26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daahir Geelle oo sheegay 3 su’aal oo jawaab u baahan si doorasho loo aado 

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharaxa madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in saddex su’aalood hadii jawaab loo helo la ogaan doono sida ay noqon karto xaaladda Soomaaliya.

Daahir wuxuu sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay mid aan ku baraarugsaneen diidmada uu ka sameynaayo inuu si nabad ah ku wareejiyo xilka ay hoos u dhigeyso kalsoonida ay beesha caalamka ku qabi karto Soomaaliya.

Musharaxa madaxweyne oo la hadlayay TV-ga Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo uusan kala garan karin in la doortay iyo in la duubay.

“Madaxweynaha xilka waa uu ka dhamaadey mana la cusbooneysiinin, xilkana hadii uu dhamaado hadii lasii joogi karo oo isku awood la yahay in la is doorto muhiim maba ahayn. Waxaa iska dhex-gashan oo iska dhex-gashay in la doortey iyo in la duubay,” ayuu yiri Daahi Maamuud Gelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Soomaalida dhaqanka markay duubato muddo uma qabato laakiin laakiin dowlad markay doorato muddo ayay u qabataa. Labadaa ayaa isku qaldan midaas ayayna dowladdeena dhexda ka fadhisaa”

Daahir Maxamuud Geelle wuxuu aaminsan yahay in hadii si dhaqso leh loo aado doorashada uu imaan karo xal, sidoo kale wuxuu sheegay in saddex su’aalood ay ku hoos jirto xaaladda Soomaaliya.

“Saddexda arrimood ayaa muhiim ah xilliga soo socda. Shirka yaa ka qeybgalaya? Waa muhiim. Maxay tahay in ay kasoo baxaan? Waa muhiim. Wixii kasoo baxa yaa fulinaya? Waa muhiim” ayuu mar kale yiri Gelle.

Musharaxa wuxuu doonayaa in saamileyda siyaasadda oo lagu sheego bulshada rayidka iyo mucaaradka ay ka qeyb galaan shirka, sidoo kalana la helo jadwal cad oo ku saabsan doorashada.

Ugu dambeyntii wuxuu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu ugu talagalay inuu dagaal ka dhex dhaliyo Galmudug iyo Puntland, ayna daliil u tahay sababta iyadoo Dhuusamareeb la isku mari waayay uu gogosha u dhigay Garowe.

Jubbaland oo kordhisay howl-gallada KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay kordhiyeen howl-gallada laga sugayo amniga ee ay ka wadaan gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulkasi.

Ciidamada ayaa howl-galladooda kusoo qab-qabtay tiro dhalinyaro ah, kadib markii ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay sii daayeen qaar ka mid ah dhalinyarada, kuwa kalena ay ay gudbiyeen saldhigga, ka gadaal markii looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo hor leh ay ka sameysteen xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, si loola socda dhaq-dhaqaaq dadka & gaadiidka.

Saraakiisha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dajiyaan, sidoo kalena ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday bam-gacmeedyo, kuwaas oo dhaliyey khasaare kala duwan

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sagootiyay BEN FENDER

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo dhawaan laga bedelay xilka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, kaasi oo uu qeyb weyn kasoo qaatay Amb. Ben Fender.

Rooble ayaa intii uu kulanka socday uga mahad-celiyay Amb, Ben Fender kaalinta muga leh ee uu ka qaatay xiriirka labada dal, isagoona u rajeeyay mustaqbal wanaagsan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Sidoo kale Ben Fender ayaa isaguna dhinaciisa si weyn uga mahad-celiyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa, xili uu ku jiro maalmihiisi u dambeeyay ee Soomaaliya, maadama ay dhamaatay muddo xileedkisii shaqada

Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday Safiirka ku macasalaameyay Dharka dhaqanka Soomaalida iyo Abaalmarino kale oo ugu muujinayay sida ay dowladda federaalka uga mahad-celinayso dadaalkiisa intii uu joogay dalka.

Kulankaan oo ahaa mid sagootin ayaa waxa uu imanaya xili uu dhamaaday muddo xileedkisii shaqada, waxaana dalka loo soo magacaabay bilowgii sanadkii 2019-kii, oo xiligaas uu bedelay Mr. David Concar.

Qoys Somali ah oo booliska Norway ay dhibaateeyeen oo 24 saac ku taajiray

0

Oslo (Caasimadda Online) – Maxamed Jaamac waa aabe Soomaaliyeed oo isaga iyo qoyskiisa ay ku nool yahiin magaalada Oslo ee dalak Norway, muddo 24 saac ayuuna ku taajiray kadib markii lacago looga aruuriyay Internet-ka.

Qoyskaan waxey daganayaan guryaha ay maamulanaa dowladda Hoose, gaar ahaan degmada Toyen eek u yaalla Caasimadda, ayaa la kulmay dhibaato kaga timid dowladda Hoose kadib markii dhaqaalaha bishii lasoo dhaafay uu gaaray darajadii guriga looga saari lahaa.

Maxamed iyo Dowladda Hoose waxey ku heshiiyeen hadii dakhliga soo galo bishii uu dhaafo wax ka badan 15 kun oo Karoon oo u dhiganta $1,500 (Kun iyo Shan Boqol Doolar) inuu raadsan doono guryaha gaarka loo leeyahay ee kiradoodu qaaliga tahay, waa sida ay ku sheegeen kooxda Dowladda Hoose.

Maadaama uu soo galay dakhli ka badan intii lagu heshiiyay, maamulka Dowladda Hoose waxey ku wargaliyeen inuu baneeyo guriga, aabaha guriga (Maxamed Jaamac) wuxuu warqad cabasho ah u diray dowladda Hoose kana codsaday in loo naxariisto oo aan guriga laga saarin, maadaama lagu jiro xilli (COVID19) uu jiro, sidoo kalana qabow daran uu jiro, isagana ay u joogaan Caruur aad u yar-yar.

Dowladda Hoose wey ku gacan seyrtay cabashadii aabaha Soomaaliyeed, waxeyna go’aan ku gaareen in loo diro Boolis si guriga looga saaro, waxaana banaanka loo soo saaray qoyskii xilli uu jiro qabow aad u daran.

Booliska waxey ku qanciyeen qoyska iney heystaan amar dowladeed, isla markaana aysan waxba ka badali karin, waxeyna qoyska usoo bandhigeen iney raacaan oo ay intii habeenkaas ah seexdaan goobaha la seexiyo dadka wadooyinka laga qaado ee sarqadda ka badato ama isticmaalaha maandooriye xad dhaaf ah.

Maxamed Jaamac iyo qoyskiisa wey ka diideen Booliska iney halkaas u raacaan, isla markaana ay seexdaan goobtaas.

Gabar aan magaceeda la faafin balse reer Norway ah oo daris la aheyd qoyska ayaa dhibaatada qoyska iyo waxa ay ka ogtahay xaaladda ku faafisay baraha bulshada, taasna waxey keentay in dowladda Hoose ay la kulanto dhaleeceyn shacabka kaga timaada, ilaa laga codsado iney iska casilaan xilka.

Gabadha waxey dadka reer Norway ka dalbatay in qoyskaan laga bixiyo lacagta dibaajiga ah ee guryaha kirada la isaga qaado oo dhan 50,000 Karoon, balse ay saacad gudaheed dadka ku bixiyeen, waxeyna ku qasbanaatay iney badasho mowduuca sheekada ilaa ay gaarsiiso in loo iibiyo guri.

24 Saac gudahood waxaa loo aruuriyay lacag dhan 1 Malyan oo Karoon, waxeyna maamulka Dowladda Hoose hadda kala shaqeynayaan inuu helo guri uu iibsado si ay xalka dhibaatada qeyb uga noqdaan.

Aabe Maxamed Jaamac iyo hooyo Aamina waxey heleen garabka dadka reer Norway, waxaana loo aruuriyay lacag aan caadi aheyn, dowladdu ma canshuuri doonto sida la sheegay, sidoo kalana website-ka IPAS ee lacag aruurinta laga sameeyay ayaan isna khidmad ka qaadi doonin.

Abshir Bukhaari oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa ku eedeeyay sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku tuntay dastuurka dalka.

Abshir Bukhaari wuxuu qabaa in Farmaajo isagoo ogsoon in dastuurka dalka uu qeexayo dhismaha guddiyada madaxa bannaan uu hadana hareer maray, wuxuuna tusaaleyn usoo qaatay wareegtadii ugu dambeysay ee la sheegay iney kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha taasoo lagu magacaabay guddiga adeegga garsoorka.

“Waa kan Farmaajo oo mar kale ku tumanaya dastuurkii dalka, wuxuu wareegto kusoo saaray guddi ka mid ah guddiyada madaxa banaan isagoo ogsoon in dastuurka kumeel gaarka ah qodobkiisa 112-aad uu qeexayo habraaca loo maraayo guddiyada madaxa banaan,” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Sidoo kale warqadii kasoo baxday xafiiska Farmaajo wuxuu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan raacsaneyn dastuurka.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa gaashaanka u daruuray gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo sheegay iney tahay waxba kama jiraan maadaama aan aqalka sare lasoo marsiin, sida sharcigu qabana ay tahay in lasoo marsiiyo.

Midowga Musharaxiinta oo war cusub kasoo saaray banaan-baxa Jimcaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta markale ka hadlay banaanbaxa ay ku dhawaaqeen inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, xili uu dalka marayo marxalad xasaasiya.

Mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ku hadlayay Afka Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxaas uu yahay mid nabdoon, islamarkaana wax fowdo iyo dhibaato ah u keeneyn amaanka caasimada.

Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta ay ka war heleen in dowladda ay doonayso inay carqaladeyso banaanbaxaas, oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho wada-ogol ah oo si dhaqso ah uga dhacda dalka.

Daahir Geelle ayaa ugu baaqay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xijaar iyo guud ahaan taliyeyaasha ciidanka inay ka qeyb qaatan sugida amniga dadweynaha maalinta Jimcaha iskugu soo baxaya magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday ciidamada inay taxadar iyo feejignaan dheeriya muujiyaan, islamarkaana ay ka fogaadan hirdanka siyaasadeed ee dalka taagan, loogana baahan yahay inay xaqiijiyaan amaanka guud ee goobta ay u asteeyen inuu ka dhaco banaanbaxaas.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbaxaas oo dhacay dhamaadka toddobaadka, iyagoona sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.

Kenya oo war kasoo saartay go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay markii ugu horreysay go’aankii ay maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) ka qaadatay codsigeedii ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya.

Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay iney diyaar u yahiin ka qeyb galka dhageysiga dacwadda, islamarkaana aysan go’aanka maxkamadda u aheyn guuldarro.

Dhageysiga dacwadda waxaa loo ballansan yahay 15-ka Maarso, iyadoo socon doonta ilaa 19-ka Maarso, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay diidmo ay ka muujisay in dib loo dhigo dacwada badda markii afaraad, kadib isku day ay sameysay Kenya.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ, oo qoraal soo saaray Sabtidii.

Inkastoo uu sheegay iney xaadiri doonaan, haddana Macharia Kamau wuxuu mar kale diray fariin dadban oo ah inaan meesha laga saarin halista cudurka Covid-19, taasi oo muujineysa in Kenya weli aysan ka rajo dhigin in kiiska dib loo dhigo.

Balse, Philippe Gautier  ayaan sheegay in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, taasi oo meesha ka saareysa halista COVID-19 ee Kenya ay isku dayeyso inay ku cudur daarato.

Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay iney diyaar u yahiin qareenadeeda isla markaana ay rajeynayaan iney helaan xukun cadaalad ah.

Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.

Wararkii ugu dambeeyey shirka guddiyada DF iyo dowlad goboleed iyo R/W Rooble oo furay + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Guddiga Farsamada ee Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Baydhabo. 

Ra’iisul Wasaaraha oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddiyadan ayaa yeelan shir ay soo qaban-qaabiyay beesha caalamka, waxeyna guddigaan ka kala socda dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ka arrinsan doonaan sidii xal loogu heli lahaa qodobada la isku mari weysan yahay ee ku hor gudban arrimaha doorashooyinka, isla markaana keenay fashilka shirkii dhuusamareeb 4.

Beesha Caalamka ayaa kulankaan ka ah kor joog, waxaana la doonayaa in xal looga gaaro arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu weyn ee ku hor gudban doorashada, sidoo kale guddiyadaan shirka uga socda waxey si toos ah ula xiriirayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wararka hoose oo ay Caasimadda Online heleyso waxaa ka mid ah in xubno ka tirsan guddiga ay booqan doonaan gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, waxeyna doonaayaan iney soo qiimeeyaan xaaladda deegaanada lagu mursan yahay.

Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa isku raaci waayay hannaanka doorashada iyadoo wali aan dhinac loo bixin, beesha caalamka ayaana ka shaqeyneysa sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona qaban lahaa doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo loo wada siman yahay.

Maxay qabanayan guddiga ku shiri doona Baydhaba?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Inkastoo uu baaqday shirkii ay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ku yeelan lahaayeen guddi farsamo oo ka kooban maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, kuwaas oo u sii gogol xaari lahaa gollaha wadatashiga qaran, si xal u helida khilaafka ka taagan doorashada dalka, hadana waxaa su’aal la iska weydiinayaa “Maxey qaban doonaan guddiga ku shiri doona magaalada Baydhabo”

Guddigan oo uu magacaabay ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka, Maxamed Xuseen Roble, kana kooban 14 xubnood ayaa ah mid daba socda shirkii maalma kahor ka dhacay magaalada Samareeb ee u dhaxeeyay dowladda federaalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka oo k dhammaaday is-afagard waaga.

“Shirkan wuxuu daba socdaa shirkii wadatashiga qraana ee ooga hadlay arrimaha doorashooyinka, guddiganna wuxuu turxaan bixin ku sameyn doonaa arrima fara badan, wuxuu u gogol xaari doonaa shirka ay madaxda isugu iman doonta, iyagoona ka doodi doonaa waxyabaa badan oo la xiriir arrimaha khilaafka doorashooyinka kahor inta aysan madaxda isugu imanin shir”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid oo la hadlay BBC-da.

Waxyabahaa kasoo baxa shirka ayuu wasiirka sheegay in wixii ay isla meel dhigaan ay u gudbin doonaan dowlad goboleedyada, kadibna madaxda dowlad goboleedyada ay usii gudbin doonaa madaxda dowladda federaalka.

“Shirkan waa uu ka duwan yahay kuwii hore oo lagu baaqay inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo kan waa guddi farsamo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Kullankii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ku dhexmaray magaalada Samareeb ee Galmudug ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii la isku mari waayay qoddobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan katirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku heyso dowladda federaalka.

Haddase waxaa muuqata in wadahadalada loo wajhaayo si ka duwan sidii hore, maadaama kullamadii hore ay isa soo hor frriisan jireen madaxad labada dhinac, balse hadda guddigan ayaa filayaa inay sii jilciyaan arrimaha khilaafka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka, kuwaas oo marka ay wax isla meel dhigaan loo gudbin doona madaxda ay matelaan, si loo saxiixo kadibna loo meel mariyo.

Arrintan ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada Shirka golaha wadatashiga qaranka, six al looga gaaro khilaafka harreeyay doorashada.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqya kala kulmayay beesha caalamka iyo gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada wada ogol ah inkastoo dib u dhac ku yimid wakhtigii la qorsheeyay.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

ISHA: BBC SOMALI + CAASIMADA

Jeneral Maxamed Tahliil oo amar xasaasi ah siiyey ciidamada DF ee GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka xoogan ee ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha oo degaano ka tirsan gobolka Gedo kula hadlayay Ciidamo ka tirsan Guutada 10-aad ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalyahanada Al-Shabaab laga saaro dalka, si looga nabad helo falalka argagax leh ee markasta usoo maleegan bulshada.

Waxa uu ciidamada dowladda faray in si deg-deg ah u bilaaban howl-galo lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo looga qabsanayo deegaanada ay ku sugan yihiin, islmarkaana ay heegan buuxa u galaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen sida ay ula dagaalamaan oo kale.

“Laga bilaabo saacadaan waa inaad heegan u gashaan sidii aad ula dagaalami laheydeen Al-Shabaab, ma ahan kuwo dadka u naxaya ee u gowraca sida ay idiin gowracayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in dagaalyahanad kooxdaasi loola dagaalo qaab arxan darro ah, oo uu sheegay in iyagu ula dagaalam ciidamada, isagoona ku dhiiri-geliyay ciidamada dowladda inay gowracayaan oo si arxan darro ah u dilaan xubnaha kooxdaas.

Hadalka taliyaha wuxuu kusoo aadayaa xilli xaaladda dalka ay mareyso meel xasaasi ah, sidoo kalana dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro qorsheysan, is miidaamin, dilal ka fulinayaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxey dadka qaar su’aal iska weydiinayaan waxa xiligaan kusoo beegay in lagu dhawaaqo iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in doorasho la aado, sidoo kalana gobolka Gedo ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee khilaafka doorashada uu ka jiro.

Nin hubeysan oo dad isku qoys ah dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe nin mindi ku hubeysnaa uu dil iyo dhaawac u geystay saddex qof oo isku qoys ah.

Dhacdadan ayaa timid, ka gadaal markii ay isku dhaceen qoyska iyo ninka oo daris la’ahaa, kadib muran soo kala dhex-galay.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu soo qaatay Mindi, kuna dhaawacay 3 qof oo kala ahaa Aabe iyo labo gabar oo uu dhalay, balse waxaa markii dambe dhaawac ahaan isbitaalka ugu geeriyooday Aabaha, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in ninka dilka geystay oo goobta isaga baxsaday uu marxuumka todobo goor ku dhuftay Tooreyda, kadibna uu dhaawacay labo gabar oo kale.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in marxuumka iyo ninka dilka ka dambeeyey ay Qaraabo ahaayeen, islamarkaana uu caafimaad qabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin ay qaraabo ay ahaayeen oo ay darisna ahaayeen iyo isaga ayaa xoogaa is-qabtay, kadibna ninkii ayaa soo booday oo Toorey la dhacay 7 goor ayuu ku dhuftay,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Ninkaan wuxuu ahaa nin miskiin ah ma-garatay oo siddeed cunug oo yaryar ah u shaqeysta, islamarkaana tabar yar,”.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxaana meydka loo gudbiyey goor dambe xarunta CID-da, si baaris loogu sameeyo falkaasi.

Dhacdadan oo si aad ah loo hadal hayo ayaa wal-wal xoogan & cabsi ku beertay dadka deegaanka, gaar ahaan ehellada qoyska ay dhibaatada soo gaartay.

Dib u dhac ku yimid shirkii uu iclaamiyey FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Maxamd Cabdullahi Farmaajo, kaas oo u dhexeeya dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Shirkan oo la filayey inuu furmo maanta oo ay ku beegan tahay 15-ka Febraayo ayaa dib uga dhacay, waxaana qorshuhuu in la’isugu tego magaalada Garoowe.

Dib u dhaca ayaa waxaa sababay khilaafka ka dhashay, halka lagu qabanayo shirkan, kadib soo jeedin ka dib Jubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in Muqdisho laga dhigo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin dib u dhaca ku yimid shirka oo qorshuhu ahaa in diirada lagu saaro doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ra’iisul wasaarah xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhinaca kale shalay magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 14 xubnood oo ka kooban dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir.

Guddigan ayaa u gogol xaaraya qabsoomida shirka wada-tashiga golaha qaranka, waxaana beri ay shir ku yeelan doonaan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka arrinsanaya qabsoomida shirka u dhexeeya dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Si kastaba beesha caalamka ayaa horey uga digtay inuu dib u dhac ku yimaado shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, kaas oo muhiimadu ay tahay in xal mideysan looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka.

KHEYRE oo DF u jeediyey eedeyn la xiriirta GALAAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hadana ah musharax Madaxweyne ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay gogosha tacsida Alla ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Jeneraal Galaal ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii ay todobaadyo ka hor Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Afriik.

Khayre oo war ka soo saaray tacsida uu ka qeyb galay ee Jeneraal-ka ayaa Allaah uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, waxuuna dhammaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Nuur Galaal oo ahaa “astaan qaran oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyay cimrigiisa inta ugu badan.”

“Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofka dhintay waxuu ahaa qof qaran, muhiimadda iyo ahmiyadda ugu weynna waxay tahay in ay dowladdu u abaal guddo, oo ay muujiso sida ay uga xanuunsaneyso dadka usoo dhintay ee astaanta u ah qarannimada Soomaaliyeed,” ayuu Kheyre qoraalkiisa ku yiri.

Waxuu intaas ku daray, “General Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika. Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ee noloshiisa ahaa odey waayo arag ah oo kaalin muuqato ku leh nabadeynta iyo dhab u heshiisiinta bulshada.”

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal waxaa meydkiisa lagu aasay magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, waxaana aastay ehelladiisa, waxaana dowladda lagu dhaleeceeyey in aysan sidii uu ka mudnaa u maamuusin meydka Jeneraalka.

Waxaa xusid mudan in madaxda dowladda federaalka iyo inta badan kuwa dowlad goboleedyada ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb, markii meydka Jeneraal Galaal la geeyey Gurceel, taas waji gabax badan uu ka soo wajahay dhamaan madaxda Soomaalida oo maalmahaas shir ku lahaa Dhuusamareeb.

Hay’ado lacag ku bixinaya in Muqdisho laga barakaco  

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay baadi goob ugu jiraan Soomaali ka tirsan hay’ado shisheeye, kuwaas oo dadka Muqdisho u raraya xeryaha qaxootiga dalka Kenya. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay ogaadeen in Kenya laga furay kaamam cusub islamarkaana loogu talagalay in la geeyo dad danyar ah oo ku nool kaamamka Muqdisho, waxaana dadkaas loogu sheekeeyay in suurtagal tahay dagaalo ka qarxa Muqdisho. 

Hay’adahaan ayaa la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin hase yeeshee waxaa la aaminsan-yahay in ay macaash ka raadinayaan barakac iyo qaxootiga Soomaalida. 

Wararka kale ayaa sheegaya in ay soo abaabuleen dowlado shisheeye oo diidan daganaanshiyaha Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay Kenya. Caasimada Online ma xaqiijin karto in dowlado shisheeye ku lug-leeyihiin hase waxaa magaalada ka jiro in dadka danyarta ah lagu dhiiri gelinayo in ay dalkooda ka cararaan. 

Sababaha ugu waa weyn ee dadka loogu abuurayo barakac iyo in ay dalkooda ka cararaan ayaa lagu sheegay muranka la xariira doorashada Soomaaliya, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Qoraal kasoo baxay DF oo dood iyo su’aalo ka abuuray baraha bulshada (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay wasaaradda arrimaha dibadda kuna saabsanaa cambaareynta weerar ay kooxda xuutiyiinta ku qaadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudiga ayaa si aad ah looga falceliyay.

Qoraalkaan ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda wadanka ay mareyso meel xasaasi ah, sidoo kalana ay dadka wali xasuusan yahiin qaraxii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Sayidka.

Qoraalka Wasaaradda ay soo qortay waxaa ka falceliyay muwaadiniin badan oo isticmaala barta twitter-ka, waxeyna qaarkood tilmaameen in dowladda Sacuudiga aysan ka hadlin dhibaatooyinka Soomaaliya, balse ay wasaaraddu isku mashquulineyso waxyaabo aan danta umadda ku jirin.

Dadka qaar ayaa aaminsan in wasaaradda looga baahan yahay waxyaabaha danta u ah dadka Soomaalida iney ka shaqeeyaan, kana hadlaan, sida dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ku heysta wadamo badan oo ay South Afrika ka mid tahay.

Qof ayaa soo qoray: “Anaga shaqadana mahan waxa ka dhexeeya Saudi arabia iyo Yamen. Wax aan Soomaali dan ugu jirin faraha kala baxa.”

Qof kalana wuxuu yiri: “War dowladaay, Sacuudi haddii Muqdisho wax ka dhacanba kama hadlaanee maxaa idin daba dhigay waa yaabe, markaas kale baan nacaa dowladba.”

Qof kale ayaa isna soo qoray: “War xagaasna maxaa inaga jira tolow.”

Mid kale ayaa isna is-weydiiyey “Sacuudiga ma canbaareeyaan weerarada argagixisada ee ka dhaca Soomaaliya?”

Qof kale ayaa isna ku jawaabay “Waxaa la dhahay mudul gubtay mid kale maxaa ugu yaalaa, annaga aaway teenee waa cajiib?”

Senator YUUSUF XAAJI oo ku geeriyooday NAIROBI

0

Nairobi (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee caasimadda Wadanka Kenya ku geeriyooday Marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalkaasi.

Maxamed Yuusuf ayaa hadda ahaa Senatorka ismaamulka Gaarisa, wuxuuna ka tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya.

Marxuumka oo caan ku ahaa magaca Yuusuf Xaaji ayaa bilihii lasoo dhaafay xanuunsanaa, waxaana geeridiisa BBC u xaqiijiyey xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in marxuumka galabta ayaa lagu aasi doono qabuuraha Musliminta ee Langata.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya, wuxuuna mar soo ahaa wasiirkii difaaca dalkaasi, isaga oo sidoo kale muddooyinkii lasoo dhaafay hoggaaminayay guddi loo  saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badelka dastuurka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday barasaab gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Marxuumka oo aad loogu yaqaano magaca Yusuf Xaaji ayaa dhashay sannadkii 1940-kii, wuxuuna ku dhashay gobolka Waqooyi Bari, wuxuuna dhalay illaa 9 caruur ah.

Mahad Salad oo shaaciyey ‘farqiga dhanka sharciyadda’ ee Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa is barbar dhig ku sameeyey shaciyadda ay xafiisyada ugu sareeya dalka ku joogaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo dalbaday bal in lala wadaago hadii uu jiro qodob dastuuri ah oo Farmaajo awood u siinaya inuu xafiiska sii joogo.

“Mudada xilhaynta Madaxweynaha waa afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo sida ku cad Qod. 91aad dastuurka. Sidaas ayuuna Farmaajo ku yahay Madaxweyne hore ama Madaxweyne xilkiisu dhamaaday,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa.

Isagoo daliishanaya qodobka 103-aad ee dastuurka dalka ayuu tilmaamay in Rooble oo sharciyad u heysto inuu sii ahaado ra’iisul wasaare xil-gaasiin ah, inta laga soo magacaabo ra’iisul wasaarihii xilka kala wareegi lahaa.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu waa Xil-Gaarsiiyeyaal inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo inta laga dhaarinayo Ra’iisul Wasaaraha cusub sida ku cad Qod. 103aad dastuurka. Sidaas ayuuna Rooble ku yahay Ra’iisul Wasaare xilgaarsiiye ah inta dowlada cusub ee dhalan doonta ay ka soo magacaabayso Ra’iisul Wasaarihii isaga badali lahaa,” ayuu yiri.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin qodob dastuuri ah oo maanta Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday u ogolaanaya inuu sii joogo xafiiska, xitaa hadii aan weli la dooran madaxweynihii bedeli lahaa.

“Qaylodhaan warmo kama tummaan ee qofkii qodob dastuuri ah oo Farmaajo lagu difaaci karo haya ha ila soo wadaago. Qofkii ujeedkiisu yahay in uu dadka qabyaalad ku indho sarcaadiyana comments-ka hoose waa u fasaxanyahay ee haku ciil baxo,” ayuu Mahad ku yiri qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Dhammaan hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhameystay madadoodii xil heynta ee dastuurku u ogolaanayey, waxaana hadda la isku mari la’yahay, hanaankii loo soo dooran lahaa madaxda bedeleysa kuwa waqtigu ka dhamaaday.

Xasan Sheekh oo sheegay arrin aysan mucaaradka marnaba aqbali doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo madaxweynaha uu muddo xileedka ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa fashilka iyo dib u dhaca ku yimid doorashad dalka dusha u saaray dowladda federaalka iyo madaxdeeda uu muddo xileedkooda dhamaaday, sida uu sheegay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday uu qeyb ka yahay caqabada ku hor-gudban doorashada dalka, isagoona xusay inuusan dooneyn in dalkan ay ka dhacdo doorasho, xili ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso xal ka gaarista muranka doorashada.

Sidoo kale waxa uu “lama aqbalaan” ku tilmaamay sii joogista Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uusan marnaba ogolaaneyn golaha mucaaradka, oo iyagu dhamaadka toddobaadkan ku baaqay banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho dhaqso u qabsoomta.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo maanta Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay ku dhawaaqeen banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Muxuu baarlamanka carabta ka yiri xaaladda Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay baarlamaanka carabta ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doorashada.

Qoraalka oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka carabta, Caadil Bin Cabdul Raxman Al-Casumi ayaa marka hore waxaa lagu soo dhoweeyey qabashada shirka u iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, kaas oo loog hadlayo doorashooyinka dalka, una dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Caadil Bin Cabdul Raxman ayaa ugu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay inay xal-waara ka gaaran xaaladda cakiran ee dalka & sidii looga gudbi ahaa marxaladda adag.

“Waxaan soo dhoweyneynaa wada-hadalka qaran ee Soomaaliya waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada is haya inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan arrintan oo ah masiirka dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey inay muhiim tahay inaga fakiro mustaqbal Soomaaliya, islamarkaana ay laga wada-shaqeeyo mniga iyo xasiloonida dalka.

Ugu damhyn Al-Casumi ayaa cadeeyay mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku Aadan taageerad dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran isaga oo ugu baaqay wadamada carabta inay xoojiyaan furfurnaantooda ayna horumariyaan xiriirkooda Jamhuuriyada. Soomaaliya heer kasta iyo dhinac walba.

Soomaaliya ayaa xilligan wajaheyso xaalad kala guur ah, iyada oo aan weli heshiis laga gaarin doorashada dalka , islamarkaana uu waqtigii ka dhamaaday dowladda federaalka.

Ciidamada PUNTLAND oo ‘howl-gal qorsheysan ku qabtay’ xubno Shabaab ah

0

Boosaaso (Caasimada Onlin) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka Puntland ay ka sameyeen gobolka Bari.

Howl-galka oo saacado badan qaatay ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen tuulada Marajo iyo dhulka Buuraleyda ah ee hoostaga sida Booje iyo Habar-hagoogane.

Saraakiisha horkaceysay howl-gallada ayaa sheegay in lagu qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha la qabtay ay miinooyin ku aasayeen waddada isku xirta Bali-khadar, Karin iyo degaano kale oo ka tirsan Bari.

Waxa kale oo ay saraakiishu tilmaameen inay gacanka ku shigeen maado ay Al-Shabaab u isticmaalayeen qaraxyada, ayna ka hortageen weeraro kale oo qorsheysan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegatay Puntland.

Maalmihii ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulka buuraleyda gobolka Bari oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab & Daacish.