26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Fahad Yaasiin oo u jawaabay Ra’iisul Wasaare ROOBLE (Aqriso warqadda uu u diray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ka jawaabay amarkii ra’iisul wasaare Rooble uu uga dalbaday warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Rooble ayaa shalay sheegay inuusan ka qancin sheegashada NISA ee ah in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna dalbaday inay 48 gudahood ay madaxda NISA kusoo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiskan.

Warqad uu Fahad u diray Rooble, oo ay heshay Caasimada Online, ayuu dalbaday in la fariisiyo guddiga amniga qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrintan. Golahan waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada.

Fahad ayaa warqadda uu u diray Rooble ku yiri “Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Tahliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.”

“Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida,” ayuu yiri Fahad.

Ma cadda sababta Fahad u diiday inuu warbixinta siiyo Rooble, waxaase suurta-gal ah inay tahay qorshe uu xubnaha kale ee guddiga amniga qaranka kaga raadinayo taageero iyo inay ku qancaan warbixinta, taasi oo gees u riixi karta Rooble.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa arrintan ku macneeyey ila-meereyso cusub, oo uu Fahad ku doonayo inuu khilaaf uga dhex-abuuro dowladda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in laga yaabo in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla ogyihiin qorshaha fariisinta guddiga. 

Hoos ka aqriso warqadda Fahad

Afgambi ka dhacay dal ku yaalla Galbeedka Afrika iyo madaxweynihii oo la qabtay

Conakry (Caasimada Online) – Cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Guinea ayaa ku dhaqaaqay afgambi, ayaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii.

Madaxa ciidamada gaarka ah ee militariga Guinea, Mamady Doumbouya oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe.

“Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri Mamady Doumbouya.

Mamady Doumbouya ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xiray.

Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka.

Muuqaal kale oo kooxda afgambiga ay usoo direen wakaaladda wararka AFP, ayaa muujinaya Conde oo u muuqda mid jahwareersan oo ku fadhiya kursi, kuna hareereysan yihiin ciidamada. Wuxuu diidayaa inuu ka jawaabo su’aal uu askari weydiiyey oo aheyd haddii si xun loola dhaqmay.

Diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan Conakry, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in xiisadda ay ka dhalatay kadib markii la eryey taliye sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah – taasi oo dhalisay in qaar ka mid ah askarta sida aad ah u tababaran ay gadoodaan, oo ay qabsadaan madaxtooyada.

Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Conde ayaa markii ugu horreysay xukunka qabtay 2010, kadib markii dalkaas ay ka dhacday doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah, tan iyo markii uu madax-banaanida ka qaatay Faransiiska, 1958-kii.

Dad badan ayaa madaxweynenimadiisa u arkay bilow cusub oo uu yeeshay, dalka oo ay hareeyeen tobaneeyo sano oo musuq-maasuq iyo xukun kali-talis ah.

Si kastaba, mucaaradka ayaa sheegay inuu ku guul-darreystay inuu horumariyo nolosha shacabka, oo badankood ah ku nool saboolnimo, xilli dalka uu hodan ku yahay kheyraad badan oo macdanta iyo dahabka ay ka mid yihiin. 

Conde ayaa 2011-kii wuxuu si dirqi ah uga baxsaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib markii dabley ay hareereeyeen gurigiisa xilli habeen ah, kuna dhufteen gantaallo. Sidoo kale bam lagu tuuray guriga ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa. 

Daawo: Beesha Reer Aw-Xasan oo shaacisay in gabar laga afduubtay loona dilay kiiska Ikraan Tahliil dartiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumed Gaabane oo kamid ah Aqoonyahanka beesha Reer Aw-Xasan ayaa si adag uga hadlay afduubka aargudashada ah ee ka billowday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Khaalid ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in gabadh ay qaraabo yihiin loo afduubtay kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana loo gacan geliyay kooxda Al-Shabaab, ayna dileen, sida uu sheegay.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga yaaba inay ogyihiin un wiilasha la afduubtay oo media-ha laga soo daayey laakiin labo asbuuc ka hor waxaa ka horeysay gabadh qaraabada ah oo la yiraahdo Anfac Sheekh Xuseen in laga afduubay magaalada Beledweyne oo loo gacan geliyay Al-Shabaab, looguna sheegay inay tahay askariyad ka tirsan ciidamada HirShabelle,” ayuu yiri.

“Waxaa eedaas iyo tuhunkaas qabnaa inay ka dambeeyan kuwa hadda afduubteen oo shar-wadayaasha ah markay ku filnaan weysay in gabadhaas si dulmi ah ugu geeyaan Al-Shabaab, waxaan rabnaa in bulsho weynta Soomaaliyeed la socodsiino sida reerka iyo qoyska Ikraan dhibanayaal u yihiin, anagana waxaa nahay dhibanayaal oo lagu haysto wax aysan galabsan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan ka fal-celin doonin falalka afduubka ah ee ay qaadeen maleeshiyada qaraabada la’ah Ikraan Tahliil, islamarkaana ay diyaar u aheyn inay qeyb ka noqdaan colaad loo yeerinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay cadaalad rabaan, sida qoyska Ikraan Tahliil u rabaan, maadama uu ku doodayo in gabadh la qaraabo ah la dilay, kadib markii ay maleeshiyada qaraabada dhow yihiin Ikraan u gacan geliyeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay kooxda hubeysan ee afduubka ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil.

Kooxdaan oo qaraabo la’ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan.

Xiisada kiiska Ikraan ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana weli magaalada Muqdisho ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiskaas oo ay hay’adda NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay kooxda iska fogeysay arrintaas.

Hoos ka daawo Khaalid

Sawirro: Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ballan-qaad culusna siiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay geerideeda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayey Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan, wuxuuna ra’iisul wasaaraha la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Rooble ayaa qoyska iyo ehelada Ikraan ka dalbaday in in si deg-deg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay.

Tan iyo markii ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay Ikraan, kuna baxday gacanta Al-Shabaab, ayaa waxaa isa-soo tarayay afduub aargudasho ah oo ay sameynayeen maleeshiyaad qaraabo la’ah Ikraan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hore u sheegay in markii ay u soo dhameystiranto xogta uu u baahanahay uu ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas, islamarkaana uu la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa si dhow ula socday sida uu shalay sheegay mudadii labada bilood aheyd ee arrintaan ay taagneyd, waxaa la filayaa in uu go’aan adag ka gaari doono natiijada kiiskaas, taasi oo lagu wado inay galaafan doonto hogaanka sare ee NISA.

Sababta ay ciidanka Itoobiya uga baxayaan saldhigyo ay ku leeyihiin GEDO iyo BAAY

0

Buurdhuubo (Caasimada Online) – War kasoo baxay Taliska AMISOM qeybta Saddexaad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhawaan ay ciidamadooda ka tirsan AMISOM ka bixi doonaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay.

Qoraal loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 Bishan September.

Saldhigyada ay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM baneeynayaan ayaa waxaa ay muhiim u yihiin maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana la filayaa inay saldhigyadaas oo ku kala yaalla Buurdhuubo iho Qansaxdheere ay la wareegaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ka Itoobiya ee ka baxaya magaaladda Buurdhuubo ayaa la gaynayaa magaaladda Garbahaaray, oo ka mid ah goobaha ay ka dhacayaan doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka loo diray AMISOM

Xarumo shidaal oo ku yaalla Sacuudiga oo lagu weeraray gantaallo iyo diyaarado

Dammam (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaal ballistic ah, iyo diyaarado drone oo kooxda Xuutiyiinta ay kusoo weerareen gobolka shidalaka qaniga ah ee ku yaalla bariga dalkaas.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in laba caruur ah ay ku dhaawacmeen firir ka dhashay burburka gantaalka.

Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay gantaal iyo sideed diyaarad oo drone ah ku beegsatay xarumaha shidaalka Ras Tanura ee shirkadda shidaalka Saudi Aramco ay ku leedahay magaalada Dammam.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarumo kale oo shirkadda Aramco ay ku leedahay gobollada Koonfureed ee Jizan iyo Najran, sida uu sheegay Yaha Sarea, oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.

Shirkadda Saudi Aramco weli jawaab kama bixin weerarada. Il-wareed xog-ogaal u ah dhacdadan ayaa sheegay inaysan waxyeelo gaarin qalabka shirkadda, islamarkaana weerarka uu ka dhacay banaanka xarumaha.

Gantaal ayaa laga qabtay hawada duleedka magaalada Dammam, ayada oo firiro ka dhashay burburinta gantaalka ay ku dhaawacmeen laba caruur, islamarkaana waxyeello kooban ay gaarsiiyeen 14 guri, sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhigga.

Gobolka Bari, oo hoy u ah xarumo shidaal oo muhiim ah, ayaa waxaa horey loola beegsaday weeraro, waxaana ku jiray mid September 2019 lagu qaaday laba xarun oo ay leedahay Saudi Aramco, kaasi oo kala bar hakiyey wax soo saarkii shirkadda.

REUTERS + VOA

Guddoomiye Cabdi XAASHI iyo Mahdi Guuleed oo afar qodob ku heshiiyey (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kala hoggaaminayey labada garab ee isku hayey maamulka doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 4 qodob ku gaaray magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa door muhiim ah ka qaatay guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo isaguna kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii muddada ka taagnaa kuraasta gobollada waqooyi, waxaana guddoomiyaha guddiga la siiyey garabka Mahdi Guuleed, halka guddoomiye ku xigeenka iyo madaxa amniga la siiyey garabka Cabdi Xaashi.

Sidoo kale qodobada lagu heshiiyey ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-In lasoo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

2-In la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashada heer Somaliland (GMDHSL), iyada oo garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay qaadanayaan guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga iyo logistikada.

3-In lasoo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta gobollada waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan laheyn.

4-In si sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-galo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

Heshiiskan cusub ee ay wada gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa meesha ka saaraya is jiid jiidkii u dhexeeyey labada garab, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo guda-galo doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.

Aqriso: Su’aalo horleh oo ka dhashay go’aanka Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Mudane Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka fal-celiyey go’aankii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo amarka uu dul dhigay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday inay la-yaab ku noqotay in ra’iisul wasaaraha uu markale dib u weydiiyo xog kale hay’adda NISA oo iyada looga shakisan-yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sidoo kalena horey u sheegtay inay dileen Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sidoo kale soo bandhigay su’aalo horleh oo ka dhashay hadalkii ra’iisul wasaaraha, una baahan in laga jawaabo, kuwaas oo kala ah:-

1-Xogta galka baarista ah ee ay sii deysay NISA, kuna sheegtay in Shabaab ay dishay Ikraan ma lala wadaagay ra’iisul wasaaraha, ka hor inta aysan soo saarin?

2-Waxaa lagu soo daabacay bogga ay leeyihiin telefishinka qaranka iyo raadiyaha wasiirka warfaafinta ma ka war-geliyey ra’iisul wasaare Rooble in xogtaas ay heleen?

Ismaaciil Daahir ayaa xusay in loo baahan-yahay in su’aalahan iyo kuwa kale  loo helo jawaabo sax ah, isagoo intaasi ku daray in Rooble uu ka hordhay, sida uu hadalka u dhigay

“Marka su’aallo badan waxaad moodaa in uusan jawaab u heynin, waxna uusan kala soconin in uu ka hor dhacay,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu si adag kaga hadlay kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna NISA u qabtay 48 saac, si ay jawaab cad uga bixiso dilka la sheegay inay Ikraan u geysteen xoogaga Shabaab, walow ay iska fogeeyeen.

Puntland oo caro xoogan ka muujisay in Farmaajo uu ku dhowaaqi waayey magaca…

0

Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka carootay in madaxweyne Farmaajo uu afkiisa ka dhowrto gobolka ay ula baxday Heylaan oo laga jaray gobolka Sanaag, kaas oo cayaartooy ka socota uu shalay Farmaajo ku qaabilay Villa Somalia.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey carada ay Puntland ka qaaday in madaxweynuhu uusan soo hadal qaadin magaca gobolkaas, intii uu la hadlaayey dhalinyarada cayaartooyada ah ee madaxtooyada uu ku qaabilay.

Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inay jirto koox caadeysatay inay siyaasadeyso gobollada Puntland.

“Magaca Gobolka Koobka Puntland qaaday waa Haylaan oo ka tirsan Gobollada Puntland, xaruntiisuna waa Dhahar, Ninkii aan afkiisa soo marin Karin muxuu ka maamuusi! Hore ayaan u sheegay in kooxda caadeysatay in Puntland goboladeeda ay siyaasadeyso aysan waxba ka heleyn kuna helayn!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Gobolkaan ay Heylaan ugu magac-dartay Puntland oo aan ku jirin 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga jaray gobolka Sanaag, waxuuna xulka u cayaara kubada cagta sanadkaan qaaday koobka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada Puntland.

Taasi waxay kaliftay in Muqdisho looga yeero xulka, si ay maalmaha soo socda ula cayaaraan koox kale, waxaana madaxtooyada Qaranka ku casuumay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, balse Puntland waxay ka carootay in afkiisa uu ka dhortay magaca gobolka ay ka socdeen kooxda uu casuumay.

NAADIGA calooshood u-shaqeystayaasha Soomaaliya

Areyga “Caloshiis u shqeyste” (Mercenary, Murtaziq) waxaa inta badan loo isticmaalaa qof xirfadle milltary ah oo la kireysto oo hadafkisu yahay inuu lacag helo, diyaarna u ah inuu u dhinto ama u dhaawacmo lacagtaas.

Qofkaasi dan kama laha qaddiyadda uu u dagaallammaayo ama cidda uu howsha u fulinaayo. Kaliya waa qof lacag doon ah oo aan cidna daacad u ahayn naftiisa mooyee. 

Qofkaasi muraad kama laha dal, dad, diin, qabiil, waalid ama walaal, iyo wax kasta oo uu qofka caadiga ahi uu ilaashado. Isaga waxaa u dan ah calooshiisa kaliya. 

Laakiin dadka sidaan u shaqeysta kuma koobna xirfadlayaasha millatari ee waxay ku jiraan sidoo kale bulshada qeybeheeda kala duwan. Waxaa jira siyaasi calooshiis u shaqeyste ah, wadaad, oday dhaqameed, suxufi, taqtar, ganacsade, IKK, oo kulligood calooshood u shaqeystayaal ah, oo aan dan kale laheyn meeshii loo dirana shaqo ka soo qabta, kistoodana qaata. Waxaana caadi iska ah iney u adeegaan saaxiibkooda iyo cadowgooda labadaba waa haddiiba ay cadow ama saaxiib leeyihiine. 

Bulshadeenna waxaa ka buuxa rag iyo dumar badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah, laakiin marka aan qiimeyneyno aan ku ajarn nahay shaatiga ay gashan yihiin, iyo magaca ay wataan, ama ha ahaado mid siyaasadeed ama mid qabiil ama mid diineed ama mid aqooneed intaba.

Nasiib darro dadkaan qaarkood waxay hayaan ama u han weyn yihiin iney xilal sare ka qabtaan maamulka dowladnimo qeybihiisa kala duwan, iyo xataa hogaanka bulshada.

Maalmahaan oo doorasho aan ku dhex jirno, waxaa masraxa ka soo buuxsamaya dad badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah. Tan waxay saadaal u tahay waxa ay dhali doonto doorashadaas. 

Waxaa suuro gal ah in calooshood u shaqeystayaashu ay aqlbiyad ka noqdaan maamulka mustaqbalka, taasna ay ka dhalato inaan yeelanno dowlad Caloosheed U-shaqeysato ah, aan dan iyo heello ka laheyn dadka, dalka, iyo diinta iyo tolka intaba. 

Adigoo aan xanaaqin waxaad is weydiisaa; meeqo calooshiis u shaqeyste ayaad taqaannaa oo aad la macaamishaa adiga oo waliba aad ku faraxsan tahay iney kugu matalaan dhaqanka, diinta, iyo dowladnimda intaba, lagana yaabo inaad dartood u xanaaqdo ama u raalliyowdo, iyaguna ayasanba kuu ogeyn intaas oo ad u raran tahay. 

Ka bacdina Adiga laftaadu is miisaan inta aadan dadka kale miisaamin! Ha ku biirin NAADIGA CALOOSHOOD U-SHAQYSTAYAASHA.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wareysi: Maleeshiyada ku beesha ah Ikraan Tahliil ee gaysanaya afduubyada oo hanjabaad culus soo saaray

Beledweyne (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay koox hubeysan oo afduub ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil. 

Kooxdaan oo qaraabo la ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan. 

“Haddii aan 48 saac gudahood jawaab cad heli weyno, waxaa ragaan marsiin doonaa wadadii ay martay Ikraan Tahliil,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay kooxdaan, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamuud Cabdulle. 

“Dadkaan kaliya kuma sinaan doonto xaalada ee waxaan beegsan doonaa dadka ay ka dhasheen Kulane Jiis iyo Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiweli oo u hadlay kooxda afduubka ka wada Beladweyne, islamarkaana ka careysan dilkii iyo afduubkii Ikraan Tahliil. 

Mar la weydiiyay in ay wax ku qaadanayaan baaqyada loo jeedinayo iyo dadaalada socda ayuu Cabdiweli sheegay in aysan aqbali doonin wax aan ka aheyn in waddo caddaalad ah la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, iyagoo sidoo kale weeraray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ilaa hadda kiiskaan ka aamusan. 

Weli waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil oo ay NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay Al-Shabaab iska fogeeyeen.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xoogeystay iyo Riyadh oo tallaabo qaaday

0

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadaha warbaahinta dawladda Sacuudiga ee fadhigoodu yahay Dubai ayaa bilaabi doona inay shaqaalaha u wareejiyaan bishan magaalada Riyadh, xilli uu sii xoogeystay loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

Tallaabada Sacuudiga ayaa imaneysa ayada oo Amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan uu sii wado qorshihiisa ah inuu boqortooyada u rogo xarun ganacsi oo gobolka ah, meeshana ka saaro Dubai.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Dowladda Sacuudiga ay sheegtay inay joojisay qandaraasyada ay siiso shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee fadhigoodu yahay dalalka kale ee Bariga Dhexe.

Laba ilo wareed oo kale ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in kanaallada Al- Arabiya iyo Al-Hadath oo ay dawladdu leedahay ay toddobaadkan ku wargeliyeen shaqaalahooda qorshayaal ay ku bilaabayaan baahinta 12 saacadood maalintii oo laga sii deyn doono Magaalada Riyaad bisha January ee sanadka soo soosocda,  iyaga oo intaa ku daray inay qaadan karto illaa laba sano in la dhameystiro wareejinta.

Illo wareedyada ayaa sido kale shaaca ka qaaday in MBC Group oo ah shirkadda warbaahineed ee ugu weyn ee Bariga Dhexe iyo Asharq News, oo ah kanaalka wararka oo telefishan ah dhowaana la aasaasay ayaa bilaabay qorshayaal shaqadooda loogu wareejinayo magaalada Riyadh.

Xarumaha Shirkadaha MBC, Al-Arabiya iyo Al-Hadath ayaa waxay ku yaalaan Magaalada Dubai, gaar ahaan Xarunta warbaahinta Imaaraadka Carabta, oo ay ku yaalaan boqolaal shirkadood oo warbaahineed.  Asharq News, waxay xarunteedu tahay Xarunta Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai.

Al-Arabiya iyo Al Hadath weli kama aysan hadlin guuritaankooda.  Si kastaba ha ahaatee, MBC ayaa ku xaqiijisay war qoraal ah oo loo diray Reuters in bishii Febraayo ee sanadkii 2020, uu guddoomiyaha MBC uu ku dhawaaqay damaca ah in laga hirgeliyo Riyaad xarun cusub.

“Qorshayaasheena meel wanaagsan ayay marayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay MBC usoo dirtay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Inkastoo ay yihiin xulafo aad isugu dhow, haddana Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dariska ah ayaa ku tartamaya sidii ay usoo jiidan lahaayeen maalgashadayaasha iyo shirkadaha, waxayna bilaabeen qorshayaal kale oo dhaqaale laga sameyn karo marka laga soo tago soo-saarka shidaalka.

Danaha labada dowladood ayaa u muuqda mid sii xumeenaya xiriirkooda labadii sano ee lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale ku kala aragti duwanaadeen arrimaha Gobolka, gaar ahaan xiriirka Israa’iil iyo Turkiga.

Ergeygii Midowga Yurub ee Soomaaliya oo la bedelay iyo mid cusub oo la magacabaay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya, waxaana loo dhiibay Tiina Intelmann oo aheyd danjirihii Estonia ee boqortooyada UK.

Tiina ayaa hoggaamin doonto shaqada laga bilaabo bishan September, waxaana ay xafiiska kala wareegeysaa Nicalos Berlang oo xafiiska joogay muddo saddex sano ah.

Sidoo kale ergeygii hore ee Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa xaflad sagaatin ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, maadaama u dhammaaday muddo xileedkiisa.

Ergeyga cusub oo hadal kooban siisay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonto, iyada oo kaashaneyso UN-ka iyo Ururka Midowga Afrika.

“Midowga Yurub wuxuu la kaashanayaa ururada sida UN -ka iyo Midowga Afrika si loo xoojiyo qaab -dhismeedka qaranka iyo hagaajinta amniga Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka caawinaya la -dagaallanka burcad badeedda iyo argagixisada,” ayay tiri Tiina Intelmann.

Waxa kale oo intaasi raacisay “Midowga Yurub waa deeq -bixiye muhiim u ah Soomaaliya, hadday tahay iskaashiga horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo labadaba.”

Marka laga tego Tiina inay aheyd safiirkii hore ee Estonia u fadhisay UK, waxay ku biirtay wasaaradda arrimaha dibadda 1991, waxayna sidoo kale intii u dhexeysay 2014 illaa 2017,aheyd madaxa ergada Ururka Midowga Yurub ee wadanka Liberia.

Laga soo bilaabo 1999 ilaa 2002, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Ururka Amniga iyo Iskaashiga Yurub (OSCE) ee Vienna. Laga soo bilaabo Maarso 2005 ilaa 2011, waxay ahayd Ergeyga Joogtada ah ee Estonia ee Qaramada Midoobay. Intelmann waxay ahayd safiirkii Estonia ee Israa’iil intii u dhaxaysay 2010 iyo 2011 waxayna noqotay safiirka Estonia ee Montenegro laga soo bilaabo Juun 2011. 12kii Disembar 2011, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay arrimo dhex-maray Ikraan, Fahad iyo Kulane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa mar kale dowladda ka dalbatay in la cadeeyo kiiska gabadheeda oo meel loogu sheego nolol iyo geeri.

Hooyo Qaali ayaa sharaxaad dheer ka bixisay halka ay ku dhalatay gabadheeda Ikraan, halka ay wax ku baratay, goorta ay ku biirtay NISA iyo xogta ay siisay habeenkii ugu war-dambeysay ee la waayey.

“Waxaa jirtay inaan maalin soo wacay gabadheyda, waxay maalinkaas igu tiri Hooyo madaxaa i xanuunaaya oo waxaa iga soo xanaajiyey nin Kullane Jiis la yiraahdo oo hey’adda igala tirsan, oo i handaday, waxyaabo aana jecleysana i weydiiyey, markii iima aysan sheegin waxa uu weydiiyey oo ay ka xanaaqday, balse waxay igu tiri mar kale ayaan kuu sheegayaa,” ayuu yiri Hooyo Qaali.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in habeenkii u dambeeyey ee looga wacay xarunta NISA ay gabadheeda kula hadashay Video-Call, isla markaana ay u sheegtay in xarunta looga yeeray gaarina loo soo diray.

Sidoo kale Hooyo Qaali waxay sheegtay in markii la eego halka ay deganeed gabadheeda iyo feejignaanta ay qabtay Ikraan markii ay dib u eego aysan suurta gal aheyn in Al-Shabaab ay u gacan gashay.

Markii la waayey gabadheeda kadib Hooyo Qaali waxay sheegtay in Fahad Yaasiin uu u yeeray oo markii ay la kulantay uu ku qanciyey in laba maalmood gudahood uu jawaab ka soo siin doono halka ay jirto gabadheedii Ikraan, balse taasi ma dhicin.

“Labadii beri ee Fahad Yaasiin qabsaday waxay qaadatay seddax bilood oo wax yar dhiman, waxaa iigu soo xigtay qoraalkii Facebookga ee lagu yiri gabadhii Shabaabaa dilay, wax caqliga gelaayana maahane gabadheydii hadey dileen meydkeedii ayaan ka rabaa,  hadii ay nooshahana ha ii soo daayeen,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Dhanka kale Maamada dhashay Ikraan ayaa ehbisay oo reerkiisa uga dacwootay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo reerka ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ku metela golaha shacabka, waxayna xildhibaanka ku eedeysay in kiiska gabadheeda uu xagal daacinayo.

Hoos ka daawo

HirShabelle oo war ka soo saartay weerarkii JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay weerar hoobiyeyaal ah oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaas halkaas oo laga dareemayo qaban-qaabada doorashada.

Hoobiyeyaasha ayaa qaarkood waxay ku kala dhaceen agagaarka dhismaha madaxtooyada HirShabelle, xaruntii hay’adda UNICEF iyo dugsiga Sheekh Xanafi iyo qeybo ka mid ah xaafadaha Horseed & Hanti-Wadaag oo ka tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda amniga HirShabelle ayaa lagu sheegay in weerarkan uusan geysan wax khasaare ah, isla-markaana ay ku baxeen ciidanka amniga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ujeedka weerarkan uu ahaa in lagu carqaladeeyo amniga Jowhar oo maalmaha soo socdo ay ka dhaceyso doorashada Golaha Aqalka Sare.

”Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeeyaan amniga caasimada HirShabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha amniga HirShabelle oo heegan ku jiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii ay kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay aasaaradda amniga maamulka HirShabelle.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa weli wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baad-goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Habeen hore ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay bartamaha Jowhar, waxaana ku dhaawacmay xildhibaano ka tirsan HirShabelle.

Si kastaba Jowhar ayaa waxaa haatan ku sugan wufuud kala duwan, musharixiin iyo madaxda ugu sarreysa ee HirShabelle, kuwaas oo u diyaar garoobayo doorashooyinka.

Weerar ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu garaacay hoobiyeyaal, waxaana la xaqiijiyey in illaa shan hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag, sidoo kale magaalada waxaa laga dhex-maqlayaa rasaas goos goos ah.

Labada xaafadood ee Horseed iyo Hanti-wadaag oo caawa hoobiyaha lagu garaacay waxaa aad u degan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana si aad ah loo sugaa ammaankooda.

Inkastoo aan weli la xaqiijin in khasaare ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xaafadahaas ka tirsan Jowhar, hadana cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka ku nool magaalada, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay duleedka magaalada ka soo ridayaan hoobiyayaasha.

Weerar loo adeegsaday bamboo-gacmeed oo xalay ka dhacay xaafadda Hanti-wadaag oo ka mid ah xaafadaha caawa la duqeeyey ayaa waxaa ku dhaawacmay seddax xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle, kadib markii bamkaas lagu tuuray guri ay ku sugnaayeen.

Weerarradaan waxay ku soo aadayaan xilli u diyaar garow doorasho xoog leh uu ka jiro Jowhar, sidoo kale qoraal ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa madaxweyne Cali Guudlaawe looga codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle.

Hoos ka akhriso codsiga guddiga

Jadwalka doorashada oo isbeddel lagu sameeyey iyo mid cusub oo lasoo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Jadwalkaan ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono, iyadoo ay horay u fashilmeen jadwallo ka soo baxay guddiga doorashooyinka, sidoo kalena doorashada Aqalka Sare aysan weli ka bilaaban HirShabeelle iyo xubnaha reer waqooyiga, halka Galmudug iyo Jubbaland ay xubno kale weli ku dhiman yihiin.

 Hoos ka eeg Jadwalka doorashada BFS

Daawo: R/W Rooble oo war kasoo saaray kiiska Ikraan iyo Fahad oo waqti loo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warbixintii ay NISA ka soo saartay kiiskeeda aan lagu qanci karin.

Rooble ayaa faray Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin in 48-saac gudahood uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan, wuxuuna sheegay inuu kadib qaadan doono go’aan.

“Waxaan shacabka la socodsiinayaa in markii ay ii soo dhameystiranto xogta aan u baahanahay aan ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas oo aan la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudadii labada bilood aheyd ee kiiskaan uu taagnaa uu si dhaw ula socday arrintaan, islamarkaana uu hey’adda NISA mar hore ka dalbaday in kiiskaas ay ka bixiso xog dhameystiran.

Balse waxa uu nasiib darro ku tilmaamay warbxintii ay hey’addu ka soo saartay kiiska Ikraan. Taas oo uu sheegay in aysan wadan wax cadeymo ah oo lagu qanci karo.

“Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble.

Israel oo Mareykanka siisay digniin la xiriirta Masar iyo Sacuudi Carabiya + Sababta

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa uga digay dhiggooda Mareykanka inay aad u dhalleeceeyaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Masar iyo Sacuudiga, ayaga oo ka walaacsan in taasi ay dalalkan ku qasbi karto inay xiriir dhow la yeeshaan Iran, Russia iyo China, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Times of Israel.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay wargeyska in saraakiisha Israel ay marar badan u sheegeen maamulka Biden in dhalleeceyn xooggan oo ka dhan ah Masar iyo Sacuudi Carabiya ay saameyn ku yeelan karto dadaal goboleedyada looga hortagayo Iran.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray, in inkasta oo maamulka Biden uu weli sii wado hadallada lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha dibedda, haddana “uu illaa hadda ka fogaaday inuu waxyeeleeyo xiriirka Mareykanka ee Qaahira iyo Riyadh.”

Israel ayaa u aragta Masar iyo Sacuudi Carabiya tiirar carbeed oo dhex-dhexaad ah, oo ay dooneyso inay u kaashato loolanka Iran, waxana lagu warramay inay horey ugu ololeysay taageero dhaqaale oo Mareykanka uu siiyo labada dal.

Hase yeeshee, digniinta Israel ee ku saabsan in China ay gobolka kala wareegi karto Mareykanka, ayaa imaneysa ayada oo Israel nafteeda ay kusoo dhowaaneyso Beijing.

Shirkado Shiinees ah, oo qaarkood ganacsiyo la sameeyey Iran, ayaa saami ka qaatay mashruucyo lagu dhisay kaabayaasha oo laga fuliyey Israel, waxayna maal-gashteen shirkadaha taknoolajiyadda Israel.

Khamiistii, saraakiisha Israel ayaa furay terminal cusub oo laga dhisay dekedda Haifa, oo ay maamuli doonto shirkadda ay leedahay dowladda China ee Shanghai International Port Group. 

Terminalkan oo ay kusoo xirtaan maraakiibta dagaalka Mareykanka, ayaa saraakiisha Washington waxay walaac ka muujiyeen in China ay howlgallo basaasnimo ka fulin karto.

Biden ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday inuu Sacuudiga kula xisaabtami doono tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ay gaysteen, oo uu ka mid yahay dilkii Jamaal Khaashuqji. 

Hase yeeshee maamulka Biden ayaa weli joogteynaya xiriirka Washington ee Qaahira iyo Riyadh, oo muhiim u ah howlgallada Mareykanka ee ka hortagga aragagixisada ee gobolka. 

Kiiska IKRAAN TAHLIIL: Shan su’aal oo jawaab uga baahan madaxda hay’adda NISA

Maqnaanshaha 70-ka maalmood socday iyo geerida ka danbeysay ee Ikraan Tahliil Faarax oo ay shaacisay Hay’addii ay u shaqeyneysay ee Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxay kicisay mowjado naxdin, tacsi iyo diidmo isugu jira, waxaana ka dhashay su’aalo badan oo kiiskan ku hareereysan.

Kiiska Ikraan wuxuu mar kale bannaanka keenay sida Hay’adii Nabadsugidda Qaranka u noqotay afartii sano ee xukunka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid isu bedeshay Hay’ad lumisay sumcadeedii, horena loo siyaasadeeyay, markii ay faraha la gashay arrimo fadeexado badan usoo jiiday.

Su’aalaha waaweyn ee dul hoganaya Kiiska IKRAAN TAHLIIL FAARAX, weliba u baahan in la ogaado, loogana fadhiyo inay NISA caddeyso waxay kala yihiin:

1- Sidee loo afduubay Ikraan?

Maqnaanshaha Ikraan Tahliil wuxuu soo bilowday markii la waayey habeenkii 26-ka June 2021, sida ay sheegtay hooyadeed. Waxaa soo wacay mid ka mida taliyeyaasha NISA, gaari u soo diray, kadiba ay ka raacday gurigii ay deganeyd oo ku yaalla meel tallaabooyin u jirta Xarunta weyn ee Hay’adda NISA, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Markii ugu War-danbeysay Ikraan waxaa lagu ogaaa hoggaanka Hay’addii ay ka tirsaneyd ee NISA, waxaa laga qaaday goob xiran oo aan la geli karin, ammaankeeda si weyn loo sugo, waxaan telefoonkooda la damiyay iyadoo isla meeshaas ku sugan, arrintan waxay shaki badań ku dhalisay qof kasta, wuxuuna tuhunka saaran yahay NISA.

Sidee afduubka uga dhacay NISA xarunteeda? waa su’aasha aan laga jawaabin ee NISA laga sugayo inay caddeyn ka bixiso, waana arrinta iyadoo aan laga jawaabin, lagu qanci karin wax kasta oo ay kiiskan ka sheegto Hay’adda NISA.

2- Yaa Afduubtay Ikraan?

Waa su’aasha labaad ee furaha u ah kiiska Ikraan Tahliil. Hooyada dhashay Ikraan iyo mas’uuliyiin ka mida beesha ay kasoo jeedo waxay sheegeen in markii ugu danbeysay Ikraan lagu qaaday gaari uu leeyahay nin madax sare ka ah hay’adda NISA.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo marar badan kiiskan ka hadlay, isagoo u muuqday inuu difaacayo Hay’adda NISA, wuxuu caddeeyay in xarunta NISA la geeyay oo la tusiyey Gaariga lasoo geliyey baraha bulshada ee markii ugu dambeysay qaaday Ikraan, lana yaqaan qofkii lahaa gaariga.

Marka baaritaa dhab ah jiro waxaa kiiska laga bilaabaa halkii ay ugu danbeysay markii uu dhacay, waxaa la yaab leh in kiiska Ikraan aan marna lasoo hadal qaadin qofkii soo wacay ee ay gaarigiisa raacday, sida in la qarinayo, waxayna shirkaddii Telefoonada Qoyska u diiday inay siiso lambarkii ugu danbeeyay ee wacay Ikraan.

Su’aashan oo la xiriirta weydiintii koowaad waxay muhiim u tahay in la ogaado sida kiisu ku dhacay ee iyo inuu ku lug leeyahay mas’uul sare oo ka tirsan NISA iyo in kale.

3- Yaa gacan ku lug lahaa afduubka Ikraan?

Haddiiba ay sax tahay in Ikraan u gacan gashay Alshabaab sida ay caddeysay Hay’adda NISA, waxaa ka horeeya su’aal weyn oo hortaalla, taasoo ah: “Yaa Alshabaab u gudbiyey ama gacan ku siiyey Afduubka Ikraan?”.

Su’aashan waxay jawaab u noqoneysaa tuhunka marar badan lasoo celceliyay ee ah inay wada shaqeeyaan ama isku milmeen hay’adda NISA iyo Al-Shabaab, tuhunkaas oo si meesha looga saaro u baahan si dhab ah kiiskan loo baaro, lagana dhaafo siyaasadeynta mucaaradka iyo daboolista madaxda NISA.

4- Sidee lagu xaqiijiyey dilka Ikraan?

NISA waxay markii hore ka gaabsatay inay haba yaraatee ka hadasho kiiska maqnaanshaha Ikraan oo weliba ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda, waxayna in ka badan laba bilood waxaa warbaahinta u taagneyd hooyadeed oo sheegtay in mar kaliya loo geeyay agaasime Fahad Yaasiin, kana soo bixi waayey ballanqaadkii uu siiyay.

Iyadoo sidaasi jirto ayaa warka kaliya ee ay NISA soo marisay Warbaahinta dowladda waxay noqotaya inay Al-Shabaab u gacan gashay, ayna dilden…!!!. Alshabaab ayaa iska fogeysay dilka Ikraan, kuna tilmaantay masabid.

Ma cadda sida Ikraan oo lagu ogaa inay tahay sarkaal NISA ah oo degan xarunta NISA meel u dhow, kaliya loo ogaaday geerideeda, balse aanay jirin xog kale oo laga sheegay maqnaanshaheedii labada bilood ka badnaa.

Haddii aan kiiskan si cad oo daah furan loo soo bandhigin, lagana gun gaarin kaliya ma dhiman doonto Ikraan ee waxaa la dhiman doonta Hay’addii NISA, waxaana dhaawaca ugu weyn gaari doonaa dowladnimadii dib loo dhisayey.

5- Maxaa kiiska Ikraan looga gaabiyay oo loo daboolay?

Inkastoo kiisku yahay mid ku lug leh sirdoon, haddana sida ay NISA u wajahday waxay ahayd mid gaabis ah oo aanay ka muuqan dadaal badan iyo wixii laga fili lahaa hay’ad sirdoon oo sarkaal ka tirsan maqan yahay ama halis ku jiro.

Agaasimaha NISA iyo madaxda Hay’adda, marka lagu daro madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Villa Somalia fadhiya haddii aan kasoo qaadno inaysan wax lug ah ku lahayn kiiskan oo saraakiil kale ka dambeeyeen waxay kaliya oo ay ku badbaadi karaan inay tallaabo cad qaataan oo kiiskan cadaaladda mariyaan, ciddii ku lug lahaydna soo bandhigaan.

Haddii la isku dayo in aamus xal loogu raadiyo Kiiska Ikraan ama la is moogeysiiyo waxaa kaliya ka dhalan doona qalalaase iyo dhaawac weyn oo gaara dowladnimada Soomaaliya, waxayna Farmaajo iyo Fahad ka dhigi doontaa inay dib u celiyaan dowladnimadii dalka ee meesha hoose laga soo bilaabay 20 sano ka hor.

Gabagabo

Tallaabooyinka xalka u noqon kara kiiska Ikraan ee la hadal hayo waxaa ka mida xil ka qaadis, iyo guddi baaritaan madaxa bannaan oo loo saaro, laakiin waxaa xusid mudan in dowlada hadda jirta ay magacawday tobannaan guddiyo ah oo aan wax natiijo ah keenin dhacdooyin iyo shilal qaran oo ka mida ama k aweyn Kiiska Ikraan, meeshiii lagu magacaabayna ku dhammaaday.

Waxaa miiska saaran kalsoonidii yareyd ee hay’adaha dowladda lagu qabay, waxaana cadaalad u baahan saraakiishii dowladda ee laga sugayey inay ka shaqeeyaan amniga dadka, markii ay iyagii amni waayeen. Xalka kaliya waaa Guddi madax bannaan iyo runta oo lasoo bandhigo ciddii ay rabto ha u darnaatee.

Xigasho: Goobjooge.net