29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Minnesota DHS revokes licenses of daycare centers in nutrition fraud scheme

Saint Paul (Caasimada Online) – The Minnesota Department of Human Services (DHS) revoked the Lakes Adult Day Center licenses in Minneapolis and the Forever Friendship Adult Day Center in St. Paul in late January after their owners were implicated in a federal nutrition fraud scheme. 

The DHS paid out approximately $22 million to the 11 centers involved in the scheme over the past five years.

Liban Alishire, who controlled the Lakes Adult Day Center, has admitted to pocketing over $700,000 as part of the scheme. Alishire and others are accused of overstating the number of underprivileged children served by his Lake Street Kitchen and Community Enhancement Services and sites, which were sponsored by Feeding Our Future. 

This organization allegedly stole $250 million from federal programs to feed poor children, programs overseen by the state Department of Education.

Mekfira and Abduljabar Hussein, who controlled the Forever Friendship Adult Day Center, have been indicted for falsely claiming that their nonprofit, Shamsia Hopes, could provide daily meals for up to 5,000 children. 

The Husseins obtained around $8 million from the federal government through Feeding Our Future and used most of these funds for personal purposes, such as paying off their mortgage.

DHS barred an undisclosed number of conspirators from working for DHS-funded organizations for 15 years based on information obtained from FBI search warrants and other publicly available documents.

DHS has not yet completed its investigation into all 50 people charged in the meals fraud probe. However, it has stated that it has no authority to halt payments or exclude individuals from its programs based solely on fraud allegations made by other government agencies.

DHS issued a revocation order for the Lakes Adult Day Center due to four previous enforcement actions and 35 licensing infractions, including failing to offer necessary adult daycare services. 

An inspection revealed that participants frequently spent extended periods of time lying on couches, watching television, and socializing with little involvement from staff.

In early 2022, DHS informed Alishire that Lakes’ license was given a two-year conditional status following the documentation of 13 violations by inspectors.

In the case of Forever Friendship, state officials disqualified two “controlling individuals” due to the risks they posed to the program and a licensing visit that found five violations. 

The revocation order against Forever Friendship cited the risks posed by the controlling individuals who have been implicated in the federal nutrition fraud scheme.

DHS is proposing changes to current legislation to allow for a quicker response in the future when alerted to fraud in programs administered by other state or federal agencies. 

The department declined to identify the daycare workers barred from working for DHS-funded organizations, citing state laws prohibiting the provision of information about administrative investigations.

The revocation of the licenses of the Lakes Adult Day Center and the Forever Friendship Adult Day Center serves as a warning to others involved in the federal nutrition fraud scheme and demonstrates the DHS’s commitment to upholding the integrity of its programs and ensuring that public funds are used appropriately. 

The DHS is continuing its investigation into the remaining individuals implicated in the scheme and is working to hold those who committed fraud accountable.

Somalia crisis: U.N. appeals for $2.6B aid to avert famine

Mogadishu (Caasimada Online) – The Horn of Africa region is facing a dire humanitarian emergency, with Somalia at the forefront of this crisis. The country is grappling with the worst drought in recorded history, which has resulted from five consecutive failed rainy seasons. 

The United Nations (U.N.) has issued an urgent appeal for $2.6 billion in aid to help the 7.6 million most vulnerable individuals who are facing acute hunger, conflict, skyrocketing food prices, and the devastating effects of the drought.

The U.N. warns that famine is a distinct possibility in the coming months unless the necessary humanitarian assistance is provided and sustained.

The extent of the crisis

The U.N. warns that nearly 6.4 million individuals are already facing food insecurity, with the number expected to increase to 8.3 million between April and June. This includes 727,000 who will experience catastrophic hunger levels. 

Those at the highest risk are in the Baidoa and Burhakaba districts and displaced populations in the Bay Region and Mogadishu. Furthermore, several areas and population groups in central and southern Somalia are also at risk of famine. 

The U.N. warns that the distinction between a declared famine and the situation millions of Somalis face is “truly meaningless,” as children are already dying of starvation. 

The forecast for the upcoming rainy season is bleak, and the country is in its fifth failed rainy season.

The impact of climate change

The Horn of Africa is getting hotter and drier due to the impacts of climate change, and the U.N. estimates that at least 36.4 million individuals across the region need emergency aid to survive. 

In Somalia alone, more than 1.4 million individuals have been displaced, and over 3.5 million livestock have died, destroying livelihoods and reducing children’s access to milk.

The consequence of inadequate aid

Hunger is set to increase, and as funding for humanitarian assistance dwindles, 8.3 million Somalis will likely face high levels of acute food insecurity, including over 727,000 who will face catastrophic conditions. 

Around eight million individuals in Somalia do not have access to safe water, sanitation, or hygiene services, which has led to a surge in cholera and measles cases, along with a rise in acute malnutrition. 

Conflict and insecurity continue to pose significant challenges, driving needs and hampering humanitarian access.

The need for immediate action

The U.N. stresses that in addition to providing immediate aid, investing in livelihoods, resilience, infrastructure development, climate adaptation, and durable solutions is essential to break the cycle of chronic and recurrent drought. 

The Federal and State governments, local communities, the Somali private sector, and the diaspora are working with the international community to assist the most vulnerable. The U.N. is calling on all partners to support these life-saving efforts.

The importance of donor support

Last year, aid organizations, local communities, and government authorities made significant efforts to respond to the crisis, reaching 7.3 million individuals. However, additional resources and unhindered access to those in need are desperately needed. 

The U.N. Humanitarian Coordinator is also appealing for more donors to “step up and frontload their support,” warning that any delay in assistance could mean the difference between life and death.

The U.N. urges donors to act quickly and fulfill the promise made after the 2011 famine that “never again” would such a tragedy be allowed to occur. 

The situation in Somalia is highly dire, and prolonged and extreme conditions have led to higher-than-normal deaths, even though the technical famine thresholds have not been reached.

 

Daawo: DF oo gurmad u dirtay magaalada Laascaanood oo dagaal adag uu ka socdo

0

Garowe (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA  ayaa maanta magalaada Garoowe ee caasimada Puntland ka dajisay diyaarad wada 6-tan oo daawada noocyadeeda kala duwan ah iyo 6 dhakhaatiir ah.

Dhakhaatiirta iyo dawada oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa loogu gurmanayaa dhawacyada dadka ku waxyeeloobay dagaalka maalinkii 3-aad galay ee ka socda magaalada Laascaanood.

Dhakhaatiirta maanta laga dejiyey Garowe ayaa berri u sii gudbi doona magaalada uu dagaalku ka socdo ee Laascaanood, halkaas oo laga soo werinayo xaalad adag.

Dad badan oo shacab iyo ciidan isugu jira ayaa ku dhaawacmay dagaalka, kuwaas oo aan helin daryeel caafimaad, maadaama ay xaalad adag ka jirto Laascaanood.

Dhakhaatiirta ay dowladda Soomaaliya u dirtay Laascaanood ayaa gaareysa lix xubnood, waxaana berri Muqdisho laga soo dirayaa seddax diyaaradood oo daawooyin wada.

Masuuliyiinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland.

Dadka qaba dhaawacyada daran ayay dowladda Soomaaliya u soo qaadi doontaa Muqdisho, si dabiib caafimaad loogu fidiyo, sida ay noo sheegeen masuuliyiinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka.

Agaasimaha guud ee hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud iyo Agaasimaha waaxda caafimaadka ee hey’adda Cabdullaahi Fanax ayaa loo diray halkaas, waxaana Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in wadahadal lagu xaliyo, isagoo balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaada doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Dagaalka ayaa maanta galay maalinkiisii 3-aad waxayna Somaliland ku madax-adeygeysaa inay sii xajisato gacan ku heynta Laascaanood, halka dadka magaaladaas iyo guud ahaan beesha degta gobolka Sool ay doonayaa inay gabi ahaanba isaga ka baxaan Somaliland.

Hoos ka daawo

Deni oo guddi u magacaabay xaaladda Laascaanood

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa magacaabay guddi ka shaqeyn doona arrimaha bini’aadanimada oo caawi doona dadka kasoo barakacay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Saciid Deni oo cadeeyey inay jirto baahi ku kaliftay inuu magacaabo guddigaan ayaa soo saaray liiska 13 xubnood oo guddigaan uu ka kooban yahay, waxaana guddoomiye looga dhigay wasiir Juxa.

Xubnaha guddigaan ayaa laga soo kala xulay hey’adaha maamulka Puntland, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal, waxayna xubahaasi kala yihiin:

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
  2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
  3. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
  4. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
  5. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
  6. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
  7. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
  8. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
  9. Maxamed Caydiid Jaamac  Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
  10. Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
  11. Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
  12. Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
  13. Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.

Xaalad adag ayaa weli ka taagan magaalada Laascaanood, halkaas waxaa ka socda dagaal ay dadka deegaanku ku diidan yihiin maamulka Somaliland, halka ciidanka Somaliland ay doonayaan inay sii xajistaan gacan ku sii heynta magaalada Laascaanood.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo dhidgiisa dalka Talyaaniga?

0

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf kaga qaatay ilaalada Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga uu hoggaaminayo ee Soomaaliya, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal.

Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankaas ku soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soo dhaweynta diirran oo ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leedahay dalalka Caalamka.

Hoos ka eeg Video + Sawirro

Laba qarax oo ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qarax ayaa caawa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxayna Caasimada Online xog hordhac ah ka heshay bartilmaameedka qaraxyadaas.

Qaraxa koowaad waxaa la sheegay inuu ahaa miino lagu xiray albaabka hore ee guriga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha HirShabeelle Maxamed Cali Caadle.

Guriga wasiirka ayaa ku yaalla Suuq Bacaad, waxayna xogta hordhaca ah sheegeysaa in qaraxaas uusan khasaare nafeed ka dhalan.

Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday guri uu dhisme ku socday.

Guriga la weeraray wuxuu ahaa Dabaq, waxaana ku socday dhisme oo lama deganeyn, ilaa hadana lama soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo ahaa miino lagu xiray dhismaha qabyada ah.

In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta loo weeraray guri dhisme ku socday oo aan la deganeyn, hadana waxaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab canshuur loo diiday ay weerarkaan qaadeen.

Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan soo saarin qaraxyadaan oo daqiiqado yar kala dambeeyey.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka nasatay qaraxyadii ay ka fuli jirtay kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa gaadiidka lagu soo raro. Balse waxaa weli ka dhaca meelaha qaar qaraxyada miinada ama bam-gacmeedka loo adeegsado.

Sidoo kale Muqdisho waxaa weli ka dhaca dilalka qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsato dadka ay doon-doonayaan, taas oo weli aysan xal u helin.

Inkastoo meelo badan oo magaalada ah ciidan dharcad ah ay ku sugan yihiin, kuwaas oo amniga muwaadiniinta kor-kala socda, hadana meelaha qaar Muqdisho weli waxaa lagu dilaa dadka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in kooxda madax-jebinta ee Al-Shabaab ay weli ka howlgasho Muqdisho, dowladuna ay ku guul-dareysatay inay soo qabqabato, waxaana xusid mudan in ciidanka ammaanku ay joogto u sameeyaan baaritaano amni.

Hoos ka eeg sawirrada labadii goob ee caawa qaraxyada laga beegsaday

Heshiiska militari ee DF iyo Imaaraadka oo la geynayo BF iyo xaaladaha ku gadaaman

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee habeen hore ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa la hor-geynayaa baarlamaanka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda.

Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta si weyn u difaacay heshiiskan ayaa sheegay in warar aan jirin laga faafiyay heshiiskaasi, isaga oo xusay in uu lamid yahay heshiisyada Soomaaliya ay la gasho dalalka kale.

“Arrinta ku saabsan heshiiska lala galay Imaaraadka wuxuu ahaa heshiis danaha qaranka loogu daneynayo. Majirto hal qodob oo muujinaya in wax loogu dhimayo madax-banaanida Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waa heshiis dan u ah Soomaaliya, sidaas oo ay isla garteen wasiirada markii ay wada akhriyeen sidaas darteedna loo saxiixay loona gudbiyay baarlamaanka, si uu markaas u ansixiyo.”

Golaha Wasiirrada XFS ayaa habeen hore ansixiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in lagu celiyey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiskaan lasoo galay Imaaraadka, waxaana maalmo ka hor banaanka u soo baxay war sheegayey in heshiiskaan dib loogu celiyey wasiirka oo kulankii golaha wasiirrada uu kala soo noqday.

Heshiiska ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos geeyey Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada aad u wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay daneyneyso inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay dhibaatooyin horleh kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo sii xoogeystay.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, kaasi oo u dhaxeya ciidamada millateriga Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda deegaanka oo iyagu kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saddexda maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato.

Dhakhaatiirta oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen tirada gawaarida gurmadka deg-degga ah ee ambalaasta oo aad ugu yar magaalada oo laga soo tebinayo khasaare badan.

“Waxaan la tacaalnay dhowr qof oo dhaawac ah hal qofna wuu dhintay maanta, kani waa hal isbitaal, waad qiyaasi kartaa xaaladda ka jirta isbitaallada kale ee Somaliland. Waxaan fileynaa in ay tiradu kor u kacdo. Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan,” ayuu yiri Dr Cabdi Majiid oo la hadlay BBC.

Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay caqabad weyn ka heysato sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay isku dhaca oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Sidoo kale dad badan ayaa ka barakacay magaalada.

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.

Dowladda federaalka oo ku dhawaaqday hal fursad oo leh shan faa’iido – Fallanqeyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqo la’aantu waa cinwaan weyn marka laga hadlayo Soomaaliya. IMF iyo World Bank ayaa barnaamijka deyn cafinta dartii waxay hor istaageen in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay shaqaale qorato lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Laakiin hadda nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kowsanaya shaqaaleysiin, taasi oo ah wax si weyn loo naawilayo.

Isniintii wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya waxay daah-furtay tartan loo galayo saddex kun oo macalin oo kamid noqonaya shaqaalaha rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada ee dowladda federaalka ayaa ku daah-furay mashruucan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si online ah ayay macalimiintu u codsanayaan shaqadan, kadibna waxay u gali doonaan imtixaan ka dhici doona Muqdisho iyo gobolada dalka.

Shaqaale rasmi ah ayay noqon doonaan saddex kun ee macalin ee ku soo baxda imtixaankan, waxayna ka shaqeyn doonaan in ka badan 100 iskuul oo dalka ku firirsan.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la xasuusta in dalka laga hirgeliyay barnaamijkii aada dugsiyada, kaasi oo ay ku dhawaad kun macalin shaqo ka heshay kana faa’iideysteen kumanaan arday ah.

Barnaamijkan cusub in ka badan 200 kun oo arday ah ayay wax bari doonaan saddex kun ee macalin ee kusoo baxda imtixaanka shaqadan.

Haddaba maxay ka dhigan tahay tallaabadan;

1. Xasan Sheekh iyo Waxbarashada: Madaxweynaha fadhiya Villa Somalia wuxuu sii xoojinaya diiwaankiisa wanaagsan ee adeegyada bulshada, si gaar ah waxbarashada oo uu si weyn ugu soo caanbaxay inta uusan soo galin siyaasadda.

2. Shaqo abuurka: In shaqo loo abuuro saddex kun oo qof oo Soomaali ah waa tallaabo weyn ah oo wax ka badelaysa nolosha saddex kun oo qoys oo Soomaaliyeed. Tani waxay xoojineysa dhanka togan ee nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

3. Ahmiyad siinta Tacliinta: In shaqaalihii ugu horeeyay ee uu nidaamka Xasan Sheekh qoraayo ay macalimiin noqdaan waxay muujinaysa sida ay dowladda hadda jirta u fahamsan tahay in marka hore bulshada la dhiso si ay u dhisaan dal iyo dowlad isku filan.

4. Hab xulashada macalimiinta: Shaqaaleysiintan looma eegayo hanaanka 4.5 ee waayihii dambe ku milmay nolosha Soomaalida.

5. Wasiir Faarax: Markii la dhisay golaha wasiirada ee ra’iisul wasaare Xamza waxaa idinla wadaagnay in Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu yahay wasiirka qura ee munaasib ku ah wasaarada loo magacaabay.

Durtaba wuxuu qaaday laba tallaabo oo waaweyn, mid waa in uu lacagihii ka dhaafay ardayda shahaadada ka qaadaneysa wasaarada, midna waa in uu saddex kun oo macalimiin ah ku biirinayo shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya si ay wax u baraan in ka badan 200 kun oo caruur Soomaaliyeed ah.

Halkan waxaa laga baranaya haddii la iswaafajiyo wasaaradaha iyo shaqsiyaadka loo dhiibayo in wax badan u hagaagi karaan dalka.

Deadly conflict in LasAnod, Somalia enters third day

LasAnod (Caasimada Online) – The ongoing conflict in the city of LasAnod in the Sool region in northern Somalia has entered its third day, with reports of new areas being affected, according to eyewitnesses and city officials. 

The violence erupted on Monday when Somaliland forces tried to enter the city and were met with resistance from residents who reject being under Somaliland’s administration.

“At least 40 people have been killed, and over 150 others have been injured since the fighting began,” reported Ahmed Mohamed Hassan, the Director of LasAnod General Hospital.

Eyewitnesses in the Gooja-Adde area reported intense fighting between Somaliland forces and SSC regional troops. “Both sides are exchanging heavy fire, including the use of heavy weapons and artillery,” a resident said.

The international community has expressed grave concern about the violence in LasAnod and has called for an immediate end to the fighting. 

“We call for an immediate de-escalation of violence, the protection of civilians, unimpeded humanitarian access, and for tensions to be resolved peacefully through dialogue,” stated Somalia’s international partners.

The UN High Commissioner for Human Rights, Volker Türk, has also called for an independent and impartial investigation into the clashes. 

“I am concerned by reports of continuing clashes and the potential consequences they could have on the already fragile humanitarian situation in the region,” Türk stated. “I call on the authorities to conduct a credible and impartial investigation into the clashes and hold those responsible accountable in fair trials.”

Somali President Hassan Sheikh Mohamud has also appealed for an immediate end to the conflict. “The solution to the problems in Sool and Sanag lies within the realm of politics. It’s incorporated into the overarching policy aimed at seeking unity in Somalia,” the President explained. 

“The will of the people cannot be resolved through the use of force. Their will must be respected, weapons must be laid down, hostilities must cease, and a negotiating table must be set.”

The tension in LasAnod has been escalating over the past month due to the local population’s opposition to the presence of Somaliland’s administration and demand for the withdrawal of its troops. 

Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment in the area.

The current crisis was triggered by the assassination of local youth leader and opposition Waddani Party member Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), who was blamed on Somaliland. 

The Somaliland security forces have used force to quell the situation, leading to casualties and further fueling the conflict.

Sawirro: Xamza oo saldhiga Ballidoogle tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Danab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Ra’iisul Wasaare Xamz ayaa uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan.

Safarka Xamza ee Ballidoogle ayaa waxaa ku wehlinayay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga, wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Cutubyadaan maanta soo dhameystay tababarka ciidan ayaa la filayaa in ay ka qeyb noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday dalka, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.

Duqa Laascaanood oo weerar culus ku qaaday Somaliland iyo xiisadda oo kasii dartay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Duqa Laascaanood ee Somaliland, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada, isaga oo weerar culus ku qaaday maamulka uu ka tirsanaa ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Cabdiraxiin oo barbar taagan yihiin xildhibaano ka tirsan golihiisa deegaanka ayaa shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabka.

“Waxaanu cadeynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, in la duqaynayo masaajiddadii, in la duqaynayo kaalmihii shidaalka iyo guryahii dadka shacabka yaaleen. Halkaan aan taagannahay waa cusbitaalkii Laascaanood. Madfac baa ku dhacay. Waxaa ku waxyeeloobay hooyo ummul ah, xataa Masaajidadii ayaa gubanaya,” ayuu yiri Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.

Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadii Somaliland ee ahayd in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxo argagixiso ah.

“Waxaan caalamka u cadeynaynaa anigoo ah duqii Laascaanood, in aan Laascaanood argigixiso ka dagaalamayn. Waxaa dagaalamaya waa shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya. Xasuuq baa socda.”

Duqa Laascaanood ee Somaliland oo hore u taabacsan maamulka Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan magaalada Laascaanood.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.

Puntland oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta doorashada muranka dhalisay

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dib u dhigay diiwaan-galinta doorashada qof iyo cod ee la filayay inay ka bilaabato magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi.

Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in loo baajiyay iyada oo aan weli wax xal ah laga gaarin qul-qulatooyin looga soo horjeedo doorashada oo ay caasimada Garoowe ka wadaan ciidamo maleeshiyo beeleed ah.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin siyaasiyiin isku xiran oo mucaarid ah, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda qorshaha doorashada qof iyo cod ee xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Deni.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood uu qeyb ka yahay sababaha keenay in dib loogu dhigo diiwaan-galinta doorashada.

Illaa iyo hadda lama oga xilliga ay bilaabanayso diiwaan-galinta doorashada.

Madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa hore ugu madax adaygay in ay sii socoto diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod, taasi oo hanaankeedu uu madmadow badan ku gadaamna, hase yeeshe tallaabadan uu maanta qaaday maamulka ayaa noqotay mid lama filaan.

Mucaaridka ayaa hore u dalbaday in la joojiyo doorashada, kadib markii ay guddiga doorashada maamulkaasi ku eedeeyay in ay gacanta ugu jiraan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxay sidoo kale dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyeen in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa “doorashooyinka qof iyo cod” oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun.

Si kastaba, Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa qorshahooda uu ahaa inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo maanta ciidamo kasoo dajisay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta ciidamo cusub kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS ee ka socdo gudaha Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Ghana, waxayna ku biiriyaan ciidanka Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Tiro ahaan ciidamadan waxaa lagu qiyaasay illaa 50 askari oo Boolis ah, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay xerada Xalane ah oo ah taliska guud ee ciidanka howlgalka Midowga Afrika.

Sidoo kale ciidamadan ayaa u yimid in ay qayb ka noqdaan howlgallada nabad ilaalinta ee ka socdo gudaha Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidanka horay u joogay gudaha dalka.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in askartan ay soo qaateen tababaro muhiim ah oo ku aadan  la dhaqanka bulshada, si ay uga howlgalaan gudaha Soomaaliya.

ATMIS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadani la geyn doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka howlgali doonaan muddo sanad ah, waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaa ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan halkaas.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kumanaan askari oo Afrikaan ah, kuwaas oo isugu jiro Boolis iyo Milatari, waxayna dowladda ka caawiyaan nabad-gelyada.

Keenista ciidamadan cusub ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray.

Si kastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ay ku shireen dowladda federaalka iyo waddamada dariska ee la’isku yiraahdo safka hore, kuwaas oo ka hadlay ammaanka guud ee gobolka & sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Laascaanood oo goobo horleh kusii fiday iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka ka socdo magaalada Laascaanood, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu marke saaka dib uga bilowday Laascaanood, wuxuuna ku fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga Gooja-cadde, halkaas oo talis ku leeyihiin ciidamada Somaliland, waxaana weeraray ciidamada deegaanka ee SSC.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsanaya hubka culus iyo madaafiic xoogan oo ku hoobaneyso aaga Gooja-cadde, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, ayada oo uu haatan sii xoogeysanayo dagaalka ka socdo halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u cakiran, waxaana dagaalladan ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Dhanka kale waxa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana Beesha Caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wadahadalo.

Dhankeeda Qaramada Midoobay oo war soo saartay ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.

RAG hubeysan oo xalay xildhibaan ku dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland loogu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa lagu toogtay Allaha u  naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada Jubbaland.

Marxuumka oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masjid, ayada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkiisa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo war kasoo saaray dilkan ayaa  ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanka uu usoo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, gaar ahaan reer Jubbaland, isla-markaana lagu xasuuqan doono wanaagiisii.

Dilka loo geystay xildhibaanka ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay haddane howlgallo ka sameeyaan ciidanka amniga.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jabiyay dagaallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

DF Soomaaliya oo shaacisay arrin ay kooxda Al-Shabaab uga guuleysatay (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay xarunta Wasaaradda ayaa faah-faahin ka bixiyay wax-qabadka dowladda ee todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana la taagnaa madaxa Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef.

Daa’uud Aweys ayaa intiisa badan diiradda saaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda dalka, isaga oo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weli xajinayaan guulaha waa weyn ee laga gaaray dagaalka kooxda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda ay ku guuleysatay dhaqan-galka baaqeedii ahaa  in ay isa soo dhiibaan xubnaha Al-Shabaab, isaga oo shaaca ka qaaday inay xubno badan u hoggaansameen baaqaas, ayna isku soo dhiibeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

‘Qaar kamid ah Khawaarijta ayaa u hoggaansamay baaqii dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa inay isku soo dhiibaan dowladda si loogu sameeyo dhaqan celin,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyaro ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu soo dhaweeyay maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

“Tiro kamid ah iyaga ayaa isku soo dhiibay goobo kala duwan sida HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed” ayuu sii raaciyay.

Waxa kale oo uu markale ku celiyay amarkii dowladda ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxda Al-Shabaab, isagoo dhanka kale tilmaamay in guul laga gaaray dagaalka dhaqaale.

“Waxaa markale shacabka la xasuusinayaa in ay ka fogaadaan inay la macaamilaan Khawaarijta dhinac kasta ha noqotee,” ayuu markale yiri Wasiirka Warfaafinta.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dalalka dariska oo uu sheegay in go’aan looga gaaray dagaalka Al-Shabaab, waxaa kale oo uu ka hadlay shirkii dib u heshisiinta Koonfur Galbee oo uu tilmaamay in lagu guuleystay.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xaaladda Laascaanood, wuxuuna sii adkeeyay baaqa madaxweynaha ee ku aadan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda ka jirta magaaladaasi.

QM oo dalbatay in la baaro cidda ka dambeysa shacabka lagu dilay Laascaanood

New York (Caasimada Online) – Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

Dagaalkaas oo qarxay Isniintii ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey agaasimaha isbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan. 

“Ugu yaraan 20 qof ayaa la dilay, qiyaastii 119 kalena waa lagu dhaawacay – oo ay ka mid yihiin caruur – dagaalka u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo qabaa’ilka deegaanka ee magaalada Laascaanood,” ayuu yiri Türk.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka walaacsan yahay in isku dhacyada weli ay socdaan, ayna jiraan warbixino sheegaya khasaare dheeraad ah.

“Dilalkan sharci-darrada ah ayaa imanaya hal bil kadib markii 20,000 oo qof ay barakiciyeen isku dhacyada Laasacaanood, kuwaas oo oo keeni kara barakac dheeraad ah, siina cusleyn kara xaaladda bani aadannimo ee gobolka.”

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ah oo lagula xisaabtamo maxkamadeyn caddaalad ah, oo ay qeyb ka tahay burburka lasoo sheegay ee guryaha.”

Hadalka QM kasoo baxaya ayaa ah mid miisaan culus, wuxuuna imanaya ayada aoo ciidamada Somaliland horey loogu eedeeyey inay shacab ku dileen magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana aan la aqbali karin dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo macno-darro ku daata.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag uu xalkeedu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana uu ku dhex jiro siyaasadda guud ee lagu raadinayo midnimada Soomaaliya.

“In maanta rabitaanka dadka qori lagu xaliyo suurta-gal ah ma ahan, rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shekeh.

Waxa uu odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka ugu baaqay inay nabadda ka taliyaan, ayna la hadlaan inta dagaaalka ku lugta leh, oo ay wiilasha qoryaha wata ka qaadaan.

Qatar oo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Xamar iyo Xasan Sheekh oo dhowaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dalka.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa shalay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ugu tagay Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Xamza Aadan Xaadoow, kaasi oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xoghayaha joogtada iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan ayaa waxa labada masuul ku wehlinayay agaasimaha habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda arrimaha dibadda Mustaf Aadan Dagaal iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed midda ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

 

NISA oo sharci noqotay – Afar arrin oo uu ka dhigan yahay sharciga la meel-mariyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay Sharciga Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcigan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan, halka uu diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka golaha shacabka.

53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaasi oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

Haddaba, waxaa warbixinteena ku eegayna afar arrimood oo muhiim ah oo la xiriira sharci noqoshada NISA, dhinaca kalana faa’iido u ah muwaadinka Soomaaliyeed.

1. Indho sharci iyo isla-xisaabtan: Hay’ad awoodaas leh oo sharci aan laheyn waxay halis ku tahay cid walba, siyaasi, shacab iyo xitaa nidaamka dowladnimada.

Qof walba wuxuu u bahaan yahay inuu ogaan karo waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay.

Maanta ka hor qofna indho sharci ah kuma eegi karin NISA, laakiin maanta waa naqdin kartaa waana u gar-dhigan karta.

2. Xuquuqda: Haddii aan sharci jirin xuquuqna ma jiri karto.

Xubnaha hay’addu maanta waa xaqlayaal laakiin shalay ma jirin.

3. Xabsiyadii gaarka ahaa: Laga yaabe naftaada ama qof ehelkaaga ah in NISA ku xiratay meel aadan ogeyn. Hadda sharcigan taasi waa xaarantimeeyay, waana faa’iido uu qof walba rabo inuu helo.

4. Berri iyo NISA: Xukunku waa mid wareegaya, maalinba cid ayaa xukumeysa NISA laakiin sharcigan wuxuu caawinaya wax walba oo la xiriira mustaqbalka xogtaada iyo amnigaaga.

Sidoo kale qof walba oo berri NISA xukumi doona wuxuu haysta nuqulkii isaga hagi lahaa, dalkana uu ku hagi lahaa.

Sharcigu maanta iyo berri-ba wuxuu ilaalinaya dalka, dadka iyo dowladnimada.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa ku dhiiraday in NISA ay sharci yeelato, waxaana ansixinta Golaha Shacabka kadib sharcigan loo gudbin doona Aqalka Sare oo maamul goboleedyada metela, si ay u fiiriyaan.