Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah dibad-baxa lagu wado inuu beri ka dhaco magaalada Muqdisho ka bilaabay qeybo ka mid ah caasimada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo isugu jiro nabad-sugid iyo Boolis, gaar ahaan kuwa Haramcad la dhigay waddooyinka soo gala taalada Daljirka Daahsoon oo loo qorsheeyey inuu beri ka dhaco isku soo baxa ay haatan abaabulayaan xubnaha mucaaradka.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in wariyeyaal tegay goobta loo qorsheeyey dibad-baxa ay soo eryeen ciidamada ammaanka ee la geeyey halkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay la wareegeen ammaanka hotelka SYL oo la sheegay in la ogaaday inay qolal ka kireysan rabeen qaar ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka.
Ammaanka xarunta madaxtooyada oo iyana dhow Daljirka Daahsoon ayaa loo adkeeyey, waxaana la xiray dhammaan waddooyinka gala dhismaha xurunta Villa Soomaaliya.
Dhinaca kale musharraxiinta ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyey ee dibad-baxa, iyaga oo wacad ku maray inuu dhacayo beri oo Jimco ah, waxayna ay diyaariyeen agab loogu-talagay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo loo qeybinayo dibad-baxayaasha.
Arrintaan ayaa sii kordhineyso walaaca laga qabo inuu iska hor imaad ka dhaco Muqdisho, islamarkaana ay isku dhacaan ciidamada dowladda iyo kuwa musharraxiinta.
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markale ku celisay walaaca ay ka qabto xaalada dalka, ayada oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashada, oo xiisad hor leh ka abuuray gudaha dalka.
Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta, Rosemary A. DiCarlo ayaa sheegtay ‘in lama huraan tahay’ ay tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro is-mari-waaga doorashada, midaasi oo wax u dhimi karta xasiloonida Soomaaliya.
Waxay carabka ku adkeysay in Soomaaliya oo dagaalo sakooye iyo xasilooni darro kasoo dabaalatay aan dib loogu celin, islamarkaana ay madaxda isku haya hanaanka doorashada ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka.
“Soomaalidu waxay waddo dheer u soo mareen xasilinta dalka iyo u dhigista dhabbaha nabad waarta iyo dimuqraadiyad Doorashooyin loo dhan yahay waa lama huraan. Waxaan ka codsanayaa madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadalka waxaanan ku celinayaa taageerada buuxda ayay tiri,” Rosemary A. DiCarlo.
Sidoo kale waxay madaxda Soomaalida iyo saamileyda siyaasada ka codsatay inay dib u bilaaban wada-hadalada looga arrinsanayo doorashada, ayada oo balanqaaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la garab istaagsan tahay.
Hadalkan ayaa imanaya xili xaalada Soomaaliya laga muujinayo walaaca xoogan, islamarkaana uu meel xasaasiya marayo khilaafka ka taagan doorashada, waxaana socda dadaalo ay beesha caalamka ku rabto inay isugu soo dhaweyso dhinacyada.
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isaga oo uu garab taagan yahay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya wuxuu si adag uga hadlay xaaladda dalka.
Samatar ayaa marka hore soo hadal qaaday is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-j\ka, dibad-baxa beri ka dhacaya Muqdisho iyo shirkii Baydhabo.
Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday dibad-baxa ay abaabulayaan xubnaha mucaaradka ee la filayo inuu qabsoomo beri oo Jimco ah, wuxuuna xusay inuu ku boorinayo banaan-baxaaasi reer Banaadir, isaga oo ku baaqay in lasii joogteeyo.
“Dadka reer Banaadir waxaan ku boorinayaa banaan-baxa dhacaya berri in la joogteeyo oo aanu noqon berri oo qura, waa inuu joogta noqdaa illaa ninka buurta fuushan iyo kuwa la shaqeysta uu caqliga uu soo noqdo,” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay qodobada kasoo baxay shirkii guddiga farsamada ee Baydhabo, isagoo tilmaamay in heshiiska lagu gaaray lagu dilmiyey gobollada waqooyi.
Prof. Samatar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabadaas ay wax u dhimeyso qaranimada & midnimada dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay
“Shirka Baydhabo lama heshiin ee waa naloo heshiiyay hadaan nahay reer Waqooyi,waa iyadoo la kufsaday qaranimadii iyo midnimadii Soomaaliyeed lana nijaaseeyay wixii umada isku keenay” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adaga oo kala guur ah, iyada sii xoogeystay khilaafka ka taagan hanaanka loo wajahayo doorashada dalka ee 2021-ka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta hadal-siiyey warbaahinta ayaa ka warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirkii guddiga farsamada ee magaalada Baydhabo.
Cabdi Xaashi ayaa si weyn uga soo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirkaas oo gogol xaar u ahaa midka ay isugu imaanayaan dowladda & dowlad goboleedyada.
Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ku metashay shirkaasi gobollada waqooyi, wuxuuna xusay in uusan jirin heshiis rasmi ah, balse iyaga loo heshiiyey.
“Heshiiska shirkii Baydhabo anaga qeyb kama nihin, waa ayo cida noo heshiineysa wax aan qaadan karno ma ahan, aniga iyo Farmaajo waxaa isku diinahay Dastuurka,”
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Marka aan si gaar ah uga hadlo Somaliland – dowlad ahaanna uguma jirto, dadka halkan u jooga midnimada xubno kama lahan. Su’aasheydu waxay tahay yaa nagu metela, waa ayo cida noo heshiineysa? Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey,”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo is-afgarad lagu gaaray shirkii Baydhabo, sida lagu sheegay war-murtiyeedkii kasoo baxay guddiga farsamada ee qaban qaabada shirka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee baabulka banaan-bax ka dhanka ah dowladda federaalka, kaas oo ay ku dhowaaqeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka.
Baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn looga hadal hayaa dibad-baxan oo ku soo aadaya, xilli ay dowladda Soomaaliya mamnuucday isu imaatinka dadweynaha.
Sidoo kale si uu u dhaco dibad-baxa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Maa’ido, Ex Naasahablood 2 oo ku dhow xarunta Villla Somalia, sidoo kalena ku yaal agagaarka Daljirka Daahsoon.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ammaanka hotelka iyo nawaaxigiisa ay la wareegeen ciidamo milatari ah oo ilaalo u ah labadaasi musharrax.
Dhinaca kale guddiga qaban-qaabada banaan-baxa ayaa diyaariyey shan arrimood oo loogu tala-galay xakameynta Covid-19, si loogu qeybiyo dadweynaha.
Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxayaasha ay u diyaariyeen:- 1-10 kun oo “face masks” ah ama afxirasho oo loogu talo-galay dibadbaxayaasha, 2-Dhowr boqol oo “Hand Sanitizers” oo faraha lagu dhaqdo, oo dadka looga horkeenayo inta aaney tagin goobta, 3-Koox gargaar degdeg oo ku fiican xaaladaha degdegga ah!, 4-Ambulance lagu qaado dadka haddii ay wax dhacaan! iyo 5-Biyo dadka harraadsan ay cabaan.
Si kastaba xaaladda Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, iyada oo aad loo hadal hayo banaan-baxa mucaaradka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Maa’ido, Ex Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Labada madaxweyne oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa la sheegay in hotelka Naasahablood 2 oo u dhow taalada Daljirka Daahsoon ay ka bilaabi doonaan abaabulka dibad-baxa la qorsheynayo in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ammaanka hotelka iyo agagaarkiisa ay la wareegeen ciidamo ay wataan Xasan Sheekh & Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi, waxaana isla goobtaas ku dhow bar-koontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada.
Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo ka dhan ah dowladda, waxaana ay shaaciyeen inuu dhacayo dibad-baxa, iyaga oo sidoo kal ugu baaqay ciidanka ammaanka in aysan ku dhex-milmin arrimaha siyaasadda.
Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay maalinta Jimcaha ka ag dhowaadaan Daljirka Daahsoon, oo ah halka la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay qorsheeyeen musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Marka la eego halista dambiyada rabshadaha wata iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.”
Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaas, la socdaan wararka warbaahinta gudaha, ka dheeraadaan meelaha dadka badan oo aysan is-muujin, ayna gacanta ku haystaan baasabooradooda si ay u u tusi karaan haddii loo baahdo.
Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto in banaan-baxa mucaaradka uu isku rogo rabshado xilli dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay ka hortagto, kana hor-istaagto shacabka inay muujiyaan aragtidooda.
Dowladda ayaa qoraal ay shalay soo saartay ku mamnuucday isu-imaatinka dadweynaha, ayada oo qiil ka dhiganeysa joojinta faafitaanka cudurka COVID-19, balse la rumeysan yahay in ujeedkeeda guud uu yahay inay baajiso mudaaharaadka, hase yeeshee mucaaradka ayaa wacad ku maray in dibad-baxa uu u dhici doono sida loo qorsheeyey, waxayna ku gacan seereen amarka dowladda.
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii magaalada Baydhaba lagu soo gaba-gabeeyey shirkii guddiyada farsamo ee kala metelayey dowladda federaalka, dowlad goboledyda iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya shaki badan oo laga qabo her-gelinta qodobadii ay uga heshiiyeen is mari-waagii ka taagnaa arrimaha doorashooyinka dalka.
1 –Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga.
2 –Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.
3 –Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.
4 –Adkaynta Qoondada Haweenka
5 –Jadwalka qabsoomidda doorashada.
Qodobadan ayaa loo gudbinayaa madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed si ay u ogolaadaan, waxaana war-murtiyeedkii guddiga lagu iclaamiyey shir aan la shaacin goobta uu ka dhacayo, kaas oo furmaya 18-ka bishan oo ku beegan Khamiista berri ah.
Sida muuqata heshiiskaas ayaa wajahaya caqabadii koowaad oo ah in madaxdu aysan u diyaarsaneyn inay shirkaas isugu yimaadaan berri oo Khamiis ah, waxayna ku kala suganyihiin magaalooyinka ay maamulaan ee caasimadda iyo gobollada dalka.
Haddaba heshiiska ay guddigan farasamadu gaareen maxay uga dhigantahay siyaasaddii cakirneyd ee Soomaaliya? Mase ka fulayaa madaxdii markii hore ku guul dareysatay inay heshiiyaan oo ay xubnaha gudiggan kala metelayaan?
Khaalid Maxamuud Maclalin waa macalin wax ka dhiga mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho, waxuuna ka faaloodaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isagoo la hadlaayey VOA ayaa la weydiiyey su’aashaas iyo kuwo kale oo ku geedaaman khilaafka ka taagan doorashada iyo heshiiskan cusub ee Baydhaba lagu gaaray.
Khaalid Maxamuud waxa uu qabaa in guddigan loo soo xulay si looga baaqsado waji gabax kale oo sababa in madaxdu heshii waayaan oo mar kale kala tagaan, sidii ka dhacday Dhuusamareeb, taasna aysan ka dhigneyn in sidooda ay u hir-gelayaan qodobada ay soo saareen guddigu.
“Muhiimadu waa fulinta qodobadaas, sababtoo ah heshiiskii 17-kii September fulintiisa ayey caqabadu ka timid, tan kale heshiiskan cusub faahfaahin dheeri ah lagama bixin si aan u ogaano cidda tanaasushay… markii aad fiiriso qodobadii ay soo saareen waxaa ka muuqata inay wax isla fahmeen oo madaxda ka sareysa ay u gudbinayaan,” ayuu yiri Khaalid Maxamuud oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
In guddiyadaas la isu diro oo loo xil saaro inay ka soo tala bixiyaan qodobadii la isku hayey ayuu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, “Intii madaxdu warqadda ku dul gorgortami lahaayeen waa tallaabo wanaagsan in nin kasta guddi soo dirsado oo daaha gadaashiisa uu ka gorgortamo,” ayuu yiri.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax nooca miinada ah ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanada Danow iyo Golweyn ee gobolkaasi.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.
Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa goobta laga maqlay rasaas ay rideen ciidamada Midowga Afrika AMISOM, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan labo askari, sida ay hadalka u dhigtay.
Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska AMISOM iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino.
Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo-gal ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta & bartamaha dalka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Genaral Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ay howl-gallo qorsheysan oo ay ciidamada Danab ka sameeyen gobolka Shabeelaha Hoose.
Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladaasi oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab, si gaar ah looga fuliyey wadada dheer ee isku xirta Qoryooley & Janaale.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiro saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in howl-galladu ay haatan sii socdaan, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha ee koonfurta Soomaaliya.
Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey howl-gallo ballaaran oo laga sameeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.
Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta oo gudaha u galay goobo bartilmaameed u ahaa.
Qoraal kasoo baxay taliska PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta kusoo ku dhigeen qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab ku diyaarineysay halkaasi.
“Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso,”
War saxaafadeedka ayaa intaasi kusii daray “Waxay ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland,”
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii socon doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.
Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa xoojiyey baaritaanada lagu xoojinayo ammaanka magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowg Mushaxiinta oo caawa mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa digniin u diray saraakiisha iyo ciidamada dowladda, iyagoo uga digay inay ku dhex milmaan howlaha siyaasadeed ee dalka, waxayna ka dalbadeen in aysan wax is hor-taag ah ku sameyn banaanbaxa ay qabanayaan Jimcaha.
Afhayeenka golaha Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta kula hadlay Hotel Jaziira ayaa yiri, “Saraakiisha ciidanka waxaan ka dalbanaa inay ciidanka ka ilaaliyaan oo dhexdhaxaad ka noqdo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ka socda, hadii ciidanka siyaasadda la geliyo, culeyska ka yimaada saraakiisha ayaa qaadeysa.”
Sidoo kale afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka oo ay magacaawdeen xubnaha golaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in wax kasta ay u diyaariyeen dadka banaanbaxa ka qeyb gelaya maalinta Jimcaha ah ee soo socota.
“Xarumaha midowga musharaxiinta waxaa ka socda abaabul aad u balaaran, waxaana ku tala galnay in tiro xoog leh oo dad ah ay isusoo baxaan, anagoo og khatarta jirta ee cudurka Corona, waxaan mudaharaadayaasha u diyaarinay, fara-dhaq, waji xirad ku filan oo qof kasta aan sii doono, gaadiid lagu qaado dadka hadii ay dhacaan wax aan loogu tala gelin iyo dhakhaatiir,” ayuu yiri afhayeenku.
Isagoo sii hadlaayey ayuu sheegay in qorshuhu yahay in salaadda Jimcaha lagu dukan doono fagaaraha Daljirka Daahsoon, isla markaana ay dadka u diyaariyeen cabitaano, ciidan ilaaliya ammaankooda iyo wax kasta oo adeeg ah.
“Xaafad kasta oo ka tirsan Muqdisho waxaa lagu diyaari doonaa gaadiid soo qaadi doona dadka, hadda abaabulku meel fiican ayuu noo marayaa, marka waxaan rajeyneynaa in maalinta Jimcaha ah ay noqon doonto maalin taariikhi ah,” ayuu yiri afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga fal-celiyey hadalkii galabta ka soo yeeray wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo dal-baday in shacabku aysan sameynin wax isku imaatin ah, cabsi laga qabo Coronavirus awgeed.
Xasan Sheekh, oo taageerayaashiisa kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in wax kasta hadii ay dhacaan aysan ka baaqan doonin banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha soo socda, isagoo sheegay in banaanbaxaas oo ah mid nabadeed looga soo hor jeedo sifaha uu Farmaajo weli ku sii joogo xafiiska iyo shuruucda uu saxiixayo xiligan.
Waxuu tusaale u soo qaatay saxiixyada guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa iyo kan adeega garsoorka garsoorka oo uu sheegay in laga bedelay taariikhda saxiixa oo waqti hore lagu qoray, sida uu hadalka u dhigay.
“Nimankan dhaqanka dowladnimada ayey ku dheeleen maanta waxay nasoo hor taajiyeen taliyeyaashii ciidamada oo leh Corona ha la iska jiro, war taliye ciidanow maxaa corona kaa galay? Ila meereyso ayey wadaan, tan iyo markii uu Farmaajo xafiiska tegay hal tuulo galama saarin Al-Shabaab, kaaga darane magaalada ayey maalin kasta dadka ku gablaminayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo sii hadlaayey ayaa tallaabo lama huraan ah ku tilmaamay banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha soo socda, isagoo shacabka u balan qaaday inay hor kici doonaan.
“Hadaadan codkaaga ku dhihi karin, kan waan diidanahay, kana waan ogolahay, maxaad xaq u leedahay? Farmaajo iyo wiilasha ku xeeran, waxaa waajib ku ah in dadka isugu soo baxaya banaanbaxa ay ammaankooda sugaan oo jidadka u furaan, waa dembi in la yiraahdo banaanbax dhici mayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxa sheegay in qof kasta uu soo qaadan doono qalabka wajiga lagu xirto, iyaguna ay u diyaari doono, xatta faradhaq, meel kastana ay uga hor marayaan shacabka.
“Waan tageyna fagaaraha, anagaa idinka horeyna oo meesha tegayna, warkood dheg jalaq cid u sii doonta malahan, dadka ma ixtiraamaan, warkoodana qof yeeleysa malahan, la dhageysan maayo, xuquuq dambe oo lagu tumanaayana ma yeeleyno, dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan leeyahay maalinta Jimcaha ah barxadda Daljirka Daahsoon ayaa noo balan ah, maalintaas horteed cidna Ilaahey ma dilo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynihii hore xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkaasi oo uu shir-guddoomiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiina, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa lagu go’aamiyay in la xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada bulshada, ayada oo xooga la saarayo in meesha laga saaro isku-imaatinka dadka badan.
Awaamiirta kasoo baxay shirkan ayaa waxa lagu fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe, waxaana gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.
Sidoo kale waxay xukuumaddu waajibisay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask, ayada oo la joogteynayo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir.
Waxa xusid mudan in awaamiirtan aan si faah-faahsan loogu sheegin waxa laga yeelayo Goobaha waxbarashada iyo gaadiidka dadweynaha oo ah meelaha kulmiya dad tiro badan, waxaana qoraalka lagu yiri “Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah”.
Awaamiirtan cusub ayaa waxa laga talo-geliyay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasi oo ku raacay in la dhaqan-geliyo, waxayna kusoo aadayaan xili uu caasimada ka socdo abaabulka banaanbax ay iclaamiyeen Musharaxiinta Mucaaradka.
Si dhab ah uma cada in xukuumadda Rooble ay is-hortaagi doonto banaanbaxaas, hase yeeshe awaamiirtan cusub ayaa meesha ka saaraya in caasimada iyo guud ahaan dalka laga qabto isku imaatinada kulminaya dadka badan.
Hoos ka aqriso awaamiirta ay xukuumadda soo saartay;
In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta maamulka Jubaland, Aadan Ibraahim Xirsi ayaa markii u horeysay ka hadlay banaanbaxa weyn ee ay iclaamiyeen Midwoga Musharaxiinta Mucaaradka, kaasi oo maalinta Jimcaha ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Aadan Aw-Xirsi ayaa ugu horeyntii sheegay in banaanbaxaas xaq u leeyihiin inay qabtaan mucaaradka, islamarkaana ay waajib ka saaran tahay ciidamada dowladda iyo kuwa nabad-sugida inay ka qeyb kaa qaateen xaqiijinta amniga goobta shacabku iskugu soo baxayaan.
Aw-Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu dowladda federaalka usoo jeediyay inay tallaabo nabdoon u raadiso joojinta banaanbaxaas, ayada oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco iska hor-imaad dhex-marka dadweynaha isku soo baxa dhigaya iyo ciidamada dowladda.
Waxa uu ku taliyay in Wasaaradda Caafimaadka ay codsi u dirto Midowga Musharaxiinta si loo baajiyo banaanbaxaas, maadama uu dalka kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, wuxuuna xusay in haddii ay ku gacan-seyraan mucaaridka aqbalaada codsigaas ay xaq u leeyihiin qabashada banaanbaxas.
“Waa laga codsan karaa, ayada oo la marayo Wasaarada caafimaadka oo waxaa la dhihi karaa ‘walaalayaalow waxa jira xanuunkaan, ee naga dhima’, haddii ay diidaan wey mudaharaadayaan xaq dastuuri ah ayey u leeyihiin, booliskuna waa inuu waardiyeeyaan, nabad-sugidda waa inay geedaha fuulaan oo ay dhowraan, waa inay sugaan in mudaaharadkaas ku dhammaado si nabad ah, mas’uuliyadda dowladda waayey taas,” ayuu yiri Aadan Aw-Xirsi.
Musharaxiinta mucaaradka ayaa Axadii toddobaadkan ku dhawaaqay banaanbaxaas oo ka dhacaya Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, iyagoo sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.
“Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxay soo dhaweeyen baaqii uu guddiga farsamadu usoo jeediyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kaasi oo ahaa inay shirweyne looga arrinsanayo doorashada ay iskugu yimaadaan maalinta berri ah.
Inkasta oo ay adag tahay suurta-galnimada in kulan ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka ee warigoodu dhamaaday iyo kuwa dowlad goboleedyadu iskugu imaadan shir, haddan waxay Saaxiibada beesha caalamku ku booriyeen madaxdaas inay kulmaan 18-ka Febraayo.
“Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.”
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa iyagu qaba in is-faham iyo heshiis kama dambeys ah gaari karaan madaxda hore ugu soo kala kacday shirkii Dhuusamareeb-4, waxayna ku cel-celiyeen in kulan la isugu imaado maalinta Khamiista, kaasi oo xal kama dambeys ah looga gaarayo muranka doorashada.
Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ayaa xalay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed uga dhawaaqay inuu guul ku soo dhammaaday shirkii dhinacyadu, islamarkaana Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka uu xal ka gaaray arrimihii ugu adkaa ee la isku hayay.
“Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay guddigaas xalay soo saaree.
Wasiir Xasan Xaaji iyo xubnaha la socda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Dhuusamareeb waxay qiimeyn ku sameyn doonaan amniga maamulka Galmudug, sidoo kale waxa lagu wadaa inay Galmudug ka hirgeliyaan Maxkamadd u gaar ah ciidamada ka howl-gala deeganadaas.
Arrintan ayaa imaneysa xili muddooyinkii dambe laga deyrinayay amaanka guud ee deeganada Galmudug, waxayna cadaadis xoogan kala kulmeysa dagaalyahanada Shabaabka, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha hadda talada haya.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya ayaa soo rogtay amar hor leh iyadoo shaqaalaha dowladda ku amartay iney guryahooda joogaan.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxaa lagu sheegay in shaqaalaha ay si kumeel gaar ah u hakiyaan isu imaatinka iyo xaadirintooda, waxaana sabab looga dhigay xanuunka Covid19 oo aad u saameeyay bulshada.
Shaqaalaha dowladda waa la fasaxay intooda badan iyadoo la rabo in laga fogaado xanuunka safmarka ah ee COVID19, waxaana kaliya xafiisyada dowladda tagi doona madaxda iyo shaqaalaha aan shaqooyinka joogtada ah looga maarmeynin.
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Pan African David Matsanga ayaa u gudbiyey xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay qoraal xasaasi ah oo la xiriira dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee hortaalla maxkamadda ICJ.
David Matsanga ayaa ka dalbaday Antonio Guterres inuu u hor-istaago go’aanka maxkamadda cadaaladda ICJ ee dhageysiga dacwadda badda ee labada dal.
Guddoomiyaha Madasha Pan African ayaa sidoo kale ugu baaqay xoghayaha Qaramada Midoobay inuu u istaago baajinta dhageysiga dacwaddaasi.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay habboon tahay in dib loo dhigo dacwadda ka furan ICJ, si looga fogaado wax kasta oo sababi kara inay kasii daraan qalalaasaha & xiisadda siyaasadeed ee haatan ka jira dalalka dhaca Geeska Afrika.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Kenya ay ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga kiiska badda, kadib markii ay ku gacan seertay ICJ.
Kenya ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya, iyada dhinac kasta ka tuseysa Qaramada Midoobay.