25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Doorasho xildhibaano oo ka billaabaneysa Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka Gedo Axmed Buulle oo ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo ayaa sheegay in doorasho aan aheyn tan lagu qabanayo Ceelwaaq ay Garbahaarey ku qabanayaan, isagoo Ra’iisul Wasaare ka codsaday inuu kala soo qayb galo doorashadaas.

Guddoomiye Axmed Buulle ayaa ku cataabay in la dulminayo, isagoo qof kasta ugu gacan haatiyey inay ka soo qeyb gasho doorashadaas, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ammaanka qof kasta oo doorashada ay qabanayaan ka soo qeyb geleysa ay sugi doonaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa cadeeyey in Garbahaarey ay wada joogaan ciidamo isugu jira ATMIS, NISA, Boolis iyo xoogga dalka, “Anagu doorashadeena si toos ah ayaan u qabsa doonaa, qof kasta oo daneynaya haka soo qeyb galo, wax kasta ayaan u diyaarinay,” ayuu yiri.

Guddoomiye Buulle ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qabiil dhan loogu awood sheegto fursadda hoggaminta dowladnimada, “Farmaajo wa madaxweyneheena, Rooble-na waa Ra’iisul wasaare waqtigiisa heysta, anaga Farmaajo weligiis nooma imaan, laakiin ninka noo yimid oo dhibkeena arkay waa Rooble, balse hadda hal mar ayuu kala wareegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay Rooble la hadleen oo beeshiisa ay ku dacweeyeen, “Waxaan dhahnay Rooblow, Farmaajo waa Madaxweyne, adiguna Ra’iisul Wasaare ayaa tahay, waxaan nahay shacabkii aad u dhaaratay, anaga dad la dulminayo ayaan nahay, waxaa nalo adeegsanayaa maandheyd, ma gara karno sababta uu Rooble dhibka intaan la eg noogu sameynayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay in metelaadooda aysan ka hari doonin oo weligood ay daba taagnaa doonaan, doorashada Ceelwaaqna aysan sugi doonin oo Garbahaarey ay doorasho kale ku qabsa doonaan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey Shabeelle TV

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax culus oo khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kolonyo ay galbinayeen oo marayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi u u ku dhintay ugu yaraan 1 askari, isla-markaana uu jiro dhaawac kale oo intaasi ka badan.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Eng Mahad Omar Abdi oo ka tirsan Guddiga Doorashada heer federal iyo askar la socotay, kadib markii uu qaraxu haleelay gaarigii ay saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Kolonyada la qarxiyey ayaa waxaa sidoo kale la socday siyaasiyiin iyo dad kale goobjoog ahaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay caasimada Jowhar.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhacaya wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Sawirro: Guusha Korneyl Xaadoole oo si weyn looga falceliyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Korneyl Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey ciidankii ugu badnaa ee Badbaado Qaran ee sanad ka hor Farmaajo ka hor istaagay mudo kororsiga ayaa galabta loo doortay Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Si weyn ayaa loo soo dhaweeyey guusha sarkaalkaan oo sanadkii ugu dambeeyey awoodiisa isugu geeyey in dalku uu doorasho aado, wuxuu hoggaaminayey ciidankii ugu badnaa ee Muqdisho dhanka waqooyi ka soo galay markii Farmaajo uu labo sano ku darsaday xukunka 12-kii April 2021.

Dadka guushiisa ka falceliyey waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Kooramkii Badbaado Qaran uu galabta soo buuxsamay kadib markii Jowhar lagu doortay Col. Cusmaan Xaadoole.

Waxaa sanadkaan baarlamaanka ku soo biiray inta badan saraakiishii iyo masuuliyiintii kale ee sida tooska ah uga hor yimid mudo kororsigii Farmaajo, wuxuuna Taliye Xaadoole galabta ku guuleystay mid ka mid ah kuraastii ugu loolanka adkaa HirShabeelle ee HOP106, isagoo wareegii koowaad 56-cod uga guuleystay afar musharax oo kale.

Guushiisa kadib waxaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ugu hambalyeeyay guusha uu galabta gaaray, isagoo kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Korneyl Xaadoole oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle ee Wacbuudhan Abgaal ayaa ahaa sarkaal awood badan ku dhex leh qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ka howlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle, wuxuuna mudo dheer ka soo mid ahaa hoggaanka qeytaas.

Waxa uu ku biirayaa xubno kale oo ka mid ahaa saraakiisha Badbaado Qaran oo baarlamanka soo galay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jeneraal Saadaq John, Korneyl Abuukar Jacfar, Sanetor Muuse Suudi iyo masuuliyiin kale oo u badan xildhibaano horay ugu jiray baarlamaanka.

Doorashada Colonel Xaadoole ayaa ka dhiggan in baarlamanka uu soo galay xubin kale oo aad ugu dhow mucaaradka madaxweyne Farmaajo. Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay inay kordheen saraakiisha ciidan ee ku jira baarlamankan 11-aad oo noqday kii ugu badnaa oo ay soo galaan saraakiil ciidan.

Kadib guusha Xaadoole ayaa waxaa rasaas xooggan oo dabaal deg ah galabta is qabsatay inta badan waqooyiga Muqdisho iyo magaalada ay doorashadu ka dhacday ee Jowhar, ayadoo aad loosoo dhoweynayo guusha Korneyl Xaadoole.

Sawirro: Farmaajo oo caawa Villa Somalia ku qaabilay guddoonka KMG ah ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan Madaxtooyada kula qaatay Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka cusub.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ayuu ugu horeyn Farmaajo ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka.”

Xog: Deni oo rumeysan inay taako u dhigeen Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ka shakisan Axmed Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomaaliya. 

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo saameyn karta Farmaajo iyo Saciid Deni.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, go’aanka Xidig ayaa lama-filaan ku noqday madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. 

Musharaxnimada Xidig ma ahan mid la dhayalsan karo, wuxuuna awoodaa inuu xilkan kusoo baxo, isaga oo sidoo kale 2016-kii doorashadii dhacday ka helay codad badan oo lama filaan ahaa.

Xilligan waxaa intaas dheer in Koonfur Galbeed aysan dooneyn xilka guddoomiyaha golaha shacabka, sidaas darteedna ay suurta-gal tahay in Lafta-gareen oo gacanta ku haya xildhibaanadiisa uu ku riixo inay u codeeyaan Xidig.

Dhanka kale, Deni ayaa rumeysan in Xidig ayaa gadaal ka riixayaan Midowga Musharaxiinta oo ka careysan ballamadii uu uga baxay Deni, sida laga soo xigtay xubno xog ogaal ah.

“Xiddig waxaa wata Midowga Murrashixiinta oo aaminsan in Deni uga baxay ballantii ahayd inuu midkood dhisi doono si uu isagu u noqdso Ra’iisal Wasaare ama soo xulo qofka noqonaya,” ayuu yiri xog-ogaal siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in murrashaxnimada Xiddig ay shaki ka dhex abuuri doonto Deni iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa horey Deni uga ballan-qaaday in qof ka socda Jubaland aanu xilkaas isku soo tagai doonin, si gaar ahna Xidig oo mar kasta la rumeysnaa inuu damac noocan ah ku jiro.

La-taliyayaasha Saciid Deni ayaa hadda ka fekeraya sidii ay u dejin lahaayeen istaraatijiyad ka hortagaysa inuu Xiddig ku guuleyso kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Deni wuxuu farayaa xildhibannada uu soo saartay inay u codeeyaan qof kale. Taasi waxay yaraynaysaa fursadda uu Xiddig ku noqon karo Guddoomiye baarlamaan,” ayuu yiri ilo-wareed xog ogaal u ah arrintan.

Si kastaba, wax kasta waxay ku xiran tahay waxa uu damacsan yahay Lafta-gareen, waxaana haddii uu si buuxda u taageero Xidig aad suurta-gal u ah inuu guuleysto, maadaama sidoo kale Hawiyaha iyo Dir ayagana ay taageeri doonaan. 

Garyaqaanka guud ee DF oo Maxkamada Sare u gudbiyey jawaabta kiiska kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal u diray Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban. 

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashada. 

Xafiiska ayaa ku gacan sayray sheegashada guddiga doorashada HirShabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa. 

“Caddeynta ay sheegeen guddiga doorashada HirsShabeelle ma waafaqsana habraaca hirgalinta doorashada dadban, awoodna uma laha in ay iyaga oo doorashada qabtay haddana dhahaan waa sax,” ayuu yiri xafiiska garyaqaanka dowladda.

Waxa kale oo uu xafiiska garyaqaanka sheegay in qabashada doorashada kursiga HOP086 ay khilaafasan tahay habraaca hirgelinta doorashooyinka ee 1 October 2020, ay tahay awoodda guddiga doorashada heer federaal inay kormeerto, hubiso islamarkaana dabagasho habsami u socodka doorashada taasi oo uu khilaafay kursiga HOP086. 

Wuxuu sidoo kale diiday awoodda ay guddiga xalinta khilaafaadka, oo kursigan horey u fasaxay, u leeyihiin inay sidaas sameeyaan, isaga oo sheegay in taasi aanay aheyn awooddiisa. 

“Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka go’aankiisu ma khuseeyo go’aanada Guddiga GHDHF, sababtoo ah labada guddi waxaa kala hagaya laba habraac oo kala duwan,” ayuu xafiiska garyaqaanka ku yrii qoraalka.

Ugu dambeyn xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa Maxkamadda Sare ka codsaday afar qodob oo kala ah: 

1- Inay diiddo cabashada ay dhinaca kale (qareenada Fahad) usoo gudbiyay, maadaama aysan jirin go’aan maamul oo kama dambeys ah oo laga dacwoon karo, si waafaqsan qodobka, Saad, Faqr. 3 (b) ee XNGS 1962.  

2- In ay ayiddo go’aannada guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal 2020/2021, ee summaddiisu tahay FEIT/2017/2022, ee tr. 17 Feb 2022, iyo Go’aanka kale ku soo baxay war-saxaafadeed tr. 06 April 2022, kuwaa oo loo gaaray hab-raac iyo hannaan waafaqsan wixii lagu heshiiyay. 

3- In maxkamaddu ay go’aan uga gaarto dacwaddan si waafaqsan danta guud, caddaalaadda iyo shuruucda dalka.  

4- In ay dhinaca kale saarto kharashka dacwadda si waafagsan qodobka 62 XHMS.

Korneylkii hogaaminayey Badbaado Qaran, Xaadoole oo xildhibaan loo doortay

Jowhar (Caasimada Online) – Colonel Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa ku guuleystay doorashadii adkeyd ee kursiga HOP106 ee beelaha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo ka adkaaday saddex musharax oo kale.

Colonel Cusmaan Xaadoole, oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalk, ayaa wareegga koowaad ee doorashada helay 56 cod, isaga oo ka adkaaday musharaxiinta kala ah: Bashiir Maxamed Yuusuf, Fowziya Sheekh Cali Maxamuud iyo Yaxye Abuukar Aadan.  

Afarta musharax ayaa cododka u kala helay sidan

1. Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole 56          
2. Bashiir Maxamed Yuusuf 20
3. Fowziya Sheekh Cali Maxamuud 0
4. Yaxye Abuukar Aadan 25

Colonel Cusmaan Xaadoole, oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle, ayaa lagu xusuustaa inuu hoggaaminayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Waqooyiga Muqdisho, kuwaas oo halkaas ka galay dagaal horseeday in laga laabto muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo. 

Waxa uu ku biirayaa xubno kale oo ka mid ahaa saraakiisha Badbaado Qaran oo baarlamanka soo galay, uuna ka mid yahay Jeneraal Saadaq John.

Doorashada Colonel Xaadoole ayaa ka dhiggan in baarlamanka uu soo galay xubin kale oo aad ugu dhow mucaaradka madaxweyne Farmaajo. Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay inay kordheen saraakiisha ciidan ee ku jira baarlamankan oo noqday kii ugu badnaa ee ay soo galaan saraakiil ciidan.

Kadib guusha Xaadoole ayaa waxaa rasaas xooggan oo dabaal deg ah laga riday inta badan waqooyiga Muqdisho, ayada oo aad loogu soo dhoweynayo guusha Colonle Xaadoole.

Askar laga qaaday Muqdisho oo hab yaab leh isku dilay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada Galmudug ayaa isku dilayKoontaroolka Faarax Koone ee magaalada Dhuusomareeb, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.

Askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa dilay askari kale xilli uu hurday, waxaana la sheegay in markii ay kusoo baxeen askartii kale ee ciidanka dowladda uu isna isla goobta isku dilay.

Askartaan ayaa ka mid ahaa kuwii dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho ee la geeyay magaalada Dhuusamareeb, si ay u taageeraan maamumlka Axmed Qoor Qoor. 

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaano ku aadan sida ay u dhaceen dilalka, islamarkaana saacaddaha soo socda ay la hadli doonaan warbaahinta.

Illa aiyo hadda ma cadda, waxa dhex yaalay labada askari ee midna la dilay midna isaga is-dilay, ee keentay inuu falkan dhaco.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in xalay weerar culus ku qaadday mid ka mid ah koontaroollada laga galo magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ku dhaawaceen hal askari. 

Maamulka Galmudug kama jawaabin sheegashada kooxda Al-Shabaab.

Aqris Magacyada: Guddiga doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare kadib soo jeedintii ka timid xildhibaanada Aqalka Sare.

Senatorada Aqalka Sare ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka Ajendihiisa uu ahaa Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee ku aadan howlaha horyaalla Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka dowladda.

Guddi ka kooban 6 xubnood ayaa loo magacaabay inay qabanqaabiyaan doorashada guddoonka Aqalka Sare oo ka kooban guddoomiye iyo Laba guddoomiye ku xigeen, waxaana lagu soo xulay hanaan maamul, ayada oo maamul goboleed kasta hal xubin laga keenay, laguna daray xubin ka socota Somaliland.

Magacaabista xubnaha ayaa dedejineysa doorashada guddoonka Aqalka Sare, taasi oo dhabbaha u xaareysa marka ay dhacdo in sidoo kale la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya. 

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare

Senator Samsam Daahir Maxamuud ayaa iyana loo doortay guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare, halka Senator Farxaan Cali Xuseen loo doortay Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada guddiga la magacaabay

1- Sheekh Aadan Cabdinaasir Maxamed ( Koonfur Galbeed)
2-Siciid Cabdi Xuseen (Somaliland)
3- Farxaan Cali Xuseen (Puntland)
4- ZamZam Daahir Maxamuud (Galmudug)
5- Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ( Jubbaland)
6- Zamzam Cabdullaahi Axmed (HirShabelle)

Guddiga doorashada BF oo la magacaabay iyo sida ay beelaha u qeybsadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood oo ka soo kala jeeda shanta beelood, kuwaasoo kala ah:

Guddigan ayaa la faray inay sida ugu dhaqsaha badan u diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka, taasi oo dhabbaha u xaareysa in la gudo galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddigaan ayaa maalinta berri oo Axad ah magaalada Muqdisho ku yeelan doona kulankooda ugu horreeya, iyagoona ka arrinsan doona howlaha loo idmaday ee ah doorashada guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Villa Hargeysa, wuxuuna Ajendaha kulankaas ahaa dhaarinta Xildhibaano cusub iyo magacaabista Guddiga doorashada Guddoonka Golaha.

1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood)
2- Mohamed Hussein Hadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir)
3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Hawiye)
4- Xuseen Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Hawiye)
5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
6- Maxamed Abukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad)
8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood)
9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad)
10- Nasro Mahdi Caraale- kasoo jeeda Jubbaland (DIR).

XOG: Ciidamo isku dayaya inay joojiyaan doorashada oo ku wajahan CEELWAAQ

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa qorsheynaya inay tagaan magaalada Ceelwaaq, oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 kursi oo ka mid ah golaha shacabka, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay isku dayaya inay joojiyaan doorashada halkaas ka dhaceysa ee uu wado maamulka Jubaland, kadib markii laga soo wareejiyey Garbahaarey, balse ma cadda sida ay ugu guuelysan doonaan. 

Ceelwaaq ayaa ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la filayaa in amniga doorashada halkaas ay sugaan ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. 

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamo taabaacsan madaxweyne Farmaajo oo isugu jira xoogga dalka iyo NISA, gaar ahaan qeybta Duufaan, waana mid ka mid ah sababaha maamulka Jubaland u diiday inuu doroasho ku qabto Garbahaarey.

Doorashada gobolka Gedo ayaa muddo aheyd xudunta khilaafyadii keenay dib u dhacay sanadka ka badan ee doorashada Soomaaliya, ayada oo oo ay isku hayeen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda u muuqda inuu loolankaas ku guuleystay haddii aanu dhicin isbeddel kale oo deg deg ah.

Dhinaca kale, waxaa hadda socda qorshe lagu qabanayo doorashada Garbahaarey sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo ku adkeystay in meel aan Garbahaarrey ahayn aysan doorasho ka dhici karin. 

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma laha,” ayuu yiri Buulle Gareed.

RUUSHKA oo dalkiisa ka mamnuucay Boris Johnson digniintii ugu adkaydna u diray dalalka Galbeedka

Moskow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa dalkiisa ka mamnuucay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo wasiirro kale inay soo galaan Moscow, sababo la xiriira mowqifka UK ee dagaalka Ukraine.

Xoghayaha Arimaha Dibada Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace iyo 10 kale oo siyaasiyiin sare ah – oo u badan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada – ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay galaan dalka Ruushka.

Moscow ayaa sheegtay in go’aankan uu ahaa mid looga aargoosanayay cunaqabateynta UK ay saartay tan iyo markii ay gudaha u gashay Ukraine. Bishii Maarso, Moscow waxay sidoo kale dalkeeda ka mamnuucday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Dhanka kale, Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.

Qoraal diblomaasiyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.

“Hubka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO siinayaan Ukraine waxa uu sii hurinayaa dagaalka, waxaana ka dhalan karta cawaaqib aan la saadaalin karin,” ayaa lagu sheegay warqadda labada bog ah ee uu Ruushka diray.

Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine. Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.

Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.

Midowga Afrika oo wakiil cusub u soo magacaabaya Somalia kadib eryidii Madeira

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa haatan ku howlan sidii loo beddali lahaa Wakiilka Ururkaas u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira oo uu dhowaan dalka ka ceyriyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wargeysa The East African oo soo xiganayo ilo diblomaasiyadeed ayaa shaaciyey in maalmaha soo socda la beddalayo Madeira, kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya xukuumadda Soomaaliya ee hoggaamiyo Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya si weyn loogu cadaadinayo inuu xilka iska casilo, si aysan ugu ekaan in shaqada laga eryay.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu doonayo, sidii hoos loogu dhigi lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay eryidda Danjirahooda u qaabilsanaa Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in ninkan lagu beddalayo Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger.

Francisco Madeira oo loo jaray warqad aan dalka looga baahneyn, ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu farageliyey arrimo aan shaqadiisa aheyn iyo inuu ku kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda goboleedyada.

Arrintan ayaa kusoo aadeyo, iyada oo Khamiistii lasoo dhaafay Guddoomiyaha Midowga Afrika uu shaaca ka qaaday inuu kalsooni buuxda ku qabo Mr Madeira, isaga oo si weyn uga soo horjeestay go’aanka ra’iisul wasaaraha, dhinaca kale taageeray madaxweynaha.

Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha sida dhow ula socda arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ayaa hadalkaas ku sifeeyey mid lagu difaacayo sharafka Madeira, isla-markaana uusan jirin weji kale oo uu kusii joogo, ayna haboon tahay inuu is-casilo.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya, xilli la beddelay howlgalkii AMISOM ee Soomaaliya ka socday tan iyo 2007-dii, waxaana lagu beddelay magaca ATMIS.

Premier Bank oo ardayda Jaamacadaha Muqdisho ku tartansiinaya $21,000

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Premier ayaa maanta daahfuray tartanka hal-abuurka ganacsiga oo uu markii ugu horreysay maanta Muqdisho ugu qabanayo ardayda dhigata jaamacadaha dalka ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi. 

Madaxa Ganacsiga Premier Bank Mudane Cabdishakuur Afrax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay tartanka soo codsadeen ilaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. Ayna qiimeyntii guddiga ka soo gudbeen 12 hal-abuure oo ka kala yimid 10 jaamacadood, kuwaas oo maanta tartankaan loo daahfuray. 

Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Bangiga Mudane Axmed-Nuur Maxamed ayaa sheegay in tartankan laga baahin doono qaar ka mid ah warbaahinta dalka. Mudane Axmed-Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tartamaha gala kaalintaa koowaad uu bangigu ku abaalmarin doono $9,000 oo uu hal-abuurkiisa ganacsi ku maalgashado. Guuleystaha gala kaalinta labaad uu ku guuleysan doono $7,000. Tarmaha ku guuleysta kaalinta seddaxaadna uu heli doono $5,000.

Waxaa xusid mudan in uu bangigu tartankaan oo kale si joogto ah uu sanadkii shanaad ugu qabanayo magaalada Hargeysa. Madaxa Xiriirka Dadweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay tartankaan Muqdisho ku qaban doonaan sanad kasta.

Wuxuuna ardayda jaamacadaha ee aan fursadda u helin in ay sanadkaan ka qeybgalaan ugu baaqay in ay u sii diyaargaroobaan ka qeybgalka tartankan sanadaha soo socdo. Wuxuuna ballanqaaday in uu bangigu fikirkiisa u maalgelin doono ardagii ku guuleysta.

Maxaa fashiliyey isbaheysigii uu Boqor Buurmadow ka abaabulayay Muqdisho?

Horraantii sanadkan markuu Boqor Cismaan Buurmadow yimid Muqdisho waxaa lagu soo dhoweeyay maamul sare. Wuxuu ku duulayay dabayl isbeddel-doon ah, taas oo oday dhaqameedyada Muqdisho ugu saameynta badan ay u guuxeen. Markuu si kaftan u sheegay in beshiisu hoggaamiso dowladda labaad ee Soomaaliya ka jirta (Al-shabaab), wuxuu Boqor Buurmadow la kulmay dhaleeceyn iyo ku eedeyn inuu u qaameysan yahay dadka ay Al-shabaab Koonfurta Soomaaliya ku gumaadday. Siyaasi ayaa ka dalbaday Boqor Buurmadow inuu bixiyo magta dadkii ku baxay gacanta Al-shabaab.

Khubdaddaas ‘kaftanka’ ahayd waxay sii kala fogeysay Buurmadow iyo siyaasiyiinta Muqdisho. Waxaa xigtay in beesha Dirta Waqooyi oo uu Buurmadow ka mid yahay ka cawdeen Ra’iisal Wasaare Rooble oo uu ku tilmaamay nin xaqa beesha duudsiinayay. Wuxuu ka codsaday beesha Rooble inay ceshadaan Ra’iisaal Wasaaraha. Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa dadkii soo jeediyay Senator Cabdi Xaashi Cabdi iyo Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Laga billaabo baaqi wadajirka ahaa uu Boqoor Buurmadow la soo saaray siyaasiyiinta beeshiisa qaarkood waxaa badatay dadaallada uu ku doonayay inuu ku mideeyo siyaasadda beeshiisa oo ka mid ah beelaha awood-qeybsiga 4.5 ku salaysan. Xiriir ayuu la sameeyay Madaxweynaha Koonfurl Galbeed, kalana hadlay isbahaynsi Digil & Mirifle iyo Dir marka doorashada Madaxweynaha ay dhacayso.

Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula loollamay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed si uu saameyn ugu yeesho codbixinta xildhibaannada Somaliland.

Dhowr caqabadood ayaa Boqor Buurmadow soo foodsaaray. Midi waxay ka soo jeedda loollankii uu Buurmadow la galay garabka Mahdi Guuleed. Buurmadow wuxuu ka socday Madaxweynaha Somaliland oo u xusul-duubaya yaraynta saameynta siyaasadeed ee Mahdi Guuleed, dhanna wuxuu Biixi kala socdaa Madaxweynaha Jabuuti oo xubnaha beesha Ciise faray inaysan u codeynin Madaxweyne Farmaajo haddii uu isu soo taago in dib loo doorto. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu Buurmadow ka codsaday inuu u sheego sida Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, u arko isbahaysiga uu Buurmadow u arko mid la samayn karo. Waxay ahayd su’aal Buurmadow ku noqotay laf dhuun gashay. Waxaa u caddaatay Laftagareen in Buurmadow uusan xitaa taageerada Dirta Waqooyi badankeed haysan, iskaba dhaaf beesha Dir guud ahaan.

Laftagareen iyo Mahdi Guuleed xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya. Haddiiba uu isbahaysi labada beelood u dhexeeya in laga wada hadlo ay gaarto, waa labada siyaasi oo ka wada hadli kari lahaa. Dhowaan wareysi kooban oo uu Buurmadow bixiyay kaddib dabkii Suuqa Waaheen burburiyay wuxuu sheegay in isaga uu leeyahay fikradda isku dayga samaynta isbahaysi si Hawiye iyo Daarood la iskaga dhiciyo siyaasad ahaan.

Labada beelood oo ay ka soo kala jeedaan Laftagareen iyo Buurmadow haddii ay siyaasad ahaan midoobaan waxaa dhici karta inay meesha ka saaraan labada beelood oo Soomaaliya xukunkeeda ku kaltamayay. Waxaa jira darbiyo siyaasadeed oo ay inay jebiyaan loo baahan yahay si isbahaysi siyaasadeed oo cusubi labada beel u dhexmaro. Darbiga ugu weyni waa Somaliland oo sheeganaysa inay dalka Soomaaliya ka go’day. Xaaladdaas siyaasadeed waxay yaraysay awoodda gorgoronka Dirta Waqooyi waayo Madaxweyne Soomaaliyeed ma tagi karo meelaha ay Somaliland ka taliso.

Boqor Buurmadow oo Baydhaba lagu soo dhoweynayo

Isbahaysiga uu Buurmadow mala-awaalay oo kale wuu jiraa hase ahaatee ma aha mid hore loo shaaciyay. 2016kii waxaa Nayroobi ku shiray ergo ka socotay Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiin reer Waqooyi ah. Shirkaas waxaa soo abaabulay Ismaaciil Hurre Buubaa, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya. Shirkaas waxaa ka soo baxay heshiis siyaasadeed ay Beesha Garxajis horseed ka ahayd. Farmaajo wuxuu ballanqaaday in reer Waqooyigu aad ugu muuqan doonaan dowladda hadduu Madaxweyne noqdo. Kaddib doorashadii 2017kii beesha Dirta Waqooyi waxay noqotay tiir ka mid ah tiirarka Nabad iyo Nolol.

Boqor Buurmadow goor dambe ayuu ogaaday heshiiskii 2016kii lagu dejiyay istaraatijiyadda dowladda federaalka ku socoto badankeed. Markuu la xiriirayay Laftagareen wuxuu Buurmadow doonayay inuu sameeyo isbahysi kaas la mid ah, laakiin, aqoonta yar oo uu u leeyahay siyaasadda koonfurta Soomaaliya ayaa majaxaabisay Boqor Buurmadow. Buurmadow wuu ka safray Muqdisho, mana cadda inuu dib ugu soo noqonayo.

Sida la saadalinaayo beesha uu ka tirsan yahay marka la eego dhanka awood qeybsiga waxay u codeyn doontaa badankeed Madaxweyne Farmaajo. Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni markuu Muqdisho booqanyay dhowr bilood ka hor. Codadka tirade yar oo uu Buurmadow saameynta ku leeyahay Meesha ay aadi doonaan ma cadda. Dagaal siyaasadeed ayuu Buurmadow ka bixi waayay intuu Muqdisho joogay. Way ku adkaatay inuu noqdo oday-dhaqameed iyo siyaasi. Boqor Buurmadow meeshuu u qoystay ayuu ku qallajistay.

Xigasho: Puntland Post

Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka adag ee ka taagan kursiga HOP#106 + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kursiga HOP#106 laga dareemayo halkaas, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay caasimada HirSahbelle ee Jowhar.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta ku harsan HirShabelle ayaa waxaa isku diiwaan-geliyey illaa 6 musharrax oo shahaadada ka qaatay guddiga doorashada ee SEIT.

Xubnaha tartamaya ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay dumar, halka shanta kalena ay yihiin rag, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil iyo siyaasiiyiin caan ah, waxayna kala yihiin:-

1-Cusman Maxamed Maxamuud ( Xaadole), 2-Shadoor Xaaji Maxamuud, 3-Fowziya Sheikh Cali Maxamuud, 4-Bashiir Maxamed Yuusuf, 5-Yuusuf Cabdi Cabdulle 6-Yaxye Abuukar Aadan.

Doorashada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato magaalada Jowhar, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

HirShabelle ayaa tartan furan ka dhigtay kuraasta haatan doorashadooda ay ka socota Jowhar, waxaana ugu dambeeyey HOP#024 oo uu kusoo baxay Maxamed Axmed Beerey.

Si kastaba, HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada ka daahay jadwalka doorashada iyo dhammeystirkeeda, kadib caqabada hareeyey kuraasta taalla maamulka HirShabelle.

Maxkamadda magaalada Hargeysa oo amar kasoo saartay xarigga 13 Wariye

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maalintii afaraad ku xiran illaa 13 Wariye oo ay dhowaan xabsiga dhigeen ciidamada Booliska Somaliland, kadib dhacdadii xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wariyeyaashan oo ka howl-gala warbaahinta qaybaheeda kala duwan, sida Telefishinno iyo Idaacado ay ka mid ah BBC-da ayaa saaka kasoo muuqday maxkamadda Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in maxkamaddu ay amar kasoo saartay xarigga Wariyeyaashaasi, isla-markaana ay amartay xabsiga lagu sii heyn doono illaa 5 cisho oo dheeraad ah.

Booliska ayaa doonaya in 5-taasi maalmood uu kusoo dhammeystiro caddeymahooda, si maxkamaddu ay go’aan rasmi ah uga soo saarto xariga Suxufiyiintaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay saraakiisha Booliska in dhaqtar la geeyo Wariye Maxamed Ilig oo ka mid ah Wariyeyaasha xiran, kadib xaalad caafimaad oo soo wajahday.

Sidoo kale Wariyayaashan ayaa waxaa la filayaa in shantaasi maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada, si loo dhammeystiro dacwadda loo heesto.

Arrintan ayaa Somaliland waxa ay kala kulantay cabmbaareyn xoogan oo ka timid Ururka Suxufiyiinta  iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira maamulkaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa caadi ka noqday xariga lagula kaco Wariyeyaasha, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta iyo cid kasta oo kasoo horjeesata xukuumadda maamulkaasi.

Guddiga doorashada ee guddoonka BF oo loo soo xulayo hab beeleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyey Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad) oo ah guddoomiyaha KMG ah.

Ugu horreyn waxaa kulanka lagu dhaariyey illaa lix Mudane oo ka maqnaa munaasabaddii dhaarinta ee Khamiistii lagu qabtay Teendhada Afiysooni ee xerada Xalane.

Guddoomiyaha KMG ah oo madasha khudbad ka jeediyey ayaa marka hore ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo shaqada hortaalla baarlamaanka cusub.

“Waxaad wada ogtihiin saaxibayaal xaaladda dalkeena uu ku sugan yahay maanta iyo cadaadiska uu adduunka innagu hayo oo nala leeyahay haddaanan waqtigaas wax lagu dhammeyn wax walba waa xirmaayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa istaagay tiirkii dowladnimada laga bilaabayey waxa dhimana waxa aan ku kalsoonahay inaad dhammeystiri doontaan,”.

Dhabancad oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in laga rabo ka baarlamaan ahaan inay dadajiyaan dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto.

“Waxaa hadda na horyaal oo la rabo inaan dadajino waxaa weeye guddoonkii rasmiga ahaa ee Golaha Shacabka iyo ku xigeennadiisii,” ayuu markale yiri guddoomiyaha KMG ah.

Intaas, kadib ayuu guddoomiyaha KMG ah soo jeediyey inuu dhiso guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka, balse waxaa diiday xildhibaanada, iyadoo kadib codeyn loo qaaday.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in xubnahaasi loo qaybsado hab beeleed, si loogu saleeyo nidaamka 4.5 ee ay wax ku qaybsadaan beelaha Soomaaliyeed.

“Waxaan arkay haddii gacanta la taagay inta diidan soo jeedinteyda inay badan tahay marka waxaan rabaa idinka is kala yaqaan inaad beel ahaan laba laba qofood ii keentaan,” ayuu yiri guddoomiyaha KMG ah Mudane Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad)

Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kulankiisii ugu horreeyey ku bilowday diidmo ayaa waxaa horyaal shaqada adag oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada soo socota madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulankooda ugu horreeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inay soo xaadiraan kulanka oo maanta oo ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa iyo tan ay ku shiraan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa warbixn lagu siin doonaa xildhibaanada cusub, howlaha horyaala iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka gudoomiyeyaasha & madaxweynaha.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ka hadlay kulanka ay maanta yeelanayaan ayaa sheegay inay dadajin doonaan howlaha shaqo ee hor yaalla.

“Fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waa furitaanka, ka shaqeynta Hay’adda Sharci dejinta oo howsheeda istaagtay, Dalka sidii Dowladdiisa u kala horreysa loo wado sida qaban-qaabinta doorashada Guddoonka si Dowladnimada uu ula wareego, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa lagu dooranayaa Guddoomiyaha & labadiisa Ku xigeen, taladu waa mid dhextaalla 275-ta Xildhibaan” ayuu yiri gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Somalia.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray maamullada HirShabelle iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay soo dhammeystiraan xildhibaanada ka harsan maamulladaasi.

“Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabelle & Jubbaland oo ay ku dambeeyaan Xildhibaannada waxa aan ka codsaneynaa in la dadejiyo, Hir-Shabeelle oo kuraas yar ku dhiman yihiin waxa aan leenahay maalin ama labo maalin kusoo gabagabeeya, Jubbaland sidoo kale dadejiya doorashada 16ka kursi si dhammaan Xildhibaannadu ugu soo wada xaadiraan Aqalkooda” ayuu sii raaciyey xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Si kastaba, xildhibaanada cusub oo la dhaariyey 14-kii bishan ayaa laga sugayaa inay dhammeysitaan doorashada dalka, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha.

Daawo: Taliye Shub oo shaaciyey sababta aan loogu dhaarin xilka xildhibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo hadda ka mid noqday xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii hoggaanka ciidanka Asluubta uu ku wareejiyey ku xigeenkiisa.

Sidoo kale Jeneraal Mahad ayaa u jawaabay rag uu sheegay inay been abuur ka faafiyeen, isagoo in guddiga doorashooyinka aysan siin kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo, cid kale oo war u boobtana aysan jirin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta aysan weli u dhaaran isaga, Yaasiin Farey iyo Cabdullahi Kullane, isagoo beeniyey warar uu sheegay in laga faafiyey oo ah in Farmaajo uu ka hor istaagay dhaarinta.

“Waxaa la yiri shahaadadii ma qaadan oo waxaa u diiday Farmaajo, taasi waa been laba shahaado ayaan weliba wataa, tan federaalka iyo tii maamulka la isaga soo doortay uu i siiyey, dhaarta in lagu dhaqmo aan la rebin ee la boobaayana diyaar ayaan u ahay, waqtigeeda ayaan dhaaranaa,” ayuu yiri Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta.

Wuxuu sheegay in cid xilka ka qaadis ugu goodi karta aysan jirin, balse uu fahamsan yahay in xilka taliyaha iyo xubinimada baarlamaanka aysan is qaba karin, sidaas darteedna ku xigeenkiisa uu xilka ku wareejiyey, intii uusan Baydhaba kursiga u doonan.

“Waxaan wataa ID Card ay K/Galbeed isoo siisay, shirka berrina waan ka qeyb gelayaa oo baarlamaanka waan isugu imaaneynaa, aad ayaan ugu faraxsanahay dhaarinta iyo dhismaha baarlamaanka, waxaana diyaar u ahay in shuruucda baarlamaanka aan ku dhaqmo, daneheyga ayaana ku maqnaaye cid kale yaan dusha la iga saarin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Mahad.

Hoos ka Daawo