25.1 C
Mogadishu
Sunday, July 19, 2026

Guddiga doorashooyinka mucaaradka oo soo saaray go’aan 3 qodob ka kooban

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran ee ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta galankii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa xubnaha Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 ee Midowga Musharixiinta uga hadleen shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha uu waqtigu ka dhamaaday iyo weliba caqabadaha ku gadaaman qabsoomida doorashada.

Guddiga ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay mowqifkii ay madaxad Puntland iyo Jubbaland ka qaateen shirka uu iclaamiyey Farmaajo inuu ka dhici doono Garoowe, kaasi oo ay dalbadeen in shirka wada-tashiga doorashada uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay taageero u muujiyeen qoraal uu maanta soo saaray Gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi, kaasi oo uu ku dalbanayay in shirka 15-ka bisha uu iclaamiyey Farmaajo uu ka dhaco Muqdisho, iyada oo ay qeyb ka noqonayaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka ah, ayna goobjoog ka ahaato beesha caalamka.

Guddigan ayaa soo saaray go’aano ay ku sheegen inay yihiin qoddobo ay tahay in lagu xaliyo shirka, islamarkaana ay dhinacyada isku hayaan, kuwaasi oo kala ah;

1- Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.
2- Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.
3- Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.

Kenya oo war cusub kasoo saartay xiisadda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale bayaan kasoo saartay xiisada kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in xukuumadda Muqdisho ay jarto xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay, kadib markii ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida Jamhuuriyada.

Kenya ayaa kalfadhigii 978 ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC) ay isugu yimaadeen si ay uga fiirsadaan xaaladda ka jira Soomaaliya iyo howlaha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ka sheegtay inaysan fara-gelin ku heynin arrimaha Soomaaliya.

Waxay bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in fara-gelinta ay dowladda federaalka ku eedeysay ay tahay “been iyo marin habaabin”, islamarkaana aysan jirin tallaabo xad-gudub ku ah Soomaaliya oo ay qaaday Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale waxay bayaankan uga codsatay Golaha iuu ilaaliyo isku dayga lagu doonayo ‘in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan’.

Dowladda Kenya waxey sheegtay iney si wanaagsan ula falgashay Soomaaliya oo ay daris yahiin isla markaana ay ka mid yahiin ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyagoo la hawlgalaya dalalka Burundi, Uganda, Djibouti iyo Ethiopia.

“Kenya waxay sidoo kale ka codsatay Golaha ammaanka in ay ka ilaaliso isku dayga lagu doonayo in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan ee saaxiibada Soomaaliya iyo Gobolka, bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya waa mid cad” ayey war qoraal ah ku sheegeen wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhex aloosan khilaaf diblumaasiyadeed oo sababay in meesha ka baxo xiriirkii labada dal, kaasi oo lumiyay iskaashiga labada dhinac ee amniga, ganacsiga iyo waxbarashada.

Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, midaasi oo ay iska fogeysay Kenya, waxaana khilaafka labada dhinac laga galay dadaalo lagu xalinayo, inkasta oo aysan wax badan ka bedelin xiisada taagan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyey 3 qodob oo la xiriira shirka 15-ka Febraayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey saddex arrin oo la xiriirta shirka uu 15-ka Febraayo ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse waxa uu dalbaday laba arrin. 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay shir la isugu imaanayo, loogana hadlayo arrimaha la isku mari la’yahay ee ka taagan hannaanka doorashada, kaasi oo uu sheegay inuu 15-ka February ka dhacayo magaalada Garowe.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Sida aad la socotaan waxaa dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka ah iyo kan madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka, iyadoon hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer federal, saamileyda siyaasadduna aysan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu yimaadeen madaxda labada heer dowladeed ee dalka, arrimahaas oo dalka geliyay xaalada cabsi ah, jaha-wareer iyo hubanti la’aan siyaasadeed,” 

Cabdi Caashi ayaa soo jeediyey saddex arrin oo kala ah:

1- In Shirka 1-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Muqdisho.
2 – Inay ay kasoo wada qayb galaan, saamilayda siyaasadda Soomaaliya, iyo Bulshada Rayidka ah.
3 – Iyo inay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka.

“Waxaan soo dhowaynayaa soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Mugdisho ayna kasoo qayb galaan, saamilayda siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka ah, goobjoogna ay ka ahaadaan beesha caalamka; si looga arrinsado badbaadada Dalka, heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi

Jubaland oo mowqif kasoo saartay shirka uu Farmaajo ku baaqay 15-ka Febraayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta war kasoo saaray shirkii uu xalay iclaamiyay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo, kaasi oo uu isugu yeeray dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa waxa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay soo dhaweynayso shirka wada-tashiga ah ee uu ku baaqay Farmaajo, balse maamulka Jubaland ku talinayo in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana la balaariyo, iyada oo laga qeyb gelinayo saamileyda siyaasada.

“Dowladd goboleedka Jubaland waxay soo dhaweyneysaa shirka wadatashiga ee la soo qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka Febraayo . Si kastaba, Dowlada Jubaland ayaa ku talineysa in kulanka lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna ka qeyb galaan dhamaan daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maamulka Jubaland iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ay ku kala kaceen shirkii Dhuusamareeb 4, kaasi oo ay isku fahmi waayeen xiisada gobolka Gedo.

Mowqifka Jubaland ayaa la mid ah midkii ay xalay shirka ka qaadaty Puntland.

Puntland ayaa qoraalka ay xalay soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garoowe.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.

Rooble oo hortegay golaha shacabka, kadibna meesha ka saaray arrin laga faafiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hortegay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Ugu horreyn waxaa kulankan oo ay soo xaadireen illaa 164 mudane daah-furay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo xildhibaanada ka dalbaday inay si degan u dhageystaan warbixinta uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ayaa faah faahin ka bixiyey wax-qabadka xukuumaddiisa ee 100-ka maalmood, wuxuuna sheegay inuu wax ka qabtay arrimaha ammaanka, doorashooyinka, dhaqaalaha, deyn cafinta, ciidamada & bani’aadanimada.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday safarradii kala duwanaa ee uu kusoo kala bixiyey magaalooyinka qaar ee maamul goboleedyada, si xal loogu helo khilaafka ka jira dalka.

DOORASHADA

Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumaddiisa loo xil-saaray hirgelinta doorashada ayaa shaaca ka qaaday in weli xukuumaddiisa ay diyaar u tahay inay qabato doorasho xor iyo xaal ah, islamarkaana ay xukuumaddu ku dhowaaqday guddiyada doorashooyinka.

Waxa kale oo uu xusay inuu dadaal ku bixiyey sidii xal loogu heli lahaa tabashada ka jirta doorashada, islamarkaana uu la tashiyo la sameeyey siyaasiyiinta, musharraxiinta iyo ururada bulshada rayidka ah, si xal looga gaaro khilaafka dib u dhigay doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu goobjoog u ahaa shirarkii Dhuusamareeb iyo kuwii Muqdisho ka dhacay ee looga arrinsanayey marxaladda adag ee kala guurka ah.

Inta uu waday hadal jeedinta Rooble wuxuu meesha ka saaray walaaca laga qabo inuu yimaado muddo kororsi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisa ay qabaneyso doorasho loo dhan yahay, isaga oo sidoo kale soo dhoweeyey shirweynaha Garoowe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dowladnimada.

AMMAANKA

Ra’iisul wasaaraha xilka sii haya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay inay qorshe gaar ah u dajiyeen amniga doorashada, si loo sugo ammaanka ergada & goobaha loogu talagalay inay ka dhacaan doorashooyinkaasi.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la qalqal-geliyo amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Ciidamada ayuu sidoo kale sheegay inay siiyeen tababaro dheeraad ah iyo qalab, si ay u gutaan wajibaadka ka saaran amniga qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay dib u furtay waddooyinkii xirnaa ee caasimadda oo ay dhibaato weyn ku qabi jireen shacabka Soomaaliyeed.

DHAQAALAHA

Khudbada ra’iisul wasaraha xilka sii-haya oo aad u dheereyd ayaa qeyb ka mid ah wuxuu uga hadlay arrimaha dhaqaalaha, isaga oo carabka ku goday inuu kordhay daqliga soo gala dowladda, gaar ahaan kan dekedda oo uu tilmaamay in 30% uu sare u kacay.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale xusay inay tallaabooyin kale ay u qaadeeyn arrimaha deyn cafinta, gaar ahaan meelaha bartilmaameedyada u ahaa.

BANI’AADANIMADA

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan saameynta cudurka faafa ee COVID-19, Ayaxa, Fatahaadaha iyo Abaaraha, wuxuuna xusay in xukuumadda federaalka ay dadaallo fara badan ku bixisay sidii loo mareyn lahaa dhamaan dhibaatooyinka ka dhashay daruufahaasi oo ah kuwa is-biirsaday.

Mareykanka: Dhiig ayaa ku daadan kara muranka ka taagan doorashada Somalia

0

Washington (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka Bob Menendez ayaa waxaa lagu sheegay in Washington ay weli walaac xoogan ka muujineyso xiisadda ka sii dareyso Soomaaliya ee doorashooyinka.

Bob Menendez ayaa sidoo kale bayaankiisa ku sheegay in khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya doorashada uu halis gelinayo dadaalkii loo soo maray horumarada ay Soomaaliya haatan ka gaartay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

Menendez ayaa sidoo kale sheegay inay jirto halis dhab ah oo la xiriirta in is-mari waaga doorashada uu horseedi karo inuu dhiig ku daato.

Halkan hoose ka aqriso

Waxaan ka walaacsanahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato is-mari waaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda. Khilaafka jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis galinayaa dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha laga gaadhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, taasina waxay khalkhal galineysaa xasiloonida guud ee dalka.

Anigoo og in Al-Shabaab ay raadin doonto fursad kasta oo ay ku abuurto qalalaase siyaasadeed si ay usii waddo ololaheeda argagixiso, Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso ugu baaqayaa inay si deg deg ah uga tanaasulaan tanahooda siyaasadeed ee gaarka ah ayna xal ka gaaraan qodobada ay wali isku khilaafsan yihiin ee la xiriira doorashada, iyadoo aan dib u dhac kale la sameynin. Heshiis walba oo noocaas ah waa in uu salka ku hayaa mabaadii caddaalad ku dhisan ayna faa;iido ugu jirto dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Soomaaliya.

Inta badan dalalka taageerada siiya Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan xaaladaha cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana laga dhur sugayaa shirka uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

CC Shakuur oo shaaciyey ‘3 ujeedo oo Farmaajo ka leeyahay’ shirka Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saddex ujeedo ka leeyahay shirka uu iclaamiyey inuu 15-ka Febraayo ka dhaco magaalada Garoowe

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Shirka uu Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan wuxuu ku doonayaa:- 1- In uu ku moodo Shirka maanta Golaha Amaanka ee Soomaaliya looga hadlayo.  2- In uu Galmudug iyo Puntland iska hor keeno. 3- In uu tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaanse rajaynayaa in Puntland ay fahmi karto fitnada Farmaajo, diktatoor dhacayna fursad siin doonin.”

Shirkan ayaa imanaya ayada oo gogoshii shirka Dhuusamareeb 4 aan si rasmi ah loo xirin, islamarkaana markii uu Farmaajo kasoo tegayey uu wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe sheegay in dib la isugu laabaan doono marka uu Farmaajo ka qeyb-galo kulankii xildhibaanada.

Waxaa muuqata in Puntland ay ku aragti noqotay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo iska diiday shirkaas.

Qoraal kasoo baxay Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”

Puntland oo ka hor-timid in Garoowe lagu qabto shirkii uu FARMAAJO ku baaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaan lagala tashan shirka uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in lagu qabanayo Garoowe.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayey sidoo kale ku sheegtay inay door bideyso in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, maadama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garoowe.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa Caasimada Online u sheegay in intii Madaxweyne Farmaajo wada hadlayeen isaga iyo Madaxweyne Deni ay ka war heleen in shirku uu ku dhawaaqay inuu ka dhacayo Garoowe, taasna ay lama filaan ku noqotay, taasi oo keentay inay iska diidaan.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaan huri doonin in shirkan uu ka dhaco Muqdisho, waxaana suurta-gal ah inuu noqdo shir ballaaran oo laga qeyb geliyo dhinacyo badan, oo markii hore aan qeyb ka aheyn.

Ciidamo fara badan oo lagu daadiyey magaalooyinka SOMALILAND + Ujeedka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidanka Booliiska ay xoojiyeen amniga deegaanada maamulkaasi.

Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay dhigtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka bilaabay howl-gallo guud oo amniga lagu xaqiiijinayo.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano kala duwan ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka, iyada oo sidoo kale ciidamadu ay su’aallo ay weydiinayaan dadka qaar.

Sidoo kale waxaa magaalooyinka ciidamada la dhigay oo ay howl-gallado ka socdaan ka mid ah Burco, Laascaanood iyo Boorama.

Booliska Somaliland oo wata gaadiidka ciidamada ayaa lagu arkayey waddooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi, iyaga oo wada dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya u jeedka ka dambeeya ciidamada lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi, wuxuuna taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer G/S Maxamed Faarax u sheegay wariyeyaasha in howl-galladan looga hortegayo falalka amni darrada ah.

“Wax dhib ah oo nagu soo kordhay ma jiraan, laakiinse waa ka hortag waxyaabaha ay wadaan meelahaa jaarkeena ayay hawlo iyo wax ka jiraan dareen aanu qabno ayaanu u sii xoojineynaa,” ayuu yiri taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer.

Warar kale oo aan helanay ayaa ku warramaya in sababta loo xoojiyey ammaanka deegaanada Somaliland  ay tahay u diyaar garowgaq doorashada maamulkaasi.

Somaliland ayaa waxaa lagu tilmaamaa meelaha ugu amniga wanaagsan dalka, waxaana ciidamadeeda ay xoojiyeen howl-gallada lagu sugayo nabad-geylyada.

Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Ammaanka QM ee is-mari waaga doorashada?

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa shalay kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is-mari waaga ka taagan doorashada dalka, xilli muddo xileedka uu ka dhammaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha ayaa kulankaas warbixin qaab online ah uga dhageystay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaalia James Swan, waxaana kadib ay soo sareen warbixin ku saabsan doorashada Soomaaliya

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu fuliyo heshiiskii 17-ka September, hase yeeshee waxay yiraahdeen inay aad uga walaacsan yihiin in wada-hadalladii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb ay soo dhammaadeen ayada oo aan heshiis la gaarin.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay si deg deg ah dib ugu billaabaan wada-hadalladooda, ayna u wada shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed, si ay heshiis uga garaaan doorashooyinka ayada oo aragtidu tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Ammaanka.

“Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa dhowaqa cusub ee wada-hadalalda dheeriga ah ee dhacay 15-ka Febraayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wada-hadallada 15-ka Febraayo, ayaa si kastaba waxaa soo galay mugdi cusub kadib markii Puntland ay sheegtay inaan lagala tashan, taas beddelkeedna ay soo jeedisay in lagu qabto Muqdisho, lagan qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. 

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo farriin culus u dirtay madaxda Somalia

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka hadashay is-mari ka taagam doorashada Soomaaliya, xilli madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu waqtigu ka dhacay ayada oo aan doorasho lagu heshiin.

Afhayeenka Waaxda Arriamah Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sheegeay in Mareykanka uu ka walaacsan yahay inaan weli heshiis laga gaarin sidii doorashooyin looga fulin lahaa Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waxay doorashooyin deg deg loo qabto u aragtaa inay muhiim u yihiin mustaqbalka Soomaaliya. Heshiis waa la gaari karaa. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan wada-halladooda si heshiis looga gaaro doorashada,” ayuu yiri Ned Price.

“Dib u dhigista doorashada waxay waxyeeleeneysa dadaallada loogu jiro la-dagaalanka aragagixsada, waxeyna sare u qaadeysaa halista xasilooni-darrada Soomaaliya,” ayuu yiri Afayeenka waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Price ayaa sheegay in hogaamiyayaasha qaranka iyo kuwa gobollada ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku shaqeeyaan danta shacabka, kuwaas oo mudan inay waxa ugu wanaagsan ka helaan hogaamiyayaahooda.

“Doorashooyin dhinac, doorashooyin is-dhinac socda, hanaan doorasho oo aheyn midkii hore, oo ay ka mid tahay dhisidda gole ku-meel gaar ah, waxay sare u qaadi doonaan xasilooni darrada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uu kasoo horjeedo in dhinacna uu rabshado adeegsado, balse uu doonaya Soomaaliya oo horumarsan oo dimqoraadi ah.

ROOBLE oo hal arrin looga digay, ka hor kulanka BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu hortego xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan kulanka baarlamaanka iyo qorshaha ay ka leedahay xukuumadda Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu uu warbixin ka siin doono golaha shacabka xaaladda dalka iyo doorashooyinka, halka kuwa kalena ay ku warramayaa inuu socdo qorshe ay xukuumadda ku dooneyso in muddo kordhin loogu sameeyo muddo xileedka.

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin muddo kororsi, haddii uu golaha la yimaado ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Idiris ayaa sidoo kale tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo loo qaadayo in waqtiga loogu cusbooneysiiyo xukuumadda dalka.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa, maantana waa cadeynay, lamana taaban karo xukuumadaa loo cusbooneysiinayaa,” ayuu yiri xildhibaanku.

Kulanka maanta ee baarlamaanka oo aan caadi aheyn ayaa ah mid si weyn isha loogu wado, gaar ahaan waxa kasoo bixi doono, maadaama uu dalka ku jiro xaalad cakiran.

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaaladda adag oo kala guur ah, waxaana weli muran xoogan & is qab-qabsi uu ka jiraa doorashooyinka dalka ee 2020 illaa 2021-ka.

 

Maxay wakiilada BEESHA CAALAMKA kala hadleen ururada bulshada rayidka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal kooban ka soo saartay kulan ay xubnaha ugu sareeya saacadihii lasoo dhaafay la qaateen, madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Kulankaas ayaa wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada rayidka ah ku dhex maray qadka internet-ka, waxaana aragtiyadooda ku aadan xaaladda dalka looga dhageystay xubnihii ku metelayey bulshada Soomaaliyeed.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha xilligan saameynta ku leh bulshada nugul ee Soomaaliya, sida haweenka iyo dhallinyarada.

“Wakiillada saaxibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa kulan miro dhal ah oo khadka Internet-ka ah la yeeshay kooxaha bulshada rayidka ah, iyagoo dhagaystay aragtiyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha xilligan saameynta ku leh Soomaalida, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga UNSOM.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa marxalad siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxda dowladda dhexe,mana jirto wax doorasho ah oo loo dhaqaaqay, waxayna madaxda Soomaalidu ku heshiin waayeen hir-gelinta heshiiskii ay doorashada ka gaareen 17-kii September.

Taabid: Dalka iyo dadkuba dan uguma jirto in wax walba eber laga soo bilaabo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Taabid Cabdi Maxamed oo horey u soo noqday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo agaasimaha madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, doorashada iyo shirka ka dhacaya magaalada Garoowe.

Taabid ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo shirka wada-tashiga ee uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, kaas oo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, siiba is mari-waaga weli ka taagan doorashada 2021-ka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in dib loo eego, laguna qanco meesha la joogo, si aan dalka dib loogu celin dagaal sokeeye.

“Waa wax wanaagsan inaan wax ku qaadano waaqaca lama gudbaanka ah, wallow mar walba ay haboon tahay in fogaan-arag la yahay. Waan soo dhaweynayaa in fursad la siiyo wadahadallada masiiriga ah, waxaana rajeyneynaa in shirkan uu noqdo mid miradhal ah, oo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada ee 17 Sept 2020,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dalka iyo dadkaba aysan wax dan ugu jirin in wax weliba eber laga soo bilaabo.

“Shirarkii hore waxaa muuqatay in 80% heshiis laga gaaray, sidaa darteed waxaa sahlan in 20% dhiman laga heshiiyo. Dalka iyo dadkuba dan uguma jirto in waxwalba eber laga soo bilaabo” ayuu sii raaciyey siyaasiga caanka ah ee Taabid Cabdi Maxamed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladdii adkeyd ay xilligan ku jirto Soomaaliya, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee wada-hadallada doorashada, maadaama uu fashil iyo natiijo la’aan kusoo dhammaday shirweynihii Dhuusamareeb.

Rooble oo war cusub kasoo saaray shirka uu iclaamiyey Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay qabsoomidda shirka uu 15-ka bishan iclaamiyey madaxweyne Farmaajo, kaas oo loo asteeyey in lagu qabto magaalada Garowe ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu shaaciyey in xukuumadiisu ay cayaari doonto doorka kaga aaddan fududeynta shirkan iyo dhaqan gelinta heshiiskii 17-kii September.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee  ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland,” ayaa ugu horeyn lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.”

Ugu dambeyntii warkan waxaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.”

Warkan ka soo baxay xafiiska Maxamed Xuseen Rooble waxuu ku soo aadayaa, iyadoo saacado ka hor uu madaxweyne Farmaajo shaaciyey in madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay shir kale isugu tegayaan Garowe 15-ka bishan Febraayo.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa marxalad siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxda dowladda dhexe,mana jirto wax doorasho ah oo loo dhaqaaqay, waxayna madaxda Soomaalidu isku mari la’yihiin, hir-gelinta heshiiskii ay doorashada ka gaareen 17-kii September.

Muxuu ahaa qaraxii caawa laga maqlay MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho laga maqlay qarax xoog leh, kaas oo ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Qaraxaas ayaa la sheegay in laga soo buuxiyey jawaan, isla markaana la dhigay banaanka garoonka.

Sida ay Caasimada Online u xaqijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay si nabad ah u fashiliyaan qaraxaas.

Illaa hadda goobta lagama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas, oo si bareer ah ay ciidamada booliska Soomaaliya u qarxiyeen, gaar ahaan qeybta miinooyinka.

Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho aad uga fuliya qaraxyada la dhigo wadooyinka dhinacooda, kuwaas oo ay la sugaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in markasta ay qaraxyadoodu khasaare culus u geystaan shacabka.

Farmaajo oo caawa kulan isugu yeeray guddoonka Golaha Shacabka ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban kasoo saartay kulan caawa maadxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xafiiskiisa kula yeeshay guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraalkan lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo hadda ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalkan wax faah-faahin loogama bixin wada-hadallada dhacay.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo maanta ay xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka ay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kutlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo.

Xildhibaanadaas oo u badan kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday.

Sidoo kale kulankan caawa uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay guddoonka golaha shacabka ayaa ku soo aadaya, iyadoo Arbacada berri ah uu Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheynayo inuu horgeeyo codsi muddo kordhin ah.

Inkastoo xukuumaddan waqtigu ka dhamaaday aysan weli cadeyn inay dooneyso mudo kororsi, hadana qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku doodaya inuu jiro damacaas, isla markaana ay si adag uga hor tegayaan.

Kutlad cusub oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka oo ku kulmay Hotel-ka Jaziira, ayaa waxay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kutlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo.

Xildhibaanadan oo u badan kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ku shirsan Hotel Jaziira ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lamid yahay madaxweynayaashii hore ee dalka, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ah.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada uu qeybta ka yahay ay ka shaqeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa qorshe uu ra’iisal wasaare Rooble muddo kordhin kaga raadinayo baarlamaanka oo uu hortagi doono maalinta berri ah.

Kutladan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay laf-dhuun-gashay ku noqon doonaan damaca madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Si kastaba, waxaa laga deyrinaya xaalada dalka oo maraysa meel xasaasiya, iyada oo uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweynaha, xili aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashada, lamana oga sida ay wax u dhici doonaan maalmaha soo socda.

Xog: Cali Mahdi oo fariin u dhiibay wasiiradii shalay ku booqday hoygiisa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda xilka sii heysa ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay gurigiisa ku booqday madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Kulankaan oo sida la sheegay ay codsadeen wasiirada ayaa ka dhacay guriga uu Cali Mahdi ku leeyahay Muqdisho, waxaana hogaaminayay wasiirka amniga Xasan Xundubey Jaamac, ayada oo looga hadlay marxaladda uu wadanka joogo iyo xiisadda ka taagan khilaafka doorashada.

Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiirada ay Cali Mahdi ugu tageen iney kala hadlaan sida looga shaqeyn karo amniga dalka, looga fogaan karo xasilooni darro, maadaama uu madaxweynahii hore yahay oday Soomaaliyeed oo ku lug leh siyaasadda.

Ilo wareedyada ayaa Caasiamda Online u sheegay in Cali Mahdi uu fariin u dhiibay madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna u sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday, lagana doonayo inuu doorasho xalaal ah qabto ama kursiga baneeyo.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay wasiiradaan fariinta u gaarsiin karaan Farmaajo, hadana Cali Mahdi waa xubinta ugu weyn ee mucaaradka xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday, waxaana qof walba ay sugeysaa sida looga gudbi lahaa marxaladaan.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in shir la isugu yimaado, musharaxiinta mucaaradka waxey ku baaqeen in Farmaajo aan loogu yeeri madaxweyne, waxaa kaloo jirta xan siyaasadeed oo sheegeysa in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble goobayo muddo kordhin laba sano ah iyo iney xukuumadiisa qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo oo iclaamiyey shir ka dhici doona Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shir kale uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la qorsheeyey inuu dhaco 15-ka bishan.

Shirkaas ayaa ka dhici doona magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana hoggaamin doona madaxweyne Farmaajo, sida lagu sheegay qoraalka.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay ku dadaali doonto sidii dalka ay uga dhici laheyd  doorasho, iyadoo laga wadahadlayo arrimaha abuuray khilaafka taagan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan goor dhow ka soo baxay Villa Somalia.

Go’aankan uu madaxweynuhu ku iclaamiyey shirka Garowe waxuu ku soo aadayaa, iyadoo daqiiqado ka hor ay madaxtooyadu baahisay in madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah uu usugu yeeray guddoonka golaha shacabka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo madaxtooyadu ay ka baahisay kulankaas.