25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Kadib hadalkii Fahad Yaasiin, xildhibaan Daahir Jeesow oo sheegay cidda dishay Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha Ikraan Tahliil Faarax ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Jeesow oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa si weyn uga horyimid hadalka kasoo baxay Fahad, wuxuuna tilmaamay in sarkaalad NISA ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA.

“Kiiska Ikraan Tahliil wuxuu ku maqan yahay Nabad Sugid waa la ogyahay. Qof isaga is difaacaayo iyo qof isaga wax iska fogeynaayo iyo qof isaga difaac ku jiro in wax laga weydiiyo ma’aha,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ikraan aysan helin baaritaan madax bannaan, ayna u baahan yihiin inay NISA shaaciso sida ay wax u dhaceen, gaar ahaan kiiska gabadhaas.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in aan lagu qanci karin eedda uu soo jeediyey taliyihii hore ee NISA, wuxuuna tilmaamay in mar hore looga baahnaa tallaabada uu qaaday.

“Nimankan hadda ayey qabsadeen laguma eedeyn karo, haddii lagu eedeynaayo, iyaga oo mucaarad ah oo dhibaato ay geysteen maalintaas ayaa lagu maxkamadeyn lahaa oo magacyada sida hada loo shaaciyey loo sheegi lahaa” ayuu markale yiri Xildhibaan Jeesow.

Waxa kale oo uu raaciyey “Wuxuu leeyahay agaasimihii hore waxaa gabadha ay aheyd baaga muudo maya Ikraan baaga muudo ma aheyn 2 bilood ayey waddanka joogtay tabar iyo koorso ay iyaga u direen oo Jaamacad iyaga u direen lacagna ka bixiyeen ayey kasoo qalin-jabisay”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay wareysiga Fahad Yaasiin ee ku aadan qaybta kiiska Ikraan Tahliil, waxaana dadka ka hadlay ka mid ah Hooyo Qaali Guhaad oo ganafka ku dhufatay hadalka kasoo yeeray taliyihii hore ee hay’ada NISA.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya oo dalbatay in xilka laga qaado Uhuru

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Martha Koome ayaa dooneysa in xilka laga qaado madaxweyne Uhuru Kenyatta, sababo la xiriira inuu magacaabo 6 ka mid ah 40-ka garsoore ee ay soo gudbiyeen guddiga adeegga garsoorka. 

Racfaan ka dhan ah xukun kasoo baxay Maxkamadda Sare, ayey Koome ku dooneysaa in maxkamadda racfaanka ay ku dhowaaqdo in xalka diidmada madaxweynaha ee ah inuu magacaabo lixda garsoore, uu yahay in xilka laga xayuubiyo. 

Maxkamadda Sare ayaa amartay madaxweynaha inuu dhaariyo lixda garsoore, taasi oo haddii uu ku guul-darreysto ay tahay inay sameyso guddoomiyaha Maxkamadda Sare. 

Si kastaba, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa diiday inay kaalintan qaadato, waxayna dooneysaa in Maxkamadda ay ku dhowaaqdo in madaxweynaha uu jebiyey qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) ee dastuurka. 

“Waxaa lasoo jeediyey in maxkamadda ay ku dhowaaqdo in madaxweynaha uu jebiyey qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) ee dastuurka. Ku dhowaaqista jebinta qodobada 3(1) iyo 166(1)(b) waxay horseedeysaa in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo,” ayey tiri Koome.  

Qodobkan 166(1)(b) ee dastuurka oo ay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku eedeysay inuu jebiyey Uhuru ayaa dhigaya “Madaxweynaha waa inuu magacaabaa dhammaan garsooreyaasha, si waafaqsan soo jeedinta Golaha Adeegga Garsoorka.” 

Garsooreyaasha uu Uhuru diiday inuu magacaabo ayaa kala ah; George Odunga, Aggrey Muchelule, Prof Joel Ngugi, Evans Makori, Judith Omange iyo Weldon Korir, kuwaasi oo hadda Golaha Adeegga Garsoorka ay u gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka.

Isaga oo sharxaya sababta uu u diiday inuu magacaabo garsooreyaasha, Uhuru ayaa soo xigtay warbixin uu sheegay inay usoo gudbisay hay’adda sirdoonka ee NIS, taasi oo sheegtay in lixda garsoore ay yihiin kuwa “wasaqeysan.” 

Si madaxweyaha xilka looga xayuubiyo, waa in mooshin ay soo gudbiyaan xubnaha Golaha Qaranka ama Baarlamanka, kadibna ay taageeraan saddex meelood meel (231 xildhibaan).

Muddo xileedka Uhuru ayaa waxaa ka haray kaliya lix toddobaad kahor inta aanay dhicin doorashada madaxweynaha.

Ethiopia oo lumisay saamigii ay DEKEDDA BERBERA ku laheyd ee ah 19 boqolkiiba

Hargeysa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa lumisay saamigii ay ku laheyd dekedda Berbera ee ahaa 19 boqolkiiba, kadib markii ay ku guuldarreysatay inay fuliso shuruudihii looga bahnaa si ay u dhameystirto lahaanshaheeda, waxaa sidaas sheegtay dowladda Somaliland. 

Tani waxay si rasmi ah ah u beddeleysaa heshiiskii la gaaray 2017 ee u dhaxeeyey Ethiopia, DP World iyo Maamulka Dekedaha Somaliland ee ku aadanaa dekedda Berbera.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri “Ethiopia way ku guuldarreysatay inay kasoo baxdo shuruudihii looga bahnaa kahor waqtigii loo qabtay si ay ula wareegto saamigeeda. Sidaas darteed, wax saami ah ma lahan hadda. Balse waxaa xusid mudan in lahaanshaha aanu wax macno ah sameyneyn.”

Sida uu sheegay wasiirka, mid ka mid shuruudaha ayaa ahaa inay lacag ku tabarucdo dhismaha dekedda, taasi oo Addis Ababa ay ku guuldarreysatay inay soo gudbiso. 

Ethiopia iyo Somaliland ayaa iskaashi kula sameystay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta in dib loo dhiso dekedda Berbera, oo door weyn ka qaadata isku xirka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sida uu dhigay heshiiska la saxiixay 2017, DP World ayaa leh saamiga ugu badan ee dekedda oo ah 51 boqolkiiba, halka Somaliland iyo Ethiopia ay kala leeyihiin 30 iyo 19 boqlkiiba, sida ay u kala horreeyaan. 

Heshiiska ayaa la gaaray toddobaad kadib markii Jabuuti ay soo afjartay heshiis ay la gashay DP World oo ay ku maamuli laheyd dekedda Doraleh ee Jabuuti. 

Sida ku cad heshiiska 2017, dowladda Ethiopia ayaa laga doonayey inay horumariso waddo 260 km ah oo dekedda Berbera ku xirta xuduudda Ethiopia. 

Dowladda Ethiopia ayaan weli jawaab ka bixin go’aanka Somaliland ay ku sheegtay inay lumisay saamigeeda.

Si kastaba, Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa weriyayaasha u sheegay in dowladdiisa ay eegi doonto xaaladdan cusub. 

Maxay tahay farriinta wafdiga ka socda Uganda ay xalay u gudbiyeen Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Uganda oo soo gaaray Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda.

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada dalka Uganda ayaa socdaalkaan ku wehliyey Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda, waxayna dowladani qeyb ka tahay howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

“Mudane John Patrick iyo Ergada dowladda Uganda ee ka qeyb-gashay Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal hambalyo ah iyo farriin ay ka sideen Madaxweynaha dalkaas Mudane Yoweri Museveni,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyadu.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyey wafdigaan ka socda dowladda Uganda, wuxuuna agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca sheegay in kulankii xalay diiradda lagu saaray howlgalka ATMIS oo ciidamada ugu badan ay ku leedahay Uganda.

Dhinaca dowladda Soomaaliya kulan wafdigaan uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ku wehliyey masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

Falcelin ka dhalatay weerar loo arkay inuu Fahad Yaasiin ku qaaday beesha Habargidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin ayaa shalay markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri aan lagu arag in ka badan 11 bilood, wuxuuna si yaab leh uga gilgishay eedeymaha dul hoganaya ee shirqoolka gabadhaas oo ka tirsaneyd hey’adii uu hoggaaminayey ee NISA.

Fahad oo iska leexinaya kiiska Ikraan ayaa weerar toos ah ku qaaday siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Habargidir, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa in kursigii xildhibaanimo la dhaafiyo Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa sheegay inay Ikraan shirqooleen Ra’iisul Wasaare Rooble, Taliyaha NISA loo magacaabay Mahad Salaad iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala,  sidoo kalena uu dilay Mahad Karataay oo ah horjooge ka tirsan Al-Shabaab, kana soo jeeda beesha Cayr ee Habargidir.

Dad badan oo ka fal-celiyey hadalka Fahad waxay muujiyeen in ninkaan uu eedeymo u soo abaabulay siyaasiyiin ka soo jeeda hal beel, kuwaas oo ah raggii dhaafiyey kursiga.

Mahad Salaad ayuu si gaar ah ugu xagliyey inuu xiriir la leeyahay Mahad Karataay oo ay kasoo wada jeedaan beesha Ayaanle Cayr, halka Rooble iyo Al-Cadaala ay ka soo kala jeedaan Sacad iyo Saleebaan.

Fal-celinta dadka waxaa aad ugu soo noq-noqotay in Fahad uu ku dadaalay in eedeynta kiiskaan ee Habargidir ku wajahan uu ku soo daro beesha Duduble oo ah lafta ugu weyn beeshaas, isagoo sheegay in xaafadda Daarusalaam ay gabadha ugu geeyeen Al-Shabaab.

Waxaan soo uruurinay qaar ka mid ah fal-celintii dadweynaha:

Abwaan Guure ee soo qaatay qoraal horay uga soo baxay NISA ayaa yiri, “Fahad Yaasiin Laba sano ka hor waxuu iidheh u sameynayay Mahad Karataay, Marka ma dirireen? Mise ciilka reer hebel ayuu kula dhacay?”

Xasan Nuur ayaa yiri, “Hal sabab oo yar oo lagu qanci karo sooma bandhigin Fahad, hadiiba ay jirto amni iyo dal la qalqal gelinayo sabab loo dooran karay gabar yar oo shaqo la’aan ah ayaa meesha oolin ama caqligu uusan sheegi karin. Wareeysiga Fahad waxa uu si kooban u soo bandhigay in aamusnaanta Fahad iyo isqarinta keliya ay daarneeyd caqli iyo xikmad xumo uu asagu isku ogaa.”

Abwaan Shariif Heersare ayaa yiri, “FAHAD YAASIIN Waxaa uu muujiyey in uu yahay ciil qabe u jirran qabiil Soomaaliyeed, waana sababta uu isugu keenay afar nin oo isku beel ah, dhanka fekerkana aad u kala fog. Waxaa cad in ay yihiin raggaasi kuwa dalka ka qabtay khatartiisa, marka laga reebo hal nin, waana madax geeda la dhac waraysiga ay bixinayaan isaga iyo gacan yarihiisa Yaasiin Fareey. Waxaadna ka dareemi kartaa qaabka ay uga hadleen Kiiska Ikraah Tahliil AHU.”

Abwaan Cusmaan Guure ayaa mar kale yiri, “Qaali Guhaad ha qanacdee qof nool u keen ama qiraal.”

Farhaan Cali Xalane ayaa isna yiri “Odeyga naceeybka Habargidir aa ka buuxsamay, macaa adeerkood Duduble meelow sheekada kasoo galiyo ayuu waayey markaasow Daarusalaam la aaday. Xaafad dadka ladan deganyihiin ku lahaa. Abuu Camaarow dhuumashadaan dhabarku muuqdo kuu socon meeyso.” 

Muuse Biixi oo magacaabay guddi doorasho oo cusub xilli ay xiisad taagan tahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa golaha wakiilada u gudbiyay 7 xubnood oo noqon doona guddida doorashooyinka ee cusub kadib markii dhammaan xubnihii guddiyada doorashooyinka ee hore is wada casileen.

Xubnahan oo 3 kamid ah uu madaxweyne Biixi soo magacaabay, 2 kamid ahna ay ka yimaadeen axsaabta mucaaradka, 2-da kalena ay ka yimaadeen golaha guurtida ayuu madaxweynuhu u gudbiyay golaha wakiilada sida lagu sheegay wareegto madaxtooyada kasoo baxday.

“Sida aad lala socdo, waxaa is-wada casilay xubnihii komishanka doorashooyinka qaranka. Sidaas darteed waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, si waafaqsan qodobka 15-aad, Faqraddiisa 4-aad ee xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha”.

Xubnaha loosoo xulay guddida doorashooyinka ee cusub ayaa kala ah

1- Muuse Xasan Yuusuf
2- Axmed Cismaan Xasan
3- Xuseen Cabdi Cali oo uu Madaxweynuhu soo xulay,
4- Axmed Yuusuf Maxamed
5- Faadumo Ismaaciil Cabdi oo  Golaha Guurtida ka socda
6- Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xisbiga Waddani soo xulay
7- Iyo Ibraahim Aadan Cali oo UCID ka socda.

Xubnahaan ayaa haddii ay ku guulaystaan kalsoonida golaha Wakiilada Somaliland waxay si rasmi ah u noqon doonaan guddida doorashooyinka ee cusub.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu taagan yahay khilaaf ka dhashay waqtiga la qabanayo doorashada kaasoo keenay inay magaalada Hargeysa marti geliso khalalaase siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa Sabtidii shalay dib u dhigay dibad-bax weyn oo ay qorsheeyeen, si ay fursad u siiyaan in xal siyaasadeed laga gaaro xal siyaasadeed.

Wararkii ugu dambeeyey kulanka labada aqal ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan xasaasi ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka si wadajir ah u guddoomiyanaya guddoonka labada gole.

Kulanka maanta ayaa ajendihiisu waxa uu yahay Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2022.

Sidoo kale waxaa kulanka hortegay wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo warbixin siiyey xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya,

“Sidaa aad ka war qabtaan miisaaniyadda sanadka billowgiisa ayey bilaabataa sanadka aakhirkiisana waa ku dhammaataa, sidaas daraadeed waxaa baarlamaanka loo soo gudbiyaa miisaaniyadda beelaha ugu dambeey. October aakhirkeeda ayaa golaha wasiirada usoo gudbiyaan baalamaanka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Bayle ayaa sidoo kale ka dalbaday xildhibaanada inay ansixiyaan miisaaniyadda sanadkan, taas oo muhiim ah howlaha shaqo ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Intaasi kadib, qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa kulanka ka hadlay, iyaga oo soo hadal qaaday arrimo ku aadan daqliga dowladda iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka, sidoo kalena waxay su’aallo waydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kulanka baarlamaanka ay yeesheen ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay soo dhammaatay doorashadii Golaha Shacabka, isla-markaana lagu howlanyahay dhismaha dowladda cusub.

Daawo: Beel ka goosatay Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay ciidan hubeysan

Ceel-barde (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool ayaa soo bandhigay ciidamo maleeshiyaad ah oo aad u hubeysan, iyagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’een.

Odayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii uu xaqooda duudsiiyey Madaxweyne Laftagareen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen in ka beel ahaan hal kursi xildhibaan ay ku lahaayeen dowladda federaalka, isla markaana uu kursigaas dhaafiyey Madaxweyne Laftagareen oo awoodiisa adeegsanaya.

Waxay ku goodiyeen in degmada Ceel-barde uusan imaa karin masuul ka socda maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay hadda kadib yihiin maamul ka madax-banaan Koonfur Galbeed.

“Siyaasi reer Koonfur Galbeed ah degmada Ceel-barde kama soo degi karo, haduu kasoo dego wixii ku dhaca isagaa ka masuul ah, waa na go’doomiyey maamulkaas, meel kasta ayuu naga soo xiray,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Waxa ugu weyn ee aan tabaneyno waa kursi xildhibaan, kursigaas Digil iyo Mirif malahan waa kursi Daarood, gaar ahaan beesha Kumade – Absame – Ogaadeen, kursigaas waxaa awoodiisa u isticmaalay Laftagareen.”

Sidoo kale waxay odayaasha maleeshiyaadkaan abaabulay ku eedeeyeen madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu ka been abuurto beeshooda oo uu sameystay ugaasyo iyo nabadoono aan ayaga metelin.

Hoos ka daawo

 

Qodobadii looga hadlay SHIRKII maanta ee Golaha Wadatashiga iyo ajendaha berri oo la shaaciyey + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, kaas oo ka furmay Villa Somalia.

Shirkaan ayaa soca doona mudo labo maalmood ah, wuxuuna ku qotomaa siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar.

Waxaan shirkaas maanta diiradda lagu saaray qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda, si gaar ah waxaa maanta looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaal iyo dowlad goboleed iyo dib u heshiisiin la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed.

Shirkaan oo berri lasoo gabagabey doono waxaa lagu faaqidi doonaa dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisida garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Berri markii lasoo gabagabeeyo shirkaan waxaa laga soo saari doonaa war-saxaafadeed ay ku cadyihiin qodobadii lagu heshiiyo, sida uu shaaciyy Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo warbaahinta la hadlay.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Hooyada Ikraan oo u jawaabtay Fahad Yaasiin, fariina u dirtay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyadii dhashay gabadhii la waayey ee Ikraan Tahliil oo maanta hadal heynta kiiskeedu uu cirka isku shareeray ayaa ka jawaabtay eedeyntii uu Fahad Yaasiin maanta u jeediyey R/Wasaare Rooble, Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Fahad ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu maanta ku sheegay in Ikraan ay dileen seddaxdaas nin oo kaashanaya Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa si adag uga hor timid eedeyntaas ka soo yeertay Fahad Yaasiin, iyadoo sheegtay in kiiska Ikraan uusan meelna u dhaafi doonin Fahad iyo saaxiibadiisii shaqada, gaar ahaan Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis oo ay carabaawday.

Waxay sheegtay in Fahad uu uga baxay balan uu la galay gabadheeda oo sii maqan 18 maalmood, xilligaas oo uu ka balan qaaday in labo maalmood gudahood uu xog buuxda uga keeni doono halka la geeyey Ikraan, balse dib dambe uu taleefan uga qaban waayey.

Waxay kiiskaan ka beri-yeeshay raga uu dusha ka saaray Fahad Yaasiin, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha ku amaantay sidii uu ugu hagar baxay, una qabtay doorashooyinkii dhibka badnaa ee dalka ka dhacay.

Waxay codsi u dirsatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbatay inuu deg deg u furo gal-dacwadeedka kiiska Ikraan oo ay geeyeen maxkmadaha dalka.

Maamo Qaali ayaa mar kale ku celisay in Madaxweynihii hore Farmaajo uu ka hiiliyey oo ragii gabadheeda dilay uu garab siiyey, iyadoo ku catowday in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka dooneyso inuu u buuxiyo kaalintii ay shalay uga baahneed Farmaajo.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali Guhaad waxay fariin u dirtay shacabka, culumada, odayaasha dhaqanka Soomaalida iyo dhamaan cid kasta oo garab istaagi karta, iyadoo ka codsatay in kiiskaan ay ka hadlaan oo ku garab siiyaan cadaaladda.

Hoos ka daawo

Maxey tahay sababta Fahad iyo Yaasiin Fareey u bixiyeen wareysiyo deg deg ah?

Muqdisho ( Caasimada Online) – Labadii agaasime ee ugu dambeeyey hey’adda NISA ayaa bixiyey wareysiyo deg deg ah asbuuc gudahiis, waana maalmo kadib markii hey’adda loo magacaabay agaasime cusub.

Yaasiin Cabdullaahi Farey iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa abaaray saxaafadda iyagoo go’aansaday inay wareysiyo deg deg ah bixiyaan. Mudadii ay hey’adda joogeen waxay si weyn isaga riixeen inay ka jawaabaan tacayadii ka dhacay hey’adda.

Sida ay xogo kale sheegayaan, saraakiil kale oo hey’adaan hoggaankeeda ka tirsanaa ayaa iyagana la sheegayaa inay doonayaan inay hadlaan oo ay wareysiyo bixiyaan.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta ay madaxdii hore ee NISA ugu deg degeen dhanka saxaafadda kadib magacaabistii agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad.

Sheekadaan kuma falanqeyn doono wareysigii uu bixiyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, dad badan ayaa naga soo dalbaday inaan fasiraad ku sameyno dhinacyada u gafidda siyaasiyiinta, halista amni iyo midda sharci ee ku jira inuu Fahad soo jeediyo inaysan ciidanka la shaqeyn hoggaanka cusub ee hey’adda, farqiga Fahadkii aamusnaa iyo hadda midka banaanka yimid iyo arrimo kale kuwaas oo aan taxanayaal ku faaqidi doono marka uu wareysiga wada baxo.

Balse warbixintaan waxaan Maanta kaga hadleynaa waxa Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey ku qasbay inay wareysiyo deg deg ah bixiyaan kadib magacaabistii Mahad Salaad.

Illo ka titsan NISA iyo waaxda garsoorka Soomaaliya waxay isku raacsan yihiin dhow arrimood oo sabab u ah wareysiyadii ay sida deg degta ah u bixiyeen hoggaankii hore ee NISA iyo kuwa laga yaabo inay hadda bixiyaan saraakiil cusub.

Mahad Salaad oo go’aansaday so bandhigid iyo sharci waafajin wixii hey’adda ka dhacay dhowrkii sano ee ugu dambeysay

Agaasimaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa lasoo wariyey inuu aqbalay inuu guddi baaro u saaro dhammaan wixii tacadi ahaa oo ay gudaha hey’adda ka geysteen xubnihii hore ee hey’adda, gaar ahaan shaqsiyadii ugu awoodda badnaa sida Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Arrintaan oo haddii aan la siyaasadeynin ay muwaadiniin Soomaaliyeed caddaalad ku heli karaan waxaa ku jira sida la sheegay kiisas hey’addu fulisay ama ay fududeysay oo qaarkood mar hore loo tiiriyey dhanka Al-Shabaab.

Dadka aan la hadalnay waxay sheegayaan in go’aan lagu gaaray in bannaanka lasoo dhigo wixii gudaha hey’adda NISA ka dhacay shantii sano ee Farmaajo inay galaafan karto siyaasiyiin waaweyn oo muddo kadib ay suuragal tahay in maxkamadaha dalka lasoo istaajiyo dad xilal sare kasoo qabtay dowladda.

Qodobkaan waxaa loo arkaa midka ugu weyn ee soo kiciyey hoggaankii hore ee NISA, gaar ahaan Fahad iyo Yaasiin Fareey oo illaa iyo hadda wareysiyo bixiyey.

Labada kiis ee ugu horeyso sida ay wararka sheegayaan waa weerarkii NISA ku qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd NISA.

Xogaha aan helnay waxay sheegayaan in durba shaqooyinkaas ay bilowdeen. www.oldhouseonline.com Xisbiga Wadajir ayaa koox gaar ah u saaray gudbinta dacwad iyadoo Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ku jiraan shaqsiyaadka uu xisbigaasi ku eedeenayo qorsho la sheegay in la rabay in lagu khaarijiyo hoggaamiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale, ehelada 5 askari oo isla goobtaas lagu dilay ayaa iyaguna qoranaya dacwad gaar ah.

Waxaa kaloo socda abaabulka dib u furidda gal-dacwadeedka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, laakiin saraakiil nabadsugid ah waxay noo xaqiijiyeen in kiisasku intaas ka badan yihiin oo ay macquul tahay in hey’adda ay kusoo laabtaan kiisas mar hore shacabku u qaateen inay Al-Shabaab fuliyeen.

Fahad iyo saaxiibadiis naxariis badan kama filayaan dhanka hoggaanka cusub ee hey’adda NISA, ujeedka wareysiyadooduna mar waa is bar yeelid marna waa inay muujiyaan inuu dagaal shaqsi ah ka dhaxeeyo Mahad Salaad iyo hoggaankii hore ee hey’adda si kooxdii talada laga wareegay ugu muujiso shacabka in eed walba oo loo jeediyo ay tahay mid shaqsiyadeysan oo aan sax aheyn.

Laakiin taas jawaab iyo qanaaco uguma filna dad badan oo ku maqan gacanta hey’adda NISA ayey leeyihiin dadka fahamsan ujeedka wareysiyada labada hoggaamiye ee ugu dambeysay hey’adda NISA.

Waxyaabaha ay rabaan inay banaanka keenaan hoggaanka cusub ee hey’adda NISA oo xataa Farmaajo ayaa soo geli kara waxaana ka dhallan kara fadeexooyin waaweyn ayuu yiri sarkaal sare oo hey’adda ka tirsanaa sideedii sano ee lasoo dhaafay.

Agaasimaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad lama yaqaano qiimaha ay ugu kici karto tallaabadaan uu go’aansaday inuu banaanka kusoo dhigo kiisaska huursan ee ka dhacay gudaha hey’adda NISA.

Sidoo kale, waxaan lasii akhrin karin sida ay wareesiyadani difaac sharci ah ugu noqon karaan Fahad Yaasiin iyo saaxiibadiis haddii banaanka lasoo dhigo caddeymo la xiriira gabood-faladii ka dhacay hey’adda NISA.

Aqalka Sare oo meel mariyay magacaabis muran leh oo uu sameeyey Cabdi Xaashi

MUqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad  ee Golaha, iyaga oo maanka ka doodayay meel marinta hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Ugu horreyn kulanka waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdixaashi Cabdullaahi oo ay hareer fadhiyeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahin iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha aqalka sare Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sameeyey magacaabista hoos ku xusan.

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Intaa ka dib Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday magacaabista guddoomiyaha taas oo dood badan dhalisay, iyaga oo ugu dambeen ansixiyay magacaabista uu Guddoomiyaha sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada, isaga oo sheegay tirada mudanayaasha aqalka sare oo dhaneed 39 mudane ay meel mariyeen magacaabista, sidaasna ay ansax ku tahay.

Aqalka sare oo xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahaa mid hoos loo dhigay shaqadiisa ayaa afartaan sano ee u diyaar garoobaya sidii uu u qeyb qaadan lahaa horumarinta dalka.

Fahad oo sheegay in dilka IKRAAN ay ka dambeeyeen R/W Rooble, Mahad Salaad iyo Al-Cadaala (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA, balse la sheegay inay u gacan gashay Al-Shabaab, ayna dileen, taas oo abuurtay xiisad xoogan.

Fahad Yaasiin ayaa qaybta 3-aad wareysi taxane ah oo looga qaaday markii ugu horreysay ku shaaciyey xog la-yaableh, wuxuuna tilmamay in mas’uuliyiin iyo dalal shisheeye ay iska kaashadeen kiiska Ikraan Tahliil Faarax, si loo sumadcad dilo hay’adda Nabad Sugidda.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Fahad Yaasiin oo carab baabay dadkaasi ayaa ku sheegay inay yihiin Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, sidoo kalena sheegay inuu wax ka ogaa ra’iisul wasaare Rooble.

“Gabadhaas gaari ayaa lagu qaaday nin xildhibaan ah oo la yiraahdo Mahad Salaad baa lala kulansiiyey, isagaa gaari ku qaaday, gaarigiibaa laga qaaday waxaa la geeyey Daaru-Salaam xaafad la yiraahdo oo Xamar ku taalla oo dadka magaalada ugu ladan ay dagan yihiin gurigaas ayaa laga qaaday waxaa la marsiiyey Shabeelaha Hoose, meel Jilib u dhow ayaa la geeyey halkaas ayaana lagu dilay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dilka gabadha uu fuliyey Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay aqoon isku leeyihiin Mahad Salaad.

“Nin la yiraahdo Mahad Karataay oo madaxda Shabaabka ka mid ah ayaa howlgalka fuliyey oo xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri “Ra’iisul wasaaruhuna wuu ka war qabay dhibaatadaas in loo geysanaayana. Aaqiro qofka gabadhaas la weydiinaayo waa Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, farsamada lagu fuliyeyna Al-Cadaala ayaa iska lahaa gacanta fulisayna waa Mahad Salaad cida dishayna waa Al-Shabaab,” ayuu markale yiri.

Fahad ma shaacin dalalka uu sheegay inay qayb-qaateen ‘dilka Ikraan’, balse wuxuu tilmaamay inay yihiin labad dowladood.

“Waa laba dowladood, hadda ma rabo inaan magacyadooda sheego dadka Soomaaliyeedna waa fahmayaan,” ayuu yiri Fahad.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan dartiis uu isaga halis badan u galay, isla-markaana lagu celiyey waddanka Jabuuti, xilligaas oo uu doonayey sida uu sheegay inuu kiiskan Ikraan Tahliil horgeeyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya,.

Hadalkan kasoo yeeray Fahad Yaasiin ayaa kusoo beegmaya, iyada oo horey mas’uuliyiinta uu hadda eedda u jeediyey qudhooda ay kiiska Ikraan dhabarka u saareen isaga iyo NISA.

DF oo shuruudo ku xireysa in la fasaxo khaatka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsan in dib loo fasaxay khaatka Kenya ee iman jiray Soomaaliya oo hadda xayiran muddo laba sano ah. 

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada. 

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida. 

Si kastaba, sarkaal sare oo ku dhow maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay inuu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro khaatka, balse aanu jirin heshiis rasmi ah oo arrintan laga gaaray.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah. 

Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta Kenya ka dalbatay in, si loo fasaxo khaatka, Soomaaliya dhankeedana loo hirgeliyo dhowr arrin oo ay ka mid yihiin:

1- Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika

In muddo ahba Soomaaliya ayaa u hanqal taagaysay in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban toddobo waddan oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu wadahadalkan furmay waxyaabaha ay Kenya ka codsatay waxaa ka mid ah in ay kala shaqeyso sidii ay uga miro dhalin lahayd hammigeeda ku aaddan ku biiritaanka ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EAC.

Kenya ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee EAC, waxayna kaalin weyn ka qaadatay ka mid noqoshadii Koonfurta Suudaan ee ururka oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biira.

Dalalka ku mideysan dalladdan ayaa wadaaga xiriir dhow. Dhammaan muwaadiniintooda ayaa loo oggol yahay in ay waddamadan isaga kala gooshaan, ganacsi xor ahna isu kala gudbiyaan si fudud.

Ujeeddada ay Soomaaliya ka leedahay xubinnimada EAC waxaa ugu wayn in la xoojiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo in dadka wata baasaboorka Soomaaliya ay dal-ku-gal-la’aan ku dhex safri karaan waddamada ku jira ururkan Bariga Afrika.

Haddii ay arrintaas hirgasho, ganacsatada Soomaalida ayaa heli doona xuquuq la mid ah tan dalalka kale, waxayna heli doonaan fursado ay badeecooyinkooda kala duwan ku dhoofiyaan.

2- Fududeynta safarka

Qodobbada muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka rabto dhinaca Kenya waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Kenya.

Qof walba oo ku dhoofaya baasaboorka Soomaaliya ayaa marka uu tagayo Kenya laga doonayaa in uu qaato dal-ku-gal ka hor inta uusan diyaaradda raacin.

Mararka qaar waxay helista dal-ku-galka qaadataa dhowr bil, lacag badanna way uga baxdaa.

Inkastoo tan iyo sanadkii hore ay muwaaddiniinta Kenya ee u safraya Soomaaliya lagu qasbay inay online-ka ku sii dalbadaan dal-ku-galka, haddana waxaa horay caadi u ahayd inay dal-ku-galka Soomaaliya qaataan marka ay ka degaan garoonka Aadan Cabdulle.

3- Dhoofinta Kalluunka

Ilaha dowladda Soomaaliya ee xogta aan ka helnay ayaa noo xaqiijiyay in Soomaaliya ay sidoo kale doonayso in Kenya loo dhoofiyo kalluunka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa isagana ahaa mid dhowr jeer oo hore la soo hadal qaaday, qaybna ka ah ganacsiyada ugu waawayn ee dhex mari kara labada waddan ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa doonaysa in suuqa kalluunka ay kasoo xareyso dhaqaale xoog leh, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii la billaabo dhoofinta Kalluunka, waxay taasi waddada u furaysaa badeecooyin kale oo laga dhoofin karo Soomaaliya, sida dalagyada beeraha iyo xoolaha nool. Taas oo ay sii dheer tahay suuqa weyn ee dalalka ku bahooday Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Maxay Kenya sheegtay dhankeeda?

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Mr. Munya oo ka hadlayey gobolka Meru ee khaatka laga soo saaro ayaa sheegay in maamulka cusub ee Soomaaliya uu ballan-qaaday horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labad dal.

Waxa uu xusay in wada-hadallada ganacsi lagu guuleystay kadib markii uu Uhuru Kenyatta Khamiistii tegay Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh. 

“Waxaan uga mahad-celineynaa madaxweyne Uhuru Kenyatta wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed ee uu sida hoose u waday. Xayiraadda waxay si xooggan u saameysay dhaqaalaha Bariga Kenya iyo dakhligii beeraleyda,” ayuu yiri Mr. Munya.

Munya ayaa sheegay in wada-hadallada hadda lasoo geba-gebeeyey, waxaana haray in la saxiixo heshiiska, oo ay qeyb ka tahay in kalluunka Soomaaliya iyo badeecado kale loo dhoofiyo Kenya.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan. 

Fahad oo ka hadlay sida uu noqonayo xiriirkiisa QATAR kadib guul-darradii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin oo markii u horeysay bixiyay wareysi gaar ah, tan iyo markii lagaga adkaaday doorashada madaxweynaha saaxiibkii Farmaajo ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Qatar.

Fahad Yaasiin oo la weydiiyay sida uu ku dambeyn doono xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Qatar ayaa sheegay in Qatar aysan shaqsi wada-shaqeyn kala dhaxeyn, taasi oo la macno ah in xiligaan aysan jirin xiriir ama wada-shaqeyn dhexmari karta.

“Fahad nidaam dowladeed ma aha, qof ayaa ahay hadda maxay ila soo xiriirayaan? ma dowlada Soomaaliya ayaa madax ka ahay,” ayuu yiri La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa sida la fahamsan yahay ahaa shaqsigii u dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Qatar oo ayadu aheyd dowlad saameyn weyn ku laheyd tallada dalka.

Sidoo kale waxa uu ku faanay intii uu joogay xilka u sareeya hay’adda NISA in uu meesha ka saaray “fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

Mar la weydiiyey haddii dowladihii uu beddelay uu ku beddelay Qatar, wuxuu sheegay inuusan marnaba NISA u isticmaalin miisaaniyad aan ka aheyn kan dowladda fedeeraalka, oo ay ogtahay lagana xaqiijin karo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa xiligaan dadaal badan ku bixinaysa sidii ay xiriir wanaagsan ula sameyn laheyd madaxda cusub ee dalka, tan iyo markii uu doorashada ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Daawo: Cabdi Xaashi oo ka horyimid in la bedelo xeer Hoosaadka AQALKA SARE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo khudbad ka jeediyey kulan ay maanta yeesheen Golaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muranka ka taagan Xeer Hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si weyn uga horyimid in la bedelo Xeer Hoosaadka uu Aqalkaas kusoo shaqeynayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna tilmaamay haddii wax laga bedelayo inay noqoneyso dib u noqosho horleh, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda inaynu niraahno Xeer Hoosaad cusub ayey shaqadii ka bilaabeynaa aniga ilama hagaagsana waa dib u noqosho waxaa weeye 4 sano ayuu Aqalkan kusoo shaqeynayey Xeer Hoosaadkaas,” ayuu yiri guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale soo jeediyey in ugu yaraan ay haboon tahay in qodobada qaar wax laga bedelo, inta kalena sidooda lagu daayo.

“Haddii ay noqoneyso qodobaad aan isleenahay wax halaga bedelo waxaa weeye marka aynu howlihiisa galno ayaa ku bedeleynaa wixii jira,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aan loo baahneyn xilligan in xubnaha cusub dartood loo bedelo Xeer Hoosaadka, balse la saxo wixii u baahan in dib loo saxo.

“Ma qabo inaad tiraahdaan xubno badanbaa cusub, sidaas daraadeed hab-dhowrihii ahaa magacaabista maanta ma ogolin inuu socdo aniga erey fiican ilama aha waa dib u noqosho taasi. Xeer Hoosaadka waa saxeynaa wixii sixitaan u baahan,” ayuu markale yiri Mr. Xaashi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo Golaha Aqalka Sare ay ku biireen xubno cusub, kuwa ka mid ahna Senetaradii hore ay soo laabteen, taas oo keentay dooda haatan ka dhalatay Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo muhiim u ah shaqada iyo kulamada ay yeeshaan Golahaas.

Nin 12 sano ka tirsanaa AL-SHABAAB oo lagu soo bandhigay Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ayaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi ku soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab kaasoo isku soo dhiibay ciidamada Xooga dalka.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamuud Diiriye ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 12 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay dagaallo dhowr ah, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gudaha magaalada Garbahaarey.

“Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxda Alshabaab, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka Sonna.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sidoo kale xusay inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen, waxayna farriin u direen xubnaha kale ee weli ku jira Al-Shabaab

Sidoo kale ninkan oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ee ku biiray Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu haatan ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxda, isla-markaana uu garowsaday inuu isaga soo baxo, isaga oo u mahadceliyey dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa soo kordhayey xubnaha isa soo dhiibayey ee ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay xoogeystaan howlgallada ay wadaan ciidanka huwanta.

Madaxweyne FARMAAJO oo soo saaray farriin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo caleemo saarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in Soomaaliya ay wax badan dheertahay dalal waaweyn, markii la eego dhanka dimoqraadiyadda.

“Waxaan ognahay in dowlado institutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaaliyeed  sare u qaadday.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Macnaheedu waxay tahay, dalka wuxuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay,  laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraadiyaddeenna ku horumarinayno.”

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraalkaan soo raaciyey sawir ay gacmaha is heystaan asaga, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo looga qaaday xafladii caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sawirkaas oo yeeshay saameyn xoog leh ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u qabsaday baraha bulshada, waxaana la barbar dhigay sawir lamid ah oo seddaxda Madaxweyne ay gacmaha is-heystaan, korna u taagayaan, kaas oo la qaaday shan sano ka hor 2017-kii, xiligaas oo Farmaajo loo caleemo saaray madaxweynaha dalka.

Faah-faahin: DAGAAL dhex-maray PSF iyo booliska PUNTLAND + Khasaaraha

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa is-rasaaseynta shalay galab ka dhacdey meel ku dhaw xarunta PSF ay ku leedahay magaalada Boosaaso, oo dhex -martay ciidamada booliska iyo kuwa PSF. 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska Boosaaso ay tageen xeebta, halkaas oo maalinta Jimcaha ah ay dadka u damaashaad tagaan, waxaana uu khilaaf dhexmaray ciidamada PSF oo inta badan ilaaliya Xeebaha Gobolka Bari. 

Rasaasta labada ciidan dhex martey ayaa sababtey dhimashada laba askeri oo ka tirsan ciidanka Booliska, dhaawaca ilaa afar qof oo shacab ah iyo qaar kamid ah ciidanka PSF oo is rasaaseynta ku dhaawacmey. Tirada guud ee dhaawaca ayaa lagu sheegay toddoba qof.

Maalin kasta oo Jimce ah waxaa xeebta Bosaso u dabaal taga dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo ku dabaasha meel ku dhaw xerada PSF, ciidanka PSF ayaa sugi jirey amniga dadka dabaalanaya xeebta, maadaama ay tahay meel aad ugu dhaw xerada.

Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa wararku sheegayaan in ay tageen xeebta Jimcigii ka horreeyey kii shalay, oo sidaan oo kale la isku maandhaafey laakiin aysan dhicin wax rasaas ah.

Si kastaba, Jimcihii labaad ayaa xaaladu faraha ka baxdey, markii ciidamo badan oo boolis ah halkaas tageen.

Labada dhinac ee shaqaaqadu dhex martey ayaan weli ka hadlin waxa sababey arrintan iyo sida wax u dhaceen. Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor-imaadka. Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta dhalisay xiisadda.

Guddoomiye Cali Jayte oo dalab u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi ayaa dalab culus u diray Madaxweynaha dowladda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Jayte ayaa ka codsaday Madaxweynaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay gacan ku siiyaan howlgallada haatan ka socda wadada xiriirisa Beledweyne iyo Matabaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan ay muhiim tahay in la’iska kaashado dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ka heystaan dalka.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga in shacabka laga dulqaado nimanka dhiigyo cabka ah ee caadeystay in ay dhiigga shacabka baneystaan,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan howlgallada xoogooda uu ka socda dhulka buuraleyda ee gobolka Hiiraan, ayna wadaan ciidamada Xoogga, qaybtooda 27-aad.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna ka fulisaa weeraro culus, waxaana ugu dambeeyey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada hore Madaxweynaha Soomaaliyauu uu u ballan-qaaday inuu xoogga saari doono ammaanka iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.