25.5 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

CC Shakuur oo ka horyimid xeer uu saxiixay Farmaajo ‘oo taariikhda laga bedelay’

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad la sheegay iney kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo ansixineysa toddoba xubnood oo ka mid ah 9-ka xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in taariikhda warqadda laga been abuuray, sidoo kalana ay tahay sharci darro waxa uu sameynayo sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiis Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uu galay laba dambi, tan hore ay tahay inuu si bareer ah u jabiyay qodob dastuuri ah, waliba qodobada 71-aad iyo 112-aad ee dastuurka kaas oo dhigaya in xubnahaan ay tahay in la marsiiyo Aqalka Sare.

Sidoo kale wuxuu dood galiyay hanaanka sawirka saxiixa warqadda, wuxuuna sheegay in Farmaajo waddo walba u maraayo inuu sii joogo xafiska.

Qoraalka hogaamiyaha xisbiga wadajir ayaa yimid kadib markii lasoo dusiyay warqad uu ku saxiixan yahay sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo cadeynaya inuu saxiixay todoba xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka.

Xubnahaan tiradoodu gaareyso 7-da ayaa ka mid noqonaya 9-ka xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumadda Soomaaliya ansixisay 16-kii November sanadkii tagay ee 2020.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA ABDIRAHMAN ABDISHAKUR

Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ayaa saxiixay liiska xubnaha noqonaya Golaha Addeegga Garsoorka. Taariikhda digreetada ayaa lagu qoray 30kii December 2020, si looga dhigo in la saxiixay intii uu muddo xileedkiisu shaqaynayey. Wuxuu damacsanyahay in uu si sharci darro ah ku dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ay qiil u raadiso si uu xukunka ku sii heysan karo.

Farmaajo wuxuu galay labo danbi. Kan koowaad waa in uu si cad oo bareer ah u jebiyey qodobbo dastuuri ah sida; Qod. 71, 112 ee dastuurka ee dhigaya in Aqalka Sare la soo marsiiyo Golaha Adeegga Garsoorka inta uusan madaxweynaha digreeto ku soo saarin. Wuxuu saxiixay iyadoo aan Aqalka Sare la soo marsiinin.

Danbiga kale, waa in uu been abuuray (Tazwiiray ama Foojar) gareeyey taariikhda saxiixa. Waxaa muuqata in uu waddo kasta u marayo si uu xukunka sifo sharci darro ah ugu sii joogo.

Mareykanka oo fariin gaar u diray Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa fariin toos ah la wadaagtay sii-hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, waxeyna ku booriyeen iney xaliyaan arrimaha ku hor gudban heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu gaaray Muqdisho.

Fariintaan kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa adkeyneysa fariin ka timid beesha caalamka oo ka digeysa inuu shirka dhaafo 15-ka February, waxeyna sidoo kale ka digeen in cudur daarka ugu weyn uu noqdo inaan wali la isku waafaqin halkii lagu qaban lahaa shirka.

“Waxaan ku boorineynaa hogaamiyayaasha iney xaliyaan arrimaha looga dooday shirkii ka dhacay dhuusamareeb, ayna wakhti kooban ku qabtaan doorashada, iyadoo aan la dhinac mareynin heshiiskii doorashada ee 17-kii September,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Fariintaan oo si toos ah u taabaneysa sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana timid xafiiska danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Donald Yamamoto ayaa la raaciyay:

“Waxaa la joogaa wakhtigii la muujin lahaa hogaan bisil oo jihadiisa cadahay, iyo in midnimo lagu wajaho wax walba, si loogu dhaqaaqo waddo u wanaagsan Soomaaliya isla markaana tusaale u noqota mustaqbalka qaaradda Afrika”

Farmaajo iyo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaan wali ku heshiinin arrimaha doorashada, waxaana wali la sugayaa in la isi soo horfariisto isla markaana la dhameeyo wax walba oo ku hor gudban doorashada.

Shirkii Dhuusamareeb wuxuu ku dhamaaday fashil iyadoo sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay inuu tanaasul badan sameeyay balse loo tanaasuli waayay.

Si kastaba shir ayaa lagu baaqay aan wali la iclaamin halka rasmiga ah ee lagu qabanayo, beesha caalamka ayaana ku riixeysa hogaamiyayaasha Soomaalida iney heshiiyaan oo ay meel wax wada dhigaan.

Beesha caalamka oo soo saartay digniin ku saabsan SHIRKA 15-ka Febraayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha dalalka beesha caalaamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan si mari-waaga xoogan ee weli qabashada doorashooyinka 2021-ka.

Beesha caalamka ayaa marka hore qoraalkan ku shaacisay inay soo dhoweyneyso qabashada shirka uu iclmaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajop), kaas oo lagu wado inuu qabsoomo15-ka bishaan Febraayo.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado shirkaasi, iyada oo sabab laga dhigayo khilaafka ka taagan halka lagu qabanayo.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in shirkani uu yahay fursaddii ugu dambeysay ee xalka looga gaarayo qabashada doorasho loo wada dhan-yahay.

Halka hoose ka aqriso:

Saaxiibada Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.

Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay khasaaraha ka dhashay qarixii SAYIDKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in qaraxan uu ku dhintay kaliya is-miidaamiyihii fuliyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo kale oo shacab ah, kuwaas oo jidka marayey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu jiro burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj.

“Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa intaasi raaciyey “Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.”.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaq isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka ammaanka.

Meydadka dhallinyaro loo dilay si arxan darro oo lasoo dhigay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fal toogasho ah uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waabariistay meydadka 4 dhalinyaro ahaa oo madax laga-wada toogtay, kadibna lasoo dhigay Qabuuraha Shiiqaasha ee deegaankaasi.

Sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka waxaa dhalinyarada la dilay korkooda ka muuqaatay rasaas, iyada oo aan la ogeyn sababta loo dilay & cidda ka dambeysay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaasi inta aan la dilin,ka hor laga xiray gacmaha, kadibna sidaasi lagu dilay.

Ma jiro weli wax hadal oo kasoo baxay  saraakiisha laamaha ammmaanka, balse waxaa goobta lagu arkay meydadka gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Falkan oo si weyn looga hadal-hayo Ceelasha Biyaha ayaa dadka deegaanka ku abuuray cabsi ka dhalatay toogashada arxan darrada ah ee loo geystay dhalinyaradaasi.

Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is-rasaaseyn khasaare geysatay oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ahaa mid kooban ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Geeddi ee degmada Kaaraan, wuxuuna u dhexeeyey ciidamada ammaanka & rag hubeysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad xilligaas dhac u geysaneysay dadka shacab ah, waxaana ka war-helay ciidamada Booliiska oo weerarka ku qaaday, iyada oo kadib halkaasi uu ku dhex-maray labada dhinac dagaal kooban.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa ragga dhaca geysanayey ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaasi, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen labo qof oo kale.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi geystay khasaaraha kala duwan.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey falal ammaan darri, gaar ahaan dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka rayidka ah.

Xog: Kulankii ay isku hayeen DF iyo dolwad goboleedyada oo u dhacaya hab cusub

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegeysa in shir u dhaxeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ka furmi doono magaalada Baydhaba, si xal looga gaaro is-mari waaga ka taagan doorashada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wakiilo ka socda dhinacyadan oo ka kooban min laba xubnood ay maanta tagi doonaan magaalada Baydhabo, si ay uga wada-hadlaan qodobada la isku hayo ee saldhigga u ah heshiiskii doorashada ee September 17.

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa intaas ku daray in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, oo dooneysa in dhammaan qodobada la isku hayo ay heshiis ka gaaraan guddiyadan kahor inta aysan kulmin madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Beesha caalamka ayaa lagu warramay inay arrintan soo jeedisay, si meesha looga saaro fashilka joogtada ah ee ku yimaada shirarka madaxda, kuwaasi oo ay u aragto kuwa badanaa abuura hadal heyn badan, cadaadsi iyo niyad jab.

Wararka ayaa sheegaya in marka guddiyada ku shiraya Baydhaba ay ka heshiiyaan qodobada la isku hayo ay horkeeni doonaan Madaxda Dowlad Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si ay kama dambeysta u saxiixaan, ayada oo la qabanayo munaasabad saxiix. Weli go’aan lagama gaarin halka ay ka dhici doonto munaasabaddaas, waxayse u badan tahay Muqdisho.

Arrintan ayaa imaneysa kadib mrkii Puntland iyo Jubaland ay dhowaan diideen in shir uu soo jeediyey Farmaajo lagu qabto Garoowe, ayaga oo ku baaqay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Waxay sidoo kale meesha ka saareysa baaqii ay Puntland iyo Jubaland ee ahaa in saamileyda kale ee siyaasadda dalka laga qeyb geliyo wada-hadallada, waxaana muuqata in beesha caalamka ay diidan tahay in wada-hadallada la ballaariyo.

Ma cadda haddii guddiyadan ay awood u yeelan doonaan inay heshiis ka gaaraan qodobo ay isku mari waayaan madaxdii ka sarreysay.

  

Prof. Jawaari oo sheegay ‘waxa ay tahay in hadda kadib loogu yeero’ Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyahii hore Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Shiekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaado loogu yeerayo (ku-sime ama sii-haye).

Jawaari oo ka qeyb galaya barnaamij dood wadaag ah oo ka baxayay warbaahinta maxaliga ah ayaa la weydiiyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaado waxa loogu yeeri karo, wuxuuna sheegay inuu yahay Ku-sime, sidoo kalana awoodaha uu leeyahay ay noqonayaan kuwa aan sidii hore u awood badneyn.

“Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano wuxuu ahaa madaxweyne, balse hadda wuxuu noqonaa sii haye, laakiin lama sheeg sheego, waxaa xadidmaaya hawlaha uu qaban karo, tusaale: heshiisyo caalami ah ma gali karo, waxyaalo waaweyn ma sameyn karo, laakiin madaxweyne waa madaxweyne,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Mar kale ayaa su’aal lagu celiyay aheyd, erayga qaanuuniga ah ee loogu yeeri karo maxey tahay? wuxuuna wariyaha ugu jawaabay jawaabay: “Hadda waa ku sime, waana sii haye, labadaba waad dhihi kartaa, laakiin madaxweyne inaad tiraahdo ayaa la qaatay, asagana ha fahmo adna faham inuu xadidan yahay.”

Warbaahinta ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu yeertay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday markii la gaaray 8-da February iyadoo musharaxiinta mucaaradka ay diideen iney madaxweyne u aqoonsadaan.

Sidoo kale maamul goboleedka Puntland ayaa diiday madal uu dhigay Garowe iyagoo ku sifeynaya inuu muddo xileedkiisa dhamaaday, waxeyna ku baaqeen in shirka laga dhigo Muqdisho, waxaana ku taageeray Jubbaland iyo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Si kastaba Prof. Jawaari wuxuu sheegay in Farmaajo loogu yeeri karo sii hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya tan iyo inta laga helaayo madaxweynaha badalaya.

Hoggaamiyihii burcadda dilalka Soomaalida ee Koonfur Afrika oo la xiray

0

Cape Town (Caasimada Online) – Booliiska Koonfur Afrika ayaa gacanta ku dhigay hoggaamiyihii burcadda hubeysan ee dilalka u geysata ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen duleedka magaalada Port Elezapeth.

Ninkaan oo caan ka ah Koonfur Afrika, islamarkaana madax u ahaa burcadda dadka ajaaniibta ah ee Soomaalida ku jirto disha ayaa laga soo qabtay  eegaanka Motherwell.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in haatan ay baaritaano dheeraad ah ay ku socdaan ninkan oo loo heysto dilal iyo boob loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa soo dhoweeyey qabashada ninkan oo ay dhibaato weyn ku qabeen ganacsatadu.

Sidoo kale qabashadiisa ayaa kusoo aadeysa, iyada oo xalay dalkaas dil iyo dhaawac loogu geysatay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Inta badan waxaa dalkaasi Koonfur Afrika ka dhaca dilal qorsheysan iyo boob hantiyeed oo loo geysto Soomaalida oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ee Sayidka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo si xawli ah ku soo dhaafay ciidamo ku sugnaa isgoyska Dabka, waxaana kadib rasaas lagu furay uu ku qarxay koontaroolka Sayidka ee baabuurta lagu baaro.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burburka gawaari nooca raaxada ah iyo mootooyin nooca Bajaajta ah.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo la socday gaadiidka iyo mootooyinka ku burburay qaraxaas.

Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay intaba, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

Maamlmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka dhacayey weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabushay oo uu ugu dambeeyey midkii lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

JUBALAND oo sii adkeysay shuruudii ay ku xirtay heshiis laga gaaro doorashooyinka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sii adkeeyey shuruudda ay ku xireen doorashada Soomaaliya ee la xiriirtay gobolka Gedo, oo ay isku hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcaha ee BBC-da, ayaa hoosta ka xariiqay in dhankooda aysan “doorasho ka qeyb gali doonin hadii lagu wareejin waayo dhammaan deegaannada gobolka Gedo.”

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u hadlayay si caro leh.

Wuxuu intaas kusii daray: “Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

Laakiin xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, oo isagana doodda qeyb ka ahaa ayaa difaacayay eedeymaha loo jeedinayay dowladda federeelka. Wuxuu ka jawaabay hadalka kasoo baxay wasiirka warfaafinta Jubaland.

“Waxaa la yaab leh wasiirku marna wuxuu leeyahay madaxweyne marna wuxuu leeyahay dal buu qabsaday. Soo madaxweynihii dalka ma aha? Meel la qabsaday annagu ma naqaanno, mana aannaan arag. Wax aan micno lahayn in doorashada lagu hakiyo ma aha. Hadda wasiirku go’aan buu gaadhay oo wuxuu yidhi annagu doorasho qaban meyno, mana rabno dooarsho. Hadde waayahaye marka umadda Soomaaliyeed bay u taallaa arrintaasi, wayna na dhageysanayaan, annagu laakiin doorasho ayaan rabnaa,” ayuu yiri xildhibaan Sakariye. 

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xuddun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

BOOLISKA oo faah-faahin buuxda ka bixiyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxa caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sadiiq ayaa sheegay in ciidanka booliska Soomaaliya ay fashiliyeen qaraxa miino oo Al-Shabaab ay ku tuureen waaxda Kacaan ee degmada Hodan, sida uu yiri.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in wax khasaaro uusan ka dhalan qaraxa, isagoona in ciidamada booliska Soomaaliya ay caawa baaritaano ka wadaan halka uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen Degmada Hodon, gaar ahaan Waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaakka ee HAAS, wax qasaaraha oo naf iyo maalba leh ma geysan. Ciidanka Boliiska ayaa goobta xiray,” ayuu yiri afhayeenka. 

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa KPP iyo Isgoyska Bakaaraha.Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay meel u dhow maqaayad lagu magacaabo SAARA oo ku taalla agagaarka Isgoyska Bakaaraha, gaar ahaan dhanka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaaal ah aaa sheegay in ay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo uu qaraxu sababay.

 

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xil muhiima loo magacaabay

Washington (Caasimada Online) –  Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afirka iyo arrimaha xuquuqul insaanka caalamka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskeeda.

Guddi hoosaadkan ayaa waxaa uu ka tirsan yahay guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa waxa lagu sheegay in xilkan cusub loo magacaabay maalintii Khamiistii, islamarkaana ay si rasmi ah u noqotay guddoomiye ku-xigeenka guddigaas oo lagu magacaabo Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.

Waxa lagu xusay in Xildhibaan Ilhaan ay si gaar ah u daneynayso “inay kormeerto arrimaha gar-gaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibedda ee Afrika”, sida lagu sheegay qoraalka.

Xilkan cusub ayaa imanaya xili ay xildhibaanadu ay hore uga mid aheyd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Congress-ka, kaasi oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoogan oo ka dhan ah xilkaas, kadib soo jeedimo la xiriiray guddigaas.

Ilhaan ayaa kamid aheyn Xildhibaano dhowr ah oo ay si weyn isku hayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, kaasi oo dhowr jeer Ilhaan darteed ugu gefay dalka Soomaaliya, waxayna u muuqata in doorkeeda siyaasadda ee Mareykanka uu sarre ukacayo, maadama uu meesha ka baxay.

DF oo daha-furtay diiwaan gelinta diyaaradaha iyo Hala Airlines oo noqotay diyaaraddii ugu horeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah-furtay diiwaan-gelinta Diyaaradaha iyo Rusqad-siinta Xirfadleyaasha, taasi oo muddooyinkii dambe ay wadeen Wasaarada duulista iyo Hay’adda duulista rayidka Soomaliya.

Shirkadda diyaaradaha ee Hala Airlines ayaa noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee hesha shatiga diyaaradaha Soomaaliya, taasi oo dadka raaca siineysa kalsooni ah inay raacayaan diyaarad sharciyeysan.

Milkiilaha shirkadda Hala Airlines Xaaji Ibraahim, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in diyaaraddooda ay noqotay middii ugu horreysay ee Soomaaliya ee heshay ruqsadda.

Shirkadda Hala Airlines ayaa leh dhowr diyaaradood oo ka holwgala magaalada Muqdisho iyo diyaarado tegaya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

Munaasibadan oo uu daah-furay Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad, isagoona ku bogaadiyay dadaalka hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo howl-wadeenada wasaarada.

Wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay shaqaalaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimadka dalka iyo hirgelinta nidaamkan cusub.

Munaasibaddan ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa Wasiirka uu guddoonsiiyay ogolaansho shaqo iyo ruqsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayadda iyo Duuliyayaal Soomaaliyeed.

Agaasimaha Machadka Heritage oo xilka is-casilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa xilkaas iska casilay kadib lix sano oo uu haye, sida lagu sheegay qoraal goordhow kasoo baxay Machadka, waxaana xilkaas si ku-meel gaar ah loogu dhiibay agaasime ku-xigeenka Mursal Maxamuud Saneyn. Hoos ka aqriso qoraalka Machadka kasoo baxay.

Ujeeddo: Is-beddel Hoggaanka Machadka Heritage

Muqdisho, 11 Febraayo 2021: Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage ayaa aqbalay iscasilaadda Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo lixdii sano ee la soo dhaafay ahaa Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage. Mudane Cabdirashiid waxa uu muddo-xileedkiisu ku eg yahay 28 Febraayo 2021. Sida uu dhigayo hannaanka maamulka ee Machadka Heritage, Agaasime-kuxigeenka Machadka oo ah Mursal Maxamuud Saney ayaa noqonaya sii hayaha xilka Agaasimaha Fulinta, laga bilaabo 01 Maarso 2021. 

Mudane Cabdirashiid Khaliif oo wax ka aasaasay Machadka Heritage ayaa Guddida Hoggaaminta ee Machadka Heritage ku wargeliyey go’aankiisa is-casilaadda muddadii lagu guda jiray kulan sannadeedkii Guddida Hoggaaminya ee qabsoomay bishii Janaayo 2021. Mudane Cabdirashiid, intii aanu noqon Agaasimaha Fulinta, waxa uu muddo saddex sano ah soo ahaa agaasime kuxigeenka koowaad ee machadka Heritage. Intii aanu ku soo biirin Machadka, Cabdirashiid waxa uu la soo shaqeeyay hay’adda ICG, isaga oo u qaabilsanaa falanqaynta Soomaaliya. Taa horteedna waxa uu Cabdirashiid xilal hoggaamineed oo kala duwan ka soo qabtay dawladda Soomaaliya, isaga oo soo noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha. In kasta oo aannu ka murugeysannahay tegitaanka Cabdirashiid, haddana Golaha Hoggaaminta waa uu ixtiraamayaa rabitaankiisa ah in uu hoggaaminta wareejiyo. 

Intii uu Cabdirashiid xilka hayey waxa uu machadku kor u qaaday tayada wax soo saarkiisa iyo saameynta uu Machadku ku leeyahay xal u raadinta arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Mudane Cabdirashiid, waxa uu hormuud ka ahaa hir-gelinta Madasha Aragti Wadaagga Sannadlaha ah taas oo ah madal ay aragtida ku wadaagaan dadka siyaasadda dejiya ee Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasha fikirka. 

Dhinaca cilmi-baarista, Cabdirashiid intii uu Machadka hoggaaminayey waxa uu laba-jibbaarey soo saaradda daraasadaha, isaag oo Machadka Heritage uu soo saaray in ka badan 40 cilmi-baaris, kuwaas oo qaar ka mid ah ay diiradda saarayeen arrimaha ugu murugsan siyaasadda Soomaaliya. Mashaariicda ugu caansan ee Machadka uu ka hawl-galay waxa ka mid ahaa mashruucii Horumarinta Karaanka Bulshada, oo ahaa seeska isbeddelka karaanka bulshada ee Soomaaliya, isaga oo ugu dambeyntiina lagu daray Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya.

Mudane Cabdirashiid, dhidibada ayuu u aasay Machadka Heritage. Muddadii uu hoggaaminayey, Machadku waxa uu ku guulaystay in uu helo maal-gelin sanado soconaya, kuwaas oo uu ka helay deeq-bixiyeyaal kala duwan, oo taageerayaal u ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee machadka, oo ay ku jiraan cilmibaarista siyaasadda, doodaha iyo barnaamijyada Madasha Aragti-wadaagga. Shantii sano ee la soo dhaafay Jaamacadda Pennsylvania oo qiimaysa xarumaha cilmi-baarista adduunka waxa ay Machadka Heritage u aqoonsatay in uu yahay mid ka mid ah xarumaha ugu sarreeya cilmi-baarista ee Afrika.

Doorka Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage waa in ay kormeer iyo hagitaan istiraatiiji ah ku biiriyaan hoggaaminta iyo maaraynta Machadka. Inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, guddidu waxa ay ku taageeri doonaan Agaasimaha ku meelgaarka ah in uu si habsami leh u guto waajibaadkiisa. Guddida Hoggaamintu, fursaddan waxa ay uga faa’iidaysanayaan in ay mudane Cabdirashiid Khalif si kal iyo laab ah uga mahad-celiyaan hiigsigiisa sare iyo hoggaamintiisii, waxa aanay u rajaynayaan mustaqbal ifaya iyo nasiib wanaagsan.

Coronavirus uu kusoo laba kacleeyey Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xiriir cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaasi oo muddooyinkii dambe hoos u dhacayay.

Kiisaska cusub ee wasaaradda ay diiwaan-gelisay ayaa waxay gaarayeen 28-qof, kuwaasi oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo maamulka Hirshabeelle, iyada oo tirada u badan laga diiwaan-geliyaya caasimada dalka.

Cudurka Koronaha ayaa u muuqda mid markale si tartiib tartiib ah ugu soo labo kacleynayay Soomaaliya, midaasi oo laga dheehan karayo kiisaska marba marka kasii dambeysa kor usii kacaya.

Wasaaradda ayaa bulshada kula talisay inay ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada aan daruuriga aheyn, isla markaana ay muujiyaan taxadar dheeri ah, maadama uu weli dalka kusii fidayo cudurka.

Hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda;

Laga Helay: 28
Banaadir: 27
HirShabelle: 1
Lab: 22
Dhedig: 6
Dhimasho: 2
Tirada Guud ee Laga Helay: 5,013
Bogsashada Guud: 3,733
Dhimashada Guud: 144

Ururada bulshada rayidka oo ka horyimid qorshaha DF ee shirka 15-ka Febraayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururada bulshada rayidka ah ayaa ka hor yimid qorshaha ay waddo dowladda Soomaaliya ee ah in shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka lagu qabto magaalada Garowe, waxeyna ku baaqeen in la isugu yimaado magaalada Muqdisho.

Ururada Bulshada rayidka ah waxey soo jeediyeen in shirka lagu qabto Muqdisho, loona ogolaado iney xubno ku yeeshaan, sidoo kalana saamileyda siyaasadda qeyb ka noqdaan si shirka u noqdo mid dhameystiran.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen iney tahay in la ilaaliyo xasiloonida nabadda dalka, sidoo kalana qof walba oo qaadan weysa masuuliyadeeda lagula xisaabtamo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in shir la isugu yimaado shir 15-ka bishaan, madashuna ay noqoneyso caasimadda Puntland, balse maamul goboleedka uu hogaaminayo Saciid Cabdullaahi Deni wey ka biyo diideen.

Puntland wey soo dhaweeyeen shirka la isugu imaanayo, balse waxey ku baaqeen in shirka lagu qabto Muqdisho, sidoo kalana Jubbaland ayaa qorshahaas taageertay, waxeyna isku raaceen in shirka kasoo qeyb galaan xubnaha beesha caalamka si markhaati loogu noqdo cidda hortaagan in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Kenya ma waxay dacwada badda dib ugu dhigeysaa su’aal ay ka qabto sharci ahaanshaha DF Somalia?

0

Nairobi (Caasimdda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale jawaab ka bixisay hadalkii wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe kaas oo warbaahinta Muqdisho u sheegay hadal uu ku durayo dowladda Kenya.

Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay in Kenya ay ku doodeyso ineysan dowlad sharci ah ka jirin Soomaaliya, sidaas darteedna ay markii saddexaad dib ugu dhigeen kiiska dacwadda badda ee labada dowladood ka dhaxeeya.

“Waxay doonayaan inay buriyaan kiiskeena [iyagoo ku doodaya] Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay arinkaas lug ku leeyahiin, isagoo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yiri:

“[Kenya] oo ka faa’iideysanaysa hadallo aan ka fiirsi lahayn oo siyaasiyiinta qaar ay ugu loogayaan ama ugu gawracayaan qarannimada Soomaaliyeed, ayaa go’aankaas qaadatay”

Iyadoo ay taasi jirto ayey Dowladda Kenya gaashaanka ku dhufatay arrimaha uu ka hadlay wasiir Dubbe oo tilmaamaya iney arrimo la xiriira sharci ahaanshada dowladda Soomaaliya dib ugu dhigeen kiiska badda.

Ilo wareedyo ku dhaw wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa beeniyay, waxeyna sheegeen ineysan wax dood ah ka qabin sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Kenya waxey sheegeen in arrimo la xiriira COVID19 dartiis ay isugu diyaarin waayeen kiiska badda, isla markaana ay sidoo kale ka cabsanayaan iney dhacdo qatar dhanka amniga ah, waxeyna garsooraha maxkamadda ku wargaliyeen in dib loogu dhigo kiiska.

Dhinaca kale wasiir Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay hadii kiiska oo loo ballansan yahay 15-ka Maarso dib loo dhigo ay sumcad xumo ku noqoneyso maxkamadda cadaaladda adduunka ICJ.

James Swan oo warbixin la xariirta Soomaaliya siiyey ku-xigeenka Abiy Axmed

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war kasoo saartay wadahadal maanta qadka talefanka ku dhex maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Demeke Mekonnen iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Labada dhican ayaa si qota dheer uga wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, iyagoo is dhaafsaday macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

James Swan ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Mr. Demeke geedi socodka doorashada Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha jira, xaalada siyaasadeed ee hada taagan, khataraha dhanka ammaanka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ah kooxda ugu dhaqdhaqaaqa badan gobolka.

Sidoo kale labada dhinac oo kala metelaya Itoobiya iyo Qaramada Midoobey, waxay bogaadiyeen dadaallada ay wadaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Farmaajo oo haatan wajahaya fashil doorasho kii ugu xumaa, waxaana dhamaaday mudo xileedkii xukuumadiisa, iyadoo aan la heyn wax qorshe doorasho ah.

Khilaafkii ugu adkaa ayaa ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, waxuuna hadda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo gogosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland, Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa ku mideysan soo jeedinta ah in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, isla markaana la balaariyo oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamka, balse dowladda federaalka ayaa weli diidan taas, kuna adkeysatay in 15-ka Febraayo la isugu tago Garowe.

Yaa xaq u leh go’aaminta halka uu ka dhacayo shirka 15-ka Febraayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir uu ku baaqay madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay 15-ka Febraayo isugu yimaadaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa wajahaya caqabad xitaa kahor inta aanu billaabmin.

Shirkaas oo Farmaajo uu iclaamiyey inuu ka dhacayo Garoowe, ayaa waxaa kasoo horjeestay Puntland, Jubalanad, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xubnaha mucaaradka ah, oo dhammaantood doonaya in shirka uu ka dhaco Muqdisho.

Hase yeeshee dowladda federaalka ayaa ku gacan seertay baaqyadooda, waxaana wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe uu ku adkeystay in shirka uu ka dhacayo Garoowe. Ma cadda haddii Farmaajo uu Garoowe ku qaban karo shir uusan raali ka aheyn Saciid Dani, balse taas ka hor su’aal taagan ayaa ah, yaa xaq u leh asteynta madasha shirka lagu qabanayo?

Dr. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arimaha Bariga Afrika ayaa qaba in Farmaajo uu xaq u leeyahay inuu shirka ku qabto meesha uu doono.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda meel kasta ayuu shirka u qaban karaa, mana diidi karo Deni. Madaxweynaha Garowe shir kuma qaban karo Deni ayay ceeb ku tahay,” ayuu yiri Dr. Cabdiwahab.

Arrinta ah in saamileyda siyaasadda ay ka qeybgasho kulankaas ayaa khabiirkan waxa uu sheegay in mucaaradka aanay qeyb ka ahayn heshiiskii 17-kii September la gaaray ee gundhigga u ah shirka la shaaciyay.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo kamid ah ragga doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinnimada Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in shirka uu “Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan uu ku doonayo inuu isaga horkeeno Galmudug iyo Puntland, isla markaana uu ku tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida ayaa rumaysan in arrinta madasha shirka laga heshiin karo, balse ay muhiim tahay inuu qabsoomo oo heshiis lagu gaaro.

“Shirka 15-ka Febraayo lagu dhawaaqay waxey soo celineysaa rajada shacabka. Meesha lagu qabanayo iyo ka qaybgalayaasha waa arimo farsamo [oo] laga heshiin karo. Waxaa muhiim ah in Soomaalidu shirto, kuna heshiiyaan qaab iyo waqti doorasho. Haddii kale, waa loo meerinayaa,” ayuu yiri Dr Baadiyow.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii bishan February. Mucaaradku waxay sheegeen in aysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynuhu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la ogyahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Wasiirka warfaafinta Dubbe oo xalay la hadlay BBC-da waxuu mar kale ku celiyey in shirka uu iclaamiyey maadxweyne Farmaajo uu ka dhacayo Garowe, balse shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ayuu maamulku mar kale ku go’aamiyey in shirkaas lagu qaabto magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Puntland ayaa ku doodeysa in shirkaas laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasada dalka iyo beesha caalamka, waxaana go’aankaas ku raacsan Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo midowga musharaxiinta, sida ay ku shaaciyey qoraallo ay soo saareen.

Maamul goboleedyada taabacsan dowlada federaalka ee K/Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa weli ka amaamusan isku tuur-tuurka shirkan uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.