Kismaayo (Caasimada Online) - Maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in Col. Barre Aadan Shire “Hiiraale” lasoo gaarsiiyay hub aad u xoogan, isla markaana uu qorsheynayo in uu duulaan kusoo qaado qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka. Ismaaciil Maxamed Kheyre (Dhuxulow) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa sheegay in Col. Barre Hiiraale la soo gaarsiiyay hub ka yimid...
Abu-Dhabi (Caasimada Online) - Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa caawa ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo uu Gaas booqanayo. Kullanka ayaa yimid kadib markii Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ay guri uu ka degan yahay Abu-Dhabi ku booqday madaxweyne Shariif oo ahaa ninkii Gaas...
Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka yaabsaday oo si lama filaan ah ku tegay Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xaflad lagu taageereyey xildhibaan Dr. Cusmaan Maxmuud Dufle magacaabistii ka mid noqoshada musharaxiinta abaal marinta bilada Nabadda Caalamiga ah (Nobel Peace Prize) Xafladda ayaa waxaa soo abaabulay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka...
Faalo ku Saabsaan Maqaalkaan, Somalia: IGAD, UN, iyo EU waxay Banaanka Dhigeen Madaxwayne Xassan.Waxaa qoray MM Culusow. Maxamud M. Culusow wuxuu sheegay in Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaaalka Soomaaliya, JFS, Mudane Xassan Sh. Maxamud ay xilka ka tuureen IGAD (waa urur ay ku bahaysanyihiin 8 dal oo ku yaala Bariga Afrika oo qaabilsan dhanka horumarka), Qaramada Midoobay, QM iyo Midowga Yurub, MY. Madaxwayanaha...
Muqdisho (Caasimada Online) - Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soona dhoweynayoansixinta baarlamaanka ay ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta fadhi ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista ku sameenaya...
Muqdisho (Caasimada Online) - Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa is-casilaadda wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed Salah Annadif, oo shalay xilkiisa ka tagay, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay. Is casilaadiisa ayuu Annadif ugudbiyay ururka Midowga Afrika sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah waana laga aqbalay, waxaana la filaa inuu maanta qabto shir jaraa'id, oo uu...
Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maanta oo Khamiis ah heshiis ku gaaray dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Heshiiskan ayaa Soomaaliya waxay ku heli doontaa in ka badan 400 oo Milyan oo dollar taas oo la rabo in lagu horrumariyo Soomaaliya. Heshiiska dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana goobjoog ka...
Toronto(Caasimada Online) - Bogga Tv-ga CBS News ee ku yaala dalka Canada ayaa maanta lagu qoray warbixin ku saabsan in wiil uu adeer u yahay Ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku biiray Al-Qacidada ka dagaalanta wadamada Syria iyo Ciraaq. Warbixintaan waxaa lagu sheegay in wiilkaan oo magaciisa la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon oo muddo ku noolaa magaalada...
Nairobi (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda socdaal shaqo ay ku joogaan dalka Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah booqan doona xeryaha qoxootiga dalka Kenya. Wasiir ku xigeenka Prof Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo ka mid ah wafdiga la socda ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu maanta...
Marka (Caasimada Online) - Madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cismaan Cabdi Mardaadi ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubnaha wasiiradda maamulkiisa. Ilaa 7-wasiir ayuu magacaabay waxaana ku jirra guddoomiyaashii hore ee gobalka Banaadir, ee la shaqeenaayay Tarsan. Waxaa ka mid ah Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ahaa guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Mardaadi ayaa xusay in golaha wasiiradda maamulka Shabeelle State...
Muqdisho (Caasimada Online) - Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shalay lagu soo gebo gebeeyey wejigii koowaad kullan muddo u socda beelaha Hawiye, oo looga hadlayay aayaha beesha iyo qorshayaal ay damacsan tahay. Kullanka oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahanno iyo haweenka Beelaha Hawiye, ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii beesha la isugu xiri lahaa guud ahaan, ayna u sameysan lahayd...
Kismaayo (Caasimada Online) - Maamulka KMG ee Jubba ayaa shalay heshiis dhanka dhismaha dekedda magaalada Kismaayo la galay Shirkadda MSC Line ee laga leeyahay dalalka Khaliijka. Heshiiska shirkadda iyo maamulka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada,waxaana goobta ku sugna mas’uuliyin ka tirsan maamulka Jubba,xubnaha ugu sareeya rugta ganacsiga Jubboyinka ee JCCI iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda MSCLINE oo shalay soo gaaray...
Aabe Xaaji Xuseen Raage Maxamed Xaaji Xuseen Raage Aabe Maxamed Cabdi Yuusuf Gen. Cabdullahi Xaaji Caynte Hooyo Xaliimo Sacdiyo Xaaji Xasan Raxma Maxamed Cabdi (Ruuxi) Faaduma Cadar Maxamed Cabdi Ridwaan Maxamed Cabdi Xasan Maxamed Cabdi Ayeeyo Faadumo Xaaji Caynte Hooyo Xersiyo Aadan Nuur Adeer Bootaan Raage Boorre Caasho Xasan Xaaji Caynte Cumareeto Xasan Xaaji Caynte Abuukar Xaaji Xasan Caynte Xasan Fiidoow Boorre Cilmi Jimcaale Boorre Cabdulqaadir Xasan Xaaji (Qoorleex) Abti Maxamed Xaaji Xasan (Leebo) Adeer Ibraahim Raage Boorre Adeer...
Garoowe (Caasimada Online) - Puntland ayaa markii ugu horreeysey si rasmi ah sheegtey inay la-dagaallami doonto ciidamada Somaliland ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada deegaannada lagu murun san yahay ee Sool iyo Sanaag. Warkan waxaa shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Axmad Cilmi Cismaan (Axmad Karaasha) oo shalay booqdey deegaanka Tukaraq oo ay ku sugan-yihiin ciidamada Puntland, waxaana socdalka  ku waheliyey  wasiirka Beeraha...
Kismaayo (Caasimada Online) - Maleeshiyada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay si ula kac ah rasaas oodda kaga qaadeen guri uu Magaalada Kismaayo ku lee yahay ganacsade Xaaji Saciid Ciise, oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga garanaayo Magaalada Kismaayo.Maleeshiyada Jubba oo Isniintii Magaalada Kismaayo qaab beeleed ugula dagaalay maleeshiyada Beesha Majeerteen, ayaa waxaa la...
WASAARADDA SHAQADA MAXAY QABATAA? Waa su’aal aad u adag una baahan ka baaraan degid miisaaman lagana fiiriyo dhinac kasta oo ka mida howlaha loo igmaday wasaaradda.  Waa maxay shaqada wasiirka? Ma leeyahay tilmaan shaqo (job description) laga dheehan karo natiijada howlaha uu qabto? Ma laga rabaa oo waajibaadkiisa ma ka mid tahay shaqo aburid iyo shaqo raadin gudaha iyo dibadda...
Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku yaalo Wadooyin waaweyn oo leh Taariikhyo kala duwan kuwaas oo qof walba u yaqaano si yaabo kala duwan ee adiguna aqristoow sidee u taqanaa magacyada Wadooyinkaan caanka ah. Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa mid si weyn ku anfacaya in aad wax badan ka barato Magacyada Wadooyinka Muqdisho ee nala daawo Muuqaalkani Video-ga ah. HALKAAN...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nur (Saransoor) iyo Xildhibaano ayaa maanta booqasho ku tegey magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Bakool oo ka mid ah Gobolladda Shabellaha Dhexe iyo Bakool. Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jowhar...
Kismaayo (Caasimada Online) - Afhayeenka Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa saxaafadda u sheegay in ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo uu ka arrimiyo maamulka KMG ah ee Jubba. Cabdirashiid Macallin Gaas oo ah afhayeenka Barre Hiiraale ayaa sheegay in ciidankooda ay hadda ka ambabxeen Goobweyn kuna sii jeedaan magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in maalmahan soo socda ay la wareegi...
Muqdisho (Caasimada Online) - Dadkii ka qeyb galay doodii Universal TV uu qabtay dhowr habeen ka hor ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka mid ahaa Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Sheekh, ayaa si toos ah ula hadlaya una dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo su’aal adag weyndiinaya. Sheekh Nuur Baaruud, waxa uu madaxweyne Xasan indhaha ka saaray...

KENYA oo fadeexad weyn dhex joojineysa DF Somalia

Nairobi (Caasimada Online) - Dowladda Kenya ayaa maalmo kahor bilowday qorshe ay dowladda federaalka Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika. Kursigan...