28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Doorashada maamulka 3-da gobal oo beri ka dhaceysa magaalada Beydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Beydhabo waxaa maalinta beeri ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada maamulka seddaxda gobal loogu dhisaayo.

Magaalada waxaa tan iyo shaley ku soo qulqulaayay xildhibaanno, siyaasyiin iyo dadweyne doonaya in ay ka qayb qalaan doorashada.

Doorashada ayaa ka dhici doonta Hotel Bakiin oo ku yaalla duleedka Beydhabo, waxaana ka qaybgalay siyaasiyiin iyo xildhibaanno.

Waxaa la adkeeyay ammaanka Hotelka Bakiin waxaa la keenay ciidao fara badan kuwaasoo sugi doona ammaanka inta ay doorashada socoto sidda uu sheegay wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo.

Doorashada berri waxaa maamul loogu dhisayaa seddax gobal oo ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waa doorashadii labaad oo ka dhacda Beydhabo bishii horre ayaa maamul ka kooban lix gobal lagu dootay xarunta ADC-da oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Beydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Tubeec oo lagu aasay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, waxaa dugsiga tababbarka booliiska ee Gen Kaahiye lagu aasay meydka fannaanka weyn Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed,iyo fannaaniin.

Waxaa kaloo aaska ka soo qaybgalay ehellada fannaanka oo ay ku jirto hooyadiis oo la sheegay in 90-jir ay tahay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka hadlay goobta lagu aasay, ayaa sheegay fannaanka in uu kamid ahaa dadkii doorka ka soo qaatay gobanimada Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in uu ahaa qof jecel Soomaalinimada.

Si kastaba, meydka marxuumka ayaa saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay keentay diyaaradda Turkish Airline.

Waxaa la xiray intii meydka laga soo dajinaayay garoonka qaar ka mid waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaradaha.

1926654_686882914708603_640202550_n

1900134_686882888041939_152996456_n

DSC04211

DSC04345

DSC04348DSC04348

DSC04210

DSC04345

Haddaba markale waxa ay maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online ay lee yihiin marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec illaah jannada ha galiyo dadkii uu ka baxayna samir iimaan allaha ka siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF Somalia oo lagu wareejiyay beer uu lee yahay amiirka waddanka Kuwait

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay beer uu ku lee yahay amiirka Kuwait magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Beertan ayaa waxaa 23-kii sanno ee la soo dhaafay gacanta ku hayay muwaadiniin Soomaaliya.

Xafladda lagu wareejinaayay beerta waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha ammaanka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Gen Gaafow, saraakiil ciidan iyo maamulka gobalka Shabeellaha Hoose.

Amiirka Kuwait, Sheekh Sabaax Axmed Al Sabaax ayaa la sheegay in uu codsaday beertiisa in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo wakiishay wasiirka amniga oo lagu wareejiyay beerta.

Nin u hadlay dadkii hayay beerta amiirka ayaa sheegay in si shuruud la’aan ah ay ku wareejinayaan beerta oo hayeen muddo 23-sanno, isagoona caddeeyay in ay ku wareejiyeen wariiska amniga oo wakiil ka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn uga mahad celiyay muwaadiinta Soomaaliyeed ee gacanta ku hayay beerta Amiirka Kuwait, waxaana uu sheegay in laga abaalmarin doono muddada ay beerta hayeen.

Wasiir Cabdikariin ayaa xusay in amiirka oo shakhsi ahaan u leh beerta in uu soo codsaday beertiisa in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Beelo kale oo Muqdisho dega oo kalsoonida kala laabtay DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa shalay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka dhigay Banaanbax Ka dhan ah Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Beelahaan oo aan inta badan looga baran banaanbax noocaan oo kale ah, ayaa shalay ku muujiyey sida ay uga soo horjeedan hanaanka dowladnimada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Hogaaminayo iyagoo Cod aan loo kala harin ku cadeeyay inay kalsoonidii kala laabteen Dowlaad Federaalka Soomaaliya.

Banaan Baxaan oo ay hor boodayeen siyaasiyiinta, odoyaasha dhaqanka, waxgaradka, Aqoonyahanada, Haweenka iyo dhalinyarada ku abtirsata Beeshaasi ayaa waxa ay muujinayeen Cabashadooda Qaabkii Dowlada Federaalka Soomaaliya ay u wajahday Xubnaha Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Beelaha Banadiriga Soomaaliyeed, waxa ay ku andacoodeen in sadkoodii la duudsiyay iyagoo xusay in Dowladdu aysan fiirin doorka beelaha Banaadirigu ku lahaayeen awood qeybsiga Maamulka Gobolka Banaadir.

Halkan ka arag sawirrada banaanbixii shalay

banaadiri 1banaadiri 2banaadiri 3banaadiri 4banaadiri 5banaadiri 6banaadiri 7

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Saraakiil caddaan ah oo taliyaha booliiska Somalia ku baaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan Jimcihi werinay Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia iyo Saraakiil kale oo lagu amray in lagu hor baaro Diyaarad ay ka raacayeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa iminka kasoo baxaya xog cusub.

Xogtan cusub, ayaa waxa ay sheegeysaa in saraakiil caddaan ay ku qasbeen Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, Jenerl Cabdixakiim Dahir Saciid “Jeneral Saacid” iyo Saraakiil kale in la baaro, ka hor intaysan raacin Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Gaalkacayo.

Wafdiga Jeneral Saacid ayaa safarkooda hawleed ku aadanaa si ay u soo xiraan Tababar ciiddamadda Boliska uga socday Dugsiga Tababarka Carma ee Puntland.

Ilo-wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Saraakiisha caddaanka ku amreen Jeneral Saacid iyo xubnihii la socday inay gacmaha kor u taagaan si loo baaro, taasi oo ay Saraakiisha Boliska aad uga caroodeen.

Taliyaha Boliska Somalia, waa uu diiday in la baaro, waxayna taasi keentay muran dhaliyey inay dib u dhacdo Diyaaradda ay Saraakiisha Boliska u raaci lahaayeen magaalladda Gaalkacayo.

Waa markii Labaad oo ay Taliyaha Boliska Somalia, Jeneral Saacid oo ay sharaf-dil ku sameeyaan Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Lix bilood ka hor ayey ahayd markii Jeneral Saacid loo diiday inuu galo Xeradda Taliska AMISOM ee Xalane, oo uu xilligaas kula ballansanaa inuu la kulmo Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.

Jeneral Saacid ayaa xilka Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia loo magacaabay bishii May 11-dii ee sannadkii hore, isagoo xilkaasi kala wareegay Taliyihii hore ee Boliska Somalia, Jeneral Shariif Shiikhuna Maye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: MUUNGAAB: Heliwaa ayaan toddobaadka soo socdaa uguurayaa

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in maamulkiisa uu ugu guuri doono degmada ugu ammaanka daran Muqdisho oo ah Heliwaa.

Isagoo ka qaybgalayay Barnaamija Martida Makarafoonka ee VOA-da ayaa waxaa kaloo la weydiiyay bal in uu ka warrmo qorshiisa ku aaddan amniga magaalada Muqdisho.

Wuxuu yiri Magaalada Muqdisho in dhawaan laga sameyn doono howgallo culus oo la doonayo in nabad diidka looga nadiifiyo, isagoona sheegay in magaalada Muqdisho ay maanta ka fiican tahay xilliyo horre oo la soo maray isla markaana ay ka horeyso xagga ammaanka magaalooyin waaweyn oo ka ciidan iyo dhaqaale fiican.

Wax yaabaha kale ee la weydiiyay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaasha ka arrimiya 16-ka degmo ee Muqdisho waxa maamulo guddoomiyaal la moodo in ay dhaxal meesha lagu keenay.

Muungaab ayaa tilmaamay in guddoomiye kasta xilka uu hayo aanu ahayn boos uu isaga lee yahay ee loo gooyay kii la socon waayo barnaamijka cusub ee uu wato “Waa Hadaafaa ku shaqeenayaa ayaa la keenaa” ayuu yiri.

Waxaakaloo la weydiiyay in maamulkiisa uu ku shaqeyn doono qorshihihii uu ku tallaabsaday maamulkii ka horreeyay, wuxuu caddeeyay wixii wanaag ahaa in ay ka qaadan doonaan wixii ay ka gaabiyeen in ay isbadal ku sameyn doonaan.

Muungaab waxaa kaloo la weydiiyay sidda uu ka yeelayo isqabqabsiga la xiriira dhinaca dhulka oo ah kiisaska ugu badan ee loo keeno maxkamadaha.

Wuxuu yiri “Gabi ahaan waa la joojiyay wax cabir dhul la dhaho, sidda aan xafiiska u qabtay ma jirto wax dhul la dhahaayo, waxaa la hagaajin doonaa waaxda dhul bixinta waxaana loo keenaya khuburro” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab waxaa kaloo uu xusay in uu guuri doono degmada Heliwaa si uu hormuud ugu noqdo wasiirada iyo madaxda dowladda oo isku kuusay Villa Somalia iyo waddada Makkah Al-Mukkarramah.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso xagga hoose.

Qoys Somali ah oo carruur ay dhaleen looga qaatay dalka Norway, Sabab?

Oslo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah hey’addaha badbaadiya carruurta ee dalka Norway ayaa afar qaatay afar carruur ah oo ay dhaleen qoys ku nool Waqooyiga dalkaas.

Arrintan ayaa daba socota markii wiil ay dhaleen qoyska uu si kadis u geeriyooday, taasna ay keentay hey’addu in qoyska ka qaadato carruurta deetana ay xabsi dhigtay hooyadii iyo aabihii dhalay carruurta.

Si kastaba, qoyska ayaa dhawaan tagay dalka Norway oo waaba ay ku cusub yihiin, waxaana ay ahaayeen qoys aad u fiican oo xaneeneesta carruutooda sidda uu sheegay guddoomiyaha jaaliyada deegankaas Maxamed Baxnaano.

Wiilka geeriyooday oo ahaa seddax jir ayaa ku dhintay isagoo la cayaaraya ilmaha kale ee qoyska ay dhaleen, waxaana la sheegay in tiro ka labo jeer uu wajiga dhulka ku dhusaday.

Wiilka waxaa kaloo la sheegay in uu xanuunsanaa oo wareega madaxa ayaa ka weynaaday, sidda uu sheegay Maxamed Baxnaano oo u warramay VOA-da.

Markii la xiray hooyada iyo aabaha dhalay carruurta la qaatay oo magacyadooda lagu soo gaabiyay Maxamed iyo Fahiimo hooyada waa la iska soo daayay, aabihiina waxaa lagu xukumay afar toddobaad oo xarig ah.

Hey’addan waxaaba la lee yahay in ka badan 2000 oo carruur Soomaali ah oo laga soo qaatay qoysas Soomaali ah ayeeba heesaa, badnaana dib looma soo celiyo carruurta.

Arrintan waa mid ay ku badan tahay qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha, waxaana ay inta badan dhacdaa marka uu khilaaf soo kala dhex galo labada tiir ee qoyska oo ah Aabaha iyo Hooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Daawo Video: Yeey u xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho?

Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho & Darawalada Gawaarida Dadweynaha oo ka cabanaya xirnaansha Wadooyin muhiimka u ah isu socodkooda Magaalada iyo Xaafadaha ay dagan yihiin taas oo ay xirteyn Hey’addo & Safaarado.

Arinta laga cabanaya ayaa ah in Xirnaanshaha wadooyinka qaar aysan ka hadli karin Madaxda dowlada taa oo keeneysa Caqabad xoogan oo Shacabka Muqdisho ay walaac ka muujiyeyn ee nala daawo Muuqaalkani Cabashada Shacabka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Howgallo caawa ka socda MUQDISHO iyo mas’uul dowladeed oo lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa fiidkii magaalada ay ka dhaceen howgallo ay sameenayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howgalka ayaa waxaa laga sameeyay degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigleey, waxaana sidda uu oo sheegay wariyaha Muqdisho, lagu arkayay xaafadaha ciidamo fara badan oo baaraya guryaha.

Waxaa kaloo la arkayay dhallinyaro aad u tira badan oo ciidanka ay ka soo qabqabteen xaafadaha howgallada ay ka dhaceen.

Howgalka intii uu socday waxaa lagu arkayay degmada Wardhiigleey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo uu ka mid yahay Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Ma jirto cid ka hadashay howgalka caawa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa xaafad ku dhow Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan ku dileen haweeney ka tirsaneed hey’addaha garsoorka dalka.

Haweeneyda ayaa la sheegay in ay dileen rag ku hubeysan bastoolado dabadeedna waa ay baxsadeen.

Goobta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasoo baaritaano ka wada xaafada uu dilka ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jawaab ku socota qoraalkii “Haddan Hiiraan loo kala sii qaybin karin labo gobol, maxaa talo ah?” ee uu qoray Abdulkadir Abiikar Hussein

0

Marka hore waxa aan jawaab toos ah siinayaa qoraaga Abdulkadir Abiikar, aniga oo uga jawaabaya suaashiisii ku saabsanayd in aan Hiiraan loo kala qeybin Karin laba gobol, kadibna uga  jawaabi doono qodobadiisii uu soo bandhigay aniga oo qodob kasta mid mid uga jawaabi doono.

Haddii aan ku hormaro oraahda dhahaysa “haddii aan Hiiraan loo kala qeybin Karin labo gobol”-   Hadalkaan waa hadal aanan laga fiirsanin oo la iska yiri ,oo aanan ku saleysneyn wax xaqiiq ah, qoraaguna wuxuu soo bandhigay waxa isaga uu jecelyahay iyo sida uu u arko gobolka Hiiraan, laakiin uu qoraagu illaawey in mar hore Madaxweyne Soomaaliyeed oo baarlamaan soomaaliyeed doorteen- Madaxweyne Shariif Skeikh Ahmed- uu dikreeto ku soo saaray kala qeybinta gobolka Hiiraan isaga oo u kala qeybiyey laba gobol oo kala ah ; gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeelada Sare. Waxa kaliya oo ay shacabka gobolku sugaayeenna ay tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu bedelo qodobka 49 ee dastuurka ku meel gaarka ah oo qeexaya in laba gobol iyo wixii ka badan oo ka tirsan 18kii gobol ee dowladdii hore ka tagtay ay midoobi karaan,samaysan karaana maamul goboleed.

Haddii aan u soo laabto qodobada uu qoraagu ku saleeyey doodiisa ah in aanay Hiiraan laba gobol noqon Karin, isaga oo isticmaalay dariiqad kasta oo uu ku marin habaabin karo aqristaha. Marka ugu horreysa ee ardayga la baraayo sida loogu been abuurto tirokoob (Statistics) ayaa qodobada ardayga loo sheego waxa ka mid ah inuu ka fogaado ;

A. Addition:  in uusan waxba ku darin (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

B. Subtraction: in uusan waxba ka gooynin ( xog-ururin)Data ama macluumaadka uu darsaayo.

C. Exaggeration: in uusan buun buunin ama ka badbadin ama siinin muhiimad aysan lahayn (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

D. Omission: In uusan qarinin qeyb ka mid ah (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

Qoraagu qodabadaas aan kor ku soo sheegay oo dhan ayuu isticmaalay si uu u qaldo aqristaha isagoo ku doodaaya in Hiiraan aysan gooni u istaagnaan karin. Qodabadii doodiisu ku salaysnayd aan fiirino;

1.” Bedka” ;

Qoraagu waxa uu ku dooday in Hiiraan bedkeedu aad u yaryahay (34,000 km²) laakiin aan barbar dhigno waddanka walaaleheen ah ee reer Djibouti oo tirada dadkoodu yahay (774,389) halka bedka ama baaxadda dalkuna yahay (23,000 km²).  http://www.infoplease.com/country/djibouti.html

2. “Hiiraan kama weyna gobollada cusub ee sammaysmay ka dib sideeddii gobol marka la qeybiyay”:

 Halkaan qoraagu waxa uu sameeyey qodob ka mid ah qodobada aan kor ku soo sheegay oo ah (omission) waxa uu shaxdii uu soo gudbiyey ka saaray goballada ka baaxadda yar Hiiraan oo ay Hiiraan ku laba laabanto bed ahaan, kana tirsan gobolladii cusbaa ee samaysmay kadib markii la qeybiyey siddeedddii gobol ee hore, waxaana ka mid ah gobolladaas;

A. Awdal oo baaxaddiisu tahay (16,135 km²).

B. Shabeellada Dhexe oo baaxaddiisu tahay (18,515 km²).

C. Jubbada Dhexe oo baaxaddiisu tahay (18,724 km²).

Waxa kale oo uu qoraagu sameeyey (Addition) taas oo uu kordhiyey ama wax ku daray baaxadda ama bedka gobolka shabeellada dhexe. Sida aad kor ku aragtaan baaxadda gobolku waa ( 18 515 km²), isagana waxa uu ka dhigey ( 22,000 km²). Sidoo kale waxa uu kordhiyey baaxadda gobolka jubbada hoose oo uu ka dhigay (61,000 km²), halka bedka saxda ah ee gobolka jubbada hoose uu yahay (47,632 km²). Gobolku waxa uu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah ;

A. Afmadow bedkeeduna yahay (26,737 km²)

B. Badhaadhe bedkeeduna yahay (9,583 km²)

C. Kismaayo bedkeeduna yahay (9,165 km²)

D. Jamaame bedkeeduna yahay (2,147 km²)

Sidoo kale gobollo badan oo uu bedkooda si khalad ah u soo gudbiyey ayaa jiro ,laakiin waqti uma haayo marka qodobka kale ayaan u sii gudbaayaa.

3. “Bad ayay u baahan tahay Hiiraan”:

Hiiraan bad la’aan ma hayso oo waxa ay ka tirsan tahay waddan la yiraahdo Soomaaliya haystana xeebta labaad ee Afrika ugu dheer taasina waa fikir khaldan oo ku salaysan siyaasadda shisheeyuhu gadaal ka riixayaan oo ah in waddanka dhawr gobol oo qabiil ku salaysan laga dhigo. Illaa iyo waqtigii dagaalka sokeeye billowday ganacsatada reer Hiiraan waxa ay alaabadooda kala soo degaayeen ugu yaraan 70% dekedda Boosaaso, iyaga oo gaadiidka alaabtaas soo qaadaayana ay gobollada Puntland geeyaan khudaar noocyadeeda kala duwan tahey sida mooska, babayka, basasha, canbaha, qaraha iwm. Hadaba hadii ay ganacsatada reer Hiiraan alaabadooda kala soo degaayeen 20kii sano ee ugu dambeysay dekedda Boosaaso oo u jirto masaafo lagu qiyaaso 1,500 km iyaga oo aan ka tirsaneyn maamulka Puntland, maxaa ku qasbaaya in ay la midoobaan shabeelada dhexe si ay wax ugala soo degaan dekedda ciga iyo Mareeg oo qiyaastii u jira Hiiraan 80 km. Iyaga oo aanan la midoobin ayey ganacsi la samayn karaan walaalohooda Shabeelada dhexe sida ay ganacsi ula sameeyaan walaalohooda reer Puntland. Ogow Itoobiya oo aan bad laheynba waa nool yihiin. Marka doodaan waa dood aad u jilicsan.

4. “Maxaa Hiiraan kaligeed u istaagi karin haddii labo gobol laga dhigo”?

Qoraagu waxa uu ku dooday qodobbo kala duwan waxa diidaya in aysan Hiiraan kaligeed istaagi Karin , isaga oo halkaanna sameeyey qodob ka mid ah qodobadii aan kor idiinku soo sheegay oo ah (exaggeration) ama buun buunin, marka aan mid mid u qaadanno;

4a.” Dastuurka ayaa diidaya in hal gobol kaligiis istaago”.

Waqtigii ay odoyaasha Soomaaliyeed ansixinaayeen dastuurka federaalka ,qodobada la isku mari waayey waxa ugu horreeyey arrinta Hiiraan. Odayaashii reer Hiiraan waxa ay soo istaageen illaa iyo inta laga bixinaayo qodobka sheegaaya laba gobol iyo in ka badan oo ka tirsanaa 18 kii gobol ayaa maamul samaysan kara in aysan aqbali doonin dastuurkaan, cid ku qasbi kartana aysan jirin. Si loo ansixiyo dastuurka waxa lifaaq lagu sameeyey dastuurka oo oronaya in arrinta Hiiraan  lagu xalliyo baarlamaanka. Marka qoraagu wax uu kala socdo ma jirto arrinta Hiiraan iyo dastuurka.

4b. Hiiraan waa “ waa baital cankabuut” oo bedkeeda ayaa yar (34,000 km²);

Qoraagu isaga ayaa is beeniyey, Tusaale ahaan haddii aan u soo qaato oo aan ku raaco isaga qiyaasta dadka uu ku sheegay in ay Hiiraan ku nool yihiin oo ah (351,700) oo qof, ka dibna loo qeybiyo bedka gobolka oo ah (34,000 km²) si aan u helno waxa la yiraahdo (population Density) waxa ku soo aadaya dadka reer Hiiraan 10kii qofba        (1 km²), halka Soomaaliya lagu qiyaasay sanadkii 2011 in 16kii qof oo Soomaali ahba ay ku soo aadday (1 km²). United Kingdom 259kii qofba (1 km²). Eithopia 89kii qofba (1 km²).

http://data.worldbank.org/indicator/EN.POP.DNST?order=wbapi_data_value_2010+wbapi_data_value&sort=asc

Marka oraahda ah haddii Hiiraan laba gobol loo qeybiyo bedkeeda ayaa yar waa hadal aan waxba ka jirin. Tusaalayaal kale haddii aan soo qaato oo beeninaaya oraahdaas qoraaga waxa ugu horreeya, haddii Hiiraan laba loo qeybiyo ( Hiiraan iyo Shabeelada Sare) gobolkiiba waxa ku soo aadaya dhul baaxaddiisu dhan yahay ( 17,000 km²) , gobol kasta oo ka mid ah gobolladan cusub ee Hiiraan iyo shabeellada sare wuxuu ka weyn yahay ama le egyahay qiyaastii dhul ahaan gobol ka mid ah saddexda gobol oo aan kor ku soo sheegay oo kala ah Awdal, shabeellada dhexe iyo Jubbada dhexe. Akhristoow xusuusnow dastuurka uu qoraagu ka hadlay waxa uu oggol yahay in baaxad ahaan ay Awdal iyo shabeellada dhexe midoobi karaan ama shabeelada dhexe iyo Jubbada dhexe middobi karaan haddii ay deris ahaan lahaayeen.

Qoraagu waxa uu aad u buun buuniyey muhiimadda uu bedku ama baaxadda gobol ama waddan uu leeyahay, bal aan tusaale kale u soo qaadanno waddanka Canada oo ah waddan Federal ah; Nunavut bedkeedu waa (1,877,787,62 km²) , dadka ku nool gobolkaasna waa 31,906 qofood, halka Ontario oo shacabkeedu yahay 12,851,821 ay ku fadhiso dhul bedkiisu yahay ( 908,607 km²) . Sidoo kale waxa dastuurka Canada u oggol yahay gobolka la yiraahdo Prince Edward Island (PEI) oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 140,000 oo qofood kuna fadhiya dhul baaxaddiisu tahay ( 5,685 km²) in ay gooni u taagnaato ahaatana (Province) ama maamul goboleed ka tirsan federalka Canada , waxna la qeybsato labadaas gobol oo kale oo aan sheegay ee Nunavut iyo Ontario, oo dad ahaan iyo dhul ahaanba aan isku dhaweyn.

http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_Canadian_provinces_and_territories_by_population

Qoraaga waxa ka muuqata aqoon darro ku aadan mawduucaan uu falanqeeyey. Tusaale haddii aan soo qaato marka la rabo in xuduud la sameeyo ha noqoto mid maamul (administrative boundary) ama mid doorasho (electoral boundary) waa in tixgelin la siiyaa taariikhda dhulka , danaha ummadda meesha deggan (community interest) iyo xoogagga ummadda isku heyn kara ama kala daadin kara ( centrifugal forces and centripetal forces). Marka tixgelintii magaca gobolka iyo muhiimadda dadka ku nool gobolkaba wuu iska indha tirey.

Marka caga jugleyntaan la isku qasbaayo meel raac ama “koobka dacarta waa lama huraan” ma garanaayo meesha ay ka timid iyo cidda reer Hiiraan ku qasbaysa ama Mudug iyo Galguduud raac ama Shabeellada dhexe raac. Mustaqbalka gobolka waxa go’aan ka gaari karo dadka reer Hiiraan.

Gabagabadii, gobolka Hiiraan waa gobol isaga iyo dadkiisuba taariiq dheer ku dhex leh bulsho weynta Soomaaliyeed, waxa uu ku yaallaa meel muhiim ah, ilaahey waxa uu ku maneystey kheyraad isugu jira xoolo, beero, macaadiin iyo dad leh karti iyo aqoon.Tirada dadka ku noolna waxa dadka qaar ku qiyaasaan inay ka badan tahay 500,000 oo qof. Sidaa daraadeed Hiiraan uma baahna inuu gobol kale la midoobo.

Mohamed Isse Mudey, waxaad kala xiriiri kartaa [email protected], Plymouth, Minnesota.

Dhageyso: Hibo Nuura oo goobjoog u ahayd qarixii maanta kana sheekeysay

Muqdisho (Caasimada Online)-Fannaanada weyn ee Hibo Maxamed (Hibo Nuura) oo ka mid ahayd 150 qof oo ku sugnaa Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Mudisho ayaa ka warbixisay qarrax maanta duhurkii halkaas halkaas ka dhacay.

Iyadoo la hadleysay galabta VOA-da ayaa sheegtay in markii qarraxa ay maqashay isku naxday balse dadkii joogay xafladda ay ku yiraahdeen “Ha cabsan waxaan waa cadddi”

Waxa ay sheegtay in xafladda oo ahayd mid loogu dabaal dagayay sannad guuradii labaad ee Idaacadda maxaliga Mustaqbal ay ku sugnaayeen xildhibaanno, Cabdirashiid Dahabshiil, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo fannaaniin.

Hibo Nuura oo qarrixii ugu horreeyay la kulantay maanta
Hibo Nuura oo qarrixii ugu horreeyay la kulantay maanta

Hibo Nuura ayaa sheegtay in muddo seddax bil ah ay joogto magaalada Muqdisho, qarrixii maantana uu ahaa kii ugu horreeyay ay la kulanto nolasheeda.

“Dadkii meesha joogay waxa ay ahaayeen xariifiin, waayo qarraxyo badan ayey u soo joogeyn waaba kala garanayaan sidda ay u kala culus yihiin qarraxyada, oo markii aan naxay waxaa la i dhahay waxaan waxaa laga wadaa waan joognaa camal” ayey tiri Hibo Nuura.

Waxaa la weydiiyay in wax saameyn ah ay ku yeelan doonto qarraxa maanta ay la kulantay, waxa ay muujisay in wax saameyn ah aaney ku yeelan doonin xilliga uu illaah ugu talagalayna ay dhimmaaneyso.

Ugu dambeyn Hibo waxaa la weydiiya in ay soo aragtay goobta qarraxa uu ka dhacay, waxa ay sheegtay in ay goobta qarraxa soo aragtay oyadoona tiri “Waxaan ku soo arkay goobta baabuurkii qarxay iyo kuwa kale oo ka agdhawaa oo wax yeelo ay soo gaartay”

Dhageyso Hibo Nuura

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog dheeri ah oo kasoo korartay qarixi maanta ka dhacay magalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin ayaa laga helaya qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay dhabarka dambe Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaa ku jirra askari katirsan ilaalada hotelka sidda uu sheegay taliyaha ciidanka booliska ee degmada Hodan Maxamed Daahir oo saxaafadda la hadlay qarraxa kaddib.

Waxaa kaloo qarraxa uu wax yeelo soo gaarsiiyay gawaari iyo dhismooyin ku yaallay hotelka, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Hotelka uu qarraxa ka dhacay waxaa xilligaas ka socotay xaflad loogu dabaal dagayay sannadkii guuradii labaad ee ka soo wareegtay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii la dhisay.

Waxaa xafladda ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo afhayeenka ra’iisal wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabidweli.

Dadkii ku sugnaa xafladda waxbo ma aaney gaarin, waxaana markii qarraxa uu dhacay la sheegay in dadka ay kala carareen iyagoona ka cabsi qabay in qaraxyo kale ay ka dhacaan goobta.

Ma jirto cid sheegatay qarraxa maanta ka dhacay Hotelka Makah Al-Mukaramah oo ku yaalla waddo muhiim ah oo ay adeesadaan madaxda dowladda.

Waa weerarrkii labaad ee lagu qado Hotelka Makah Al-Mukaramah, 8-dii bishii November ee sannadkii horre ayaa weerarrar lagu qaaday xilli habeen ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Sawirrada: Fannaanada Farxiya KABAYARE oo Muqdisho gaartay

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaartay fannaanada weyn ee Farxiyo Maxamuud Cabdulle (Farxiyo Kabayare).

Fannaanada waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, fannaaniin, wariyaal iyo dadwweyne fara badan.

Fannaanada markii ay ka soo degtay diyaaradii ay la socotay waxaa sujuud la dhacday ayadoo faraxsan gudaha garoonka, waxaana ay sheegtay dareenkeeda in aaney la soo koobi karin marka loo eego in ay timid waddankii ay ka soo jeeday ee ay u dhalatay.

Fannaanada waxaa kaloo soo dhaweeyay barbaarta gaashaman kuwaasoo heeso iyo ammaan u jeediyay Kaba Yarre.

Fannaanada ayaa ka mid ah fannaaniinta gabdhaha ee sidda weyn waa yahan dambe ay u jecel yihiin dad weynaha gaar ahaan dhallinyarada.

Waxa ay maalmahan joogtay magaalada Nairobi halkaasoo heeso iyo bandhig faneed ay ku qabtay, waxaa la filayaa in isna uu magaalada soo gaaro fannaanka kale ee Axmed Rasto oo isna hadda ku sugan Magaalada Nairobi

640x480x374.jpg.pagespeed.ic_.Q2F4CGBFb4

640x480x462.jpg.pagespeed.ic_.uQIpVV17Xh

640x480x651.jpg.pagespeed.ic_.QpgKSC12e7

640x480x289.jpg.pagespeed.ic_.22TA5PKZ3J

640x480x1140.jpg.pagespeed.ic_.HIdTaOAodO

640x480x1139.jpg.pagespeed.ic_.FFn7F7BUUy-1

640x480x836.jpg.pagespeed.ic_.IgNcdltsdZ

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: XAMAR iyo horumarka maanta

Horumarka dhan walba leh ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxuu gaaray Banaanada Magaalada waxaana si xowli leh ku soconaya dib u soo celinta Bilicda Caasimada ee Muqdisho.

Muuqaalkani waa mid ku tusinaya sida Magaalada looga wado Horumarka dib u dhiska & dib u soo celinta Sharafkii Caasimadda Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Shirqoolkii Dahabshiil ee Al-Barakaat, 13 sano kaddib maxaa xigi doona?

Sedex iyo toban sano kadib ayey Cadaaladii guuleeysatay,waxaa mira dhalay daacadnimadii Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo Shirkadiisii Al-Barakaat xaqdarro loo xiray,sidoo kalena xoriyadiisii safarada loo xanibay.

Qaraar ka soo baxay golaha amaanka ayaa lagu shaaciyay in Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale xor yahay, sidoo kalena waxaa la fasaxay hantidii Shirkadiisa Al-Barakaat.

Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo sedex iyo toban sano ahaa DHIBANE u nugul hanjabaada iyo gardarooyinka lagula kaco, wuxuu laacay guul taariikhi ah, oo bulshada ka baran karaan in SAMIRKU yahay guusha Geesiga.

Waan hubaa in Axmed Nuur Cali Jimcaale marna ku lug yeelan arrimo argagixiso, balse waxaa dhibaatada ugu weyn ee cadawgiisa uga faa-iideeysteen ay tahay lugtii uu ku lahaa iyo gacantii uu siiyay Urur diimeedka Al-Itixaad.

Shirkadda Dahabshiil oo weerarkii 9/11 u aragtay fursad qaaliya, ayaa xanibaadii la saaray Al-Barakaat abaabushay sida la xaqiijiyay, hasse yeeshee waxaan Calaamatu su-aal saarayaa waxa xigi doono sedex iyo toban sano kadib?

Shirkadda Dahabshiil ma wajahi doontaa jidkii Al-Barakaat oo bulshada Caalamkana maka marqaati noqon doontaa Al-Barakaat oo dib loo furay iyo Dahabshiil oo la xiray?

Ila wareedyo muhiima waxay sheegeen in macluumaadka la helay sidaas xaaladu u badan, hasse yeeshee waxaa aad loo wada sugayaa Warbixinta gudigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee Eretria iyo Somalia soo saari doonaan 28 March 2014.

Dhinaca kale, waxaa su-aal ka taagan tahay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ma rumeeysan doonaa in dagaalka lagula jiro yahay mid qabiil ? mise wuxuu moodayaa mid ku saleeysan arrimo diimeed?

Fikirka uu qabo wax badan lagama oga, maxaa yeelay waa nin afgaaban, hasse yeeshee danta waxay ugu jirtaa inuu ka fogaado ku lug lahaansho arrimo urur diimeed nuuc kastaba? maxaa yeelay waa jidka qura ee xoolahiisa lagu xalaaleeysan karo, cadawgiisa guul ka raadin karaan .

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Jimcaale
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

MeydkaTubeec oo berri lagu aasayo…

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ahna ku-sumaha madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in maalinta berri ah magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameyn doono fannaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Jawaari ayaa sheegay in meydka marxuumka in laga soo qaaday Jermalka isla berrina laga soo dajin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u xil saartay aaska allaha ha u naxariisto Maxamed Saleebaan Tubeec maadama uu ahaa fannaan doorweyn ka soo qaatay horrumarka fanka iyo gobonimada Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan aaska loo sameenaayo marxuumka maadama uu ahaa fannaanka geeriyooday Soomaaliya oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

DEG DEG AH: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday baabuur in uu goordhow ka dhacay Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Qarraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay qaybta dambe ee hotelka, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Hotelka waxaa ka socotay xaflad loogu dabagaal dagaayay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii la dhisay Idaacadda maxaliga ee Mustaqbal.

Waxaa hotelka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ka mid ahaayeen afhayeenada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Inta la ogyahay labo qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen oo uu ku jirro askari katirsan dowladda.

Warar dheeri ah kala soco Caasimada Online

SHAACIN: Xiriir ayaa ka dhaxeeyay FBI-da Mareykanka iyo Al-Qacida + Video

Washington DC (Caasimada Online) – Warbixin baaritaan ah oo uu sameeyay wargeyska Washington Times ayaa shaaca ka qaaday in uu jiray xiriir toos ah oo dhexmari jiray FBI-da Mareykanka iyo shabakadda Al-Qacida.

Warbixintan uu daabacay wargeyska ayaa shaaca ka qaaday inay jireen shaqsiyaad u shaqeeya FBI-da Mareykank, oo ka tirsanaa Al-Qacida.

Wargeysku wuxuu sheegay in xarun ku taalla magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka oo qaabilsanayd la dagaalanka argagixisada ay ka tirsanaayeen shaqsiyaad dhowr ah, oo sidoo kalena ku jiray Al-Qacida.

Su’aalo fara badan ayaa soo baxay tan iyo markii uu wargeysku arrinkan soo bandhigay, waxaana su’aasha ugu weyn ay ahayd, haddii FBI-da ay shaqsiyaadku dhexlahayd Al-Qacida, side ayay ku ogaan weysay weerarkii September 11, mise waaba ay ogeyd?

Warbixin ay arrintan ka diyaarisay CNN, halkan hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Video: Horumarka iyo bilicda degmada ugu wax qabadka badan Muqdisho

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconaya dib u dhis xoogan oo dib loogu soo celinayo Bilicdii magaalada ay lahaan jirtay ayadoo ay ka soconayaan Howlahaasi Dgemooyinka Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Degmooyinka ugu wax qabadka iyo howsha badan ee Magaalada Muqdisho ayaa idiin soo  gudbinayaa Muuqaal laga soo duubay oo ka hadlaya waxqabadka & howsha ka soconeysa ee nala daawada.

HALKAAN KA DAAWO: