26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Sidee hay’adaha ajnabiga ah ee Xalane ku helaan xogta qaraxyada Muqdisho? 

0

Muqdisho (Caaimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayey ku ogaatay in hay’adaha shisheeye ee dagan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho helaan inta ugu badan xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dhicin. 

Hay’adahaan oo fadhigoodu yahay Xalane ayaa labadii qarax ee ugu dambeeyay islamarkaana ka dhacay Muqdisho shaaciyay kana digay 48 saac ka hor, waxeyna qaraxyadaas u dhaceen sidii ay u sheegeen. 

Inkastoo aysan hay’aduhu sheegeen bartilmaameedka oo toos ah, nuuca qaraxa ama gaariga iyo saacada ama maalinta uu ku aadan yahay, hadane waxey bixiyaan digniin abuuri karta feejignaan iyo taxadar. Si kastaba, maadaama aysan sheegin goobta rasmiga ah ee qaraxa, way adag tahay in laga hortago.

Caasimada Online oo la hadashay Soomaali iyo ajaaniib dagan Xalane, islamarkaana qeyb ka ah hay’adaha shisheeye ee dhanka amaanka ayaa ogaatay in lacag badan oo kumanaan kun oo dollar ah ay ku bixiyaan helista xogta qaraxyada. 

“Waxaa lacag la siiyaa Soomaali aad xog ogaal u ah, qaarkoodna xiriir la leh qaar kamid ah kuwa soo abaabula qaraxyada, ama kuwa kale oo ka agdhow, balse ma sheegi karaan bartilmaameedka oo sax ah, mararka qaarna way noo sheegaan kadibna cida ay quseyso ayaa la wadaagnaa balse markasta waxaa soo saarnaa digniin guud,” ayuu yiri qof Soomaali ah oo la shaqeeyaa hay’adaha Xalane.

Soomaalida lacagta kumanaanka dollar ah ku qaata helista xogta qaraxyada, ayaa sidoo kale klacagtaas wax ka siiya xubno ku jira Shabaabka oo xogta usoo gudbiya.

“Ma heli karno mana heysano qalab lagu ogaan karo qaraxa, nuuca gaariga, balse waxan lacag ku bixinaa inaa ogaano qaraxa iyo marka uu soo galo ama ku soo wajahan yahay Muqdisho,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka la hadlay Caasimada Online. 

“Sidee ayaa ku aamintaan xogta aad heshaan,” ayaa la weydiiyay waxa uuna ku jawaabay “waxaan ku aaminaa in qofka aan marka hore isaga baarno, xogaha aan ka qaadano imise ayaa ka run ah ama ka been ah, xil nuucee ah ayuu ka dhax haayaa Al-Shabaab, ma badno inta jeer ee been aan kala kula kulano balse bartilmaameedka waa badali karaan mararka qaar,” ayuu yiri.

Shacabka Muqdisho ayaa aad isu weydiiya sababta ay hay’adahaan usoo sheegi la’yihiin halka qaraxa loo wado, tirada dadka iyo nuuca gaariga hase yeeshee xogta ay helaan ayaan ku jirin goobaha rasmiga ah ee qaraxyada.

Haween dil iyo dhaawac loogu geystay degmada Dayniile ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal isugu jiro dil iyo dhaawac oo ay saaka aroortii hore kooxo hubeysan ka geysteen qeybo ka mid ah dgmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo dhacdada kadib goobta isaga baxsaday.

Kooxdan oo ku hubeysneyd bistoolado ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday haween ku sugnaa degmadaasi, xilli ay raacayeen mooto, kuna sii jeedeen goobtooda shaqada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweenka la toogtay oo ay qaar dhaawacyo soo gaareen ay nadaafad ahaan uga shaqeynayeen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo ka hadlay falkan ayaa xaqiijiyey in lagu dilay ugu yaraan saddex haween oo labo ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen.

Sadiiq ayaa intaasi kusii daray in haatan ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dagaalyahanada Al-Shababa.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah,”.

Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneyso falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey qaraxii shalay ee Sayidka.

CABDI XAASHI oo si weyn uga horyimid warqad kasoo baxday xafiiska Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka horyimid 7 ka mid ah xubnaha golaha adeegga Garsoorka ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Warqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay inuu sharci darro ah yahay xeerka uu saxiixay madaxweynaha, islamarkaana uu ka hor imaanayo qodobada dastuuriga ee ka hadlaya dhismaha golaha adeegga garsoorka.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale intaasi ku daray in golaha shacabka 22-kii bishii November uu u soo diray aqalka sare qaraar uu kusoo ansixiyay illaa 7 xubnood oo ka mid noqonaya golaha adeegga darsoorka, kuna jiran guddoomiyaha Maxkamadda Sare  & Xeer ilaaliyaha qaranka.

Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku tuntay shuruucda u taal dalka, gaar ahaan qaabka ay tahay in loo maro adeegga garsoorka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xeerkan uu madaxweynuhu saxiixay, iyada oo aan lasoo marsiin Senatorada golaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka, waxaana arrintan ay sii xoojineysaa khilaafka guddoonka golahan kala dhexeeyo hoggaanka Villa Soomaaliya.

Xog: FARMAAJO oo digniin dul-dhigay mas’uuliyiinta maamulka gobalka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay mas’uuliyiinta maamulka gobalka Banaadir. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo xubnahaan qaabilay islamarkaana uu dhageestay tabashooyinkooda, isagoo intaas kadib amar ku siiyay in ay wadas haqeeyaan, haddii ay dhici weysana laga qaadi doono xilalka islamarkaana la keeni doono mas’uuliyiin isla shaqeyn karta. 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyadaan aysan Madaxweynaha si waafi ah ugu sheegin waxa uu ka billowday khilaafkooda oo ahaa dhul boob ka socda magaalada, balse ay siiyeen xogta arrimo kale oo khilaafka qeyb ka ahaa.

“Haddii aadan awoodin inaa wadashaqeysaan fadlan ogolaada in gobalka aan keeno dad wada shaqeyn kara isna xushmeeya,” ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlay mas’uuliyiintaan, sida ay noo sheegeen xubno ka mid ah.

Shaqada gobalka ayaa hada caadi ku soo laabatay inkastoo wali laga dareemayo saameenta khilaafkaas uu ku reebay xafiisyada maamulka, waxaana la sheegay in weli dhinacyada aysan isku niyad sameyn.

B/Caalamka oo dhabarka xejisay mucaaradka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa u muuqata inay dhabarka xajisay musharaxiinta mucaaradka, ayada oo diideysa inay wax kaalin ah ku yeeshaan go’aanada la xiriira doorashooyinka dalka ee weli la isku hayo. 

Kadib markii muddo xileedka Farmaajo uu dhammaaday, waxaa jirtay rajo ah inuu la mid noqomnayo musharaxiinta kale, ayna si isku mid ah kaalin ugu yeelanayaan wada-hadallada doorashooyinka, hase yeeshee taasi ma muuqato.

Midowga Musharaxiinta iyo ururada Bulshada rayidka ah ayaa dalbaday inay kasoo qeyb galaan shirka uu ku dhawaaqay Farmaajo ee 15-ka Febraayo. Sidoo kale maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa taageeray go’aan walba oo saamileyda siyaasadda uga qeyb noqon karaan kulanka.

Hase yeeshee qoraalkii ay shalay soo saareen xubnaha beesha caalamka ayaa diiday in wada-hadallada la ballaariyo marka la eego qaabka loo dhigay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay kulmi doonaan 15-ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii September, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.”

Qoraalkan ayaa lagu xusay oo kaliay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sidoo kale waxaa lagu dalbaday hirgelinta heshiiskii 17-kii September, waxaana labadan qodob ay si toos ah u sheegayaan in mucaaradka uusan boos uga banaaneyn wada-hadallada.

Musharaxinta mucaaradka waxay hadda sugayaan kaliya natiijada kasoo baxda wada-hadallada cusub, inkasta oo ay isku aragti dhaw yahiin dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, oo aragtidooda halkaas geyn kara.

Beesha caalamka ayaa marar badan lagu eedeeyey in aysan dhex-dhexaad ka aheyn arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo ay la safan yihiin madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana qoraalkooda shalay uu sii xoojinayaa aragtidaas. 

Weerar culus oo ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar culus uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu ekeeyey fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin xaafadda Buundaweyn ee magaaladaasi.

Ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkan, iyada oo jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray askar iyo dad kale oo rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale sameeyey baaritaano dheeraad oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarka.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan, waxaana sidoo kale magaalada howl-gallada ka waday laama amniga.

 

DF oo xirtay mid ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay dhagxaan dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goob aad u maqshuul badan.

Gaadiidka isticmaalaya wadada Maka Al-mukarrama ayaa toos uga gudbi kara isgoyska dabka, isagoo aan u leexan karin dhanka isgoyska Bakaaraha ama dhanka kale ee xarunta degmada Waaberi, hadii uusan ku socon seedka xiga.

Inta badan isgoyska Dabka ayaa ah mid mashquul badan oo mar kasta ay gawaaridu isku xayirmaan, iyadoo ay joogaan ciidamo Taraafiko ah oo kala haga gaadiidka, intii ay awoodaan.

Tallaabadan lagu kala xiray wadadaan muhiimka ah ayaa imaaneysa iyadoo shalay gaari qarax siday uu xoog ku dhaafay bar control oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn isgoyska dabka, kaas oo qarxay inta uusan gaarin barta control ee taallada Sayidka, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada uu soo dhaafay.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dhagaxaan ugu jartay isgoyska Soobe oo mar uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee abid Soomaaliya ka dhacay, kaas oo galaaftay nolosha dad badan.

Isgoyskaas oo ahaa mid mashquul badan ayaa hadda waxaa dhagaxdii lagu jaray dhibaato weyn ku qaba gaadiidka u leexanaya dhanka xaafadda Buulaxuubey ama degmada Wadajir, balse waxaa intii hore ka yaraatay saxmadii gaadiidka.

Xasan Sheekh oo sheegay ‘arrin ka mudneyd’ juhdiga uu Farmaajo ku bixiyey Gedo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in xukuumadda muddo xileedkeedii dhamaaday aysan dadaal badan ku bixin arrinta badda.

Xasan Sheikh oo wareysi siiyay TV-ga Goobjoog ayaa sheegay in sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo juhdiga uu ku bixiyay mudadii uu xafiiska joogay Gobolka Gedo ay dhaami laheyd inuu hormar uga sameeyo arrinka badda oo ilaa iyo hadda aan wax muuqda laga sameyn.

“Nasiib darrada ugu weyn ee na heysata waxey tahay, horayna waan u sheegnay qadiyadda Badda, dowladeena kuma mashquulsana juhdiga, dhaqaalaha iyo wakhtiga ay galisay gobolka Gedo iyo sidii loo kala furfuri lahaa Jubbaland hadii ay badda galin laheyd, waxey ila tahay in wakhtigaan jawaab la heli lahaa xukunna dhici lahaa,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu wareysi horay ugu sheegay ineysan dowladda horayna juhdi ugu bixin haddana aysan ku bixineynin, kaliyana ay ka shaqeyneyso iney kala dirto dadkii ka shaqeynaayay.

“Looyaradiiye kala dirtay ,safiirkii iyo xeer ilaaliyihii la yaqaanay wey dirtay, waligeedna dowladda inta shacabka hor timid, waxaan ayaa naga heysta oo caqabado ma aysan dhihin, anagana waxaan hor geyn jirnay Baarlamaanka, sidoo kalana xukuumadda la hor dhigi jiray, sidoo kalana bulshada rayidka ayaa ka qeyb gali jiray oo maxkamadda inta tagto dhageysan jiray waxa meesha ka dhacaya.”

Xasan Sheikh wuxuu aaminsan yahay in sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan wax tallaabo ah u qaadin arrinka badda, wuxuuna si cad u sheegay inuu juhdi ka badan ku bixiyay inuu kala diro maamulka Jubbaldn.

Baabuur qarax culus looga fulin rabay Muqdisho oo la qabtay kadib qaraxii maanta

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, kadib howlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Nooca gaariga lagu soo raray qaraxa ee ay qabteen ciidanku waa Homey, waxaana lagu qabtay tuulada Cad-Cadeey oo hoos tagta degmada Afgooye gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada Danab ayaa howlgalkaan sameeyey kadib markii lagu soo war-geliyey in Al-Shabaab ay halkas ku rakibayaan gaari qarax ah, waxaana u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan, isaga oo aan qarxin.

Saraakiil ka tirsan Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in gaariga la qabtay uu ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, in kastoo aan la shaacin bartilmaameed rasmi ah.

Waxay sheegeen saraakiishu in gaarigaas mudo la diyaarinaayey, isla markaana lagu dhitaaneyn rabay shacabka Soomaaliyeed, balse ay ka hor tageen sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha u hadashay Danab waxay sheegeen in shacabka ku nool deegaanka lagu diyaarinayey gaarigan qaraxa ah ee Cad-Cadeey ay ku soo war-geliyeen, iyaguna ay uga howlgaleen si naf hurnimo ah.

Inta badan qaraxyada ku rakiban gaadiidka ee Al-Shabaab ay weerarrada uga geystaan gudaha caasimadda Muqdisho ayaa lagu soo rakibaa gobollada Shabeellooyinka oo waqooyi iyo koonfurka ka kala xiga caasimadda Soomaaliya.

 

Maxay tahay warqadda uu Rooble u diray madaxda dowlad goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in sii-hayha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu warqad u diray dhamaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo maamulka gobalka Banaadir.

Warqada uu diray Rooble ayaa maamullada loogu sheegay in ugu dambeyn 13-ka bishan, oo caawa ku eg, ay soo dirsadaan min 2-qof oo ah guddi farsamo oo ka soo shaqeeya xal u helida qodobada dooda ka taagan tahay ee doorashada Soomaaliya.

Shaqada guddigaan ayaa ah in ay soo diyaariyaan dhowr qodob oo la kala xusho, kuwaas oo ku aadan qodobada muranka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya. Xubnaha ayuu qorshuhu yahay in 14-ka bishaan oo ku beegan Axadda berri ah ay ku kulmi doonaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Dowladda federaalka waxaa guddigaas ku metelaya wasiirka dastuurka Soomaaliya iyo Amb. Yuusuf Garaad Cumar Axmed. Sidoo kale qaar ka mid ah maamullada ayaa soo disarady guddiyadaas, gaar ahaan maamullada ku xiran dowladda federaalka.

Waxyaabaha kale ee howsha guddigaan qeybta ka ah waxaa kamid ah in ay ka soo tala bixiyaan halka uu ka dhacayo shirka ay isugu imaanayaan madaxda dowladda, kuwa maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka gobalka Banaadir 15-ka bishaan.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa ku heshiin waayey hanaanka loo hir-gelinayo heshiiskii ay ka gaareen doorashada Soomaaliya, waxayna dhawaan ku soo kala tageen Dhuusamareeb, iyagoo aan gaarin wax heshiis ah.

Hadda caqabadda koowaad waxay ka taagan tahay, halka lagu qabanayo shirka xiga kii fashilka ku soo dhamaaday ee Dhuusamareeb-4, Puntland iyo dowladda federaalka ayuu midba midka kale ku riixayaa gogosha shirka 15-ka bishan uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ma doonayo in talada doorashadu dhaafto isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay doonayaan in shirka heshiiska looga gaaro doorashada la balaariyo oo lagu soo daro dhinacyada kale ee saamileyda siyaasadda, sida musharaxiinta kale, ururrada bulshada rayidka ah, iyo beesha caalamka haatan door dhex-dhaxaadineed ugu jirta Soomaalida.

Daawo: Jawaari oo sheegay ‘qorshaha’ Farmaajo ee 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay inay tahay arrin olole doorasho ah kuraasta gobolka Banaadir eee uu dhowaan saxiixay Farmaajo.

Jawaari ayaa sheegay inay tahay wax aan wanaagsaneyn in kuraasta gobolka Banaadir loo adeegsado olole doorasho, balse ay tahay xaq uu leeyahay gobolka Banaadir.

Prof. Jawaari, oo su’aalo lagu weydiiyay barnaamij dood wadaag ah oo ay soo qaban qaabiyeen warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan mustaqbalka 13-ka kursi ee la yiri halaga siiyo aqalka sare gobolka Banaadir.

Wuxuu ka sheekeeyay iney sanadkii 2016 soo martay arrintaan, islamarkaana Baarlamaankii 9-aad uu go’aan ka gaaray, sida uu sheegay, wuxuuna qiray in Xamar ay xaq leedahay lana siiyo wax xalaal ah, balse in olole siyaasadeed iyo olole doorasho midkood lagu galo aysan isaga la fiicneyn.

“Aniga waxaan jeclahay marka qofka wax la siinaayo in si xalaal ah wax loo siiyo, laakiin in olole doorasho iyo mid siyaasadeed laga dhigto ma jecli, Xamarna xaq wey leedahay, baarlamaanka 9-aadna go’aan cad ayuu ka gaaray arinkaa,s” ayuu yiri Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Si kastaba sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ansixiyay 13-ka kursi ee gobolka Banaadir, walow aan wali la horgeynin Baarlamaanka hadana Prof. Jawaari wuxuu u arkaa iney tahay olole siyaasadeed iyo mid doorasho in xiligaan lagu soo aadiyo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO:

Gaari ay la socdeen Imaamka Mudullood iyo odayaal oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in gaari uu la socday Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ka dhashay khasaare.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu warramayaa inay gaysteen ciidamada ilaalada asluubta ee Xabsiga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la weeeraray ay sidoo kale Imaamka ku wehliyeen xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka beelaha Mudullood, kuwaas kasoo laabtay gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal.

Sida aan xogta ku helnay, gaariga ayaa waxaa la rasaaseeyey markii uu kasoo gudbay Koontaroolka koowaad ee waddada hormarta Xabsiga Dhexe, ee uu soo gaaray Koontaroolka labaad.

Ciidanka Asluubta ee wadadaas ku leh koontaroolka ayaa rasaaseeyay gaariga Imaamka, oo ay la socdeen askar ilaalo u ah, waxaana ka dhashay dhaawacyo soo gaaray ilaalada iyo labo ka mid ah xubnihii dhaqanka ee la socday Imaamka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Ilaalada Asluubta horey lagu wargeliyay in gaariga la socdaan Duubabka Dhaqanka Mudullood, mana cadda sababta ay rasaasta ugu fureen.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online. 

Maxkamadda ICJ oo diiday codsigii Kenya ee ahaa dib u dhigista dacwada badda

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa ku gacan seertay codsigii dowladda Kenya ay ku dooneysay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ. 

Philippe Gautier  ayaan intaas ku daray in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, wuxuuna labada dhinac ku war-geliyey inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku matli doodad. 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynasyo go’aankan kama dambeysta ah, ee shalay galab Maxkamadda Adduunku ay ku laashay codsigii Kenya ay ku dooneysay in mar kale la dib dhigo dhageysiga dacwadda baddeena ee ay ina ku haystaan hoggaanka dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto.

Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.

 

CC Shakuur oo ka horyimid xeer uu saxiixay Farmaajo ‘oo taariikhda laga bedelay’

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad la sheegay iney kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo ansixineysa toddoba xubnood oo ka mid ah 9-ka xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in taariikhda warqadda laga been abuuray, sidoo kalana ay tahay sharci darro waxa uu sameynayo sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiis Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uu galay laba dambi, tan hore ay tahay inuu si bareer ah u jabiyay qodob dastuuri ah, waliba qodobada 71-aad iyo 112-aad ee dastuurka kaas oo dhigaya in xubnahaan ay tahay in la marsiiyo Aqalka Sare.

Sidoo kale wuxuu dood galiyay hanaanka sawirka saxiixa warqadda, wuxuuna sheegay in Farmaajo waddo walba u maraayo inuu sii joogo xafiska.

Qoraalka hogaamiyaha xisbiga wadajir ayaa yimid kadib markii lasoo dusiyay warqad uu ku saxiixan yahay sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo cadeynaya inuu saxiixay todoba xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka.

Xubnahaan tiradoodu gaareyso 7-da ayaa ka mid noqonaya 9-ka xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumadda Soomaaliya ansixisay 16-kii November sanadkii tagay ee 2020.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA ABDIRAHMAN ABDISHAKUR

Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ayaa saxiixay liiska xubnaha noqonaya Golaha Addeegga Garsoorka. Taariikhda digreetada ayaa lagu qoray 30kii December 2020, si looga dhigo in la saxiixay intii uu muddo xileedkiisu shaqaynayey. Wuxuu damacsanyahay in uu si sharci darro ah ku dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ay qiil u raadiso si uu xukunka ku sii heysan karo.

Farmaajo wuxuu galay labo danbi. Kan koowaad waa in uu si cad oo bareer ah u jebiyey qodobbo dastuuri ah sida; Qod. 71, 112 ee dastuurka ee dhigaya in Aqalka Sare la soo marsiiyo Golaha Adeegga Garsoorka inta uusan madaxweynaha digreeto ku soo saarin. Wuxuu saxiixay iyadoo aan Aqalka Sare la soo marsiinin.

Danbiga kale, waa in uu been abuuray (Tazwiiray ama Foojar) gareeyey taariikhda saxiixa. Waxaa muuqata in uu waddo kasta u marayo si uu xukunka sifo sharci darro ah ugu sii joogo.

Mareykanka oo fariin gaar u diray Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa fariin toos ah la wadaagtay sii-hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, waxeyna ku booriyeen iney xaliyaan arrimaha ku hor gudban heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu gaaray Muqdisho.

Fariintaan kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa adkeyneysa fariin ka timid beesha caalamka oo ka digeysa inuu shirka dhaafo 15-ka February, waxeyna sidoo kale ka digeen in cudur daarka ugu weyn uu noqdo inaan wali la isku waafaqin halkii lagu qaban lahaa shirka.

“Waxaan ku boorineynaa hogaamiyayaasha iney xaliyaan arrimaha looga dooday shirkii ka dhacay dhuusamareeb, ayna wakhti kooban ku qabtaan doorashada, iyadoo aan la dhinac mareynin heshiiskii doorashada ee 17-kii September,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Fariintaan oo si toos ah u taabaneysa sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana timid xafiiska danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Donald Yamamoto ayaa la raaciyay:

“Waxaa la joogaa wakhtigii la muujin lahaa hogaan bisil oo jihadiisa cadahay, iyo in midnimo lagu wajaho wax walba, si loogu dhaqaaqo waddo u wanaagsan Soomaaliya isla markaana tusaale u noqota mustaqbalka qaaradda Afrika”

Farmaajo iyo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaan wali ku heshiinin arrimaha doorashada, waxaana wali la sugayaa in la isi soo horfariisto isla markaana la dhameeyo wax walba oo ku hor gudban doorashada.

Shirkii Dhuusamareeb wuxuu ku dhamaaday fashil iyadoo sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay inuu tanaasul badan sameeyay balse loo tanaasuli waayay.

Si kastaba shir ayaa lagu baaqay aan wali la iclaamin halka rasmiga ah ee lagu qabanayo, beesha caalamka ayaana ku riixeysa hogaamiyayaasha Soomaalida iney heshiiyaan oo ay meel wax wada dhigaan.

Beesha caalamka oo soo saartay digniin ku saabsan SHIRKA 15-ka Febraayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha dalalka beesha caalaamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan si mari-waaga xoogan ee weli qabashada doorashooyinka 2021-ka.

Beesha caalamka ayaa marka hore qoraalkan ku shaacisay inay soo dhoweyneyso qabashada shirka uu iclmaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajop), kaas oo lagu wado inuu qabsoomo15-ka bishaan Febraayo.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado shirkaasi, iyada oo sabab laga dhigayo khilaafka ka taagan halka lagu qabanayo.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in shirkani uu yahay fursaddii ugu dambeysay ee xalka looga gaarayo qabashada doorasho loo wada dhan-yahay.

Halka hoose ka aqriso:

Saaxiibada Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.

Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay khasaaraha ka dhashay qarixii SAYIDKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in qaraxan uu ku dhintay kaliya is-miidaamiyihii fuliyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo kale oo shacab ah, kuwaas oo jidka marayey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu jiro burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj.

“Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa intaasi raaciyey “Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.”.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaq isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka ammaanka.

Meydadka dhallinyaro loo dilay si arxan darro oo lasoo dhigay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fal toogasho ah uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waabariistay meydadka 4 dhalinyaro ahaa oo madax laga-wada toogtay, kadibna lasoo dhigay Qabuuraha Shiiqaasha ee deegaankaasi.

Sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka waxaa dhalinyarada la dilay korkooda ka muuqaatay rasaas, iyada oo aan la ogeyn sababta loo dilay & cidda ka dambeysay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaasi inta aan la dilin,ka hor laga xiray gacmaha, kadibna sidaasi lagu dilay.

Ma jiro weli wax hadal oo kasoo baxay  saraakiisha laamaha ammmaanka, balse waxaa goobta lagu arkay meydadka gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Falkan oo si weyn looga hadal-hayo Ceelasha Biyaha ayaa dadka deegaanka ku abuuray cabsi ka dhalatay toogashada arxan darrada ah ee loo geystay dhalinyaradaasi.

Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is-rasaaseyn khasaare geysatay oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ahaa mid kooban ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Geeddi ee degmada Kaaraan, wuxuuna u dhexeeyey ciidamada ammaanka & rag hubeysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad xilligaas dhac u geysaneysay dadka shacab ah, waxaana ka war-helay ciidamada Booliiska oo weerarka ku qaaday, iyada oo kadib halkaasi uu ku dhex-maray labada dhinac dagaal kooban.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa ragga dhaca geysanayey ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaasi, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen labo qof oo kale.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi geystay khasaaraha kala duwan.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey falal ammaan darri, gaar ahaan dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka rayidka ah.

Xog: Kulankii ay isku hayeen DF iyo dolwad goboleedyada oo u dhacaya hab cusub

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegeysa in shir u dhaxeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ka furmi doono magaalada Baydhaba, si xal looga gaaro is-mari waaga ka taagan doorashada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wakiilo ka socda dhinacyadan oo ka kooban min laba xubnood ay maanta tagi doonaan magaalada Baydhabo, si ay uga wada-hadlaan qodobada la isku hayo ee saldhigga u ah heshiiskii doorashada ee September 17.

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa intaas ku daray in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, oo dooneysa in dhammaan qodobada la isku hayo ay heshiis ka gaaraan guddiyadan kahor inta aysan kulmin madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Beesha caalamka ayaa lagu warramay inay arrintan soo jeedisay, si meesha looga saaro fashilka joogtada ah ee ku yimaada shirarka madaxda, kuwaasi oo ay u aragto kuwa badanaa abuura hadal heyn badan, cadaadsi iyo niyad jab.

Wararka ayaa sheegaya in marka guddiyada ku shiraya Baydhaba ay ka heshiiyaan qodobada la isku hayo ay horkeeni doonaan Madaxda Dowlad Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si ay kama dambeysta u saxiixaan, ayada oo la qabanayo munaasabad saxiix. Weli go’aan lagama gaarin halka ay ka dhici doonto munaasabaddaas, waxayse u badan tahay Muqdisho.

Arrintan ayaa imaneysa kadib mrkii Puntland iyo Jubaland ay dhowaan diideen in shir uu soo jeediyey Farmaajo lagu qabto Garoowe, ayaga oo ku baaqay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Waxay sidoo kale meesha ka saareysa baaqii ay Puntland iyo Jubaland ee ahaa in saamileyda kale ee siyaasadda dalka laga qeyb geliyo wada-hadallada, waxaana muuqata in beesha caalamka ay diidan tahay in wada-hadallada la ballaariyo.

Ma cadda haddii guddiyadan ay awood u yeelan doonaan inay heshiis ka gaaraan qodobo ay isku mari waayaan madaxdii ka sarreysay.