaan haddii uu guuldareysto Farmaajo.

‘Falkii ay sameeyeen xildhibaanada mucaaradka cusub’ oo laga jawaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi-saabir Nuur Shuuriye oo maanta ka qeyb ka ahaa xildhibaanadii ansixisay jadwalka guddoonka labada gole ayaa weerar siyaasadeed culus ku qaaday xildhibaanada taabacsan Farmaajo.

Cabdi-saabir ayaa xildhibaanada cusub ee taabacsan Farmaajo ku tilmaamay “Mucaaridka cusub ee golaha”, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay diidan yihiin qabashada doorashada guddoonka.

“Mucaaridka cusub ee tirada yar ee Nabad iyo Nolol ee diidan qabashada doorashada gaar ahaan mida guddoonka waxxaan leeyahay weli lama gaarin waqtigii mucaaradnimada ee waxaa lagu jiraa waqtigii sameysanka Baarlamaanka 11-aad marka sii kaydsada Energy-ga cusub,” ayuu ku yiri Cabdi-saabir qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Gacan ka hadalku ma ah mucaaradnimo ee waa shaqo ciidan Gorgor, Gaashaan iyo Haramcad. Hubka Baarlamaanku waa Dastuurka KMG, Xeerhoosaadka iyo dood maangal ah.”

Sidoo kale Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dhacdadii maanta ayaa sheegay in taageerayaasha Farmaajo ee qeybta ka noqday Baarlamaanka ay hadda isku bedeleen mucaarid.

Fiqi ayaa halis weyn ku tilmaamay kusii shaqeynta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, kadib hoobiyeyaashii maanta lagu eekeeyay, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ahaayeen mid siyaasadeed.

“Hoobiyihii, feerkii iyo buuqiiba waa codeeyeen laakin natiijadii waxba kama bedelin. Barlamaanku mucaarad iyo muxaafid ayuu lahaan jiray, hadda taageerayaasha Farmaajo oo fara ku tiris ah waa mucaarad, taageerayaashii mucaaradkuna waa muxaafid, waagii hore hoobiye iyo feer midkoodna ma jirin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku sii daray “Farmaajo iyo kooxdiisa waa muuqataa in ay mucaarad ku danbeyn doonaan laakin waxay u baahan yihiin koorsooyin mucaaradnimo edban ah in ay qaataan.”

“Waa halis ku sii shaqaynta villla Hargaysa, hawl meesha ay ka dhacayso uu darbiga ku dhegan ka soo horjeedo way adag tahay sida qaab nabdoon ay ugu socon karto.”

Hadaladaan ayaa imanaya ayada oo kulankii maanta ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.

Shuruudaha musharaxa u tartamaya xilka guddoonka BF oo la shaaciyay (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa goordhoweyd soo saaray shuruudaha laga rabo musharaxiinta isku soo taagaya xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Shuruudaha uu guddiga soo saaray ayaa waxa kamid ah in Xildhibaanka isku soo tagaya jagadaas uu haysto Aqoonsiga Xildhibaanimo (ID Card-ka).

Guddiga ayaa ku wargeliyay musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka in 19-ka illaa 22-ka April ay soconeyso diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka.

Shuruudaha Musharixiinta laga rabo oo dhameystiran, ayaa waxay kala yihiin;

  1. Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)
  2. Arjiga caddeynta Musharaxnimo
  3. Taariikh nololeedka Musharaxa (CV)
  4. Labo Sawir
  5. Warqadda cadeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe
  6. Balan-qaadka u hogaansamridda natiijada doorashada
  7. Foomka diiwaan-gelinta Musharaxa
  8. Foomka soo-joodinta Musharaxnimada

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ay maanta si wada-jir ah u ansixiyeen labada gole jadwalka doorashada guddoonka labada aqal, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa dadajinta doorashada madaxweynaha.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii maanta.

Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 22-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.

Xildhibaano ka falceliyey madaafiicdii lagu garaacay BF iyo cidda ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii hoobiyeyaasha ee maanta lagu qaaday xarunta baarlamanka Soomaaliya oo ay kulan ku lahaayeen xildhibaanada Labada Aqal.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu Alle ka samata bixiyey weerarka isaga oo xusay inay shaqsi ahaan isaga dhaawacmeyn 2 askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa.

“Wuxuu Alle maanta naga samata bixiyey hoobiye lagu garaacay xarunta Golaha Shacabka, waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ay labo ka mid ah ilaaladayda gaar ah yihiin. Waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah iyaga iyo inta kale ee dhaawaca ah. Hoobiyuhu uma muuqan mid meel fog ka yimid, wuxuuna qayb ka yahay qalqal gelinta amniga iyo isku dayga dib loogu dhigayo doorashada. Hadda ka dib waa in kulamada, khudbadaha iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo ku xigeennadooda lagu qabtaa Teendhada Afisyoone, si aan dib looga dhicin doorashada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sidoo kale xildhibaan Qaali Shire oo kamid ah xildhibaanada cusub ee soo galay baarlamaanka 11-aad ayaa shaki gelisay in madaafiicdaas ay soo tureen kooxda Al-Shabaab.

Qaali Shire ayaa sheegtay in xiligaas ay aad ula socotay waxa dhacayay, maadama ay joogtay banaanka, islamarkaana ay madaafiicdaasi ahaayeen kuwa ka yimid meel aan aad uga fogeyn goobta.

“Madfacaas Askari meesha taagnaa uu ka fakaday waa yeelayaa lakiin meel fog uu ka yimid cidii loo shegaa waa ciyaal dadka anaa ugu dhawaa oo banaanka joogay,” ayey ku tiri Qaali Shire qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ugu miisaanka culus baarlamanka Soomaaliya ayaa isna sheegay in ujeedada madaafiic lagu garaacay xarunta Baarlamaanka ay aheyd in la baqdin geliyo.

“Markii ay u socon weysay isbaaradii ay rabeen in ay u dhigtaan doorashada Guddoonka Barlamaanka ayay Hoobiye noogu badaleen si naloo baqdin geliyo. Iyadiina waa socon weysay!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka.

Mahad Salaad, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire oo la kala qabtay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.

Kaamirooyinka warbaahinta ayaa qabatay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo u fak-fakanayo xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu culus ee mucaaradka, kaasoo xildhibaanada buuqa sameynayey ugu baaqayey inay ka ag fogaadaan guddoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaan Kulane Jiis oo NISA ka tirsanaa baarlamaanka kusoo biiray uu u gacan qaadi rabay guddoonka ku-meel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad), inkastoo aan ka helin caddeymo.

Cabdishakuur Cali Mire iyo Kulane Jiis ayaa kasoo horjeeday in maanta uu Baarlamaanka ansixiyo jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka Labada Aqal taas ugu dambeyn ku dhammaatay si aysan ku qanacsaneyn.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasi oo xildhibaanadan la sheegay inay doonayeen inay ka hortagaan.

R/W ROOBLE oo shaaciyey ujeed laga lahaa weerarkii lagu qaaday xarunta BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday ujeedka laga lahaa weerarkii maanta lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ka socday kulan wadajir ah oo ay yeelanayeen labada Aqal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble lagu yiri  “Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

“Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Rooble kasoo baxay.

Dhinaca kale, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaalka Baarlamaanka Federaalka ee dhameystirka doorashada guddoonka labada gole iyo jadwalkii lasoo saaray Maanta.

Warka kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa ku soo beegmaya xilli maanta labada Gole ay yeesheen kulan wadajir ah, kaas oo ay ku meel marinayeen jadwalka doorashada guddoonka labada gole ee baarlamanka federalka Soomaaliya.

Kahor kulanka ayaa waxaa jiray cabsi xooggan oo laga qabay in taageerayaasha madaxweynaha Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay fowdeeyaan kulanka, si dib loogu dhigo doorashada guddoonka labada aqal.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Hadalka kasoo baxay ra’iisul wasaare waxaa laga fahmi karaa in eedda uu jeediyey ay tahay mid siyaasadeysan, ayada oo aanu si toos ah cid gaar ah u magacaabin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka. 

Wararkii ugu dambeeyey ee hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay baarlamaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya ayaa sheegaya in goordhow hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, xilli uu soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada Gole oo lagu ansixiyey habraaca doorashada guddoonka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura is-bedashay, waxaana qal-qal amni laga dareemay xarunta Baarlamaanka oo ay ka socotay shaqo adag oo lagu dardargelinayo doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa jira khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhaawacmay ay ku jiraan laba ka mid ah ilaalada xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo ku sugnaa barxadda Baarlamaanka.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kadib qoraal ay ku baahisay Internet-ka, kaas oo kaga hadashay weerarka Baarlamaanka.

kooxda ayaa shaacisay in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha xarunta, balse ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay halkaasi.

Arrintan ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo amniga dalka, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli lagu jiro kala guur iyo marxalad adag oo doorasho.

JADWALKA iyo habraaca doorashada guddoonka labada aqal oo la ansixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaallo oo ay ugu horreyso doorashada guddoonka Labada Gole ee dalka.

Ugu horreyn xildhibaanada cusub ayaa ansixiyey wax ka baddelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaarka ah doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

Habraacan ayaa waxaa ogolaatay illaa 190 Mudane, waxaa diiday hal xildhibaan, waxaa ka aamusay 6 xilddhibaan, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi kadib, waxaa warbixin laga dhageystay guddoomiiyeyaasha guddiyada doorashada ee labada Aqal oo ka warbixiyey qorshe howleedkooda iyo jadwaka ay dajiyeen.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Golaha Shacabka oo warbixinta gudbiyey ayaa shaaciyey jadwalka.

19-ka ilaa 22-ka bishan April ayuu sheegay in la bilaabayo diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada). 23-ka bishaan ayuu sheegay in loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka. Maalinta xigta ee 24-ka April ayaa sidoo kale loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’ 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.

Dhankiisa guddoomiya guddiga doorashada ee Aqalka Sare ayaa isna shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka Golahaasi, wuxuuna sheegay 19-ka ilaa 20-ka bishan April la diiwaan-gelinayo murashaxiinta guddoonka Golaha. 23-ka illaa 24-ka April in loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee Golaha Aqalka Sare, halka 26-ka ay dhaceyso doorashada guddoonka.

Sidoo kale xildhibaanada isku raacay lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Macalimuu oo shaaciyey inay soo weerareen ciidamo ku beel ah Farmaajo (Daawo)

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Mudane  Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey weerar xalay saq-dhexe lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay Garbahaarey.

Macalimuu ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in weerarkaasi ay ku soo qaadeen xilli Suxuurtii ah ciidamo ku beel ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in la doonayey in lagu khaarijiyo weerarkaasi, balse uu ka bad-baaday, sida uu u sheegay Suxufiyiinta.

“Xalay 3:30AM xiligii suxuurta aan isku diyaarinayay waxaa la isku dayay in la isug soo weeraro ciidamo ka amar-qaata Villa Somalia, Iskudaygaas waxa uu ahaa mid la rabay in la igu soo afjaro, sagaal-saac habeennimo waxaa la igu yiri ciidanku xerada wuu kasoo baxay oo way kugu soo wajahan yihiin, waxaa nasiib darro ah in ciidamada oo aan cadawga lagu weerarin lagu beegsado saraakiishii Al-Shabaab ka qabsatay Gobolka Gedo,” ayuu yiri.

Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee la geeyey gobolkaasi, wuxuuna tilmaamay inay yihiin hal beel ah, isla-markaana dano siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyeed loo geystay halkaasi.

Ninkan ayaa mar la safnaa Villa Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay dowladu dagaalka ku qaadeysay Axmed Madoobe, walow markii dambe ay kala furteen isaga & madaxtooyada.

Xaaladda Garbahaarey ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidanka dowlada oo ku aadan eedeyntaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan meel qaraar ay mareyso arrinta degmada Garbahaarey, kadib markii doorashadii magaaladaas loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse maamulka gobolka ee taabacsan Villa Soomaaliya ayaa ka horyimid tallaabadii ay qaadeen FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Xog: Agaasimaha cusub ee loo magacaabayo NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA Yaasiin Farey ayaa la filayaa inuu xilka ka dego marka uu maro dhaarta xildhibaan, waxaana xog aan helnay ay sheegeysaa in lagu beddeli doono sarkaal ka tirsan NISA oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Absame

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magacaabista Taliyaha NISA todobaadkii hore dib loo dhigay iyo in Yaasiin Farey uu xilka wareejiyo sababo la xiriira cabsi laga qabay diidmo iyo khilaaf hor leh inuu ka dhex abuuro Villa Somalia iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa lagu tijaabiyay xil wareejinta taliyaha ciidamada Asluubta Taliye Shub oo awood qeybsi ahaan kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, taasi oo wax fal celin ahna uusan ka sameyn Rooble.

Taliyaha cusub ee Asluubta Jen. Cabdikariin Cali Afrax oo aan ku beel aheyn Taliyihii hore ayaa wado cusub u furay xilalka awood qeybsiga ku dhisan, waxaana la filayaa in taliyaha cusub ee NISA loo magacaabi doono Taliyaha hoggaanka IT Eng. Cabaas oo kasoo jeeda beesha Weyteen Absame.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ahmiyad gaar ah siinaya qofka noqon doona taliyaha NISA inuu yahay qof ay hubaan oo la shaqeyn kara.

Hay’adda NISA ayaa ku eedeysan falal tacadiyo ah oo ugu horeyso kiiska Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalihii ku dhowaa Fahad Yaasiin, waana sababta dhalisay khilaafka ay ku kala guureen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo.

Ma cadda xilka ay heli doonta beesha shanaad, oo awood qeybsiga beelaha ay tahay inay hesho mid ka mid ah shanta taliye ee ciidamada, ayada oo markii hore u uku fadhiyey Fahad, balse sidii xilka looga qaaday uu hayey Yaasiin Farey oo kasoo jeeda Abglaa/Hawiye. 

DF oo jawaab ka bixisay dalabkii reer MUQDISHO, kadib qaaday tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomalaiya oo ka jawaabeysay dalabkii reer Muqdisho ee ku aadanaa wax ka qabashada kooxaha ciyaal weerarada ee ka dilaacay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xalay qaaday tallaabo culus.

Ciidamada Booliska oo fulinayey amar kasoo baxay madaxa sare ee dalka ayaa xalay howlgallkii ugu ballaarnaa ka sameeyey degmada Dharkenley oo ka mid ah degmooyinka laga barakacay, kadib markii ay ku xoogeysteen kooxaha ciyaal weerada ee hubeysan.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaas oo lagu xiray saldhigga degmadaas, si markaasi looga qaado tallaabo sharci ah.

Taliyaha Booliska degmada Dharkenley Macalin Aadan oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka, isla-markaana wuxuu farriin u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka bilaabay xaafadaha Dharkenley.

“Haddii cunugaagii oo gacanta lagu hayo ka daba imaato oo tiraahdo kama tirsaneyn waa inkirmaad ama difaacid, haddaad qarisaa la mid ah hadaad soo sheegi weyso ayaa la mid ah haddaad wax ka qaban weyso ayaa la mid ah,” ayuu yiri Macalin Aadan.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley Guhaad Sheekh Xasan oo ka hadlay dhibaatada ka taagan degmadiisa ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay cirib tiri doonaan kooxaha ciyaal weerarada, isla-markaan ay dhigi doonaan xabsiga, si loo xiro.

“Ka maamul ahaan ka hay’ad amni ahaana waxaa naga go’an inaan ciribtirno, insha allah ciyaalkaas weerarada,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka reer Muqdisho oo xilliyada habeenkii ay lasoo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

DAAWO: DAA’UUD CADAR CILMI: Maalmo kadib geeridii aabihiis ayaa isna la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Daa’uud Cadar Cilmi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, kuna shaqeysanayey mootada nooca Bajajta, kadib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa xilliga afurka ee shalay gelinkii dambe lagu dilay Aargada Dayniile, isaga oo Sooman isla-markaana u socday xaafaddiisa, si uu uga soo afuro.

Daa’uud Cadar ayaa korinayey sideed caruur ah oo isagu dhalay iyo sideed kale oo uu maalmo ka hor ka geeryooday Aabihiis, sida ay sheegtay Hooyada dhashay marxuumka.

“Daa’uud Aabihiis bil-buu duugan yahay hadda dhow ayuu dhintay aniga hadda Asaay ayaa ii saaran. Sideed caruur ah oo isugu dhalay iyo sideed kale oo aan aniga dhalay oo isagu u dhaq-dhaqaaqayey ayaa ku nool meeshaan marka xaq darro ayaa lagu dilay,”ayey tiri.

Sidoo kale Hooyadan oo ay ka muuqatay tiiraanyo ayaa baaq u diray dowladda, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxayna ka codsatay in cadaalad loo helo wiilkeeda, maadaama uu baxsaday askarigii dilay.

Hooyadan ayaa sidoo kale shaacisay in wiilkeeda Daa’uud Cadar Cilmi uu ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqayey qoyska, kuna tiirsaneyd noloshooda.

“Waxaan codsaneynaa ninkaas dadkii xaq darrada ku dilay dadka ay quseysay oo ra’iisul wasaaraha leh oo madaxweyne leh oo guddoomiye leh inaan cadaalad helno. Cadaalad ayaan u baahanahay dad maras ah ayaa nahay isagaa noo dhaq-dhaqaaqayey aniga waayeel ayaan ahay” ayey markale tiri Hooyada dhashay Marxuum Daa’uud Cadar Cilmi.

Dhacdadan murugada leh ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka ka dhashay dilalka ay askarta ciidamada dowladda ka geystaan Muqdisho oo sii kordhayey maalmahaan dambe.

Loolanka Fahad iyo guddiga FEIT – Maxaa dhici kara kadib go’aanka Maxkamadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga Qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa farriin adag oo diidmo ah kala kulmay garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, kaasoo la filayey inuu dhankiisa ka riixi doono in la guda galo dacwada kursiga HOP#086.

Fahad Yaasiin ayaa asbuucii hore qabsaday qareen dacwad ka gudbiya guddiga doorashada ee FEIT kaas oo kursigiisa ka reebay kuraastii la doortay ee Golaha Shacabka.

Fahad wuxuu aaminsanaa inuu dhinaca sharciga ku xoog badan yahay halkaasna uu kursigiisa fasax deg deg ah kasoo heli doono, laakiin waxaa muuqata in dhinaca ay is hayaan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inay shaqo adag ka qabteen dhanka garyaqaanka guud.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ee Soomaaliya oo Sabtidii qoraal u diray maxkamadda sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo uu hakiyey guddiga doorashada ee FEIT.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federal inay hakinta kursiga HOP#086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay fulinta doorashada.

Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciga guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in guddiga ay awoodiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka iyo xaqiijinta hannaanka doorashada.

Wuxuu xafiiska garyaqaanka guud diiday sheegashada guddiga doorashada HirShabelle ee ah in doorashada kursiga Fahad Yaasiin loo maray habraacii saxda ahaa. Halkaan waxaa laga fahmay in garyaqaanka guud uu si weyn uga fogyahay Villa Somalia.

Kooxda Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal badan ugu jirta in kursiga Fahad kor loo hayo illaa ay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha Shacabka.

Kooxda Fahad Yaasiin waxay sheegayaan inay garyaqaanka guud ka shakiyeen markii uu diiday inuu kusoo jawaabo labadii maalin ee maxkamaddu siisay.

Mar kale maxkamadda maalin dheeri ah ayey ugu dartay garyaqaanka misana laba asbuuc ayuu codsaday, balse wixii oo dhan ayuu markii dambe garyaqaanku dhinac isaga riixay Sabtidii.

Hadda wararka aan heleyno waxay sheegayaan kooxda Fahad Yaasiin inay xoogooda isugu geynayaan in maxkamaddu tallaabo qaado, ayada oo warar ay sheegayaan in kiiska loo fariisanayo 19-ka bisha oo ah Talaadada.

Xubnaha guddiga FEIT waxay mar hore sheegeen in kursiga HOP#086 lagu laaban doono doorashadiisa. Inkasoo ay sii daayeen Laba kamid ah Afartii kursi oo ay sheegeen in lagu wada laaban doon, haddana ma jiraan wax diidaya in kuraasta dhiman la fasaxo, laakiin caqabaddu waa inaan kursiga HOP#086 laga geli karin heshiis siyaasadeed oo ay Rooble iyo Fahad aad u kala fog yihiin.

Fahad iyo kooxdiisa hadda waxay xoogooda isugu geynayaan maxkamadda Sare, laakiin waxaa la ogeyn sida uu go’aanka maxkamadda u shaqeyn karo maadaama garyaqaankii guud ee Dowladda diiday in dacwad loo qaado go’aanka guddiga FEIT.

Sidoo kale guddiga doorashada ee FEIT iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is kaashanaya uma badna inay go’aan hal dhinac ah oo ay maxkamaddu gaarto inay u hoggaansami doonaan.

IRAN oo jawaab kulul ka bixisay kitaabka qur’aanka ee lagu gubay Sweden

0

Stockholm (Caasimada Online) – Muslimiinta ku nool dalka Sweden ayaa sii wada dibadbaxyo ka dhan ah Rasmus Paludan oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog Stram Kurs (Hard Line) kaasoo magaalooyin ka tirsan Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dibadbaxyo ka dhashay falkaasi foosha xun ee xurma darada loogu geystay Kitaabka Qur’aanka ayaa ku faafayguud ahaan dalka Sweden, iyadoo mudaaharaadayaasha iyo booliska uu dhex maray isku dhacyo sababay in la dhaawaco toban booliska ka tirsan, lana gubo ilaa afar gaari oo booliska leeyihiin.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa jawaab kulul ka bixisay falkaasi, iyadoo u yeertay sii-hayaha safaaradda Sweden si ay u gaarsiiso dareenka jamhuuriyadda islaamiga ah iyo sida ay ugu xun yihiin tallaabada ay kitaabka qur’aanka kariimka ah ku gubeen koox midigta fog ka tirsan oo Swedish ah iyo Denmark, islamarkaana ay ku aflagaadeeyeen bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ergayga Sweden ayaa waxaa u yeeray axadii shalay Madaxa Xafiiska Saddexaad ee Galbeedka Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, isagoo muujiyay sida xooggan ee ay Iran uga cabaneyso xurma darada lagula kacay kitaabka barakeysan ee Islaamka oo uu wado hogaamiyaha koox midigta fog oo ay ilaalinayaan Booliska Sweden, isla markaana uu ku marmarsiyoonayo ee xoriyatul qawlka.

Rasmus Paludan oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta fog Stram Kurs (Hard Line) ayaa isku dayay in uu ku gubo kitaabka qur’aanka kariimka ah sabtidii meel ay ku badan yihiin muslimiinta, isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku gubay Kitaabka magaalooyin ay ka mid yihiin Linkoping, xaafada Rinkeby “Stockholm” ee Soomaalida degto, halkaasi oo Muslimiinta ay kala hortageen tuuryo.

Paludan oo ay wehliyaan ciidamo boolis ah ayaa mar kale tagay goob fagaare ah oo ku taal magaalada Linkoping ee koonfurta Sweden, waxaana la sheegay in ay dhigeen kitaabka quraanka kariimka ah ee Muslimka oo ay isku dayeen in ay dab qabadsiiyaan iyagoo iska indha tiraya dibadbaxyada uga imaanayay dadka daawanayay.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu gubay qur’aanka kariimka ah, isagoo xasuusiyay dowladda Sweden mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta iyo xurmada uu leeyahay Kitaabka quraanka.

Iran ayaa sidoo kale ugu baaqday Sweden in ay qaado tillaabo deg deg ah oo lagu soo afjarayo ceebeynta Qur’aanka Kariimka ah, loona damaanad qaado in falalkan oo kale aysan soo noqon doonin mustaqbalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaa ku dartay in aflagaadeynta iyo xurma darada lagu sameeyay Quraanka ay leeyihiin in ka badan laba bilyan oo muslimiinta caalamka ku nool iyo in la dhaawaco dareenkooda ay tahay xadgudubka ugu xun ee ka dhanka ah xorriyadda hadalka. Waxayna Iran ku eedeysay booliska in uu arrintaasi taageerayo.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliiska ayaa ku dhawaaqay in dibadbaxayaashu ay gubeen haamaha qashinka, bas iyo baabuur boolisku leeyahay, kadib shilal xiriir ah oo ka dhacay magaalada Malmo ee koonfurta dalkaasi iyo magaalooyinka kale.

Isku dhacyo kuwan la mid ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay bannaanbax looga soo horjeedo falkaas waxashnimada ah.

Maalintii sabtida ayey ahayd markii isku dhacyo ba’an ku dhex maray booliska iyo dad mudaaharaadayey meel ku taal bartamaha Sweden oo muslimiintu ku badan yihiin xili ay socdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo talaabadaasi.

Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa taageeray kooxda midigta fog gubay Qur’aanka Kariimka.

Jimcihii, sagaal askari oo booliis ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Orebro ee bartamaha Sweden.

Rabshado ka dhacay magaalada Linkoping ee bariga Sweden maalintii Khamiista, ayaa saddex askari oo boolis ah loo qaaday isbitaal. Labo qof ayaa lagu xiray mudaaharaadkaas.

Xog: Maalinka maxkamadda sare ay qaadeyso dacwada kiiska kursiga FAHAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan ay Maxkamadda Sare ee dalka qaadi doonto dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.

Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas.

Maadaama uu guddoomiye Baashe saaxiib dhow la yahay kooxda Villa Somalia, shaki badan lagama qabo in Maxkamadda Sare ay soo saari doonto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, hadii ay u fariisato kiiskaan.

Todoba maalmood ka hor Maxkamadda Sare ayaa soo saartay qoraal ay ku wargelisay Garyaqaanka guud ee dowladda inuu muddo laba maalmood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacwadeedkan laga soo gudbiyey guddida doorashada ee heer federaal.

Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey.

Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashada.

Sidoo kale Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa ku gacan sayray sheegashada guddiga doorashada HirShabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa.

Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa xoogga saraya sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoonka oo la qabanayo 27-ka bishaan.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda maanta ee xarunta BF iyo arrimaha la isku hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa la filayaa in maanta ay fowdo ka dhacdo xarunta baarlamanka federaalka, ayada oo ay isku hayaan xildhibaano iska soo horjeeda.

Kulankan wadajirka ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa lagu ansixinayaan jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheeda lasoo gabagabeeyo.

Kooxda Rooble ayaa isku dayeysa inay dedejiso kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa inay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga.

Kooxda Fahad ayaa ayagana wada dadaal ay uga hortagayaan qorshahan, si dib loogu dhigo guddoonka doorashada, taasi oo waqti dheeri ah siineysa Fahad.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa xaqiijiyey abaabulka socda ee ah in xildhibaano loogu tala-galay inay fowdo ka kiciyaan kulanka maanta lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

“Farmaajo ayaa abaabulaya Xildhibaano beri fowdeeya kulanka Barlamaanka, si doorashada guddoonka barlamaanka dib ugu dhacdo. Waa qar-iskatuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed. Waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay iskudayo nuucaan oo kale ah!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Kooxda Rooble ayaa dhankoodana ku doodaya inaysan beegsaneyn Fahad, balse ay ka cabsi qabaan in Soomaaliya laga jarto dhaqaalaha caalamka.

Haddii bishan April dhexdeeda la doorto guddoonka labada Aqal waxaa yaraa doona cabsidii laga qabay in bartamaha bisha soo socota ee May – dalka laga jarto taageeradii dhaqaale ee kabka miisaaniyadda.

Sidoo kale dib u dhac dambe oo ku yimaada jadwallada doorashooyinka dalka ayaa halis galin kara nidaamka dib u habeynta deyn cafinta Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa jira dadaallo culus oo ay wado Villa Somalia, kuwaas oo xoogga lagu saaro in dib loo dhigo doorashada guddoonka baarlamnaaka, ilaa inta xal laga gaarayo diidmada natiijada doorashadii kursiga Fahad Yaasiin.

Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa xoogiisa isugu geeyey sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoonka oo la qabanayo 27-ka bishaan.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online Maxkamadda Sare ayaa maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan, waxay qaadi doontaa dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin, iyadoo loo badinayo inay soo saarto go’aan ay ku fasaxeyso, maadaama guddoomiyaha maamula uu aad ugu dhowyahay nidaamka Farmaajo.

Balse khuburada sida dhow u darsa siyaasadda Soomaaliya waxay qabaan in go’aanka Maxkamadda Sare oo la sii saadaalinayo in aysan dhexdhexaad aheyn, uusan wax badan u soo kordhineyn qorshaha la hor istaagay ee Fahad Yaasiin.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey.

Xubnaha guddiga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa shalay guddoomiye u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, taasina waxay sii xumeysay rajadii tartanka guddoomiye ku xigeen ee Fahad Yaasiin.