28.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

VIDEO: Maxaa magaalada MUQDISHO ka cusub ka soconaya iminnka?

0

Caasimada Online:  Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan balaaran oo aad loo soo qaban qaabiyay kaas oo aan nuuciisa horay loo arag waxaana lagu tilmaamay mid wax weyn soo kordhin doono.

Kulamadani ayaa socon doono muddo todobaad ah waxaana laga sugayaa miro dhal wanaagsan oo ka soo baxa wada tashiga haweenka Soomaaliyeed ee isaga kala yimid Gobolada dalka ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Gaalkacyo: Dad ku sumoobay saliid oo la dhigay Isbitaalka magaalada

0

Gaalkacyo (Caasimada Online)Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu arkay dad ku sumoobay saliid ay raashiin ku karsadeen.

Guddoomiyaha deeganka Ceel Guula, Cali Baashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in deegankaas lagu arkay dad ku sumoobay saliid ay isticmaaleen wuxuuna intaas ku daray in dadka loo qaaday Isbitaalka ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo saliida ay ku sumoobeen dadkan oo xaaladooda ay u liidato sidda uu sheegay guddoomiyuhu.

Dhacdooyinka noocan oo kale ayaa ka dhaca Soomaaliya wax yaabaha dhaca oo dalka la keeno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

DF Soomaaliya oo maanta soo saartay go’aan dalka looga mamnuucay…!

0

Muqdisho (Caasimada Online)Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah mamnuucday in gudaha dalka laga xuso ciiddaha masiixiga.

Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa caawa laga akhriyay wareegto kasoo baxday Wasaaradda garsoorka iyo Arrimaha diinta oo lagu mamnuucayo in gudaha dalka laga xuso ciiddaha Kirishtaanka

Go’aankan ayaa waxaa si wadajir u soo saaray agaasimaha guud ee wasaarada garsoorka iyo arrimaha diinta iyo agaasimaha waaxda diint,kuwaasoo shir ku yeeshay Muqdisho, waxaana ku faah-faahiyeen in ciiddahan ay gaar u lee yihiin dadka aan muslimka ahayn ee heesta diinta Kirishtaanka.

Agaasimaha waaxda arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya Shiikh Cali Maxamuud ” Shiikh Cali dheere” ayaa yiri“Umadda islaamka waxaan la socon siineynaa in maalmahan ay socdeen feesto sanawi ah oo ka bilaabanaysa 25-ka bishaan oo ah xuska ciidda masiixiga, marka bulshada si hufan ula socdeen xuska masiixiga ah in aan la sameyn karin”

Ugu dambeyn waxaa la amray hey’addaha ammaanka dalka in aan dalka laga xusi karin, waxaana shacabka loogu baaqay in ay ka dheeraadaan goobaha xafladaha lagu qabanaayo.

Ma cadda wax yaabaha keenay go’aankan sidan u culus in dowladda ay u soo saartay, balse waxaa sheegis mudan in magaalada ay ku soo laabteen Soomaali badan oo ka timid waddamada qurbaha.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa kasoo baxay mooshinkii la hor geeyey xildhibaanada BF Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta lahaayeen baarlamaanka dowladda faderaalka ayaa waxaa lugu joojiyey mooshin ka dhan ah Isbedel Ku Sameynta Gudiyada Joogtada.

Kulankii shirka oo uu u furay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur iikar ayaa xildhibaannada u sharxay ajandaha kulanka ee maanta oo ku saabsanaa in la ii ambo qaado dooda la xiriirta mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ahaa in la muddeeyo xilka gudiyada joogta ah ee baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooda kaddib ku dhawaaqay natiijada xildhibaanada codeysay ayaa sheegay in ay u codeysay 133 mudane, ayna jiraan xildhibaano aan cod siinin.

“Tirada guud ee xildhibaannada u codeysay mooshinkaan ayaa ah 133 mudane, iyadoo 10 mudane aan codkooda dhiibanin, taasi oo tirada guud ay ka dhigtantahay 143 mudane, waxaa ogolaaday in mooshinkaasi lagu kordhiyo xeer hoosaadka 21, waxaa diiday 88, waxaana ka aamustay 24, tirade guud ee codeysay waa 133 mudane, sidaa daraadeed sida uu qabo qodobka 84aad ee xeer hoosaadka baarlaamaanka mooshinkaan meel mar ma ahan” ayuu guddoomiyaha hadalkiisa ku daray.

Waxaa ay baarlamaanku ku ballaamen maalinta berito oo arbaco ah ay inay ka dodi doonaan habka nidaamka axsaabta dalka, oo guddoonka baarlamaanka kal hore u iclaamiyay in nidaamka axsaabta laga dooni doono si sanadka 2016-ka dalka laga hirgeliyo doorasho xor ah oo ay ka qeyb qaadan karaan dhamaan nidaamka axsaabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ergo ka soo jeeda Jubbooyinka oo ku biiraya shirka ka socda Baydhaba

0

Kismaayo (Caasimada Online) Ergooyin ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay ku biiri doonaan shirka ka socda magaalada Baydhabo halkaasoo iminka uu ka socdo shir looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameeyo gobalada Koonfur Galbeed.

Maxamed Jaamac Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay ku biiri doonaan shirka Baydhabo “Maadama looga hadlaayo masiirka gobaladaas” ayuu yiri.

“Annoo ku hadlay magaca Jubbooyinka kana mid ah dadka ka soo jeeda waxaan rabnaa in aan ka qaybaglo shirkaas maadama uu yahay shir muhiim ah” ayuu yiri isagoo la hadlayay Idaacad ku taalla Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo ergo ka soo jeeda Jubbooyinka ay sheegaan in ay ka qaybgali doonaan shirka ka socda magaalada Baydhabo, waxaana horre shirka ugu biiray ergo ka socda gobalka Gedo.

Shirka Baydhabo ayaa la sheegay in maamul loogu sameen doono gobalada Baay, Bakool, Shabellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. balse arrintaas waxaa diiddan xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Doorashada maamulka P/LAND oo laga deyrinaayo iyo cabsi jirta, “Sabab?”

0

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa laga deyrinayaa doorashada madaxweyninimada maamulka Puntland, kaddib markii ay soo kordheen weerarada lagu qaaday musharrixiinta.

Habeenkii xaley ayaa gurri uu dagan yahay musharraxa Cali Xaaji Warsame waxaa weerar ku qaaday ciidamada badda ee Puntland oo ka amar qaata madaxtooyada Garoowe.

Cali Xaaji oo la hadlay VOA ayaa sheegay ilaaladiisa iyo ciidamada badda ay is rasaaseeyeen, isagoona intaas ku daray in wax khasaaro ah aysan ka dhalan sida uu hadalka u dhigay.

“Waa arrin ayaan daro ah in ciidamo gaar ah ay ammaanka magaalada la wareegaan, waxaa lagu heshiiyay im ammaanka doorashada ay suganaan ciidamo uu maamulo Gen Saciid dheere, mana ahan ciidamada madaxtooyada iyo kuwa badda ay baaraan dadka u socda musharrixiinta mana ahan arrin qurux badan” ayuu yiri.

Wuxuu madaxweyne Faroole ku eedeeyay in uu doonayo siddii uu ka salaxan lahaa doorashada isagoo xoog isticmaalaya.

Si kastaba, waa weerarkii labaad oo ciidamada ka amar qaata madaxweyne Faroole ay weerar ku qaadaan musharrixiinta u taagan doorashada Puntland.

Goor horre oo maanta ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay wuxuu ugu baaqay musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimo ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka inay si wada-jir ah u wada shaqeeyaan iyo muddadii loogu talagalay doorashada in ay ku dhacdo.

Ma cadda sida uu xaalka noqon karo iyadoo khilaafka musharrixiinta iyo madaxweyne Faroole uu cirkaas maraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Liiska horu-dhaca ee golaha wasiirada cusub oo la helay (Aqri 22 wasiir)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada wararka ee kasoo baxa magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa maanta daabacay liis horudac ah oo ah golaha wasiirada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh uu soo dhisayo.

Liiskan ma ahan kan rasmiga ee kama dambeysta, hase yeeshee waa mid ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ay weli ka wada hadlayaan, waxaana suurta gal in qaar ka mid ah wasiirada la beddelo.

Xubnaha wasiirada ee illaa iyo hadda liiska lagu qoray ayaa waxaa ka mid ah:-

1 – Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden, ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda

2 – Faarax Sheekh Cabdul Qaadir, wasiirka qorsheynta qaranka, iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah

3 – Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Amniga Qaranka iyo arrimaha gudaha

4 – Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.

5 – Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashandhigga

6 – Jamaal Maxamed Barrow, Wasiirka Warfaafinta

7 – Maxamuud Axmed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

8 – Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka horumarinta iyo Isku dibba ridka deeqaha caalamiga

9 – Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Xiriirka Golayaasha Dowladda

10 – .Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Boostaha iyo Isgaarsiinta

11 – Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiirka Haweenka iyo daryelka qooyska

12 – Dr. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Caafimaadka

13 – Yuusuf Macalin Baadiyoow, Wasiirka Biyaha iyo Beeraha

14 – Cabdi Kariin Xasan Jaamac Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta

15 – Muxiyadiin Kaalmooy, Wasiirka Dib u Dhiska iyo Howlaha Guud iyo Guryeynta

16 – Gen Faarax Qare, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda

17 – Shiikh Axmed Siciid Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

18 – Cabdulaahi Abyan Nuur, Wasiirka Cadaallada iyo Garsoorka

19 – Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiirka Distuurka iyo Arimaha Fedraalka

20 – Axmed Sheekh Mukhtaar, Wasiirka dhaqan celinta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

21 – Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, Wasiirka Hiddaha, Tacliinta sare iyo Cilmi barista

22 – Cabdiraxamaan Kulmiye Xirsi, Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Dekadaha

Waxaa jira illaa dhowr wasaaradood oo kale oo aan weli go’aan laga gaaray, ayada oo la filayo in golaha wasiirada ay noqdaan illaa 25.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QM oo war XASAASI ah maanta ka soo saartay doorashada PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa mar kale ku baaqay in Puntland ay ka dhacdo doorasho macquul ah oo horseedi karta Puntland in ay yeelato nidaam maamul iyo mid baarlamaan marka 8-Janaayo sannadka dambe oo ah xilliga la qorsheeyay in ay dhacdo doorashada madaxweynnimada.

Danjire Kay ayaa u jeediyay musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimo ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka inay si wada-jir ah u wada shaqeeyaan iyo inay u diyaargaroobaan sameynta tanaasullo adag.

Nicholas Kay wuxuu sheegay in howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu gacan ka geystay dhexdhexaadinta iyo dadaallada wada-xaajoodka, wuxuuna rajo ka muujiyay in dhammaan musharraxiinta ay ka go’an tahay qabsoomidda doorasho nabadgelyo ah oo xalaal ah.

Wuxuu ku boorriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh doorashada Puntland inay wada-shaqeyn la yeeshaan taliyaha ciidanka Puntland, Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi Dheere, oo mas’uul ka ah ammaanka doorashada, wuxuuna u jeediyay dhammaan musharraxiinta inay ololahaooda u fuliyaan qaab mas’uuliyadi ay ku dheehan tahay si loo taageero qabsoomidda doorasho nabad ah.

Wuxuu carrabka ku adeeyay inay muhiim tahay xaqiijinta ammaanka musharraxiinta, inay si xor ah u sameyn karaan ololehooda doorashada, ayna si siman u isticmaali karaan warbaahinta.

Ugu dambeyn Danjire Kay wuxuu sheegay inuu si dhow ula socon doono sida ay wax uga dhacayaan Puntland xilligan lagu jiro doorashada, isagoo sheegay inuu sameyn doono dadaal kasta oo uu ku taageerayo Puntland inay ka dhacdo doorasho nabdoon oo xor ah.

Si kastaba, hadalka Kay ayaa ku soo aadaya iyadoo habeenkii xaley la sheegay in mid ka mid ah musharrixiinta Puntland lagu weerarray gurgiisa, waa weerarkii labaad oo lagu qaado musharrixiinta kuwaasoo ay ku qaadeen ilaalada madaxweynaha Puntland sida la sheegay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Muqdisho Maanta waa Sidan?

0

Caasimada Online: Kunanaan Shacabka reer Muqdisho ayaa isugu yimid Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxeeyna doonayaan in ay muujiyaan Dareenkooda ku aadan rabitaanka & sida ay u doonayaa Dowladnimo.

Ma aamineeysid in Shacab intaa la eg ay isugu yimaadaan Degmo ka mid ah Gobolka banaadir ee Magaalada Muqdisho waxeeyna taasi ku tusineysaa in Wadanka Nabadd & Nolol uu galay ee nala daawo adaa qiiroon doonee…

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Somalia oo K/Sudan kala soo baxaysa muwaadiniinteeda uga xayiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa ka warbixisay qorshe ay ku dooneyso in ay ku so daad gureyso Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfurta Sudan oo muddo ka badan toddobaad ay ka socdaan dagaallo.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Muqdisho kaddib markii socdaal shaqo iyada wasiiradda arrimaha dibedda IGAD ay ku tageen Koonfurta Sudan ayaa sheegtay in waddamada gobalka kala hadashay siddii loo soo badbaadin lahaa Soomaalida ku go’doonsan dalkaas.

Waxay sheegtay intii ay joogtay Juba in ay kulamo gaar gaar ah la qaadatay lix wasiir oo ka tirsan IGAD kuwaasoo ay ka codsatay in Soomaalida ku xayiran dalkaas la soo badbaadiyo loona furo xuduudaha.”Waa ay iga oggoolaadaadeen” ayey tiri.

Wasiirka ayaa sheegtay in labo qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen colaadda ka taagan dalka South Sudan isla markaana qof kale uu ku dhaawacmay.

Waxa ay sheegtay 10kun oo Soomaali ah in ay ku nool yihiin dalka Koonfurta Sudan kuwaasoo u badan ganacsato, waxaa kaloo ay sheegtay Marwo Fowsiyo in 120 qof oo Soomaali ah ay ku jiraan xero ay joogaan ciidamada Qaramada Midoobay.

Ugu dambeym wasiirka ayaa sheegtay in Soomaalida ku nool dalka Koonfurta Sudan ay yihiin kuwa isku xiran oo iska war qaba lana shaqeeya safaarada Soomaalida ee ku taalla Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

War farxad leh oo dhinaca dhaqaalaha ah oo usoo yeeray dowladda Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) Shirkadda Favori LLC oo ah shirkadda laga lee yahay dalka Turkiga ee dhawaan lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), ayaa sheegtay in uu kor dhay dhaqaalaha dowladda ay ka hesho garoonka tan bishi September markaas oo maamulka garoonka lagu wareejiyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Favori ayaa lagu sheegay seddaxdii bilood ee la soo dhaafay in qasnada dowladda ay ku dhacday 1.1 Milyan iyo shan boqol dollar, taasoo ka soo xarootay garoonka diyaaradaha Muqdish.

Axmed Katin oo ah madaxa Shirkada duulimaadyada FAVORI ayaa sheegay in ay ka go’antahay siddii ay gacan uga geesan lahaayeen horrumarka dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay hadda wadaan ballaarinta Terminalka garoonka iyo dhabo cusub oo diyaaradaha ay soo degi karaan laga sameeyo garoonka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirkada ay ka go’antay kor u qaadida dakhliga dowladda ka soo galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shirkadda ayaa sheegtay tan iyo markii ay la wareegtay howsha garoonka seddax bil ka hor in dakhliga garoonka uu kordhay 50%, iyadoona sheegtay in ay fileyso ilaa bartamaha sannadka dambe ee 2014 in uu ku darsam 40% sida lagus heegay war-saxaafadeedka.

Shirkadda Favori ayaa sheegtay in ay ballaarin doonto mashaariicda ay ka wado garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay hadda adeegsadaan 42-shirkadood oo ah kuwa diyaaradaha.

Celcelis ahaan shirad cusub ayaa toddobaadkii ku soo biirta garoonka diyaaradaha Muqdishosod sida lagu sheegay war-saxaafaddedka.

Si kastaba, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa hadda waxaa ka socda dhismo lagu doonayo in lagu casriyeeyo in xitaa diyaaradaha ay ka kici karaan habeenkii marka loo sameeyo nalalka garoonka lagana dhigo mid ka mid ah garoomada ugu casrisan waddamada caalamka.

Turkiga waa dowladda kaliye ee howllo dib u dhis ah ka wada dalka, waxa ay dib u dhiseen qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Faarax Cabdul Qaadir oo 3 xil oo is-wata ka raba xukuumadda cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha madaxtooyada Somalia Faarax Cabdul Qaadir, ayaa ugu yaraan saddex xil oo is wata ka doonaya dowladda cusub ee uu soo dhisi doono ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ilo xog ogaal ah ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Faarax Cabdul Qaadir, ayaa doonaya inuu noqdo wasiirka qorsheynta qaranka, iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah iyo sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeen, xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono.

Sida ay xubno ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online, wada-hadallo arrintaas ku saabsan ayaa hadda u socda madaxeyne Xasan, ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax Cabdul Qaadir.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaa la sheegaya in labadaba ay ka caga jiidayaan dalabyada Faarax, oo ay u arkeen kuwo aan macquul ah, maadaama dowladda ay isku dayeyso inay xilal ku qanciso beelo badan.

Lama oga halka ay arrintan ku dambeyn doonto, balse Faarax Cabdul Qaadir ayaa ah saaxiibka koowaad ee madaxweynaha iyo ninkii ka dambeeyey magacaabista ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DEG DEG: Xaalka MUQDISHO oo saaka ka duwan sidii hore (Maxaa ka socda?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka billowday howgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in howgalka si weyn looga dareemay magaalada gaar ahaan degmooyinka Hodan, Dharkeyley iyo Wadajir.

Waxaa la arkayaa ciidamo fara badan oo degmooyinka gudaha ugu jirra kuwaasoo howgallo ka wada goobahaas, waxaana ay ku soo qabqabteen dhallinyaro badan.

Howgallada saakay ka socda degmooyinkan ayaa la sheegay in ay saamen ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadidka waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Ma cadda ilaa hadda waxyaabaha uu salka ku hayo howgalka saakay ka socda qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Baabuur shabaqlayaal ah ayaa lagu arkayaa goobaha howgallada ay ka socdaan dadka ayaana cabsanaya oo ka walwalsan sida ay xaalada noqon doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

XOG IYO GORFEYN: Saacid loo darsan maayo…Laakiin Cabdi-Wali Sheekh?

0

Anigu ma qabo in Saacid loo darsan doono! Wax dhici karaba ilama aha, oo maxaa loogu darsan haddaad aqristow adigu garanayso? Saacid haddii loo darsanayo shaki la’aan cidda keliya ee u darsan lahayd waa madax-weynaha isagii baana ku yiri is Cazil, mid iyadu shaki kuma jiro, in madax-weynaha iyo barlamanaka labadaba aysan Saacid u erin dano Soomaaliyeed ama qaran taas iyadu waa caddahay, hadana waxaan qabaa in laga raysto mooyee inaan marna Saacid loo darsanayn! Balse la arki doonee…..

Ismaanan lahayan Xasan SHiikh Max’ud baa maalin keliya Saacid wax ku gensaday, balse waa dhacday!! Ismaan lahayn dhaqsahaas buu ku soo magacaabayaa ra’iisal wazaare (December2-12) oo uu ku heli karaa qof Saacid u bedela, laga yaabo inuusan Saacid oo kale u noqon balse waa dhacday!!, Ismanaanan lahayn qof arkay sida Saacid ugu hoggaansanaa Xasan iyo sida uu ula dhaqmay baa Xasan ka yeelay inuu ra’iisal wazaare u noqdo balse waa dhacday!!…waa wax lala YAABO!

*Saacid iyo Xasan ismaba qaban!*

Xasan iyo Saacid maalin keliya isma qaban, waana ognahay oo qof kasta waa ka dheregsanyahay in Xasan SHiikh Max’uud ahaa Madax-weynaha isla markaasna ah r’iisal-wazaaraha dowladda federal-ka Soomaaliya, hasa yeeshee dhibaatadu waxay bilaabatay sida ay tilmaamayaan wararka soo baxay markii Faarax Cabdulqaadir waziiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada uu bishii hore November ku soo laabtay magaalaada Muqdisho isagoo wada olole ka dhan ah SHir-doon, xilli ay Xasan SHiikh iyo Saacid ku mashquulasnyihiin isku shaandhaynta waziirrada, taasina waxay keentay in Xasan SHiikh oo aan waligiis waxba ku gensan uu Saacid ka codsado inuu is cazilo.

Faarax, waziiru-dowlaha, ayaa madax-weyne Xasan uga haray Maraykanka markii uu ka qayb geliyay kulankii guud ee Qarammada Midoobay ka dibna sida la sheegay wada tashiyo la soo sameeyay qaar ka mid ah qurba joogta ay xulafada yihiin ee ku nool dalalka Maraykanka iyo Yurub, talada SHir-doon looga hor yimidna sidaas ay ku dhalatay.

*70 qof sooma raadsan xilka ra’iisal-wazaaraha!*

Inta la ogyahay jagada ra’iisal wazaaranimmada madax-weynaha ayaa baadi goobay qofka loo magacaabayo, mana jirin dad ku soo yaacay jagadaas, sababta ugu weyn ee aan loo raadsan xilkaas waxay ahayd iyadoo ay adkayd si loo helo qof aqbali kara dabeecaddii uu ku shaqayniyay ra’iisal-wazaarihii hore SHir-doon, laakiin waxaa jirtay in raga madax-weynaha ku dhow-dhow ay isku qabteen dhowr qof sida Xalane, iyo Giin-jeex iyo Cabdi-wali SHiikh.

Magacaabista Cabdi-Wali SHiikh ayaa sida la sheegay waxaa soo jeedinteeda lahaa Cabdullaahi Max’ed Cali (Sanbalooshe) oo ay dadka yaqaano rumaysanyihiin inuu yahay xubinta ugu muhiimsan la taliyeyaasha madax-weyne Xasan SHiikh, waxaana Sanbalooshe uu aad uga dhex muuqday heshiiskii lala galay maamulka Jubba ee Addis Ababa ka dhacay, sidaasoo kalana Xasan SHiikh wuxuu ahaa ninka keliya ee la taliyeyaashisa ka mid ah ee safarkii uu Kismaayo ku tegay ku wehliyay marka laga reebo waziirka arrimaha gudaha, isagoo markaas ka soo duulay dalka Ingiriiska.

*Jawaari ma la moodaa af-hayeenkii madaxtooyada!*

Barlamaanka oo la dhihi karo war moog buu ahaa, hawlaha golaha fulinta ka dhex socdana dad-weynaha caadiga ah kala mid ah oo aan waxba ka war hayn, si aad ahna loogu dhaliilo hawshoodii sharci ilaalinta ahayd inay ku bedesheen madax-weyne ilaalin, baa iyagana ku shaqeeyay mooshinkii ay waziirka xafiiska madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo madax-weynaha soo diyaariyeen.

Waxaa laga yaabaa inaad is leedahay qoraaga muxuu ku cadayn karaa in barlamanka madax-weynaha ilaalinayo? U malayn maayo inay taasi wax qarsoon tahay, immisa jeer baa Jawaari, af-hayeenka golaha shacabku uu difaacay Xasan SHiikh, waliba si qayaxan, mar waxay ahayd markii xil-dhibaano uu hoggaaminayay Cali KHaliif Galayr ay mooshinka ka keeneen heshiiskii ay dalka Turkiga ku saxiixdeen Siilaanyo iyo Xasan SHiikh, markaasoo uu si cad u laalay mooshinka, balse is weydiiyoo maxaa hadda loogu diiday Cabdi Faarax SHir-doon inuu barlamanka la hadlo ka hor intaysan go’aan ka gaarin?! Waa hubaal dad badan baa aaminsan inuusan waxba macno badan sheegeen, laakiin mas’uul huwan xil heer r’iisal wazaare ah, haybaddii qaranka huwan, mooshin ka yaal oo rabo inuu is-difaaco sababta loogu diiday haddii aysan ahayn ilaalin madax-weyne… sababta Af-hayeenka iyo golaha xil-dhibaannada aan ka sugno!…Mise aragtay isla markiiba siduu u shaqeeyay ololihii uu Faarax Cabdulqaadir ka dhex sameeyay golaha shacabka si loo rido ra’iisal-wazaare SHir-doon?!….

Tegista Saacid waa rajadii dalka oo soo noqotay, Cabdi-Wali SHiikh Axmed ra’iisal wazaaraha cusub waxaa laga sugayaa wax qabad u baahan dhiiranaan iyo dhabar adayg, waana inuu maanka ku hayaa in arrimaha dalka ka jira aysan fududayn, dowladda hadda jirtaa oo uu ugu horeeyo madax-weyne Xasan taladeedu waxay ku soo ururtay inay dib dalkii ugu celiyaan burburkii uu ka soo kabsanayay.

Waxaad wax kasta ku qiyaastaa odayga adeer ah ee ilaa xilligii kacaanka wax soo maamulayay Max’ed Cusmaan Jawaari oo ah af-hayeenka golaha ilaaliya danaha shacabka (Xil-dhibaannada ) maalin keliya waxba kama oran dadka lagu gummaaday gobollada SHabeelaha –Dhexe iyo SHabeelaha-Hoose, waana arrin muhiim ah oo ka mid ah adiga laftaada ka ra’iisal-wazaare hawlaha ku sugaya.

*SHabeelooyinka!*

Waxaa arrin maskaxda ka weyn ah adigana ku hor taal in madax-weynaha uusan marna ka jawaabin cabashooyin uga yimid odayaasha dhaqanka ee SHabeelaha-Hoose, SHabeelaha-DHexe, iyo Hiiraan iyagoo ka eed sheeganaya dagaalo ay kuy soo qaadeen ciidammada huwan magaca dowladda iyagoo ka amar qaadanaya waziirka arrimaha gudaha iyo midka gaashaan-dhigga oo aan iyagu marna waxba ka oran eedaha laga tirsanayo, aamusnaantoodana loo macnaysan karo inay wax ka jiraan eedaymaha loo soo jeedinayo.

Cabdi-Wali SH. Axmed, waxaa looga baahanayahay lahjadaha Soomaaliga uu ku hadlayo inuu ka daro inuu fahmo lahjadaha siyaasadeed ee uu soo dhex galay ra’iisal-wazaarihii ka horeeyeyna aan u malayniyo inusan waxba ka fahmin, waxaa looga baahanyahay inuu qorshe la yimaado, inuu ku shaqeeyo xukuumaddiisana ay u hogaansanto dastuurka iyo xeerarka dalku leeyahay ee lagu heshiiyay, inuu si buuxdo ugu shaqeeyo awoodda qaynuunka dalka uu siiyay dhabarkana u rito eedda xilka uu qaaday isla markaasna uusan ka cararin si uu u raali geliyo qof aan ka xaq badnayn ummadda dastuurka ku heshiisay inteeda kale

Nin kasta oo innaga mid ah wuu garan karaa madax-weynaha sidii uu u dhaqmayay intii uu joogay ra’iisal wazaare SHir-doon, madax-weyne, ra’iisal wazaare….Wax Kasta isagaa ahaa, waxay is weydiin ka taagantahay ninka intaas og oo waqtiga sidaas u gaaban ku waafaqay Xasan SHiikh inuu la shqeeyo!…Muxuu ogyahay? Waayo way cadahay Xasan SHiikh ninkii la shaqaynaya waa inuu sidii Saacid ahaadaa ama waa inuusan imaan!

*Alle ha u naxariistee dilkii xil-dhibaan Faysal: golaha shacabka yam! ma la haystayaal baa?!*

Alle ha u naxariistee xil-dhibaan Max’ed Warsame Max’ed (Faysal) ciddii dishay ilaa iyo hadda lama yaqaan, waxaa la sheegay in illinka madaxtooyada lagu dilay, cidna looma qaban, cidna laguma eedeyn, sababo dhawr ah ayaa la qiyaasiyaa sida la yiri in loo dilay; sida isagoo aan gabban jirin sida waajibka xil-dhibaanka laga rabo yahay, markii u dambaysay wuxuu la safnaa ra’iisal wazaaraha la riday Saacid, wuxuu u ololeeyay in mar haddii la riday ra’iisal-wazaarihii iyagana sidaaoo kale aan la soo xubnihii golihii waziirradiisa….in dilkiisa ay ka dambaysay arrimo siyaasadeed ciddii la doonaba ha lagu eedeeyee…

Waxaase yaab ah! Maxaa loo aamusanyahay xukuumaddii iyo barlamankii uu ka tirsanaa intaba waa iska aamuseen Yam! Saacid baaritaan ma samayn, madaxtooyada cidna uma xil saarin baaritaan,hay’adaha ammaanka waxba kama soo qaadin, ma moodaa in raali laga wada ahaa dilkiisa?! Si kastaba ha ahaatee ra’iisal-wazaare Cabdi-Wali waxaa looga baahanyahay inuu tix geliyo codsigii marxuumka ee ahaa in qofna aan laga soo celin golihii waziirrada ee ra’iisal wazaarihii hore….waa wax laga xummaado barlamaan ay aamusan yihiin xildhibaannadiisa iyaga oo arkaya xadgudubyo ka imaanaya golaha fulinta oo u baahan in qeynuunka lagu xakameeyo .

*SHaki “Lixdii tiir ee madax-weynaha baan ku shaqayniyaa!”…Halis!…Oo Dastuurkii aaway?!*

Dad ilaa dhowr ah oo yaqaan ra’iisal wazaaraha cusub Cabdi-Wali SHiikh Axmed, oo waliba qaarkood ay iskala soo shaqeeyeen mashruucii Suuq-geynta Xoolaha, oo ahaa mashruuc dalka ku cusub oo uu madax ka ahaa Cabdi-Wali SHiikh Axmed waxay isku raaceen inuu aad uga shakhsiyad duwanyahay SHir-doon, waxayna tilmaameen in xagga fikirka siyaasadda ay aad isugu dhowyihiin madax-weynaha Xasan SHiikh, taasina aysan waxba ka bedelayn marin habowga uu madax-weynaha ku sameeyay siyaasadda dalka, waxaana hadda taas u marqaati kacay khudbaddii uu ka jeediyay barlamanka, taasoo uu ku sheegay inuu dastuur ka dhiganayo 6da tiir ee uu madax-weyne Xasan SHiikh samaystay si uu dastuurka uga baxsado.

Cabdi-Wali intii uu ka hadlayay barlamanka marna ma oran dastuurkaan ku shaqayniyaa, laakiin sida muuqatay kalsoonida uu raadinayo oo dhan waxay ku qotontay inuu madax-weyne Xasan SHiikh ku qanciyo inuu isaga talada uga dambayn doono, ra’iisal-wazaaruhu fahamkiisu haddii uu sidaas yahay waa halis weyn oo soo korodhay, Halis!…haddiise uu hadalka ku sibqaday waxaan xasuusinaynaa waxa ummaddu ugu fadhiso inaysan ahayn inuu ku shaqeeyo 6da qodobka ee madax-weynuhu jeebkiisa kala soo baxay si dastuurka loogu bedelo, laakiin waa inuu ku shaqeeyaa dastuurka lagu heshiiyay.

Waxaana xasuusin lahaa ra’iisal-wazaaraha cusub xilka shalay loo ansaxiyay, haddii ay madax-weynaha yo waziiru-dowlihiisa Faarax Cabdulqaadir, barlamanka ka soo dhameeyeen in xilkaas loo ansaxiyo inaysan taas macnaheedu ahayn inuu iyaga xilka u hayo ee ummadda Soomaaliyeed ay leedahay xilka iyadana loo hayo, ra’iisal wazaaruhu waa inuu indhaha kala qaadaa habeen iyo maalinna ka fekeraa sidee ummadda dhibta looga saaraa, ammaankooda sidee loo sugaa, waa inuu dareemayaa xanuunka dadkiisu dareemayaan, waa inuu xalka ugu horeeyaa ka keenaa ciidammada xukuumadda uu madaxda u yahay ee ku duulay gobolada SHabeelaha-Hoose iyo SHabeelaha-DHexe..

Cabdi-Wali SHiikh Axmed, dad badan waxay rajo ka qabaan in wax un is-bedeli doonaan, isla markaasna uu gudan doono waajibaadka iyo xilkiisa ra’iisal-wazaarenimo,waxayna rajo weyn ka qabaan in arrimuhu ay wax weyn iska bedeli doonaan sida ay hadda tahay, si kastaba ha ahaatee, waxaa aad ugu rajo weynaha y in ra’iisal wazaaraha cusub uu xilkiisa gudan doono isagoo dastuurka raacaya loogu han- weynyahayna uga soo dhalaali doono xilka uu ummadda u qaaday.

W/Q: Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Dowlada oo war farxad leh u sheegtay Soomalida ku go’doonsan K/Sudan

0

Juba (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay, soo daad gureynta qaar ka mid ah muwaadhiniinteed ku nool wadanka Koonfurta Sudan, oo ay muddo ka badan todobaad ka badan ka socdeen dagaalo.

Shaafici Nuur Cali Faarax oo ah xoghayaha koobaad ee safaarada Soomaalida Juba ayaa sheegay in ay billaabeen siddii ay u soo daad gureen lahaayeen Soomaalida ku go’doonsan goobaha lagu dagaalamayo sida Bor.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay in howsha daad gureenta ay kala kaashan doonan hey’addaha Qaramada Midoobay ee fadhigooda uu yahay magaalada Nairobi.

Waxaa la weydiiyay sababta hadda uu keentay in ay ku soo baraarugaan in ay muwaadiniintooda la soo baxaan iyadoo dagaalka uu socdo muddo ka badan toddobaad? wuxuu sheegay in tan iyo xilligaas ay wadeen qorshayaan bal u suura gallinaya in ay la soo baxaan muwaadiniintooda.

“Waxaan billownay in aan diiwangalino dadka ku xayiran goobaha dagaalada ay ka socdaan, kuwa warqadaha sharciga heesta waxaa loo dhoofin doonaa meelaha ay ka yimaadeen kuwa aan heesan waxaa loo sameen doonaa warqada Go Home” ayuu yiri.

Mar la weydiiyay tirada Soomaalida ku go’doonsan xerada qoxootiga ee ku taalla magaalada Bor ? wuxuu sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 128-qof kuwaasoo muddo toddobaad ah helin cunto iyo biyo.

Si kastaba, waxaa jirra boob iyo bililiqo loo geestay xarumaha ganacsiga ee Soomalida lee dahay kuwaasoo ku yaalla goobaha lagu dagaalamayo sida ay lee yihiin Soomaalida ku nool dalkaas.

Dhinaca kale,warbixinno cusub oo ka hadlayo dagaalada ka socda dalka Koonfurta Sudan ayaa sheegaysa in halkaas ay ka dhaceen xasuuq dad badan oo ah dadka ku nool dalkaas iyo ajaaniibta, waxaana geestay dhinacyada ku dagaalamaya dalkaas.

Waddamo badan ayaa fursad u helay muwaadiniintooda in ay kala baxaan dalka Koonfur Afrika, balse Soomaalida ma jirto cid u maqan.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Toddoba qodob oo MUHIIM ah oo DF SOOMAALIYA dib loogu habeynayo

0

Markii la soo dhisay Dowladda Federaalka muddo haatan laga joogo dhowr iyo Toban Sano wali ma muuqato dowlad leh Haykalkii iyo Haybaddii lagu yaqiinay dowlad, Waxaana tusaale u ah xaalka uu Wadanku marayo haday ahaan lahayd dhinacyada Amniga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Dowladi waxa ay dowlad ku tahay waa in ay leedahay Haykal iyo Haybad dowladanimo,haddii la waayana meeshaasi dowladi kama jirto,haddii la rabo wax hala iska sheegto,Waana sababta igu kaliftay inaan Maqaalkan qore talona ka geysto sidii loo heli lahaa dowlad rasmi ah oo u qalanta Umadda Soomaaliyeed.Bal aan ka hadlo Dowladda Maanta jirta.

Dhinaca Haykalka

Markii lasoo dhisay Baarlamaanka hadda jira sidoo kalena la soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la filaayey inuu dhaco isbadal ballaaran oo xowli ku socdo maadaama laga baxay Ku-meelgaarkii laakiin waxaa muuqaato in isbadalkii la filaayey uusan dhicin.halkii Sano ee meesha la fadhiyeyna waxaad mooddaa in lagu dhameysatay dibad wareeg iyo Idaacad iska xayeysiin.

Dowladda dhowr iyo Tobanka Sana jirtay maanta ma lahan Wasaarado si fiican u dhisan oo leh wixii ay Wasaaradi u baahneyd haday ahaan lahayd xaruntii lagu shaqeynayey iyo Shaqaalihii aqoonta u lahaa shaqada la qabanayey.Anigu kama hadlayo Wasaarad magac u yaal ah iyo Wasiir cheap ah.

Sidoo kalena Dowladdu ma lahan Ciidamo Qaran oo leh astaantii lagu yaqiinay ciidan, kuwaas oo hanan kara amaanka Dalka,kama hadlayo Maleeshiyo beeleed huwan magac dowladeed sida kuwa jooga Muqdisho,Shabeelada Dhexe,Shabeelada Hoose,Baay/ iyo Bakool,Gedo,Jubooyinka,Hiiraan iyo Galgaduud.

Waxaa sidoo kale aan jirin Af-hayeeno ay leeyihiin Wasaaradaha qaar sida Wasaaradda Gaashaandhigga,Arimaha Dibadda,Arimaha Gudaha iyo Boliiska,waxaana shaqadii Af-hayeenadaasi qaatay Wasiiraddii kuwaas oo maalin kasta aad arkayso Iyagoo ka qeyb galayo doodo aan ku habooneyn qof Wasiir sheeganayo.

Ma jiro Garsoor dhisan haddii uu dhisan yahayna waa mid daciif ah, Sidoo kalena kama wada jiro dhamaan Gobolada hoos yimaado Dowladda,waxaa sidoo kale aan jirin Wakiilo ay leeyihiin Wasaaradaha oo ka shaqeeyo Gobolada Dalka iyo Degmooyinkiisa.

Waxaa iyadana wax lala yaabo ah inaan sheegano inaan Federaal nahay hadana aan faraha lagu hayn sharcigii hagayey Federaalka taasna waxa ay keentay jahawareer badan oo ku dhacay shacabka.Ilaahayow Adiga ayaan kaaga dacwooneynaa Siyaasiyiintii furtay Albaabka Shaydhaaniga ee Federaalka ee aan la awoodin hirgalintiisa.

Dhicana Haybadda.

Markii ay dhacday Dowladdi Dhexe waxaa lumay dhammaan Haybaddii dowladnimo waxa uuna Wadanku noqday Wadan ay iska maamushaan Dowladaha Dariska, marka ay rabaana soo galaaan marka ay rabaanna ka baxayaan Iyaga aan cidna weydiin,Waxaa sidoo kale haybad darada ka qeyb qaatay Hay’ado ay horboodayaan Shaqsiyaad Soomaali ah.

Waxaa Iyadana xusid mudan inaan sheegno Maamulada ka jira gudaha Wadanka oo caado ka dhigtay is garbayaac waxaana tusaale u ah Shirkii Qowmiyadaha Itoobiya ee lagu qabtay Magaalada Jigjigo, kaas oo ay soo qeyb galeen inta badan Maamulada ka jira Wadanka oo lagu daray Dowladda Federaalka halkii ay ahayd in ay Iyada kaliya meesha tagto.

Maadaama ay Dowladda Federaalku tahay dowlad rasmi ah,ayna sidoo kale ku jiraan dhamaan Qabaa’isha Soomaaliyeed,waxa ay ahayd in ay wax ka qabato is garbayaaco ay caadeysteen Maamul Goboleedyada ka jira Wadanka,laakiin nasiib daro waa ay ku guuldareystay,waxa ay qaaday wadadii ay qaadeen Dowladihii Iyada ka horeeyey.

Soomaaliya ma’ahan dalkii ugu horeeyey ee burbura sidoo kalena ma’ahan Dalka kaliya ay joogaan Ciidamo shisheeye,Waxa ay ahayd in ay Dowladdu ilaashato Haybaddeeda dowladnimo markasta xitaa hadii ay ku weyneyso Saaxiibo ku weyn,Sidee ku dhici kartaa in Dowladdu Maamulkii ay is qabtaanba Dalal kale kula soo heshiiso sida Maamulka Juba oo kale.Uma baahnin dowlad magac uyaal ah.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay waa in la helaa sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladd leh Haykal iyo Haybad dowladnimo si loo soo celiyo Sharafkii iyo Karaamadii uu lahaa Qofka Soomaaliga,Sidoo kalena aan isaga saarno dhammaan Ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa dariska ah.

Hadaba Waxa aan soo jeedinayaa talooyinka hoos ku qoran:

1-Waa in dib u eegis lagu sameeyaa Dastuurka Mahiga,lagana saaraa dhammaan qodobada ka horimaanayo diinta iyo danaha Umadda Soomaaliyeed.

2-Waa in la dhisaa Wasaarado leh dhammaan wixii ay Wasaaradi u baahneyd sidoo kalena Gobolada Dalka la geeyaa Wakiilo ka socda Wasaaradahaasi.

3-Waa in loo sameeya Af-hayeeno Wasaaaradaha Gaashaandhigga,Arimaha,Dibadda,Arimaha Gudaha iyo Boliiska si shaqada looga yareeyo Wasiirka.looma baahno Wasiir cheap ah oo Idaacad kasta taagan.

4-Waa in ay Dowladdu qorotaa Dhaliyarada kuwooda Aqoonta leh sidoo kalena tababartaa si looga maarmo Odoyaashaan sii gaboobayo e Xilalka ka haya Dowladda

5-Waa in ay Dowladda Federaalka cadaadis ku saartaa dhammaan Dalalka iyo Hay’adaha bixiya deeqda si ay Iyada u soo marsiiyaan deeqaha iyo Kaalamada ay siin Maamulada ka jira gudaha Wadanka.

6-Waa in Baarlamaanka la soo marsiiya Heshiis kasta oo ay Dowladdu soo gasho sidoo kalena la joojiyaa dhammaan Heshiisyadii ay soo galeen Maamulada Soomaaliland iyo Puntland inta ay Dowladda Dhexe ka hoos imaanayaan

7- Waa in la suurta galiyaa in Wasaarad kasta ay ku shaqeyso Xarunteedii hore sida uu Ra’isul Wasaarahuba sheegay Iyada oo lala kaashanayo Ganacsatada Soomaaliyeed.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Soomaali kale oo lagu dilay K/Sudan

0

Juba (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Suudaan ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Soomaali ganacsato ah.

Afar qof oo muwaadinniin Soomaali ah ayaa lagu diley xeeb ku dhow magaalada Bor oo ah caasimada gobalka Jognaley 190 km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Juba ee caasimada Koonfurta Suudaan.

Wiilashan Soomaalida ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan oo kala dagay doon ay la socdeen sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Maxamed Duuboow Caliyoow oo doonta la saarnaa wiilasha Soomaalida ah ee la dilay.

Wuxuu kaloo sheegay in uu isaga ka badbaaday markii uu isku xiray musqusha doonta oo uu ku badbaaday, kadibna dableyda soo weerartay ayaa afduub ahaan u wadatay.

Meydadka wiilasha Soomaalida ah ayaa la sheegay in badda lagu tuuray narkii la dilay.

Wiilka kaliye ee ka badbaaday dilkaas Maxamed ayaa sheegay in 14 maalin u xirnaa ciidamada mucaaradka Koonfur-Sudan hadda waa lasoo daayay, wuxuuna joogaa xadka ay wadaagaan Koonfur-Sudan iyo Uganda.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya tirada Soomaalida ku dhimmatay dalka Koonfurta Suudaan oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya dowladda io mucaaradka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in ay soo daad gureyneyso muwaadiinniinta ka joogta Koonfurta Sudan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Naiorbi

[email protected]

GO’AANNO MUHIIM ah oo ay qaateen Soomaalida ku nool waddaanka…!

0

San’a (Caasimada Online) Soomaalida ku nool dalka Yemen ayaa codsaday in dib loogu celiyo dalkooda kaddib markii xaalad nolol xumo ay ku heesato dalkaas.

Wariyaha VOA ee Yemen, Jacfar Kuukaay ayaa soo sheegay in Soomaali badan oo ku nool Yemen ay buux dhaafiyeen xarunta UNHCR ee dalka Yemen, iyagoona codsanaya in dib loogu celiyo dalkooda.

Laakin wariyaha ayaa sheegay in aysan jirin cid dhageesaneysa codsiga Soomaalida ee raba in dib loogu celiyo waddanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in qoxootiga Soomaalida ee ku nool Yemen in ay halkaas ku heesato daruufo adag oo ah xagga nolasha, dumarka qaar kood waa ay tuugsadaan,kuwana waxa ay ka shaqeeyaan guryaha cararabta.

Dhallinyarada waxa ay dhaqaan baabuurta kuwa kalena waxa ay ka shaqeeyaan maqaayadaha Yemen.

Wariyaha ayaa sheegay in xafiiska UNHCR ee Yemen uu diidday xilligan in qoxootiga Soomaalida dib loogu celiyo dalkooda, waayo weli meelaha qaar waxa ay u aqoonsan yihiin goobo ay ka socdaan dagaallo, marka wuxuu lee yahay waa laga war sugaa xafiiska UNHCR ee Genava.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Video: Maxaa shacabka farxad-geliyey oo ka hir-galay magaalada Muqdisho

0

Caasimada Online: Shacabka Muqdisho oo maalmahaani u dhaga nugul Nidaamka Dowladnimo iyo howlaha ay wado Dowlada Somalia & Maamulka Gobolka Banaadir ayaa aad u soo dhaweeyay arin ay ku tilmaameyn mid lagu farxo oo Maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday.

Hadaba Arintani uu Shacabka Muqdisho hadal hayo ayaa ah mid qof walba oo Soomaali ah uu ku farxayo haduu maqlo ama loo sheego ee nala daawo adaa farxi doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Tayo-gelinta Jaamacadaha Soomaaliya

0

Waxaa Soomaaliya ku soo badanaya jaamacado ay furayaan dad iskood isu maamula ilaa iyo hadana ma jirto, intaan ogahay, hay’ad bixisa oggolaashaha furitaanka jaamacadaha. Ma loo baahan yahay hay’ad noocaas ah? Ardayda ka qalin jebisa jaamacadahaas dhib ma ku noqonaysaa mustaqbalkooda nooca waxbarasho ee ay soo qaateen.

Qoraalkani wuxuu eegayaa tayo-gelinta jaamacadaha wuxuuna is arbar dhigayaa waxtarka iyo dhibaatooyinka ka iman kara jaamacadaha sida habqanka loo furto. Qoralku wuxuu ku baaqayaa in dawladdu samayso hay’ad Soomaaliyeed oo ka shaqaysa tayada tacliinta sare.

Gogoldhig

Burburkii dawladdii dhexe ayaa keenay in degaan walba isku dayo inuu iskiis u daboosho baahiyihii laga sugi jirey dawladda. Dugsiyadii hoose, dhexe iyo sare ayaa dib loo bilaabay iyadoo aanu jirin manhaj dhexe oo ay wada raacaan dugsiyadaasu. Maadaama ay adkayd in manjah cusub la dejiyo  waxaa si fudud dugsi walbaa u soo dhoofsaday manhaj waddan kale laga leeyahay iyadoo ay dhacaysay ama ay weliba dhacdo in laba dugsi oo ku yaal  isla hal magaalo ay kala raacaan manaahijta laba waddan oo kala duwan.

Marka laga yimaado manhajka, waxaa kaloo meesha ka maqnaa dhammaan kaalmooyinkii kale ee dawladda dhexe sida maamulidda imtixaanaadka iyo shahaado bixinta. Waxaa la iska fududeeyey in ardayga beddelka ku yimaada magaalo cusub aan laga dalbin inuu la yimaado wax caddaynaya heerkiisa waxbarasho si meesha uu mudan yahay loo geeyo. Taas waxaa adkaynayey dhibka aan kor ku soo sheegnay ee kala duwanaashaha manaahijka iyo iyadoo waddankii ay ka dhasheen maamulo kala duwan oo, haddayba waxbarasho wax ka qaban lahaayeen, aanay dabeecadooda ka mid ahayn in wax la wadaagi karo. Laakiin maamulada dugsiyadu sidii ay maankooda ka arkaan ayey u xallinayeen wixii dhib ah eek a hor yimaada.

Markii la gaaray in ardaydii qaar ka mid ah dhammaysateen dugsiga sare waxaa soo baxday baahi ah in loo helo meel ay ka sii wataan waxbarashadii laba arrimood dartood: 1) ardaydii ma wada dhoofi karaan si ay u sii wataan waxbarashada, haddii ay dhoofaana lama hubo in shahaadada dugsiga sare ee ay qaateen laga aqbalayo waddanka ay u dhoofaan 2) Ma jirin shaqo ardaygu isku mashquulin karo haduuba aqoontiisa dugsiga sare ku shaqo tegi lahaa.

Haddaan xasuustaydu qaldanayn, jaamcadaha Cammuud iyo Muqdisho ayaa ahaa kuwii u horreeyey oo dib loo abaabulay ka dibna waxaa si is daba joog ah u furmayey jaamacado ku baahay dhammaan degaamada Soomaaliyeed.

Tayo-gelinta Waxbarashad Jaamacadeed

Waddamada adduunka waxaa ka jira jaamacado aan la aqoonsanayn. Kala duwanashaaha sharciyada waddamada ayaa keenay in meelo badan aanay ka ahayn sharci jebin in la furo jaamacad oo arday la siiyo shahaadooyin iyadoo jaamacadaasu aanay lahayn wax aqoonsi ah. Dhibku wuxuu imanayaa markii ardaygu ama doono inuu sii wato waxbarashadiisii oo jaamacad kale u gudbiyo shahaadadiisii oo laga yaabo in jaamacadda cusub ay aqoonsan weydo shahaadada uu waqtiga iyo hantida ku bixiyey. Waxaa kaloo jira waddamo ama shirkado iska hubiya in shahaadooyinka shaqaalahoodu haystaan ay bixiyeen jaamacado la aqqonsan yahay. Hadaba waa maxay aqoonsiga jaamacaduhu?

Aqoonsiga jaamacadaha

Waa shahaado ama ama ‘aqoonsi’ la siiyo jaamacad markii ay ka soo baxdo shuruudo loo dejiyey qiimaynta tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadeed. Aqoonsigaas waxaa bixiya inta badan dawladaha ama hay’ado loo oggolaaday inay bixin karaan aqoonsigaas.

Dawladaha qaar ayaan oggolayn in magaca jaamacad, machad ama iskuul la iskala baxo ilaa la qaato oggolaasho ka yimaada wasaaradaha ku shaqada leh waxbarashada heerarkeeda kala duwan. Waxay kaloo dawladuhu oggolaansho siin karaan hay’ado gaar loo leeyahay inay qaadaan masuuliyadda qiimaynta tayada xarumaha wax barsahada oo jaamacaduhu ug usarreeyaan ayna isla markaas xaruntii ka soo baxda shuruudaha siiyaan oggolaasho. Dhawrkii sanoba mar ayaa jaamacadda dib loo qiimeeyaa si loo hubiyo in ay weli ku taagan tahay waddadii tayo-wanaaga markaas ayaa ama loo cusboonaysiiyaa  aqoonsiga ama la siiyaa digniin inay hagaajiso tayadeeda amaba lagala noqdaa aqoonsiga.

Xaaladda tacliinta sare ee hadda ka jirta Soomaaliya waxaad moodaa in ay u baahan tahay taxaddar waayo wax walba waxaa ka horreeya in dawladnimada iyo nabadda loo saldhigo.

Waa run inuu jiro welwel laga qabo in jaamacaduhu noqdaan meelo lagu doonayo uun hanti laga qaato ardayga ama lagu gaadayo mashaariicda ay bixiyaan hay’adaha dawliga ah.  Waxaa kaloo welwel ka jiraa in qiima yarida jaamacadaha qaarkood, haddii ay dawladdu wax ka qaban weydo ay dhacayso in ay qiimo-dhac u soo jiidaan kuwa ku dadaalaya inay tayadooda hagaajiyaan maadaama ay ku wada yaallaan waddan Soomaaliya la yiraahdo lana filayo in dhammaan jaamacaduhu ay hoos tagaan hal nidaam oo lagu qiimeeyo tayadooda. Markii la arko arday aan waxba aqoon oo wata shahaado jaamacadeed laga soo siiyey Soomaaliya waxaa laga yaabaa in loo qaato in sidaas oo kale ay yihiin dhammaan jaamacadaha Soomaaliya.

Hay’adaha tayo-baarka ee qiimeeya jaamacadaha  waxay daabacaan ama baahiyaan shuruudaha ay uga baahan yihiin jaamacadaha iyo manaahijta ay aqooniga siinayaan. Waxyaabaha ay qiimeeyaan hay’adaha tayo-baarku waxaa ka mid ah manhajka qoran ee ardaydu raacayso oo tusaale ahaan haddii jaamacaddu bixiso shahaado Bachelors ah oo Ganacsiga ama Maamulka ama Cilmiga Kombiyuutraka ah, waxaa la eegayaa in manhajku waafaqsan yahay hay’adda tayo-baarka xeerkeeda marka laga eego dhammaystirnaanta maadooyinka ardayga la siinayo, saacadaha guud ee ardaygu qaadanayo waxbarshada, heerka aqooneed ee macalimiinta dhigaysa maadooyinka iyo in ay tiradoodu ku filan tahay habsami u socodsiinta manhajka. Waxaa kaloo la eegaa maamulka jaamacadda iyo sida ay siyaasadoodu u soo dhaweynayso ardayda iyo shaqaalaha, sida hantida ay u maamulaan, in qalabka waxbarashada aasaasiga u ah uu ku filan yahay maaddooyinka la qaato, dhismayaasha jaamacadda iyo inay dabooli karaan baahiyaha ardayda iyo shaqaalaha, haddii ay jiraan fasalo lagu qaato tababar ama laboratory waxaa iyagana jira xeerar u gaar ah. Hay’adaha aqoonsada ama tayo-baara jaamacadaha waa badan yihiin inta badanna mid walbaa waxay aqoonsi siisaa maadooyin ama barnaamijyo gaar ah.

Soo jeedin

Aqoonsiga laga doonto hay’adaha dawliga ah waxaa ku baxa hanti fara badan waxaana laga yaabaa in qaarkood ay shuruudo aan laga bixi karin u baahan yihiin. Haddii ay dhacdo in jaamacadeheena la aqoonsan waayo, waxaa noo furan laba waddo, 1) in aan iskaba deyno jaamcadaha oo ardaydeena  kii dhoofi karana loo diro waddamo kale kii aan dhoofi karina shaqo ama machadyo farsamo loo sameeyo iyo 2) in dawladda Soomaaliyeed abuurto hay’ad dhexe oo samaysa xeer lagu qiimeeyo tacliinta sare iyo xarumaha lagu barto. Hay’adaasu dabcan waxay ku bilaabanaysaa si jilicsan oo shuruudo adag kuma bilaabi karto si degdeg ah kumana fulin karto go’aamadeeda si dhaqso ah. Laakiin waxay si heer-heer ah u dhaqan gelin kartaa xeerarkeeda iyadoo ay jaamacaduhu marba marka ka dambaysa aqbalayaan inay u baahan yihiin inay kor u qaadaan tayadooda si ay u helaan kalsoonida ardayda, shacabka iyo tan dawladaba.

Inaan iska xirno jaamacadeheena maadaama aanay aqoonsi haysan ma aha wax noo furan. Waxaa hadaba habboon in dawladdu si dhaqso leh u samayso qaab lagu xakamaynayo debecsanaanta ka jirta furashada jaamacadaha iyo bixinta shahaadooyinka jaamacadeed. Ugu horrayn waa in la sameeyaa xeer lagu maamulo jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaa habboon in la dejiyo qaab lagu qiimeeyo tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadaha.

Jaamacadaha hadda furan iyaga ayaa noqon kara aasaaska ama bilawga tayo u samaynta waxbarsahada. Wayna habboon tahay in maamulada jaamacaduhu samaystaan qorshe ay aqoonsi ugu doonayaan jaamacaddooda. Waxaa kaloo iyaduna wanaagsan in jaamacaduhu isu tagaan oo ay kala shaqeeyaan dawladda sidii loo samayn lahaa hay’ad kormeerta tacliinta sare oo unkideeda ay qayb ka noqdaan dhammaan jaamacadaha Soomaaliyeed.

Inta ay dib u sii dhacayso samaynta hay’ad Soomaaliyeed oo oo nidaam aqoosni u samaysa jaamacadaheena waxaa sii fogaanaya hagaajinta iyo qiime u yeelidda waxbarshada ardaydeena.

Cabdulqaadir Cabdi Diiriye

[email protected]