25.3 C
Mogadishu
Sunday, July 19, 2026

Caynte: Dalka wuxuu galay marxalad uusan waligii horey usoo arag oo aan dhicin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) ayaa si adag uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo muddada xil-heynta ee ka dhammaatay madaxweyne Farmaajo.

Caynte ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu galay marxalad uusan weligiis horey usoo arag, taas oo ah in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato, iyada oo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo kala guurka.

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Caynte ayaa sidoo kale xusay in arrintani ay dhaawaceyso silsiladdii soo socotay ee dimoquraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mas’uuliyadda uu qaadi doono madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday, ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Halkan hoose ka aqriso:-

Bismillah,

Maanta, dalkeennu wuxuu galay marxalad uusan waligiis hore usoo arag. Wali ma dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Waa cambaar kale oo abid ku summadeysnaan doonta taariikhda dalkeenna. Waxayna dhaawac ku tahay silsiladdii dimoqraadiga aheyd ee dib loo soo yagleelay 20 sano kahor. Masuuliyaddeeda koobaadna waxay ku dhaceysaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada dalka waxaa dhabarka u ridan doona mudane Farmaaajo.

Taxanaha nabadeynta iyo dowlad dhiska dalkeennu wuxuu si habsami leh usoo socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaanna ku kalsoonahay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka weecan doonin tubtaas toosan.

Wabillahi Towfiiq.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda siyaasadeed ee dalka kadib markii Farmaajo uu waqtigu ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waqtiga uu ka dhacay, mana cadda sharciyadda uu hadda ugu sii fadhiyo kursiga, kadib markii uu dhameystay afartiisa sano oo ku ekeyd 11:59 PM, February 7, 2021.

Farmaajo ayaa waqtigu ka dhamaaday ayada oo aanay kala caddeyn sida xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ku dambeyn doonto kadib markii lagu heshiin waayey doorasho lagu soo doorto madaxweynihii isaga beddeli lahaa.

Markii waqtigu uu ka dhacay Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah ka dhacay rasaas xooggan oo illaa hadda qaarkeed la maqlayo, waxaana ridaya ciidan taageersan inuu xilka ka dhamaaday.

QORSHAHA MUCAARADKA

Musharaxiinta mucaaradka ayaa waqtigu Farmaajo ku dhacay, ayaga oo aan wax qorshe ah u diyaarsaneyn oo ku aadan sida ay xaaladda dalka ku wajahayaan. Hase yeeshee taas beddelkeed waxay saacadihii ugu dambeeyey ee  7-dii Febraayo ku bixiyeen inay iska daba ordaan ayaga oo raadinaya tallaabo kursiga looga kiciyo marka uu waqtigu ka dhamaado Farmaajo, sida ay xubno ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

Musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaanada raacsan ayaa galabkii Axadda illaa fiidkii hore ee Axadda yeeshay kulamo kala duwan, waxayna isku raaceen in xalka noqdo in lala hadlo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, si uu talada dalka isaga ula wareego.

Waxay kadib soo saareen qoraal ay ku sheegeen inaysan Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweyne laga billaabo 8-da Febraayo 2021.

GO’AANKA MURSAL 

Markii musharaxiinta ay la kulmeen Mursal wuxuu muujiyey inuu diyaar u yahay inuu madaxweyne ku meel gaar ah noqdo, balse wuxuu si cad u sheegay inuusan sameyn karin inuu meel soo istaago oo uu ku dhowaaqo inuu madaxweyne yahay.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Mursal ayaa doonaya inuu helo taageero xooggan si uu sidaas u sameeyo. Taageerada uu raadinayo waxaa ka mid ah in madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ay ku ra’yi noqdaan kuwa Puntland iyo Jubaland iyo mucaaradka, ama ugu yaraan midkood uu raaco, si uu u dhiirado.

Hase yeeshee, xaqiiqda jirta ayaa ah in mucaaradka aysan labadaasba madaxweyne gacanta ku hayn, inkasta oo rajo ay ka leeyihiin kan HirShabeelle Cali Guudlaawe. 

Arrinta kale ee Mursal dhiiri-gelin karta ayaa ah haddii uu maanta oo Isniin ah Muqdisho laga dareemo awood shacab oo Farmaajo looga soo horjeedo. Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa dhankoodana la sheegay inay ku kalsoon yihiin in Mursal uusan qaadi doonin tallaabo ka dhan ah.  

BEESHA CAALAMKA

Beesha caalamka waxaa lagu warramay inay kala hadashay mucaaradka inaysan qaadin wax tallaabo ah oo xaalad dagaal gelin karta dalka, ayaga oo u sheegay inay soo saari doonaan qoraal ku aadan xaaladda dalka, kaasi oo la filayo maanta oo Isniin ah. Inkasta oo aysan caddeyn waxa uu yahay qoraalkaas, waxay u badan tahay inay shir deg deg isugu yeeraan dhinacyada isku haya Soomaaliya, shirkaasna uu ka dhaco Muqdisho.

Xog kale oo aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka ay u sheegeen Mursal inuusan qaadin wax tallaabo ah oo uu ugu dhowaaqayo inuu talada dalka la wareegay.

Dhanka kale, waxaa xalay sidoo kale qadka internetka ee Zoom-ka ku wadahadlay wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo Jubaland oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo dib ugu laabtay  magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Xog ay Caasimada Online ka heshay shirka dhex maray wakiillada Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegaysa in laga hadlay arrimaha siyaasadda dalka oo hadda mareysa meel xasaasi ah. Si gaar ah waxaa kulankaas diiradda loogu saaray marxaladda uu dalku geli karo wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa inuu socdo qorshe maalmaha soo socda magaalada Muqdisho la isugu keenayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xaaladdu sii kala cadaato, ha ka fogaan Caasimada Online wixii soo kordha.

Sawirro: Ciidanka Haramcad oo howl-gallo qorsheysan ka sameeyey Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska maamulka HirShabelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka howl-gallada ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaas oo caasimad u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxa ay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar ee ay ka shakiyaan.

Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane oo ah taliye ku xigeenka saldhigga Booliska Jowhar oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi, wuuuna sheegay in lagu soo qabtay 2 qof oo laga shakisan yahay, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano.

Dhaqane ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay soo socon doonaan howl-gallada baaritaanada ah ee ka socda halkaasi.

Jowhar ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Maxaa looga hadlay kulankii madax goboleedyada iyo beesha caalamka?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa caawa qadka internetka ee Zoom-ka ku wadahadlay  wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo Jubbaland oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka caawa ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo galabta dib ugu laabtay  magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Xog ay Caasimada Online ka heshay shirka caawa dhex maray wakiillada Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegaysa in laga hadlay arrimaha siyaasadda dalka oo hadda mareysa meel xasaasi ah.

Si gaar ah waxaa kulankaas diiradda loogu saaray marxaladda uu dalku geli karo wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa inuu socdo qorshe maalmaha soo socda magaalada Muqdisho la isugu keenayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa hadda dooneysa inay madaxda Soomaalida isugu keeno shir ay gar-wadeen ka tahay, maadaama ay iyagu ku guul dareysteen inay ku heshiiyaan doorashada.

Farmaajo oo saddex tallaabo mid qaadi kara marka waqtigu ka dhaco caawa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Caawa oo ay taariikhdu tahay 7 February, 2021 waxaa ku eg muddo xileedkii afarta sano ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhacaya saacadduu caawa marka ay tahay 11:59 PM, wuxuuna wakhtigiisa dhamaanayaa iyadoo aysan jirin nidaam doorasho oo lagu heshiiyay si looga gudbo marxaladda uu wadanka marayo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu khudbad u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka, isagoo qirtay inuu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalana uu wax heshiis ah la gaari waayay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxaana jirtay inuu eedeymo usoo jeediyay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Soomaaliya waxey ku jirtaa marxalad uu qof walba isha ku hayo waxa xiga ee dhici doona, waxaa la sugi doonaa sida loog falceliyo marka uu dhamaado muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Haddaba dadka siyaasadda Soomaalida daraaseeya waxey sheegeen in saddex tallaabo uu qaadi karo madaxweyne Farmaajo.

INUU XAFIISKA KA TAGO

Madaxweynaha wuxuu qaadi karaa tallaabo ah inuu isaga tago xafiiska isla markaana garwaaqsado inuu muddo xileedkiisii dhamaaday, tiiyoo ay jirto inuu hirgalin waayay doorasho, sidoo kalana uu ku fashilmay inuu la heshiiyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxaa talada dalka iyo howlaha fulinta oo ay doorashada ku jirta la wareegi kara xukuumadda, taasi oo ayada oo kaashaneysa maamul goboleedyada ka shaqeyn karta in muddo 3 bilood gudahood ah ay dalka uga qabato doorasho.

INUU RAADIYO HESHIIS DOORASHO

Madaxweynaha wakhtigiisa maanta ku egyahay wuxuu qaadi karaa tallaabo uu dib ugu raadiyo madaxda dowlad goboleedyada, dadka siyaasadda la falgala waxey sheegeen in maqaam ahaan uusan u qalmin qodobkaan, balse ay tahay tallaabo uu qaadi karo.

Inkastoo lagu kala aragti duwan yahay waxa loogu yeeri doono marka uu muddo xileedkiisa dhamaado iyo awoodda uu lahaan doono, hadana wuxuu heshiiskaas gali doonaa isagoo aan aheyn qofkii hore, awood ahaan.

INUU MUDDO KORORSI SAMEEYO

Dadka kasoo horjeeda siyaasadda madaxweyne Farmaajo waxey sheegaan inuu dalka ugu talagalay marxaladaan, isla markaana uu baadi goobayo muddo kororsi, inkastoo shalay uu ku hungoobay inuu Baarlamaanka hortiisa ka sheego.

Waxey dadka qaar dareensan yahiin in Farmaajo doonayo inuu xukunka sii joogo, sidaas darteed waa tallaabo kale oo uu qaadi karo, marka dib loogu laabto inuu ka tanaasuli waayay qeyb ka mid ah heshiiskii dowlad goboleedyada oo khuseeya gobolka Gedo iyo inuu qancin waayay hogaamiyayaasha siyaasadda ee dalka ayaa u muuqata inuu wali doonayo inuu xafiiska sii joogo.

Indhaha oo dhan waxey kusii jeedaan Villa Soomaaliya, waa hoyga looga taliyo Soomaaliya, qof walbana wuxuu ka war dhawri doonaa waxa kasoo bixi doona maanta oo ah maalinta ugu dambeysa muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Waa maxay ujeedka kulanka xildhibaanada BF ee berri?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo diray fariin lagu balaminayo kulan ay yeelanayaan berri oo Isniin ah.

Illaa laba ajande ayaa fariintan loogu sheegay xildhibaanada in berri la hor keenayo golaha, kuwaas oo kala ah:

1 – Akhrinta 3-aad ee wax-kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2-aad iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

2 – Iyo warbixin ku sahabsan wax – qabadka 100-kii maalmood ee la soo dhaafay ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa golaha hortegi doona maalinka xigta ee 9-ka bishan Febraayo oo ku beegan Talaadada soo socota, waxuuna xildhibaanada ka hor sharixi doonaa wabixinta berri loo qeybinayo ee wax qabadka xukuumadiisa.

Tuhun iyo guux badan ayaa ka jira magaalada, kaas oo laga qabo in xukuumaddu codsi mudo kororsi ay la hortagto golaha shacabka, sidoo kale waxaa jira olole mudo kororsi oo si hoose uga socda magaalada, inkastoo aan weli si shaacsan loo soo bandhigi karin.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa, in caawa saqda dhexe ay war soo saari doonaan midowga musharaxiinta Soomaaliya, oo hadda shir xasaasi ah ku leh Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa qorsheynaya inuu soo saaro war-saxaafadeed, waxuuna ku dhawaaqi doonaa in aysan aqoonsanayn Madaxweyne Farmaajo wixii ka dambeeyo saqda dhexe ee caawa, sida aan ku helnay xogta.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa aad u murugsan, waxaana dhamaday mudo xileedkii madaxweynaha, iyadoo aysan jirin cid badeleysa iyo wax lagu heshiiyey toona, taas oo mudo dheer laga digayey.

Kulan xasaasi ah oo u socda Shariif, Xasan iyo Cali Mahdi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa goordhow guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, xili ay xaalad cakiran ka taagan tahay dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweynayaashii hore ayaa waxaa sii galbiyay soddameeyo kolonyo isugu jirta gaadiidka dagaalka iyo kuwa aan xabadaha karin, xiliga ay tagayeen guriga Cali Mahdi, waxaana hadda u socda shir ay albaabadu u xiran yihiin.

Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa ka wada-hadlaya xaalka cakiran ee dalka, xili ay muddo saacado ah ka harsan yihiin muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin heshiis siyaasadeed looga gudbi karo xaaladan cakiran.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa sidoo kale waxa uu u muuqda dhoolatus nooc cusub ah, maadama uu kusoo aaday iyada oo saacada un ka harsan tahay muddo xileedka Farmaajo, oo ay si weyn isku hayaan Musharaxiintan.

Midowga Musharaxiinta mucaaridka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ayaa waxay hore uga digeen firaaq dastuuri ah, iyaga oo kal hore shaaciyey guddiyo doorasho, lamana oga tallaabada ay qaadi doonaan xiligan xasaasiga ah, oo laga cabsi qabo in amaanka guud uu faraha ka baxo.

Caasimada Online ayaa fahamsan in wixii ka dambeeya caawa marka ay saacaddu tahay 11:59 PM aysan Musharaxiinta Mucaaradka u aqoonsan doonin Farmaajo inuu dalka madaxweyne ka yahay, maadaama aanu jirin heshiis doorasho lagu aadi karo.

Wixii kasoo kordha kulankan kala soco Caasimada Online

Daawo: Musharaxiinta dhex-dhexaadka ah oo Farmaajo usoo jeediyey inuu hal mid sameeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta ku midoobay “Kudladda Musharaxiinta Madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah” ayaa maanta ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, oo ay ka harsan tahay saacado kooban.

Musharaxiintan ayaa sheegay in uusan diyaarsaneyn hanaan badela madaxweyne Farmaajo kadib marka uu caawa kala wareega saacada uu ka dhamaado muddo xileedkiisa dastuuriga ah, isla markaana loo baahan yahay in dalka laga bad-baadiyo firaaq dastuuri ah oo ka dhaca dalka.

Waxay ugu baaqeen madaxweyne Faarmaajo in uu is casilo, maadama ay muddo saacado ah ka hartay muddo xileedkiisa, kuna wareejiyo xilkaas guddoomiyaha golaha shacabka oo ay sheegen inuu yahay shaqsiga xiligan sharciyad u helaya inuu xilkaas sii hayo.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in muddo ku siman 3 bilood gudahooda ah lagu qabto doorasho wada-ogol ah, taasi oo ay ku sheegen inay tahay muddada u yar ee lagu qaban karo doorasho wada-ogol ah oo dalka ka dhacda.

“Dolwaddu ma hayso sharciyad ay ku shaqeyso, si uusan firaaq u dhicin waa in guddoomiyaha baarlamaanka uu la wareego xilka, madaxweynuhuna uu is casilaa caawa labo iyo toban saac ka hor (12:00AM) haddii uu is casili waayana uu si awtamatikali ah uu la wareega guddoomiyaha baarlamaanka, uuna noqdaa madaxweynaha kumeel gaarka ah” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Kudlada musharaxiinta madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in aan u diyaar garowna saddexda bilood ee soo socda in doorashadii u qabsoomto si dowlad sharci ah loo helo. Waa in gaabkii dhici lahaa uu meesha ka baxom doorashadiina ay qabsoomto muddo gaaban oo saddex bilood gudahooda ah, talladaas ayaa soo jeedinayna waayo majiro waqti kale oo lagu qabto howlo kale”.

Ugu dambeyntiina waxay uga digeen baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday inuu caqabad ku noqon oo aysan soo saarin wax sharciyad ah, kuwaasi oo keeni kara dhibaato, isla markaana ay ka fogaadan waxkasta oo sii durkin kara, isla markaana sii fogeyn kara arrinta taagan ee khilaafka doorashada.

Guuleed oo soo bandhigay qoraal uu ugu yeeray ‘Afartii sano ee siyaasaddii Ismoog’

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay, ‘Afartii sano ee siyaasadii ismoog 2017 – 2021’ taas oo uu haga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Ayadoo ay muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay saacado kooban,  ayaan waxaan jecleystay inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago qormo  aan ugu magac daray,” Afartii sano ee Siyaasaddii ismoog 2017- 2021″ taas oo si guud u milicsaneysa nidaamkaas xukun,” ayuu Cabdikariin Guuleed ku yiri hor dhaca qormadiisa.

Afartii sano ee Siyaasaddii ismoog 2017- 2021

Maanta waxaa idlaaday mudaddii xil-heynta ee madaxweyne Farmaajo. Wuxuu waqtigu idlaaday iyadoo dalku uu ku jiro hubanti la’aan doorasho, Dowladdii dhexe iyo maamul Gobolleedyadii kala taagayanyihiin, Al Shabaab awooddoodii intii hore ka xoog badantahay, oo walaac badan laga qabo mustaqbalka dalka.

Dadka Soomaaliyeed waxey qof walba oo maamulka dalka qabta ka rabaan inuu wax uun horumar ah ka sameyso dhinacyada muhiimka ah sida amniga, dagaalka Al Shabaab, dib u heshiisiinta, shaqo abuurka, daaddajinta maamulka ee heer Federaal, dhismaha ciidan Qaran, dimuqraadiyada doorashooyinka, wanaajinta xiriirka arrimaha dibbada, hormarinta dhaqaalaha iyo xasiloonida siyaasadda.

Waxaa cad in hoggaankii afrtii sanno ee lasoo dhaafay, inuusan waqti ku bixin arrimaha muhiimka ah. Hadii aan mid mid u dul istaagno.

1- Amniga, dagaal Al Shabaab iyo dhismaha ciidan Qaran

Intii uu jiray maamulka madaxweyne Farmaajo ee maanta waqtigii ka dhammaaday waxaa dalka ka dhacay Qaraxyadii ugu waa weynaa abid, waxa la dilay masuuliyiin sar sare, waxaa dib usoo xoogeystay Al Shabaab oo aan dagaal dhab ah lagu qaadin afartaas sanno, waxaana korartay cabsida dadweynaha iyo shaqaalaha Dowladda, dad badan ayaana ka baxay dalka markii ay arkeen iney soo bateen dhibatooyinka la xiriira amniga. Al Shabaab waxey dib u qabsadeen goobo horey looga xoreeyay. Waa ayaandaro weyn in maamulka waqtigu ka dhammaaday uusan wax ahmiyad ah siinin amniga dalka iyo dagaalka Al Shabaab afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Heshiisyadii siyaasadeed ee la gaaray waxaa ku jirtay in la dhiso ciidan Qaran oo ka kooban gobollada dalka oo dhan oo loo diyaariyo iney Amisom kala wareegaan ammaanka dalka. Wax shaqo ah lagama qaban arrintaas Dowladuna wax ahmiyad ah ma siinin, wuxuuna waqtigii madaxweynuhu dhammaaday iyadoo wali ay muuqato baahi weyn oo loo qabo joogitaanka Amisom. 

2- Dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka

Dhaqaalaha dalka ayaa si weyn u bur buray mudadii uu jiray maamulkii madaxweyne Farmaajo. Waxaa xirmay ganacsiyo badan sida hotelo, shirkaddo ka shaqeyn jiray soo dejinta iyo xarumo bixin jiray adeeg bulsho. Waxaa sabab u ah bur burka dhaqaale ee dhacay canshuurta qorshe la’aanta ah ee ay Dowladdu kordhisay, amni darada baahday, jidadka xiran iyo Al Shabaab oo iyaguna kordhiyay canshuurtii ay ka qaadi jireen dalka oo dhan gaar ahaan Muqdisho.

Afartii sanno ee uu jiray maamulka madaxweyne Farmaajo, wuxuu ahaa waqtigii ugu adkaa dhallinyarada Soomaaliyeed oo aaney helin wax shaqo abuur ah,mid Qaran iyo mid gaar ah intaba. Hoggaanka Dowladdii waqti ku dhammaaday intii ay ka fakari lahaayeen shaqo abuur Qaran oo mustaqbaleh, waxey lacagtii shaqada loogu abuuri lahaa dhallinyarada u adeegsadeen dacaayado lagu marin habaabinaayo bulshada Soomaaliyeed iyo aflagaadeynta madaxdii usoo adeegtay dalkaan.

3- Dib u heshiisiinta iyo daaddajinta Federaalka

Maamulkii madaxweyne Farmaajo waxaa hawlihii loo igmaday ka mid aheyd inuu hannaanka maamul ee Federaalka daaddajiyo oo uu wada gaarsiiyo goballada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka isagoo arrintaas usii maraya Dowlad Gobolleedyada, laakiin nasiib daro waxaa uu madaxweyinihii taas ku badalay dagaal ka dhan maamul Gobolleedyadii dhisnaa. Afartii sanno waxaa ay madaxweynaha kaga dhammaatay iyadoo maamulladii iyo isagu kala taaganyihiin, gobollada qaar  colaaddo ka socdaan, qaarna uu ka fara maroojiyay maamulladii ka jiray.

Maamulkii waqtigu ka dhammaaday waxaa laga rajo qabay inuu sii wadi doono hawlihii dib u heshiisiinta dalka, iyadoo la ogyahay in aaney bulshadda Soomaaliyeed dhexdeedu wali si buuxda uga heshiinin wixii kala gaaray. Madxweynaha oo olollaha doorashada kusoo galay inuu nabadoon noqonaayo, hal maalin xitaa labo is heysa gacanta isuma saarin, ma dhex tagin, waqtina kuma bixin. Maanta waxaa uu waqtigii ka dhamaaday iyadoo dalka qeybo ka mid ah ay dagaallo qabiil ka socdaan, reer Hiiraan ay hub aruursi ku jiraan, Gedo xaalkeedana laga war hayo oo xita uu madaxweynuhu sababay in dumarkii iyo waayeelkii Gedo hubka qaataan.

4- Dimuqraadiyada, Xasiloonida siyaasadda iyo Doorashooyinka

Shaqooyinkii maamulkii madaxweyne Farmaajo laga rabay waxaa ka mid aheyd inuu u saldhigo dimuqraadiyada dalka, hirgalinta nidaamka xisbiyada badan, qabashada doorashooyin dadweyne (Qof iyo cod) iyo inuu abuuro xasilooni siyaaasaded oo taaba-gal ah, laakiin waqtigii wuxuu ka dhacay iyadoo aanu jirin xisbi u diiwaangashan si rasmi ah, isagoo dadkii ku baacsanaya awooddii lagu aaminay qaarna ku dilay, isagoo dhaqankii beelaha kala irdheeyay, isagoo saxaafadii ka dhigay mid uu laalusho iyo mid uu xiro, isagoo abuurtay kooxo guulwadayaal ah iyo isagoo aan hal maalin lala xisaabtamin isaga iyo xukuumadiisa, xisaab celina aan sameynin.

Wuxuu madaxweynaha waqtigii ka dhammaaday isagoo aan heynin heshiis doorasho oo loo dhanyahay, dalkii oo kala taagan iyo hubanti la’aan maamul oo muuqata. Wuxuu waqtigii ka dhammaaday iyadoo qof walba oo Soomaali ah uu lee yahay xagee halkaan laga aadi doonaa, kadib afartii sanno ee siyaasaddii Ismoog.

5- Xiriirka Caalamiga ah

Maamulkii waqtigu ka dhammaaday waxaa lagu wareejiyay wadanka oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dhammaan dalalka Caalamka, kobcinayay xiriirkiisa iyo danihiisa arrimaha dibbada, balse maanta oo uu waqtigii ka idlaaday waxaa uu maamulkii hore ka tagaya dal cadow badan dibada kuleh, dal dantisii dibada loo afduubay dano yar yar, dal aan laheyn siyaasad dibbadeed oo cad oo la yaqaano waxa ay u taagantahay iyo dal aan laheyn saaxiibo caalami ah, oo danguud lagula macaamilo.

Talo

Madaxweyne afar sanno ayaad dalkaan ku waday siyaasad aan madax iyo majo laheyn, siyaasad ismogeysiis ah oo aan runta iyo caqabadaha loo dhaqaaqeynin xalkooda. Waxaad ogtahay amnigu meesha uu joogo, shaqo la’aantu heerka ay gaartay iyo in aadan Al Shabaab hal maalin u dhaqaaqin. 

Waa la wada soconaa adiga iyo maamul Gobolleedyadii halka aad kala joogtaan, waxaad ka dharagsantahay sicirka qabyaalladu sida uu cirka u galay intii aad xafiiska joogtay, intaas oo dhan waxaad uga sii xogoggaalsantahay inuu waqtigii kaa dhammaaday. Hal talo aan ku siiyo waqti kale ummadda ha ka lumin, adna sumcadaada inta ka hartay dabo qabo oo fadlan si tartiib ah xukunka ugu wareeji guddoonka Baarlamaanka si doorasho loo qabto, adigana Allaha ku amaansado, dalkana u rajeeyay inuu kasoo kabto siyaasadii dhaawaca aheyd ee aad afarta sanno ku hoggaamineysay.

Puntland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay jawaabtay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ka hor sheegay kulankii xildhibaanada golaha Shacabka, kaasi oo uu ku sheegay in heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu gaara magaalada Muqdisho uu soo qortay madaxweynaha Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “gef bareer ah”, isla markaana uu ugu gefay madaxda dowlad goboleedyada oo uu kamid yahay madaxweyne Deni.

Wasiir Timacadde ayaa waxa uu sheegay inuu raali-gelin ka siinayo gefkaas madaxda dowladd goboleedyada oo uu madaxweyne Farmaajo ku shaanbadeeyay inay meel-marin waayeen wixii ay iyagu soo qorteen, sida uu sheegay.

“Hadalkaas waxa uu gaf ku yahay madaxweynayaasha maamul gobolleedyadii ka qayb-galay shirka, annagaana xaal ka siinayn” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Timacadde.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaridka ay si weyn u naqdiyeen hadalkaas oo uu shalay madaxweyne Farmaajo ka hor sheegay golaha shacabka, kaasi oo ay ku tilmaameen in iyagu ahaayeen “marqaatiyaal ka qeyb galay wax uu soo qortay madaxweynaha”.

Si kastaba, waxaa sii cakirmaya xaalka siyaasadeed ee dalka, xili ay saacado kooban ka hareen muddo xileedkii madaxweynaha. Mana jiro heshiis siyaasadeed oo laga gaaray hanaanka doorashada, iyada oo lagu kala kacay shirkii u dambeeyay ee Dhuusamareeb-4.

Masar oo go’aan ka gaartay safiirkii ay dirtay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa go’aan soo jiitamay ku aqbashay Safiirka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday dalkaaas, oo sidoo kalena ah Wakiilka Soomaaliya ee dalalka Jaamacada Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

Safiirkan ayaa kamid ahaa 12-xubnood oo dhawaan la horgeeyay xukuumadda, isla markaana dib loo soo celiyay, waxaana loogu magacaabay Masar, in uu wanaajiyo xiriirka labada dal, kadib markii xiisad siyaasadeed xoogan ay muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd.

Danjire Ilyaas ayaa maanta si rasmi ah looga gudoomay waraaqaha Safiirnimo, taasi oo ka dhigeysa in xukuumadda Qaahira ay diyaar u tahay inay dib usoo nooleyso xiriirkii wanaagsana ee dowladda Soomaaliya, kaasi oo uu mad-madow badan soo galay tan iyo markii hogaanka dowladda uu dhinaca saaray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabooyin ay Itoobiya uga hiilineyso Masar, midaasi oo keentay inuu xumaado xiriirka labada dal, balse hadda waxa muuqda dadaal ay dowladda ku rabto inay dib usoo celiso xiriirkii heerka sarre ahaa ee xukuumadda Qaahira.

Arritan ayaa imaneysa xili ay labada dhinac isku dayayaan soo celinta xiriirkaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in horaantii bishan ay dowladda Masar dib u soo celisay dugsigii 15-May, kaasi oo muddo sanad ah waxbarashadiisu hakad u gashay xiriirka sii xumaanayey ee labada dal.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo muddo xileedkeedu ka harsan yahay saacado kooban ayaa muddooyinkii dambe isku dayeysay inay hagaajiso xiriiro badan oo ay u lumisay shaqsiyaad ay saaxiib dhow la yihiin hogaanka dalka, halka ay cadaawad cusub ka abuuratay qaar kamid ah dalalka deriska.

Taliyihii NISA ee magaalada Dhuusamareeb iyo 12 askari oo ilaaladiisa ahaa oo la dilay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas qarax lagu dilay Taliyaha ciidanka Nabad-Sugida magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon.

Qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano Miinada ayaa waxa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen Taliyaha iyo ilaaladiisa, xili ay marayeen meel u dhow deegaanka Ceel Dheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ayaa sheegaya in ilaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka ay ku dhinteen qaraxaas, oo jugtiisa laga maqlay deegaano ka tirsan gobolak Galgaduud.

Gaariga ay la socdeen ciidanka ayaa qaraxu uu ku haleelay duleedka Dhuusamareeb xilli ay ku jireen hawlgallo lagu xaqiiinayey amniga inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud 

Waxaa lagu soo waramayaa inuu xiligan socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana xoog u kacsan xaalada deegaanka Ceel Dheere.

Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida ay tebiyaan warbaahinta taageerta maleeshiyadaas.

Ciidamadii Ahlu-Sunna oo mar kale soo rogaal celiyey lana wareegay magaalo

0

Matabaan (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamadii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee la qareemeyey ay la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolkaasi oo dhacay bartamaha Somalia.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, kana tirsan haatan qeybta 21-aad ee Xoogga dalka ayaa isku fidiyey magaalada, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay qabsadeen baraha koontaroollada ee laga soo galo Matabaan iyo saldhigga Booliska magaaladaasi oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaasi, balse wararka qaar ayaa tibaaxaya in ciidamadii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee la qarameeyay ay isku dhaceen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha dowladda iyo maamulka magaalada oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in iska hor imaad uu ka dhaco degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Koox hubeysan oo maanta dil ka fuliyey MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa toogasho ay kooxo hubeysan maanta ka geysteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay jid-cadaha mara dhabarka dambe ee Suuqa Weyn, gaar ahaan dhanka xaafadda Aargada, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in askariga oo marayey waddada dhinaceeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado, waxaana ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taas oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuumka.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka ka qaaday halkaasi, kadibna sameeyey baaritaano kooban.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada ammaanka, iyadoo muddo kooban uu hakad galay dhaq-dhaqaaqa.

Maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin dilka qorsheysan ee loo geystay askarigaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ay ka socdaan ka dhacayey falal ammaan darri, sida dilal & qaraxyo.

Madax goboleedyada oo sii joogaya Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee hadda ku sugan Dhuusamareeb ayaa sii joogaya gudaha magaaladaasi, iyaga oo weli wada-tashiyo ballaaran oo ku aadan xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.

Madaxda maamullada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa illaa & muddo labo cisho sii joogaya Dhuusamareeb, iyaga oo ka qeyb-galaya munaasabadda sanad guurada koowaad ee doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay yeeshay kulan uu albaabada u xirnaa oo looga hadlayey xaaladda dalka iyo khilaafka doorashada 2021-ka.

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray, sida laga yeelayo dalka, hadii la gaaro 8-da Febraayo oo ah maalinka u dambeysa ee mudo xileedka madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxda maamullada shirarkooda ay kasoo saaraan war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ka wada-hadlayaan iyo waxa ay la tahay xaaladda dalka.

Si kastaba kulamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday shirkii wada-tashiga ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Weerar khasaare geystay oo xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ka dagan yahay gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa fuliyey rag hubeysan, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo kale oo shacab ahaa, kuna sugnaa guriga taliyaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib ay rasaas fureen ciidan ku sugnaa guriga, waxaana rasaastaasi dhaawac kasoo gaaray markii dambe u geeriyootay gabar yar oo ka mid aheyd dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Xanaan Barre.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kal weerarka kadib sameeyey xalay, illaa saaka howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Guriga la weeraray oo ku yaalla kasoo horjeedka garoonka kubadda cagta Dr Ayuub ee magaalada Baydhabo ayaa xilligaasi waxaa ka maqnaa taliyaha ciidanka Asluubta oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, ahna fadhiga taliska ciidamada Asluubta dalka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ammaanka Baydhabo ayaa ahaa mi deggan, waxaana howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka waday ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Odowaa: “Madaxweynahu hal maalin ma tanaasulin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ahna haatan xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka falceliyey khudbadii shalay madaxweyynaha ee baarlamaanka.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho uusan hal maalin sameyn wax tanaasul ah, gaar ahaan kiisasii ay la kulantay dowladdiisa muddada 4 sano ah ee ay jirtay, isaga oo tusaale u soo qaatay, dhiibistii Qalbi-Dhagax, ridistii Jawaari, arrinka Gedo & ridistiisii Ra’iisul wasaare Khayre.

Sidoo kale Odowaa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynuhu xilligan ku faano tanaasul ayaan sameeyey, isaga oo tilmaamay inay tahay arrin marin habaabin ah.

“Madaxweynuhu wax kale oo kasta haba sheegtee waan tanaasulay inuu Ummadda u sheego waa ayaan darro iyo marin habaabin cusub,”. ayuu yiri xildhibaan Odowaa.

Halkan hoose ka aqriso:-

Farmaajo iyo Tanaasul: Mashriq iyo Magrib

——————————————-

Shalay waxaan ku maqanaa meel aan anteeno fiican lahayn.

Waxaan saakay dhagaysatay khudbada Madaxweynaha saacaduhu ka harsanyihiin muddo xileedkiisa uu baarlamaanka shaley ka jeediyay

Waxaan la yaabay inta badan madaxweynaha fasaaxad la’aan waa lagu ogaaye laakiin inuu yiraa tanaasul baan sameeyay.

Xukunka madaxweyne Farmaajo iyo tanaasul meel islamaba galaan.

Afar sano oo caga jugleyn, dhago adeyg iyo aamusnaan u badan ayuu muddo xileedkiisii ku dhamaaday.

Hal maalin madaxweynuhu ma tanaasulin, laga bilaabo

– Dhiibistii Qalbi-dhagax

– Ridistii Jawaari

– Boobkii doorashada maamulada dowlad gobleedayada

– Arinka Gedo

– Ridistiisii Raiisul Wasaarishii

– Arimaha la xariira doorashada

Doorashada dhan ee Soomaliya waxa ay u taagantahay madaxweynaha oo diidan inuu mamaulka Jubalanad u madax baneeyo maamulka Gedo.

Madaxweynuhu wax kale oo kasta haba sheegtee waan tanaasulay inuu ummadda u sheego waa ayaan darro iyo marin habaabin cusub.

Ciidan ilaalinayey shaqaale Turkish ah oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya wadada dheer ee  isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in maanta markale wadadaasi uu ka dhacay qarax miino oo lala eegtay ciidamada Haramcad ee sugaya amniga jidkaasi.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Carbiska, iyada oo lala eegtay ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ilaalinya Shaqaalaha iyo Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay ku dhowaad 5 askari oo ka mid ah ciidamada Haramacad ee qaraxa lala beegsaday.

Sidoo kal kadib qaraxa ciidamada ammaanka ayaa sameeyey baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas iyo howl-gallada xigay intaba.

Muddooyinkii u dambeeyey Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada qaraxyada ah ee ka dhanka ah Shaqaalaha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka Afgooye & Muqdisho.

FARMAAJO oo war kasoo saaray dib u doorashada hogaanka Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay hoggaanka ururka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ku bogaadiyey Moussa Faki doorka uu weyn ee uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu sii adkeynayo muhiimada ay leedahay in hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha horumarka, ilaalinta nabadda iyo xasiloonida guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo haatan waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka go’an tahay dowladdiisa xoojinta doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha & daris wanaaga.

Si kastaba Soomaaiya ayaa door fifircoon ku leh ururka Midowga Afrika oo ciidamo ay ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo ka qeyb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maxaa laga fahmay khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo u jeediyey BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eego Khudbadii shalay ee Madaxweyne Farmaajo waxaa kuu Iftiimaya in uu taagan yahay madaxweynuhu xaalad quus ah, oo aysan caddeyn sida looga bixi karo, waxaana laga dareemayaa inuu ku daalay xaaladaha jahwareeerka leh ee ku qotanta doorashooyinka Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo waxa uu aad uga qeyla dhaamiyay madaxda Puntland iyo Jubaland oo uu ku sheegay in ay mar kasta furayaan xargaha uu xiro ee xalka doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka muuqday niyad jab iyo kalsooni la’aan uu ka qabo madaxda kale ee lagu xanto in ay dhankiisa jiraan, sida HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. 

Madaxweyne ayaa dhowr jeer tibaaxay inuu tanaasulay isaga oo awoodo inuu ku adkeysto go’aanadiisa saxda ahaa, sida uu yiri 

Waxa uu muujiyay in uu jiro faragalin shisheeye oo toos ah, taas oo taabaneysa heshiisyada doorashooyinka waxa uuna ka deyriyay in lafara geliyo dal xur ah oo madaxbannaan. 

Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo ku sheegay mid diyaar u ah doorasho hufan oo lagu qanci karo balse waxa uu rajo xumo ka qabaa in sidaas lala fahmi waayay oo madaxda Dowlad goboleedyada ku qanci waayeen sida ay Dowladda wax urabto. 

Farmaajo waxa uu ku adkeysanayaa in firaaq dastuuri ah aanu dalka geli doonin tusaale ayuuna ka dhigtay baarlamaanka oo uu xasuusiyay in waqti xileedkoodu dhamaaday 27-kii bishii December sanadkii hore. Hadalkan ayaa laga fahmi karaa in isagana uu sidoo kale xukunka sii haysan doono xitaa haddii aanu helin muddo kororsi rasmi ah.

Madaxweynuhu wuxuu ka baaqsaday hadallo suuqa ugu jiray oo ku saabsanaa inuu daneeynayo muddo kordhin, sababta uu golaha u codsadeyna ay tahay ajando waqti dheereysi ah. 

Qodobkaan waxaa la aaminsan yahay in Madaxweyne Farmaajo isaga daayay cadaadiska beesha caalamka darteed.