25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Wariye guursaday gabar Xawadle ah oo lagu xiray Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xarig Jimcihii magaalada Jowhar loogu gaystay Wariye Shariif Shuuriye Xaashi oo kamid ah suxufiyiinta ka howlgala maamul-goboleedka HirShabellle, kaas oo sabab yaa leh loo xiray.

Shariif oo kasoo jeeda Beesha Jareerweyne ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu guursaday gabar Xawaadle ah, sida ay sheegeen ehelladiisa iyo saaxibadiisa dhow.

Ciidamo ayaa la sheegay inay tageen gurigiisa, kadibna ay soo xireen, iyaga oo ku qasbay inuu furo gabadha, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay inuu xalay ku hoydo xabsiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabelle, Cabdishakuur Shaashaa oo ay isku beel yihiin Wariyaha ayaa cambaareeyay xariggiisa, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in hayb sooc dartiis loo beegsado muwaadin aan waxba galabsan.

“Waxaan aad uga xumahay in rag siyaasiyiin ah oo xil ka haya Hirshabelle kana soo jeeda Beesha Xawaadle ay horkacayaan xariga miskiinkan iyo marwadiisa loo geystay. Wariye Shariif Shuuriye Xaashi waxaa loo xeray sidee ayaad u guursan kartaa gabar Xawaadle ah adiga oo ah Jareer ah?, waxaase ayaan daro ah in dad Diin, Soomaalinimo iyo dhaqanba nala sheeganaya ay wali wadaan ficilo Faquuq ah.” ayuu ku qoraal uu soo saaray wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Shariif maanta haddii uu ahaan lahaa Buuryaqab aan Soomaali eheen cid ku dhegnaan laheyd ma jirto balse isaga iyo xaaskiisa waxay xabsi ugu jiraan gabadha fur ama xabsi ayaad ku jireysaa”.

Shaashaa ayaa sidoo kale farriin u diray hoggaanka HirShabelle, wuxuuna ugu baaqay inay soo farageliyaan arrintaan, si looga hortago iska horkeenidda bulshada deegaanka.

“Waxaan Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlada Hirshabelle Mudane Yuusuf Hagar Dabageed aan ka codsanaya in arrinta Shariif ay soo faragaliyaan xaqana ay garab istaagaan lamaanahan isjecel ee isguursadayna ay badbaadooda qeyb ka noqdaan” ayuu mar kale yiri Shaashaa.

Arrintan ayaa dhalisy hadal-heyn xooggan, waxaana si aad ah loogu falanqeynayaa baraha bulshada, iyada oo inta badan dadka ay ka xumaadeen xarigga lagula dhaqaaqay wiilka.

Villa Somalia oo war kasoo saartay wada-hadal la sheegay in ay kula jirto Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga fikradaha xagjirka ah ayaa si kulul u beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Dowladda Federaalka ay wadahadallo qarsoodi ah kula jirto kooxda Al-Shabaab.  

Ergeyga ayaa ku tilmaamay wararkaas kuwo “been abuur ah” oo loogu talagalay in lagu marin-habaabiyo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Aweys Maxamed Cumar ayaa caddeeyay in dowladda aysan marnaba wax wadahadal ah la gelin kooxdaas, qorshaheeda aysanna ku jirin inay la fariisato.  

Wararkan oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, ayaa tilmaamayay in xiriirro hoose oo aan rasmi ahayn ay u socdaan labada dhinac. Wararka qaar ayaa sheegay in dowladda Qatar ay dhex-dhexaadinayso labada dhinac. 

Sheekh Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ujeeddada laga leeyahay faafinta wararkan ay tahay in lagu wiiqo kalsoonida shacabka, laguna dhabar-jabiyo hawlgallada militari iyo dagaalka dhanka fikirka ah ee lagu ciribtirayo kooxda.

“Mowqifka dowladda waa mid cad oo aan liicliic lahayn: waa in la burburiyo fikirka xagjirka ah, la wajaho khataraha argagixisada, lana sii wado hawlgallada amniga iyo ka-hortagga ee dalka ka socda,” ayuu yiri ergeyga.

Wuxuu intaas ku daray digniin culus oo ku aaddan in faafinta macluumaadka aan la hubin ay abuurayso jahwareer, isla markaana ay dabrayso horumarka ay sameeyeen ciidamada qaranka iyo shacabka garab taagan.

Sida uu sheegay ergeyga, shakhsiyaadka ka dambeeya faafinta wararkan dacaayadda ah ayaa leh dano gurracan oo ah inay khal-khal galiyaan amniga, isla markaana qaloociyaan guulaha laga gaaray dhismaha hay’adaha qaranka iyo awoodda difaaca dalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeedaan sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, loogana hortagi lahaa fiditaanka xagjirnimada rabshadaha wata.

Ugu dambeyntii, Sheekh Aweys ayaa xusay in laamaha amniga iyo wasaaradaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ilaalinta qarannimada iyo ka-hortagga afkaartaha halista ku ah dadaallada dowlad-dhiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer ku adkeysanaysay in Al-Shabaab — oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida kuna eedeysan weerarro socday in ka badan 15 sano — lagu wajaho saddex waddo oo kaliya: cadaadis ciidan, dagaal dhanka fikirka ah, iyo curyaaminta ilaha dhaqaalaha, beddelkii lala geli lahaa wadahadal. 

Fahad Yaasiin oo si xun u weeraray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maanta soo saaray qoraal dheer ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo siyaasad ahaan ay si weyn isku hayaan.

Fahad Yaasiin ayaa si xooggan u dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna xasuusiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, sida dadaalkii saldhigga Warta Nabadda Nabadda ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dadka lagu xiray Muqdisho iyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, gaar ahaan dadaalkii ka dhacay Raaskambooni.

“Madaxweyne Xasan Sheekh, muddo xileedkiisii hore inta guri ee uu ku beegsaday siyaasiyiin wuu ilaaway. Sanadkan kaliya weerarkii Wardhiigleey ee lagu dilay ilaalada madax hore wuu hilmaamay. Wasiirkii hore ee Awqaafta ee uu xiray dorraad iyo odayaashii dhaqanka ee uu xabsiyada u taxaabay ma xusuusto. Weerraradii Jubaland lagu qaaday ee looga soo adkaaday kama warqabin ayuu leeyahay Madaxweynuhu. Ilowsha dhawaa!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Tan ugu daran ee uu ilaaway waa ciidankii uu kala qaybiyay ee dowladdii jirtay uu Mirinaayo u soo fariistay”.

Agaasimihii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrintan doorashada, wuxuuna Madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo waqtiga doorashada, si uusan u dhicin dib u dhac sababi karo qalalaase siyaasadeed oo gudaha dalka ah.

“Madaxweyne, fadlan halka qodob ee muhiimka ah inaadan ilaawin waa waxa ku sugaya 16ka May 2026, haddii aad heshiis la’aan xafiiska sii fadhido” ayuu mar kale yiri.

Fahad ayaa inta badan weerara Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana qoraalkiisii ugu dambeeyay uu ku beegsaday Xamza Cabdi Barre, isagoo kula taliyay in uu mansabkiisa ku badbaadiyo dalka, sida ra’iisul wasaareyaashii ka horeeyay, uuna xayndaabkii wada-ogolka kusoo celiyo Madaxweyne Xasan, balse haddii uu taas kari waayo uu xilka iska casilo.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa hadda qayb ka ah xisbiga Midowga Haybad Qaran oo ay ku mideysan siyaasiyiin magac iyo saameyn ku leh siyaasadda gudaha Soomaaliya, waxaana musharrax ay ka dhigteen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Maaliyadda Mareykanka oo billowday tallaabo ka dhan ah xawaaladaha Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) — Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in waaxdiisu ay diiradda saarayso shirkadaha xawaaladaha iyo adeegyada lacagaha lagu diro ee ay isticmaalaan qoysaska Soomaaliyeed si ay eheladooda u taageeraan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah cadaadis xooggan iyo baaritaanno la xiriira musuq-maasuq oo maamulka madaxweyne Trump uu kusoo rogay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Madaxweyne Donald Trump ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah u beegsanayay qurba-joogta Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo adeegsanaya ciidamada socdaalka iyo fulinta sharciga, isla markaana jeediyay hadallo is-daba-joog ah oo lagu bahdilayo bulshadaas.

Trump ayaa ku tilmaamay gobolka “xarunta dhexe ee falalka lacag-dhaqidda iyo wax-is-daba-marinta,” in kasta oo aysan jirin caddaymo buuran oo taageeraya sheegashadaas culus.

Go’aankan cusub ayaa qeyb ahaan salka ku haya kiisas musuq-maasuq oo dhowaan soo shaac-baxay, gaar ahaan fadeexaddii hay’adda aan faa’iido-doonka ahayn ee Feeding Our Future.  

Hay’addan ayaa lagu eedeeyey inay lunsatay lacago loogu talagalay raashinka iskuullada xilligii cudurka safmareenka ah (COVID-19), iyadoo xeer-ilaaliyayaashu ay ku qiyaaseen lacagta kiiskaas ku luntay illaa $300 oo milyan, taasi oo dadka lagu eedeeyey in ay xadeen u badan yihiin Soomaali. 

Xoghaye Bessent ayaa daliishaday warbixin ay qortay jariidada City Journal oo u janjeerta dhanka midigta fog ee cunsuriyiinta, taas oo sheegtay in lacagaha canshuur-bixiyayaasha ee laga lunsaday barnaamijyada dowladda ay u gacan-galeen kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.  

Hase yeeshee, warbixintaas ayaa soo xigatay ilo-wareedyo aan la magacaabin, mana jirto wax caddayn rasmi ah oo loo helay eedeymahaas. Sidoo kale, xeer-ilaaliyayaasha federaalku ilaa hadda cidna kuma soo oogin dacwad la xiriirta taageero argagixiso oo kiiskan la xiriirta.

Bessent ayaa qoraal uu Jimcihii soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in Waaxda Maaliyadda ay dhowaan soo saari doonto amar cusub. Amarkaas ayaa faraya shirkadaha xawaaladaha ee lacagaha u dira Soomaaliya inay soo gudbiyaan “hubin dheeri ah” iyo macluumaad la xiriira dhaq-dhaqaaqa lacagaha.

Waxaa hawlgalkan ka qeyb qaadan doona hay’adda Financial Crimes Enforcement Network (FinCEN), oo ah garab ka tirsan Waaxda Maaliyadda una qaabilsan la-dagaallanka dambiyada maaliyadeed sida lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.  

Sidoo kale, Waaxda Canshuuraha (IRS) ayaa baaritaan ku sameyn doonta shirkadaha lagu eedeeyey wax-is-daba-marinta.

“Intaas waxaa dheer, shaqaalaha Waaxda Maaliyadda ayaa hadda ku sugan goobta, iyagoo si adag uga shaqeynaya sidii loo soo saari lahaa xaqiiqada jirta,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Bessent. 

Xarumo ku yaal Mareykan oo laga taagay calanka Soomaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka Mareykanka ayaa bilaabay in ay si buuxda u garab istaagaan Soomaalida oo uu haatan culays xooggan ku hayo Madaxweynaha dalkaasi, Donald Trump oo beegsi iyo aflagaado joogto ah isugu daray.

Bulshada Mareykanka ayaa haatan billowday in meelo kala duwan oo kamid ah dalkaas ay ka taagaan Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, iyaga oo diidan tallaabooyinka qalafsan ee uu Madaxweynahooda ku beegsanayo Soomaalida iyo dalkooda.

Meelaha lagu arkay calanka ayaa waxaa kamid ah goobaha waxbarashada iyo kuwo xarumo kale oo muhiim ah, waxaana la dhinac suray Calanka Mareykanka iyo kuwa degmooyinka, si garab istaag wayn loogu muujinayo bulshada Soomaalida ah.

Arrintan ayaa sidoo kale muujineyso in dadka u dhashay Mareykanka ay intooda badan kasoo horjeedaan siyaasadda Trump iyo hab-dhaqankiisa ka dhanka ah Soomaalida oo markasta u xadudbo, isaga oo u gefaya sumcaddooda iyo dalka ay kasoo jeedaan.

Trump ayaa nacaybka u wayn u muujiyay Soomaalida waxa uu gaarsiiyay heer uu ka dhex raadiyo ciyaartoyda xulka dalkaas, sida ka muuqata muuqaalkii u dambeeyay oo ku baahay baraha bulshada, taaas oo dhalisay in taageerro badan ay helaan dadka Soomaaliyeed.

Hadallada Trump oo dhaliya falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Si kastaba, ha’ahaate Madaxweynaha Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Al-Shabaab oo qabsaday duleedka Nuur Dugle iyo…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay maleeshiyaada Al-Shabaab ay la wareegeen duleedka deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, kadib dagaal ay la galeen ciidanka Macawiisleyda.

Maleeshiyada ayaa qabsatay Ceelka Cali Salaad oo dhanka qorrax u dhac ka jira magaalada sida u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Macawiisleyda ee deegaanka Nuur Dugle.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Risaala aaa sheegay in haatan iyaga iyo ciidamda dowladda ay ku sugan yihiin gudaha Nuur Dugle, balse weli Al-Shabaab ay haystaan Ceelka Cali Salaad oo ay shalay la wareegeen, kaas oo muhiim u ah xoolaha dhaqatada deegaanka.

“Meesha cadowga weli waa haystaan waa sidii ay shalay u qabsadeen annagana waa isku muuqanaa oo hadda kalama dheerin, dowladdana waa timid, ma rajeyneyso inay sii haystaan” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Macawiisleyda ee deegaanka Nuur Dugle.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in xalay la duqeeyay Al-Shabaabka soo galay halkaasi, isla markaana khasaare culus la gaarsiiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Xalay nimanka hoos waa laga galay, korna diyaaradda ayaa ka duqeysay kolba meesha jab ayaa kusoo gaaray nimanka” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo duleedka Nuur Dugle ka wada ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo ka hortagaya Khawaarijta.

Al-Shabaab ayaa horay u qabsatay deegaanno iyo magaalooyin muhiim ah oo ay kamid tahay demada Aadan Yabaal, oo illaa iyo hadda ay si buuxda gacanta ugu hayso kooxda.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay doon sidday qaraxyo culus

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa PMPF oo howlgal culus qaaday ayaa gacanta kusoo dhgay doon sidday budooyinka laga sameeyo qaraxyada, taas oo lagu qabtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Qoraal kasoo baxay PMPF aya waxaa lagu sheegay in budooyinka ay qabteen ku jiraan noocyada lagu farsameeyo qaraxyada waxyeelada ba’an geysta, oo halis ku ah amniga.

“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda ee degmada Eyl ayaa gacanta ku dhigay Doon siddey Budooyinka laga samee qaraxyada, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan oo lagu farsameeyo jaadadka qaraxyada waxyeelada ba’an-geysta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxaa nolosha lagu qabtay illaa todobo ruux oo laba kamid ah yiiin Yamani, halka inta kalena ay yihiin Soomaali, sida lagu sheegay qoraalka.

“Doonta iyo dadka saarnaa oo gaarayey 7 ruux oo 2 ka mid ah yihiin Yamani, 5-ta kalena Soomaali ayaa dhammaantood kujira gacanta ciidanka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Raga gacanta lagu dhigay ayaa waxaa baaris ku haya laamaha amniga Puntland oo sidoo kale la wareegay doonta siday waxlaha laga sameeyo qaraxyada.

Waxaa la rumeysan yahay in doontan ay midkood u rarneyd Al-Shabaab ama Daacish oo ku sugan buuraha ee Puntland, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo iyo duqeymo xooggan.

Si kastaba, howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ay dooneyso inay dhulkeeda uga sifeyso kooxaha argagixisada, waxaana ay la kaashaneysaa saaxibada caaamiga ah.

Sharciga booliska oo dood culus ka dhex dhaliyay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa maanta la horgeeyay wax ka beddal lagu sameeyay sharciga ciidanka Booliiska, si loo ansixiyo balse dood culus ayaa ka dhalatay.

Xildhibaannada qaar ayaa gebi ahaan qaadacay sharcigan oo ay tilmaameen inay ku jiraan qodobo lagu muransan yahay, iyagoo dalbaday in dib loo celiyo.

Sidoo kale waxa ay u doodeen in xilligan aan marsiin karin Baarlamaanka Soomaaliya, loona baahan yahay in dib loogu laabto sharciga ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in qaar ka mid ah xuquuqda ciidanka Booliska si aan caddayn sharciga loogu doodsiiyay, halka xildhibaannada qaarna ay xuseen in sharcigu leeyahay khaladaad sharciyeed oo u baahan in la saxo, kahor inta aan la meel-marin.

“Korneyl ayaa janaraal ceynaayo oo dhahaayo hala xiro, kala dambeyn ma jirto sharcigaan hala celiyo dhibka ayuu shacabka ku badinayaa” ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Cabdinuur.

Dhankeeda Xildhibaan Faa’iiso Jayte ayaa iyaduna tiri “Booliska sharci kuma shaqeeyaan sharci qabtana ma lahan kumana dhaqmaan, Saxaafadii ayay ladhibaateeyaan oo qalabkoodii ka qaataan hala celiyo sharciga Booliska Soomaaliyeed”.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo aragtiida dhiibtay ayaa isna sheegay in sharcigan uu baabi’inayo sharuucdii hore, uuna kasoo hormaray maqaamka caasimada.

“Sharciyada kale ee dalka ka jira ayuu baabi’i inayaa waxaana uu kasoo hor maray maqaamka caasimadda Muqdisho,waana ka hor imaanayaa dib ha loo celiyo hana lasoo saxo sharciga” ayuu isna ku dooday Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Xog: Xamza oo isbeddal ku sameynaya xukuumadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in goordhow uu is beddal ku sameeyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoo isha lagu hayo siyaasiyiin muddo sugayay magacaabis oo soo galaya booska.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in isbeddal xukuumadeed uu dhacayo saacadaha soo socda, isla markaana qorshuhu yahay in labo wasaaradood oo kamid ah kuwa Federaalka uu saameeyo isbeddalka uu haatan wado Ra’iisul wasaaraha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Danjire Jamaal Maxamed Xasan loo magacaabi doono wasaaaradda Ganacsiga halka Xildhibaan Ayuub Yuusuf Ismaaciil isna loo dhiibayo wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadd Dan-Qaran, sida aan xogta ku helnay.

Jamaal oo horey usoo noqday wasiirka qorsheynta, sidoo kalena lasoo shaqeeyay Ururka IGAD ayaa horay ballan adag ula galay xukuumadda, gaar ahaan xilligii doorashooyinka Waqooyi Bari oo uu kamid ahaa musharixiinta, isaga oo markaas codadkiisii  ku wareejiyay Madaxweyne hadda talada haya ee Cabdulqaadir Firdhiye oo ay wadatay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jiri doona isbaddallo kale oo waa wayn oo dhacaya todobaadyada soo socda, waxaana la’isku shaandheyn doonaa dhawr wasaaradood oo muhiim ah.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay wasiiro cusub iyo agaasimeyaal guud, iyada oo tallaabooyinkan ay la xiriiraan isbeddallo waa wayn oo ay waddo xukuumadda oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

Itoobiyaan dembiyo halis ah ka geystay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka ayaa shaacisay liis ay ku qoran yihiin “dad shisheeye ah oo galay dambiyo culus”, taasoo ka dhalatay tallaabooyinka maamulka Donald Trump uu ku adkeeyay dadka soo galootiga ah.

Liiskan ayaa lagu sheegay in dambiilayaasha ay hadda ku jiraan gacanta Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE), iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal dambiyeed oo kala duwan.

Warbixinta ayaa muujisay sawirrada siddeed nin oo Itoobiyaan ah iyo hal haweeney, waxaana la shaaciyay magacyadooda iyo dambiyada loo haysto, iyada oo sidoo kale la xusay gobolka ay ka yimaadeen gudaha Mareykanka.

Itoobiyaan ka tirsan dadka la shaaciyay ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilal, ka ganacsiga daroogada, dhac iyo falal kale oo xiriir la leh dambiyada abaabulan.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dhammaan magacyada lagu qoray liiskan la xukumay, marka laga reebo hal qof oo weli dacwadiisu socoto.

Magacyada dadka la aqoonsaday waxaa ka mid ah Enoch Fiqadu, Barakat Mokonnin, Brook Tammirat, Adan Yusuf, Masfin Hussein, Nigisti Bayyana, Paul Kidane, Samson Kidane iyo Beza Kabbada.

Dembiyada loo haysto ayaa aad u kala badan, kuwaas oo ka kooban weerarro lagu qaaday guryo, wadista gaari iyada oo la sarkhaansan yahay, dhac iyo afduub loo geystay carruur.

Waxaa sidoo kale ku jira eedeymo la xiriira hanjabaado argagixiso, weerarro hub loo adeegsaday, qaadashada hanti la xaday, ku xad-gudub amarrada maxkamadda iyo lacag dhaqid.

Xaaladda ka taagan Soomaaliya oo kasii dareysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda abaareed ee ka taagan dalka ayaa kasii dareysa, iyadoo deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koofur Galbeed ay ka barakaceen qoysas badan oo saamayn taban ku reebtay abaarta.

Qaar kamid ah dadkaan ayaa gaaray gobolka Jubada Hoose. Dadkan barakacay ayaa sheegay in xoolahoodii ay meelo dhexe uga tageen kadib haraad darran oo soo wajahay, isla markaana ay awoodda socodka gabeen.

Tani waxay calaamad u tahay xaaladda adag ee soo foodsaaray xoolo-dhaqatada oo u muuqda in ay ka luminayaan hantidoodii ugu weynayd oo aheyd xoolaha.

Qof kamid ah dadka isaga kala gudbay deegaan hoostaga Xudur oo dhaca Bakool illaa Afmadow oo gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in dadkii barakacay ay bilaabeen in ay u dhinteen gaajo iyo biyo la’aan baahsan.

Sidoo kale, haweeney ka mid ahayd safarka qoysaskaasi oo ku foolatay intii ay waddada ku jireen ayaa geeriyootay, iyadoo aan helin daryeel caafimaad, sida ay sheegeen eheladeeda. Ubadkii ay dhashay ayaa la sii watey.

Xaalado dhanka nolosha ah ayaa soo wajahay dad u badan Xoolo dhaqato oo aan weli tirakoob rasmi ah lagu samayn balse ka barakacay Abaarta ka jirta Gobollada Dalka, Abaartu waxa ay kamid tahay aafooyinka sababa barakaca Bulshada.

Xaalad nololeed oo aad u adag ayaa soo wajahay dad u badan xoolo-dhaqato aan weli la tirakoobin, balse ka soo barakacay abaarta baahsan ee ka jirta gobollada dalka. Abaarta ayaa waxay kamid tahay aafooyinka sababa barakaca bulshada.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay maamullada Koofur Galbeed, Jubbaland iyo dowladda dhexe oo ku aadan arrintaan. Si kastaba, magaalooyin kala duwan ayaa lagu dukaday salaad roob-doon ah, iyadoo bulshada ay Alle ka baryayaan in uu roob barwaaqo leh u soo hooriyo.

Soomaaliya ayaa weli la tacaaleysa abaaro soo noq-noqday oo ka dhashay isbeddelka cimilada, kuwaas oo malaayiin qof geliyay xaalad cunto yari iyo nuglaansho.

Sidoo kale waxaa laga digayaa in xaaladda hadda jirta ay sababi karto macluul haddii aan si deg-deg ah loo helin gargaar ku filan.

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka bariga Afrika ee ansixiyay…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shir saddex maalmood ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa noqday madal lagu dhisay siyaasadda cusub ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) u qaabeynayso nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay dalalka ansixiyay siyaasaddan cusub iyo qaab-dhismeedka hirgelinteeda.

Kulanka oo ay kasoo qayb-galeen mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala yimid dalalka gobolka, waxaa Soomaaliya u matelay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Siciid Nuur.

Waxa uu madasha ka soo jeediyay warbixin ka tarjumaysa dadaalka dalka ee dhismaha nidaam xog-ururin iyo kormeer hufan ku saleysan.

Intii uu shirka socday, ka qaybgalayaashu waxay si faahfaahsan u soo bandhigeen siyaasadda cusub ee Kormeerka iyo Qiimaynta, taas oo xooga lagu saarayo horumarinta isla-xisaabtanka, dabagalka waxqabadka, iyo tayeynta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Wufuudda ka kala timid waddamada kala duwan ayaa si gaar ah u ammaanay doorka firfircoon ee Soomaaliya ku lahayd shirka, iyagoo sheegay in aragtiyaha ay soo gudbisay ay ka qayb qaateen fahamka qorshaha lagu dhisayo nidaam go’aan qaadasho cad iyo maamulka hufan.

Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa ugu dambeyntiina isla qaatay in siyaasadda cusub iyo qaab-dhismeedka fulinteeda loo gudbiyo Golaha Wasiirrada, si ay u ansixiyaan.

Arrintan ayaa waxaa loo arkaa tallaabo lagu mideynayo laguna xoojinayo nidaamka kormeerka iyo qiimaynta ee gobolka oo dhan.

Eritrea oo ka baxday urur goboleedka IGAD + Sababta

0

Asmara (Caasimada Online) — Dowladda Eritrea ayaa maanta shaaca ka qaadday inay qoraal rasmi ah u dirtay Urur-goboleedka IGAD, kaas oo ay ku ogeysiinayso inay gebi ahaanba ka baxday xubinimadii ururkaas.  

Xukuumadda Asmara ayaa ku eedeysay ururka inuu ka tallaabsaday awoodihiisii sharci, isla markaana uu ku guuldareystay inuu wax la taaban karo u qabto dalalka xubnaha ka ah. 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea, oo ku tariikhaysan 12-ka Disembar, ayaa lagu sheegay in IGAD ay “lumisay sharciyaddii iyo awooddii ay lahayd,” isla markaana aysan jirin “dan istiraatiiji ah oo la fahmi karo” oo ugu jirta ka sii mid ahaanshaheeda.

Eritrea waxay ku doodday in ururku uu marar badan ka gaabiyay waajibaadkiisii aas-aasiga ahaa iyo shuruucdii u degnayd, taas oo wiiqday jiritaankiisa iyo macnaha uu ugu fadhiyo gobolka.

Ilaa iyo hadda, Urur-goboleedka IGAD wax war ah kama soo saarin go’aankan culus ee kasoo yeeray dowladda Eritrea.

Khilaaf soo jiitamay oo dib u curtay 

Eritrea ayaa go’aankan ku tilmaamtay mid ka dhashay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay iyada iyo ururka.

Wasaaradda ayaa xustay in Eritrea ay door “udub-dhexaad ah” ku lahayd dib-u-yagleelidii IGAD sanadkii 1993-kii, iyadoo kala shaqeysay dalalka kale ee gobolka sidii ururka looga dhigi lahaa mid ka shaqeeya nabadda, xasiloonida, iyo is-dhexgalka dhaqaale.

Hase yeeshee, bayaanka ayaa lagu xusay in dhabbihii ururku isbeddelay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay sanadkii 2005-tii.

Eritrea waxay ku eedeysay IGAD inaysan kaliya ku fashilmin inay ka jawaabto yididiilada iyo himilooyinka shacabka gobolka, balse ay isu beddeshay “qalab waxyeello leh oo loo adeegsado waddamada xubnaha ka ah qaarkood, gaar ahaan Eritrea.”

Tallaabooyinkaas ayaa sababay in Asmara ay hakiso xubinimadeeda bishii Abriil ee sanadkii 2007-dii, sida lagu sheegay bayaanka.

Eritrea ayaa sheegtay inay dib u soo celisay xubinimadeeda bishii Juun 2023, iyadoo rajo ka qabta in ururku uu dhegaysan doono baaqa ku aaddan isbeddelka, uuna “saxi doono khaladaadkii hore.”

Beddelkeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in IGAD ay sii wadday inay “ka baxdo ballamaha iyo waajibaadka sharciga ah,” dhaqankaas oo lagu tilmaamay mid aan waafaqsanayn ujeeddooyinkii lagu aas-aasay ururka iyo awooddiisa sharci.

Eritrea ma aysan faahfaahin go’aannada gaarka ah ee ay u aragto inay hareer-marsan yihiin sharciga, balse waxay go’aankeeda ku qeexday mid kama dambays ah, maadaama ay u aragto in ururku ka leexday dhabbihii loogu talagalay.

Si kastaba waxaa la rumeysan yahay in go’aanka Eritrea uu la xiriiro khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, oo loo arko in ay awood gaar ah ku leedahay ururka.

Ka bixitaanka Eritrea ayaa soo koobaya marinnada diblamaasiyadeed ee rasmiga ah ee gobolka, xilli IGAD ay isku dayaysay inay noqoto madal lagu xalliyo khilaafaadka amniga, siyaasadda iyo dhibaatooyinka xuduudaha ee inta badan ka jira Geeska Afrika.

Eritrea ma aysan sheegin inay albaabka u furi doonto wadahadal ama inay dib ugu soo laaban doonto ururka mustaqbalka, sidii dhacday markii hore.   

Turkiga oo xog cusub ka bixiyay saldhiga dayax-gacmeedka Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay hadda ku jirto marxaladda dhismaha saldhiggeeda hawada sare ee Soomaaliya.

Madaxa tiknoolajiyadda ee shirkadda Baykar, Selçuk Bayraktar ayaa sheegay in tani noqon doonto fursad cusub oo labada dal u furaysa bog cusub oo ku saabsan tiknoolajiyada cirka iyo hawada sare.

Selçuk ayaa sheegay in saldhigan ay si wadajir ah u isticmaali doonaan shirkadaha Roketsan iyo Fergani Space, kuwaas oo haatan qorsheynaya in gantaalladooda iyo aaladaha lagu raro dayax-gacmeedyada ay ka bilaabaan Soomaaliya, si ay si madax-bannaan u gaaraan hawada sare.

“Turkigu wuxuu Soomaaliya ka dhisanayaa garoon hawada sare oo ku yaal meel u dhow Dhulbaraha (Equator-ka). Haddii aad leedahay xeeb ku fidsan badweyn, waxaad samayn kartaa meel laga gano dayax gacmeedka,” ayuu yiri Bayraktar ka hadlayay madasha Take Off İstanbul.

Soomaaliya ayuu ku tilmaamay meesha ugu wanaagsan ee laga gani karo dayax-gacmeed. “Adduunka waxaa jira 12 goobood oo noocaas ah. Mid kaliya ayaa haray, midka ugu wanaagsanina waa kan Soomaaliya laga hirgelinayo. Dowladda Turkiga ayaa halkaas ka bilowday dhismaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saldhiga hawada sare ee Soomaaliya uu cabirkiisu dhan yahay 30×30 kiiloomitir oo saldhig hawada sare ah.

“Mustaqbalka, waxaan hiigsaneynaa in aan halkaas ka hawlgelinno gantaalladeenna aan iskeena u soo saarnay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Bayraktar.

Si kastaba, mashruucan ayaa loo arkaa mid horumar weyn u keenaya iskaashiga Ankara iyo Muqdisho, kana dhigaya Soomaaliya mid kamid ah dalalka Afrika ee leh xarun casri ah oo lagu diyaariyo, lagana gano dayax-gacmeedyada.

Beesha Warsangeli oo Mareykanka ka dalbatay magdhawga Caaqil Cumar

0

Badhan (Caasimada Online) – Beesha Warsangeli ayaa magdhow ka dalbatay ciddii dishay caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi.

Waxgaradka beesha Warsangeli oo kulan ku yeeshay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in xaqdarro lagu dilay caaqilka, iyagoo ciddii dishay oo Mareykanka ah ka dalbaday magdhow.

“Xaqii caaqil Cumar waxaa ka sugaynaa ciddii falkaasi geysatay iyo cid walba oo ku lug lahayd. Waxaan aaminsanahay in xaq darro lagu dilay caaqilka,” ayuu yiri Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay.

Sidoo kale wuxuu suldaanku sheegay in uu cagantiisa midig ahaa caaqil Cumar, isla markaana uu ahaa nin cibaado badan oo mar walba ka shaqeeya nabadda.

Caaqil Cumar oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu waaweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxaa 13-kii September 2025 lagu dilay deegaanka Jicanyo, oo ku dhow degmada Ceelbuh. Caaqilka ayaa markaas kusii jeeday degmada Badhan.

Laamaha amniga Puntland oo dhawaan soo bandhigay natiijo baariseed laga sameeyay dilkii caaqilka wuxuu sheegay in uusan wax kayd ama gal dambi ah ka oolin Puntland iyo in uu kaligiis ahaa markii la dilayay.

Duqeynta lagu dilay caaqilka ayaa waxaa sheegtay Mareykanka. Inkastoo taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uusan shaacin magaca qofka uu ku dilay duqeynta, haddana goobta iyo waqtiga duqeyntu ay dhacday ayaa si buuxda ugu beegan halka lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka Sanaag.

AFRICOM ayaa sheegay in uu bartilmaameedsaday shaqsi ka mid ahaa ganacsatada hubka ee kooxda Al-Shabaab, taas oo dhab ahaanshaheeda ay si adag u diideen maamulka gobolka Sanaag oo la hadlay warbaahinta.

Ehellada Caaqilka ayaa horey u sheegay in uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada, iyagoo dalbaday in loo caddeeyo sababta loo beegsaday caaqilka.

Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama mas’uuliyiinta amniga deegaanka iyo ehelkiisa ay sheegeen in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi oo jawaab culus ka bixiyey aflgaadada Donald Trump ee Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin in sharaftooda meel looga dhaco, kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale aflagaado u geystay dadka kasoo jeeda dalkan ku yaalla Geeska Afrika.

Isagoo ka hadlayay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Pennsylvania maalintii Talaadada, kaas oo loogu talagalay in diiradda lagu saaro arrimaha dhaqaalaha, Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday dadka kasoo muhaajira dalalka loo yaqaan “Dunida Saddexaad”.

“Mar kasta waxaan dad ka keennaa Soomaaliya, meelo masiibo ah, sax?” ayuu yiri Trump. “Waa meelo wasakh ah, fool-xun, laga yaqyaqsado, dambiyadana ay hareeyeen.”

Wuxuu intaas ku daray, “Waxa kaliya ee ay ku fiican yihiin waa inay maraakiibta weeraraan,” isagoo ula jeeda falalkii burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa shirkii Golaha Wasiirrada ee Aqalka Cad ku tilmaamay Soomaalida “qashin”, isagoo yiri “waxay kaliya ku mashquulsan yihiin inay is-dilaan.”

Fariin qoraaleed uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Trump looga baahan yahay inuu xoogga saaro fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyey cod-bixiyayaasha Maraykanka “halkii uu ku mashquuli lahaa Soomaaliya.” 

Wasiirka oo muujiyay sida uu uga mahadcelinayo taageerada militari ee Maraykanka ee lagula dagaallamayo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa dhanka kale si cad u diiday sifaalaha iyo aflagaadada uu Trump ku tilmaamay Soomaalida.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa dunida looga yaqaannaa inay yihiin dad shaqo badan,” ayuu yiri Fiqi. “Waxaa lagu yaqaannaa dhabar-adayg marka ay xaaladuhu adag yihiin. Waxay soo mareen dhibaatooyin badan iyo cadowyo kala duwan, oo ay ku jiraan kuwo diiddan jiritaankooda, kuwo laayay, iyo kuwo bahdilayay ama caayayay.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo xiray: “Dhammaantood way ka gudbeen, wayna ka badbaadeen.”

Trump ayaa sii kordhiyay weerarka uu ku hayo Soomaalida wixii ka dambeeyay toogashadii bishii hore lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard) ee Washington, taas oo ku kalliftay inuu ballanqaado joojinta socdaalka dadka ka imanaya dalalka saboolka ah.

Hase yeeshee, dhacdadaas toogashada ah ee Washington waxaa lagu soo oogay muwaadin u dhashay dalka Afghanistan, kaas oo maxkamadda ka hor sheegay inuusan dambiile ahayn.

Trump, oo muddo dheer caan ku ahaa adeegsiga luuqad cunsuriyad iyo midab-takoor ah, ayaa marar badan ku baaqay in dalka laga musaafuriyo Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, taas oo si weyn u dhaliisha siyaasaddiisa, noqotayna muwaadinad Maraykan ah kadib markii ay Soomaaliya kasoo haajirtay 30 sano ka hor.

Dil kale oo la xiriira aano-qabiil oo ka dhacay K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka ka dhacay magaalada Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilkan ayaa waxay koox hubeysan u geysatay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ilyaas Cismaan Xasan, kaasi oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqaysata mootada nooca loo yaqaan Fekon.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxdii dilka geysatay ay isla markiiba ka baxsadeen goobta. Dilkan ayaa daba socda dilal aanooyin qabiil ah oo horey uga dhacay Yaaqbari weyne, sida ay sheegeen ehelka marxuumka la dilay.

Sidoo kale waxay ehellada Ilyaas Cismaan ay dalbadeen in lasoo qabto kooxdii dishay wiilkooda, isla markaana loo mariyo cadaaladda oo loo soo taago maxkamad.

Magaalada Yaaqbari-weyne ayaa muddooyinkan dambe xasilooneyd kadib xabad-joojin la kala dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay halkaasi, iyadoo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabtay is-dhexgalka bulshada.

Dilkan ayaa imanaya xilli magaalada ay ka socdaan howl-gallo lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka hubaysan ee sameeya jidgooyooyinka iyo kuwa ku lug leh dilalka aanooyinka.

Qaar ka mid ah dadka la qabtay ayaa dhawaan loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo ayadu ka go’aan gaareysa kiiskooda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Yaaqbari-weyne, saraakiisha amniga, dowladda dhexe ama dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dilka maanta ka dhacay degmada.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa si weyn ugu soo badanaya dilalka aanooyinka qabiilka, iyadoo bishii hore aagga degmada Wanlaweyn lagu gubay Marxuum Isaaq Daa’uud oo ahaa oday da’ ah.

Dilkaas foosha xun ayaa waxaa kasii dhashay dilal kale oo salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhacay halkaasi, kuwaas oo qaarkood laamaha ammaanka ka howl-galeen. Maxkamadda Ciidamada ayaa dhawaan xukunno adag kasoo saartay dhacdooyinkaas foosha xumaa ee ka dhacay aagga Wanlaweyn.

Maxkamadda oo kiisaskan siisay waqtiyo ku filan, kuna dhageystay xeer ilaalinta iyo sidoo kale qareennada u doodayay eedeysanayaasha ay soo saartay xukunno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi ciidan.

Xasan Buulle Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhammaan raggan ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8M u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure) oo maqanayaal ah ayaa iyaguna lagu xukumay toogasho.

Dhammaantood waxaa iaygana raggan loo haystaa weerar lagu dilay illaa 5 qof, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku qaadeen Ceelka Yaaqbariweyne, muwaadin si fool xun loogu dilay isla Yaaqbariweyne iyo falal kale oo ay kamid tahay jidgooyo lagu dhibaateeyo masaafurka.

Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow oo iyaguna kaalin ka qaatay dhacdadii foosha xumeyd ee muwaadinka lagu gubay ayaa sidoo kale lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxaa ka jira in Soomaaliya ay xiriir la bilowday Israa’iil?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba beenisay inuu jiro xiriir diblomaasiyadeed oo ay la bilowday Israa’iil.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Balcad ayaa meesha ka saaray gabi ahaanba inuu jiro qorshe xitaa xiriir lagula sameynayo Israa’iil, iskaba daa in Soomaaliya ay bilowday.

Wasiir Balcad ayaa sheegay in mowqifka Dowladda Soomaaliya uu yahay mid cad oo aan isbeddelin, isagoo beeniyay warar la xiriiray arrintan oo maalmihii dambe ay baahinayeen warbaahinta Israa’iil.

Beeninta Wasiir Balcad ayaa imaneysa xilli uu Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Israa’iil, Sharren Miriam Haskel-Harpaz u sheegay warbaahinta Israa’iil in ay wada-hadallo la yeesheen dalal badan oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ku jirto.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan meel adag ka istaagtay, iyadoo ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv.

Arrimahan ayaa imanaya xilli Washington ay xulafadeeda dalalka Carabta iyo dalalka kale ee xiriirka diblomaasiyadeed kala dhaxeeya u caadiyeynayso xiriirka Israa’iil.

Mareykanka oo ah dalka taageerada ugu weyn siiya Israa’iil, ayaa muddo isku dayayey inuu heshiis xiriir dhex-dhigo Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil, taasi oo uu sidoo kale Mareykanka ka dammaanad qaaday amniga Boqortooyada.

Maxaa bartilmaameed ka dhigay xerada Dhega-badan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa fiidnimadii Arbacada toogtay nin xirnaa jaakad ka samaysnayd walxaha qarxa, kaas oo doonayay in uu gudaha u galo Xerada General Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayay wararku sheegayaan in uu aad ugu soo dhowaaday xeradaas, ka hor inta aysan ciidamadu toogin, isla-markaana uusan is qarxin.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay: “Ciidanka oo feejignaan buuxda ku jiray ayaa toogtay naftii-halligaha, ka dib markuu isku dayay in uu galo xerada.”

Warka ayaa lagu sheegay in qaraxu uu dhaawac ka soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada xeradaas, iyadoo dhinaca kalena uu talisku sheegay in amniga xerada iyo nawaaxigeeduba uu yahay mid sugan.

“Qaraxaas wuxuu sababay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada xerada. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijinaya in amniga xerada iyo guud ahaan nawaaxigeeda uu yahay mid sugan,” ayaa lagu yiri warka.

Xeradan waxay ku taallaa degmada Wadajir, waxaana lagu tababaraa dhallinyarada loo qaadanayo in ay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Xeradan oo hore loo oran jiray Jasiira ama Warshaddii Nacnaca ayaa waxaa 20-kii bishii November ee sanadkii 2015 loogu magac-daray Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).

Allaha u naxariistee General Dhega-badan ayaa 1-dii bishaasi ku geeriyooday weerar uu qarax ku bilowday oo dabley ka tirsan Al-Shabaab ay ku gashay Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Xeradan ayaa waxaa dhowrkii sano ee u dambeeyay ku soo noqnoqday weerarrada qaraxyada ee ay Al-Shabaab mas’uul ka tahay.

Xeradan ayaa noqotay bartilmaameedka koowaad ee mintidiinta Al-Shabaab, marka loo eego xeryaha kale ee ciidamada ee ku yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, oo sidaas aan ahmiyad badan loo siinin, inkastoo mararka qaar ay xeryahaasi qaarkood weeraraan.

General Dhega-badan ayaa ahaa mid ka mid ah saraakiishii milatariga Soomaaliya ee dagaalka adag la galay Shabaabka, kana saaray dhul ballaaran oo dalka ay kaga sugnaayeen.

Jananka ayaa la sheegaa in saraakiishii xilligiisa uu kaga duwanaa codkarnimadiisii gaarka ahayd iyo in uu si wanaagsan u garanayay xeeladaha dagaalka ee kooxaha argagixisada, taasna ay soo jiidatay indhaha Shabaabka, isla-markaana ay ka dhigtay in uu hadaf u noqdo.

Shabaabka ayaa xeradan u arka mid soo saari karta geesiyaal la mid ah General Dhega-badan, maadaama ay kuwo badan kaga tusaale qaadan karaan sida uu ugu taagnaa dalka difaaciisa.

Dhallinta jecel in ay dalkooda iyo dadkooda u adeegaan ayaa dhageysta codka nool ee jananka ee maanta laga heli karo baraha bulshada.

Waxaa kale oo xusid mudan in askarta lagu tababaro xeradaasi lagu wacyigeliyo in ay waddaniyadda iyo daljacaylka kaga daydaan General Dhega-badan.

Jananka ayaa intii uu noolaa waxa uu ka badbaaday dhowr isku dayo dil ah oo Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku khaarijiyaan.

Isku daygoodii ugu dambeeyay ee fashilmay ee ujeedkiisu ahaa in jananka lagu dilo ayay sameeyeen 7-dii bishii April ee sanadkii 2012, markaas oo nin ka tirsan Al-Shabaab uu la soo xiriiray darawalkii jananka oo ay qaraabo ahaayeen, isla-markaana uu u sheegay in la dabooli doono baahidiisa maaliyadeed, haddii uu u fududeeyo qarax ay qorshaynayeen in lagu xiro gaarigii General Dhega-badan, si saaxadda dagaalka looga saaro.

Darawalka ayaa xilligaasi xogtii la wadaagay jananka, waxaase cajiib ahayd in jananku uu ku booriyay in uu la sii wado xiriirkii uu kala soo sameeyay taleefanka gacanta. Ninkaas oo lagu ballamiyay goob la isla yaqaan ayaa ugu dambayn waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada amniga.

Jananka ayaa qabashada ninkaasi ka dib sheegay in darawalkiisii loo ballanqaaday in la siin doono labaatan kun oo doollar ah oo Mareykan ah ($20,000), balse uusan wax damac ah ka gelin lacagtaas, isla-markaana uu xogta si toos ah ula soo wadaagay.

Shabaabku kama caagin shirqooladii ay u maleegayeen jananka, illaa 1-dii bishii November ee sanadkii 2015 ay ku dileen weerar abaabulan oo ay ka geysteen Hotel Saxafi.

Toban sano ayaa hadda laga joogaa markii uu jananku geeriyooday, waxa weli yool looga dhigaa xerada loogu magac-daray, si aan qarankan uga soo hanaqaadin kuwo Dhega-badan oo kale ah.

Faah-faahinta howlgal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Dhoqor ee gobolka Hiiraan.

Dhoqor, oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada magaalada Baledweyne, ayaa waxaa howlgalka ka fuliyay ciidamo ka tirsan Macawiisleeyda, waxaana lagu soo warramayaa in khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa lagu dilay laba xubnood oo Al-Shabaab ah. Macawiisleeyda fulisay howlgalka ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan hubkii ay wateen ragga la dilay.

Dhoqor, oo ku teedsan wabiga Shabeelle kana xigta Baledweyne qiyaastii 25 km, ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa magaalada iyo deegaannada ku dhow howlgalka ay fuliyeen Macawiisleeyda.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Macawiisleeyda Hiiraan ay fuliyaan howlgal noocan oo kale ah oo lagu beegsado xubno Al-Shabaab ah oo ku sugan qaybo ka mid ah gobolka.

Si kastaba, howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ciidamada Macawiisleeyda Hiiraan ku bartilmaameedsanayaan xubnaha Al-Shabaab ee weli ku sugan bariga gobolka.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Laba toddobaad ka hor ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.