25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Muxuu ahaa qaraxii caawa laga maqlay MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho laga maqlay qarax xoog leh, kaas oo ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Qaraxaas ayaa la sheegay in laga soo buuxiyey jawaan, isla markaana la dhigay banaanka garoonka.

Sida ay Caasimada Online u xaqijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay si nabad ah u fashiliyaan qaraxaas.

Illaa hadda goobta lagama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas, oo si bareer ah ay ciidamada booliska Soomaaliya u qarxiyeen, gaar ahaan qeybta miinooyinka.

Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho aad uga fuliya qaraxyada la dhigo wadooyinka dhinacooda, kuwaas oo ay la sugaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in markasta ay qaraxyadoodu khasaare culus u geystaan shacabka.

Farmaajo oo caawa kulan isugu yeeray guddoonka Golaha Shacabka ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban kasoo saartay kulan caawa maadxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xafiiskiisa kula yeeshay guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraalkan lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo hadda ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalkan wax faah-faahin loogama bixin wada-hadallada dhacay.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo maanta ay xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka ay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kutlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo.

Xildhibaanadaas oo u badan kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday.

Sidoo kale kulankan caawa uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay guddoonka golaha shacabka ayaa ku soo aadaya, iyadoo Arbacada berri ah uu Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheynayo inuu horgeeyo codsi muddo kordhin ah.

Inkastoo xukuumaddan waqtigu ka dhamaaday aysan weli cadeyn inay dooneyso mudo kororsi, hadana qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku doodaya inuu jiro damacaas, isla markaana ay si adag uga hor tegayaan.

Kutlad cusub oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka oo ku kulmay Hotel-ka Jaziira, ayaa waxay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kutlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo.

Xildhibaanadan oo u badan kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ku shirsan Hotel Jaziira ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lamid yahay madaxweynayaashii hore ee dalka, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ah.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada uu qeybta ka yahay ay ka shaqeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa qorshe uu ra’iisal wasaare Rooble muddo kordhin kaga raadinayo baarlamaanka oo uu hortagi doono maalinta berri ah.

Kutladan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay laf-dhuun-gashay ku noqon doonaan damaca madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Si kastaba, waxaa laga deyrinaya xaalada dalka oo maraysa meel xasaasiya, iyada oo uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweynaha, xili aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashada, lamana oga sida ay wax u dhici doonaan maalmaha soo socda.

Xog: Cali Mahdi oo fariin u dhiibay wasiiradii shalay ku booqday hoygiisa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda xilka sii heysa ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay gurigiisa ku booqday madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Kulankaan oo sida la sheegay ay codsadeen wasiirada ayaa ka dhacay guriga uu Cali Mahdi ku leeyahay Muqdisho, waxaana hogaaminayay wasiirka amniga Xasan Xundubey Jaamac, ayada oo looga hadlay marxaladda uu wadanka joogo iyo xiisadda ka taagan khilaafka doorashada.

Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiirada ay Cali Mahdi ugu tageen iney kala hadlaan sida looga shaqeyn karo amniga dalka, looga fogaan karo xasilooni darro, maadaama uu madaxweynahii hore yahay oday Soomaaliyeed oo ku lug leh siyaasadda.

Ilo wareedyada ayaa Caasiamda Online u sheegay in Cali Mahdi uu fariin u dhiibay madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna u sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday, lagana doonayo inuu doorasho xalaal ah qabto ama kursiga baneeyo.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay wasiiradaan fariinta u gaarsiin karaan Farmaajo, hadana Cali Mahdi waa xubinta ugu weyn ee mucaaradka xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday, waxaana qof walba ay sugeysaa sida looga gudbi lahaa marxaladaan.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in shir la isugu yimaado, musharaxiinta mucaaradka waxey ku baaqeen in Farmaajo aan loogu yeeri madaxweyne, waxaa kaloo jirta xan siyaasadeed oo sheegeysa in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble goobayo muddo kordhin laba sano ah iyo iney xukuumadiisa qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo oo iclaamiyey shir ka dhici doona Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shir kale uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la qorsheeyey inuu dhaco 15-ka bishan.

Shirkaas ayaa ka dhici doona magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana hoggaamin doona madaxweyne Farmaajo, sida lagu sheegay qoraalka.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay ku dadaali doonto sidii dalka ay uga dhici laheyd  doorasho, iyadoo laga wadahadlayo arrimaha abuuray khilaafka taagan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan goor dhow ka soo baxay Villa Somalia.

Go’aankan uu madaxweynuhu ku iclaamiyey shirka Garowe waxuu ku soo aadayaa, iyadoo daqiiqado ka hor ay madaxtooyadu baahisay in madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah uu usugu yeeray guddoonka golaha shacabka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo madaxtooyadu ay ka baahisay kulankaas.

Xog: Rooble oo damacsan inuu BF u gudbiyo qorshe isugu jira muddo kordhin iyo nooc doorasho oo cusub

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheynaya inuu berri baarlamanka horgeeyo qorshe yaab leh oo ka kooban nooc doorasho oo cusub iyo muddo kordhin isla socda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaano dhowr ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble, oo berri ka balansan golaha shacabka, uu soo jeedin doono in lagu laabto hannaankii doorashada ee horey looga diiday madaxweyne Farmaajo oo ahaa doorasho qof iyo cod ah oo ka dhaceysa hal deegaan doorasho (Single Constituency) islamarkaana ah midka liixska xiran (closed list).

Doorashada halka deegaan doorasho (Single Constituency) ayaa ah mid qof iyo cod ah balse cod-bixiyayaasha kooban yihiin oo ay yihiin kaliya illaa dhowr kun ah, oo matalaya dhammaan shacabka oo dhan, kuwaas oo la isugu keenayo hal deeegaan doorasho, kadibna ay codka ka dhiibanayaan. 

Qorshaha Rooble ayaa ah inuu ku doodo in maadaama doorashadii kale lagu heshiin waayey middan la qaato, si loo fuliyana ay u baahan yihin waqti dheeri ah, oo illaa laba sano ah.

Ajendaha baarlamanka ee berri kuma jirto ka-hadalka muddo kordhin, balse xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in la doonayo in lagu soo geliyo qaab su’aal weydiin ah kadibna lagu meel-mariyo gacan taag deg deg ah. 

Dhanka kale xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka kuwaas oo kasoo horjeeda xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday ee Madaxweyne Farmaajo ayaa wada abaabul ay kaga soo horjeedaan arrintaan, ugana hortagayaan.

Xildhibaanadan ayaa haatan shirar ku leh Hotel-ka Jaziira ee magaalada Muqdisho, ujeedkuna waa iney ka hortagaan qorshaha la sheegay inuu berri damacsan yahay ra’iisul wasaare Rooble.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale lagu wargeliyey beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah inay deg deg ula hadlaan Mursal, ayaga oo uga digaya inuu qaado tallaabo noocan ah.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa dhawr jeer sheegtay inaysan koox gaar ah sameysan waddo ay iyadu faa’iido ku qabto, islamarkaana ay madaxda siyaasadda isku yimaadaan si ay ugu heshiiyaan arrimaha doorashada.

Sidoo kale waxey ka digeen muddo kordhin ay sameystaan madaxda uu wakhtigeeda dhamaaday iyadoo sidoo kale mucaaradku ay diideen iney madaxweyne ugu yeeraan Farmaajo kaas oo 8-February uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Kulan deg deg ah oo u socda musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka bilowday kulan gaar ah oo u socda xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka labada Aqal iyo Midowga musharaxiinta mucaaradka ah, xili ay xaalad cakiran ka taagan tahay dalka.

Kulankan oo aan hore loo shaacin ayaa si deg-deg ah ku qabsoomay, waxaana looga hadlayaa xaalada dalka iyo muddo xileedka dhamaaday ee madaxweynaha, oo xukuumaddiisu isku dayeyso muddo kororsi ay ka soo horjeedan mucaaradka.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya kulankaan ayaa sheegaya in Musharaxiinta mucaaradka ay xildhibaanada isku mowqifka yihiin kala hadlayaan qorshe la sheegay in uu Ra’iisal wasaare Rooble uu maalinta berri ah horgeyn doono Golaha shacabka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa berri hortagaya Baarlmaanka, isaga oo ka baaqday kulankii hore ugu balansanaa, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro qorshe uu ku codsanayo muddo kororsi, si loo qabto doorasho qof iyo cod ah.

Inkasta oo uusan si dhab ah u cadeyn qorshaha saxda ah ee Ra’iisal wasaaraha uu berri la hortagi doono golaha ayaa haddana waxa ku gadaaman tuhun badan oo la xiriira in xukuumadda ay isku deydo muddo kororsi, xili uu dhamaaday muddo xileedka madaxweynaha.

Si kastaba, Kulankaan ayaa waxa looga arrinsanayaa sidii meesha looga saari lahaa isku deyga ra’iisal wasaaraha iyo xaalada cakiran ee dalka oo meel xasaasiya mareysa.

Wixii kasoo kordha kulanka kala soco Caasimada Online

Gudoomiyahii Soomaaliga ahaa ee maxkamadda caalamiga ICJ oo la badalay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyahii Soomaaliga ahaa ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa baneeyay xilka kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha cusub ayaa ah gabadha xaakimka ah ee u dhalatay dalkan Maraykanka ee lagu magacaabo Joan E. Donoghue. Xaakimka u dhalatay dalka Ruushka ee lagu magacaabo Kirill Gevorgian ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka maxkamadda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ayaa qaadda dacwadaha iyo muranada heerka caalamiga ah ee u dhexeeya dawladaha, waxaana maxkamaddan ay hoostagtaa Qaramada Midoobay iyadoo la aasaasay sannadkii 1945-tii.

Maxkamaddan ayaa bisha dambe dhagaysan doonta kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dacwdadan ayaa dhagaysigeedu soconayaa inta u daxaysa 15-19 bisha Maarso ee soo socota.

Garsoorayaasha dawcaddan dhagaysan doona ayaa tiradoodu dhan tahay 15, waxayna kala yihiin: Joan E. Donoghue (Maraykan) Kirill Gevorgian (Ruush) Peter Tomka (Slovakia) Ronny Abraham (Faransiis) Mohamed Bennouna (Morooko) Antônio Augusto Cançado Trindade (Barazil)Cabdulqawi Axmed Yuusuf (Soomaaliya) Xue Hanqin (Shiinaha) Julia Sebutinde (Uganda) Dalveer Bhandari (Hindiya) Patrick Lipton Robinson (Jamayka) James Richard Crawford (Australia) Nawaf Salam (Lubnaan) Iwasawa Yuji (Japan) Georg Nolte (Jarmalka).

Midowga Yurub oo digniin kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Ururka Midowga Yurub ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Midowga Yurub ayaa marka hore ka digay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka oo uu weli ka taagan muran xoogan, iyadoona lagula kala tegay wada-hadalladii socday.

Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Ururka Midowga Yurub, ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka jira dalka, isaga oo tilmaamay haddii uu sii socdo inuu halis ku keenayo xasiloonida Somalia.

“Wax kasta oo isbarbar socda ama qeyb ka ah howlaha loo xilsaaray hay’adaha doorashooyinka, oo aan ahayn farsamo ahaan, waxaa loo qaadan doonaa dib u dhac xoog leh,” ayuu yiri Josep Borrell.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya doorashada inay xal u raadiyaan is marin-waaga u dhexeeya, si loo qabto doorasho loo dhan yahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo weli beesha caalamka ay waddo dadaalkeeda ku aadan doorashada 2021- waxaana socda qorshe la’isugu keenayo madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale,si looga wada-hadlo doorashooyinka.

Golaha Amaanka oo go’aan ka gaaraya xaalada Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Sida uu qurshuhu yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelan doono xaaladda Soomaaliya,  maadaama ay idlaatay muddada xil-henta ee madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Fadhiggan oo ay dalbatay boqortooyada Britain oo ka mid ah shanta dowladood ee Joogtada ah ayaa waxaa go’aan looga gaarayaa mowqifka ay Qaramada Midoobay ka qaadanayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah ee la galay.

Sidoo kale kulankan deg-degga ah ayaa waxaa lagu dajin doonaan qorshe siyaasadeed oo ku aadan jiheynta xaaladda Soomaaliya.

Dhinaca kale afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay inay weli u arkaan inay kulmi karaan madaxda Soomaaliyeed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo dhab ah.

“Wadahadalka dhammaan dhinacyada arrintaan khuseyso waa lama huraan waana in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan halka loo socdo iyo dhabbaha loo marayo, London ayaa qorsheysay kalfadhi looga doodayo amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya oo ku taariikheysan 22-ka Febaraayo kahor inta aan la cusbooneysiin Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku beegan 28-ka Febaraayoo 2021.” ayuu yiri Stephane Dujarric.

Soomaaliya ayaa gashay marxalad aan horay loo arag, taas oo ah in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato, iyada oo aan weli heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda aga ee kala guurka ah.

Maxay Villa Somalia ka tiri hadallada musharraxiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray musharraxiinta mucaaradka ee ahaa in aysan madaxweyne u aqoonsaneyn, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Macalimu ayaa wareysigiisa ku billaabay in aysan sharciga ku qotomin hadallada kasoo yeeraya mucaaradka, wuxuuna ugu baaqay in aysan abuurin xaalado aan jirin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro xeer uu meel mariyey baarlamaanka oo sheegaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan illaa kuwa kale laga soo doorto.

“Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid,” ayuu yiri Mr Maxamed Ibraahim Macalimu.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in madaxweynaha iyo baarlamaanka ay sii joogayaan illaa laga bedaayo.

“Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya baarlamaanka hadda jira,” ayuu markale yiri afhayeenku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay haatan waddo dadaallo xoogan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa dooraashooyinka, islamarkaana ay dowladdu rajo weyn ka qabto in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka doorashada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo lagu soo kala tegay shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb oo looga arrinsanayey xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Qoor Qoor oo wajahaya halis weyn oo soo rogaal celisay

Matabaan (Caasimada Online) – Ciidamo ka amar qaata maamulkii Ahlu-Sunna ee xoogga looga saaray Galmudug ayaa Axaddii si buuxda u qabsaday degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan. 

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidanka qabsaday degmada Matabaan ay yihiin ciidankii Ahlu-Sunna ee lagu daray qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya, waxeyna markii hore ka tirsanaayeen Ahlu-Sunna. 

Degmada Matabaan oo ka tirsan Hiiraan waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku sugnaa ciidamada Ahlu-Sunna waana degmo muhiim ah oo soohdin la leh magaalada Guriceel oo ka tirsan Galgaduud,  islamarkaana ka mid ah goobihii lagu aas aasay Ahlu-Sunna. 

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wajahaya culeys weyn oo dhanka ammaanka ah iyo soo rogaal celinta kooxda Ahlu-Sunna oo ay suurta-gal tahay inay ku wajahan tahay magaalada Guriceel iyo deegaano kale oo ka mid ah Galmudug.

Soo rogaal celinta Ahlusunna waxey ku soo aadeysaa xili adag oo ay shacabka magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Balanbal iyo Matabaan ay ka jiraan dhibaatooyin waa weyn oo amni, kuwaas oo sababi kara in ay garab helaan ciidanka Ahlu-Sunna.

Ammaanka Galmudug ayaa aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii uu xukunka la wareegay Qoor Qoor, oo shaqadiisa ka mashquulay, waqtigiisana ku lumiyey inuu dhex fadhiyo Muqdisho, si uu uga shaqeeyo danaha Villa Somalia, oo markii horeba kursiga xoog ku gaysay.

Abiy Axmed oo sheegay in xukuumadiisa aysan kala qeybin doonin Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan ka shaqeyn doonin kala qeybinta Soomaaliya, isagoo xoogaggii TPLF ku eedeeyay kala qeybinta wadamada Geeska Afrika.

Xukuumadda uu taladeeda haayo Abiy Ahmed ayaa gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigreega kula dagaallamay TPLF, wuxuuna guushaas ku tilmaamay mid dan u ah dhamaan wadamada Geeska Afrika.

Warbixin lagu daabacay Project Syndicate ayuu ku sheegay ra’iisul wasaare Abiy in TPLF ay qas ku wadeen dalalka Geeska Afrika, islamarkaana ay doonayeen iney kala qeybiyaan, balse ay soo afjareen.

“Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid ceeyriin ah oo uga fa’iideysanayeen inay ku kala qeybiyaan wadamada ay dhibaatada ka jirto, iyaga oo aan joogin, balse anaga dhankeena waxaan ka shaqeyneynaa xasiloonida siyaasadeed,” Ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw la ah madaxwenaha wakhtigiisa maanta ku eg yahay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuusan ka shaqeyn doonin xasiloonni darrada Soomaaliya oo muddo 30-sano ah dhibaatooyin dhexda uga jirta.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegaa in siyaasadda xukuumadiisa ay tahay in laga wada shaqeeyo xal u helidda duruufaha ku gadaaman dalalka Geeska Afrika.

Muxuu sharcigu ka qabaa in Farmaajo uu weli joogo Villa Somalia? (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa 7-dii Febraayo 2021 ka dhammaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ahaa, iyada uusan jirin heshiis laga garay hanaankii doorashada dalka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa wajahaya culeys iyo cadaadisyo uga imaanaya Musharaxiinta mucaaridka iyo saamileyda siyaasada, waxaana uu muran ka taagan yahay sii joogistiisa, maadama muddo xileedkiisu uu dhamaaday.

Waxaa cabsi iyo walwal hor leh soo wajahay shacabka oo iyagu ka walaacsan xaalada cakiran ee dalku marayo, maadama uu muddo xileedkii madaxweynaha uu dhamaaday oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbo marxalada uu marayo dalka.

Haddaba, muxuu sharcigu ka qabaa in madaxweynaha ay muddadiisu dhamaatay uu sii joogo Madaxtooyada?.

Sharci-yaqaan Cabdiwaaxid Cusmaan Qalinle oo ku sugan gobolka Minnesota ayey su’aashaas hordhigtay idaacada VOA-da, wuxuuna sheegay in sharciga u ogolaanayo madaxweyne Farmaajo inuu xilka sii hayo, ilaa inta uu dalka aadayo doorasho.

Cabdixaawid ayaa soo qaatay sharci uu baarlamaanku meel-mariyay bishii September, kaasi oo dhigaya in hay’addaha dastuuriga ah ay xilka sii haynayaan ilaa inta laga helayo kuwii bedeli lahaa, taasi oo ku imaaneysa doorasho.

Waxa uu sheegay in dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay Afar sanno uusan burineyn sharciga uu meel-mariyay baarlamaanka, kaasi oo looga baaqsanayo inuu dalka ka dhaco firaaq dastuuri ah.

“Haddii ay dhacday fashil siyaasadeed oo keeni waayay in la sii diyaariyo doorashooyinkii loo balansanaa waxaa lagu qasban yahay oo kamid ah waajibaadka dastuuriga ah ee saaran baarlamaanka iyo madaxweynaha inay xilkooda sii hayaan, laakiin si dhaqsaha ah ugu soo jeestaan qabashada doorasho dhaqso ah oo xilka si sharci ah loogu kala wareego,” ayuu yiri sharci-yaqaanku.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in mudada uu xilka sii haynayo Farmaajo oo ka bilaabaneysa waqtigii uu dhamaaday muddo xileedkiisu ay tahay inuu dalka u jiheeyo doorasho wada-ogol ah, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii waqti kooban ay dalka uga dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay.

Waxa uu meesha ka saaray in madaxweyne Farmaajo uu noqonayo madaxweynihii hore ilaa inta laga soo dooranayo madaxweynihii bedelayay, taasi oo ka dhigan in uu xilka sii gaarsiinayo hogaanka lagu soo dooranayo doorasho aan ilaa hadda heshiis laga gaarin.

Si kastaba, arrintan ayaa ka dhigan in sharciga u ogolaanayo in madaxweyne Farmaajo uu sii joogo Villa Somalia, ilaa inta ay saamileyda siyaasadu ka gaarayaan heshiis lagu aado doorasho, mana cada qaabka ay wax u dhici doonaan, maadama ay mucaaridku arrintaas ka biyo diidan yihiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga

 

Siyaasiyiinta mucaaradka oo banaan-baxyo ‘abaabulaya’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo wajaheyso dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo is-diidan ayaa waxaa haatan ka socda abaabulka dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeeda doorashooyinka aan qabsoomin.

Dibad-baxyadan oo saacadihii lasoo dhaafay abaabulkooda uu ka billowday gudaha Muqdisho ayaa la filayaa in saaka ay ka dhacaan qeybo ka mid ah caasimadda.

Sidoo kale waxaa dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galayaan qeybaha bulshada soo baabulay siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Golaha Badbaadinta Qaranka.

War kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in dibad-baxyadani ay shacabka kusoo bandhigayaan xuquuqdooda dastuuriga ah, si ay u muujiyaan dareenkooda.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in dibad-baxayadu ay billaaban doonaan wixii ka dambeeyey 9-ka bishan Febraayo oo maanta ku beegan.

“Dibadbaxyada dhacaya waxa uu Shacabka kusoo bandhigayaa xuquuqda Dastuuri, maadaama aysan muuqan qabsoomidda Doorashooyinka lagu heshiiyay, sidaas awgeed laga bilaabo 9-ka Febraayo 2021 waxaa dhacaya isu soo baxyo nabadeed oo lagu muujinayo in loo baahan yahay qabashada Doorashada oo 4-tii sano mar la qabto,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Golaha la magac baxay badbaadinta Qaranka.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha, iyada oo aan heshiis dhab ah laga daarin doorashooyinka 2021-ka.

Mushaharka shaqaalaha Gobolka BANAADIR oo u xayiran khilaafka maamulka

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Xamar ayaa gaaray meel sare, waxaana uu saameen weyn ku yeeshay shaqada gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in khilaafka shaqooyinka uu saameeyay ay qeyb ka tahay bixinta mushaarka, guud ahaan waaxda dhul bixinta ee gobalka iyo guddiga xalinta khilaafaadka dhulalka ee gobalka iyo goobo kale oo muhiim ah. 

Guuxa khilaafka iyo saameentiisa ayaa si weyn looga dareemayaa xarunta gobalka iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, kadib markii qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada gobolka ee is-haya ay billaabeen inay qoraalo isku weydaarsadaan baraha bulshada. 

Ilaa hadda ma jirto cid soo kala dhax-gashay mas’uuliyiintaan oo ah kuwa gobalka ugu sareeyo. Mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhaxeeyo ayaa kala ah: Guddoomiyaha gobalka Banaadir, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada, afhayeenka gobalka iyo xoghayaha maamulka gobalka Banaadir oo isku dhinac ah iyo guddoomiye ku xigeenada maaliyada, arrimaha bulshada iyo howlaha guud.

Xubno ka tirsan Shabaab oo howl-gal lagu soo qabtay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa faah faahiyey howl-gallo ballaaran oo laga sameeyey gobolka Bari.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ka fuliyeen dhanka Buuraha Cal Madow ee gobolkaasi.

Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in howl-galladooda ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen, walow aysan shaacin tirada iyo waxa ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen.

Deegaanada howl-gallada laga sameeyey ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ka fuliyaan halkaasi.

Si kastaba Puntland ayaa xoojisay maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ee ay ka wado gobolka Bari ee maamulkaasi oo qeybo ka heystaan Al-Shabaab & Daacish.

Musharaxiinta Mucaaradka oo farriin culus u diray beesha caalamka (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa maanta kulankii ay ku yeeshen magaalada Muqdisho uga diray Beesha Caalamka fariin culus oo u muuqatay digniin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu Beesha caalamka ku war-geliyay inaysan waqti ku lumin la hadalka madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isla markaana ay xalka doorashada ka raadiso saamileyda siyaasada.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Midowga uu qeybta ka yahay uu diyaar u yahay doorasho, ayna tahay in beesha caalamka ay ka wada-hadlaan hanaankii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, oo uusan qeyb ka aheyn Farmaajo.

Cabdiraxmaan ayaa xusay in Farmaajo aysan waxba u qarsooneyn, isagoona sheegay haddii weli beesha caalamka ay wax ka sugeyso oo ku siran-tahay ay yihiin “dad halowsan”, sida uu hadalka u dhigay.

“Waqti ha ku luminina madaxweyne xilkiisa uu dhacay, oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday, af wax laguma siin karo sharciyad Farmaajo, muddo xileedkiisi waa dhamaaday doorashadana caqabad ayuu ku yahay aan xagga iska dhigno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Wan ka mahadnaqeynaa dadaalka Beesha caalamka, waxaan rabnaa inta doorashada diyaarka u ah daacadana ka ah inay doorasho aadan iyo ayiga in aan ka wada-hadlno sidii dalkan doorasho loo aadin lahaa oo aysan waqti ku lumin Nin saakay raadinaya muddo kororsi, asaga oo sharci darro ku fadhiya Madaxtooyada”.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ku sifeeyay hogaan caqabad ku ahaa in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, wuxuuna soo jeediyay in doorashada dalka ay ka wada-shaqeeyaan Beesha caalamka iyo musharaxiinta mucaaridka, uuna dibad joog ka noqdo Farmaajo.

Waxaa uu imanaaya hadalkan xili maanta ay si wadajir ah qoraal usoo saareen xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in horumar laga sameeyey qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb kuwa kalena lagu kala tegay, balse ay rajeyneyso in markale laga wada-hadlo, si loo sii amba-qaado dadaallada socda ee doorashooyinka 2021.

“Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda kale inay muujiyaan tanaasul, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka dalka, iyada oo la ilaalinayo danta guud ee qaranka.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo bixiyey kumanaan dollar oo lacag madax furasho ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa maanta bixiyey lacag madax-furasho ah oo duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan loogu heystay dad shacab ah iyo gaadiidkooda.

Lacagta ay bixiyeen Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa gaareysa $60,000  (Lixdan kun oo Dollar), waxaana tallaabadaas ka mahad celiyey odayaal kala metelayey dhinacyadii ku kala wareegay lacagta iyo dadkii loo heystay madax-furashada.

Dadka maanta lagu siidaayey madax-furashada waxay gaarayeen afar qof oo rag ah, waxaana maalmihii lasoo dhaafay lagu hayey deegaan u dhaw degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka magaalooyinka Gurceel iyo Matabaan oo ay isku heyb yihiin maleeshiyaadka qaatay madax furashada ayaa afarta nin oo nabad qaba ku wareejiyey madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed Xuseen Dhoore oo ugu horeyn warbaahinta kula hadlay goobtii lagula kala wareegay lacagta iyo dhalinyarada waxa uu sheegay in dhaqankan oo yahay mid aad u xun aan loo sii dul qaadan karin, isla markaana hadda kadib loo diyaar garoobay in si dhab ah meel looga soo wada jeesto.

Dhanka kale madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa u mahad celiyey odayaashii dhaqanka ee dadaalka ku bixiyey sidii loo sii deyn lahaa dadkan, iyagoo bad-qaba.

“Madaxweynaha Galmudug, golihiisa wasiirrada iyo odayaasha dhaqanka waan uga mahad celinayaa gacanta ay ka geysteen, sidii loo sii deyn lahaa dadkan, wax kasta waxaa lagu xaliyey si walaaltinimo ah, gaadiidkii iyo dadkii maanta waa xor,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Mucaaradka oo shaaciyay in Farmaajo uu ‘inqilaab ku joogo’ Villa Somalia’, farriina u diray ciidamada + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta kulan xasaasiya ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga hadlayeen xaalada cakiran ee dalka iyo mudadda xil-haynta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhamaatay.

Kulanka oo dibad joog ka aheyd warbaahinta ayaa waxa markii uu soo idlaaday la hadlay warbaahinta Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaanka Midowga Musharaxiinta mucaaradka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka dhamaaday muddadii uu dastuurku u jideeyay xilka madaxweynaha, isagoona ku eedeyay inuu ku fashilmay isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan ayaa dusha ka saaray Farmaajo fashilkii ku yimid shirkii wada-tashi ee Dhuusamareeb, kaasi oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii uu tanaasul ka muujin waayey arrimo ku hor-gudban in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Waxa uu Beesha caalamka uga digay inay qeyb ka noqdaan damaca Farmaajo, isla markaana ay dalka kusii hayaan ayada oo mudadda xil-hayntiisu ay dhamaatay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in Farmaajo uu qaado tallaabo sii hurineysa xaalada cakiran ee ka dhalatay is-mari-waaga doorashada.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in sharciyadii uu dalka ku maamulayay ay ka dhamaatay, midaasi oo ka dhigan inay gebi ahaanba awoodiisi luntay.

Ugu dambeyntiina waxa uu Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya uga digay in loo adeegsado dano siyaasadeed, isagoona usoo jeediyay inaysan u hogaansamin amar qaldan oo uga imaada Madaxda uu xileedkoodu dhamaaday.

Kulanka uu maanta yeeshay Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa imanaya xili ay xalay saqdii dhexe soo saareen war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen in laga billaabo 8 Ferbaayo 2021 aysan u aqoonsaneyn Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Muranka doorashada dalka ayaa maraya meel xasaasiya, iyada oo ay dhamaatay mudaddii Farmaajo, mana jiro heshiis siyaasadeed oo qeexaya hanaanka looga gudbayo xaalada cakiran, waxaana taagan cabsi la xiriirta inuu faraha ka baxo amaanka guud, oo markii horeba lugo adag ku taagneyn.