24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Jeneral Maxamed Tahliil oo amar xasaasi ah siiyey ciidamada DF ee GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka xoogan ee ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha oo degaano ka tirsan gobolka Gedo kula hadlayay Ciidamo ka tirsan Guutada 10-aad ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalyahanada Al-Shabaab laga saaro dalka, si looga nabad helo falalka argagax leh ee markasta usoo maleegan bulshada.

Waxa uu ciidamada dowladda faray in si deg-deg ah u bilaaban howl-galo lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo looga qabsanayo deegaanada ay ku sugan yihiin, islmarkaana ay heegan buuxa u galaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen sida ay ula dagaalamaan oo kale.

“Laga bilaabo saacadaan waa inaad heegan u gashaan sidii aad ula dagaalami laheydeen Al-Shabaab, ma ahan kuwo dadka u naxaya ee u gowraca sida ay idiin gowracayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in dagaalyahanad kooxdaasi loola dagaalo qaab arxan darro ah, oo uu sheegay in iyagu ula dagaalam ciidamada, isagoona ku dhiiri-geliyay ciidamada dowladda inay gowracayaan oo si arxan darro ah u dilaan xubnaha kooxdaas.

Hadalka taliyaha wuxuu kusoo aadayaa xilli xaaladda dalka ay mareyso meel xasaasi ah, sidoo kalana dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro qorsheysan, is miidaamin, dilal ka fulinayaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxey dadka qaar su’aal iska weydiinayaan waxa xiligaan kusoo beegay in lagu dhawaaqo iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in doorasho la aado, sidoo kalana gobolka Gedo ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee khilaafka doorashada uu ka jiro.

Nin hubeysan oo dad isku qoys ah dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe nin mindi ku hubeysnaa uu dil iyo dhaawac u geystay saddex qof oo isku qoys ah.

Dhacdadan ayaa timid, ka gadaal markii ay isku dhaceen qoyska iyo ninka oo daris la’ahaa, kadib muran soo kala dhex-galay.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu soo qaatay Mindi, kuna dhaawacay 3 qof oo kala ahaa Aabe iyo labo gabar oo uu dhalay, balse waxaa markii dambe dhaawac ahaan isbitaalka ugu geeriyooday Aabaha, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in ninka dilka geystay oo goobta isaga baxsaday uu marxuumka todobo goor ku dhuftay Tooreyda, kadibna uu dhaawacay labo gabar oo kale.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in marxuumka iyo ninka dilka ka dambeeyey ay Qaraabo ahaayeen, islamarkaana uu caafimaad qabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin ay qaraabo ay ahaayeen oo ay darisna ahaayeen iyo isaga ayaa xoogaa is-qabtay, kadibna ninkii ayaa soo booday oo Toorey la dhacay 7 goor ayuu ku dhuftay,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Ninkaan wuxuu ahaa nin miskiin ah ma-garatay oo siddeed cunug oo yaryar ah u shaqeysta, islamarkaana tabar yar,”.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxaana meydka loo gudbiyey goor dambe xarunta CID-da, si baaris loogu sameeyo falkaasi.

Dhacdadan oo si aad ah loo hadal hayo ayaa wal-wal xoogan & cabsi ku beertay dadka deegaanka, gaar ahaan ehellada qoyska ay dhibaatada soo gaartay.

Dib u dhac ku yimid shirkii uu iclaamiyey FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Maxamd Cabdullahi Farmaajo, kaas oo u dhexeeya dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Shirkan oo la filayey inuu furmo maanta oo ay ku beegan tahay 15-ka Febraayo ayaa dib uga dhacay, waxaana qorshuhuu in la’isugu tego magaalada Garoowe.

Dib u dhaca ayaa waxaa sababay khilaafka ka dhashay, halka lagu qabanayo shirkan, kadib soo jeedin ka dib Jubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in Muqdisho laga dhigo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin dib u dhaca ku yimid shirka oo qorshuhu ahaa in diirada lagu saaro doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ra’iisul wasaarah xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhinaca kale shalay magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 14 xubnood oo ka kooban dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir.

Guddigan ayaa u gogol xaaraya qabsoomida shirka wada-tashiga golaha qaranka, waxaana beri ay shir ku yeelan doonaan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka arrinsanaya qabsoomida shirka u dhexeeya dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Si kastaba beesha caalamka ayaa horey uga digtay inuu dib u dhac ku yimaado shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, kaas oo muhiimadu ay tahay in xal mideysan looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka.

KHEYRE oo DF u jeediyey eedeyn la xiriirta GALAAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hadana ah musharax Madaxweyne ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay gogosha tacsida Alla ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Jeneraal Galaal ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii ay todobaadyo ka hor Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Afriik.

Khayre oo war ka soo saaray tacsida uu ka qeyb galay ee Jeneraal-ka ayaa Allaah uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, waxuuna dhammaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Nuur Galaal oo ahaa “astaan qaran oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyay cimrigiisa inta ugu badan.”

“Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofka dhintay waxuu ahaa qof qaran, muhiimadda iyo ahmiyadda ugu weynna waxay tahay in ay dowladdu u abaal guddo, oo ay muujiso sida ay uga xanuunsaneyso dadka usoo dhintay ee astaanta u ah qarannimada Soomaaliyeed,” ayuu Kheyre qoraalkiisa ku yiri.

Waxuu intaas ku daray, “General Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika. Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ee noloshiisa ahaa odey waayo arag ah oo kaalin muuqato ku leh nabadeynta iyo dhab u heshiisiinta bulshada.”

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal waxaa meydkiisa lagu aasay magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, waxaana aastay ehelladiisa, waxaana dowladda lagu dhaleeceeyey in aysan sidii uu ka mudnaa u maamuusin meydka Jeneraalka.

Waxaa xusid mudan in madaxda dowladda federaalka iyo inta badan kuwa dowlad goboleedyada ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb, markii meydka Jeneraal Galaal la geeyey Gurceel, taas waji gabax badan uu ka soo wajahay dhamaan madaxda Soomaalida oo maalmahaas shir ku lahaa Dhuusamareeb.

Hay’ado lacag ku bixinaya in Muqdisho laga barakaco  

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay baadi goob ugu jiraan Soomaali ka tirsan hay’ado shisheeye, kuwaas oo dadka Muqdisho u raraya xeryaha qaxootiga dalka Kenya. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay ogaadeen in Kenya laga furay kaamam cusub islamarkaana loogu talagalay in la geeyo dad danyar ah oo ku nool kaamamka Muqdisho, waxaana dadkaas loogu sheekeeyay in suurtagal tahay dagaalo ka qarxa Muqdisho. 

Hay’adahaan ayaa la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin hase yeeshee waxaa la aaminsan-yahay in ay macaash ka raadinayaan barakac iyo qaxootiga Soomaalida. 

Wararka kale ayaa sheegaya in ay soo abaabuleen dowlado shisheeye oo diidan daganaanshiyaha Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay Kenya. Caasimada Online ma xaqiijin karto in dowlado shisheeye ku lug-leeyihiin hase waxaa magaalada ka jiro in dadka danyarta ah lagu dhiiri gelinayo in ay dalkooda ka cararaan. 

Sababaha ugu waa weyn ee dadka loogu abuurayo barakac iyo in ay dalkooda ka cararaan ayaa lagu sheegay muranka la xariira doorashada Soomaaliya, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Qoraal kasoo baxay DF oo dood iyo su’aalo ka abuuray baraha bulshada (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay wasaaradda arrimaha dibadda kuna saabsanaa cambaareynta weerar ay kooxda xuutiyiinta ku qaadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudiga ayaa si aad ah looga falceliyay.

Qoraalkaan ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda wadanka ay mareyso meel xasaasi ah, sidoo kalana ay dadka wali xasuusan yahiin qaraxii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Sayidka.

Qoraalka Wasaaradda ay soo qortay waxaa ka falceliyay muwaadiniin badan oo isticmaala barta twitter-ka, waxeyna qaarkood tilmaameen in dowladda Sacuudiga aysan ka hadlin dhibaatooyinka Soomaaliya, balse ay wasaaraddu isku mashquulineyso waxyaabo aan danta umadda ku jirin.

Dadka qaar ayaa aaminsan in wasaaradda looga baahan yahay waxyaabaha danta u ah dadka Soomaalida iney ka shaqeeyaan, kana hadlaan, sida dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ku heysta wadamo badan oo ay South Afrika ka mid tahay.

Qof ayaa soo qoray: “Anaga shaqadana mahan waxa ka dhexeeya Saudi arabia iyo Yamen. Wax aan Soomaali dan ugu jirin faraha kala baxa.”

Qof kalana wuxuu yiri: “War dowladaay, Sacuudi haddii Muqdisho wax ka dhacanba kama hadlaanee maxaa idin daba dhigay waa yaabe, markaas kale baan nacaa dowladba.”

Qof kale ayaa isna soo qoray: “War xagaasna maxaa inaga jira tolow.”

Mid kale ayaa isna is-weydiiyey “Sacuudiga ma canbaareeyaan weerarada argagixisada ee ka dhaca Soomaaliya?”

Qof kale ayaa isna ku jawaabay “Waxaa la dhahay mudul gubtay mid kale maxaa ugu yaalaa, annaga aaway teenee waa cajiib?”

Senator YUUSUF XAAJI oo ku geeriyooday NAIROBI

0

Nairobi (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee caasimadda Wadanka Kenya ku geeriyooday Marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalkaasi.

Maxamed Yuusuf ayaa hadda ahaa Senatorka ismaamulka Gaarisa, wuxuuna ka tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya.

Marxuumka oo caan ku ahaa magaca Yuusuf Xaaji ayaa bilihii lasoo dhaafay xanuunsanaa, waxaana geeridiisa BBC u xaqiijiyey xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in marxuumka galabta ayaa lagu aasi doono qabuuraha Musliminta ee Langata.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya, wuxuuna mar soo ahaa wasiirkii difaaca dalkaasi, isaga oo sidoo kale muddooyinkii lasoo dhaafay hoggaaminayay guddi loo  saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badelka dastuurka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday barasaab gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Marxuumka oo aad loogu yaqaano magaca Yusuf Xaaji ayaa dhashay sannadkii 1940-kii, wuxuuna ku dhashay gobolka Waqooyi Bari, wuxuuna dhalay illaa 9 caruur ah.

Mahad Salad oo shaaciyey ‘farqiga dhanka sharciyadda’ ee Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa is barbar dhig ku sameeyey shaciyadda ay xafiisyada ugu sareeya dalka ku joogaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo dalbaday bal in lala wadaago hadii uu jiro qodob dastuuri ah oo Farmaajo awood u siinaya inuu xafiiska sii joogo.

“Mudada xilhaynta Madaxweynaha waa afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo sida ku cad Qod. 91aad dastuurka. Sidaas ayuuna Farmaajo ku yahay Madaxweyne hore ama Madaxweyne xilkiisu dhamaaday,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa.

Isagoo daliishanaya qodobka 103-aad ee dastuurka dalka ayuu tilmaamay in Rooble oo sharciyad u heysto inuu sii ahaado ra’iisul wasaare xil-gaasiin ah, inta laga soo magacaabo ra’iisul wasaarihii xilka kala wareegi lahaa.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu waa Xil-Gaarsiiyeyaal inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo inta laga dhaarinayo Ra’iisul Wasaaraha cusub sida ku cad Qod. 103aad dastuurka. Sidaas ayuuna Rooble ku yahay Ra’iisul Wasaare xilgaarsiiye ah inta dowlada cusub ee dhalan doonta ay ka soo magacaabayso Ra’iisul Wasaarihii isaga badali lahaa,” ayuu yiri.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin qodob dastuuri ah oo maanta Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday u ogolaanaya inuu sii joogo xafiiska, xitaa hadii aan weli la dooran madaxweynihii bedeli lahaa.

“Qaylodhaan warmo kama tummaan ee qofkii qodob dastuuri ah oo Farmaajo lagu difaaci karo haya ha ila soo wadaago. Qofkii ujeedkiisu yahay in uu dadka qabyaalad ku indho sarcaadiyana comments-ka hoose waa u fasaxanyahay ee haku ciil baxo,” ayuu Mahad ku yiri qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Dhammaan hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhameystay madadoodii xil heynta ee dastuurku u ogolaanayey, waxaana hadda la isku mari la’yahay, hanaankii loo soo dooran lahaa madaxda bedeleysa kuwa waqtigu ka dhamaaday.

Xasan Sheekh oo sheegay arrin aysan mucaaradka marnaba aqbali doonin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo madaxweynaha uu muddo xileedka ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa fashilka iyo dib u dhaca ku yimid doorashad dalka dusha u saaray dowladda federaalka iyo madaxdeeda uu muddo xileedkooda dhamaaday, sida uu sheegay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday uu qeyb ka yahay caqabada ku hor-gudban doorashada dalka, isagoona xusay inuusan dooneyn in dalkan ay ka dhacdo doorasho, xili ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso xal ka gaarista muranka doorashada.

Sidoo kale waxa uu “lama aqbalaan” ku tilmaamay sii joogista Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uusan marnaba ogolaaneyn golaha mucaaradka, oo iyagu dhamaadka toddobaadkan ku baaqay banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho dhaqso u qabsoomta.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo maanta Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay ku dhawaaqeen banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Muxuu baarlamanka carabta ka yiri xaaladda Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay baarlamaanka carabta ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doorashada.

Qoraalka oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka carabta, Caadil Bin Cabdul Raxman Al-Casumi ayaa marka hore waxaa lagu soo dhoweeyey qabashada shirka u iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, kaas oo loog hadlayo doorashooyinka dalka, una dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Caadil Bin Cabdul Raxman ayaa ugu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay inay xal-waara ka gaaran xaaladda cakiran ee dalka & sidii looga gudbi ahaa marxaladda adag.

“Waxaan soo dhoweyneynaa wada-hadalka qaran ee Soomaaliya waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada is haya inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan arrintan oo ah masiirka dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey inay muhiim tahay inaga fakiro mustaqbal Soomaaliya, islamarkaana ay laga wada-shaqeeyo mniga iyo xasiloonida dalka.

Ugu damhyn Al-Casumi ayaa cadeeyay mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku Aadan taageerad dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran isaga oo ugu baaqay wadamada carabta inay xoojiyaan furfurnaantooda ayna horumariyaan xiriirkooda Jamhuuriyada. Soomaaliya heer kasta iyo dhinac walba.

Soomaaliya ayaa xilligan wajaheyso xaalad kala guur ah, iyada oo aan weli heshiis laga gaarin doorashada dalka , islamarkaana uu waqtigii ka dhamaaday dowladda federaalka.

Ciidamada PUNTLAND oo ‘howl-gal qorsheysan ku qabtay’ xubno Shabaab ah

0

Boosaaso (Caasimada Onlin) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka Puntland ay ka sameyeen gobolka Bari.

Howl-galka oo saacado badan qaatay ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen tuulada Marajo iyo dhulka Buuraleyda ah ee hoostaga sida Booje iyo Habar-hagoogane.

Saraakiisha horkaceysay howl-gallada ayaa sheegay in lagu qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha la qabtay ay miinooyin ku aasayeen waddada isku xirta Bali-khadar, Karin iyo degaano kale oo ka tirsan Bari.

Waxa kale oo ay saraakiishu tilmaameen inay gacanka ku shigeen maado ay Al-Shabaab u isticmaalayeen qaraxyada, ayna ka hortageen weeraro kale oo qorsheysan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegatay Puntland.

Maalmihii ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulka buuraleyda gobolka Bari oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab & Daacish.

Maxaa ka jira in isbededl lagu sameeyey qareenadii Soomaaliya ee kiiska badda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay in wax ka bedel lagu sameeyay qareenadii u doodayay kiiska dacwadda Badda oo ay kala dhaxeyso dowladda Kenya.

Afhayeenka xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay inuusan jirin isbadal lagu sameeyay qareenadaas, ayna sidoodi u gudanayaan waajibaadka ay dowladda federaalka u igmatay.

Qareenada ay Soomaaliya u xilsaartay difaacida kiiska dacwadda Badda ayaa kala ahaa; Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dhageysiga dacwadaas oo billaabaneysa 15-ka March.

“Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda baddeena  wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 Maarso, 2021. Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet,” ayuu yiri Maxamed Macalimu.

Kiiska dacwadda badda ayaa waxa uu horyaala Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), taasi oo dhowr jeer dhageysigeeda dib u dhigtay, iyada oo shalay ku gacan seyrtay dalab uga yimid Kenya, kaasi oo ay ku codsaneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ.

Philippe Gautier ayaa intaas ku daray in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, wuxuuna labada dhinac ku war-geliyey inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku matli doodad.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto, midaasi oo ay ka hortimid dowladda Soomaaliya.

Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.

Daawo: Rooble oo gurigiisa ugu tegay Imaamka, kana raali-gelyey dhacdadii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf,  oo shalay lagu tasaaseeyey magaalada Muqdisho. 

Rooble ayaa ugu horeyntii raali-gelin ka siiyay Imaamka Mudullood falkii ay shalay kula kaceen ciidamo ka tirsan kuw Soomaaliya, xili uu marayay xabsiga Dhexe hortiisa.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu xun yahay falkaas, isla markaana uu ka xaal bixinayo, isagoona xusay in laga daba tagi doono, oo uu aad uga murugoonayo.

“Maanta halkaan waxaa u imid mas’uul ahaan in aan idinla wadaago wixii dhacay shalay oo ah wac xun oo aad looga tiiraanyoodo, waana ka tacsiyadeynayaa imaamkeyga,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray “Imaamka waxa ku dhacay keliya asiga kuma dhicin ee anigana waa igu dhacay sababtoo ah imaamka wiilkiisa ahay, waa imatala imaamka, in aad taas ogaatan waaye, cid iga xigtana majirto oo waxaa ahay garabkiisa”.

 Sidoo kale waxa uu caafimaad ilaahay uga baryay odayaashii la socotay ee wax kasoo gaareen rasaastii shalay lagu furay Imaamka Mudullood, xili ay kasoo laabteen gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal.

Booqashada Rooble ayaa imaneysa xili ay saaka Guriga Imaamka tageen Musharaxiinta mucaaridka oo iyagu garab istaag u muujiyay Imaamka Mudullood, waxayna u muuqata mid uu tallaabadaas uga jawaabayo.

Odawaa oo sheegay sabab yaab leh oo Farmaajo ‘u amray in la xiro’ jidka Dabka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odawaa) oo ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday ayaa si kulul uga hadlay xiritaanka isgyska Dabka oo ay hay’adaha amniga xireen xalay.

Odawaa wuxuu sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu isgoyska Dabka difaac ka galay, wuxuuna ugu baaqay inuusan cadibaad galin shacabka Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in Farmaajo looga baahan yahay inuu si nabad ah isaga baxo xarunta looga taliyo dalka maadaama uu wakhtigiisa dhamaaday.

“Markii aad ciidamadaada oo dhan geyso gobolka Gedo, Xamarna aad difaac ka gasho isgoska dabka waa sidaan oo kale,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odawaa.

Isagoo hadalkiis wata ayuu hadana yiri: “Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday waxaan ka codsanayaa inuusan nolosha dadka cadaabin, si fududna Villa Somaliya isaga baneeyo maadaama shaqadiisii afarta sano aheyd ay dhamaaday”

Isgoyska Dabka ayey xalay hay’adaha amniga xireen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu xoog ku maray bar koontorool oo ku talla halkaas, ka hor inta uusan ku qarxin meel u dhaw isgoyska dabka.

Cabasho badan oo ka timid dadka, sii hayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku amray in la furo wadada isla markaana shacabka Muqdisho uga mahad celiyay dulqaadkooda.

DF oo war kasoo saartay haweenkii Muqdisho lagu dilay iyo xog laga helayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray saddex haween ah oo maanta lagu dilay dagmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Booliska oo sheegay iney baaritaanno ku wadaan falka dhacay ayaa sidoo kalana haweenka la dilay labo kamid ah saddexdaas dumarka ah ay xaamilo ahaayeen (Uur lahaayeen), isla markaana dilkooda lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Booliska.

Inkastoo aan si rasmi ah wali loo shaacin, hadana ilo ku dhaw dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in haweenkaas la dilay ay ka mid ahaayeen shaqaalaha wasaaradda Gaashaandhigga, gaar ahaan qeybta Nadaafadda.

Dilalka qorsheysan wey kusoo badanayeen Muqdisho, waxaana haweenka la dilay oo saddex ahaa magacyadooda lagu kala sheegay Faadumo, Fartuun & Maymuun halka mid kale ay ka baxsatay.

Haweenka saddexda ah mid ka mid ah ayaa dhaawac looga qaaday goobta, balse isbitaalka ayey ku geeriyootay.

Magacyada xubnaha DF iyo D/Gboleedyada u matalaya SHIRKA oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd magaacabay guddi farsamo oo ka kooban 14 Xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii uu u furmi lahaa shirka uu hore u iclaamiyey madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday, kaasi oo ku mudeysnaa maalinta berri ah ee 15-ka Febraayo.

Guddiga farsmo ee uu magacaabay Rooble ayaa waxay ka kala yimaadeen Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya.

“Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Guddigan cusub ayaa waxa qeyb ka ah guddiyo ay soo gudbiyeen madaxda Puntland iyo Jubaland oo iyagu si weyn uga soo horjeeday goobta loo asteeyaya shirkaas, waxaana ugu tun weyn xubnaha maamulaadaas ka yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.

Arrinta ayaa imaneysa xili ay shalay Caasimada Online baahisay xog la xiriirtay Warqada uu maamulada dalka u diray Rooble, taasi oo maamullada loogu sheegay in ugu dambeyn 13-ka bishan, oo xalay ku ekeyd ay soo dirsadaan min 2-qof oo ah guddi farsamo oo ka soo shaqeeya xal u helida qodobada dooda ka taagan tahay ee doorashada Soomaaliya.

Shaqada guddigaan ayaa ah in ay soo diyaariyaan dhowr qodob oo la kala xusho, kuwaas oo ku aadan qodobada muranka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya. Xubnaha ayuu qorshuhu yahay in 14-ka bishaan oo ku beegan maanta oo Axad ah ay ku kulmaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Xubnaha guddiga ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.

4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland.

5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.

6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.

7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.

8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.

9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.

14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Midowga Musharaxiinta oo banaanbax weyn kaga dhowaaqay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa si adag u dhaleeceyay madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lix maalmood si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, maadama uu muddo xileedkiisu ka dhamaaday 8-dii Febraayo.

Madaxweyinhii hore ee dalka ayaa ku dhawaaqay in xiligan loo baahan yahay in dalka ka dhacaan banaanbax nabadeed oo shacabka ku dalbanayaan doorasho loo dhan yahay, taasi oo meesha ka saaraysa damaca madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dalkaan ay aheyd inay ka dhacaan doorashooyin, hase yeeshe aysan muuqan ififaalo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ku eedeyay inaysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro arrimaha taagan, si uu dalka u aado doorasho, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay dhacayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo qorshayaasha ka hor imanaya doorasho wada-ogol ah.

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isaguna kamid ah musharaxiinta ku bahoobay Golaha Mucaaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxa uu ku dhawaaqay Sheekh Shariif uu dhici doono maalinta Jimcaha oo taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Febraayo 2021.

Waxa uu sheegay in banaanbaxaas uu ka dhici doono Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu dalbanayo in dalka uu si dhaqso ah ku aado doorasho, isla markaana laga wada-shaqeeyo arrimaha ku hor gudban doorashada.

Si kastaba, dhawaaqan ayaa imanaya xili ay hore u hirgeli waayeen banaanbaxyo ay mucaaradka ku baaqeen, kadib khasaaro ka dhashay kuwo hore u dhacay, hase yeeshe midkan ay maanta shaaciyeen ayaa u muuqda mid ay kusoo bandhigi doonaan cudud dadweyne, kaasi oo u dhici doono qaab nabdoon.

Rooble oo amray in la furo waddo muhiim ah oo xalay ay xireen ciidanka dowladda

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’adaha amniga in la furo wadada Dabka oo xalay loo xiray sabab aan la shaacin kadib markii ay saxmad xun ka dhalatay isku socodka dadka iyo gaadiidka goobtaas.

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku amray hay’adaha amniga in la furo wadadaas, isagoo shacabka Muqdisho uga mahad celiyay dulqaadka ay muujiyaan.

“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda” ayuu qoraalka ku yiri Rooble.

Isagoo sii wata wuxuu yiri: “Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada”

Amarka ra’iisul wasaaraha xilka sii haya ayaa kusoo aadaya xilli saacado ka hor Afhayeenka xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu uu war qoraal ku sheegay in xirnaashaha isgoyska Dabka uu durbo keenay culeys dhanka dhaqdhaqaaqa shacabka ah, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono.

Shalay ayey aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu si xoog leh ku gudbay bar koontorool oo ku taalla Dabka ka hor inta uusan ku qarxin meel u dhaw isgoyska Sayidka.

Xalay ayey hay’adaha amniga xireen bartamaha Isgoyska iyadoo ay dhib noqotay in laga gudbo, baraha bulshada ayaana aad loogu faafiyay sawiro laga soo qaaday oo tusaale u ah sida ay bulshada ugu dhiban tahay isticmaalka wadadaas.

Shacabka Muqdisho waxey hadda sugayaan sida uu u fulo amarka uu soo rogay ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble, si fiican ayeyna usoo dhaweeyeen iyagoo jawaabo ka dhiibanayaa qoraalkiisa barta Facebook.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Hodan, kadib dilkii marxuum Dhagajuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay degmada Hodan, kadib wareegto uu soo saaray.

Cumar Filish ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir u magacaabay Mudane Cabdifitaax Xayir Ciise Dhagajuun, kadib markii la dilay guddoomiyihii degmadaas Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilkiisa, islamarkaana uu halkaasi kasii wado howlaha maamulka ee degmada.

Sidoo kale laamaha ammaanka iyo shacabka ku dhaqan degmada Hodan ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo ah nin dhalinyaro ah.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo aan weli lasoo bandhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay Allaha u naxariisteen Cabdixakiin Dhagajuun.

Marxuumka ayaa bishii lasoo dhaagay ee Janaayo, xilli habeen ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Sidee hay’adaha ajnabiga ah ee Xalane ku helaan xogta qaraxyada Muqdisho? 

0

Muqdisho (Caaimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayey ku ogaatay in hay’adaha shisheeye ee dagan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho helaan inta ugu badan xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dhicin. 

Hay’adahaan oo fadhigoodu yahay Xalane ayaa labadii qarax ee ugu dambeeyay islamarkaana ka dhacay Muqdisho shaaciyay kana digay 48 saac ka hor, waxeyna qaraxyadaas u dhaceen sidii ay u sheegeen. 

Inkastoo aysan hay’aduhu sheegeen bartilmaameedka oo toos ah, nuuca qaraxa ama gaariga iyo saacada ama maalinta uu ku aadan yahay, hadane waxey bixiyaan digniin abuuri karta feejignaan iyo taxadar. Si kastaba, maadaama aysan sheegin goobta rasmiga ah ee qaraxa, way adag tahay in laga hortago.

Caasimada Online oo la hadashay Soomaali iyo ajaaniib dagan Xalane, islamarkaana qeyb ka ah hay’adaha shisheeye ee dhanka amaanka ayaa ogaatay in lacag badan oo kumanaan kun oo dollar ah ay ku bixiyaan helista xogta qaraxyada. 

“Waxaa lacag la siiyaa Soomaali aad xog ogaal u ah, qaarkoodna xiriir la leh qaar kamid ah kuwa soo abaabula qaraxyada, ama kuwa kale oo ka agdhow, balse ma sheegi karaan bartilmaameedka oo sax ah, mararka qaarna way noo sheegaan kadibna cida ay quseyso ayaa la wadaagnaa balse markasta waxaa soo saarnaa digniin guud,” ayuu yiri qof Soomaali ah oo la shaqeeyaa hay’adaha Xalane.

Soomaalida lacagta kumanaanka dollar ah ku qaata helista xogta qaraxyada, ayaa sidoo kale klacagtaas wax ka siiya xubno ku jira Shabaabka oo xogta usoo gudbiya.

“Ma heli karno mana heysano qalab lagu ogaan karo qaraxa, nuuca gaariga, balse waxan lacag ku bixinaa inaa ogaano qaraxa iyo marka uu soo galo ama ku soo wajahan yahay Muqdisho,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka la hadlay Caasimada Online. 

“Sidee ayaa ku aamintaan xogta aad heshaan,” ayaa la weydiiyay waxa uuna ku jawaabay “waxaan ku aaminaa in qofka aan marka hore isaga baarno, xogaha aan ka qaadano imise ayaa ka run ah ama ka been ah, xil nuucee ah ayuu ka dhax haayaa Al-Shabaab, ma badno inta jeer ee been aan kala kula kulano balse bartilmaameedka waa badali karaan mararka qaar,” ayuu yiri.

Shacabka Muqdisho ayaa aad isu weydiiya sababta ay hay’adahaan usoo sheegi la’yihiin halka qaraxa loo wado, tirada dadka iyo nuuca gaariga hase yeeshee xogta ay helaan ayaan ku jirin goobaha rasmiga ah ee qaraxyada.