25.3 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

James Swan oo warbixin la xariirta Soomaaliya siiyey ku-xigeenka Abiy Axmed

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war kasoo saartay wadahadal maanta qadka talefanka ku dhex maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Demeke Mekonnen iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Labada dhican ayaa si qota dheer uga wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, iyagoo is dhaafsaday macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

James Swan ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Mr. Demeke geedi socodka doorashada Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha jira, xaalada siyaasadeed ee hada taagan, khataraha dhanka ammaanka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ah kooxda ugu dhaqdhaqaaqa badan gobolka.

Sidoo kale labada dhinac oo kala metelaya Itoobiya iyo Qaramada Midoobey, waxay bogaadiyeen dadaallada ay wadaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Farmaajo oo haatan wajahaya fashil doorasho kii ugu xumaa, waxaana dhamaaday mudo xileedkii xukuumadiisa, iyadoo aan la heyn wax qorshe doorasho ah.

Khilaafkii ugu adkaa ayaa ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, waxuuna hadda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo gogosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland, Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa ku mideysan soo jeedinta ah in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, isla markaana la balaariyo oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamka, balse dowladda federaalka ayaa weli diidan taas, kuna adkeysatay in 15-ka Febraayo la isugu tago Garowe.

Yaa xaq u leh go’aaminta halka uu ka dhacayo shirka 15-ka Febraayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir uu ku baaqay madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay 15-ka Febraayo isugu yimaadaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa wajahaya caqabad xitaa kahor inta aanu billaabmin.

Shirkaas oo Farmaajo uu iclaamiyey inuu ka dhacayo Garoowe, ayaa waxaa kasoo horjeestay Puntland, Jubalanad, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xubnaha mucaaradka ah, oo dhammaantood doonaya in shirka uu ka dhaco Muqdisho.

Hase yeeshee dowladda federaalka ayaa ku gacan seertay baaqyadooda, waxaana wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe uu ku adkeystay in shirka uu ka dhacayo Garoowe. Ma cadda haddii Farmaajo uu Garoowe ku qaban karo shir uusan raali ka aheyn Saciid Dani, balse taas ka hor su’aal taagan ayaa ah, yaa xaq u leh asteynta madasha shirka lagu qabanayo?

Dr. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arimaha Bariga Afrika ayaa qaba in Farmaajo uu xaq u leeyahay inuu shirka ku qabto meesha uu doono.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda meel kasta ayuu shirka u qaban karaa, mana diidi karo Deni. Madaxweynaha Garowe shir kuma qaban karo Deni ayay ceeb ku tahay,” ayuu yiri Dr. Cabdiwahab.

Arrinta ah in saamileyda siyaasadda ay ka qeybgasho kulankaas ayaa khabiirkan waxa uu sheegay in mucaaradka aanay qeyb ka ahayn heshiiskii 17-kii September la gaaray ee gundhigga u ah shirka la shaaciyay.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo kamid ah ragga doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinnimada Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in shirka uu “Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan uu ku doonayo inuu isaga horkeeno Galmudug iyo Puntland, isla markaana uu ku tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida ayaa rumaysan in arrinta madasha shirka laga heshiin karo, balse ay muhiim tahay inuu qabsoomo oo heshiis lagu gaaro.

“Shirka 15-ka Febraayo lagu dhawaaqay waxey soo celineysaa rajada shacabka. Meesha lagu qabanayo iyo ka qaybgalayaasha waa arimo farsamo [oo] laga heshiin karo. Waxaa muhiim ah in Soomaalidu shirto, kuna heshiiyaan qaab iyo waqti doorasho. Haddii kale, waa loo meerinayaa,” ayuu yiri Dr Baadiyow.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii bishan February. Mucaaradku waxay sheegeen in aysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynuhu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la ogyahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Wasiirka warfaafinta Dubbe oo xalay la hadlay BBC-da waxuu mar kale ku celiyey in shirka uu iclaamiyey maadxweyne Farmaajo uu ka dhacayo Garowe, balse shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ayuu maamulku mar kale ku go’aamiyey in shirkaas lagu qaabto magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Puntland ayaa ku doodeysa in shirkaas laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasada dalka iyo beesha caalamka, waxaana go’aankaas ku raacsan Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo midowga musharaxiinta, sida ay ku shaaciyey qoraallo ay soo saareen.

Maamul goboleedyada taabacsan dowlada federaalka ee K/Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa weli ka amaamusan isku tuur-tuurka shirkan uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Tuulada Delft ee wadanka South Afrika

0

Cape Town (Caasimadda Online) – Tuulada Delft ee ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka South Afrika waxaa xalay lagu dilay allaha u naxariistee C/llaahi Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee halkaas ka shaqeysta.

Wariye ku sugan Cape Town ayaa noo warramay, wuxuun sheegay in muwaadinka la toogtay isla markaana kooxo aan heybtooda la garaneyn oo madow ah ay ku dhufteen 9 xabadood.

Dableyda dilka geystay goobta ayey ka baxsadeen, Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno arrinkaan la xiriira, waxaana soo badanaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Waxaa la sheegay in Marxuumka maanta lagu aasi doono qabuuraha Muslimiinta ee ku yaalla magaalada Cape Town.

Inta badan dilalka ka dhaca Koonfur Afrika ee loo geysto Soomaalida, ma ahan kuwa lasii hadal qaado, mana jirto cid isku hawsha iney wax ka qabato.

Saddex bil gudahood ayaa shaqsiyaadkan Muqdisho lagula eegtay qaraxyo hal nuuc ah + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyo miino oo wadada dhinaceeda la dhigo, taasoo lagu beegsanayo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo shakhsiyaad gaar ah.

Tirada dhimashada ma badna marka laga hadlo 10-ka masuul ee 3-dii bilood ee lasoo dhaafay lala beegsaday qaraxyadaan cusub ee isku nuuca ah, balse qatar badan ayey galeen.

Intii u dhaxeysay bilaha November ilaa January, waxaa qaraxyo lala beegsaday 10 masuul oo qaarkood ka tirsan yahiin dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhex jira hal qarax oo dhacay qiimeynta la sameeyay bil ka hor.

20 Oktoobar 2020: Maxamed Aadan Koofi

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa qarax lagula beegsaday meel u dhaw isgoyska KM4, wuu ka badbaaday, wuxuuna kasoo baxay Hotel-ka ay Shabaab weerareen ee Afrik dhamaadka bishii lasoo dhaafay.

5 November 2020 Durraan Axmed Faarax

Isgoyska KM4 waxaa mar kale ka dhacay qarax lala beegsaday wasiirka shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Durraan Axmed Faarax, qaar ka mid ah ilaaladiisa ayey khasaaro soo gaartay, balse wuu ka badbaaday.

7 November 2020 Dr. Cismaan Maxamuud Dufle

Inkastoo aysan dhibaato soo gaarin, hadana Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Baarlamaanka.

12 Novembar 2020 Cabdixakiim Dhagajuun

Waxaa Wadadda 21 Oktoobar lagu qarxiyey Guddoomiyihii Degmada Hododon C/xakiin oo ku dhaawacmay qaraxa, kadibna xaalad caafimaad u aaday Turkiga isgaooo markii uu Muqdsho kusoo laabtay ay toogasho ku dlee cidamada dowladda.

28 November 2020 Axmed Washington

Agaasimaha Dekadda Muqdisho Axmed Washington ayaa qarax miino lala eegtay, xilli uu gaarigiisa mareyay agagaarka Isgoyska Mariinada, wuu ka badbaaday, waxaana qasaare soo gaaray ilaaladiisa.

5 Janaayo 2020 Saadaq Doodishe

Waxa Qarax miino lala beegaday Gaariga Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiq Dodishe oo xilligaasi aan la socon Gaariga qaraxa haleelay.

Magaalada Muqdisho waxey ku jirtaa marxalad cakiran iyadoo dalka oo dhami uu ku jiro marxalad kala guur ah, waxaana wali heshiis laga gaarin arrimaha la isku mari la’yahay ee la xiriira doorashooyinka.

7 Janaayo 2021 Taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaalyeed Mahad Cabdiraxmaan ayaa qarax lagula eegtay Muqdisho, Qaraxa oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM 4, waxaa ku dhintay ilaalada Taliyaha, isna wuu ka badbaaday.

19 Janaayo 2021 Deegaanka Garasbaaley

Waxaa degaanka Garasbaaley ee Muqdisho Qarax Miino lagu qaaday Gaari ay wateen mas’uuliyiin ka tirsan degaankaasi, waxaana ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarrada degaakaasi C/rashiid Dubbad.

20 Janaayo 2021 Maxamed Cabdullaahi Cariif

Gudoomiyaha dagmada Yaaqshiid Maxamed Cabdullaahi Cariif ayaa ka badbaaday qarax miino oo loo dhigay gaarigiisa, wuuna ka badbaaday

23 Janaayo 2021 Muxiyadiin Xasan Afrax

Nabadoon iyo xildhibaan hore Muxyadiin Xasan Aafrax iyo xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddaan ayaa Gaari ay wateen Miino lagu qarxiyey Jidka Beexaani dhinaca degmada Kaaraan, ilaaladooda ayaa ku geeriyooday, iyadoo uu ku dhaawacmay Xuseen Carraalle, waxayna ahayd markii labaad Qarax Miino lala beegsado Muxyadiin Xasan Afrax.

Muxuu R/W Rooble maanta deg deg uga tegay shirkii golaha wasiirada dowlada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa seegay shirkii Golaha Wasiirada ee maanta, kadib markii si deg-deg ah looga yeeray Madaxtooyada, xili uu furi rabay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Rooble ayaa si deg-deg ah uga baxay Xafiiskiisa, oo ay xiligaas soo buuxiyeen Kooramaka inta badan Wasiirada xukuumaddiisa, waxaana shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya shir-gudoomiyay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

Ma cadda sababta  Rooble loogu yeeray Villa Somalia, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay la xiriirto arrimaha doorashada, maadaama wicitaankiisa uu yimid waxyar un kadib markii golaha wasiirada Puntland ay soo saareen qoraal ay ku adkeysanayaan in shirka Farmaajo ku baaqay lagu qabtay Muqdisho, ee aanu ka dhicin Garoowe.

Dhanak kale, shirkii golaha wasiirada ee maanta ayaa waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taas oo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka, kuwaasi oo xaqiijiyey in la dar-dargelinayo howl-gallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan warbixin looga dhageystay wasaaradda Caafimaadka, oo iyadu soo bandhigtay xaaladihii u dambeeyey ee Caabuqa Covid-19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada.

Ugu dambeyntiina waxa uu golaha xil-gaarsiinta boggaadiyay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyi-gelinta bulshada.

Wiil 9 jir ah oo laga bad-baadiyey koox afduubatay oo ku rabtay $7,000 + Video

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta soo badbaadiyey wiil uu afduubtay nin burcad ah, kaas oo lacag madax-furasho ah weydiistay qoyska wiilka.

Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 9-sano jir ayaa lagu magacaabaa Saalax Cabdulqaadir Maxamuud, waxaana markii la afduubanayey laga soo daayey Schoolka.

Ninka afduubtay wiilkan oo magaciisa lagu soo koobay Seyad-Cali ayaa watay mooto Bajaaj, waxuuna wiilkan yar ka dalbaday inuu soo tuso dukaanka Aabihiis, isagoo markii uu raacay la aaday jiho kale.

Ninkan ayaa sawirro iyo muuqaallo uu ka duubay wiilka yar uu u xirxiran waxa uu la wadaagay qoyskiisa, isagoo ugu goodiyey inuu dili doono hadii aan lasiin kharashka uu dalbaday.

Guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ayuu ninkaasi geeyey wiilkan yar, waxuuna Aabihiis weydiistay $7,000 oo madax furasho ah, iyadoo mar ay gor gortan wada galena uu ka reebay $2,000, sida uu sheegayo Aabe Cabdulqaadir Maxamuud.

Ciidamada booliska magaalada Beldweyne ayaa soo xiray ninka afduubtay wiilka, waxuuna taliyaha saldhigga galbeed ee Beledweyne warbaahinta u sheegay in cadaaladda la hor geyn doono ninkan.

Hoos ka Daawo

Puntland oo go’aan ka soo saartay shirka 15-ka Febraayo iyo doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta shir yeeshay, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa waxa looga hadlay Muranka doorashooyinka dalka iyo xaalada guud ee amaanka Puntland.

Shirkan oo si gaar ah diirada loogu saaray is-mari-waaga doorashada iyo shirarkii u dambeeyay ee madaxweyne Deni la qaatay madaxda dalka ayaa waxa lagu sheegay in dowladda goboleedka Puntland ay dadaal badan gelisay xal u helida caqabadaha ku gadaaman doorashada.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo warbaahinta la hadlay kulankaasi kadib ayaa sheegay in Puntland ay marwalba diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato xal u helida hanaanka doorashada, isagoona xusay in maamulkooda uu daneynayo in si dhakhso ah shir isugu yimaadaan saamileyda Siyaasada.

Waxa uu sheegay in Shirka Golaha Wasiirada uu sii adkeynayo soo jeedintii maamulka, taasi oo aheyd in shirka uu iclaamiyay madaxweyne waqtigu ka dhamaaday in lagu qabto magaalada Muqdisho, si ay uga soo qeyb-galaan dhamaan saamileyda siyaasada dalka iyo beesha caalamka.

Dabaraani ayaa carabka ku adkeeyay in sababta ay Puntland ugu adkeysanayso in shirka uu ka qabsoomo Muqdisho, ay tahay in dhamaan daneyayaasha arrimaha doorashooyinka ay ku sugan yihiin caasimada, islamarkaana ay suurtagal tahay in dhaqso xal looga gaaro muranka taagan.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu shalay maamulka Puntland ka horyimid in shirweynaha looga arrinsanayo doorashada lagu qabto Garoowe, midaasi oo uu ku adkeysanayo madaxweynaa uu waqtiga ka dhamaaday iyo xukuumadiisu.

Si kastaba, waxa weli taagan muranka ka taagan doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweynaha, waxaana socda dadaalo ay beesha caalamka ku rabto in saamileyda siyaasada ay shir iskugu timaado, si xal looga gaaro arrimaha taagan.

Jubaland oo war cusub ka soo saartay is-mari waaga ka taagan doorashada dalka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka golaha wasiirada maamulkaasi ay yeesheen oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo weli la isku-mari la’ yahay.

Jubaland ayaa qeyb ka ah caqabadaha ugu weyn ee doorasho ay u dhici la’dahay ayada oo madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe iyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Farmaajo ay isku hayaan gobolka Gedo.

Si kastaba, kulankii golaha wasiirada ee maanta ay Jubaland ku sheegtay inay maamulka uu sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Ma cadda xilliga doorashada heshiis laga gaari doono, waxayna aheyd shalay un markii Jubaland ay diiday shir uu soo jeediyey Farmaajo uu ka dhaco Garoowe, kuna baaqday in lagu qabto Muqdisho.

Qoraal ay shalay soo saartay Jubaland ayaa lagu yiri “Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo. Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.”

Dhinaca kale, wasiirada Jubaland ayaa maanta sidoo meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay wasaaradda ganacsiga kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka maalgashiga Jubaland
2. Xeerka shatiyada Jubalan
3. Xeerka Shirkadaha Jubaland

DF oo jawaab ka bixisay qorshaha ay Kenya dib ugu dhigeyso dacwadda badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka, kadib markii ay Kenya dalbatay in markii afaraad loogu dhigo.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dowladda federaalka aysan aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda biyaha ee kala dhexeysa Kenya. “Soomaaliya ma aqbaleyso dib u dhigis dambe oo afaraad iyo shanaad ah,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii markale dib loo dhigo kiiskan inuu dhabarjab weyn ku noqonayo cadaaladda adduunka, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrinta dib u dhigista dacwadaha oo markii afaraad la rabo in dib loo dhigo oo aan saaka diidnay waxay dhabarjab ku tahay cadaalladda adduunka,” ayuu sii raaciyey.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay warqad u dirtay maxkamadda ICJ, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwaddaasi.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka oo Khamiis ah 11-ka February, 2021-ka waxay maxkamadda cadaaladda dunida ICJ oo xarunteedu tahay Hague ee dalka Netherlanday u qortay warqad ay ku sheegeyso Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho dacwadda oo la muddeeyey dhowr isbuuc kadib 15-ka Maarso, 2021-ka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaaliya.

Hadalkan kulul ee kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay Kenya ka dalbadatay maxkamadda ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda oo la muddeeyey 15-ka bisha soo socota ee March, waxaana haatan xukuumadda Nairobi ay ku doodeysaa in dhul dhinaca bariga ah uu kaga maqan-yahay gudaha Somalia.

KENYA oo la timid qorshe yaab leh oo ay dacwadda badda dib ugu dhigeyso

0

Nairobi (Caasimada Online ) – Xukuumadda Nairobi ayaa war cusub kasoo saartay dhageysiga dacwadda badda ee kala dhexeyso Soomaaliya, taas oo haatan hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan ICJ.

Kenya ayaa qortay codsi cusub oo ay ku dooneyso in markii afaraad dib loogu dhigo kiiskaasi oo muddo soo jiitamayey, sida uu shaaciyey Wargayska caanka ah ee Daily Nation.

Wargeyska ayaa sidoo kale daabacay in ay Kenya marka hore damacsan tahay inay u doodo dhul dhinaca bariga ah oo ay sheegeneyso  inuu ka maqanyahay, si loo xalliyo.

Xukuumadda Nairobi oo soo bandhigtay khariirad ay ku sheegtay in dhinaca bariga uu dhul kaga maqanyahay gudaha Soomaaliya ayaa qorshaheedu waxa uu yahay in marka hore arrintaas ay xalliyaan labada dowladood, kadibna la guda galo kiiska Badda ee ICJ.

Dalbkan kasoo baxay dowladda dalka Kenya ayaa kusoo aadaya, iyada oo dhageysiga dacwaddan loo ballansanyahay 15-ka bisha soo socota March ee sanadkan 2021-ka.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo la bedalay hoggaankii maxkamada ee Soomaaliga ahaa Cabdiqawi Axmed Yuusuf, inkastoo weli uu ka mid yahay sagaalka Garsoore ee ka howl-galaya maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda adduunka ICJ.

Malabsade iyo ‘xaasaskiisii’ beenta ahaa oo lasoo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gobalka Banaadir ayaa soo qabtay wiil dhallinyaro ah oo loo garan ogyahay Malabsade, kaasi oo baraha bulshada kasoo muuqday isaga iyo saddex gabdhood oo sheegay in ay is xaaskiisa yihiin, islamarkaana ay ku nool yihiin hal guri. 

Taliska qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir ayaa bixiyay amarka lagu soo qabtay wiilkaan iyo gabdhihii la sameeyay sheekada beenta ah, waxaana la sheegay in la baarayo. 

Mid ka mid ah Telefishinada Soomaalida ayaa baahiyay muuqaalka Malabsade oo sheegay been ah in uu qabo saddexda gabdhood islamarkaana ay ku nool laba qol, iyadoo saacado kadib baahinta warkaas ay been noqotay sheekadii. 

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa aad isu weydiiyay sababta keentay beenta ay sheegeen, hase yeeshee markale oo la wareestay waxay sababtu ku sheegeen in ay rabeen in ay caan noqdaan. 

Inkastoo booliska Soomaaliya uu qaaday talaabadaan, haddana Muqdisho waxaa ka jira dhacdooyin kale oo waa weyn, kuwaas oo xadgudub ku ah dhaqanka iyo diinta Islaamka waxaana dowladda lagu eedeeyaa in aysan waxba ka qaban arimahaas. 

Ma cadda tallaabada ay dowladda ka qaadi doonto Malabsade iyo “xaasaskiisa” beenta ahaa.

Rag iyo dumar ku xirnaa HirShabelle oo lasii daayey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Hiiraan ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska illaa 7 qof oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa xorriyadooda dib ugu celisay todobaasi qof oo kala ahaa afar rag ah iyo saddex dumar ah, waxaan sidoo kale ay amartay in lasii daayo.

Cabdiraxiin Muxumed Taakoy oo ah guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan, kuna dhowaaqay go’aanka maxkamadda ayaa shaaciyey in dadkaasi lagu soo eedeyey kicin dadweyen, balse aan lasoo dhameystirin eedda loo heestay, sidaasina lagu sii daayey.

Todobada qof ee maanta dib u helay xorriyadooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Cali Daahir Xerow, Xasan Cabdi Guure, Maryan Aadan Hilowle, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cilmi, Deeqo Cabdi Waare iyo sidoo kale Xasan Cabdiraxmaan Maxamed.

Dacwadda ka dhanka ah dadkan ayaa maalmo soo jiitameysay, waxaana xarigooda uu ka dhashay, kadib dibad-baxyo lagu taageerayey Genaral Xuud oo ka dhacay Beledweyne.

Muqdisho: Xarun degmo oo la xiray kadib xogta weerar Al-Shabaab qorsheyneyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kuwa amniga ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la xiray guud ahaan xarunta degmada Kaxda, ee magaalada Muqdisho, muddo hadda laga joogo ku dhowaad 15 maalmood. 

Sababta loo xiray xarunta islamarkaana loo fasaxay shaqaalihii ku sugnaa ayaa lagu sheegay in cabsi laga qabo weerar ay Al-Shabaab halkaas ku soo qaadaan. 

Saraakiisha amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ilo sirdoon ay sheegeen in Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay weeraraan xarunta degmada oo aan laheyn difaacyo adag iyo ciidan ku filan, balse ka mid ah degmooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho. 

“Muddo ku dhow maalmood laguma shaqeynin waxaana jiro warar sheegaya in Al-Shabaab weerar ku soo yihiin,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta degmada oo la hadlay Caasimada Online. 

Qaar ka mid ah shacabka degmada ayaa sheegay in si weyn looga dareemay degmada arrimahaan soo cusboonaaday mana jirto wax faah-faahin ah oo ay bixiyeen hay’adaha ammaanka iyo maamulka degmada. 

Kaxda waa degmadii ugu dambeysay ee Muqdisho inkastoo ay soo koreyso haddane waxaa ka jira gaabis dhanka ammaanka ah, waxaana dayacaada ugu weyn wajahaya Saldhiga Booliska iyo xarunta degmada. 

Dowladda oo ku adkeysatay in shirka 15-ka Febraayo uu ka dhacayo GAROOWE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda mudo xileedku ka dhamaaday ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa mar kale ku celiyey inay muhiim tahay in la isugu yimaado shirka 15-ka bishan uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maaxmed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiir Dubbe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan horay uga fileyn hadaladii ka soo yeeray Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in la bedelo goobta uu Madaxweyne Farmaajo u iclaamiyey in lagu qabto shirkaas.

“Waxaa soo baxaya hadallo aanaa fileyn oo ah in la bedelo goobtii uu maadxweynuhu ku baaqay in lagu qabto shirka, oo ah caasimada Puntland ee Garowe oo ah magaalo nabad ah, waxaan rabnaa in dalka doorasho ka dhacdo, iyadoo la hir-gelinayo heshiiskii 17-kii September,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay tixgelinayaan baaqii kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo ahaa in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay isugu yimaadaan shir deg deg ah, si xal looga gaaro khilaafka hareeyey doorashada.

“Waxaan tixgelineynaa baaqii nooga yimid golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ah hey’adda ugu sareysa dunida ee dhinacyada amniga iyo sharciga, oo nagula taliyey in la isugu yimaado shirar dambe si doorashada looga heshiiyo” ayuu yiri Dubbe.

Waxuu intaas ku sii daray, “Maanta uma baahnin cagajiid dambe, waxaan fileynaa in sidii doorashada looga cagajiidayey lixdii bilood ee lasoo dhaafay weli looga cagajiidayo,  laakiin madaxda dowladda  federaalka waxaa ka go’an in shir la isugu yimaado, oo Garowe la isugu tago 15 bishan, si dalku doorasho u aado.”

Maamulka Puntland oo ka soo jawaabay shirka uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maaxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaaciyey inaan laga tala gelin marti-gelinta shirkaas, iyadoo Puntland ku talisay in shirka la balariyo oo lagu qabto Muqdisho, waxaana taladaas ku raacay Jubbaland, Golaha Midowga Mushaxariinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Hoos ka Daawo hadalka wasiir Dubbe

Ciidamada Amisom oo isku hareereeyey xarunta deg. Buulo-Burte + Sababta

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo maamulka Buulo-Burte ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada AMISOM ay isku hareereeyeen xarunta degmada, iyada oo ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan taliska ciidamada Jabuuti lagu arkay waddooyinka soo gala xarunta demada Buulo-Burte.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo taabacsan guddoomiyaha degmadaasi Feysal Haajir Aadan ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha degmada.

Xiisadan ayaa timid ka gadaal markii guddoomiye Feysal Haajir uu ku eedeeyey saraakiisha ciidamada Jabuuti inay faro-gelin maaliyadeed ku hayaan maamulkiisa.

Dadka deegaanka ayaa haatan cabsi ka muujinayo in dagaal culus uu ka qarxo degmada, maadaama dhaq-dhaqaaqyo iska horjeeda laga dareemayo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan xiisadda ka aloolsan Buulo-Burte.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa sii xumaanayey wada-shaqeynta maamulka Buulo-Burte kala dhexeysa ciidamada Jabuuti ee ka howl-gala magaaladaasi.

Duqeymo culus oo xalay lala beegsaday Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo-wareedyo amnio o lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay afar duqeymood laga fuliyay degmada Saakoow iyo deegaanka Salagle ee gobolka Jubada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahan lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo sidoo kalena la burburiyay xarun lagu sameeyo qaraxyada, sida ay ku warrameen ilaha amni.

Duqeymahan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee cidiamada Mareykanka u qaabilsan Africa. 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawr jug oo culus.

Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa rumeysan in duqeymahan ay yihiin kuwii ugu cuslaa ee Al-Shabaab ee lala beegsado tan iyo markii ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo gaaray 700 badankood lagu saaray amar kasoo baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden la wareegay talada dalkaas iyo kadib tallaabadii lagu saaray ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa Soomaaliya lama fulin hawlgal kan ka ballaaran, waxayna muujinaysaa in maamulka cusub ee Maraykanku uusan waxba ka beddelin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu gacan-siinayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab looga dilay duqeymahan balse ilo-wareedyada amniga ayaa rumeysan inay aad u badan yihiin. 

Ciidanka Xooga dalka oo la wareegay deegaano hor leh

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Raage Ceelle ee gobolka Sh/ Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay iska hor imaadyo kooban kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabaab, intii ay socdeen howl-gallada.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hadashay ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay nolosha kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay la wareegeen deegaano horleh.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda waxay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle

Wasaaradda waxbarashada oo shaqaale laga eryey iyo kuwa cusub oo la keensaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta cusub ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay shaqada ka eryeen ilaa 4 qof, oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda ee ku meel gaarka ah. 

Shaqaalaha la ceyriyay oo isugu jira Gabdho iyo wiilal ayaa la sheegay in qaarkood ay xigto ahaayeen wasiirkii hore ee waxbarashada Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaana hadda badalay wasiirka cusub ee wasaaradda dhowaan loo magacaabay. 

Shaqsiyaadka shaqada laga eryay ayaa lagu kala magacaabaa. 

1- Maxamed Cilmi Xaanshi
2- Saadaq Mustaf Digyare
3- Axmed Salaad Guuleed
4- Xamdi Maxamed Dhicisow. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in dadkaan shaqada laga joojiyay sidoo kalane laga jartay gunno ay qaadan jireen waxaana boosaskooda la keensaday afar qof oo kale. 

Gudaha Hay’adaha dowladda Soomaaliya waxaa ka jiro musuq maasuq waxaana dhibaato badan wajahaya dhallinyarada u shaqeeyo ha’adaha dowladda.

Xog: Khilaaf soo kala dhex-galay Farmaajo iyo Qoor Qoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha uu xilligiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Kaariye Qoorqoor.

Xogtan oo aan ka helnay ilo-wareedyo ku dhow Qoor Qoor ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka carrooday go’aanada ay soo jeediyeen guddiga madaxweyne goboleedyada ee intii uu socday shirka Dhuusamareeb 4 loo xil saaray arrinta Gedo, guddigaas oo uu Qoor Qoor qeyb ka ahaa.

Guddigaas ayaa soo jeediyey arrimo ay ka mid ahaayeen in doorashada Garbahaarey ay maamulaan guddiga doorashada Jubaland, balse ciidan Amisom ah ay amniga sugaan, taasi oo madaxweyne Farmaajo uu aad uga horyimid.

Guddigan, oo ka kooban madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle, ayaa sidoo kale 4-tii bishan February ku taliyay in gobol walba arrimihiisa si gaar ah u xallisto, taas oo uu ka biyo diiday madaxweyne Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ogaatay, kulan ay guddigaas madxweynaha kula yeesheen Dhuusamareeb habeenkii ugu dambeeyay ayuu madaxweyne Farmajo si carro leh ula hadlay Qoor Qoor, kana codsaday inuu ka haro arrinta Gedo.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu sidoo kale Qoor Qoor ku eedeeyey inuu kala jirsaday Axmed Madoobe, taasi oo Qoor Qoor uu beeniyey, isaga oo sheegay inuu xal raadis kaliya ahaa.

Khilaafka ayaa sii laba kacleeyay kadib markii uu Qoor Qoor ka war helay in madaxweyne Farmaajo uu raadinayo muddo kororsi iyo in awoodda talada doorashada lagu wareejinayo baarlamanka, taasi oo meesha ka saareysa saameynta dowlad goboleedyada.

Caasimada Online ayaa xubno ku dhow Qoor Qoor ka xaqiijisay inay guul darro kusoo dhamaadeen dadaallo lagu dhexd-hexaadinayay Qoor Qoor iyo Farmaajo. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaan meesha ka saarin suurta-galnimada ah in Qoor Qoor uu warbaahinta la hadlo maalmaha soo socda isaga oo faahfaahin doona waxyaabihii ka dhex dhacay shirarkii ay albaabda u xirnaayeen ee Dhuusamareeb 4.

Qoor Qoor ayaa horey u qabay tabashooyin kale oo uu ka tirsanayey xukuumadda federaalka oo ay qeyb ka ahayd; in loo diiday in ciidamda Gorgor ee Dhuusamareeb ku sugan sameeyaay howlgallo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab, taas oo culeyska badan ka qaadi karta. Al-Shabaab ayaa kusii xoogeysaneysay Galmudug, tan iyo markii uu xukunka qabtay Qoor Qoor, waxayna dhowr jeer weerareen Dhuusamareeb.

Caasimada Online ayaa xogtan heshay ka hor inta aan Farmaajo shaacin inuu shir ku qabanayo Garoowe, taasi oo dad badan ay dareemeen inay dhabar jab ku tahay Qoor Qoor. Si kastaba, ma cadda haddii go’aanka Farmaajo uu rabo inuu shirka ku geeyo Garoowe iyo khilaafka hore ay xiriiraan.

Midowga Murashaxiinta oo ku baaqay shir deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa walaac xoog leh looga muujiyey jahawareerka iyo hubanti la’aanta xaaladda kala guurka ah ee siyaasadda dalka.

Golaha ayaa qoraalkan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay in muddo xileedkii hay’adaha Dastuuriga ah uu idlaaday, iyadoo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbo xilligan kala guurka ah.

“Goluhu waxuu ku baaqayaa in ay shir degdeg ah isugu yimaadaan, dhammaan saamilayda siyaasadeed ee dalka, si looga wada ladlo hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September. Golaha wuxuu taageerayaa soo jeedinta Dawlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, lana ballaariyo ka soo qayb-galayaasha, beesha caalamkana ay goobjoog ka ahaato,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan caawa ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta waxaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hadda kadib yahay musharax iyaga lamid ah, shirka la qaban doonana uu ka soo qeyb galo, isagoo shakhsi ah, waa hadii uu yahay musharax.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa in mudane Maxamad C/Ilaahi Farmaajo uu yahay madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaaday, shirkana uu kaga soo qaybgeli karo oo keli ah murashax la mid ah murashaxiinta kale ee u taagan xilka Madaxweynimo, haddii uusan tartanka ka tanaasulin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ku baaqay in la dhowro sharciga iyo kala dambeynta oo aan madax mudo xileedkii ka dhamaaday aan shacabka lagu sii dul heyn.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed deganaan iyo ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta. Goluhu wuxuu ka digayaa in shacabka lagu dul hayo mas’uuliyiin muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Golaha Midowga Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.