26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

QM oo war kasoo saartay heshiiska cusub ee shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiska cusub ee ay shalay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo go’aano kasoo saaray xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

QM ayaa boggaadisay qodobada ay soo saareen Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib shirkoodii Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo natiijo la aamini karo, marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay si loogu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxay aaaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan, si loo gaaro natiijo la aamini karo waqtiga cusub ee la qabtay,” ayaa yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale QM ayaa ugu baaqday madax goboleedyada inay diiradda saaraan hufnaanta doorashada, si ay u noqoto mid lagu kalsoon-yahay.

Waxa kale oo ay Qaramada Midoobay shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sii wadaan wada-shaqeyntooda, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keenaya khilaaf hor leh ama uga sii dari kara xiisadda taagan.

Hadalka Qaramada Midoobay oo si dhow ula socoto xaaladda cakiran ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, ayda oo shalay Muqdisho lagu soo xiray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu go’aamiyey in doorashada lagu soo gabagabeeyey muddo 40 cisho gudahood ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo muddo sanad ah dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyey in la qabto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka CADAKIBIR iyo khasaaraha soo kala gaaray Al-Shabaab iyo ciidanka DF

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanka Cadakibir oo u dhaxeeya magaalada Guriceel iyo deegaanka Baxdo ayaa sheegaya in illaa iyo xalay dagaal culus uu deegaanka ku dhex marayo ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Cadakibir ee gobalka Galgaduud, waxa uuna u dhaxeeya Ciidamada dowaldda, kuwa maamulka Galmudug, ciidamada Ahlu-Sunna iyo dadka deegaanka Cadakibir oo isku dhinac ah iyo xubna ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii guutada 13-aad ee Qeybta 21-aad Gashaanle Dhexe Cali Maxamed Cagaweyn, Korneel Cabduqadir Maxamed Gasaawe oo ahaa taliyihii howlgalinta qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka iyo seddax askari oo kale.

Sidoo kale, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxda Al-Shabaab ayaa dagaalkii Shalay waxaa looga dilay illaa 7 xubnood halka dhaawaca soo gaaray lagu sheegay inuu kor u dhaafayo illaa 10 kale.

Dagaalka ayaa illa iyo saaka sidoo kale ka socda deegaanka Cadakibir ee hoostaga degmada Guriceel iyo deegaanka Baxdo.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ka dhacay deegaanka Cadkibir oo ay sheegeen iney si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay ku dileen dagaalka sadax askari.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Baxdo oo u dhaw deegaanka Cadakibir, halkaas oo ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamo ku sugnaa oo garab ka helay dadka deegaanka Baxdo.

Muxuu gudiga doorashada ka yiri go’aannada ka soo baxay shirkii MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, wuxuuna guddiga soo dhoweeyey go’aanada kasoo baxay shirkaasi.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga uu boggaadinayo qodobada lasoo saaray, gaar ahaan dhammeystirka habraacyada doorashada iyo muddeynta xilliga la qabanayo.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) wuxuu soo dhoweynayaa go’aannada ay Golaha Wadatashiga Qaran ka gaareen dhammeystirka habraacyadii, muddeynta iyo turxaanbixinta hufnaanta doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu ku soo aaday xilli adag, isla-markaana loo baahnaa, si looga gudbo xiisadda haatan taagan.

“Heshiiskan ayaa ku soo aaday xilli muhiim ah, baahi weyna loo qabay dardar-gelinta, mudeynta iyo turxaan bixinta hufnaanta doorashada dalka,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ka dalbaday daneeyayaasha doorashooyinka iyo shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan sidii ay waqtigeeda ugu qabsoomi laheyd doorashada.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo Golaha Wadatashiga Qaran aysan shirkooda kusoo hadal qaadin khilaafka ka jira Guddiyada Doorashooyinka ee ka dhashay tallaabadii uu qaaday Rooble, waxayna taasi muujineysaa inay ansax tahay xubnihii laga eryey shaqada.

Si kastaba, heshiiska cusub ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ugu muhiimsan tahay in doorashada lagu soo gabagabeeyo 40 cisho ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood xoogan ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

BEELAHA HAWIYE oo soo saaray go’aano xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo war-murtiyeed ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa si buuxda u taageeray ra’iisul wasaare Rooble iyo xukuumadiisa.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay waxgaradka beelaha Hawiye ayaa bulshada reer Muqdisho looga codsaday in Khamiista soo socota ay ka soo qeyb galaan banaan-baxyo balaaran oo looga soo hor jeedo ficillada Madaxweynihii hore.

Banaanbaxaas oo la shaaciyey inuu ka dhici doono fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ayaa cinwaan looga dhigay, “Afgembi diidnay, doorashaan rabnaa.”

“Beesha Hawiye waxay saldhig u tahay dowladnimada Soomaaliya, waxayna dooneysaa in hoggaanka dalka la isku wareejiyo, iyadoo la raacayo shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxay shaaciyeen in uusan jirin damac kursi oo beesha uga jira garabka Farmaajo oo ay ku tilmaameen ‘kaligi-taliye’ “Ma jirto xuquuq siyaasadeed oo nooga maqan ama uu nasii karo kaligii taliye Farmaajo,” ayaa lagu yiri bayaanka Hawiye.

Beesha ayaa aad u cambaareysay kooxo ay sheegeen inuu soo abaabulay Farmaajo oo been abuur ka faafisay beel-weynta Hawiye, iyagoo cadeeyey in beeshu aysan wax cilaa-qaad ah la laheyn Farmaajo.

“Kooxahaasi waxay wareejinayaan inay shireen ‘Farmaajo iyo beesha Hawiye’ waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in uusan jirin habayaraadee wax kulan ah oo aan la yeelanay Farmaajo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay beesha Hawiye.

Sidoo kale beeshu waxay cadeysay in aysan jirin sabab ay hadda kadib xataa ula kulanto Farmaajo, maadaama aysan waxaba uga xireyn, “Waxaan cadeyneynaa in aysan jirin cid wakiil ka ah beesha Hawiye oo la kulmeysa madaxweynihii hore kiligi-taliye Farmaajo,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale Beesha ayaa si buuxda isu-garab taagtay shirka golaha wadatashiga qaranka iyo howl-gudashada ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa.

“Waxaan u cadeyneynaa umada Soomaaliyeed, in aanaa u dulqaada doonin cid kasta oo xagal-daacineysa dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabad ah dalka uga dhacda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Hawiye.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

GALMUDUG oo shaacisay xog ku saabsan saraakiishii lagu dilay dagaalka Cadakibir

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta la aasay meydadka saraakiil iyo askar ka tirsanayd military-ga Soomaaliya, oo shaley gelinkii dambe ku dhintay dagaal ka dhacey deegaanka Cado Kibir, oo ku dhaw degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha la aasay waxaa kamid ahaa Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamad Cartan, oo ahaa taliyihii hawlgelinta Qeybta 21-aad, iyo Gaashaanle Dhexe Cali Maxamad Soocade, oo ahaa taliyihii Guutada 13-aad ee Qeybta 21-aad.

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaallada Al-Shabaab ay ka geysteen Gobolka Galgaduud oo ay ku dhinteen Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda.

Falagle waxa uu sheegay in weerarada Al-Shabaab ay yihiin kuwo jidgal ah, ujeedka ay ka leeyihiin ayuu ku sifeeyay in ay muujiyaan joogitaankooda deegaannada Galmudug sida uu hadalka u dhigay Wasiir Axmed Shire.

“Waxa aan ka tacsiyeenayaa saraakiil si qaldan waddada ugu galeen Al-Shabaab oo geeriyootay, waxa ay wadeen sahan deegaannada ah, Shabaab waxa uu ujeedkoodu ahaa waan joognaa balse ma jiro dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud” ayuu yiri Falagle.

Axmed Shire Falagle waxa uu sheegay in Ciidamada Federaalka & Daraawiishta Galmudug wadajir ay u wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isla markaana ay kawada shaqeynayaan xoojinta nabadgalyada.

Isku dhac Ciidan oo ka dhacay Dhuusamareeb ayuu Wasiir Axmed Shire Falagle ku sheegay in xal ka gaarista shaqaaqadaas loo daayay saraakiisha Ciidamadaas ay ka kala tirsan yihiin si ay u mariyaan anshaxa u yaalla.

Daawo: Fiqi oo faahfaahiyey qorshaha banaan-baxa ka dhanka ah afgamibigii 27-ka December iyo cida fasaxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay banaan-baxa 13-ka bishaan ka dhici doona Muqdisho, sida la qorsheeyey, wasiir Fiqi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday xubnaha taageera Farmaajo.

Fiqi ayaa sheegay in banaan-baxaas oo dhacaya Khamiista soo socota ay ogolaansho uga heystaan wasaaradda amniga Soomaaliya, isagoo wax lala yeebo ku tilmaamay in xubno ka tirsan gobolka Banaadir ay ku goodiyeen inay ka hortegayaan isku soo baxaas.

“Farmaajo waxuu galabta ka hadashiiyey ninkii u qaabilsanaa caayda ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka amniga, waayahaan oo dhan afgembi ayaa laga hadlaayey, halkee lagu arkay nin maamulka gobolka Banaadir ka tirsan oo dhahaya ciidanka aniga ayaa amra? Malaha gobolka ayaa doonaya inuu ciidamada inqilaabo,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale Fiqi ayaa sheegay in kooxda Farmaajo ay ku xadgudbayaan dowladnimada Soomaaliya, “In dad Cali Yare oo kale ah ay dadka reer Muqdisho wax u meeriyaan ilhaano ayey ku tahay, waxa uu maanta ku hadlay dowladnimo sal kuma laha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Fiqi.

“Banaanbaxa aan dhigayno Khamiista, waxaa ogolaansho noo siisay Wasaaradda Amniga wuuna dhacayaa.”

Ugu dambeyntii Fiqi oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri, “Isku soo baxa, cabira shacuurtiina oo ku jebiya xeyndaabka cabsida iyo fowdada, kuna jebiya xeyndaabka Farmaajo iyo CBB-diisa, codkiina meesha uga saara ninkaas saacadihii ugu dambeeyey ee geeridiisa ku jira.”

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxkamadda Ciidamada oo toogatay askari dilay Bajaajle

0

Luuq (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo horay qof shacab ah ugu dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Askariga ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor), waxaana dhowaan lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane oo uu horey u dilay, kaas oo ahaa wade Mooto Bajaajle ahaa, sida ay shaacisay maxkamaddu.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu dilku ka dhex dhacay gudaha saldhigga ciidamada booliiska degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Maxkamadeynta askarigan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ay ku ridday dil toogasho ah, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Goobta lagu toogtay marxuumka oo ah barxadda toogashada ee Luuq-Ganaane ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumka, mas’uuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Gedo iyo kan Degmada Luuq.

Sidoo kale xukunka ay fulisay maxkamadda waxaa si aad ah u soo dhoweeyey waalidiinta iyo ehellada wadihii mooto Bajaajlaha ee uu horay u dilay askariga la toogtay.

Horay Maxkamadda Ciidamada ayaa toogasho ugu fulisay askar ka tirsan ciidanka dowlada, waxaaa ugu dambeeyey dilkii lagu fuliyey 22kii bishii hore December, Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoyda degmadaas isagoo ku dilay garoon Kubada Cagta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

DF Somalia oo shaacisay inay dagaal ku dishay 25 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran Gorgor ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah ay ciidamada uga fuliyeen deegaanada Bariire iyo Tawakal, halkaas oo ay dagaal kula galeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 4-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska Gorgor oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaas ay jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab,ayna ku beegsadeen goobo ay isku uruursanayeen dagaalyahano fara badan.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dagaalka ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen ugu yaraan illaa 25 dagaalyahan iyo saraakiil kale, sida uu hadalka u dhigay.

Taliska Gorgor ayaa intaasi ku daray inuu dhaawacana intaasi kasii  badan yahay, waxayna tilmaameen in howl-galka ay sii wadi doonaan, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa xoojiyey howl-gallada ka socda gobolka Shabeelaha oo weerarada ugu badan ay kasoo abaabulaan xoogaga Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay dad loo heesto DILKII Cabdikaafi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howl-gal ka sameeyey magaalada Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay rag iyo dumar loo heesto inay ka dambeeyeen dil xalay wiil dhalinyaro ah loogu geystay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame, waxaana uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Garoowe.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska, qaybta gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa siroodnka ay gacanta kusoo dhigeen illaa afar qof oo lagu eedeynayo dilka marxuumka, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

“Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha Magalada ka sameyeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka oo xiligaas goobta Ka baxsaday ayna suurto gashay soo qabashada dilkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska qaybta Booliska ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi kusii daray in falkan loo soo qabtay Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo saddex dumar ah, kuwaas oo loo gudbiyey laanta dambi baarista ee CID-da.

Booliska ayaa u mahadceliyey dadka shacabka ah ee la shaqeeyey ciidamada sameeyey howl-galka lagu soo qabtay afartaasi qof ee eedeysanaha ah, loona heesto dilka.

Dhinaca kale duqa magaalada Garoowe, Axmed Saciid Muuse oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dilka Cabdikaafi, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka.

“Waxaa la diley Cabdikaafi Cabdixafiid oo ka tirsanaa shaqaalaha Dawladda Hoose ee Garoowe. Illaahay janadii haka waraabiyo, ehelkiina samir allaha ka siiyo. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay ciidanka amniga kala qaybqaataan sidii xogta dembiilayaasha lagu heli lahaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray duqa Garoowe.

Maalmihii dambe Puntland ayaa xoojisay howl-gallada lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee deegaanada maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Farmaajo oo caawa jeedin doona khudbad xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa jeedi doona khudbad xasaasi ah oo sida ay shaacisay madaxtooyadu ku saabsan xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka Farmaajo, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in khudbadaas uu Farmaajo shacabka Soomaaliyeed uga warbixi doono xaalada guud ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka u jeedin doona Shacabka Soomaaliyeed. Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si toos ah looga baahin doonaa Warbaahinta Soomaaliyeed,” ayuu Afahayeenka Farmaajo ku soo qoray bartiisa Facebook.

Mudooyinkii u dambeeyey Farmaajo ayaa ka aamusnaa xasaradaha siyaasadeed ee dalka ka jira, oo intooda badan uu nadaamkiisu abuuray, waxayna khudbadiisaan ku soo aadeysa xilli khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wixii ka dambeeyey markii Farmaajo lagu eedeeyey afgembi ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha ee dhacay 27-kii December, waxaa aad u yaraa dhaq-dhaqaaqa xafiiskiisa, waxaana caawa laga war sugayaa waxa uu ku sheegi doono khudbadiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta oo cadeeyey mowqifkooda ku aadan go’aanadii shirka Golaha Wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyey war-murtiyeedkii galabta ka soo baxay shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka socday mudo todobaad ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ku amaanay tixgelinta la siiyey talooyinkii ay la wadaageen ee ku aadanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa bayaankaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga dalbaday inay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka doorashada.

“Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa ballanqaadka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aaddanaa mas’uuliyadda xukuumadda ee amniga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu kor-joogteeyo doorashada oo si booxda uu isaga xil-saaro daahfurnaanta doorashada.

“Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Raysalwasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta qaranka oo loo oggolaado musharrixiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa looga hadlay kulankii caawa ee R/W ROOBLE, Kheyre iyo Sheekh Shariif?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo  Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Rooble.

Qoraal kooban oo xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu ka soo saaray kulankaas waxaa lagu sheegay in looga hadlay hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif  Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta  heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulankaan oo Rooble la yeeshay xubnahaan ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii uu soo baxay war-saxaafadeedkii ay madaxda golaha wadatashiga qaranka ku shaaciyeen heshiiska cusub ee hanaanka loo saxayo doorashada.

Dhammaan xubnaha midowga musharaxiinta ayaa maanta la kulmay madaxda golaha wadatashiga qaranka, iyagoo ku biiriyey talooyinkooda ku aadan sixitaanka cabashooyinka doorashada golaha shacabka.

Midowga Musharaxiinta weli bayaan kama soo saarin waxa ay ka qabaan is-fahankii galabta ka soo baxay shirkii 7-da cisho Muqdisho uga socday R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, lamana oga sida ay uga falceli doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga oo la dilay

0

Cadakibir (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in dagaal culus oo galabta ka dhacay ciidanka xoogga dalka looga dilay saraakiil iyo askar, dagaalka ayaana caawa la iska soo gaaray.

Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga dalka G/Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil uu ku jiro Taliyihii howl-gelinta qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdulqaadir Gasaawe iyo askar kale ayaa caawa dhaawacyadooda la gaarsiiyey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa bilaawday garabta, kadib markii ay ciidamada iskaashanaya weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku suganaayeen.

Deegaanka caawa ma jirto cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay, Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa labada dhinac caawa ka jooga deegaanka Cadakibir.

Xogta aan ka heleyno dagaalkaas waxay sheegeynaa in caawa uu gurmad helay ciidankii galabta deegaankaas kula dagaalamay Al-Shabaab, sidoo kale khasaare xoog leh ayaa la sheegay inuu gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanka Cadakibir ayaa u dhaw deeganka Baxdo oo Jimcihii ay weerareen Al-Shabaab, halkaas dadka deegaanka ay kooxda uga laayeen maleeshiyaad badan, waxayan dadka reer Baxdo ku guuleysteen inay deegaanka ka xoreeyaan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maamulka G/Banaadir oo qaaday tallaabo ka dhan ah banaan-baxa isku daygii afgambi ee 27-ka December

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta taabacsan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilaabay qorshe ka dhan ah abaabulka banaanbax ay Mucaaradka iyo garabka Rooble wadaan oo looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo sidoo kale Farmaajo si weyn ugu difaaca baraha bulshada

Cali Yare ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga caasimadda, kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaal.

Shirkan ayaa waxa uu Cali Yare kaga dhawaaqay in magaalada Muqdisho lagu qaban karin banaanbax aan fasax looga heysan maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo uu ku diidan yahay banaanbaxa mucaaridku soo abaabuleen ee looga soo horjeedo Farmaajo.

Dibadbaxan ayaa waxa lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku taariikheysan 13 January ee 2022-ka.

Waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan xukuumadda, maadama ay dhawaan si wada-jir ah u cambaareeyen isku-deygii afgmabi ee uu horkacayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta dibadbaxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo khilaafka Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii uu Farmaajo isku dayay in uu awood ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

18 qodob oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada Dalka, duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lasoo geba-gabeeyey.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 18 qodob oo ku saabsan hab-raaca doorashooyinka dalka iyo amniga kadib dood socotay 6 maalin.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah in Amniga Madaxtooyada ay sugaan ciidamada AMISOM, iyadoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga dalka, oo sida aan xog ku helnay laga heshiin waayey.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ayaa loogu baaqay inaysan faraha la gelin arrimaha siyaasadda oo ay ku ekaadaan kaliya shaqadooda amniga.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabk ayaa loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Soo jeedintii ay Golaha midowga musharixiinta dalbadeen ee aheyd in wax laga badalo sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa la qaatay, waxayna qodobada intooda badan la xiriireen sidii loo sixi lahaa cabashooyinka ka yimid doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka Shirka oo dhameystiran

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3 – 9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu dhammeystiro qodobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Golaha Wadatashiga Qaranka waxay kaloo kulamo wadatashi ku marti–qaadeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Bulshada Caalamka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay hagaajinta hufnaanta doorashada, dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtiyeynta dhameystirka doorashada Goloha Shacabka, xaqiijinta amniga doorashada iyo warbixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha.

Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, Heshiiskii 27-May 2021 iyo Habraacyadii Doorashooyinka ee 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021,Golaha Wadatashiga Qaranku iyagoo tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaaray, waxay guddoomiyeen qodobada oo socda:

1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la caddeeyo, la diiwaan–galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga;

2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada;

3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war–murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;

4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;

5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay;

6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara–galin karo;

7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;

8- Waa in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;

9- Waa in doorashada kursi kasta ay goob–joogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar–qaati looga noqdo hufnaanta iyo daah–furnaanta Doorashada kursi kasta;

10- Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab–tamayaa;

11- Si loo ilaaliyo wada–shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan, in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;

12- Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaanGuddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka;

13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho;

14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;

15- Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;

16- Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka;

17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada

18- Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;

 

 

Laba WIIL oo walaalo ah oo lagu toogtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa waxay xalay saq-dhexe magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ku toogteen labo wiil oo walaalo ahaa.

Labada wiil ayaa midkood uu geeriyooday, halka mid kale uu soo gaaray dhaawac xoogan, kadib markii xabada lagu dhuftay ay ka baxday madaxa dhiniciisa kale, sida ay sheegen ehelkooda.

Labada wiil oo lagu kala magacaabo Xamse Axmed Naasir iyo Axmed Xabiibi ayaa ahaa dhalinyaro iskood u shaqeysta oo xamaalato ah, xilliga la tooganayeyna ku sugnaa afaafka gurigooda.

“Caruur ayuu ka tagay, hooyo ayuu ka tagay, mid guriga ayuu ka imaaday guriga xaaskiisa ayuu u socday waa la dhaawacay, midka xaga lagu dilayna guriga hooyadiis u socday si xalay hooyadiis iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa ula seexdo,” ayuu yiri Ismaaciil oo ah wiil la dhashay labada walaalo oo la hadlay telefishanka Goobjoog.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhalinta Soomaaliyeed waxay maalin kasta u dhimaneysa si micno darro ah oo bilaash ah, dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kama bixiso.”

Dhacdadan xanuunka badan ayaa qeyb ka ah amni darada muddooyinkii dambe ka taagneyd degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, oo wajahayay dhibaatooyin iskugu jira dil iyo dhac aan loo meel dayin.

Kaaraan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka mid aheyd degmooyinka ugu badan ee laga soo warinayey falalka amni darada ah, waxaana ay qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka.

Illaa hadda majiro wax war ah kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilka xalay saq-dhexe loo geystay labada wiil ee walaalaha ahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

SOMALIA COVID-19: CBB (Taageerayaasha Farmaajo) ayaa ka halis badan Corona

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa dood xoogan ka dhaliyey baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Internet-ka, kadib markii ay wasaaraddu shaacisay in dadka baraha bulshada ku taageero madaxweynihii hore ee Farmaajo ay ka khatar badan yihiin fayraska Karoona.

Qoraalkan oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee wasaaradda caafimaadka ayaa saacado, kadib laga saaray, ka gadaal markii ay si weyn uga fal-celiyeen dad fara badan.

“Mowjadda labaad ee #CBB waxay ka khatar badan tahay Corona. Fadlan ka fogow Twitter Space.” ayaa lagu yiri warkaas oo ku qornaa Luqadda English. CBB, waxaa loo soo gaabiyaa Cayayaanka Baraha Bulshada, waxaana loo yaqaan teegarayaasha Farmaajo.

Arrintan ayaa u muuqata mid looga falcelinayey kulan xalay ka dhacay Twitter Space oo ay ka qeyb galeen in ka badan 3000 oo ah taageerayaasha Farmaajo, isla markaana ay hadallo ka jeediyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Sidoo kale isla xalay waxaa Twitter Space ka dhacay kulan kale oo u muuqday in looga soo horjeedo Farmaajo, ayna ka hadleen dad uu ka mid yahay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda Sahan Research.

Bogga wasaaradda caafimaadka ee qoraalkan dooda dhaliyey lagu daabacay ayaa waxaa loogu talagalay faafinta xogta la xiriirta xanuunka Covid-19 oo weli ka jira Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa kadib qoraal ay soo saartay oo ay isaga fogeysay arrintan ku tiri “Wasaaradda Caafimaaadka ee Dawlada Fedaraalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in qoraalka idinka muuqda sawirka hoos ku lifaaqan ee lagu daabacay bogga ciwaankiisu yahay “ Somalia COVID-19 (@SomaliaCovid19) uusan ka soo bixin Wasaaradda,  Bogguna uusan kamid ma ahayn baraha bulshada rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadku gacanta ku hayso.”

Si kastaba, Caasimada Online ayaa xaqiijin kartaa in boggan uu hoos tago Wasaaradda inkasta oo markii hore laga sameeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha, xilligii Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shirka doorashooyinka oo lasoo geba-gebeynayo iyo qodobada kasoo bixi kara  

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maalintii lixaad ka socda shirka Golaha Wadatashiga  Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka, oo ay yeelanayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa dhamaan tabashooyinka iyo khilaafadka ka dhashay doorashada dalka ka socota.

Madaxweynayaasha iyo xukuumadda ayaa hadda la sheegaya in inta badan ajendayaasha shirka xal ay ka gaareen, halka qaar kalena weli la isku mari la’yahay una badan tahay in halkooda looga tago.

Illa iyo hadda warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda ay si aad ah uga doodayaan sidii xal looga gaari lahaa Amniga doorashooyinka iyo ciddii lagu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga, ayada oo dooddii amniga dalka meel la isaga xiray.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan in ra’iisul wasaaraha dalka lagu wareejiyo amniga qaranka.Maxamed Abukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka qeyb galayo shir lagu dhameynayo doorashada, balse uusan qeyb ka aheyn shir lagu wareejinayo amniga dalka.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo ay qabatay laanta Afka-Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay kaga qeyb galeyso shir looga hadlayo kaliya doorashada balse aan amniga cid gaar ah lagu wareejineynin.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegaya in galabta shirka lasoo gabagabeenayo, islamarkaana laga soo saari doono war-murtiyeed.

“Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in galabta la soo gebagebeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda saaraya , Muddada doorashadu lagu gabagabeynayo, hufnaanta doorashada iyo amniga. Heshiiskan waxa uu horseedayaa doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo in dalka looga hirgaliyo waqti kooban oo cayiman” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa qodob ay kamid yihiin.

1- Hehsiis ku saabsan amniga doorashada dalka.
2- Isbeddelo iyo horumarin lagu sameynayo babraacyada doorashada.
3- In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada Golaha Shacabka.
4- Jadwal doorasho oo cusub oo waqti cayiman leh.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal xooggan oo ka socda magaalada GURICEEL

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug iyo ciidamada Gorgor oo Magaalada Guriceel loo geeyey dagaalkii lagula jiray kooxda Ahlu Sunna.

Is rasaaseynta ayaa ka dambeeysay khilaaf ka dhashay Askar ka tirsan Ciidamada Gorgor oo kamid noqday Dad ay xireen shalay Ciidanka Booliska laguna eedeeyay falal amni darro in ay qayb ka ahaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka carooday xariga Ciidamada kale ayaa gudaha u galay degmada Guriceel, taas oo keentay inay isku dhacaan iyaga iyo Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Guriceel.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay laba Askari halka laba qof kale oo mid kamid ah yahay Shacab ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada Ciidan ee degaalamay ay weli is hor-fahdiyaan, waxaana Ciidamada Gorgor ay joogaan Agagaarka Shirkadda Beder 1 halka Ciidanka Booliska ay ku suganyihiin Saldhiga Booliska ilaa dhabarka Dambe ee Quraca Maqaayadda Xadiyo Cad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada Puntland iyo PSF oo markale ku dagaalamay Boosaaso + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidanka amniga Puntland iyo kuwa PFS ee taabacsan agaasimihii hore General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Is-rasaaseynta oo socotay muddo kooban ayaa ka dhacday agagaarka xerada Cowska ee ku taallo Boosaaso, sida uu shaaciyey taliska Booliska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu dhex-maray ciidamo uu watay agaasimaha magacaaban ee PSF Sarreeye Guuto Maxamed Amiin iyo kuwa taabacsan agaasimihii hore.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo u warramay VOA ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in iska hor imaadka uu ku dhintay hal askari, mid kalena uu soo gaaray dhaawac.

Dirir ayaa sidoo kale shaaciyey in la baarayo sida ay wax u dhaceen, isaga oo tilmaamay in cidda billowday dagaalka ay qaadi doonto mas’uuliyadda.

“Waa la baarayaa, sida ay wax ku dhaceen, lama wada qaadanayo cidda yeelaneysa masuuliyadda, cidda dhinaceeda ay ka timid ayaa qaadaneysa oo loo sinnaan maayo, wax u dhimis-na waxaan oran karaa dadku caqli bay leeyihiin, ma malaynayo wax badan inay u dhimeyso,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Bari.

Xaaladda ayaa haatan deggan, wuxuuna dagaalkan ku soo aaday, xilli uu horay madaxweyne Deni ugu baaqay xabad joojin, si nabad loogu soo dabaalo Boosaaso.

Si kastaba, waxaa weli socda dadaallo ay wadaan mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu soo afjarayo xiisadda Puntland & PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii