24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Wararkii ugu dambeeyey shirka u socda guddiyada DF iyo dowlad goboleeda

0

Baydhaba (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa maalintii labaad ku shiraya guddiga farsamada dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kuwaas oo xal u raadinaya arrimaha ku hor gudban doorashooyinka.

Guddigaan oo is fahamkooda kadib u gudbin doona dhinacyada ay kala matalayaan ayaa la sheegay iney wakhti badan ku bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa arrimaha ugu waaweyn ee hortaagan doorashada, waxaana ugu horreysa arrinta Gobolka Gedo oo ah tan keentay inuu fashil ku dhamaado shirkii Dhuusamareeb 4.

Guddigaan waxey shir gudoon u doorteen wasiirka dastuurka xukuumadda xilka sii heysa Saalax Jaamac, kaas oo sheegay in hormar laga sameeyay maalintii koowaad ee shirka, maadaama ay waqti dambe isla gaareen.

Wasiirka wuxuu sheegay in maalintii koowaad uu jawi wanaagsan ugu dhamaaday, isla markaana ay hawlahii loo igmaday wax la taaban karo ka qabteen, walow uusan faah-faahin ka bixin arrimaha la isla fahmay.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in guddiga ay magaalada Baydhaba ku gaaraan heshiis, magaaladuna ay noqoneyso magaalo laga tago iyadoo waxa harsan la isla fahmay.

Dadka oo dhami waxey ka war sugayaan shirka guddiga farsamada uga socda magaalada Baydhaba, kaas oo wixii natiijo ah oo kasoo baxa lala wadaagi doono dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Beesha caalamka ayaa riixeysa dhamaan shirarka la isugu soo dhaweynayo madaxda is diidan ee Soomaalida, waxeyna doonayaan in la qabto doorasho loo siman yahay oo qof walba uu kalsooni ku qabo, kuna dhacda wakhtigeeda.

Wasiirkii hore ee amniga oo fariin u diray DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan soo laba kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus, isaga oo farriin culus u diray dowladda dhexe.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horey u soo noqday wasiirka amniga gudaha ayaa ka dalbaday wasaaradda caafimaadka inay waajib ka dhigto xirashada maaskaraha, si loo xakameeyo fidista cudurka saf-marka ah ee Covid-19 oo markale ka dilaacay Somalia.

“Si loo xakameeyo faafidda cudurka Covid-19, waa in wasaaradda caafimaadka ay qasab ka dhigto xirashada maaskaraha,” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya looga baahan yahay in karantiisho dhammaan dadka kasoo safraya UK, maadaama Soomaaliya aysan xilligan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay dalkaasi.

“Waa inay muddo laba todobaad ah karantiisho dadka ka soo safra UK, maadaama Soomaaliya aysan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay UK. Todobaadkan, laba qof oo UK ka yimid, lagana helay cudurka ayaa u dhintay,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad kale oo ka dhalatay labo kacleynta cudurka Coronavirus, waxaana sii kordhaya tirada dadka uu soo ridanayo & kuwa u dhimanayo.

Xog: Wakiilka Farmaajo ee doorashooyinka oo xalay laga saaray shirka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno shirka guddiyada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xalay laga saaray Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha sii-hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi Cali Raage ayaa shalay gelinkii dambe kasoo muuqday furitaanka kulanka, taasi oo abuurtay su’aalo badan, maadaama uusan ka mid aheyn xubnaha 14-ka ah ee guddiyada farsamo ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Labada xubnood ee uu Rooble magacaabay inay matalaan dowladda federaalka, ayaa kala ah: Wasiirka Dastuurka Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, sidaas darteed lama yaqaan waxa shirka dhex keenay Cabd Cali Raage. 

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeeen Caasimada Online, xalay ayaa qaar ka mid xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowlad qoboleedyada qaarkood waxay dood ka keeneen in Cabdi Cali Raage shirka qeyb ka noqdo, ayaga oo dalbaday inuu ka baxo, taasi oo ay ku guuleysteen, lagana saaray shirka Cabdi Cali Raage.

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga ayaa xalay shir guddoon u doortay wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, taasi oo la filayey maadaama xubnaha guddiyada, marka laga reebo wakiilada Puntland iyo Jubaland ay taabacsan yihiin dowladda federaalka. 

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdcasiis Lafta Gareen, oo ka mid madax goboleedyada taabacsabn dowladda, ayaa xalay kulan la qaatay guddiga isagoo ku dhiiri-geliyey inay natiijo wax ku ool ah kasoo saaraan shirarkooda. 

Hoos ka eeg sawirka Cabdi Cali Raage, oo dhex-fadhiya shirkii shalay galab

Midowga Musharraxiinta mucaaradka oo la kulmaya beesha caalamka + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar soo baxaya xubaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan gaar ah la yeeshaan wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ku qabsoomayo Aalada Fogaan Aragka ee (ZOOMKA), iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada arrinsan doonaan xaaladda kala guurka iyo is mari-waaga weli ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa qorsheynaya in beesha caalamka ay la wadaagaan aragtidooda ku aadan xaaladda dalka uu marayo, gaar ahaan sida loo wajahayo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Beesha caalamka oo wada dadaallo xoogan oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyada doorashada ayaa horey cadaadis u saartay xubnaha midowga musharraxiinta.

Si kastaba kulankan ayaa wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo mucaaradka ay magaalada Muqdisho ka abaabulayaan dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

FARMAAJO oo shir isugu yeeray madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, shirkaasi oo furmi doona magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada, kadib markii guddigii farsamo ee ku shira Baydhaba ay heshiis ka gaareen qodobadkii la isku hayey. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka,  Dowlad Goboleedyada iyo G/ Banaadir

Muqdisho, Febaraayo 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo si ambaqaadida talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 14-16kii bishan Febaraayo waxaa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

DHAMMAAD

Xog: 5 wasaarad iyo xafiisyo ka mid ah DF oo loo xiray xog cabsi leh oo la helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay fasaxday shaqaalaha ugu yaraan 5 wasaaradood iyo xarumo kale oo ku yaalla aagga KM4, Zoobe iyo Isgoyska Banaadir, kadib markii ay dareemeen cabsi amni.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wasiirada wasaaradahaas iyo madaxda xarumaha kale ee aagaas ku yaala loo sheegay in ay shaqaalaha fasaxaan ilaa amar dambe, sidoo kalane ay wasiirada yareeyaan tagista xafiisyada, haddii laga maarmi karana aan la tagin ilaa war sugan ay helayaan.

Wasaaradaha qaar waxaa loo reebay shaqaale kooban oo muhiim u ah shaqada, kuwaas oo waqti kooban shaqeyn doono, sida ay sheegeen xubnaha aan la hadalnay.

Wasaaradaha shaqaalahooda la fasaxay ayaa kala ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala Isgoyska Banaadir, Wasaaradda Qorsheynta oo u dhow Zoobe, Wasaaradda Waxbarashada oo ku taala Zoobe, Wasaaradda beeraha oo ku taala agagaarka CID-da, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka qeybta gurmadka deg dega ah oo ku taala Harkaha iyo Saamaha kuna dhow CID, balse si ku meel gaar ah shaqadeeda loo raray Xalane iyo xafiisyo kale oo muhiim ah.

Ilo sirdoon ayaa wasiirada iyo masuuliyiinta wasaaradaha u sheegay in la helay xog timaameysa in Al-Shabaab ay qorsheeyeen weeraro lagu galo xarumahaas, sidaas darteedna la fasaxayo shaqaalaha dowladda. 

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in xogtaan aan lala wadaagin shaqaalaha balse macno kale loo yeelay fasaxooda, halka kuwa aan laga maarmin ee ilaa hadda jooga aysan ogeyn cabsida amni ee loo fasaxay saaxiibadood. 

Al-Shabaab ayaa kordhiyay maalmihii la soo dhaafay dilalka iyo qaraxyada ay ka fulinayaan Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay bateen digniinaha ka imaanaya hay’adaha ajnabiga ah ee dagan Xalane. 

Xog: Magacyada haweenkii lagu dilay Muqdisho iyo qorshe halis ah oo Jeneral Odowaa lala damacsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijinayaan warbixino hordhac ah, gabdhihii dhowaan lagu dilay degmada Daynille, waxay shaqaale ka ahaayeen xafiiska taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, waxeyna shaqadooda aheyd nadaafad iyo cunto karin. 

Magacyada Gabdhaha ayaa lagu sheegay, Fartuun Xuseen Xasan iyo Muno Xuseen Xasan oo walaalo iyo dumaashidood Faadumo Sheekh Nuur. Laba k amid ah Haweenka la dilay waxay ahaayeen xaamilo, waxaana sida xogta lagu helay dilkooda ka dambeeyay Al-Shabaab.

dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen gabdhaaan oo mudooyinkii ugu dambeeyay sheeganayay cabsi amni. Ragga wax dilay ayaa la sheegay in ay wateen Mooto Bajaaj kadibna ay ku baxsadeen. 

Ilo kamid ah kuwa ammaanka ayaa sheegay in ay gabdhaha mid kamid ah ay hore u sheegtay in laba wiil iyo gabar kale ay ku cadaadiyeen in adeega lagu kariyo cuntada wasaaradda gaar ahaan xafiiska taliyaha ay ka iibsato dibada gaar ahaan goobo ganacsi oo si gaar ah loogu tilmaamay. 

Allah ha naxariistee gabadha geeriyootay warkeeda ayaa la sheegay in aysan shareysan iyada iyo dadkii ay la wadaagtay oo ahaa ciidan iyo shaqaale hoosaad, balse geeridooda kadib uu soo baxay tuhun ah in la damacsanaa in sun lagu dilo taliyaha xoogga iyo dadka isticmaala kushiinkaas. 

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wali wadaan baaritaan dhab ah, islamarkaana ay soo bixi doonaan dadkii lugta lahaa dil wadareedka haweenkaan oo aad looga dareemay Muqdisho. 

ERDOGAN oo shaaca ka qaaday koox argagixiso ah oo Mareykanku taageero

0

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa u yeeray safiirka Mareykanka u fadhiyo Ankara kadib caro ka dhalatay hadal kasoo baxay Mareykanka oo ku saabsanaa dilka 13 qof oo u dhashay dalkaas oo u afduubnaa maleeshiyaadka PKK ee ka dagaallama halkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu taageerayo argagixisada isla markaana uu garab siinayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Turkiga wuxuu ku eedeeyay dilka 13 qof inay ka dambeeyeen kooxda PKK.

Mareykanka wuxuu sheegay in uu cambaareynayo dilka waa haddii la xaqiijiyo in kooxda PKK ay ka dambeysay dilkaas.

Erdogan wuxuu ku tilmaamay hadalka Mareykanka ‘mid jees jees ah’.

In ka badan 700 qof ayaa lagu xiray guud ahaan Turkiga kadib markii dowladda ay qaaday howlgal ka dhan ah kooxda PKK oo lagu tuhmayo dilka.

Turkiga wuxuu sheegay in 13 qof laga helay god ku yaalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyiga dalka Ciraaq ka dib hawlgal ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta ee PKK oo ay halkaa ka fuliyeen.

Wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa shaley sheegay in dhammaan maydadka la helay mid mooyaane inta kale ay madaxa kaga taallo rasaas taasoo muujineysa dil toogasho ah oo dadkaas loo gaystay.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay ay ku jiraan sirddoonka Turkiga, militariga, iyo booliska.

PKK ayaa Websit ay leeyihiin waxaa ay si fudud ugu sheegteen in maxaabiista qaar ay ku dhinteen intii ay socdeen isku dhacyadii ay la galeen ciidamada Turkiga.

Mr Akar wuxuu sheegay in afartan iyo sideed dagaal yahan la dilay intii uu socday howlgal qaatay afar maalmood.

Isha: BBC SOMALI 

Muxuu Beyle kala hadlay saraakiisha ciidanka Xoogga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ahaa taliyaha ciidamada Xoogga Odowaa Yuusuf Raage iyo wasiirka gaashaandhgga Xasan Xuseen Xaaji.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimaha ciidamada iyo sidii loo kordhin lahaa miisaaniyadooda.

Wasiir Beyle oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Soomaaliya ay garab-istaagi doonto ciidamada qaranka ee u taagan difaaca dalka.

“Waxaan ka wada hadalnay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa. Muhiimdeena 1aad waa in aan taageernaa ciidamadeena geesiyada ah ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Beyle.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey ku dadaaleysay dib u dhiska ciidamada iyo tababaradooda, waxaana door muuqa ka qaata dalalka Turkiga, Qatar & Eritrea.

Daahir Geelle oo sheegay 3 su’aal oo jawaab u baahan si doorasho loo aado 

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharaxa madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in saddex su’aalood hadii jawaab loo helo la ogaan doono sida ay noqon karto xaaladda Soomaaliya.

Daahir wuxuu sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay mid aan ku baraarugsaneen diidmada uu ka sameynaayo inuu si nabad ah ku wareejiyo xilka ay hoos u dhigeyso kalsoonida ay beesha caalamka ku qabi karto Soomaaliya.

Musharaxa madaxweyne oo la hadlayay TV-ga Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo uusan kala garan karin in la doortay iyo in la duubay.

“Madaxweynaha xilka waa uu ka dhamaadey mana la cusbooneysiinin, xilkana hadii uu dhamaado hadii lasii joogi karo oo isku awood la yahay in la is doorto muhiim maba ahayn. Waxaa iska dhex-gashan oo iska dhex-gashay in la doortey iyo in la duubay,” ayuu yiri Daahi Maamuud Gelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Soomaalida dhaqanka markay duubato muddo uma qabato laakiin laakiin dowlad markay doorato muddo ayay u qabataa. Labadaa ayaa isku qaldan midaas ayayna dowladdeena dhexda ka fadhisaa”

Daahir Maxamuud Geelle wuxuu aaminsan yahay in hadii si dhaqso leh loo aado doorashada uu imaan karo xal, sidoo kale wuxuu sheegay in saddex su’aalood ay ku hoos jirto xaaladda Soomaaliya.

“Saddexda arrimood ayaa muhiim ah xilliga soo socda. Shirka yaa ka qeybgalaya? Waa muhiim. Maxay tahay in ay kasoo baxaan? Waa muhiim. Wixii kasoo baxa yaa fulinaya? Waa muhiim” ayuu mar kale yiri Gelle.

Musharaxa wuxuu doonayaa in saamileyda siyaasadda oo lagu sheego bulshada rayidka iyo mucaaradka ay ka qeyb galaan shirka, sidoo kalana la helo jadwal cad oo ku saabsan doorashada.

Ugu dambeyntii wuxuu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu ugu talagalay inuu dagaal ka dhex dhaliyo Galmudug iyo Puntland, ayna daliil u tahay sababta iyadoo Dhuusamareeb la isku mari waayay uu gogosha u dhigay Garowe.

Jubbaland oo kordhisay howl-gallada KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay kordhiyeen howl-gallada laga sugayo amniga ee ay ka wadaan gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulkasi.

Ciidamada ayaa howl-galladooda kusoo qab-qabtay tiro dhalinyaro ah, kadib markii ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay sii daayeen qaar ka mid ah dhalinyarada, kuwa kalena ay ay gudbiyeen saldhigga, ka gadaal markii looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo hor leh ay ka sameysteen xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, si loola socda dhaq-dhaqaaq dadka & gaadiidka.

Saraakiisha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dajiyaan, sidoo kalena ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday bam-gacmeedyo, kuwaas oo dhaliyey khasaare kala duwan

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sagootiyay BEN FENDER

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo dhawaan laga bedelay xilka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, kaasi oo uu qeyb weyn kasoo qaatay Amb. Ben Fender.

Rooble ayaa intii uu kulanka socday uga mahad-celiyay Amb, Ben Fender kaalinta muga leh ee uu ka qaatay xiriirka labada dal, isagoona u rajeeyay mustaqbal wanaagsan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Sidoo kale Ben Fender ayaa isaguna dhinaciisa si weyn uga mahad-celiyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa, xili uu ku jiro maalmihiisi u dambeeyay ee Soomaaliya, maadama ay dhamaatay muddo xileedkisii shaqada

Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday Safiirka ku macasalaameyay Dharka dhaqanka Soomaalida iyo Abaalmarino kale oo ugu muujinayay sida ay dowladda federaalka uga mahad-celinayso dadaalkiisa intii uu joogay dalka.

Kulankaan oo ahaa mid sagootin ayaa waxa uu imanaya xili uu dhamaaday muddo xileedkisii shaqada, waxaana dalka loo soo magacaabay bilowgii sanadkii 2019-kii, oo xiligaas uu bedelay Mr. David Concar.

Qoys Somali ah oo booliska Norway ay dhibaateeyeen oo 24 saac ku taajiray

0

Oslo (Caasimadda Online) – Maxamed Jaamac waa aabe Soomaaliyeed oo isaga iyo qoyskiisa ay ku nool yahiin magaalada Oslo ee dalak Norway, muddo 24 saac ayuuna ku taajiray kadib markii lacago looga aruuriyay Internet-ka.

Qoyskaan waxey daganayaan guryaha ay maamulanaa dowladda Hoose, gaar ahaan degmada Toyen eek u yaalla Caasimadda, ayaa la kulmay dhibaato kaga timid dowladda Hoose kadib markii dhaqaalaha bishii lasoo dhaafay uu gaaray darajadii guriga looga saari lahaa.

Maxamed iyo Dowladda Hoose waxey ku heshiiyeen hadii dakhliga soo galo bishii uu dhaafo wax ka badan 15 kun oo Karoon oo u dhiganta $1,500 (Kun iyo Shan Boqol Doolar) inuu raadsan doono guryaha gaarka loo leeyahay ee kiradoodu qaaliga tahay, waa sida ay ku sheegeen kooxda Dowladda Hoose.

Maadaama uu soo galay dakhli ka badan intii lagu heshiiyay, maamulka Dowladda Hoose waxey ku wargaliyeen inuu baneeyo guriga, aabaha guriga (Maxamed Jaamac) wuxuu warqad cabasho ah u diray dowladda Hoose kana codsaday in loo naxariisto oo aan guriga laga saarin, maadaama lagu jiro xilli (COVID19) uu jiro, sidoo kalana qabow daran uu jiro, isagana ay u joogaan Caruur aad u yar-yar.

Dowladda Hoose wey ku gacan seyrtay cabashadii aabaha Soomaaliyeed, waxeyna go’aan ku gaareen in loo diro Boolis si guriga looga saaro, waxaana banaanka loo soo saaray qoyskii xilli uu jiro qabow aad u daran.

Booliska waxey ku qanciyeen qoyska iney heystaan amar dowladeed, isla markaana aysan waxba ka badali karin, waxeyna qoyska usoo bandhigeen iney raacaan oo ay intii habeenkaas ah seexdaan goobaha la seexiyo dadka wadooyinka laga qaado ee sarqadda ka badato ama isticmaalaha maandooriye xad dhaaf ah.

Maxamed Jaamac iyo qoyskiisa wey ka diideen Booliska iney halkaas u raacaan, isla markaana ay seexdaan goobtaas.

Gabar aan magaceeda la faafin balse reer Norway ah oo daris la aheyd qoyska ayaa dhibaatada qoyska iyo waxa ay ka ogtahay xaaladda ku faafisay baraha bulshada, taasna waxey keentay in dowladda Hoose ay la kulanto dhaleeceyn shacabka kaga timaada, ilaa laga codsado iney iska casilaan xilka.

Gabadha waxey dadka reer Norway ka dalbatay in qoyskaan laga bixiyo lacagta dibaajiga ah ee guryaha kirada la isaga qaado oo dhan 50,000 Karoon, balse ay saacad gudaheed dadka ku bixiyeen, waxeyna ku qasbanaatay iney badasho mowduuca sheekada ilaa ay gaarsiiso in loo iibiyo guri.

24 Saac gudahood waxaa loo aruuriyay lacag dhan 1 Malyan oo Karoon, waxeyna maamulka Dowladda Hoose hadda kala shaqeynayaan inuu helo guri uu iibsado si ay xalka dhibaatada qeyb uga noqdaan.

Aabe Maxamed Jaamac iyo hooyo Aamina waxey heleen garabka dadka reer Norway, waxaana loo aruuriyay lacag aan caadi aheyn, dowladdu ma canshuuri doonto sida la sheegay, sidoo kalana website-ka IPAS ee lacag aruurinta laga sameeyay ayaan isna khidmad ka qaadi doonin.

Abshir Bukhaari oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa ku eedeeyay sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku tuntay dastuurka dalka.

Abshir Bukhaari wuxuu qabaa in Farmaajo isagoo ogsoon in dastuurka dalka uu qeexayo dhismaha guddiyada madaxa bannaan uu hadana hareer maray, wuxuuna tusaaleyn usoo qaatay wareegtadii ugu dambeysay ee la sheegay iney kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha taasoo lagu magacaabay guddiga adeegga garsoorka.

“Waa kan Farmaajo oo mar kale ku tumanaya dastuurkii dalka, wuxuu wareegto kusoo saaray guddi ka mid ah guddiyada madaxa banaan isagoo ogsoon in dastuurka kumeel gaarka ah qodobkiisa 112-aad uu qeexayo habraaca loo maraayo guddiyada madaxa banaan,” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Sidoo kale warqadii kasoo baxday xafiiska Farmaajo wuxuu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan raacsaneyn dastuurka.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa gaashaanka u daruuray gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo sheegay iney tahay waxba kama jiraan maadaama aan aqalka sare lasoo marsiin, sida sharcigu qabana ay tahay in lasoo marsiiyo.

Midowga Musharaxiinta oo war cusub kasoo saaray banaan-baxa Jimcaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta markale ka hadlay banaanbaxa ay ku dhawaaqeen inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, xili uu dalka marayo marxalad xasaasiya.

Mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ku hadlayay Afka Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxaas uu yahay mid nabdoon, islamarkaana wax fowdo iyo dhibaato ah u keeneyn amaanka caasimada.

Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta ay ka war heleen in dowladda ay doonayso inay carqaladeyso banaanbaxaas, oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho wada-ogol ah oo si dhaqso ah uga dhacda dalka.

Daahir Geelle ayaa ugu baaqay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xijaar iyo guud ahaan taliyeyaasha ciidanka inay ka qeyb qaatan sugida amniga dadweynaha maalinta Jimcaha iskugu soo baxaya magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday ciidamada inay taxadar iyo feejignaan dheeriya muujiyaan, islamarkaana ay ka fogaadan hirdanka siyaasadeed ee dalka taagan, loogana baahan yahay inay xaqiijiyaan amaanka guud ee goobta ay u asteeyen inuu ka dhaco banaanbaxaas.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbaxaas oo dhacay dhamaadka toddobaadka, iyagoona sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.

Kenya oo war kasoo saartay go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay markii ugu horreysay go’aankii ay maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) ka qaadatay codsigeedii ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya.

Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay iney diyaar u yahiin ka qeyb galka dhageysiga dacwadda, islamarkaana aysan go’aanka maxkamadda u aheyn guuldarro.

Dhageysiga dacwadda waxaa loo ballansan yahay 15-ka Maarso, iyadoo socon doonta ilaa 19-ka Maarso, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay diidmo ay ka muujisay in dib loo dhigo dacwada badda markii afaraad, kadib isku day ay sameysay Kenya.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ, oo qoraal soo saaray Sabtidii.

Inkastoo uu sheegay iney xaadiri doonaan, haddana Macharia Kamau wuxuu mar kale diray fariin dadban oo ah inaan meesha laga saarin halista cudurka Covid-19, taasi oo muujineysa in Kenya weli aysan ka rajo dhigin in kiiska dib loo dhigo.

Balse, Philippe Gautier  ayaan sheegay in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, taasi oo meesha ka saareysa halista COVID-19 ee Kenya ay isku dayeyso inay ku cudur daarato.

Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay iney diyaar u yahiin qareenadeeda isla markaana ay rajeynayaan iney helaan xukun cadaalad ah.

Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.

Wararkii ugu dambeeyey shirka guddiyada DF iyo dowlad goboleed iyo R/W Rooble oo furay + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Guddiga Farsamada ee Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Baydhabo. 

Ra’iisul Wasaaraha oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddiyadan ayaa yeelan shir ay soo qaban-qaabiyay beesha caalamka, waxeyna guddigaan ka kala socda dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ka arrinsan doonaan sidii xal loogu heli lahaa qodobada la isku mari weysan yahay ee ku hor gudban arrimaha doorashooyinka, isla markaana keenay fashilka shirkii dhuusamareeb 4.

Beesha Caalamka ayaa kulankaan ka ah kor joog, waxaana la doonayaa in xal looga gaaro arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu weyn ee ku hor gudban doorashada, sidoo kale guddiyadaan shirka uga socda waxey si toos ah ula xiriirayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wararka hoose oo ay Caasimadda Online heleyso waxaa ka mid ah in xubno ka tirsan guddiga ay booqan doonaan gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, waxeyna doonaayaan iney soo qiimeeyaan xaaladda deegaanada lagu mursan yahay.

Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa isku raaci waayay hannaanka doorashada iyadoo wali aan dhinac loo bixin, beesha caalamka ayaana ka shaqeyneysa sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona qaban lahaa doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo loo wada siman yahay.

Maxay qabanayan guddiga ku shiri doona Baydhaba?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Inkastoo uu baaqday shirkii ay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ku yeelan lahaayeen guddi farsamo oo ka kooban maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, kuwaas oo u sii gogol xaari lahaa gollaha wadatashiga qaran, si xal u helida khilaafka ka taagan doorashada dalka, hadana waxaa su’aal la iska weydiinayaa “Maxey qaban doonaan guddiga ku shiri doona magaalada Baydhabo”

Guddigan oo uu magacaabay ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka, Maxamed Xuseen Roble, kana kooban 14 xubnood ayaa ah mid daba socda shirkii maalma kahor ka dhacay magaalada Samareeb ee u dhaxeeyay dowladda federaalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka oo k dhammaaday is-afagard waaga.

“Shirkan wuxuu daba socdaa shirkii wadatashiga qraana ee ooga hadlay arrimaha doorashooyinka, guddiganna wuxuu turxaan bixin ku sameyn doonaa arrima fara badan, wuxuu u gogol xaari doonaa shirka ay madaxda isugu iman doonta, iyagoona ka doodi doonaa waxyabaa badan oo la xiriir arrimaha khilaafka doorashooyinka kahor inta aysan madaxda isugu imanin shir”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid oo la hadlay BBC-da.

Waxyabahaa kasoo baxa shirka ayuu wasiirka sheegay in wixii ay isla meel dhigaan ay u gudbin doonaan dowlad goboleedyada, kadibna madaxda dowlad goboleedyada ay usii gudbin doonaa madaxda dowladda federaalka.

“Shirkan waa uu ka duwan yahay kuwii hore oo lagu baaqay inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo kan waa guddi farsamo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Kullankii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ku dhexmaray magaalada Samareeb ee Galmudug ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii la isku mari waayay qoddobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan katirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku heyso dowladda federaalka.

Haddase waxaa muuqata in wadahadalada loo wajhaayo si ka duwan sidii hore, maadaama kullamadii hore ay isa soo hor frriisan jireen madaxad labada dhinac, balse hadda guddigan ayaa filayaa inay sii jilciyaan arrimaha khilaafka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka, kuwaas oo marka ay wax isla meel dhigaan loo gudbin doona madaxda ay matelaan, si loo saxiixo kadibna loo meel mariyo.

Arrintan ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada Shirka golaha wadatashiga qaranka, six al looga gaaro khilaafka harreeyay doorashada.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqya kala kulmayay beesha caalamka iyo gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada wada ogol ah inkastoo dib u dhac ku yimid wakhtigii la qorsheeyay.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

ISHA: BBC SOMALI + CAASIMADA

Jeneral Maxamed Tahliil oo amar xasaasi ah siiyey ciidamada DF ee GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka xoogan ee ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha oo degaano ka tirsan gobolka Gedo kula hadlayay Ciidamo ka tirsan Guutada 10-aad ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalyahanada Al-Shabaab laga saaro dalka, si looga nabad helo falalka argagax leh ee markasta usoo maleegan bulshada.

Waxa uu ciidamada dowladda faray in si deg-deg ah u bilaaban howl-galo lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo looga qabsanayo deegaanada ay ku sugan yihiin, islmarkaana ay heegan buuxa u galaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen sida ay ula dagaalamaan oo kale.

“Laga bilaabo saacadaan waa inaad heegan u gashaan sidii aad ula dagaalami laheydeen Al-Shabaab, ma ahan kuwo dadka u naxaya ee u gowraca sida ay idiin gowracayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in dagaalyahanad kooxdaasi loola dagaalo qaab arxan darro ah, oo uu sheegay in iyagu ula dagaalam ciidamada, isagoona ku dhiiri-geliyay ciidamada dowladda inay gowracayaan oo si arxan darro ah u dilaan xubnaha kooxdaas.

Hadalka taliyaha wuxuu kusoo aadayaa xilli xaaladda dalka ay mareyso meel xasaasi ah, sidoo kalana dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro qorsheysan, is miidaamin, dilal ka fulinayaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxey dadka qaar su’aal iska weydiinayaan waxa xiligaan kusoo beegay in lagu dhawaaqo iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in doorasho la aado, sidoo kalana gobolka Gedo ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee khilaafka doorashada uu ka jiro.

Nin hubeysan oo dad isku qoys ah dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe nin mindi ku hubeysnaa uu dil iyo dhaawac u geystay saddex qof oo isku qoys ah.

Dhacdadan ayaa timid, ka gadaal markii ay isku dhaceen qoyska iyo ninka oo daris la’ahaa, kadib muran soo kala dhex-galay.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu soo qaatay Mindi, kuna dhaawacay 3 qof oo kala ahaa Aabe iyo labo gabar oo uu dhalay, balse waxaa markii dambe dhaawac ahaan isbitaalka ugu geeriyooday Aabaha, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in ninka dilka geystay oo goobta isaga baxsaday uu marxuumka todobo goor ku dhuftay Tooreyda, kadibna uu dhaawacay labo gabar oo kale.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in marxuumka iyo ninka dilka ka dambeeyey ay Qaraabo ahaayeen, islamarkaana uu caafimaad qabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin ay qaraabo ay ahaayeen oo ay darisna ahaayeen iyo isaga ayaa xoogaa is-qabtay, kadibna ninkii ayaa soo booday oo Toorey la dhacay 7 goor ayuu ku dhuftay,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Ninkaan wuxuu ahaa nin miskiin ah ma-garatay oo siddeed cunug oo yaryar ah u shaqeysta, islamarkaana tabar yar,”.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxaana meydka loo gudbiyey goor dambe xarunta CID-da, si baaris loogu sameeyo falkaasi.

Dhacdadan oo si aad ah loo hadal hayo ayaa wal-wal xoogan & cabsi ku beertay dadka deegaanka, gaar ahaan ehellada qoyska ay dhibaatada soo gaartay.