Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerer jidgal ah uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas.
Weerarkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooye, taas oo ay sii marto wadada dhinaca galbeed uga baxda Afgooye ee aadda Wanlaweyn.
Sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, weerarka waxaa ku dhintay 9-qof oo laba ka mid ah ay ahaayen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee Dhuxusha qaada.
Toddobada qof ee kale waxaa la sheegay inay ahaayeen ciidanka dowladda oo Al-Shabaab ka difaacayey gaadiidkaas si aysan u gubin.
Wararku waxay intaas ku darayaan in laba askari oo kale uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay rogmadeen seddax gaari oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Indha-Tareega (N3) oo dhuxul siday, kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa Idaacadda VOA u sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarka wixii faahfaahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.
Sidoo kale, Al-Shabaab oo loo maleynayo inay weerarkan geysteen ayaan weli wax war ah ka soo saarin.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore gobolka Shabeellada Hoose ku gubay gaadiid dhulxul u siday magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay gubaan gaadiidka raashinka u qaaday gobollada ay go’doomiyeen ee Bay iyo Bakool.




Lamaanahaan oo ka mid ahaa dadkii hotelka deganaa ee ku dhintay weerarkaasi ayaa kooxihii weerarkii fuliyay ay si arxan daran ay qolkii ay ka deganaayeen hotelka ugu dileen.

