25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DF Soomaaliya war kasoo saartay dagaalka ka socda duleedka BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedka ka socda deegaanka Kabxanley ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Afrax ayaa marka hore baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka labada beelood ee ku diriraya halkaasi, wuxuuna ka dalbaday inay shuruud la’aan ku joojiyaan xabadda.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay u istaagaan joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee ku daadanaya halkaasi.

“Wasiirka wasaaradda wuxuu ka dalbanayaa duubabka, odayaasha dhaqan, culimaaudiinka, ganacsatada, aqoonyahanada, dhalinuarada. ururada haweenka iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka inay u kacaan joojinta dhiigga dadka walaalaha ah ee ku daadanaya deegaanka Kabxanley, kaas oo noqoday mid soo noq-noqday,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda arrimaha gudaha ay diyaar u tahay inay dhigto gogol dib u heshiisiin ah, si loo soo afjaro xiisadaasi.

“Wasaaraddu waxay diyaar u tahay fidinta gogosha heshiisiinta walaalaha wada dega deegaanadaasi,” ayuu sii raaciyey.

Dagaalka ka socda Kabxanley oo ah mid culus ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan mas’uuliyiinta iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan duleedka Beledweyne.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga Af-urur

0

Boosaaso (Casimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidmada Puntland ee ku yaalla deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen gudaha xerada, halka kuwa kalena ay ku dhaceen hareeraha saldhigga la beegsaday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka Puntland ay iyaguna ku jawaabeen madaafiic, kadib weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray gaadiidka iyo xerada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha Puntland oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Puntland ay howl-gallo iyo dhaqaaqyo ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Puntland oo ku yaalla dhulka buuraleyda ee maamulkaasi.

Odayaasha beelaha HAWIYE oo soo saaray DIGNIIN ku socota Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadalka jeediyey kulan ay ka yeesheen xaaladda dalka ayaa si adag uga hadlay isku dayga uu Farmaajo ku doonayo inuu xilka hoggaanka NISA sii hayo Fahad Yaasiin, isagoo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn cambaareeyey warqadii uu madaxweyne Farmaajo ka soo daba saaray go’aankii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga qaaday Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo sheegay in hadii aan laga hor tegin fidnada ka soo socota go’aannadaas is diidan ay wax badan halaabi doonaan.

“Ma aqbaleyno qaabka uu Farmaajo ku doonayo in loo baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil, waxaan digniin u jeedineynaa madaxweynihii hore Farmaajo, warqadii uu soo saarana waan cambaareyneynaa, waxayna ficilladiisu keeni karaan fidno weyn, horumarka iyo doorashada la hiigsanaayo ayeyna caqabad ku tahay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Dhanka kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ay soo dhaweynayaan tallaabadii Ra’iisul wasaare Rooble, “Go’aankii uu qaatay si uu qaranka u badbaadiyo waan soo dhaweyneynaa, waxaana leeyahay Rooblow cudur jiray waayahaan oo dowladnimada ragaadiyey ayaad go’aan sax ah ka qaadatay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada inay taageeraan oo garab istaagaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, siyaasiyiinta iyo shacabka ayuu sidoo kale ka dalbaday inay ra’iisul wasaaraha taageeraan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Xaad ugu baaqay beesha caalamka inay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa, maadaama uu Farmaajo kolhore wareejiyey mas’uuliyadda amniga iyo doorashada dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka Xaad

Muxuu Cabdalla Cabdalla ka yiri isku dayga Farmaajo ee shaqo kusoo celinta Fahad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen waraaqaha is-khilaafsan ee ay soo saareen xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee ku aadan shaqo joojinta iyo ku celinta Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan ku gadaaman awooda Farmaajo.

Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Farmaajo uusan xaq u laheyn in uu shaqada kusoo celiyo Fahad Yaasiin, maadama uu ka dhawaajiyey in awood fulin ama maamul uusan laheyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu magac sharafeed keliya u sito “Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida,” oo aysan aheyn taliyo-nimo xaqiiq ah.

“Shaqo joojin waa hab anshax marin ah si KMG laguna fuliyo mas’uul shaqadii uu hayay ku dhex sameeyay fal keeni kara anshax marin ama baaris fal-dambeiyeed laga shakiyey inuu dhacay, waxaana xaq u leh madaxda sare ee haysa shaqo maamul, sida; Taliye ciidan ayaa sameyn kara, DG Wasaarad, Wasiir, Ra’iisul Wasaare, laakiin madaxweyne JFS xataa marka uusan waqtiga ka dhamaan malaha awoodaas maxaa yeelay malaha awood fulin ama maamul,” ayuu yiri.

“Macnaha inuu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa sharafeed ee maaha taliyanimo xaqiiq ah. Madaxweynaha amaaha taliye ciidan, awoodaha madaxweynaha waqtigiisa 4 sano ah haysta waxaa caddeynaya Dastuurka KMG ah.”

Jeneraal Cabdalla ayaa waxa uu ugu dambeyntii usoo jeediyay Farmaajo iyo Fahad inaysan isku sii fogeyn midida oo ay sharciga u hogaansamaan baarista xeer ilaalinta ka war-sugaan, sida uu hadalka u dhigay.

Shacab caawa dibad-bax ka dhigayey Muqdisho oo awood ciidan la isku hortaagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa kala eryay dad isugu soo baxay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigaayey banaanbax ay ku taageerayaan xilka qaadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey Taliyihii NISA Fahad Yaasiin.

Banaanbaxaan oo galabta aad la isugu balansaday baraha bulshada ayaa caawa 7:00 pm fiidnimo ka bilaawday isgoyska Banaadir, balse ciidamada Haramcad oo durba goobta gaaray ayaa rasaas ku kala ceyriyey dadkii isku soo baxay.

Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah dhalinyaradii isugu soo baxday banaanbaxaas, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada ayaa hareeraha wadada Maka al-Mukarama dhigtay gaadiidka dagaalka, iyagoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa dadweynaha.

Qaar ka mid dhalinyarada la kala ceyriyey oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay banaanbaxaas ku taageerayeen go’aankii Ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho.

Waa markii labaad oo ciidamada ammaanka ay dhiciseeyeen banaanbax ay dhalinyarada Muqdisho ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo gacanta NISA ay cadaalad hesho, waxaana maalin ka hor sidaan oo kale ay ciidamadu u kala ceyriyeen dhalinyaro isugu soo baxday isgoyska KM-4, kuwaas oo qaarkood jirdil loo geystay.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay gabadha lagu waayey nolol iyo geeri ee Ikraan Tahliil ayaa maanta mar ay warbaahinta la hadashay waxay aad ugu mahad celisay dhalinyaradii isugu soo baxday si ay cadaalad ugu dalbaan walaashood Ikraan.

Sawirro: Rooble oo la kulmay dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kale la yeeshay taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee dalka oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muuddey.

Goor sii horeysay Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac, oo uu xalay ku beddelay Fahad Yaasiin.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Rooble ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo lagu tuhmayo hay’adda NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Kulamadaan ayaa imanaya saacado kadib markii uu Rooble shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin, taasi oo uu ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. 

Kulankan ayaa muujinaya in Rooble uu si buuxdo u haysto taageerada taliyayaasha ciidamada ee saameynta leh, taasi oo meesha ka saareysa isku dayga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu rabo inuu xilka ugu sii hayo Fahad Yaasiin. 

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo FARMAAJO u sheegay inuu hal mid garwaaqsado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay shaqo joojintii Fahad Yaasiin.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in marnaba aysan noqon karin mas’uuliyada dalka mid dayacan, islamarkaana ay tahay in xiliga kala guurka loo hoggaansamo isbedallada uu sameynayo Rooble.

“Xilliga lagu jiro oo xasaasi ah awgeed, masuuliyadda dalku ma noqon karto mid dayacan, cid walba daraf ku dhagantahay iyo sharciyad habawsan. Waxaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaatay masuuliyadda guud iyo maareynta xilliga kala guurka ah waana in lagula shaqeeya oo loo hoggaansamaa isbadallada uu sameeyay,” ayuu ku yiri Cabdikariin Guuleed qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

“Farmaajo waa madaxweyne xiligiisu dhamaaday oo aan wax awood sharciyeed laheyn, waana inuu taas garwaaqsadaa. Dalku ma xamili karo qalalaase cusub.”

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba aan la iska indho-tirin caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo qoyskeeda, laguna garab siiyo arrintaasi Ra’iisul Wasaaraha.

Dalku ma xamili karo qalalaase cusub. Waa inaan dhammaanteen masuuliyad iska saarnaa hirgelinta doorasho hufan oo aan daahin si loo badbaadiyo miraha Dowladnimada, sidoo kale waa inaan la iska indho-tiran caddaalad u raadinta Ikran Tahliil iyo qoyskeeda oo aan arrintaas ku garabsiinaa ra’iisul wasaaraha.

Cabdikariin ayaa dalbaday in xiligan xasaasiga ah mas’uuliyad weyn la iska saaro hirgelinta doorasho hufan oo an daahin, si buu yiri loo bad-baadiyo miraha dowladnimo.

“Waxaan ku baaqaya in laga foggaadaa dib u dhac cusub iyo in loo turo nidaamka Dowliga ah ee dalka, oo aan dhamaanteen wehel ka dhiganaa tanaasulka.”

Xiisada cusub ee ka dhalatay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo shaqo ku soo celintiisa oo kasoo kala baxay xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa horseed u noqon kara dib u dhac cusub oo ku yimaada hanaanka doorashooyinka dalka.

Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil oo si qiiro leh uga hadashay dagaalka Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA ayaa ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Hooyo Qaali ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadcelisay go’aankii uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan cadaalad loogu raadinayo gabadheeda Ikraan.

“Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahad celinayaa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa inuu horey usii wado cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil,” ayey tiri hooyo Qaali oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho.

Dhinaca kale, Hooyo Qaali ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digtay inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheeda.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan uga digayaa inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheed oo uusan fiirin saaxiibtinimada kala dhaxeyso Fahad Yaasiin oo uu fiiriyo cadaaladda ay gabadheeda u baahan tahay,” ayey tiri mar kale.

Hooyo Qaali ayaa Farmaajo u sheegtay inay u joogaan gabdho iyo wiilal, islamarkaana waxay si naxariis leh ugu baaqday inuusan nabsi ka gelin oo uu la dareemo xanuunka ay Maanta dareemeyso.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali ayaa u mahadcelisay dhallinyaradii shalay Muqdisho ka dhigay banaanbaxii cadaaladda loogu raadinayey gabadheeda Ikraan Tahliil Faarah kuwaas oo ay ciidamo boolis jir dil u geysteen.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee hooyo Qaali

Maxaa ka jira in ciidamo ay qabsadeen xarunta wasaarada warfaafinta ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay baraha bulshada si weyn ugu faafay warar sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo koofiyad casta ah la dul-dhigay dhismaha xarunta wasaaradda warfaafinta, kadib xiisada ka dhalatay shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin ciidan qabsaday xarunta wasaaradda warfaafinta, xaaladduna ay caadi tahay.

Sidoo kale, madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta, si loola wareego warbaahinta dowladda ee ka howl-gasha xaruntaas.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu markale khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii uu Rooble shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin, halka uu Farmaajo amray in uu shaqadiisa sii wato.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkaas ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Rooble ayaa sidoo kale Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe, wuxuuna sheegay in uu shaqo ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku tilmaamay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

“Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay,” ayaa lagu yiri qoraalka Farmaajo.

Xisbiga Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay xil ka-qaadista Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war-murtiyeed soo saaray ayaa halmbalyo u diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamuud Jaamac, isagoo u rajeeyey inuu guul ka gaaro mas’uuliyadda culus loo idmaday.

Warqadda kasoo baxday xisbiga UPD ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu yahay qofka mas’uulka ka ah dhammaan hey’adaha fulinta dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga.

Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay Ra’isulwasaare Rooble ku garab siiyaan dadaallada uu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda NISA.

Sidoo kale, Xisbiga ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka waantoobo carqadaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday,” ayuu mar kale yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii NISA, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor yimid tallaabadaas.

Maxay ku kala duwan yihiin go’aanada ay kala qaateen FARMAAJO iyo ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa xoggaanka Villa Soomalaiya ayaa haatan ka sii dareysa, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii uu Rooble shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, kadibna uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiga mucaaradka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah uu taxliiliyey go’aannadan ayaa shaaciyey inay labada dhinac ku kala duwan inuu mid u hiiliyey cadaaladda, halka midka kalena uu hor istaagayo cadaaladdii, sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aanada Rooble iyo Farmaajo waxay ku kala duwan yihiin, midna caddaaladda ayuu u hiiliyey, xuquuqda muwaadinka buu ilaaliyey, damiirkiisana waa u nadiif, halka kan kale uu caddaaladdii hor istaagay, xuquuqdii muwaadinka ku tuntay, damiir gubanaya saaxiibkiis ku difaacay,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aanka kasoo baxay madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu u muuqdo mid uu ku taageerayo Fahad Yaasiin, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

“Waa laba midkood; in uu Fahad la ogaa afduubka iyo dilka Ikraan, ama uu ka arradanyahay damiir masuuliyadeed, damqasho waalidnimo iyo dan qaran,” ayuu raaciyey.

Gabagabadii hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa xusayn in arrintan ay tahay mid guud, isla-markaana labada go’aaan midka taageero bato uu geli doono diiwaanka taariikhda.

“Siyaasiyiinta, ciidanka, bulshada Rayadka ah, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabkaba labada go’aan kii ay taageeraan ayaa taariikhda loogu diiwaan gelinayaa,”

Si kastana siyaasiiyinta mucaaradka ayaa taageero weyn u muujiyey ra’iisul wasaaraha, iyaga oo taageeray tallaabadii uu shaqada uga joojiyey agaasimihii hay’adda NISA

Wararkii ugu dmabeeyey ee xaaladda dhalinyaradii loo afduubtay kiiska IKRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda u helaan dhalinyaradii dhowaan lagu afduubtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Dadaallada lagu soo daayey dhalinyaradan oo saddex ahaa, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ku heyb ah Ikraan Tahliil ayaa waxaa ka qeyb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ee maamulka HirShabelle.

Sidoo kale arrintan waxay ku timid wada-hadallo dhex-maray odayaasha iyo waxgaradka labada beelood, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.

Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo dhoweeyey dadaallada guuleystay ee lagu soo daayey dhalinyaradaasi, wuxuuna u mahad-celiyey odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen odayaasha dhaqanka, mas’uuliinta iyo aqoonyahannada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guulaystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay degamada Baladweyne, iyaga oo bad qaba” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah,”.

Ugu dambeyn Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo wanaaga iyo darisnimada, lana adkeeyo nabad-geylada deegaanka.

“Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan daris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada daggan Degmada Baladweyne, ayuu raaciyey.

Si kastab arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan soo shaac-baxday xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan, taas oo sababtay in shaqada laga joojiyo agaasimihii NISA.

Jubaland oo war culus kasoo saartay xiisadda culus ee ka dhex-qaraxday Villa Somalia

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu caddeeyey mowqifkooda ku aadan khilaafka ka dhashay shaqo joojinta lagu sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Jubbaland ayaa ugu horreyn soo dhoweysay go’aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dileen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Jubbaland ayaa ra’iisul wasaaraha ku boggaadisay shaqo joojinta uu ku sameeyey Faahad Yaasiin, kaas oo khilaaf ka dhex-dhaliyey Villa Soomaaliya.

“Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan amniga doorashooyinka iyo qorshayaasha amniga dalka uu mas’uul ka yahay Rooble.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa madaxweynaha ku eedeysay inay qaranimada ay kala weyn tahay saaxibtinimada iyo danaha gaarka ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si buuxda ugu bidhaamiyay umadda Soomaaliyeed & Dunidaba in shakhsi uu ka weyn yahay Qaranka Soomaaliyeed, dulmiga & cadaalad darrada garab buuxa u yahay” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay hay’adaha amiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay raacaan awaamiirta uu soo saaray Rooble.

Jubbaland Waa maamulkii ugu horreeyey ee war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxyday Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay shaqo joojintii agaasimihii NISA.

ROOBLE awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha hay’adda NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay, kadib qoraallo liddi isku ah oo ka soo kala baxay xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, kuwaas oo la xiriira kiiska lagu heysto hay’adda NISA ee Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul wasaare Rooble oo qaaday tallaabada hore ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, isaga oo mid kale oo KMG ah magacaabay, waxaase ka horyimid madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, waxba kama jiraana ku tilmaamay.

Haddabada Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA?

Ciise Dhoolo-Waa oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer shuruucda sirdoonka, dastuurka iyo amniga, isla-markaana u waramay VOA ayaa ka hadlay sharciyan qodobada ay isku hayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo markale fooda is daray, xilli lagu jiro kala guur.

Aqoonyahankan ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu sharci iyo xaqba u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo agaasimaha NISA ama xittaa uu ka qaado, isaga oo tilmaamay in madaxweynaha uu isna xaq yeelanayo oo kaliya markii golaha wasiirad ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka aad fiiriso sharciga ama dastuurka ra’iisul wasaasaraha Soomaaliya sharci iyo xaq labadaba isagaa u leh inuu shaqada ka joojiyo xittaa inuu shaqada ka qaado. Madaxweynaha kaliya waxaa laga rabaa hal wax markii golaha wasiirada oo uu ugu sarreeyo Prime Minister-ku ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado buu madaxweynuhu yeelanayaa xaqa ah in isagu uu yahay qofka sameynaayo Operation-ka ama magacaabid ha noqoto ama ha noqoto ka qaadidi,” ayuu yiri Mr. Ciise.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Golaha xukuumadda ayaa leh , waxaana ugu sarreeyo Prime Minister-kam sidaas darteedna Prime Minister-ka ayey ka imaaneysaa oo soo ogolaanayo in taliye hebel laga dhigo taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed ama ciidanka Booliska oo kale. Marka sidaas darteed waxaan anigu qabaa sharcigana uu qabaa in wax walba ka bilaabmaan oo xitaa ay ku dhammaadaan xukuumadda,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ay isku qabteen shaqo joojinta uu Rooble ku sameeyey agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu horey ugu qabtay in 48 saac uu ku cadeeyo dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Taliye Xijaar oo shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin u diray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu isugu yeeray shir deg deg ah, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale.

Lama shaacin ujeedka kulankan, balse waxa ay u badan tahay in looga hadlayo xaaladaha soo kordhay iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Sidoo kale waxaa la filayaa in taliska booliska uu soo saarayo go’aanno culus oo la xiriira xaaladda taagan iyo amniga guud ee dalka, maadaama ay xiisaddu ka dartay.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyey agaasimihii guud ee NISA, sidoo kalena madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu kasoo horjeestay, taas oo keentay inay ka sii darto xiisada ka jirta dalka.

Khilaafka haatan soo shaac-baxday ayaa durbo saameyntiisa laga dareemay dalka waxaana la ogeyn halka uu dambeyn doono muranka ka dhashay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo dilka la sheegay inay xoogaga kooxda Al-Shabaab u geysteen Ikaraan Tahliil Faarax.

Si kastaba dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa walaac ka muujinayo xiisadda kasii dareysa ee haatan ka dhex-qaraxday hoggaanka Villa Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemayo Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray go’aankii Rooble iyo jawaabta Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu  fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay.

“Goluhu waxa uu u arkaa in Go’aankaan shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Xaanshida kasoo baxday Musharixiinta ayaa taageero loogu dalbay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Shacabka, Golaha Wadatashiga qaranka, Beesha Caalamka & dhinacyada taageera Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharixiinta oo jawaab ka bixiyay go’aanka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka qaatay shaqo joojinta Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa uu caadeystay in uu saaxiibkiis kala weyn yahay Xuquuqda Muwaadinka, Dastuurka Dalka & Danta Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Hoos  ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midowga Musharixiinta.

FARMAAJO oo diiday shaqo-joojintii lagu sameeyay Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeestay shaqa joojintii uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta uu ku sameeyay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri”

Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta AgaasimahaHay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah;

Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida;

Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka,

Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba;

Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga.

Wuxuu soo saaray qodobadan;

1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha  Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

Maxay tahay sababta soo dadajisay shaqo joojinta lagu sameeyey Fahad Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), sidoo kalena mar soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Gaas ayaa ugu horreyn taageeray, soona dhoweeyey go’aanka ra’iisul wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugiDda iyo sidroonka qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta soo dadajisay shaqo joojinta inay tahay jawaabta dhabta ah ee lagu waayey agaasimaha hay’adda NISA, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan uu sidoo kale yahay midka ugu fudud, isla-markaana aysan jirin doorasho kale.

“Jawaabta Agaasimaha nabad sugidda ayaa soo dedejisay shaqo joojinta, waa go’aanka ugu fudud oo aan doorasho kale lahayn ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu, inta xaaladdu iska bedeleyso wuu ku saxnaa tallaabadaas” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay aheyd in marka hore Fahad Yaasiin uu xogta la wadaago ra’iisul wasaaraha, si xal loogu helo kiiska Ikraan, xiisaddana loo qaboojiyo.

“Waxyaabaha keenay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha waa jawaabta dhabta ahayd oo uu waayay, Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda waxa ay ahayd in macluumaadka uu la wadaago,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo ka dalbaday in xiisadda uusan uga sii darin, inta ay xaaladda iska bedaleyso, maadaama haatan lagu jiro xilli kala guur ah iyo doorashooyin.

“Madaxweynaha haddii uu talo dhageysanayo in uusan baasiin ku sii daarin, inta xaaladda si kale isku bedeleyso in uu dejiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mr. Gaas.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya ayaa u muuqdo mid sii xoogeysanaya, waxaana haatan xaaladdu ay taagan tahay meeshii ay ugu adkeyd.

Sheekh Shariif oo dhaleeceyn xooggan kala kulmay qoraal uu soo dhigay Facebook

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaleeceyn xoog leh kala kulmay qoraal uu shalay soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

Sheekh Shariif ayaa qoraalka uu soo dhigay Facebook wuxuu kaga hadlayey heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska la xiriira arrimaha doorashada ee ay maanta gaareen Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi (Somaliland). Waa tallaabo mudan hambalyeyn iyo bogaadin iyadoo waqtina aan ku bixinnay sidii xal waara looga gaari lahaa kala duwanaanshihii u dhaxeeyey,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hase yeeshee Sheekh Shariif ayaa cambaareyn xoog leh kala kulmay qaar ka tirsan shacabkii ra’iyiga ka dhiibtay qoraalkaas, kuwaas oo ku eedeeyey inuu ka aamusay kiiska Ikraan Tahliil oo ah mid ay ka hadleen inta badan siyaasiyiinta musharixiinta ah.

Dadka ra’yiga ama commentiyada ka dhiibtay qoraalkaas ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey inuu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, oo weli xiligaas ahaa agaasimaha NISA, balse xalay laga qaaday, sidaas darteedna uu kiiska uga aamusay.

“Shariifoow Fahad boqor hakaa dhigo, ujeedkaagu garanay ee nama gaadid markale” ayuu ra’yi ahaan u dhiibtay qof ay Facebook ugu qoran tahay Saadak Jannaaw oo kamid ah dadkii ka hadlay qoraalka uu Sheekh Shariif soo dhigay bartiisa Facebook.

Khaled M Moallim oo isna kamid ah dadka ra’yiga ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa yiri, “Farmaajo iyo Shariif, Fahad ayaa wata Soomaalaay wax fahma odayga Shariif ah wuu fashilmay khalaas.

Qof kale oo ay Facebook ugu qoran tahay Zacky Mohamed ayaa isna yiri, “Sheikh Shariifow heshiiska doorashada waad lasoo oroday adigoo bogaadinaa, balse arinta dilka Ikraan waad ka aamustay, aad iyo aad ayaan uga xumahay adigoo madaxweyne soo maray nagu dhahay, waxaan u hadlaa dhibanayaasha in aad maanta ka mustay. Shariifow, Fahad boqor haakaa dhigo. anaga nalama gaadi karo markaan, Ikraana cadaalad way hili doontaa.”

Qof kale oo Facebook kusoo gala magaca Qamar Abdulahi Adoontii Alle ayaa isna yiri, “Shiikhoow Arinkii Ikraan maxaad uga gaabsatay, Misa Fahad baa boqor kaa dhigaya baad istiri hhh #kubaranay baraadar.”

Dadka fikradaha ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa ah kuwa tiro badan oo aan warbixintaan lagu soo koobi karin, waxayna dhammaantood ka sinnaayeen muujinta tuhunka ah in Sheekh Shariif uu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, sidaasna uu uga gaabsaday inuu ka hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo siyaasiyiinta oo dhan ay ka hadleen.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dadka aragtida ka dhiibanayey qoraalka Sheekh Shariif aysan ka hadleyn oo aysan waxaba ka soo qaadin qoraalkiisa uu uga hadklaayey heshiiska siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxayna dadku qeybta comentiga ku gorfeynayaan saababta uu Sheekh Shariif uga aamusay kiiska Ikraan oo maalmahaan cirka ku shareernaa.

Xog: Cali Guudlaawe oo laba hanjabaad la duli dhigay iyo Jowhar oo cabsi wajaheysa

Jowhar (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu wajahayo culeyso uga imanaya qabiilada iyo Villa Somalia. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiil ka socota Madaxtooyada Soomaaliya ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ku cadaadiyeen in uu liiska murashaxiinta Aqalka Sare ku daro xubno ay wadato oo qaarkood la tartami doono Senator Muuse Suudi Yalaxow, taasi oo uu ogolaaday.

Si kastaba, Guudlaawe ayaa dhinaca kale waxaa saraakiil ciidan iyo odoyaal dhaqan oo ka mid ah beelaha Shabeellada Dhexe ay ku cadaadinayaan inuu u xiro kuraasta qaar. 

Dad ka agdhow Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle ayaa noo sheegay in Cali Guudlaawe uu isku dayayo in uu qanciyo labada dhinaca, balse uu saaran yahay culeys badan oo aan la ogeyn sida uu ku xalin doono. 

Xubno kamid ah saraakiisha hogaamisa ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Shabeellada Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in Jowhar aan nabad lagu joogi doonin haddii aan dib loo dooran Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Saraakiisha hanjabada jeedinaya ayaa ka tirsan kuwii hogaaminayay ciidankii ku sugnaa Waqooyiga Muqdisho ee Badbaado Qaran, iyagoo muddo saldhig ka dhigtay guriga Senator-ka intii ay socdeen qalalaasihii ka dhashay arrimaha doorashada. 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maalmo ka hor Jowhar ka sheegay in qof kasta oo sharuudaha soo buuxiya uu ku soo bixi doono liiska Aqalka Sare, taasoo shaki gelisay murashaxiinta qaar oo aaminsan in baarlamaanka HirShabeelle ku xiran yihiin Madaxweyne Farmaajo, oo ay dhici karto in dadka uu wato ay soo doortaan.

Guudlaawe waa madaxweyne goboleedka kaliya ee aan soo gudbin liiska musharaxiinta, isaga oo ay hareeyeen cabsida uu ka qabo Villa Somalia iyo beelaha awoodda leh ee gobolka, taasi oo muujineysa heerka hoggaan xumadiisa.