25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: DF oo faah-faahisay waxyaabihii yaabka lahaa ee lagu arkay xeebta LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa shalay subax lagu arkay Xumbo ama Xoor ay baddu soo tuftay, taas oo ilaa hadda aan la garan waxa sababay ama ay ka dhalatay.

Weli ma jirto cid baaritaan ku ogaatay oo bulshada la wadaagtay, waxa sababay in baddu xumbo tufto.

Hasa yeeshee Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa wax laga weydiiyey arrintaan, isagoo tilmaamay in qatar caafimaad ay ka dhalan karto.

Agaasimaha ayaa sheegay in xumbo badeedka ay keento isbeddalka cimillada iyo saliidda ay iska bedelaan doomaha, taas oo lagu daadiyo gudaha badda.

Sidoo kale Agaasime Maxamuud Sheekh waxa uu sheegay in qashinka lagu shubo badda uu isna sababo in biyuhu xumbeeyaan, taas oo badanaa dhalisa qataro caafimaad leh oo saameeya bulshada deegaanka.

Sawirro laga soo qaaday xumbadaas oo xeebta Liido aad ugu soo caarisay ayaa maanta lagu baahiyay baraha bulshada, laakiin ilaa hadda ma jirto cid si dhab ah u baartay waxa ay ka dhalatay oo warbixin ka soo saartay.

Shirka oo maanta furmaya kadib heshiis uu Rooble la gaaray 3 madax goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xalay is-faham la gaaray saddex madaxweyne goboleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay la kulmay hoggaamiyayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo kala hadlay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta.

Kulankii xalay ayaa ujeedkiisu ahaa in Rooble uu ku xaqiijiyo ka qeyb-galka Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ee shirka maanta, ayada oo uu jiray shaki ku aadan arrintaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in is-faham lagu gaaray shirka, islamarkaana saddexdan madaxweyne goboleed ee taabacsan Farmaajo ay ballan-qaadeen inay iman doonaan shirka maanta.

Shirka xalay ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble habeen hore la kulmay. Balse, labadan madaxweyne goboleed ayaan marnaba shaki ku jirin ka qeyb-galkooda shirka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ahaa kan kaliya ee si rasmi ah horey ugu diiday shirkan, inkasta oo uu aqbalay markii dambe kadib markii ay cadaadis xooggaan saareen Mareykanka.

Si kastaba, rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmaya ayaa ah mid yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagai doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo madaxweynihii hore.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxuu Rooble caawa kala hadlay madax goboleedyada taabacsan Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay madaxda seddaxda maamul goboleed ee taabacsan dowladda federaalka, gaar ahaana lagu xagliyo inay daacad u yihiin madaxweynihii hore Farmaajo.

Sida uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Rooble ayaa la kulmay hoggaamiyaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, isagoo kala hadlay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleesyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho. Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa soo gaaray Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa habeen ka hor sidaan oo kale ula kulmay hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland oo hotelka ay Muqdisho ka degan yihiin uu ugu tegay, isagoo kala hadlay qabsoomidda shirkii uu iclaamiyey todobaad ka hor.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa hadda u muuqda inay ku kala qeyb sameen danaha siyaasadeed ee dalka, waxaana laga war sugayaa go’aanada ay ku gaari doonaan shirkaan lagu wado inuu Muqdisho uga furmo.

Horay waxaa shirkaan u diiday oo mid Farmaajo ka gees iclaamiyey taageeray hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo markii dambe ka shalaayey go’aankaas, kadib markii cadaadis iyo waji gabax uu kala kulmay dalalka caawiya Soomaaliya oo Mareykanku ugu horeeyo.

Haatan waxaa Muqdisho ku sugan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, waxayna ka qeyb geli doonaan shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo uu meesha ka baxay shirkii Farmaajo iclaamiyey oo markii horaba carqaladeyn loo arkaayey.

Maxay tahay sababta uu C/llaahi Maxamed Nuur u beegsaday ciidanka NISA ee garoonka Aadan Cadde?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay tallaabadii wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur uu ku amray Agaasimaha NISA Yaasiin Farey in ciidanka NISA uu ka soo saaro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa aad u taageeray talaabadaas, isagoo sheegay in ciidanka NISA ee sanadihii dambe garoonka Aadan Cadde ka howlgeli jiray ay fuli jireen danaha gaar ah ee madaxweynihii hore Farmaajo.

“Ciidanka NISA ee garoonka ku sugnaa sanadahan danbe, waxaa garoonka u taalay isbaaro lagu cadaadiyo ama ay ka afduubtaan dadka Farmaajo ka aragtida duwan ee safraya, mararka qaarkood waxay xannibi jireen socdaalkooda!,” ayuu Axmed Macalin Fiqi ku yiri qoraal uu soo saaray.

Fiqi ayaa sheegay in ciidanka lagu amray inay ka baxaan garoonka ay horay u afduubteen dad u safri lahaa gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Jubbaland, intii ay cunaqabateynta dowladda dhexe saarneyd deegaanada maamulkaas.

‘Waxay horay u afduubteen mas’uuliyiin u socdaalayey Kismaayo ama gobolka Gedo, qaar xildhibaanno qaran ku jiraan ayay ka reebeen safar ay u socdeen, waxay cagajugleyn ku hayeen ciidamada Booliiska iyo shaqaalaha garoonka, waxaa la xusuustaa xadgudubkii ay kula kaceen saraakiisha iyo shaqaalaha hey’adda socdaalka iyo burburintii ay u geysteen qalabkii garoonka oo aan waxba laga qaban,” ayuu yiri Fiqi.

Ugu dambeyntii Axmed Macalin Fiqi oo wasiirka amniga XFS ku bogaadiyey go’aanka Nabad sugidda looga saarayo garoonka ayaa qiray in ciidan ka shaqeeya sirdoonka looga baahan yahay garoonka Aadan Cadde, balse kuwa hadda jooga ay muhiim tahay in la bedelo oo la keeno ciidan shaqadaas u daacad ah.

“Talaabada uu qaaday wasiirka Amnigu waxay mudan tahay bogaadin iyo soo dhowayn, waana mid meesha ka saaraysa ciidamo u shaqeeya sida hangashtii kacaanka! NISA kaalin dhanka sirdoonka ah waa ku leedahay garoonka, balse waa in xirfadlayaashii hawshaas qaban lahaa oo nadiif ah loo soo xulaa,” ayuu yiri Axmed Fiqi wasiirkii hore ee amniga Galmudug.

Amarkii xalay wasiirka amniga XFS ee ku socday Yaasiin Farey oo looga dalbaday inuu ciidanka dharcadda ah ee NISA ka soo saaro garoonka ayuu waqtigiisu ku ekaa maanta, balse ilaa hadda ma jiraan wax cadeynaya inuu fulay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PUNTLAND oo war kasoo saartay dagalkii maanta ka dhacay duleedka caasimada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo goordhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dagaalkii xoogana ee maanta ka dhacay duleedka caasimada Puntland ee Garoowe.

Axmed Karaash ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeedyay dadkii ku dhintay dagaalkaas, halka kuwa ku dhaawacmayna uga baryay Ilaahay inuu ka kiciyo oo uu siiyo caafimaad, una booya dhayo.

Waxa uu ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalkaas, islamarkaana ay labada dhinac qaatan xabad joojin, ayada oo wixii jirra lagu xalinayo wada-hadal iyo jawi nabdeed.

“Waa dad walaalo ah oo xigto ah, waxaan ku baaqeyna in la joojiyo, waxa kale oo ku baaqeyna Isimada, culimada iyo odayaasha reer Puntland inay arrintaas u kacaan, dowladdana waxay awoodeeda saareysa sidii halkaas uga dhacdo nabad waarta,” ayuu yiri.

“Waxaa ku baaqeyna in xabada ay shuruud la’aan ku joogto, wixii ka dambeeyana sulux iyo wanaag lagu xaliyo, oo nabad-gelyada la ilaaliyo. Sheydaan ayaa ka adeegay waa inay istaagto colaada iyo dirirtaas.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkan ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay labo maleeshiyaad beeleed ayaa yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka taagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo is-casilay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa goordhoweyd is casilay, ayaga oo warqada istiqaalada u gudbiyay xubnaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Guuleed Saalax, Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland oo qoraal soo saaray kadib markii uu xilkaas iska casilay, ayuu ku sheegay in duruufo ka horyimid dartood uu goostay in uu baneeyo booskaas.

Xirsi Faarax ahna Guddoomiye ku-xigeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa asagna is-casilaadiisa ku sheegay inay ku salaysan tahay duruufo amni u gaar ah, sida uu sheegay.

Labada mas’uul ayaa ahaa kuwii ugu sareeyay ee hogaaminayay guddiga doorashooyinka Puntland ee qabtay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka qabsoomay qeybo kamid ah deegaanada maamulkaas. Guddigan waa midka u gaarka ah Puntland, ee ma ahan kuwii qabanayey doorashooyinka federaalka.

Hoos ka aqriso labada qoraal ee ay soo saareen Guuleed iyo Xirsi

Qoraalka Guuleed Saalax

Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.

Aniga oo ku kalsoon aqoonta, khibradda, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, waxaan ALLE idankiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh ku dhamayndoonaan. Shaqada inteeda badan waxaa awalba hayay xubnaha kale iyo shaqaalaha, Guddoon ahaan kaalintayadu waxay ku koobnayn hogaamin, matalaad iyo hagis guud.

Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo gacanqabad iyo taageero siisay Hay’adda Doorashooyinka si guud anigana si gaar ah muddadii aan hogaaminayay Hay’adda. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelin Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta dawladda, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha reer Puntland iyo saaxiibada beesha caalamka.

Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga oo aan soo wada qabanay shaqo adag duruufo adagna aan soo wada marnay.

Bulshada reer Puntland oo aan aragnay sida ay ugu baahiqabaan nidaam dawladnimo oo ku yimaada doorasho dadweyne oo xalaal ah, waxaan ku kalsoonahay in dawlad iyo dadweynaba aan hayaanka iyo tubta cagta la saaray marna aan laga noqondoonin.

Muddadii aan hogaaminayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wixii wanaagsanaa ee na qabsoomay mahaddeeda ALLE ayaa iska leh, ka sokow xubnihii iyo shaqaalihii Guddiga ee muujiyay hawlkarnimo, daacadnimo iyo iskuduubni. Wixii farsamo ahaan naga qaldamay muddadaas masuuliyaddeeda aniga ayaa qaadaya cudurdaar iyo raaligelina kasiinaya dadweynaha reer Puntland.

Aniga oo muwaadin ah waxaan marwalba diyaar u ahaandoonaa inaan talo iyo tabarba la garab istaago dhamaystirka hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Qoraalka Xirsi Faarax

Daawo: Gabadhii ’15 jirka aheyd’ ee kursigii la diiday kula tartantay xildhibaan Sareedo oo hadashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxadii la tartantay Xildhibaano Sareedo Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursiga HOP154, oo uu Guddiga doorashooyinka uu sheegay in qaabkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa hore u sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020.

Gabadha oo lagu magacaabo Fardowsa Ibraahim Cabdi ayaa ayada oo ay garab taagan tahay xildhibaan Sareedo beenisay inay jirto 15 jir, islamarkaana ay da’deedu tahay 27 jir, taasi oo meesha ka saareysa eedeynta loo laalay kursiga HOP154.

“Weligay ma tagin meel lagu tartamayo, aniga codsaday in aan la tartamo, doorashadana waxay u dhacday si cadaalad ah oo ula tartamay (Sareedo),” ayey tiri.

Xildhibaano Sareedo oo ayaduna hadashay ayaa sheegtay in da’da laga faafiyay gabadha la tartantay ay ka dambeeyan dad xumaan tashiil ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waa gabadh 27 jir ah oo dhalatay 1994, Soomaaliya waxaa la keenay qofka markii wax laga sheegayo been laga sheego oo la maago. Dadka xun warkooda yaan la tixgelin ee dadka fiican ha la tixgeliyo,” ayey tiri.

Si kastaba, arrinta yaabka leh ayaa ah in gabadhan iyo xildhibaan Sareedo ay weli wada socdaan toddobaadyo kadib doorashadii, taasi oo muujineysa inuu xiriir ka dhaxeeyo, oo ay doorashada ka aheyd malxiis un.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Guddiga doorashooyinka heer federaal uu horaanta bishii hore ku dhawaaqay in kursiga ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareeda uu ku celisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.

Sawirro: Maxay safiirada Mareykanka iyo UK kala hadleen LAFTA-GAREEN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah la qaatay Safiiradda dowladda UK iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amiga iyo abaaraha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Laftagareen.

Sidoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa oo madaxweyne Laftagareen ku wehlinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu ka qeybgeli doono shirka uu iclaamiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshe markii dambe wuu bedelay go’aankiisa, sida aan ogaanay.

Laftagareen ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka, taasi oo keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirka uu hore u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble, balse waxaa la filayaa inuu furmo Asbucaan gudahiisa.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda dowlad goboleedyada oo dhan, ayada oo uu fashilmay isku day uu madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku rabay in uu kala jebiyo madaxda ku mideysan Golaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka caasimada PUNTLAND + Khasaraaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, kaasi oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuuada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkan ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan uu yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka daagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland. Sidoo kale majirto waan-waan illaa hadda laga dhex bilaabay labada Beelood ee dagaalamay.

Ma aha markii u horeysay ee deegaanka Saax-maygaag uu ka dhaco dagaal beeleed, mana jirto illaa hadda wax tallaabo ah oo laga qaaday colaada soo laab-laabatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shan QODOB oo ay tahay in lagu xaliyo shirka Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa saacadaha soo socda kulan ku yeelan doona caasimadda Muqdisho kadib fashilkii afgambi uu hormuud ka ahaa Farmaajo oo dhacay todobaadkii hore.

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hirshabelle Cali Guudlaaawe, Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen iyo Jubbaland Axmed ayaa ku sugan Muqdihso, iyaga oo ajiibay codsiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ee ahaa shirka wadatashiga.

Qaar ka tirsan madaxda oo maalmo sii joogay ayaa la kulmay ergeyga xogheyaha guud ee qaramada Midoobey iyo safiirro ka socday beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Shan qodob oo ay tahay in xoogga lagu Saaro:

Sixidda Habraacyada: Waxaa jira cabasho ka jirta habraacyada, iyada oo guddiga doorashada ee heer federal iyo kuwa maamul goboleedyada iyo xataa madaxda maamul goboleedyada ay meel uga dhaceen hab-raacyada sida xulista, ergada iyo doorashada xildhibaannada golaha shacabka, waxaana soo baxay kiisas badan oo ku saabsan is daba-mareyn ay sameeyaan SIET, taasi oo keentay in la dhaliilo qaabka wax u socdaan, keeneysana baahida loo qabo inn hadda la saxo si loo soo celiyo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.

Xulista Ergada: Xulista ergada waa caqabad kale oo ay tahay in wax laga qabto, loogana hadlo shirkan, waayo ilaa hadda ma jirto hal guddi oo SIET ah oo shaaciyey magacyada ergada, qaabka loo xulay, beesha ay ka tirsan yihiin, xataa intooda badan lama arko wejiyadooda iyo cidda ay yihiin. Arrinta xulista ergada waa dodo badan ka keenay musharaxiinta, odeyaasha, bulshada rayidka ah iyo xataa korjoogeyaasha, waxaana la joogaa in shirka lagu saxo arrinkan.

Yareynta Samaeynta Madaxda Maamul Goboleedyada: Aqalka sare ilaa hadda oo lagu jiro golaha shacabka, waxaa meesha ka baxday in ay dhacdo doorasho, keliya waxaa soo baxa cidda ay xushaan maamul goboleedyada, iyaga oo gacanta ku haya guud ahaan doorashada. Maamul goboleedyada cid aaney dooneyn ma noqon karo musharax, ma ahaan karo odey, ergo ama xataa korjooge. Waxaa jiray kuraas badan muran ka jiray sida HOP#67, HOP#103 iyo HOP#154.

Kaalimaha SIET, FIET/EDRC: Doorashadan waxaa ay meesha ka saartay kaalinta (FIET) iyada la awoodsiiyey SIET maadaama ay ku yimaadeen xulista madaxda maamul goboleedyada, waana kooxda dambe cidda ay ku shaqeystaan madaxda maamul goboleedyada, oo ay doorashada ku dhacaan.

Waxaa intaas dheer, FIET xilligan malaha guddoomiye, oo Maxamed Cirro oo u ahaa waxaa la ceyriyey, waxaa kale oo isna ra’isul wasaare Rooble eryey guddoomiyihii iyo iyo 6 kale oo ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka, labada dhacdo waxaa ay dhaceen dhammaadkii December.

Kooxdan la ceyriyey waxaa lagu eedeeyey iney ku milmeen siyaasaha socda, shaqo gudasho la’aan, tusaale ahaan guddiga xalinta khilaafaadka waxaa uu fasaxay kuraas muran ka jiray sida Yaasiin Farey iyo Mahdi Guuleed, waxaa kale uu wax ka qaban waayey kuraas kale oo cabasho laga keenay kuraasta 237, 239 iyo 255 iyaga oo lacagta iska qaata.

Jadwal Doorasho oo Cusub: Waxaa in ka badan afar jeer lagu guuldareystay jadwalka doorashada, waxaana kulankan uu noqon karaa mid lagu dejiyo jadwal doorasho, oo la hubo xilliga lagu soo gabagabeyn doono doorashada golaha shacabka, la dhaarin doono labada aqal, guddoon dooran doonaan isla markaana ay noqoneyso doorashada madaxweynaha.

DAGAAL culus oo dib uga qarxay duleedka Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow uu dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka mid ah saraakiisha haatan kasoo horjeedo maamulka.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yimid, kadib markii ciidamada HirShabelle oo kaashaanaya kuwa dowladda, gaar ahaan qeynta 27-aad ee Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen fariisiin ay ciidamada sarkaalkaasi ka sameysteen duleedka dhinaca waqooyi ee  magaalada, waxaanka halkaasi haatan ka socda iska hor imaad u dhexeeyo labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka socdo deegaanka Qowlad, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kal duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli rasaas xoogan laga maqlayaa duleedka Beledweyne.

Dagaalkan ayaa daba socda iska hor imaad habeenkii Jimcaha ka dhacay Beledweyne, kadib markii la weeraray kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Guddoomiyaha oo ka hadlay xiisaddaas ayaa hanjabaad u diray saraakiisha kasoo horjeeda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, wuxuuna sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga, sidoo kalena ay ka hortagi doonaan dadka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Dhanka kale waxaa magaalada Beledweyne haatan ka billowday dibad-bax rabashada wata oo ay dhigayaa bulshada deegaanka, kuwaas oo kasoo horjeeda weerarka lagu qaaday sarkaal Nuure oo ka mid ahaa saraakiishii la baxay bad-baadada Hiiraan.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale ku qeylinayo erayo ka dhan HirShabelle, waxaaya dhagxaan iyo biro ay ku gooyeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayo dagaalka oo saameeyn dadka deegaanka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XOG: Laba qodob oo dhabar-jab ku ah FARMAAJO oo hor-yaalla shirka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu Isniinta ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ay soo wada gaareen dhammaan madaxweyne goboleedyada dalka.

Hase yeeshee, shirka ayaa wajahaya caqabad xooggaan, waxaana yar fursadda laga qabo in lagu meel-mariyo laba qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo ay gadaal ka riixayaan ra’iisul wasaare Rooble iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qodobka koowaad ayaa ah; in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Qodobkan ayaa waxaa si aad ah u daneynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe, oo ay caqabad ka kala haysato magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo markii hore ka cago jiidayey fikraddan ayaa la sheegay inuu hadda taageerayo kadib markii ay isku xumaadeen Farmaajo, oo aad uga soo horjeeda arrintan, horeyna uga digay.

Qodobka labaad ayaa ah; in ra’iisul wasaare Rooble doonayo in shirka laga soo saaro baaq ah in amniga dalka si buuxda ra’iisul wasaaraha loogu soo wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanu dalka doorasho hufan ka dhici karin

Farmaajo ayaa horey Rooble ugu wareejiyey amniga doorashada, base taas wax weyn ma beddelin, waxaana weli hay’adaha amniga si buuxda gacanta ugu hayo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada inay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo, inkasta ay u badan tahay in Farmaajo uusan marnaba taas aqbali doonin.

Rooble ayaa qorsheynaya in haddii uu amniga gacanta ku dhigo inuu beddelo dhammaan taliyayaasha ciidamada dalka, si uu awoodda dalka si buuxda gacanta ugu dhigo.

Si kastaba, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo ayaa lagu war-geliyey inaysan marnaba ogolaan labadan qodob, waxaana diidmadooda ay ka dhigi kartaa in shirka uu kusoo dhammaado natiijo la’aan, ama laga soo saaro qodobo aan macno badan laheyn oo guud. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo sheegay in lagu deg-degay go’aankii W/Amniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo u warramay Universal TT ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay wasiirka amniga gudaha Cabdullahi Maxamed Nuur oo amar ku bixiyey in ciidamada dharcadda ee NISA ay isaga baxaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Daahir ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo baahanaa in tallaabo adag laga qaado ciidamada NISA ee ka howl-gala garoonka, oo uu ku eedeeyey inay juujuubaan ama handadaan siyaasiyiinta ka firkirka duwan dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Daahir ayaa dhanka kale xusay in lagu deg-degay go’aanka wasiirka amniga, wuxuuna tilmaamay inay habooneyd in kaliya la beddalo hoggaanka NISA ee Aadan Cadde.

“Xoogaa waxaad moodaa warqadda in lagu deg-degay, sababtana wax kale ma aha ciidankaas waxay mudan yihiin in hoggaankooda marka hore la beddalo, haddii ay ku waana qaadan waayaana iyaga dhanba meesha laga beddalo,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “In gabigood garoonka laga bixiyo waxay qatar gelineysaa amniga guud ee garoonka,”.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa is barbar dhig ku sameeyey shaqooyinka ay garoonka ka hayaan booliiska iyo nabad sugida, wuxuuna tilmaamay in ciidamada booliska ay u xilsaaran inay koontaroolaan kastamka, halka ciidamada NISA ay ka shaqeeyaan amniga garoonka, si ula socdaan dadka soo galay dalka & kuwa ka baxaya.

“Booliska waxa ay inta badan ku howlan yihiin oo ay ka shaqeeyaan dhinaca kastamka waxa soo galaayo iyo waxa ka baxaayo dalka ayey koontaroolaan, halka nabad sugidda shaqadooda ay tahay sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, si aysan dalka usoo gelin ama uga bixin dad la raadinaayo,” ayuu markale wareysiga ku yiri Ismaaciil.

Si kastaba, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa horeya uga howlgeli jiray ciidan nabad sugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u xukumi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Yaasiin Farey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka fakaraya inuu xilka ka qaado Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble toos xilka ugama qaadi karo Yaasiin Farey, hase yeeshee wuxuu horgeyn karaa Golaha Wasiirada oo leh awoodda xilka ka qaadista. 

Yaasiin Farey waxaa lagu tilmaamaa gacanta midig ee Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoona uu Ra’iisal Wasaaruhu tuhunsan yahay inuu caqabad ku noqon karo hufnaanta doorashada.

Sida muuqata, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qaadaya tallaabooyin dhowr ah oo lagu cadaadinayo Yaasiin Farey, kahor inta aan si toos ah xilka looga qaadin.

Dhawaan wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa Yaasiin Farey ku amray inuu warbixin dhameystirsan ka keeno sababta iyo halka uu ku xiran yahay Mukhtaar Roobow, hase yeeshee Yaasiin ayaa waqtigii loo qabtay ku soo diray warbixintaas.

Mar kale wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay Yaasiin Farey ku amray inuu dhamaan ciidanka NISA ka soo saaro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo faray in ammaanka garoonka uu si buuxda ugu gacan geliyo ciidanka booliska.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in go’aankaan la qaatay kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, ciidamada NISA oo ku kaca xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, lehna cadaymo buuxa.

Yaasiin Farey waxa uu hormuud u yahay khilaafka haatan dib uga soo dhex cusboonaaday Ra’iisal Wasaaraha iyo Farmaajo, kadib markii uu muran xoogan hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, kaas oo sida la sheegay uu Yaasiin Farey kusoo baxay, bishii November.

Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA ayaa galaaftay toddoba xubnood oo ka mid ahaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ka dib markii si aan sax ahayn ay u maareeyeen cabashadii laga keenay kursigaasi. Ra’iisal Wasaaraha ayaana 18-kii December shaqada ka eryay xubnahaasi.

Yaasiin Farey oo sidoo kale ku magacaaban Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayuu Madaxweyne Farmaajo bishii September u magacaabay inuu noqdo Kusimaha Hay’adda NISA, maalmo ka dib xil ka qaadistii uu Ra’iisal Wasaaruhu ku sameeyay Taliyihii hore ee hay’adaasi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe, Golaha Wasiirada ayaa taageeray dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda amniga caasimadda, si ay inoogu dhacdo, buu yiri, doorasho nabdoon oo xasilloon.

“Waxaa la ayiday oo la taageeray qorshaha amniga caasimadda oo horey loo ansixiyay, si loo dardargeliyo amniga caasimadda. Amniga caasimadda iyo qorshaha amniga caasimadda oo abuurayay guddi ciidan oo isku dhaf ah, oo ka kooban dhammaan Ciidamada Qalabka Sida,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda caasimadda ayaa iyagana la taageeray oo la ayiday, iyadoo loogu talagalay dhammaan 17-ka degmo in si degdeg ah looga hawlgalo, si ay inoogu dhacdo doorasho nabdoon oo xasilloon.”

Haddii Rooble uu meesha ka saaro Yaasiin Farey waxa uu noqonaya ninkii 3-aad ee ku dhow Madaxweynaha ee uu meesha ka saaro, marka laga soo taggo Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Aadan Kulane, oo soo noqday Madaxii Shaqaalaha ee Hay’adda Sirdoonka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

C/llaahi Maxamed Nuur oo sharaxaad cusub ka bixiyey amarkii ka dhanka ahaa NISA ee garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xalay Agaasimaha KMG ah ee NISA, Yaasiin Farey ku amray in ciidanka NISA uu ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey amarkaas.

Wasiirka ayaa qoraal kale oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in amarkaas uusan quseyn ciidamada NISA ee ilaaliya baraha control ee laga galo garoonka, balse uu ku kooban yahay dharcadda ka howlgasha gudaha garoonka.

“Isbedelka la xiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka). Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo saaray fiidkii hore ee xalay waxuu ku shaaciyey in go’aanka ciidanka NISA looga saarayo garoonka la qaatay kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in ciidamada NISA ay ku kaceen xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, kuwaas oo cadeymo loo hayo, sida uu sheegay.

Amarka wasiirka ee lagu dalbaday in ciidanka dharcadda ah ee NISA laga saaro gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa laga sugayaa Yaasiin Farey inuu dhaqan geliyo Axadda maanta ah, sida ku cad warqadda wasiirka amniga.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray ciidan Nabadsugid dhar-cad ah, waxayna ciidankan markii hore si toos ah u hoos tegi jireen kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, inta badana waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo in dadka ka dhoofaya garoonka qofkii ay doonaan laga xanibo safarkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamo ka tirsan DANAB oo qarax lagula beegsaday duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya iun maanta qarax miino uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo laga helayo faah faahino kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo marayey halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday dhinaca deegaanka Ceeldheere oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa qarax kadib howl-gal kooban ka sameeyey wadada isku xirta Ceeldheere iyo Dhuusamareeb, balse ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo la xiriira weerarkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa howl-gallo ballaaran ka waday deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee ku teedsan, taas oo keentay dhaq-dhaqaaqyada ay haatan ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ay ka wadaan halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Beledweyne iyo Jeyte oo uu hanjabay Xuud

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta la shiray saraakiisha amniga ee magaalada Beledweyne ayaa si adag uga hadlay iska hor imaad habeen ka hor ka dhacay gudaha magaalada oo u dhaxeeyey sarkaal gadoodsan oo ku mowqif ah Jeneraal Xuud iyo ciidamada ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa aad u dhaliilay hanaanka ay u shaqeeyaan laamaha amniga ee magaalada Beledweyne, isagoo saraakiisha ku amray inay la yimaadaan qorshe amni oo ka duwan kii hore.

“Waxaan rabaa ammaanka magaalada Beledweyne wajiga uu maanta leeyahay mid aan aheyn inuu yeesho, hal sano iyo bar ayaan xaaladaan ku nooleyn mana lagu sii noolaa karo, saraakiisha waxaan ka doonayaa in deg deg amniga wax looga bedelo,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan u dul qaada doonin jabhadda Jeneraal Xuud ee ku jirta duurka oo mararka qaar weerarro ka fulisa gudaha magaalada Beledweyne, sidoo kalena aad u diidan in magaaladaas uu tago madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

“Hadii reer hebel la yahay oo tabasho jirto, reer hebel anagaa u madax ah, tabashadoodana anaga ayaa wax nagala weydiinayaa ee nin duurka u cararay wax laga weydii maayo, nin boorso kaliya dalkaan ka taalana wax laga weydiin maayo, kuwa halka sano horay gadaal u cararaya Ceel-gaal, maanta kadib uma dul qaada doono,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo saraakiisha ammaanka aad ugu canaantay in amniga ay wax badan ka qabtaan ayaa sheegay inay hadda  joogaan heer ay lafahooda la baxsan waayaan oo qarka ay u saaran yihiin in la dilo.

“Saraakiishii waa idinka, amniga in wax weyn laga qabtaan rabaa, waxay xaaladu maree lafaheena inaan la baxsa weyno oo magaalada aan dhex-mari weyno, ma in aniga la i dilaa la iskula jiraa oo tolnimo ah? maya taasi ma dhaceyso,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada GORGOR oo nolosha ku qabtay xubno ka tirsan Al-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Bariire, Toortoorow, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar yarey oo dhammaantood hoostaga degmadda Awdheegle ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka ciidamada sameeyey howl-galladaasi.

Saraakiil u hadashay ciidamada Gorgor ayaa sheegay inay howl-galladaas ku soo qab-qabteen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada ay gaareen ciidamada ee hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi waxa ay kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Shabeelaha Hoose oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 24-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane: Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid  Wax tar u leh  bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M  Waxaan balan qaadeeynaa inan  haliisa ka sii wadno waliba  si rasmi ah  U daah-furno sanadka Cusub 2022 waliba hadiyado ka badan intii aan bixin jirnay 2021  Sidoo kale waxaan balan-qaadeeynaa inan sanadkaan ku darno hadiyadaha lagu bixinaayo Hanti Ma-guurto ah & Hadiyado kale oo Muhiim ah Waxaan ku Maamuuseeynaa  Generate-gareynta  gaariga Hyundai-ga  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar Professor :Mxamed  Cumar Dhalxa oo ah Xildhibaan  Ka Tirsan Golaha Shacabka iyadoo macaamiisheenu  u furantahay fursadaan qaaliga ah Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa Gobalada. W waa Olole daaah-furan waxaan galabta si toos ah ugu   Dhawaaqeeynaa macaamiilka ku guuleeystay gaarigii sedexaad iyadoo marti sharafta aan ku marti-qaadnay gacantooda inoogu generate gareyn doonaan Wxaan Sidoo kale idiin-la wadaagayaa in xaflad balaaran aan u sameyn doono macaamiilkiii ku guuleystay gaariga Waxaan ka codsanaya Xildhibaanada sharafta leh inay Nagala Soo qeyb-galaan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  Green Hope University Dr: Mustaf Macalin Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10’000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10’000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu Nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 24 aad  Waxaan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in  galabta Shirkada Si toos ah ugu dhawaaqeyso Macaamiilki ku guuleystay gariga Hyundai Waan ku Faraxsanahay inan goobjoog unoqo Xaflada Daah-furka Ololaha ku shubo oo guuleyso & Galabta oo si rasmi ah loo soo xirayo”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Xildhibaan:Prof Maxamed Cumar Dhalxa  oo  Lagu Sharfay Inuu Generate-gareeyo  Gaariga Hyundai-ga Sedexaad  Isagoo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso & hadiyadaha qiimaha leh ay bulshada ku Celineeyso

“Waxaan si diiran u bogaadinayaa Maamulka sare ee Somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkaan daah-furnaanta leh  iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in  Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal  gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in Dahabshil Group Maal-gelin balaaran ka sameeysay guud ahaan Soomaaliya Waa shirkadda Kaliya ee ka qeyb-qaadata Had & jeer Taakuleynta dadka danyarta ah Waxaan goobjoog U ahaa Xafladii Gaariga 1ad lagu gudoonsiiyay Maamo beeraleey Dan-yar ah oo ku Nool  Deegaanada Hir-Shabelele Galabta Waxaa leygu sharfay inan gacanteyda Ku Generate gareeyo Wxaan rajeeynayaa beeraleeyda inay ku guuleystaan Waxaan diyaar u mahay hadii ay Geeleeyda naga guuleystaan inan u hambalyeeyno waa nasiib Lama Saadaalin karo Cida  Ku guuleysaneeysa Waxaan balan-qaadaya Xaflada  lagu abaalmarinaayo macaamiilka ku guuleystay gariga Sedexaad inan ka soo qeyb-galo Sida uu iga Codasady Ku xigeenka waaxda ganacsiga Mudane: Cumar Maxamed Nuur ( Saacid)”

Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada  ka hadlay Mudane:  Xildhibaan Yuusuf Xeyle jimcaale oo bogaadiyay wax-qabadka muuqda ee shirkadda Somtel & Hormarka balaaran ay ku talaabsatay

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno  macaamiisha  u tartantay hadiyadaha ‘10’000  todobaadkii 24 aad   Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Marka  Dib loo daah-furo sanadka Cusub 2022 Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado  wax ku ool ah sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshada wax ku celineeyso  10’000 hadiyadood. Waxaan cadeeynayaa in olalahaan uu daah-furanyahay oo waxaa ku guulestay macaamiil kala joogo deegano kala gedisan  Galabta Waxaan la damaashaadeeyna Macaamiilkii ku guuleystay gaariga Sedexaad oo ku nool gobalka banaadir Waxaan leenahay  hadiyadaha Somtel dalka oo idil ayey wada gaartay Labada gaari  ee horay Somtel u bixisay waxaa ku guuleystay gobalada Hiiraan & Baay Galabta. Waa galabtii Gobalka banaadir   Hambalyo ayan Leenahay   Weliba D/ kaaraan uu ku nool yaahy macaamiilka gaariga 3-aad ku guuleystay”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10’000 hadiyadood ee sanadka 2022 , Shirkaddu ugu talagashay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo Hanti ma guurto ah & & hadiyado kale oo qaali ah

kuwasoo la gudoonsiin doono Macamiilkii ku guuleysta  31 bisha December 2022   Welib si rasmi ah aan ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay   Hantda Ma guurtada waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood.

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai  Sedexaad  ay ku guuleysatay Macaamiil Lagu Magacaabo Xaliimo Cumar Karaani oo ku nool Degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir  Shirkadda isgaarsiinta  Somtel waxa ay ku bixin doontaa Gaariga  Hyunda-ga Sedexaad  xaflad balaaran taasoo lagu qaban doono mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  Magaalada Muqdisho Hadaba si dhow ula soco Munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

Roobe oo guddi u magacaabay afgambigii fashilmay 27-ka December + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay guddi ka kooban shan wasiir oo loo xil-saaray baaritaanka afgambigii uu isku dayey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aanka uu ku magacaabay guddigaan waxa uu u cuskaday go’aan ay todobaadkii tegay wadajir u gaareen golaha wasiirrada.

“Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Xubnaha wasiirrada ah ee guddiga uu caawa magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah: 

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan caawa ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii